Xoogsade

Nomads
  • Content Count

    2,115
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Xoogsade

  1. ^ Mele Said His troops will stay put in Somalia yesterday. That about buried any hope of peace somalis with influence could sign on to. Sheekh Shariif most likely can't attend the next meetings knowing the fact that his most important stated goal is already rejected by Zenawi. The key to peace is the Xabashis to leave. Shariif represents objectives held sacred to many and can not on his own make concessions. In the meantime, the war on the Xabashis continues unabated farcical shir or no farcical shir. Waa kuwaanaa ragga Soomaaliya Mustaqbalkeeda inshallah dajin doona. Ninkii ka xun caradiisa ha u dhinto. Mujaahidiinta Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday xerada Asluubta Ex-Control Afgoye Duleedka M/Muqdisho Beerdhiga 22.05.2008 19:32 Abaarihii 06:20 galabnimo ayay Xoogaga Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar culus oo ka fool ka fool ahi ku qaadeen fariisinka ay ciidamada gumeysiga Itoobiya ku leeyihiin Asluubta Ex-Control Afgoye Duleedka Magaalada Muqdisho oo mudo ka badan sanad aan wax weerar ahi lagu qaadin tan iyo intii ay soo dageen isla markaana ay yaaliin kayd badan oo hub iyo shidaal isugu jira. Afahaheenka Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) oo ay Beerdhiga la xiriirtay ayaa u xaqiijiyay in weerar ka fool ka fool ahi oo loo adeegsaday madaafiicda garbaha laga rido ee sabanadda, hubka kale ee sida daran dooriga u dhaca iyo qoryaha fududba ay ku qaadeen Xerada Asluubta oo ah fariisinka ugu weyn ee ay ciidamada gumeysiga Itoobiya ka deganyihiin Magaalada Muqdisho. Sarkaal Sarre oo aanu wax ka weydiinay khasaaraha ay soo gaarsiiyeen ciidamada gumeysiga Itoobiya ee fariisinka ku leh xerada Asluubta ayaa waxa uu yiri “ ilaahay (SW) khasaaro badan ayuu soo gaarsiiyay, dagaalkana waxa uu socday mudo 40 daqiiqo ah iyo waliba siyaado” sarkaalkaasi ayaa intaa ku daray “ koley culays badan waa jiraa meesha qiiq iyo gubasho waa ka jirtaa guud ahaan, waana lagu dhawaaday ama waa la galayba, koley gumeysiga culays badan waa gaaray”. Dagaalkan oo ahaa mid culus isla markaana socday in mudo ah ayaa dhawaqa madaafiic ay labada dhinac isweydaarsanayeen laga maqlayay degmooyin badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho. Mujaahidiinta ayaa la sheegayaa in ay ka soo weerareen xerada asluubta 3 jiho oo kala ah:- dhinaca wadada Xoosh Degmada Madiina, dhinaca Wadada Ex-Control iyo dhinaca deegaanak Garasbaaleey duleedka Magaalada Muqdisho. Intii dagaalku socday ayay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya waxa ay madaafiic aan loo meel dayin ku garaaceen qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegayaa in ay qaarkood ku dhaceen KM4, Saybiyaano iyo xaafada Afrikan Village ee Degmada Hodan. Ilo wareed lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in Madfac ka mid ah kuwa ay ciidamada gumeysiga Itoobiya u qeybinayeen Xaafadaha Muqdisho uu ku dhacay xaafada Afrikan Village isla markaana uu ku geeriyooday hal nin oo oday ah iyo gabar yar. Dhinaca kale websitka ku hadla afka Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu daabacay in Abaanduulaha ciidamada Mujaahidinta Al-Shabaab General Abu Suleym uu daboolka ka qaaday taaktikooyin cusub oo aan hore loo arag in ay ku soo biirinayaan fagaaraha dagaalka ee Soomaaliya General Abu Suleym ayaa ku sheegay taaktikooyin cusub in ay yihiin hab dagaallan Cusub iyo howlgallo fariid ah oo ay fulinayaan Bi Idnillaah buu yiri Mujaahidinta Al-Shabaab,iyadoona howlgalladaasi lagu dhameystiri doono ayuu yiri cadowga soo duulay iyo cawaantiisa maalmaha kooban ee u haray. www.Beerdhiga.com
  2. Prof Cabdi Ismaaciil Samatar Oo Ka War Bixiyey Rajadiisa Ku Aadan Natiijo Ka Soo Baxda Shirka Jabuti. Beerdhiga 23.05.2008 00:46 Bilowgii bishan May, waxaa Dalka Jabuti ka furmey shir uu garwadeen ka yahey wakiilka qaramada midow Soomaaliya ugu qaabilsan Axmdu Walad C/lle, kaas oo lagu dhex dhexaadinayo Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya iyo DKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya. Prrof Cabdi Ismaaciil Samatar oo caawa wereysi siiyey Idaacada Hornafrik ee Magaalada muqdisho, waxa uu ka waramey shirka jabuti, isaga oo ugu horeyn dhaliil u jeediyey Q.M oo uu ku tilmaamey mid aan markii hore soo dejin wax ajande ah oo shirka looga halo, waxa ayna ka aheyd in caalamka la tuso uun buu yiri in labada dhinac la isu geeyay oo keliya meel qura.Waxa uu sidoo kale intaa ku darey in ajandaha shirka uusan horey u diyaarsaneyn balse lagu dul diyaariyey wafuudii ka qeyb galeysay shirka, arintaas oo uu ku tilmaamey mid aan u hagar baxsaneyn xal ka gaarida xaalada Soomaaliya iyo wax soo baxaan, isaga oo si cad u sheegin in ayna waxba ka soo baxeynin shirka. Mar uu ka hadlayey fikirkiisa ku aadan ciidamada gumeysiga Itoobiya, iyo cidda ka danbeysa in ay soo galaan Dalka ayuu sheegay:”haddii ay dowladu sheeganeyso in ay iyadu keensatey, dadka Soomaaliyeed muu keensan, markaa waxa weeyaan, labo xaaraamood oo is keensadey waaye”,isaga oo waliba ugu baaqey dowlada KMG ah, in ay raacdo ciidamada Itoobiya maadaama sharciyad ka heysan shacabka Soomaaliyeed. Waxa dhanka kale ugu baaqey isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya, in ay shacabka Soomaaliyeed aaya hooda si gaar ah oo naxariis leh looga fikiro, iyada oo wadanka la xoreynaayo, isaga oo waliba Q.M ugu baaqey in ay daacad ka noqoto xalinta dhibaatooyinka Soomaaliya. Mar wax laga weydiiyey khilaafka la sheegay in uu ka dhex jiro Isbaheysiga Dib u xoreynta dhexdiisa ee ku aadan shirka Jabuuti, ayuu sheegay in uu si xog ogaal ah uga warhayo xaalada isbaheysiga, mab da’ ahaana ay si guud isugu raacsan yihiin sidii Ciidanka Itoobiya wadanka looga bixin lahaa, sidii wadanka xornimadiisa uu markale u heli lahaa iyo ugu danbeys la dhiso dowlad Soomaaliyeed oo dadka Soomaaliyeed dhistaan, balse, waxa uu dhanka kale ee DKMG ah uu sheegay in uu jiro khilaaf xogooda ah oo dhex yaala, isaga oo tusaale u soo qaatey in markii hore qorshaha shirka iyo xubnaha ay u soo dirsanayaan uu qaabilsanaa Nuur Cadde balse, xafiiska C/laahi Yuusuf laga soo magaacey rag uu ku sheegay in xitaa ayna u bisleyn oo diyaar u aheyn in wax xal ah la isla gaaro loo soo durey shirka oo uu ku sheegay ergo amar uun sidata ee aan gaari Karin wax xal ah. Isaga oo ka sii hadlaya khilaafka DKMG ah ee ku aadan shirka Jabuuti ayaa waxa uu tusaale kale u soo qaatey hadalki dhawaan ka soo yeeray Males Zanawi ee ahaa in ciidankiisu marna aanu kala baxeynin Dalka Soomaaliya, arintaas oo uu ku sheegay Prrof Cabdi Ismaacil Samater in ay tahey in wax walba gacanta ugu jiraan Males markii uu doono uu kala baxayo ciidankiisa Soomaaliya markii uu doonana dib ugu soo celinayo. Halad heynta bixitaanka ciidamada gumeysiga Itoobiya ee wiixi ka danbeeyay shirka Jabuti soo baxayey, fikirkiisa ku aadan isaga oo ka hadlaya, waxa uu sheegay in ciidamada Itoobiya marna diyaar u aheyn in ay ka baxaan Dalka Soomaaliya, marka loo eego hadaladii ugu danbeeyay ee ka soo baxey madaxda Dalka Itoobiya, isaga oo dhanka kale ee DKMG ah ku aadan go’aan ka qaadashooda bixitaanka ciidamada Itoobiya sheegay in ayna arintaas wax go’aan cad ah ka qaadan, Karin, sababna uga dhigey in ay aaminsan yihiin, wakhti dheere in ayna sii jiri doonin, oo dadkii hantdooda la dhacey ee la barakixiyey ay jiidhayaan. Isaga si toos ahna u sheegay in ayna jirin dowlad oo damaanada kaliya ee ay ku joogta wadanka tahey ciidamada Itoobiya haddi ay baxaan tahey in ay raacaan. Rajadiisa ku aadan shirka la isgu balan sanyahey Jabuti ee dabayaaqada Bishan dhici doono, ayuu ku sheegay, in ay ku xiran tahey natiijo ka dhalata shirka, sida marba qolyaha Q.M ula tacamulaan qeybha ka qeyb galaya shirka iyo inta ay leegtahey ka daacad ahaan shaha Q.M ee xalinta arimaha cakiran ee Soomaaliya. www.Beerdhiga.com
  3. Nin ku nabad galiyay oo kaa ootay xeradiisa wuu kuu dhaamaa mid islaanimo, soomalinimo iyo darisnimo kaa celin wayday oo dilkaada iyo baab'aaga ku faraxsan, for that fact, Northerner is dearer to someone from Muqdisho than someone from Puntland who supports A/Y would be. Maxaa beenta lagu falaayaa oo loo haystaa qof soomaali ah oo la safan walaalihii? northerner iyo dadka la midka ah did what Puntlanders who support the Xabashis and the TFG failed to do.
  4. North is sincere. He is not the only one who thinks the meetings(planned or held) are meaningless as long as the outcome doesn't address the impediments to peace the first of which is Ethiopian troop withdrawal. That is the deal breaker and what will determine the future(and current) events on the ground. The TFG without Ethiopian troop presence can't survive. Ethiopia's mission as stated countless times is to protect its men who represent her interests in Somalia. The TFG can't strip away the only protection they have in Muqdisho and in the country, they can't trust the guarantees given to them by their opposition, they need protection, these thugs are afflicted with the deep fear of their own shadows and trust nobody, they know they are criminals, hated and despised, so what is the solution? To let them be, submitt and disarm? or force change upon them for the greater good? What is the value of the TFG survival anyway?. Who needs ti to survive as they brought nothing but death and devastation? Their opposition are expected to not give them all they want, those who are paying their blood to see Ethiopia leave the country will not accept a deal short of seeing Ethiopia leaving the country. It is not important what xiin, bashi, or the supporters of A/Y think. What counts is what those whose words and actions have an impact on the ground say and they are demanding Ethiopia to leave for peace to come about.
  5. Ciidanka magaalada Qardho oo xalay soo qab qabtay dad ay ka mid ahaayeen Jamaaco Tabliiq ah Beerdhiga 21.05.2008 18:26 Xalay saqdii dhex ayay ciidamada amaanka ee magaalada Qardho waxa ay qab qabteen dhali yaro kala duwan oo qaar ka mid ahi ahaayeen jamaacada tabliiqa kuna sii jeeday magaalada Boosaaso halkaas oo uu ka dhacayo Ijtimaaca sanadlaha ah ee ka dhaca Masjid Addacwah. Dadka ay xalay soo qab qabteen ciidamada ayaa kala ahaa labo qeybood oo qeyb ka mid ahi ahayd Jamaacada tabliiqa halka kuwa kalena ay ahaayeen dhalin yaro kasoo safartay gobolaada Koonfureed ee dalka kuna sii jeeday Madaxa ciidamada magaalada Qardho oo lagu magacaabo Abshir Faarax Xasan ayaa xaqiijiyay dadka ay xalay soo qab qabteen ciidamadu waxaanu sheegay in dadka ay ciidamadu ganacta ku soo dhigeen looga shikisanaa falal amaan daro in ay maleegayeen. Sidoo kale waxa uu sarkaalkan sheegay in ay sii daayeen qaar ka mid ahaa dadkii ay ciidamadu soo qabteen oo uu ku sheegay in ay ahaayeen Jamaacada tabliiqa kuna sii jeeday magaalada Boosaso wuxuuna sheegay in baaritaanada ay ku sameyeen ay u sheegeen in ay u socdaan Ijitmaaca ka dhacaya Majiska Addacwah ee magaalada Boosaaso. Dhinaca kale qaar dadkaas ka mid ayuu sarkaalkaasi sheegay in ay wali baaritaano ku wadaan isla markaana ay u sheegeen in ay ka lala yimaadeen gobolada koonfureed ee dalka isla markaana ay ku socdaan magaalada Boosaaso is ay uga shaqeysteen halka qaar kalena ay sheegeen in ay ka yimaadeen magaalada Gaalkayo ayna soo booqanayaan qaar ka mid ah eheladooda oo halkaa ku sugan. Ilaa iyo hadda ma jiraan war dheeri ah oo ka soo baxay dhinaca ciidamada waxaana sidoo kale socda dadaalo ay wadaan qaar ka mid ah wax garadka magaalada oo isku howlay inay ogaadaan xirnaanshaha dadkii ay xalay ciidamadu qabteen. Ma cada ilaa iyo hadda wax ka dambeeyay dadkan ay xalay soo qab qabteen ciidamada amaanka ee magaalada qardho waxaana loo maleynayaa in ay ka qeyb tahay howlgalo amaanka lagu xoojinayo oo bilowgii bishan ka bilowday qaar ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee Puntland. Ma ahan markii ugu horeysay ee ay ciidamada Puntland qab qabtaan dad looga shikiyo in ay abuurayaan falal amaan daro, waxaana magaalooyinka waa wayn sida Boosaaso Gaalkacyo iyo Garoowe ku soo badanayay falal ka dhan ah amaanka. Dhinaca kale waxaa maalintii 9 ku xiran xabsi ku yaalada dekadda magaalada Boosaaso 5 nin oo ay ciidamada kooxda Ashahaado la dirirka ee P.I.S loo yaqaano ka qabteen Madaarka guud ee magaalada xiligaa oo ay ku soo wajahnaayeen magaalada ilaa iyo haddana ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka P.land oo ku aadan xirnaanshada 5-taas nin. www.Beerdhiga.com
  6. Ciidankii Ugu Badnaa Oo Itoobiyaan Ah Oo Maanta Soo Gaadhay Deegaanka Buuhoodle Iyo Meelo Kale Beerdhiga 21.05.2008 22:57 Waxaa Maanta Magaalada Buuhoodle soo gaadhay Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubaysan Hubka noocyadiisa kala duwan, Ciidankan oo lagu qiyaasay in ka badan ilaa 300 OO askari oo aad u hubaysan, ayaa fadhiisin ka samaystay dhinaca Koonfureed ee Duleedka magaalada Buuhoodle halkaas oo uu maro Xuduud beenaadkii Gumaysigu u sameeyey Dhulka Soomaali Galbeed ee ay ka taliso Xukuuumadda Itoobiya. Ciidankan oo ilaa maanta magaalada u dhex marayey si Raabo raabo ah, aadna u indha indhaynaya Xaalada Magaaladda Buuhoodle iyo Deeganada ku xeeran ayaan la garanayan Ujeedada dhabta ah ee ka danbeysa Imaanshahoodan , wallow aanay ahayn markii ugu horeysey ee ay yimaadaan Magaalada Buuhoodle, hadana Ciidankan oo ahaa ciidankii ugu badnaa ee ay ku yimaadeen Ciiddamada Itoobiya deegaankan tan intii ay Maxakamada Islaamiga Gacan ku hayntooda ay ka baxday inta badan koonfurta Somaliya. Ciidankani waxay manta badeecado kala duwan ka iibsadeen Ganacsato ka tirsan magaalada Buuhoodle iyagoo la soo sheegay inay dadka ku khasbayeen in la qaato lacagta birta itoobiya. Imaanshahan Ciidanka Itoobiyaanka ah ayaa dadka Reer Buuhooodle ku abuuray Cabsi iyo Welwel ka dhashay ciidankan xooga leh ee dhex maraya magaalada kuwaaso weli aanay cadayn sababaha dhabta ah ee ay u socdeen iyo talaabooyinka ay qaadi doonaan ciidamadaasi. Ciidamadan la soo dhoobay xadka ayaa dadka qaar waxay u arkaan inay wax ka og yihiin maamulada Somaliland iyo Puntland,kuwaas oo mas’uuliyiinta maamuladiisa ka cabsiqaba in kursiga ay ku fadhiyaan oo wakhtigoodii dhamaaday loogu yimaado,kadibna ay yimaadaan rabshado,sidaas awgeedna ciidamada Itoobiya ay ka sooo gaadhaan Waxaa jira shaki weyn oo umada Soomaaliyeed ka qabaan in ujeedada Itoobiya ay tahay sidii ay guud ahaanba wadanka Soomaalida gacanta ugu dhigi lahayd,waxaana dad badan oo Soomaali ah si sahlan loo siinayaa baasaboorada itoobiyaanka oo berigii hore lagu dhibi jirey hadase si sahlan qofkii soo doontaba loo siinayo,oo waxaa badanaa dadku sitaa baasaboorka Itoobiya,meesha lacagta birta ee Itoobiya si caadi ah wax looga iibsado suuqyada magaalooyinka Soomaalida,oo wakhti dhow ay bedeli doonto shilin soomaaliga. Dhinaca kale Magaalada Baligubadle oo ka tirsan magaalooyinka ku teedsan Xaduud beenaadka ayaa manta ay soo gaadheen Ciidamo itoobiyaan ah oo aad u fara badan kuwaasoo la sheegay inay baadhitaano ku sameeyeen qaybo ka mida magaalada, iyagoo markiiba Gooyey isgadhsiinta magaalada si aan looga war helin talaabooyinka ay qaadayaan Deegaamadaas. Ilaa iyo hadda majiraan wax war ah oo ka soo baxay maamulka Somaliland oo kusaabsan ciidanka Itoobiyaanka ah ee isku gedaamay in badan oo ka mida ah deegaanada uu sheegto Maamulka S/land ee kulaalaya xuduud beenaadka ay ka taliso xukuumada Itoobiya www.Beerdhiga.com
  7. Originally posted by HornAfrique: quote:Originally posted by Xoogsade: If Horn's last report is the latest on the ground, I guess I have no reason to be Euphoric. Waa dadaan meelna raacsanayn oo dantooda/dakhligooda ilaashada barre and his boys. Xoog, adeer Xamar baa gantaal Xabashi gubay ee Kismaayo miyaad sidaa la jeclaan lahayd? Maxay faa'iido u tahay aanan ka ahayn barakac iyo xasuuq shacbi ku jiraane kuwii kasoo cararay Xamar? Good point bro. My view is that if the powers that be failed to deliver what people need, an alternative should be welcome. Dadka magaalada hadday ku qanacsan yihiin xukunka meesha ka jira, fine with me. That is all saxib.
  8. Xiin, waa runtaa saxib, that is always a real concern, we don't want to present Ethiopia with the excuses to occupy a town. But I also think that if Ethiopians know they have no allies in a town, they are never quick to come occupy it. Kismayo is a bit too far for Ethiopia's reach lately considering how bogged down their troops are in almost every where else in the south. Jidgooyo badanna waa lagu sameeyaa, their troop movements are limited and when they want to go to a town, they prefer covering the distance on foot rather than risk being burned in army trucks. Even with that mode of travel, they get attacked. The US is always the force that tips the balance, but the key to the Ethiopian success regardless of US's logistical and areal support largely depended, depends and will depend on Somali groups weakening the ranks of their fellow citizens. If Horn's last report is the latest on the ground, I guess I have no reason to be Euphoric. Waa dadaan meelna raacsanayn oo dantooda/dakhligooda ilaashada barre and his boys.
  9. I always believed Horn's kinsmen can help the movement in a way no other clan in the south can. They are well positioned. Kudos to them if they Unite and decide to join the ranks of the freedom fighters. Great number of them always out of their own volition participated in advancing the islamic cause, haddana haddii intooda kalee TFGda kadaba wareegi jirtay iyo xabashida soo xarooto, it is a big victory for somalis who want to see Ethiopia leave Somalia. With regards to Xiin's comment of the two shariif's efforts being the better way, I think TFG and Ethiopia would have no incentive in rewarding toothless negotiators with anything substantial, so the developments on the ground in actuality strengthen the drive for peace and the TFG might negotiate on good faith once they realize they have lost it. This helps Sheekh shariif or anyone else who wants to bring conflicts with Ethiopia to an end. It gives them a better leverage.
  10. Emperor, You would support clan militia from Puntland with Ethiopian troops on their way to kismayo. You would defend such invasion under the premise that it is a government taking the city back. Am I wrong in that assessment? You took similar position back when Afguduud was intent on going back to Kismayo. Besides, there is nothing wrong with Barre Hiiraale or other allies of Ethiopia changing their mind if they do and join Anti-Ethiopian forces. A/Y would be wise to realize the benefit of Ethiopian troops leaving the country. I don't see that happening but there would be nothing wrong with change of hearts. The mission is to get Ethiopia out of Somalia and eliminate or reduce their influence to nothing. Ethiopia is why we can't have peace. Their presence emboldens the warlords and gives them the incentive to reject peace while their opposition can't make concession with their presence. Ethiopia needs to get out, its influence needs to die quickly so we can have peace. PS: Some websites report the powers that be in kismayo are already on their way to Kamsuuma and Jilib.
  11. Originally posted by Emperor: Xoogsade iyo Abu-geelka goormee isku dhici doonaan iyagana? Of course, Khilaaf wuu iman maray ahaataba, there is no utopian thinking saxib among the supporters of free somalia, we all maintain our freedom of thought but have common goals. I think inuu maalin i dhahay Abu-Geeljire "hadallada qaarkood khilaafuu keenaa ee naga dhaaf", my reply was the usual "Who cares about A/Y supporters and what they think" LOL. That was the closest we got to disagreeing verbally. I have tremendous respect for the brother. He is better than I am 150%. Aniga qorigayga waa ii cabbaysan yahay markasto, I shoot first sometimes and then ask questions later, unwise of course isaga laakiin waa cool in demeanor.
  12. Very good points Horn, Isse and Abu-Geeljire. May Allah help the good among somalis make the best decisions and win. Horn Waa runtaa saxib, the name Qaybdiid alone evokes images of gory scenes and blood soaked dead women in Bakara market. His involvement in the civil war speaks for itself. Only man at bar with him and exceeding is A/Y who happen to be from the same region as Qaybdiid is. They even look like blood brothers when you look at their faces. With that said, You would agree that a man who claims leadership is always accountable for what happens under his leadership. That is why Barre needs to account for the misery of many in kismayo. We should dismiss any claim based on clan sentiment such as annagaa kismayo leh and other bs, the town belongs to all somalis and no one has exclusive right to it, but somalis with legitimate claim who suffered insecurity, robbery and other issues require our moral support. Everyone should have equal comfort in living there. I read from websites and heard leading members of the courts on radio programs say nothing but good about Barre hiiraale right before the Court's invasion of Kismayo. Indhacadde is who I think upset most people who would have been on board with the courts had he not offended people's sensibilities by picking on Barre Hiiraale. Anyway bro, I pray for your elders to bring a quick solution and prevent unwanted war between somalis in the Jubba Valley. We need Allies and those who are causing trouble in town should be stripped of opportunities to invite conflict. Islamic Sharia laws should be imposed the soonest and capable men who can bring peace and stability to the town should lead the city. It doesn't matter who these men are in my book, just men with credibility who secure the town for the common folk. Waad la socotaa dhibka ka jiro meesha maal mahaan dambe. The youth can help secure the town they should be invited Thanks for your input and support for the youth saxib.
  13. Horn The site is acting saxib, so I must say your support for the youth is welcome, it is noble, good for you and redeeming. Just make sure once they get into conflict with your first favourite, you continue supporting them bro
  14. You missed this part bro PS: Horn, if I add to my previous comment, Qofka hadduu xumaan jiray laakiinse uu go'aan wanaagsan qaato maanta, xumaantiisii hore isaga iyo ilaahay yay ka dhexeysaa bro, and for that, I would even have a positive view about A/Y, Barre Hiiraale, Dheere should they all denounce their past and present condcut, their slavish support for the Xabashis and say they were mistaken. I would let them and other somalis who oppose them battle it out. I have never sided with one group of somalis when Somali wars were purely clan driven. Also, If I thought like you, I would have switched my support from the courts when they attacked and disarmed the clan militia who share family lineage with me in Muqdisho. Adiga you accused and still accuse the courts because they forced Hiiraale to abandon Kismaayo despite the courts having on their side men of your own blood. They were not motivated by clan.
  15. And LOL@waa lays xaniinyo taabtay, booto, waxaad haysaan soo daaya saxib LOOL. PS: Horn, if I add to my previous comment, Qofka hadduu xumaan jiray laakiinse uu go'aan wanaagsan qaato maanta, xumaantiisii hore isaga iyo ilaahay yay ka dhexeysaa bro, and for that, I would even have a positive view about A/Y, Barre Hiiraale, Dheere should they all denounce their past and present condcut, their slavish support for the Xabashis and say they were mistaken. I would let them and other somalis who oppose them battle it out. I have never sided with one group of somalis when Somali wars were purely clan driven. Also, If I thought like you, I would have switched my support from the courts when they atacked and disarmed the clan militia who share family lienage with me in Muqdisho. Adiga you accused and still accuse the coruts because they forced Hiiraale to abandon Kismaayo despite the courts having on their side men of your own blood.
  16. Originally posted by HornAfrique: As much as I would like the specific group I am from to support the liberation of the nation from the Ethiopian forces who have seized with impunity sections of it, I cannot help but be turned off by the tribalistic motives that become apparent after the veneers are pealed off every often. U baroor jeclidaa in Kismaayo iyo meela aan Xabashi joogin shacab ku le'daan. I caution you to use your sources well. During the Afgaduud events of yesterday, Kismaayonews was one of Duke's favorite sources and the disappointment is apparent. The militia in Kismaayo has already left that city heading towards the areas taken by the invading forces and have told them to leave, do not see them as enemies, but if they do not will be forced to. Ilaahay meesha ha nabdeeye, balse anigu waxay ila tahay in lays xiniinyo taabto, rag is xiniinyo taabtayne alaa kala qaban karo. The good fellas of your clansmen are leading and in cahoots with the armed religious knights almost always, why are you so blind? You find two cousins in opposite lines here saxib, adiga midka dadka dhacaayo yaa kuu matala qabiilka, what about the good cousin of yours? Isn't he worth your unmolested support? Can you deny the fact that a good junk of your clansmen are always on the side of the courts? Dhuuso boys in Kistaa should hand over the reign of the city to their religious cousins to save the town from unnecessary violence Time is up bro for the lawless men in town. PS:This time other sources also report the same events saxib, it is not only Kismaayonews. Sheekada waa mutawaatir lol. Edited.
  17. Btw, Sheekada maanta soomaalida ku dhacday iyo qaab daridooda Sayid Maxamed Cabdulle Xasan waqtigiisii way dhacday, gaaladoo laba daba ordo, ciidan oo loo noqdo, cadawgoo loo kala dhuunto, xataa xabashida qaar baa lasoo duuli jiray si qabiil colaad ka dhaxayso xoolaha looga dhaco. Below is some of what the sayid had said: Waa duni safkii laga baxoo; Gaal la saacidiye! Waa dunida saab ferenji iyo; Saaxil loo kiciye! Waa duni la saacidi kufriga; Saaxir kuu colehe! Waa duni sifaalaha la fali; Laga sujuudaaye! Waa duni sun loo shubi ninkii Kuu sadiiq noqone! Waa duni sirgaxanoo Iblays; Saababkaw rogaye! Allahayow subxaan qaadirow; Naga salaamayso! Gabayga waxaa la Dhahaa "Waa Duni"
  18. Juje paesano, good to see you around bro, halagu arko nooh saxib mar mar Take care bro.
  19. These guys lahjadooda aan ka helaa iyo siday ugu jajaban yihiin xornimada soomaalida, nacaybka ay u qabaaan caada qaate oo dhan, I have never read a single article on their web page inwhich they question the wisdom of fighting for Somalia's Dignity and the survival of its people. This article below gives much information about what happened in Jilib and how it happened, what is rumoured to be next for the Jubba Courts. It was written before Alshabaab went to Kamsuuma. Bottom line, question is is Kismayo Cadey Next? Kismayonews.com:(Sabti).Ciidamo boqolaal gaarayo oo dhawaan tabobar ciidan loogu soo xirey meel aan jilib ka fogeyn ayaa howlgalkii ugu horeeyey ee abni sugid ah waxa eey kula warageen amaanka magaalada Jillib oo foodo iyo qas uu ka jirrey billihii lasoo dhaafay, iyadoo dhanka kale digniin culus shalayto loo direy kooxaha ********ta ee magaalada Kismaayo ku sugan ee isbaarooyinka xaddhaafka magaalada dhexdeeda dhigtey, waxaana maanta Kismaayo ka dhacay shaqaaqoyin eey dad ku dhinteen. ______********TA KISMAAYO OO LOO MAALMO TIRINAYO. Sida aan Arbacadii dhaweyn halkan ka faafinay, waxaa jirey ciidamo 500 boqol gaarayay oo tabobar maalin kahor loogu soo gabogabeeyey meel ka tirsan gobolka, kuwaas oo loogu tallo galay sugida amaanka shacabka jubbooyinka ee ********ta qoriga caraadiisa kula tagtay, sida warbixinteena ku xusneyd waxaa jirra abaanduule cusub oo ah nin dhalinyaro ah, kaas oo loo magacaabay ciidamada Maxaakiimta islaamiga ee gobolada Jubooyinka ka howlgala, waxaanan sheegney in xilli dhow eey ciidamadaasi ka howlgali doonaan magaalooyinka qasan ee Jubbooyinka ka tirsan. Waxay u muuqataa in arrintasi laga dhabeeyey iyadoo xittaa todobad eeysan kasoo wareegin, maanta iyagoo aad u hubeysan, lugna ku jooga ayay ku waabariisteen degmada Jillib oo eey afduub ku heysteen ******** shacabka xaaxda ka mariyey, dagaal qadar daqiiqado socday ayay la galeen ********tii ma quusteyaasha ahaa ee meesha joogey, sida la sheegey 3 qof oo inta baddan dhanka ********ta ah ayaa ku geeriyootey, halka dhowr kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo hadda lagu dabiibayo isbitaalka eey MSF maamusho ee tuulada Mareerey. Saacado kadibna waxay magaalada u gacan gashay si buuxda ciidamadaasi amaanka suganaya, waxay dadka deegaanka ku qancisey talaabadaasi in eey guryahooda kusoo laabtaan, halka markii hore eey ka barakaceen iyagoo moodayay in ciidamo beeleed eey yihiin waxa magaalada soo weeraray. Magaalada ayaa haatan xasiloon, waxaana jirta in wax kasta eey caadi yihiin. Dhanka kale magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose ayaa waxaa u galaya todobaadkii afraad oo qalalaase iyo mashaqo eey ka taagantahay, waxaa samaynaya rabshadaha ********ta magaalada ku xidideysatay ee iyaguna ma quuste yaasha ah, waxay maanta iyo maalmihii lasoo dhaafay kalifeen in eey is hortaagaan noloshii dadweynaha caadiga ah, waxay isbaarooyin bilqan ah dhigteen dhamaan isgoysyada wadooyinka magaalada, waxa eey xirreen wadadii ka imanaysay dekeda, waxa eey xittaa isbaaro dhigteen illinka isbitaalka weyn ee magaalada, oo xittaa gawaarida dhaawac iyo bukaanka wada eey lacago baad ah ka qaadayeen, maantana isla meeshaasi ayuu iska horimaad ka dhacay kaas oo dhimasho iyo dhaawcba uu ka dhashay. Maamulka magaalada oo markani eey tallo ku cadaatay ayaa samaynaya wax u muuqda dadaalkii ugu dambeeyey oo si rajo dhig ah eey u wajahayaan qalalaasaha amaanka magaalada ka taagan, si ugu yaraan eey u muujiyaan jawi marmarsiimo u noqota in ciidamad maxcaakiimta eeysan magaalada kusoo galin iyagoo ku doodayo amaanka ayaan sugeynaa taasoo ah wax jirra. Sida uu kusoo waramayo wariyaheena Kismaayo Barre Bullaale oo shalayto ka qeybgalay mid ka mid ah qudbooyinkii jimcaha masaajida magaalada , waxaa jirrey in culumada magaalada eey markani gaareen heer eey sii fiirsan waayaan waxa magaalada ka dhacay, oo eey danta ku qasabto in eey talaabo ku haboon ka qaadaan ******** diiratada ah, culumada ayaa inta baddan qudbooyinkooda ku sheegey in haddii 24 saac gudahood lagu qaadi waayo isbaarooyinka magaalada yaala in eey iyagu talaabo ku haboon ka qaadi doonaan ********ta ma naxayaasha ah ee caleenta raamsanaya. Tani waa digniintii ugu cusleed e ay fishaan ********ta iyo madaxdooda aay markani amar diideynayaan, balse aan wax badan iyagu dhaamin. Marka aad hanjabaadaasi culumada eegto, isla markaasina aad barbardhigto waxa maanta Jillib ka dhacay, waxaad halkaasi ka arakaysaa in maalmihii ********ta Kismaayo ku mushaaxi lahayd, eey markani tirsanyihiin, kaba sii darane eey sheekadu maalmo dhaaftay, oo markani saacado tirsi eey gaartay, waliba 24 saac oo markani gabogabo ah. Haddii aan sawir kale ka bixino sida eey wax u jiraan, ma ahan oo kaliya magaalooyinka eey maxaakiimtu qabsadeen ama ku wajanyihiin Kismaayo iyi Jillib, shalayto magaalada Baardhaare waxaa irdaha loo laabay dhamaan shaneemooyinkii magaalada, kadib markii fariimo maxaakiimta ka yimid loo geeyey, waxaad maanka ku heysaa in magaalada Buurdhuubo oo Gedo ka tirsan eey maxaakiimtu gacantu ku hayaan, gobolka Bay oo daris la ah, waa inagii dhawaan halkan ka sheegney in magaalada Baydhabo oo kaliya ey ka harsantahay oo la wada qabsaday intiisii kale, xasuusnoow magaalooyinka Saakow iyo Kudhaa waxaa ka jira maxkamado islaami ah oo diinta islaamka wax lagu maamulo. Marka waxaasi oo dhan la’isu wada geeyo, maxaa halkaasi kaaga soo baxaya?. Dabcan jawaabtu waa doqoni garatay iskaba dhaaf duul garaad lehe. Gebi ahaanba soo guud maroo, haddii eey wax walbo u dhacaan sida loo qorsheeyey, Kismaayana eey maxaakiimtu gacanta ku dhigto, waxaa meesha ku dhicisoobaya qorshahii Barre Hiiraale iyo kooxdiisa (ASXAABUL KAHFIGA), ee ahaa in la sameeyo maamul Jubbaland la magac baxay, waxaanan arki Doonaa Barre iyo Kooxdiisa oo Godey ciidamo xabashidu loogu aruurinayo, waaba haddii eey gulufkani ka baxsadaane. FG: Xuuraan Iyo Xanta Suuqa waa barnaamij taxliil iyo lafo gur ah oo aan ku eegno arrimaha ugu waawey ee maalintaasi dalka ka jirra, waana barnaamij faalo qorayaal arrimaha ku xeeldheer eey soo diyaariyaan, waqti baddan iyo baaritaan dheerna loo galo. Faafin:Kismaayonews.com
  20. Dharbaaxada Jilib ay Maxaakiimtu ku qabsadeen, yaa ku quusqaadanaya, Xaggeese ku xigi karta! Ciidamada illaahay dartiis u raran ee guryahoodii iyo reerahoodii uga haajirey iney Tigree iyo waxii la halmaala ayaa maanta gacan kulul ku qabtey Dabadhoonkii kusugnaa magaalada Jilib kadib markii dadweynaha deegaankaasi muddo kacodsadeen in maxaakiimtu ka badbaadiyaan ********ta. Digniino badan ciidamada Maxaakiimta garabkooda jubbooyinka ayaa hadhkoo cad(Xalaal Iftiin Baa La qashaa!) ku qaadey weerar dhawr gees ahaa isla markaana Afarta dhinac ALLAAHU AKBAR kaga dhawaaqey xeryihii ********ta dhibka umadda ku dharga kuna raaxeysta. Magaalada Jilib oo ah magaalo ku taalla gobolka Jubbada dhexe ayaa waxey ku taallaa meelaha ugu haboon jidka dheer ee isku xidha Kismaayo iyo Xamar. Arintan ayaa khalkhal iyo walbahaar ku noqoneysa maleeshiyaadka kusugan magaalada Kismaayo kuwaasoo iyagu baryahan danbe caadeystey iney dadka shacabka ah dhibaateeyaan. Mase sii socon doontaa? Dharbaaxadan oo ah middii labaad ee garabka Maxaakiimta Jubooyinku ku dhuftaan maleeshiyaadka wax booba, waxay cashir iyo caqli celin u tahay maleeshiyaad badan oo shacabka iyo masaakiinta ku dhiba safarada iyo magaalooyinka. Magaalada Kismaayo ayaa hadda u muuqata mid afarta dhinac ay ka joogaan ciidamada Maxaakiimtu iyadoo laga yaabo hadii maleeshiyaadku ay sii wadaan dhibka iyo cadaadiska shacabka in lagu waabariisto. KismaayoNews.com
  21. Mujaahidiinta Al-Shabaab Oo Saaka La Hadley Dadka Ku Dhaqan Xarardheere. Beerdhiga 18.05.2008 17:20 Xoogag ka tirsan Mujaahidiinta Al-Shabaab, oo gaarey deegaanka Xarar Dheere ee Gobolka Mudug ayaa dadweynaha deegaanka saaka meel fagaare ah uga khudbeeyey,waxa ayna kala Hadleen arimo ku saabsan amaanka deegaanka. Xoogaga Mujaahidiinta al-shabaab ee saaka Xaradheere dadka deeganka ugu khudbeeyay, ee xaley halkaa gaarey iyaga oo wata gaadiid aan aheyn kan dagaalka, ayaa dadka deegaanka u sheegay in ay muhiim tahey in amaanka guud ee deegankaas kala qeyb taataan sidii loo hor marin lahaa,. Waxa ay sidoo kale Xoogaga Mujaahidiintu dadka u sheegeen in ay sidoo kale muhiin tahey in kooxa burcad badeeda ah laga hor tago, iyaga oo hanjabaad kulul u jeediyey kooxahaas uguna baaqey in ay ka waantoobaan howlaha ay ku guda jiraan. Kooxaha burcad badeeda, ayaa Xoogaga Mujaahidiinta Al-Shabaab waxa ay ku eedeyeen in qeyb Muhiim ah ka qaateen sicir bararka baahsan ee ka taagan wadanka, iyaga oo bay yiraahdeen xanibey in badan oo ka mid ah badeecadihii imaan lahaa wadanka cabsi ay iyaga ka qabaan. Dhanka waxa ay dadka deegaanka ugu baaqeen in ay joojiyaan taageerada dhinac walba leh ee ay u fidiyaan kooxahaas, iyaga oo ugu baaqey haddii arimahaas ayna joojin in ay talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan cid walba oo xariir la leh kooxahah bur cad badeeda. www.Beerdhiga.com
  22. Mujaahidiinta Al-Shabaab oo la wareegay deegaanka Kabsuuma Gobolka Jubadda Hoose Beerdhiga 18.05.2008 10:52 Xalay fiidkii ayay Mujaahidiinta Al-Shabaab la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Kabsuuma oo 90km dhinaca waqooyi ka jirta Magaalada kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda Hoose, sida uu Shabakadda Beerdhiga u xaqiijiyay Afahayeenka Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Rooboow (Abuu Mansuur) Mujaahidiinta ayaa la wareegay deegaanka iyada oo aysan ka dhicin wax dagaal ah isla markaana ay Maleeshiyaadkii joogay u baxsadeen dhinaca deegaanka Buulo-Guduud oo 30 km u jirta Magaalada kismaayo. Si rasmi ah looma sheegi karo illaa iyo hadda in ay mujaahidiintu sii joogayaan deegaankaasi iyo in ay meelo kale uga sii gudbin doonaan. Ilo wareed lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in ciidamada ku sugan Magaalada kismaayo ay wadaan saaka Abaabulo ciidan oo aan la garanayn ujeedadooda rasmiga ah. Deegaanka kabsuuma ayaa la sheegayaa in ay horey u joogeen Maleeshiyo beeleedyo kuwaas oo isaga cararay ka dib markii ay ka warheleen in xoogaga Mujaahidiintu ay ku soo fool leeyihiin. Shalay ayay ahayd markii ay Mujaahidiinta MMIS dagaal mudo socday ka dib kula wareegeen gacan ku haynta Magaalada Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe. Mujaahidiinta Soomaaliyeed ayaa u muuqda kuwo xiligani awooda saaraya qabsashadda gobolada Dalka Soomaaliya iyo waliba in ay dhexda u galaan ciidamada gumeysiga Itoobiya ee isaga kala gooshaya gobolada Dalka. www.Beerdhiga.com
  23. Xoogaga Mujaahidiinta JABISO iyo MMIS oo weerar xoogan Saaka kula beegsadey Ciidanka gumeysiga Itoobiya deegaanka Yaaqbariweyne. Beerdhiga 18.05.2008 15:50 Dagaal xoogan oo socdey muddo 2 Saac ah, ayaa xoogag Mujaahidiinta Soomaaliyeed ee JABISO iyo MMIS oo is kaashanyaan, waxa ay la beegsadeen ciidamada gumeysiga Itoobiya ka dib markii ay dhabo gal adag ugu galeeen inta u dhaxeysa Yaaqbariweyne iyo degmada Wallaweyne ee Gobolka Shabeelada Hoose, waxa ayna ciidamadan weerarka lala beegsadey ka soo dhaqaaqeen saaka deegaanka Yaaqbariweyne. Ciidanka gumeysiga Itoobiya ee weerarka gaadmada ah Xoogaga Mujaahidiinta Soomalaiyeed la beegsadeen Saaka, ayaa waxa ay ahaayeen kuwo ka kala tegay degmada Afgooye iyo xarunta Gobolka bay ee Baydhabo, waxaana wararku sheegayaan in gaadiidka ay wateen Ciidanka gumeysiga uu gaarayey 23 Ural. Dagaalka Saaka dhex marey Xoogaga Mujaahidiinta Soomalaiyeed Jabiso iyo MMI Soomaaliyeed oo dhinac iyo Ciidanka gumeysiga Itoobiya ee saaka ka dhacey inta u dhaxeysa Yaaqbariweyne iyo Wallaweyn, ayaa ahaa mid xoogan oo la isu adeegsadey hubka noocyadiisa kala duwan, waxa ayna ku warameen qaar ka mid ah dadka Reermiyiga ee halkaa ka ag dhawaa in ay arkayeen Uurooyin xoogan oo cirka isku shareerey iyo maqalka hubka cul culus oo si xoogan u dhacayey. Wararka sidoo kale laga helayo degmada Wallaweyn waxa ay sheegayaan in ciidaanka gumeysiga Itoobiya oo lugeynaya iyo gaadiidkooda oo qaarkii wax ka gaareen ay jiidanayaan dhex mareen Magaalada, iyada oo wararku intaa ku dareen in la arkayey gaadiidka qaarkood oo Shiraacyo ku ded naayeen oo faleebooyina ka laa laadeen jenbiyada Gaadiidka la arkayey. Dagaalka oo ahaa mid aad culus ayaan ilaa iyo hadda si rasmi ah loo sheegi Karin tiro koob ahaan inta uu leeg yahey khasaaraha ka soo gaarey Ciidanka gumeysiga Itoobiya, marka laga reebo gaadiidka Ciidanka gumeysiga Itoobiya jiidanayeen ee soo dhex marey Wallaweyne iyo gaadiidka kale oo shiraac ku dadnaayeen oo aan si rasmi ah loo ogaan Karin tiro ahaan Ciidanka saaran ee wax soo gaareen. Dhanka kale Ciidanka gumeysiga Itoobiya goobtii uu dagaalku ku qab sadey saaka waxa ay ku dileen inta la ogsoon yahey 2 Qof oo rayid ah oo saarnaa gaari Xaajiyad ah oo xilligaas halkaas marayey. ciidanka gumeysiga Itoobiya ee ka soo baxey Baydhabo, ayaa wararka laga helayo Baydhabo waxa ay sheegayaan in ay halkaa uga soo baxeen lug, iyada oo Ciidanka kale ee ka tegay afgooyena ahaayeen ciidamo loogu talo galey in ay soo gelbiyaan xaleyna ku wada hoydey deegaanka Yaaqbariweyen, balse saaka markii ay halkaa ka soo dhaqaaqeen, Xoogag ka tirsan mujaahidiintaa Soomaaliyeed ee Jabiso iyo MMI Soomaaliyeed u galeen dhaba xoogan oo u geystey Ciidanka gumeysiga khasaarooyin badan oo naf iyo maalba leh. www.Beerdhiga.com
  24. The odds against peace are staggering Sis Bisharo. The minds don't meet if each group is taken at face value and based on what their spoken word has been. I doubt any back deals will be made by Sheekh Shariif, which then leaves us with a reality ever so brutal, no peace. The TFG is fearful knowing the horrendous attrocities hey have committed, mistrustful, unyielding to a change that undermines their grip on power, they know their days are numbered without protection, on their opposite you have men demanding and expected to demand an end to the status quo starting with the Ethiopians leaving us and the country alone so we can move forward. The credibility of the TFG opposition(Sheekh Shariif and co actually depends on making that demand, and the sheekh expressed his willingness to just do that). Some wish away or minimalize the Xabashi role as if they are not the Elephant in the room responsible for this conflict. But that is just a wish as useless as anything useless you can think of. At best, a timetable for the Xabashi withdrawal will be announced if the outcome of the meeting must be resppected. Before any neutral replacement troops come, the war will/might continue undoubtedly. I can just go on and on about the potential for failure which starts with the existence of the TFG itself nacaladda. I shall come back in few days, or weeks hopefully. I would like to see xiin give a definitive position then and how he can continue thinking peace is possible if the meetings fail again. That would be interesting.