Positive

Nomads
  • Content Count

    332
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Positive

  1. Waad mahadsan tahay sayidka. Haddaba gunaanad iyo gebagebo haddaan ugu noqdo sheeko xariirada soomaalida iyo hayb-sooca Xange, Qalanjo iyo Huriwaa waxay ku biireen beeshii Bahweynta Soomaaliyeed; sida uu dhigayey dhaqanka Bahweyntuna waxay kala hareen abtirsiinadoodii afar oday. Xafladweyn oo loogu bah-yeelayo ayaa loo sameeyey. Afar usbuuc markay joogeen ayaa Xange iyo Qalanjo loo sameeyey aroos laysugu habar wacday; wacdaro ayaana ka dhacay. Sida uu dhigayey dhaqanka Bahweyntu waxaa loo sameeyey xoolo gooyo reerkan cusub ee la dhisay; afar iyo toban carruur ah ayey isu dhaleen cimri gabow ahna way isku gaareeen; jacaylkuu u qabay awgiis Xange lama guursan Qalanjo naag kale intay noolaayeen. Huriwaa isagana waxaa loo dhisay gabar ay is jeclaadeen oo laankaas le'eg tiriigna aad moodo. Waxay isu dhaleen siddeed carruur ah. Magac iyo maamus ayuuna ku dhex yeeshay beesha. Waa dambe oo uu Huriwaa ku laabtay reerkoodii ayaa wuxuu u tegay iyadoo aabihiis dhintay oo saddex xaas oo uu ka tegay iyo carruurtii walaalihiis ahaa ay abaar iyo colaadi ku habsadeen. Intuu soo raray ayuu keenay meeshii uu deganaa halkaas oo ay iyaguna kaga biireen Bahweynta soomaaliyeed. Dhammaad Marka hore sheekadu ma dhamma laakiin insha-Allah waxan dhammaystiri doonaa mar dame haddii rabitaanka curintu igu soo dego. Tan labaad sababta aan u qoray sheekadan waa baraarujin; wax wanaagsaan uun dheh ayey iga tahay ee akhriste raali ahow haddii aan hadalka badiyey. Nabadgelyo ayaan ku leeyahay iyo akhris wanaagsan. Macnaha erayada: habar wacday= aanay cidi ka maqnayn. wacdaro= wax lala cajiibay; wax aan hore loo arag. laankaas le'eg= dheer tiriig aad moodo= cad waa= waqti Toosiye2
  2. Adigaa mudan Che-guevara. Erayada aan calaamadiyey sidan ayaa micnahoodu ugu jira sheeko xariirada. qabyaalad= ku dhaqanka iyo ilaalinta(dhowrista) xeerarka qabyaaladda. tol =waxa ay isu yihiin dad ku midoobay dan oo qabiil wada sheegta. qabiil= dad is-bahaystay oo tol ah. jilib= qaybaha uu ka kooban yahay qabiil. jifo= qaybaha uu ka kooban yahay jilib. lafo= qaybaha uu ka kooban yahay jifo. cududa= awood; itaal. dhabarka laga tuuro= laga tago; la iska daayo; laga guuro. dhimbiil = dab sida iniin yar ah oo ka soo duula dhuxusha ama xaabada la shido. habdhaqan = caado; qaab dhaqan oo la isku raacsan yahay. midiidin= adoon; cabiid; ku khasban. iska fujin = iska celin; is-difaac haruub-gaal= weel geela lagu maalo; weel geela lagu liso. xoor= xunbo ay caanuhu bixiyaan marka la lisayo. caways= marka laga raago in la seexdo (waqti) habeenkii. milicsaday = eegay; dhugtay; fiirshay. garmalayte = qof aan gar lahayn: aan timo weli uga soo bixin garka( qof ). wadaago = ka dhexeeya; wada leeyihiin; jskaga mid yihiin. naas-nuujin = qofka oo aan mutaysan la siiyo; loo eexdo. wiil-hoog = wiil (inan) diric ah; inan fariid ah; nin lagu yaqaan inuu wax iska celiyo. isir-raac = abtirsiino; dad asal ahaan isku aabe ka soo jeeda. isir = dad ka soo jeeda hal aabe. sed-bursi= wixii dadka ka dhexeeyey oo koox/qof duwado (u taliyo). rabeeyo= guri joog laga dhigo; dadka la noolaan kara. manaafacaadsado= lagu noolaado. Erayo kale oo aadan garan hadday jiraan waad ku soo kordhin kartaa. Toosiye2
  3. Qaybta sare oo sii socota. Markii hore soomaali ayaa la wada ahaa ee mar dambe oo qabaa'il samaysmeen ayaa tolnimadu ka sare martay isirkii. Anaa reer hebel ah iyo reer hebel ayaan ahay oo anigaa ka dhaladsan ayey arrintii isu rogtay. Si qabiil uu u sed-bursado ama sharaf dheeraad ah u dareemo ayaa dagaal, xaqiraad iyo is-aamin la'aan ay iskula kaceen ama haddaba iskula kacaan walaalihii soomaaliyeed. Marar kale abaaro ayaa abuura xaaladahan is-bahaysiga iyo dagaalka". Intuu yara hakaday buu waday hadalkii oo yiri "hadda waxaa lagu saxi karaa arrintan in meesha laga saaro tolnimada qabiilka ku dhisan oo qofkastaa sheegtaa in uu soomaali yahay qofkasta oo soomaali ahina tolkiis yahay- isla markaasna in laysu naxariisto la badiyaa! Sidaas weeyaan sida aannu ku xalinay arrintan". . Codkii baa intuu yara go’ay ayaa nin ka mid ah odayaashii oo ul uu haystay xariijimo ku samaynayey meel dhulka ah oo holaca dabku saani u iftiiminayey yiri “ Sheekha aan hadalka ka yara nasiyee qodobka labaad ee xeerarka qabyaalada oo ah hiil wuxuu ka hadlaa caddaalad. Isaguna sida qodobka kowaad oo kale waa baahi dabiici ah oo uu qofku u qabo inuu caddaalad helo. Marka qofka xoolihiisa la dhaco amase naftiisa ama inta uu mas’uulka ka yahay loogu yimaado aanuse iska fujin karin wuxuu dalbaa cid u hiilisa. Taas oo micnaheedu yahay in xaqiisa loo dhiciyo ama la difaaco haddii weerar lagu yahay. Dhibaatadu waxay timaadaa marka inta qabaa’il la abuuro dadka oo u kala safan magacyo ay sheegtaan xaq iyo xaq darro ay koox waliba gaarkeeda isugu hiiliso. Natiijadu waxay noqotaa caddaaladda oo lunta”. Intuu madaxii sare u yara qaaday oo noqday sidii wax dabkii ku dhaygagay ayuu yiri “ Daawadu waxaa weeye in bulshada loo abuuro waaxyo garsoor oo caadil ah oo xaquuqda qofka iyo hantidiisa ilaaliya. Waxaa kale oo loo bahan yahay hay’ado nabadgelyada iyo xasiloonida dhowra. Sidaas ayuu qofku uga maarmi karaa qabiil danihiisa difaaca oo isaguna uu midiidin u noqdo. Sidaas ayaannu ku xalinay qodobkaasna” ayuu ku gunaanaday. Markii ay halkaas arrintu marayso ayaa waxaa yimi niman hor leh oo sida haruub-gaallo ay caano geel oo xoor leh ka buuxaan. Caanihii markii la dhex dhigay nimankii oo iyagoo kala fariistay ay bilaabeen in ay wadaagaan ayaan aniguna istaagay si aan u manjo baxsado. Caways dambe oo mugdi ah ayey ahayd waxaana dhacaysay neecow macaan oo nafta raali gelinaysay. Waxaad maqlaysay dhawaaqa xasharaadka iyo cayayaanka kaynta oo intuu isku darsamay aad muusik moodaysay. Cirka oo habeenkaa aan daruura lahayn ayaa ku dednaa xiddigo dhalaal dahabi ah leh. Dareen nabadgelyo oo farxad iyo deganaansho i geliyey ayaa maankayga buuxiyey. Markuu milicsaday in caanihii laga dhergay ayaa Xuurteeye oo caawa oo dhan aamusnaa soo booday oo isagoo codka sare u qaadaya yiri” xeerka saddexaad waa igu aniga oo walle waa igu aniga”. Inta la wada qoslay ayuu nimankii mid ahi kula kaftamay ” waar garmalayte ayaad tahay ee adigu maxaad sheegaysaa”. Xuurteeye ayaa intuu laabta istaabtay yiri” waar ma geed baan joognaa maxaa garkayga ku tusay”? Mar labaad baa inta qosol dheer lagu dhuftay Sheekh Cali yiri ” daaya inan rag aamus waa loo dhamaa”. “ Xaal qaado, xaal qaado ” ayey dhowr qof iska daba yiraahdeen iyadoo codkooda aad kaftan ka dareemaysay. Xuurteeye ayaa bilaabay oo yiri “Xeerka saddexaad oo ah hoo wuxuu khuseeyaa wax-isa- siin iyo wax-is-tar. Wuxuu oranayaa dadku sida ay kuu kala xigaan wax siinta ugu kala hormari. Haddii aad xil-qabatona marka hore tolkaa naas-nuuji. Waxaa dheer oo uu qofka qabiiliga ah xeerkani farayaa in xoolahiisa ilaa xad tolkiis la wadaago. Xeerkani waa eexda iyo caddaalad darrada aabahiis iyo hooyadiis. Qaranimona ma jiri karto marka bahweynta soomaaliyeed ay xeerkan iyo kuwa kale ee la soo sheegay ku dhaqanto. Dawadu waxaa weeye in la laalo is-naas-nuujinta, wax-is-tar kasta iyo eex qabiilka ku salaysan.Isla markaas la sameeyo nidaam qofka foqorka ah lagu daryeelo. Taas weeyaan ta aannu ku dawaynay dhibaatooyinka uu keeni karo xeerkan” ayuu xuurteeye yiri isagoo kalsooni ku hadlaya. Sacab bay raggii qaar ka mid ah oo dhallinyaro u badnaa isku dareen markaas ayaa mid ka ahi yiri ” Eebbaa igu og oo gabanku waa wiil-hoog”. Dadka intii kale ay qosol dheer isku daray. Hal cabbaar ah markii la wada aamusay ayaa sheekh Cali hadalkii ku soo noqday oo yiri “ dadku waa sidii laamo iyo caleemo geed harweyn ka wada baxay. Sida caleemaha geedka ka baxay aysan u kala sarayn ama u kala nasabsanayn ayeysan dadkuna u kala nasabsanayn. Allaheen sidaas ha ina garansiiyo sidaasna aan fekerkeenna gelino". “Aamiin” ayaa loogu wada jiibiyey. Dhammaad. Erayada aan calaamadiyey micnahooda oo aan wadaagno ayaa dhiman. Toosiye2
  4. Sheeko xariirada, soomaalida iyo hayb-sooca ayaan halkii ka sii wadayna. Ma dhammaystirna sheekadu markaas hadda qaybtan ayaa ugu dambaysa. Insha-Allah haddaan qaybo kale curiyo waan idiin soo gudbin doonaa haddase waa iga intaa; micnaha erayada iyo gunaanad baa inoo soo socda ee sidaas ula socda. Xeerarka qabyaaladda Habeenkaas farxad iyo rayrayn dheeraad ah ayaan dareemay . Markii ugu horaysay in muddo ah ayaa kal-gacal nololeed i galay. Sheekaduse waxay sii macaanaatay markii Xange weydiiyey nimankii haybtooda ee ay ugu jawaabeen " soomaali baannu nahay". Arrinkaas oo naga yaabiyey ayey nimankii noogu micneeyeen inay ku timi bulshadooda oo dhowr boqol oo sano ka hor ka gudubtay heerka hab-dhaqanka bulsho ee lafaha, jilibyada iyo jifooyinka hoose ay jiraan. Waxay noo caddeeyeen in habdhaqankan cusubi uu ka waxtar badan yahay kii hore. Faa;iidooyinka uu noo keenay waxaa ka mid ah bay yiraahdeen cadaawadii dhexdayada oo baaba’day, hayb-soocii oo aan jirin iyo cududa wax-qabsi ee dadka oo midaysan. Sheekh Cali ayaa hadal xikmadi ka buuxdo bilaabay oo yiri ” ku dhaqanka qabyaaladdu waa habdhaqan bulsho oo la maro waase in laga gudbaa sababtoo ah waxaa yimaada waqti sida dhimbiisha dabka faraha lagaga gubto oo ay khasab noqoto in dhabarka laga tuuro”. Hadalkii intaan boobay ayaan weydiiyey” sidee bay u tahay habdhaqan bulsho oo la wada maro”?. Sheekhii ayaa jawaabay oo yiri” Haddii dib loo noqdo taxanaha taariikhda jiritaanka bilow-aadmiga waxaa la gaarayaa waqti ay dadku aad iyo aad u yaraayeen waqtigaas oo dadka meel wada deggani aysan ka badnayn qoys ka kooban aabe, hooyo iyo carruur ay dhaleen. Barwaaqada oo badnayd awgeed qofka ama qoysku keli ayuu noolaan karay khatarta bahalaha wax cuna oo ahayd dhibaatada ugu weyn ee haysatayna dhirta ayey habeenkii ka fuuli jireen. Waagii dambe ayaa intay barwaaqadii yaraatay bilow-aadmigii oo markaas tiradiisii korodhay bilaabay in ay xayn xayn u degaan oo ragguna ugaarsi u baxaan dumarkuna carruurta iyo guriga joogaan. Markii dambe waxaa bilowday in xoolaha sida geela, ariga fardaha iwm. la rabeeyo si loo manaafacaadsado ugaarsigana loo yareeyo ama layskaba daayo. Waqtigaas kadib ayaa waxaa soo baxay habdhaqan bulsho ee qabiilka; xeerarka qabyaaladuna mar ka sii dambaysay ayey tusaal dhulka soomaalida ka bilowdeen”. “Markaas ma waxaad u jeedaa in qabyaaladda iyo xeerarkeedaba laga ilbixi doono?” ayuu Xange ku celiyey sheekhii. Nin kaftan badan oo ragga ku jiray ayaa hadalkii la wareegay oo yiri “ haa , sidaan idiin sheegnay annagu waannu ka gudubnay qabyaaladda oo hadda dhammaatayo magaca soomaali keliya ayaannu sheeganaa. Awoowayaashayo ayaa tuuray haybtii ka hoosaysay isir-raaca soomaalinimada. Dadka kale ee soomaalida ahna markasta way nagu soo biiri karaan waayo magaca soomaali wuu na kulmiyaa. Waxay u baahan yihiin keliya inay tuuraan waxaan ahayn: soomaali baan ahay”. Intuu hadakay si hadalku noogu dhibco ayuu yiri “ Kama aanaan ilbixin qabyaaladda ilaa aannu fahamnay xeerarkeeda kuwaas oo markii dambe aannu laalnay”. Hadalkii intaan ku soo booday ayaan weydiiyey “ anigu ma ogi xeerar qabyaaladeed oo dhibaato abuuraa ee maxay yihiin, maxaadse ku beddesheen”? Sheekh Cali baa ku soo noqday hadalkii oo yiri” saddex xeer oo ah tolnimo[/b], hiil iyo hoo baa qabyaaladda jiritaankeeda kobciya la’aantoodna ma jiri karto. Sida saddexda dhardhaar ee dheriga weeyaan qabyaaladuna waa dul saaran tahay. Hayb-sooca iyo dhibaatooyinka kale ee qabyaaladana xeerarkan baa abuura.” Isagoo sii wata hadalkii ayuu yiri “Xeerka 1aad ee qabyaaladda ee loo yaqaan tolnimo waxaa loo fasiraa wada-dhalasho iyo dhiig-wadaag oo runtii aan sax ahayn marka aad micnaha erayga dhuuxdo. Erayga tolnimo wuxuu muujinayaa is-gaashaan-buuraysi ama wax laysku kab-kabay. Madaama uusan qofna isku filnayn waa wax dabiici ah in qofku garabka ku qabto cid ku dhow oo ay iska kaashadaan baahiyaha nolosha farxaddana wada qaybsadaan. ( Qormada dambe akhri ) Toosiye2
  5. Erayada aan calaamadiyey micnahoodu waa sidan: dhudhubo= dhul godan oo biyo mareen ah; jidhaan; gacan. dulundulcaynayaan= ku soconayaan aayar; marayaan qunyar. xareed = biyaha roobka. dulaamaayey= u duulayey iyagoo badan; isu raacayey iyagoo koox ah. manaystay = ku deeqay; ku galaday; siiyey. saxansaxo= ur udgoon oo dabaysha roobku wadato. bulhan( bulxan, bulhaan) = sawaxan; dhawaaq hoose oo dad iyo xoolo ah. Alle-kood(nimo)= Alle inkir; qiritaan la'aan in Ilaahay jiro; qofka Ilaahay wax xun ka sheega. jaan= cagta hoose qaybta dhulka la dhigo; socod. magac dhebis = magac sheegis; ku dhawaaqis magac. agaasinka= maamul; qof ama koox mas'uul ka ah hawl. xifaaltan= foorjo;kaftan suunkii dhexda furanay= isu diyaarinay in aan (aad ) u dheregno. hamuun= gaajo; baahi carrif = micnayn; sheegis waxa loola jeedo (eray). qoomamayso= ka shalayso; isku canaanato. yasaan = hoosaysiiyaan; liidaan; inay iyagu ka sareeyaan mooda. Gebo-gebadii sheeko xariirada ayaa oo dhow. Insha-Allah cashar ama labo dambe ayeynu ku dhammays-tiri doonaa. Toosiye2
  6. Thanks for your input Burahadeer. Although the traditional elders excell in peacemaking still their way of thinking is divisive in national level and it lends itself poorly to preserve or emancipate a nation state; theirs in a way is a form of lethargy which the majority of us who share their mindsett have a hard time shaking off. Even so it is the traditional elders who are best qualified to a peacemaking role now but then they should be willing to share the responsibility of the affairs of the nation with the other two elites. The best interest of the people can be served in that way otherwise without compromise it would be about conflict of interest and possibly continuation of the war with all it entails. The Awakener2
  7. Erayada hoos u qoran waxay sheeko xariirada ugu jiraan micnaha aan eray walba ku hor qoray: raasuqay = si wanaagsan isugu bisladay; kariskii intuu jilciyey si wanaagan dhadhan iyo dhacaan isugu milmay. kam kamayey = urayey; qiiq ur wanaagsan leh bixinayey xeero = weel qori ka samaysan oo cuntada lagu cuno. af-rogay = shubay; ku gembiyey. hirqanay = ka dheregney; caloosha ka buuxsanay. hammuuntii = dareenka gaajada; baahidii cuntada. gondaha = lugaha dhexdooda. harac = har; hoos. guhaadin = hiifis; dhib; canaan iyo eedayn. Guulahay = Ilaahay, Eebbe. hibeeya = bixiya; hanneeya. libdhay = aan la arki karin; muuqaalkiisii la waayey fogaan awgeed. meel uu madaxa dhigo= meel uu seexdo; meel uu jiifsado buubay = baqdin awgeed orday; cabsi awgeed cararay. talo ayaana igu caddaatay = wax aan sameeyo ayaan garan waayey. Yur = eray la isticmaalo marka bahal ku soo weeraro; dhawaaq la iskaga celiyo waraabah, libaaxa iwm. dogob = qori qalalan. wacadtan .= ballan; axdi. Halhaleel = deg-deg; dhaqso. dabotaag = nooc ugaar ah (magac). ku dhex dhacay= weeraray; dhex galay isagoo raba inuu mid ka disho. Erayo kale oo aadan fahmin hadday jiraan waad ku soo biirin kartaa. Toosiye2
  8. Waynu ku bashaali doonaa micnaha erayada qaybta 5aad ee bal aan qaybtan 6aadna raaciyo taxanahan kobcinta aqoonta Af-soomaaliga. Naxariis baa naxariis keenta Markaannu hilibkii dabotaagta wax aannu cunnay iyo wax aannu dhiganay ka yeelay ayaa maalintaas ila duhurkii qofkii gam’i karay seexday. Gelinkii dambe ayaannu sidii caadada ahayd dhabaha ku dhacnay. Sidaas ayaannu safar dheer ku galnay oo maalintii nasan jirnay habeenkiina guure ahaan jirnay; libaaxiina wehel na difaaca noo ahaa. Subaxdii dambe oo shan iyo toban casho aannu geedi uun ku jirnay ayaannu ka soo baxnay dhulkii abaarta ahaa. Waxaannu soo galnay dhul barwaaqo ah oo xareedi meel kasta jiifto oo leh dhudhubo ay biyo dulundulcaynayaan. Dhegahaagu waxay ku raaxaysanayeen sawaxan wanaagsan oo socodka biyuhu bixinayeen iyadoo ay weheliyeen dhawaaqyo kale oo ka imaanayey cayayaan, shimbiro iyo noolayaal kale. Inta ishaadu qabato waxaa dhulka qarinayey doog iyo dhir qori iyo qodax ku muda aan lahayn oo caleemo cagaarani ku dedan yihiin isla markaasna ay ka lushaan miro midaba midab ah. Qalbigana waxaa farax gelinayey shimbiro noocba nooca ah oo mararka qaarkood iyagoo xayn xayn u duulaaya hadba dhinac u dulaamaayey. Cayayaan aan qaniinyo kugu dhibayn oo lahaa muuqaalo kala duwan oo aan la tirin karin ayaad iyagana arkaysay in Eebe ku manaystay deegaankan. Qorax aan ku gubayn oo inta badan ay ka sokeeyeen daruuro fadad waaweyn leh oo qaar ay curteen kuwa kalena aad arkaysay inay biyo ku taagan yihiin ayaa iftiinkeeda gaarsiinaysay dhulka iyo dhammaan abuuurta Alle ee hoos joogtay. Hawo macaan oo leh ur udgoon iyo saxan saxo roob wadata ayaa nafta qaboojinaysay. Intii aanaan wax badan socon ayaannu maqalay ci’ xoolaad iyo bulhan dad laakiin is-maanaan tusin ee is-ururin ayaannu ku dhexmarnay . In libaaxii na dabo socdo ayaannu tuhmaynay laakiin muuqiisii iyo sanqartiisiiba waannu weynay. Markay makhrib noqotay ayaannu soo sanqar beegsanay meel dad deggan yahay. Iyadoo ay xoolihii ay soo xaraynayaan intaan la soo kulanay oo awrkii ku furay meel ku dhow laakiin ka yara baxsan aqaladooda ayaa Xange salaan ugu tegey. Wax yar kadib waxaa noo yimi Xange oo ay la socdaan labo dhallinyaro ah oo mid gabar tahay. Dhallinyaradaas oo firfircoonida ka muuqatay ay sidii layr ku afuufaysa kuu riixaysay. Markaannu isa salaanay ayaa gabartii gacanta qabatay Qalanjo oo waxay ula dhaqaaqday xaggaas iyo reerkii. Inankiina intuu dermooyin noo dhigay meel dugsi ah ayuu dab olol weyn leh noo shiday. Inanka oo cimri ahaan aan ku qiyaasay ilaa labo saddex sano inuu iga weynaa oo magaciisa noogu sheegay Xuurteeye ayaa yiri” awrka intaad dabartaan ayaad siideyn kartaan. Halkani bahalo wax cuna ma leh”. Xange ayaa ugu warceliyey” waad ku mahadsan tahay taladaas wanaagsan ee aad na siisay”. Markuu awrkii intuu dabray sii daayey ayaan dabkii hareeraha ka fariisanay. Wuxuu bilaabay inuu na madadaaliyo inankii oo sheekooyin, waaya waayo wixii ay awoowayashii u sheegeen iyo guud ahaan nolosha dadka meeshan deggan nooga sheekeeyey. Aniga sheekooyinka Xuurteeye oo macaanaa saani umaan dhegaysanayn waayo maankaygu wuxuu ku mashquulsanaa arrimo kale. Barwaaqada iyo nimcada dhulkan Alle ku manaystay iyo meeshii aan ka imi oo oomane u badnayd ayaa fekerkaygu qaadaa dhigayey. Markaan in door ah fekerayey ayaan isweydiiyey oo iri” Tollow Alle eexda miyuu yaqaannaa? Maxaa qoladan waxan oo nimco ah loogu barwaaqeeyey kuwo kalena abaar, oon ama ibtilooyin kale loogu rogay”?. Markaan su’aalahaas isweydiiyey ayaan haddana cowdi bilaystay iskuna qanciyey in Alle-koodnimo ay tahay in aan waxaas iyo wax u dhow ku fekero. Laakiin si kastoo aan isugu deyey in aan fekerkaas u beddelo waan awoodi waayey su’aalahaasina waxay noqdeen kuwo igu taagan oo u baahday in jawaabahooda la ii iftiimiyo. Anigoo sidaas ula legdamayaa su’aalahaas iyo kuwo kale oo dhowr ah ayaa waxaa soo baxday sanqar jaan dad oo ka iimaanaysay dhinaca reerka. Wax yar ka dib waxaa na soo gaaray saddex nin oo siday weel ay ka buuxeen cabitaanno iyo khudaar noocyo kala duwan ah. Markaan isa salaanay ayey khudaartii hortayadii dhigeen oo midkood intuu middi la soo baxay ayuu khudaartii oo markaas aanan anigu noocyadeeeda magic dhebi karin uu noo googooyey oo aniga iyo Xange na soo hordhigay halka ninkii kale uu noo shubay cabitaanno dhadhan iyo midabo kala duwan leh. Kan Saddexaad oo ahaa ninka ugu da’da weyn nimanka noo yimi oo aan ku qiyaasi karay inuu dhaafay cimri lixdan jir ah wuxuu iswaraysi kula jiray Xange isla markaasna hadba tilmaamo ayuu saaxiibadiis siinayey la xiriira agaasinka martigelinta. Wax yar kadib waxaa yimi niman badan oo hor leh oo sida cuntooyin kala duwan. Nimanka na martisooray may cunayn cuntada ee sheekooyin, xifaaltan iyo murti ayey nagu madadaalinayeen. Aniga iyo Xangena intaan suunkii dhexda furanay ayaannu cuntadii oo hamuuni noo haysay faraha la galnay. Dhallinyaro uu ka mid yahay Xuurteeye ayaa hadba intay kacaan xaabo dheeraad ah ku soo kordhinayey dabka. Ilayn qof nooli feker ma daayee waxaa igu soo dhacday in reerahani sidii gobta noo soo dhoweeyeen. Markaan ka dheregnay ayaa cuntadii oo aad moodaysay in aanan waxba ka cunin fara badnaanteeda awgeed nalaga hor guray oo loo celiyey guryahii laga keenay iyadoo aysan afkooda saarin nimankii aan martida u ahayn. Xange ayaa yiri” Ilaah baa mahaddaas leh. Waxaa kale oo mahad leh kuwiina na martisooray “. Ninkii ugu da’da weynaa nimanka ayaa yiri” Allaa mahad leh waayo dhammaanteen naxariistiisa ayeynu wada hoos harsanaa”. Xange ayaa ugu jawaabay “ waa runtaa laakiin idinkuna waad noo naxariisateen”. Nin kale ayaa hadalkii la wareegay oo yiri” dar Ilaahay ayaannu idiinku naxariisanay. Xange ayaa hadalkii qaatay oo yiri” markaad naxariisato ayaa Allena ku naxariistaa. Ninkii da’da weynaa ayaa hadalkii ku soo noqday oo yiri” naxariis baa naxariis keenta”.Nin kale ayaa hadalkii la wareegay oo intuu farta ku fiiqay ninkii da'da weynaa yiri” ninkan Sheekh Cali Sheekh Cabdirahman Sheekh Ibraahim ayaa la yiraahdaa. Wuxuu ka mid yahay odayaasha beesha”. Intuu yara hakaday ayuu isagoo ilka caddaynaya ku daray” ha u daymo la’aan”. Sheekh Cali baa hadalkii ku soo booday oo yiri” dadka wax ma dheeri ee ha iga dhex saarin- wiilow”. Dhammaan qosol baa laysku daray. Markaan maqlay ninka aan hor fadhiyaa inuu ugu yaraan saddex fac guri sheekh ku abtirsado ayey jiriirico ku jabtay jirkaygii. Deegaanka aan ka imi shuyuukhdu way ku yaraayeen; sheekh saddex fac ku abtirsadana warkiisa daa. Hore ayaan u soo yara gurtay si aan u dhuuxo xikmaddiisa. Xange ayaa intuu toos u eegay Sheekh Cali ayuu weydiiyey “ Sheekh macnaha erayga naxariis in aanan aad u fahamsanayn baa dhici karta ee ma ii carrifi kartaa”? “ Eraygu labo micno ayuu leeyahay” ayuu yiri sheekhii” marka hore waxaa weeyaan in aad caawiso noolaha kale adigoo aan abaal iyo ajartoona ka sugayn. Shuruud la’aan in aad dar Ilaahay u caawiso weeyaan. Noolahan aad caawinaysaa wuxuu noqon karaa dhir, xoolo, xayawaan ama dad. Haddii aad shuruudo ku xirto oo aad istiraahdo, abaal ha kuugu hayo, ama ha kuu abaal gudo markale, ha lagaa sheego iwm. in aad taas qoomamayso ayey u badan tahay marka lagaa abaalka darro". Sheekhii ayaa hadalkii sii waday oo yiri” macnaha labaad ee eraygu waxaa weeyaan roob. Soomaalidu roobka waxay u taqaan naxariis waayo roobku shuruud la’aan ayuu u haqabtiraa noolaha ku nool meesha uu ku da’o isagoon abaal ka rabin ayuuna ku harqiyaa nimcadiisa. Sida laynaga rabaa waa sidaas oo kale in aan hagar la’aan u bixino nimcooyinka Alle inoogu deeqay” ayuu ku soo gabagabeeyey. Anigoo yara xishoonaya intaan farta taagay ayaan markaan arkay in hadalkayga la sugayo iri” maxay ku dhacdaa in roobka Alle iyo nimcooyinkiisa kale ay meelo ku badan yihiin meelona ku yar yihiin”? Sheekh Cali oo aad mooday inuu doonayey in jawaabaha la qaybsado markuu hore u jawaabi waayey ayaa nin kale qaatay hadalkii oo yiri” Eebe ayaa horta og waxa uu meel ugu nimceeyo meelna dhib iyo dheef la’aan uga yeelo. Laakiin waxaan ictiraafsanahay in naxariisi naxariis keento. Taas micnaheedu waxaa weeyaan meesha lagu naxariisto ayey naxariista Alle oo roobku ka mid yahayna ay ku badataa. Sababtuna waxaa weeye mar Alle hadduu yahay kan abuuristu aysan jirayn naxariistiisa la’aanteed meel kasta oo noolihiisu ku badan yahay ayey naxariistiisu ku badanaysaa. Meesha dhiigga dadka aan lagu daadin, meesha dhirta aan macno la’aan loo jarin oo xayawaanka lagu xannaaneeyo nooc kasta oo uu yahay waxaa ku bata noolaha”. Isagoo hubinaya in sheikh dhegaysanayo ayuu ku soo gunaanaday” jawaabta su’aashanu waa mid iska cad oo xitaa aqoon diimeed aan u baahnayn ayaan filayaa”. Sheekhii waxba kuma kordhin weertaas ee madaxa ayuu u ruxay. Jawaabtii su’aashaan caawa oo dhan la rafanayey ayaa halkaas iiga soo baxday; Alle eexda ma yaqaan ee abaalmarinta ayuu yaqaan. Dadka marka loo nimceeyo haddii ay ku abaalgudaan inay islaayaan, noolaha inta kale xasuuqaan, isxaasidaan oo qaarkood ay qaarka kale iska saray siiyaan ama yasaan, dhacaan xoolaha wixii ka itaal litaa ama dilaan waxaa iyagana ku dhacda nimcooyinka Alle oo uu roobku ku jiro oo yaraada. Sababtoo ah meesha ficilada noocaas oo kale ah looga kaco tirada noolaha ayaa caadi ahaan hoos u dhacda xasuusta Alle iyo aaminkiisuna dadka noocaas u dhaqma wuu ku yaraada; qalbigoodana waxaa buuxiya xumaan ay la jecel yihiin midba midka kale. . Ilayn feker kama daalee waxaan is iri sababta meeshaan ka imi abaarta iyo oomanaha u ahayd dagaalkana loogu saliday waxaa weeyaan abaalmarin ay ku mutaysteen naxariis la’aanta! Tollow hadday dhaqankooda bedeli lahaayeen barwaaqadu ma kordhi lahayd ayaan isweydiiyey. Dhammaad. Insha-Allah micnaha eryada ee qaybta 5aad iyo tan 6aad ayeynu ku yara hakan doonnaa. Toosiye2
  9. Waa tan qayb kale oo ka mid ah taxanihii kobcinta af-soomaaliga. Akhris wanaagsan. Alle aamin ma iisho Hilibkii oo isku raasuqay oo geedo ay Qalanjo ku gurtay uu maraqa ka soo kam kamayey ayuu Xange xeero weyn ku af-rogay. Annagoo og in aan la hubin goorta dambe ee cunto sidan u wanaagsan aan heli doonno ayaannu ka hirqanay. Qalanjo se hammuuntii uun bay iska bi’isay. Intaannu waagu beryin ayaannu awrkii rarnay oo socodkayagii bilownay. Waxyaabaha fekerkayga ku wareegayey waxaa ka mid ahaa in waxkastaa tacab iyo Alle aamin u baahan yihiin. Dhibaatadu waxay timaada marka labadaas arrimood ay midi maqan tahay ama ula-jeedada aad leedahay ay tahay mid waxyeelo u leh naftaada ama inta kale ee ay khusayso. In dhibtan dheefi nooga dambayn doonto ayaan markaas ku qanacsanaa. Waxaan dareemayey tamar badan oo rajo wanaag ku lamaan yahay. Nasiib wanaag ilaa hadda ma aanaan arag bahalo na waxyeeleeya. Bahala sare sida Dhurwaaga, libaaxa shabeelka iyo kuwo kale oo khatar ah oo hadday na helaan aan na badbaadiyeen baa buuxay. Sidoo kale bahalo hoose oo ka mid yihiin maska, abeesada iyo abgurida ayaa dhulka joogay. Aaminka Alle ayaanuse dugsanaynay oo inuu belada naga xijaabo ka baryeynay. Maalintii markay kala bar tahay oo hoosku ku soo ururay gondaha ayaannu geed harac weyn ku bayrnay si aan ugu nasano. Intii aannaan geedkii gaarin ayuu Xange yiri “Hadda waynu nasanaynaa. Habeenkii ayeynu gudaynaa si aan la inoo arag”. Markii aannu geedkii soo hoos istaagnay mise qof ayaa jiifa geedka. Xange ayaa intuu warankii iyo gaashaankii soo dhowaystay oo hoggaankii awrkana ii dhiibay ayuu qofkii xaggiisii u dhaqaaqay. Intuu dul staagay qofkii hurday isagoo warrankii gacan ku haysta gaashaanna gacanta kale ayuu yiri” Waar maxaa la sheegay”. Qofkii oo maro gaduudan ay madaxa iyo manjaha ugu duubnayd ayaa intuu maradii iska rogay oo qaarka sare la kacay ayuu yir” nabad iyo caano ayaannu sheegnay ee kuwama ayaad ahaydeen. “ Kuwo safar ah ayaannu nahay” ayuu ugu warceliyey Xange. Qofkii geedka hurday oo noqday nin u muuqday inuu ku jiro cimriga raggu ugu xoogga badan yahay, qiyaastii afartan jir, ayey is yara waraysteen Xange. Isagoo u muuqday inuu shaki-baxay ayuu Xange cod kalsooni aad ka dareemayso nagu yiri ” awrka fura” Intaannu awrkii furay ayaannu hilibkii iyo maraqii wixii noo haray diirsanay oo dhammaantayo ka hirqanay. Xange iyo ninkii iyagu iswaraysi iyo kaftan dheer bay galeen aniga iyo Qalanjona aamus baannu ku dhegaysanay. Ninkii reerkayagii wuu gartay wuxuuna noo sheegay inay u badan tahay inuu sii dhex maro beesha. Xange ayaa ninkii weydiiyey inuu fariin gaarsiin karo aabahayo iyo hooy taas oo uu uga jawaabay "haa.” Xange yaa yiri waxaad ku tiraahdaa: Gacalle aabo iyo hooyo, Salaan waalid guddooma, Gabartii aad jeclayd Iyo gabankii Huriwaa Iyo Xangoo gaar ka haayeen ah Saddexdaas oo nimco guuri Ka guddooma salaan Ha guhaadin naftiina Hadday geeri na dayso Mar uun buu garabkiina Guulahay uu na keeni Ee duco noogu gargaara Gabartiina hibeeya. Ninkii ayaa intuu warankiisi oo dhinaciisa yiil dhufsaday yiri” fariini waa qaan. Ilaahay hadduu i badbaadsho oo nabad aan reerihii ku gaaro fariintaas waan gaynayaa. Idinkana amaano Allah iyo amaano rasuul”. “ Ammaano Allah” ayaannu ku wada jiibinay. Wuxuu u dhaqaaqay xaggaas iyo dhinacii aannu ka nimi. Markuu naga libdhay ayey Qalanjo oo wejigeeda welwel ka muuqdaa tiri” maxaad sidaas u yeeshay”. Xange ayaa u caqli celiyey oo yiri” badbaadadeenna Ilaahay oo aynu talo saaranay ayaa shaqo ku leh. Laakiin waa xil ina saaran in waalidkeen aan gaarsiino in aynu nabad qabno”. Waxaan ka daba tuuray” waa runtii. Alle aamin ma iisho; wixii xaq ah baqdin loogama bayro". Qalanjo ayaa intay madaxa noo ruxday tiri “ Waa runtiin. Xumaanta oo had iyo goor wehel doon ah ayaa isku dayday inay i jiidato”. “ Waa laga adkaystaa” ayaan ku iri cod dheer oo kayntii ka sanqariyey. ” Sidee looga adkaystaa” ayey igu soo celisay “markaan jid kale oo kula quman kuu muuqan?”. Su’aashaasu aamus ayey abuurtay. Xange ayaa markii dambe kacay oo intuu iga codsaday in aan raaco ayaannu soo gurnay caws badan. Dhowr goor markaan noqonay oo cawskii soo kordhinay oo hor dhignay awrkii dabranaa ayaa qofba meel uu madaxa dhigo raadsaday. Mar aan in hurdo laga bogan karo hurday ayaan waxaan ku toosay awrkii oo buubay iyo Qalanjo oo awrkii ka dabo oroday. Dhinacayga meel aan toban tallaabo ka badnayn waxaa taagnaa Xange oo warankiisa iyo gaashaankiisa qaab dagaal u haysta oo libaax labada lugood oo hore ku taagani uu hor fadhiyo. “ Yur, yur” ayuu Xange ku lahaa libaaxa isagoo hadba waranka ku waabinaya. Markaan libaaxii arkay timihii jirkayga oo dhan baa kacay. Jiriiricaa igu jabtay. Naxdin iyo argagax aya Ilaah ii keenay, talo ayaana igu caddaatay. Markii dambe anigoo aan ka war hayn waxa aan sameynayo ayaan intaan istaagay oo gacanta la haleelay qori dogob ah oo meesha yiil ayaan barbar istaagay Xange oo bahalkii la yureeyey. Libaaxii meeshii kama dhaqaaqin ee hadba kaayaga yureeya ayuu indhaha la raacay. Qorax dhac bay soo noqonaysay waxaanna arkayey Qalanjo oo awrkii intay gaartay oo hoggaanka u qabatay hortaagan meel bidhaanteeda aan ka arkayey. Markaannu cabbaar sidaas isu hortaagnayn libaaxii ayuu markii dambe dhulka ku sameeyey xariiq. Xange ayaa isuguna warankii xariiq ku sameeyey dhulka. Saddex xariiqood markuu libaaxii dhulkii ku sameeyey oo Xangena saddex ku sameeyey ayuu libaaxii dhinacaas u dhaqaaqay oo fadhiistay meel naga durugsan laakiin aannu ka arki karo. Xange ayaa ii sheegay in libaaxa ay wacadtameen. “Dhulka uu xariiqayey is-dhaarsi ayuu ahaa. Marka waxba ina yeeli maayo ee waa inaan Qalanjo u tagnaa ayuu yiri" . Halhaleel markaan ku soo guranay wixii alaabo geedka naga hoos yiil oo awrkii saaray ayuu Xange u dhiibay Qalanjo hoggaankii awrka isaguna dhinaca dambe ayuu maray isagoo isha la raacaya marna sanqadh dhegaysanaya libaaxii. Guure dheer oo aan joogsi lahayn ayaannu habeenkaas oo dhan ku jirnay. Labaaxiina wuu na dabo socday isagoo aan aad noogu soo dhowaan laakiin isla markaas aan naga fogayn. Sanqarta cididiisa ayaannu maqlaynay oo jabac jabac jabac lahayd. Subaxdii markii waagii beryey ayaannu aragnay xayn dabotaag ah oo meel daaqaysa. Isna libaaxii oo u gabanaya ayaannu aragnay. Intuu libaaxii ku dhex dhacay ayuu mid ka qabtay. Markaan aragnay isagoo qabtay oo ay firig-firig leedahay ayaa Xange oo middi sitaa ku cararay. Intuu qoorta qabtay dabotaagtii ayuu gowracay kadibna dhinac uga yara bayray. Libaaxii baa intuu yara dhugtay Xange oo labada lugood ee hore dhigtay ayuu dhiigii cabbay. Markuu dhiigii laastay ayuu dhinac u yara dhaqaaqay. Xangaa markaas afartii jeeni ka soo gooyey neefkii ugaarta ahaa oo hilibkii intii kale uga yimi libaaxii. Saxiibtimo ayaa sidaas noogu bilaabantay libaaxii. Waxayna socotay shan iyo toban casho oo annu safar ku jirnay ilaa annu ka nimi meeshii Xange noo waday. Dhammaad. Erayada aan farta waaweyn ku qoray haddii aan macnahooda u fiirsano oo aynu wadaagno way fiicnaan lahayd. Toosiye2
  10. Waan idin salaamayaa dhammaatiin ramadaan kariim ayaanna idin leeyahay. Insha-Allah kobcintii af-soomaaliga ee ku salaysnayd sheeko xariirada Soomaalida iyo hayb-sooca ayeynu halkii ka sii wadi doonnnaa. Casharkii ugu dambeeyey ee aynu qaadanay waxaa cinwaankiisa ku jirtay:Arxan la’aan baa jirta .Arrin furan weeyaan inaynu ka fekerno in arrintaasu run tahay isla markaasna sida looga bixi karo aynu ka doodno. Toosiye2
  11. Erayadan micnaha aan hoos ku sheegay ayey ugu jiraan sheeko xariirada: Dhalandhool= ku lugeyn qorax kulul; dheemaal. Guure= socod ama safar xilli habeen dambe ah. Oomane= biyo la’aan. Duur-joog = ugaarta iyo xayawaanka kale ee aan rabaayadda( guri-joogta ) ahayn ee duurka ku nool. xagar= geed dheecaan cad oo qaraar leh. Bilcil= geed ka mid ah dhirta caanka ah ee soomaliya ka baxda. Qurac= geed ka mid ah dhirta caanka ah ee soomaaliya ka baxda. Sarmaan= geed laamo dhuudhuuban oo qodax badan leh. Jilab= geed hoosaad ay xooluhu jecel yihiin inay cunaan. Duur= Caws dhulka ka baxa. Xantoobo= in gacanta buuxisa; gacan mugeed. Dhiilo= aad uga baqin qaba in la dilo ficil uu sameeyey awgiis. Dhiibsan= toosan; aan leex-leex, qalooc , lahayn. Niibsan= ku dabo dhegan; hoosta kaga jira; aan ka fogayn. nayaayiro= Rajo, farxad. Cawil = kalkaal; caawino; gargaar; ugu beddel wanaag. Gool= naaxsan; cayilan; shilis. Caddo= habeenkii marka dayax jiro. Laxo= magaca xidido saddex ah oo is-dabo yaal. Heeryo= maryo iyo waxyaabo kale oo laysku kab-kabay oo awrta marka la rarayo la saaro si uusan u dhaawicin rarku. Seeteeyey= xarag lagu xiray labada lugood ee hore ee awrka si uusan meel dheer u tegin. shillal = caws ama laamo qoyan/qalalan oo la hoos dhigo neefka la qalay si aanay ciiddu u gaarin hilibka. Dhamac= dhuxul aad u ololaysa. Raaf= cidida xoolaha; cagta xoolaha. Sarbeeb= hadal micnihiisu daahsoon yahay. Hadal sida loo leeyahay iyo sida loola jeeda kala duwan yihiin. Sebi= ilmaha yare oo dhashay. Sed= irsiq; wax la cuno ama lagu noolaado. Suxul= wanaag; sahal. Daalacday= eegay. is-moodo= isula muuqdo; isu arko. Milmay= qooshmay; isugu darsamay si aan la kala sooci Karin. baraarugay = hurdo ka toosay. Go’ynayo= ( eraygan si khalad ah ayaan u qoray. Sida saxda waa gooyo ama goyn). Xoolo goyntu waxay ahayd dhaqan qofku markuu cayroobo xoolo loogu uruurin jiray si uu saboolnimada uga baxo. Marka inanku guursado aabihii ayaa xoolayn jiray. Labadaas dhaqanba xoolo gooyo ayaa la oran jiray ama la yiraahdaa haddaba. Toosiye2
  12. Howlo keeni kara in aan mushquul noqdo ayaa ii soo socda marka haddii aad u aragtaan in deg-deg ku jiro qoraaladaydan raali iga ahaada. Tan waa qaybtii 4aad ee sheeko xariiradii Soomaalida iyo Hayb-sooca Arxan la’aantu waa cadow Dhalandhool ayaannu ku jirnay maalintaas oo dhan habeenkii dambe intiisa badanna guure. Qofkastaa cunto iyo cabitaan wuxuu garabka ku sitay ayuu hadba isku nafaqaynayey. Mar mar aan xaajo u hakano mooye mar keliya maanan is-taagin oo waxaannu ka baqaynay in nala dabo socdo. Dhulka aan maraynay abaar oomane ah oo duur joog mooyee duunyo iyo dad aanan ku arag buu ahaa. Qorax aan daruuro celiyaa jirin ayaa maalintaas madaxa kaa gubaysay. Dhul kayn ah oo xagarka, bilcilka, quraca, sarmaanta iyo dhirta hoose sida jilabka, dareemada iyo duurku ay buuxiyeen ayaannu dhex jibaaxnay. Mar mar baan markaan arko dhafaruur ay ka lushaan miro hurdi ah oo aad mooddo in malab ka da’yo intaan xantoobo ka gurto afka ka buuxsanayey. Xange se sidii nin dhiilaysan oo kale mar mar uu gadaal soo dhugto mooyee hortiisa ayuu tallaabo dhiibsan ugu socday isagoo awrka hoggaanka u haya. Qalanjona sidii la yiri yuusan kaa tegin bay ku dabo niibsanayd. Cawilka Alle ilayn lama waayee wuxuu noogu gargaaray in aannaan qof keliya arag cid na raadinaysaana aysan naga daba imaan. Waxaase kale oo nayaayiro na sii gelisay markii galabnimadii aannu helnay biciid gool ah oo intuu labada jeeni ka jabay kici kari la’. Xange ayaa intuu awrkii geed ku xiray oo midi af badan la soo baxay gowracay. Intuu awrkii gurada u saaray biciidkii ayaannu socodkayagii sii wadanay. Habeenkii oo caddo ahaa mar uu abaara kala bar yahay oo laxahu ay dhinaca galbeedka u bateen ayaa Xange is-taagay. Intuu cabbaar wax dhegaystay markuu wax dhiilo geliya maqli wayay ayuu awrkii fariisiyey. Qalanjo oo aadan daalba ka dareemayn ayaa intay soo oroday ka qabatay hoggaankii. Xange intuu biciidkii ka soo dejiyey awrkii ayuu geed halkan ah labadii minjood laan u suray oo soo foorariyey. Intuu qaatay gudin oo naga dhaqaaqay ayuu yiri “awrka fura waan soo noqonayaa”. Annagoo awrkii ka dejinay heeryadii iyo haamihii ayuu soo noqday isagoo xaabo badan sida. Awrkii ayuu seeteeyey oo sii daayey si uu u daaqo. Ma daale Xange wuxuu isla markiiba u hawlgalay inuu dab ka bixiyo madag iyadoo walaashayna intay shillal samaysay ay biciidkii maqaarkii oo isku dhan ka siibtay hilibkiina qurub qurub yar-yar u jartay. Waxay tiri “ hilibka waynu hogaynaynaa ee dhamac xoog leh inoo sameeya”. God baannu qoday oo xaabo ka buuxinay dabadeedna shidnay. Markay dhamac noqotay xaabadii ayaannu hilibkii oo ku tolan maqaarkii biciidka ku ridnay oo ku aasnay godkii . Markaannu hawshii dhammaynay ayuu Xange yiri “waxaynu sugaynaa inta uu hilibku ka hogoobayo. Waxaa habboon in aad isku daydaan in aad yara seexataan waayo caawa waa inoo guure”. Halkaan sugayey in Qalanjo nasan doonto ayey bilowday dood dhexmartay Xange. Qalanja tiri: “ sac baa raaf igu hayo seexan kari mayo”. Xangaa ku jawaabay: “Bal ka saar sarbeebtoo warka aan saani u caddayno”. Qalanjo: “Ma sooc bay ku jiri sebiyo uu Eebe ina siiyo?”. Xange: “ Maya ee abtirsiin saafi ah oo saxan ayey yeelan”. Qalanjo: ”Ma sed dhoobi bay nolol ka dhigan Sahal wuxuu beeray?”. Xange: “Maya ee Samafale Eebbe ayaa dhibtaa suxul ka yeelaaya. inaguna siday tahay dedaal sannado joogtaynay”. “Waad igu bannaan tahay” ayey tiri Qalanjo iyadoo dhulka eegaysa. Dab olol yar oo noo shidnaa oo wejigeeda iftiimiyey ayaan ka daalacday in waalaashay kalsoonidii ugu dambaysay siisay Xange. Sidii wax feker dheer gashay oo kale intay noqotay ayey ku soo celisay su’aal Xange oo waxay tiri” Abtirsiinada maxaan ka yeelaynaa?". Xange oo aan shaki gelin ayaa sharaxaad dheer siiyey qalanjo. Wuxu yiri: “Abtiirsiinada waxaa ka horeeya tolnimada. Erayga tol wuxuu muujinayaa wax laysku kab-kabay. Marka qabiilka waxa saldhigga u ah ee isu keenaa waa tolnimo ee ma aha abtirsiino ama wada-dhalasho. Qabiil kasta joogto waxa ugu soo biira dad oo tolka ka mid noqda. Si haddaba loo sii adkeeyo tolnimada ayaa awoowayashii hore jideeyeen in dadka tol ahi ay abtirsiino wadaagaan. Haddaba tolnimada iyo batirsiintuba waa wax la sameeyey oo xal loo arkay ula-jeedada laga leeyahayna ahayd in layska kaashado colaadaha joogtada ah ee jira iyo duruufaha kale ee nolosha; waxaa caadi ah in saddex ilaa afar fac kadib la ilaawo taariikhdii qofka ama kooxdu ay ku soo biirtay tolka oo uu is-moodo qofku ama tolka kale moodaan in la wada dhashay oo dhiig la wadaago". Wuxuu ku soo gunaanaday “ Dadka la hayb-soocaa waa dad aan ka mid ahayn tol cudud iyo xoog leh taas ayaana sabab u ah hayb-sooca. Idanka Ilaahay tol ina anfaca ayeynu heli”. Doodii ayaa intay yara hakatay ayaan ku milmay fekerkii dhex mushaaxayey maankayga. Sidii wax saacado maqnaa oo kale ayaan dareemay markaan mar dambe ku baraarugay Xange oo leh” qabiil reer tawaawul la yiraahdo ayaa caawa samaysmay. Carruur Alle ina siiyo oo keliyana ku koobnaan mayo qabiilkaasi ee waxaa dhallan doonaa, haddii rabitaanka Alle ay noqoto, is-bahaysi xoog weyn oo aynu ka mid noqono”. Doodu markay halkaas maraysay ayaan ku dhiiraday in aan weydiiyo su’aal igu taagnayd oo iri ” Haddii aynu qabiil cusub samayno miyeysan taasi khaladkii oo aynu khalad ku saxnay noqonayn?”. Isagoo aan runta ka libiqsan ayuu yiri” haa marka abuurista gaashaanbuur cusub oo aynu ku biirno la eego. Laakiin wax kastaa waqti ayey leeyihiin. Mar baa imaan doonta mustaqbalka ay dadku u bislaadaan inay xaqa u hiiliyaan. Markaasi waxay noqon doontaa marka Soomaali oo dhammi hal qabiil oo Soomaali la yiraahdo ogolaato! Inta ka horaysa dhibaatadu qaabab kala duwan ayey u jiri kartaa”. Intuu yara hakaday ayuu sii waday hadalkii oo yiri “ innagu hadda kama maarano in aynu hayb cusub yeelano. Waxaynu se dhaqanka is-bahaysigeenna ku kordhin doonaa dhaqamo mamnuucaya in dadka la hay-sooco. Isla markaasna xeerar ayeynu samayn doonaa loogu xoolo go’nayo qofkii sabool noqda”. Wax yar intuu aamusnaa oo hubiyey in ay Qalanjo dhegaysanayso ayuu hadalkii sii waday oo yiri” run ahaantii waxa keliya ee dadka kala soocaa waa hantida. Halkay ahayd in xoolaha Alle loogu shukri naqo waxaa jirta in la isugu faano oo ka aan wax haysan lagu gumaysto ama marka ay ugu liidato magac xun loo bixiyo.” Wuxuu ku soo gunaanaday “ Arxan la’aan baa jirta ee nasab la’aan ma jirto.” Waxaan aad ugu bogay sida wanaagsan ee uu fekerka caafimaadka qaba isu saaray; sharaxaadda dheer ee uu bixiyey ayaa qalbiga ii dejisay waxanaan ogaaday in qofku dhibaato kasta oo soo wajahda intuu Rabi la kaashado inuu talo iyo tacab ku xalin karo. Toosiye2
  13. Si wacan oo wanaagsan baad u fasirtay. Calan baan kuu taagey Gooni. Labada eray ee aad nagu soo riixday haddaan isku dayo in aan fasiro waxaan oran lahaa sidan: Qadoodi wuxuu ka yimi erayga qadis. Waxaynu niraahnaa tusaale xalay waan qaday oo micnaheedu yahay cunto maan cunin. Qadoodi magac ahaan ayuu u taagan yahay oo wuxuu u fasirmayaa cunto la’aan. Erayga saleelo micnihiisu waa ciyaar , sahal, dhib la’aan. Ma hubo laakiin qalbigaygu wuxuu i siinayaa inay jirtay ciyaar hadda suushay oo la oran jiray saleelo oo waagii hore soomaalidu ciyaari jirtay. Markaan niraahno qadoodigii saleelo ayuu noqday waxay noqonaysaa cunto la’aantii ciyaaar (wax sahlan ) ayey noqotay oo loola jeedo wax ka dhib badan baa yimi. Fasirkaagii haddaan hal eray ku noqdo gelbis wuxuu la xiriiraa arooska. Noloshii hore ee reer miyiga waxaa dhaqan ahayd in markay wiil iyo gabar is-guursadaan loo dhisi jiray aqal weyn oo ka yara baxsan guryaha kale ee reerka. Habeenka ugu horeeya ee guri-galka waa la soo gelbin jiray wiilka iyo gabadhaba oo iyadoo gabadhana ay wadaan dumar badan oo u heesaya ninkana ay wadaan niman badan oo ay qaraabo yihiin ayaa la isu soo hoyn jiray. Gelbisku markaas dhaqan ayuu ahaa leh nidaam la yaqaan wuxuuna ka mid ahaa caadooyinka arooska ( caadadan meelaha qaarkood weli way ka jirtaa ). Toosiye2
  14. Waa kobcintii Af-soomaaliga iyo qayb cusub (sheekadu waa taxane ku xiran qaybihii hore). Walbahaarkaygii iyo baxsigii Xange iyo Qalanjo Habeenkii oo dhan geedkii baan saarnaa waraabayaashiina shir iyo shirbays bay geedka hoostiisa iyo hareerihiisa ku haysteen. Mar ay salaadii hore tahay ayey waraabayashii oo tiro boqol ku dhow ahaa bilaabeen inay geedka jirriddiisa qodaan si ay xididada ugu siibaan. Cabsiyi intay i qaaday baan tuuray cayadii. Wixii ay doonayeen markay heleen ayey iyagoo raxan raxan ah afarta jiho u kala dhaqaaqeen; anigana intay kalsooniyi i gashay ayaan ka soo degay geedkii. Intaan hareera eegay oo hubiyey inaysan khatari jirin ayaan u dhaqaaqay jahadii reerku iga xigay. Dhaxii, cabsidii iyo qadoodigii saleelo ayuu noqday oo arrin ka wayn ayaa maankayga gubaysay. Markii ugu horaysay noloshayda ayaan awooday in aan la xanuunsado dadka la hayb sooco iyadoo ay sababtu ahayd warkii wadaadku i siiyey oo wax weyn ka beddelay garashadayda. Waxaan noqday qof si hor leh wax u arka. Xanuun xoog leh ayaan dareemay oo ka kulul ushii aabahay. Markii aan waxyar uun ka socday geedkii aan ku dhaxay ayaa waxaa si lama filaan ah iiga soo hor baxay awr labo haamuud ku raran yihiin labo qof oo mid gar-wadeen yahayna ay la socdaan. Markaan ku soo dhowaaday oo aan aqoonsaday in ay yihiin Xange iyo Qalanjo ayaan ku bayray. Waraysi aan isweydaarsanay ayaan ugu sheegay waxaan shalay sameeyey iyo wixii xalay dhacay. Qalanjo oo aan ka dareemay inay ka naxday khatartaan galay laakiin haddana ku faraxday in dhibaato aysan ii gaarin ayaa intay gacanta midigta i qabatay oo Xange xaggiisa yara dhugatay dhinac ii yara dhaqaajisay. Waxay tiri “ walaal in aad na aragtay cidna ha u sheegin”. Waayo markaan ku celiyey ayey si qabow laakiin kalsooni ku jirto ii tiri” baxsi ayaannu nahay”. Labada gacmood intaan qabtay walaashay Qalanjo oo aan dhulka fariisanay ayaan dood dheer iyo ra’yi isweydaarsi galnay. Xange isaguna markuu arkay sida ay wax u socdaan ayuu isagoo jaraha haya awrkii tu’iyey oo intuu caday dheer la soo baxay hor fariistay awrkii. Markay Qalanjo ii warrantay oo ii caddaysay in Xange ay guursanayso cid hor istaagi kartaana aysan jirin, isla markaasna dood dheer oo dhinac kasta taabanaysa aannu dhammaynay , ayaannu isku raacnay inay habboon tahay in aan iyaga raaco. Xange markuu arkay in tashigii dhamaaday ayuu intuu istaagay oo awrkii gar-wadeenkii dhuftay noo dhaqaajiyey xaggaas iyo koonfur. Aniga iyo walaashay oo og in waqtigaas wixii ka dambeeya, Eebe ka sokow, ay mas’uuliyaddayadu saaran tahay Xange ayaa aamusnaan ku dabo galay. Hal cabbaar ah ayey maskaxdaydu jeedaalisay walaashay. Walaashay Qalanjo Jumcaale Gadiidshe oo gu’gaas 19 jirsatay waxay ahayd gabadh dheer oo dhuuban. Jir solan oo aad dhexda madag mooda oo qaar sare iyo qaar hoose oo isu miisaamanna leh ayey lahayd. Waxay lahayd timo jilicsan oo madow oo intay tidicday labadeeda garab ka soo degay. Waxaa qofka arka farax gelinayey wejigeeda oo midab maariin dhalaal qurxoon ah, suuniyo liiq ah iyo indho cad-cad oo bu’ madow aad ka dheehan karto iyo weliba qoor kala baxsan oo labo garab oo miisaaman ay hereeraha ka gelbinayeen. Maro cad oo qaab guntiino ah dhexdana ay dhacle kaga giijisay ayey ku xarragoonaysey. Cagahana waxaa ugu jiray labo kabood oo cag-ba-cag ah oo saan geel ka samaysan. Dadka yaqaan quruxdu waxay oran jireen ” Ilaahay inanta abuuristeeda wuu ku faro yaraystay”. Dabeecad , dad la dhaqan wanaagsan iyo karti hufnaan leh baa u weheliyey muqaalka quruxda. Waxan xan ku maqlay in aabahay doonayey in uu Qalanjo kula xidido wiil uu dhalay nin boqor ah oo magac dheer leh xoolona Alle siiyey. Waxaa aabo loo ballan qaaday baa la yiri boqol halaad iyo baarqabkooda arooskana waxaa loo ballamay gu’gan oo markaas labo bilood uun naga xigtay. Xasuusta hungowga aabbe ayaa caloolyow cusub igu beeray. Sidii qof aan kii horeba ahayn baan bilaabay in aan welwelo. Ma waalid inkaar baad noqotay ayaan is iri. Markaan ka fekeray dhibaatada ficilkayagan u geysan doono aabo, sumcad darrada qoyska oo dhan soo gaari doonta iyo weliba xoolaha uu waayi doona aabo ayey jiriirico ku jabtay jirkayga. Waxaan bilaabay in aan ka shakiyo in tallaabadan aan qaaday ay tahay mid habboon. Dhowr mar bay madaxayga ku wareegtay in aan iska noqdo laakiin haddana waan ku dhiiran kari waayey. Waxaan isku waaniyey in aan hal adayg yeesho oo aan ku adkaysto in aanan ka leexan wanaagga si kastoo ay mur uga qaraar tahay. Markaan wax badan rog-rogay fekerkii waxaa ii muuqatay in meeshaan qof ka qaaday aan qof kaga tegay. Madaama aysan suurto-gel ahayn in aan ka hor imaado rabitaanka walaashay talada aabahayna aysan xaq ku salaysnayn ayaan isku qanciyey in aanan beddelin mowqifkayga. Markaan runta sheego waqtigaas mowqif ii cad ma jirin ee haddana waan iska dabo socday Qalanjo iyo Xange iyadoo aan qarinayey ilmada iga gobo’laynaysay . Walaashay iyada kama muuqan wejigeeda wax welwel ama walbahaar ah. Waxay u ekayd qof tashatay oo waxkasta oo dhaca u bareertay. In ay sidaas tahay waxaan ka gartay siday u laafyoonaysay iyo firfircooni farax ka muuqday oo ay ku tallaabsanaysay. Naag ninkay doonaysay heshay oo u diyaargarowday in ay reer dhisato cidkastoo muraadkeeda ka soo horjeedana aan dan ka lahayn ayey u ekayd. Markay barqo dheer noqotay oo degaankii reeraha aan ka fogaaney ayey Qalanjo intay la soo baxday mayrax xig ah iyo xarig ay markii horeba sohaysay dhexdeedana qayb xarigii ku xiratay intii kalena ka soo riday garabka oo markaas ilkaha ku qabatay, ayey iyadoo tidcaysa ku luuqaysey hees u dhacaysay gelbis. Cod macaan oo aan meel dheer laga maqli karin ayaan ka fahmay iyadoo leh "gabadha soo gelbiyaay, gaari dumarey, nin bay jamatay Jookhee”. Xange ayaa awrkii joojiyey si aan u soo gaarno. Markaan soo gaarnay ayuu intuu garabkiisa ka soo dejiyey sibraar caano geel oo dhayi ka buuxeen oo ii soo taagay ayuu isagoo ilko caddaynaya kaftan iigu yiri” seedi miyaad daashay”. Intan ka qabtay sibraarkii oo qorigii furka ahaa ee ku go’naa ka furay ayaan ugu warceliyey “ Maya saaxiib ee waan gaajooday”. Intuu haddana kuus timira ii soo taagay ayuu yiri “ waxaa dhici karta in laynagu soo raad joogo. Nasasho inooma taal ee awrka ma fuulaysaa”. Intaan timirtii gacan midig kaga guddoomay ayaan si xushmad ku dheehan tahay u iri “ may, rakuub fuulka waan ka koray“. "Waa run" ayuu iigu war-celiyey isagoo ii muujinaya xushmo. Markaan hal cabbaar caanihii qurquriyey ayaan sibraarkii u celiyey Xange. Jirjirka gacanta bidix kariinkii intaan iskaga tiray ayaan timirtii oo aan faraqa ku ritay hadba dhowr xabbo kala soo baxay oo cunay. “tan socodkaan ku cunayaa” ayaan ku iri Xange. Markuu Xange dhugtay Qalanjo si uu u hubiyo inay wax u baahan tahay oo ay ka sii jeesatay iyadoo wax war ah aan oran ayuu awrkii dhaqaajiyey. Qaabkaas ayuu noogu bilowday socod dheer iyo nolol cusub. (Qaybtii 4aad Insha-Allaah ayaa ku xigi) Toosiye2
  15. Positive

    Beware !

    Thus what of doing nothing ? In my opinion as long as ' doing nothing' is a respite it is ok but it is not usually right when the intention is to escape from responsibility. Besides in the quest for Self knowledge I personally prefer an active path for example contemplation instead of passive path of doing nothing. The first entails among other things to make use of ones free-will; one has defined intention and looks for certain experience in his or her contemplation. In the second, the passive path, there is neither clear intention of what has to come nor expectation of what it might contain. There are always lessons to learn though regardless of the path one chooses. The Awakener2
  16. Aad baad u mahadsan tihiin inta qoraal ku soo kordhisay mawduucan iyo inta akhrisayba. Waxan jeclaan lahaa inaynaan dhaqso uga gudbin Af-maayga. Intan baan ku darayaa intii hore: Bariideena =subax wanaagsan. Nepeda kabariini=nabad ayaa lagu baryey. Se lakabariyi?=Maxaa lagu baryey. Faayne =Waa fiican nahay. Hergeleena? =iska warran maanta? See atiing?=Sidee ayaad tihiin? Faayne =fiican= Nepeda kahergelni= Nabad ayaannu ku har-galnay Jirinya = waan jiranahay. Dhuuri Ihaaye= xanuun baa i haya. Mathy dhuury =madaxaa i xanuunaya. Alooly dhuury = calooshaa i xanuunaysa. Gooy Dhuur = ilig xanuun. Maghagha? = magacaa? Maghaaghey Ali = magacaygu waa Cali Meghaa Jarty? = meeqa ( imisa ) ayaad jirta? Kooy = kaalay( imow) Fadheew= fariiso. May subiyoyte? = maxaad suubinaysaa (samaynaysaa) ? Walne = waxba Inte anjeede?= intee u jeedaa( xaggee ayaad qabanaysaa)? Suuktah anjeede= suuqa aan u jeeda ( suuqa ayaan qabanayaa). Hunguri amooye= cunto ayaan cunayaa. Inte kukoyti?= meeshee ( xaggee) ayaad ka timi? Shuqul’aa kukooyi= shaqo ayaan ka imi. billan =naag (bilcan ) llmoogey=carruurtayda so’ = hilib wang = caano ming= guri ( min ). Meelo haddaan khalday cid garanaysaa hadday jirto inay saxdo ayaan ka codsanayaa. Toosiye2
  17. wala adi sheegte garadow wali ani sheege may in garodi wayti Waxaan filayaa in micnuhu sidan yahay: Waxaad adigu sheegtay waan gartay ee waxaan anigu sheegay maxaad u garan weyday. Waxaan doorbidi lahaa in sheekooyin dhaadheer oo lahjadda Af-maayga ah in aan soo bandhigno si aan u kala faa'iidaysano. Toosiye2
  18. So take a look at me now, well there's just an empty space And there's nothing left here to remind me, just the memory of your face Now take a look at me now, cos there's just an empty space Am I trying to see something which is not there or the peom is an allegory? It sounds as though the human self is speaking to higher Self and saying that reality in its actual constituent is only an empty space and hence it is by virtue of the presence of the higher Self that the lower Self has content of form, memory and outside phenomena which sorrounds it. Any way I'm intrigued by the inquiring nature of the human intelligence! The Awakener2
  19. Af-soomaaligu waxa uu leeyehey labo lahjadood oo kale ah Maay iyo Maxaad-tiri. Waxan filaa in afka maaydu uu jiray intii aan maxaad-tiridu soo bixin. Taas wax la hubo waaye hadalna ma ka joogo. Anigu wax badan ma ka aqaan af-maayga ee waxa aan u dayhaa macalimiinta afka maayda iney halkaan noogu soo gudbiyaan aqoontooda si aan uga faa’iidaysano. Hadda igula baashaala hee maqalka iyo muuqaalkan soo socda: Heestan Xasan Aden Samater aa leh. Kuwaan majaajilo waaye: Waxaan ku khatimaa macnaha erayadan ey badi fara-dheertu isticmaalaan: Gaygayn= heer; usgag; aan la mayrin. Gasiin= cunto. Gudgude= roob habeenkii da’a. Gufaaco= dabayl roob wadata. Gufays= oodis meel tusaale roobka iyo dabayshu guriga ka soo geli karaan. Gibil idinka ayaan idiin daayey. Toosiye2
  20. Waagii hore ninka gabyaaga ahi tixda ayuu ka doorbidi jiray tiraabta. Markuu wax dhaliilayo, waaninayo ama wax kale inuu sheego doonayo tix ayuu meerin jiray. Raage waynu aragnay ee isagana waxaynu soo qaadan karnaa Cabdi Gahayr oo isagana ooridiisii ka geeriyootay ka dibna gabar kale guursaday. Isagoo la dardaarmaya gabarta uu guursaday ayuu yiri: In gar xidhata ama guudka dabi, gebiga soomaali Waataan geyaan dumar ku nacay, lama gubaantiiye. Adna geela waxaan kaaga madhay, gaaridaad tahaye. Ha yeeshee wixii kula gudboon, garangartaad joogto. Nirgaha guriga daaqiyo, ratiga geela laga reebo. Waa inaad martida tii golmoon, gogosha siisaaye. Waa inaad gasiin ugu dartaa, xeedhyo geedo lehe' Waa inaad wax lama goofiyee, gaarna dhigataaye Hadduu marada gaygayn ku dhaco, waa gunnimo weyne. waa inaan gambadu kaa xumaan golaha aad joogto. Kol haddaan gacmaha loo xinnayn, kuma guduutaane. waa inaad gadaal dhaashataa, garashadaydiiye. Gudguduhu hadduu soo onkodo, geydhu waa halise. Gufaacada horuu kaga ridaa, guunta buulka lehe. Haddaan laba gufays laysku darin, gale dabayluhuye. Gig ka siiso, gibil xeeranbay, guudka mariyaane. Af-soomaaligu waa hodan dhaqankii horena taajir buu ahaa. Toosiye2
  21. walaal Gooni, Runtii gabayada abwaan kuma ihi laakiin sida maadooyin badan oo kale in aan dadka ku dhexgalo ayaan ka aqaan. Marka faah-faah badan kama bixin karo gabayga laakiin haddaan qiyaaso saluug ma jirin ayaan fili karaa ee Raage wuxuu ka samri la’aa gabadhii uu jeclaa ee Faduma Nuur. Haddaan tusaale barbar dhig ah isticmaalo Cilmi Boodhari oo isaguna sida Raage caashaqay gabar Hodan la oran jiray ayaa markii tolkiis u doonay gabartii lagu xiray xoolo badan oo aanu bixin karin.Taasu waxay keentay inuu Cilmi halkaas ku waayo Hodan caashaqna la madluumo. Tolkiis ayaa gabdho badan oo qurxo badan maalintii dambe u soo diray si uu mid uga xusho. Markay u yimaadeen ayuu tixdan tiriyey isagoo leh: Hadday ili wax qabanayso oo lagu qaboobaayo Oo qurux la daawado kol uun aadmi ku qancaayo Aniguba Qadraan soo arkiyo qaararkii Hodane Ha yeshee qaraam baygu galay naftaydiyee Hablayahow halkii qoomanayd baad i qabateene Qalbigaan bogsiinaayey baad qac iga siiseene Qarqarrada jidhkiyo gacmuhu way qadhqadhayaane Qalbigu wax yeelaa illayn naaska qaawaniye Qosolkaa yar yari waa waxaad nagu qaldaysaane Inaan Eebbehay idin qatalin qariya laabtiina. Cilmi hablaha quruxdoodu uma muuqan ee iinahooda kale ayaa u muuqday. Tan Raagena taas oo kale ayey aniga iila egtahay. Bashiir. Awoowe qisada ma hayo laakiin erayada sidan ayaan ku micnayn lahaa: Arad= dhul Istanbuuli= waxaan filayaa cadar ka imaan jiray Turkiga inuu ahaa. ufo= dabayl. awaartii= boorkii; ciiddii( ma hubo laakiin sidaas ayaan u malaynayaa) oog= kulayl; gubasho; dab xoog leh oo i shidaya. Anfariir= naxdin xoog leh; baqdin xoog leh. Toosiye2
  22. Waad mahadsan tahay Bashiir. Waan soo koobay anigu lakiin tixraaca aad soo gudbisay ayaa dhammaystiray qisadan dhexmartay Wiil-Waal iyo Raage Ugaas. Toosiye2
  23. Waxaan hubaa in dad badanni ay jeclaan lahaayeen inay ogaadaan gabaygan sare ku qoran sababta keentay in Raage Ugaas tiriyo. Gabaygan Raage wuxuu ka mid yahay qiso dheer oo dherxmartay isaga iyo Wiil-Waal oo guursiga gabar qurux badan isku qabsaday. Dhacdada, anigoo soo koobay, sidan soo socota ayaa loo soo weriyey. Markii uu soo gaaray cimri guur-doon ayuu Raage Ugaas wuxuu ilaalaystay gabar qurux badan oo Faaduma Nuur la oran jiray oo ka dhalatay qoys quwad leh oo garaado ah oo ab iyo ood aysan sidaas u kala durugsanayn. Raage markuu dhowr goor siyaartay reerkoodii kuna qancay asluubta iyo quruxda gabarta jacaylna ku beermay ayuu markii dambe weydiistay aabaheed. Wadaadkii gabarta dhalay ayaa Raage ku xiray saddex shuruudood inuu soo buuxiyo horta; inuu keeno: faras galaalan, ugxan gorayo iyo ilig maroodi. Ugxan gorayo iyo ilig maroodi waqtigaas meelkasta waa laga helayey oo dhibi kama jirin laakiin faras galaalan sidii loo heli lahaa ayaa Raage ku adkaatay. Muddo dheer markuu werinayey faraskaas ayaa maalintii dambe loo sheegay in faras muuqaalkaas leh uu iska leeyahay nin ka talin jiray dhul xeebeedka sare ee bari oo la oran jiray boqor Maxamuud Yuusuf ( boqor Cisman aabihii). Isagoo keli ah ayuu Raage ka soo socdaalay meel ku dhow Jigjiga oo bari fog afka soo saaray. Markuu in badan soo dhaxay ayuu yimi degaankii boqor Maxamud isagoo iska dhigaya nin waalan. Lama aqoonsan Raage qof ahaan isla markaasna lama dhaadin ujeedada uu u socdo. Dhowr casho markuu joogay ayuu intuu arkay faraskii oo baylah ah halabsadoo fuulay oo la baxsaday. Markuu guryo yimi isagoo faraskii wata labada xujo oo kalena diyaar u yihiin oo is leh gabartii gacantaad ku dhigtay ayaa loo sheegay in gabartii la bixiyey intuu maqnaa oo uu guursaday Garaad Faarax Garaad Xirsi (Wiil-Waal). Uurkutaaladii ayuu Raage gabayga sare ku qoran ee Gooni soo gudbiyey tiryey. Markii dambe Raagena waxaa la siiyey gabartii laga qaaday walaasheed oo ka yar laakiin kumuu qancin, Arrinni waxay ku dambaysay in Raage Wiil-Waal dilo gabartii weynayd ee laga qaadayna uu la wareego oo dhisto. Waa guri aan xaq ku dhismine iyadiina wax yar ka dib libaax ayaa cunay Raagena waxba caynkaas ah kama dambayn ee dagaal ayaa lagu dilay. Waa qiso dhab ah oo muujinaysana natiijada ka imaan karta marka khalad lagu saxo khalad kale. Paragon: salaan ka dib kelmadda oog,oogis, oogayaa, oogay waxay u tagaan tahay si buuxda u soo muuqaday; waxaynu niraahnaa dab baa la oogay( dab xoog leh ayaa la shiday). Quraan bay oogeen( wadaado badan ayaa intay fariisteen quraan kor u akhriyey). Oogle waa qofkii ficilka samaynayey wuxuuna u taagan yahay lab. Toosiye2
  24. Gabayada in la fahmo ama la micneeyo aqoon sare oo af-soomaaliga ah ayey u baahan tahay; gaar ahaan ma sahlana in la fasiro gabay la tiriyey muddo laga joogo 120-140 sida gabaygan uu Gooni soo gudbiyey oo kale. Si kasta ha ahaatee erayada calaamadsan waxaa loo micnayn karaa sidan: uugaamo= guux; dhawaaq xoog leh oo ay bixiso dhibicda roobku(halkaas ila fiiriya). oof= lafaha feeraha; feeraha bidixda ama midigta ama xubno hoose oo ku beegan oo xanuun hayo. aboodi=magaca shimbir; shimbir inta badan saaladeeda uun la arko laakiin iyada aan la arag; shimbir la yiraahdo ishaaro xun ayey bixisaa. oogle= ( micnaha gabayga) Oogle waa magac nin( wuu ku magac qabsanayaa oo wuxuu u jeedaa "ninkii"- halkaas ila fiiriya). iim= dhaawac; nabar helis ah; bukaan caabuq ah oo halis ah. arami= malax; nabar malax yeeshay. olol=( micnaha gabayga) cida geela. Illin= meel furan oo laga galo meel loo socda; kadinka hore ee guriga laga soo galo. uurkutaalo= murugo, calool xumo. igdho= ( micnaha erayga ee gabayga) khasab loogu xereeyey; khasab ku guursaday; qof dumar ah oo nin khasab ku guursaday. Erayga soo haray ee ah afdhabaandhow idinka ayaan idiin daayey. Toosiye2