Kamalu Diin
Nomads-
Content Count
634 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Kamalu Diin
-
good if you can read it; if not it is okay. It is for my interests. thanks for asking.
-
TFG deputy defense minister say clan courts force suffers heavy blow
Kamalu Diin replied to General Duke's topic in Politics
Allahu Akbar, Allahu Akbar, Allahu Akbar: guul TFG and peaceloving somalis where ever they are. Down for Soomaalidoon, USC/ICU, Al-Qa'eda, and terrorists who invaded somalia. -
CAWAYS OO WADDADII CAYDIID CAGTA SAARAY!! - SOO-RUGAAL-CELINTA TAARIIKHDA.! Posted to the MOL December 9, 2006, 7:10 pm Bismi-llaahi. Maqaalkan waxaan rabay in soo qoro bishii juun ee la soo dhaafay markay ay maxkamadaha Muqdisho qabsadeen Xamar iyo hareeraheeda. Haddana waxaan isku qancaiyay in aanan ka hor-tegin dhacdooyinka oo aan baxnaaniyo waxa ay la yimaadaan laba sababood awgood : 1-In aan hubsado bal in ay Maxkamaduhu yihiin kuwii aan horay u iqiinay ee u kiraysnan jiray ganacsatada iyo in wax iska beddelaan mar hadday Muqdisho gacanta ku dhigeen oo ay noqdeen milkiilayaal halkii ay ka ahaayeen shaqaalaha ganacsatada 2-In Ummaddu wada aragto xaqiiqada Maxkamadaha marka uu soo if-baxo sawirkooda ranta ah . Kaas oo aan si dhab ah loo arki karin ilaa uu wax awood siyaasadeed ah gacanta dhigo . Haddaba mar hadday ii caddaatay in Maxkamadaha iyo raggeedo yihiin kuwii aan horay u iqiinay dadka Somaliyeedna wada arkay xaqiiqdooda lixdaa bilood ee Xamar haysteen waxaan filayaa in ay munasaab tahay in aan aan soo idiin gudbiyo qoralkan. SHALAY IYO MAANTA ISU EKAA!! Dadka Somaaliyeed qaybo door ah ayaa u arkayay qabsashadii Maxkamadaha ee muqdisho –Juuntii hore-in ay tahay marxaladd cusub oo u horseedaysa Dalka, Dadka iyo Diinta hab cusub oo ka samata bixin kara waddanka SAWAALKA iyo ka tirtiridda Somalia khariidadda Caalamka, Taas oo ah marxaladda ku soo xigta burburka ay ku sugnayd 16 kii sana ee la soo dhaafay Arigtidaas kuwii qabay way ku hoggoobeen. Oo Saraab ( Dhaan-dabagaalle- widh-widh ) ayay biyo moodeen. Waxaa jirta Maah-maah caalami ah oo afafka waawayn ku wada jirta oo dhahaysa : TAARIKHDO WAY SOO ROGAAL-CELISA” Marka aad is-garaab-dhigto xaaladda Somalida ee 1991-94 kii iyo xaaladda maanta ee 16 sano kaddibb waxaa kuu muuqanaysa in ay aad isu-shabbaaan Waxaa Muqdisho ka soo laba kacleeyay sansaan culaadeed oo la mid ah kii sagaashannadii ee lagu burburiyay Qarankii Somalia la oran jiray Coladdan cusubb waxaa u olalaynaya beelihii USCda ee ka riday Somalia Dagaalka ahliga ah ee weli dabkiisii holcayo.. Beelahaasi waaxay maantana wadaan abaabul ballaaran oo dagaal ahli ah oo cusubb.oo ay hoggaamiynayso USCda 2 aad.( Maxkamadaha ). Waxaa muuqata in Taliyaha uscda labaad Mudane Col. Daahir Caways uu ku socodo waddadii Taliyihii USCdii kawaad Gen. M. Caydiid Maqaalkaan Waxaan ku soo qaadaya is-garabdhigg labada shakhsi ee kala hoggaminya Colaaddii USCda ee hore iyo colaadda Maxkamadaha-uscda ee Maanta . Waana tan iyoda oo kooban: CAYDIID IYO CAWAYS. Marka aan si dhab ah u dhuuxay una darsay laba hoggaamiye beeleedd ee CAWAYS iyo Caydiid ayaan aad ula-yaabaa sida ay labada oday isu-daboolayaan. Marka aan u dhabba-galo Ula-jeeddada, Talllaabooyinka iyo tabaha Col. Caways waxaan is-iraahaa : MAXAA LOO LA HAA CAYDIID WUU GERIYOODAY?. Waxaan halkaan idiin kusoo gudbinaya MUQAARANO labada Taliye iyo labada USC ee shalay iyo maanta. Waana tan : 1- ASKARI KLIGI TALIYE AH: Caways iyo caydiid waa laba nin oo saraakiil ka ahaa ciidammadii Somalia. Ragga askarta ku soo barbaara waxaa dabiiciyan lagu yaqaanaa in ay keli-taliyenimadu ay tahay midda qaalibka u ah fikirkooda iyo hab-maamulkoodaba. Markii USCda lagu asaasay magaalada Rooma 1990 kii waxaa loo dhisay Guddi-dhexe iyo madax kala saraysa. J. Caydii oo aan guddiga dhexe iyo madaxdiisa midna jirin ayaa intuu iska garabb-maray Madaxdii ururka wuxuu isku-magacaabay in yahay keligiis haggaanka uscda. Taasuuna ku shaqeeyay. Intaas kaliya ma aha ee wuxuu Ethiopia ku xiray Guddoomiyihii Sharciga ahaa ee ururka ( Cali Xusseen) oo wada-hadal ugu yimidd Jananka. Kornayl Caways dhinaca diktaatooriyadda isagaa kas sii shisheeya Jananka. Oo mabda’a talo wadaaga la yiraaho maba Aaminsana. Maxaakimtana wuxuu u haystaa MILKIYADD gaar ah oo shakhsi ah oo isaga Alle siiyay. Wuxuuna u hadla sidii u yahay Nabigii (SCS). .. Guddiyada uu kornayku ku kala magacaabay Shuurada iyo Fulinta oo lgu daro Sh. Shariif iyo ku-xigeennada kore iyo kuwa hoose isku-darkooda ma dhaafsana warqddii uu kornaylku ku qoray magacyadoo isag jooga tuuladdiisa Guri-ceel. Raggaasi waa kuwa aan la soo dooranin mana jirto cidd ay wakiil ka yihiin. Kornaylku isga ayaa is-magacaabay, kaddibna wuxuu magacaabay Guddiyadaas, kaddibna isaga ayay magacaabeen. Taas ayaa keentay in aysan awoodda waxba ku lahayn. Waxaa dhabb ah in aan xataa loo sheegin qorshaha lagu socdo iyo meesha loo hayaamayo. Taas waxaa kaaga filin Sh-shariif oo afartii eray uu ku bilaabay aan weli midd shanaad ku darin. Nimaankaas hawshoodu waxay tahay in muuqaalkooda iyo magacyadooda lagu qurxiyo waajahadda ururka Maxkamadaha. iyo in ay ku celceliyaan ereyo mac-macaan oo ku wajahan ra’yi caamka gudaha iyo dibadda si aan looga didin kornaylka iyo Maxkamadiihiisa..Erayadaas oo ah qaar macaankooda uusan u baranin una quurin kornayku afkiisa.. 2 – MAXKAMADUHU WAA URUR-BEELEED: Maxkamadaha Muqdisho waa urur u gaar beel ka midd ah beelaha Somaliyeed. Beeshaas oo ah kuwii USCdii hore iska la haa.. Waxaa kugu daliil ah in Guddiyada qurxinta waajahadda Maxakadaha aanu kornayku ku soo darin wax aan beelaha uscda ka soo jeedin. Waxaa ku sugan Dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba kuwo badan oo ka mid ah Jaallayaashii kornaylka, ardadiisii iyo qaar macallimiintiisii ah oo reer Puntland iyo Somalnd ah oo Al-itixaad ay isla ahaayeen wuuna u quuri-waayay in uu qaarkood ku soo daro guddiyada wiji-qurxinta. Waxaan iyana cidna ka qarsoonayn in beelaha uscda qudhoodo aysan wadaagin awoodda mxkamadaha. Kornalku isaga ayaa isku-keli-yeelay awoodda oo dhan. Hadday wax ka soo haraana ma dhaafto jilibkiisa oo Indha-Cadde ayaa gacantiisa-middig ah. Taasi waa sababta uu uga war-wareegayo dhisme-maamul.oo awooddu mesha ay taallaa ka muuqan-kara. Kornayl Caways marka uu Beelaha ******* is-yiri yaad ka adeegsataa?? Wuxuu ka doortay sidii Caydiid Beesha ******** oo uu ka qaatay kornyal Xassan-Turki oo uu ku buuxiyay jagadii Kornayl A. Cumar Jees iyada oo magacii- hafardana -ku-xigayn- laga reebay. Meelahaasna Wuxuu Col Caways ka hadalsiiyay Maxamed Amiin iyo Af-dhuubb oo aan ju’dooda la maqlin sidii Cawdiid u baxay. 3- XOOG KU QABSIGA DALKA: Hadafka labada Tale wuxuu ka midaynsanyahay in ay xukunka dalka lagu gaaro xoog iyada la adeegana qori-caaraddi. Waxaa la dumay ciidamo hab-beeleed loo aoo abaabulay. Ciiddamaas waxaa lagau hanuuniyay laguna hawl-geliyay waqtigii Caydiid in ay iska xoraynhayaan Beelo soo-galayti ah oo aam waddanka asal u lahayn. Oo cadaadis (marana gumaysi baa afka lagu dufan jiray ) ku hayay muddo dheer dadka. Warbaahintana wxaxaa lagu magacaabi jiray beelahaas_ HARAAGII SIYAAD BARE. Maantana maliisiyaadka Maxkamadaha oo ah isla ********tii uscda, waxaa lagu abaabulaa laguna xamaasadd geliyaa in ay la dagaallamayaan Beelo Diinta diiddan oo gaalana dabada ku wata.. ********ta maanta ee Maxkamadaha ayaa sidii kuwii uscdii shalay waxaa loogu yeeray laguna akhriyaa in ay yihiin MUJAAHIDIIN oo koodii dagaalka ku dintaa uu yahay SHAHIID Jannada toos u gelaya, 4- WIIQIDDA BEELAHA CADAWGA AH: Run ahaantii ma jirto cadaawadd ka dhexaysa guud ahaan beelaha Somaliyeed. Haddayse jirto waxay ku ekayd baadiyaha. Iyaduna waxay la xiriirtay Beelaha isku degaanka ah oo marar isku.-qabsada baadka iyo biyaha xoolaha. Si loo xaqiijio ulajeedada-siyaasadeed oo ah in ay beelaha uscdu keligood hantiyaan xukunka dalka waxaa la abuuray cadaawadd-siyaasadeed oo ku salaysan in la wiiqaa, la daciifiyaa oo xoog lagu muquuniya beelaha uscda ku la tartama xukunka Dalka. Kuwaas oo ay ugu horrayso beelaha *******. Waa in la burburya awoodooda militeri iyo Dhaqaali. Wana in la tirtiraa qabkooda iyo sharaftooda ( Xassuuq- kufsi ).Magaaloyinkooda waa in la qsadaa lana burburiyaa si aysan u abuurin dhaqaale cusub oo ay noqdaan CAYR maxaysato ah oo sacabbada hoorsata. Mabda’an labada Taliye way ka midaysanyihiin 5– QAABKA DUULLIMAADKA : Waxaa cadd in uusan kornayl Caways iskuba hawllin habka loo fulinayaa qabsashada Gobollada beelaha ka baxsan USCda. Wuxuu soo min-guuriray qorshihii Jananka Wuxuuna ku dhaqaaqay fuluntiisa isagu oo u qirsan Jananka sarraynta Darajada iyo xeeladaha dagaalka. Qorshahaasi waa midd ku dhisan Saddex marxaladood oo is-dabayaal oo kala ah : A- Qabsashada Gaalkacyo oo fure u ah qabsashada gobollada Waqooyi-Bari ama Puntland. Haddii laga soo waabiyo Gaalkacyo waxaa lagu dhaqaaqayaa_ B- Qabsahada Jubooyinka oo marka hore laga billabayo Kismaayo kaddibna Gedo. C- Waaxaa lagu rogaal-celinayaa Gaalkacyo iyo waqooyi-bari. Iyada oo laadeegsanayo dhaqaalaha iyo tamarta lga helayo gacan kJubbooyink Gedo. 6- DAWLADD-DIID: Si loo xaqiijiyo xoogg ku qabsashadda Goballada dalka oo dhan waan in aan sinaba loo ogolaanin dhismaha Dawladd Somliyedd nooc kastaba ha noqoto eh. Iyada oo loo arkayay in Dawladd ama Xumadd kasta oo dhisantaa ay caqabadd ku noqonayso ula-jeeddooyin USCda-Caydiid . Fikirkaan ayaa ka danbeeyay diidmadii, la dagaallankii iyo fashalintii Dawladihiim BAYAANKA ee Cali iyo Cumar Carte ee 1991kii iyo Dawladdii Shirkii Jabuuti ee 1992kii. Dawladd la’aantaas waxay uscda u siinaysa fursadd in la sii wada Dagaalka ahliga inta laga xaqiijinnayo ahdaaftooda. Cawysna Cashirkaan si buuxda ayuu uga dhaxlay Jananka. Wuxuuna ku sii-daray fikrado SOMALI-DIID ah. Taas ah sidii Somalia looga dhigi lahaa Imaaradd Islaam ah oo ka dhaxaysa dadka muslimiinta ah oo dhan.. Isaga oon haynin hal dal uu ogol in Somalidu la wadaagto dalkooda. Somali-diidnimadaan ayaa ka danbaysay ihaanadii loo gaystay Calanka Somalia eeka dhacday Kismaayo markii uu Col. Caways qabsaday. Mabda’ana Dawladd-diidka ah wuxuu ka mid yahay udubb-dhexaadyada Siyaasadda Beelaha uscda ama Jabhadd ha ahaato, ama War-lord ahaado ama maxkamadd ha sheegto eh. Col. Caways wadahallada khartuum ee dawladda iyo Maxkamadaha waxay ugu jirta maaweellinta ra’i-caamka inta uu xoog ku muquuninayo gobollada dalka. Waxayna ka ka midd tahay waxyaalaha qurxinta waajahadda maxkamadaha ee waqtiga diyaar-garawgga. Mana jirto wax qiima ah oo ay isaga iyo Maxkamadihiisa ugu fadhidaa.Wadahaddalladaas Haddii la qabto iyo haddaan la qabanin, haddii la heshiiyo iyo haddaan la heshiinin Kornalka waxba isuma dooriso.oo ushiiso meel bay uga go’an tahay 7- DIIDMADA CIIDAMADA AJNABIGA : Diidmada Ciidamada Ajnabi ah oo gacan ka gaysta soo celinta nabadda iyo sharciga, waxay la xirirtaa Diidmada Dawladd-qaran. Sidii Jananku dagaal ugu qaaday Ciidamadii Caalamku ugu dheeqay Somalia. Halkaana ugu fashaliyay Gurmamaddkii Caalamiga ahaa ee ku wajahnaa Dib-u-soo-celinta RAJADII Qaran, Nabadd iyo Middnimo Soomsliyeed.. Col. Cawysna qonbihii Jananka ayuun buu LIG-LIGGA haystaa una diidayaa Ciidamo dibadda ka yimaadda oo Somalida gacan ka siiya soo celinta Nabadda, qaranka iyo midnimada ay iska lumisay!! Ciidan ku caawiyana waxaa kuu huraya oo keliya nin kaa naxaya. Kaasina Carabb ku-ma-ba jiro Afrikaanna wuu ku yaryahay 8- KAALMO-AJNABI: Janaku inkasta uu diidanaa Ciidamo si sharci ah ku yimaadda Dalka, haddna wuxuu xoog-saaray in Dagaalkiisa Ahliga uu u helo taageero dibadeed. Wuxuuna ku Guulaystay in helo Taageero fara baddan oo isugu jirta HUB; MAALIYADD iyo DIPLOMAASIYADD. Taas uu ka helay Ethiopia, Talyaaniga. Sudaan iyo Maraykanka ( inta aysan-is-khilaafin 93-94 ). Col.. Caways wuxuu ku sii kor-dhiyay in uu keen ciidamo ajnabi ah oo aan sharciyadd meelna ka haysan oo markii ugu horraysay ka qayb-qaata dagaallada ahiga ee Somalia. Isaga diiddan kuwa sharciyadda ka haysta Ururda Caalamiga iyo urur Goboleedyada Somalia xubnaha ka ahaan-jirtay oo aan dagaallada ku lug-la-hayn. 9 – NIMAN DANBI LOO HAYSTO: Waxaan ognahay in maamulkii UNISOM uu J.Caydiid u gooyay WARAN amar qabasho. Cawasyna sidaas oo kale waxuu jiraa dadka ay maraynka iyo xulafadiiso raadinayaan in la soo qabto. Danbiyada loo haysto nimaankaan innago ma xaqiijin karo manaa beenin karro waxaanse aragnaa in ay wadaagaan Waarankaas Caalamiga ah ee caddaaladdu ku goobayso qabashadooda . Waxaan filayaa in ay intaasi innoogu filantahay tusaale ahaan isu ekaanshaha labada taliye ee uscda ee shalay iyo maanta. Beeluhu waa kuwii, ulajeeddadu waa tii. Jidka loo marayaa waa kii. ********tu waa tii. Muhu waa mihii oo waa Muqdisho ! Waa arin sida qorraxda u cadd. DAGAALKA AHLIGA-CUSUBB. Maanta Somalia waxay cagta saartay xarbi-ahli ah oo cusub oo hanbadii Caydiid ka soo hartay aan dad iyo xoolo waxba ka reebayn. Waddadaan cusubi waxay u horseedi karta zawaal iyo tirtirridd laga tirtiro khariidada caalmka dal ahaan. Waxaana soo dhowaatay bislaanshihii mashruuca ah in Dalkii Somalia la oran jiray loo qaybiyo dalalka dariska la ah ( jabuuti waa laga reebay ) marka lagu wada qanco in Dadka Somaliyeed aysan ahal u ahayn qaadina karin Mas’uuliyadd qaranimo. Ummadda wax qiima ah ugu ma fadhido haddii Barneeddadii ( koofyadd ) uu Caydiid labisnaa ay Ethiopianku soo siiyeen, hadduu Caways ku beddelo Cimaamadd Carabi soo siisay ama ********tii raamaha lahayd lagu beddelo ******** cimaamadu sidata.. Waxaan kale oo aan iyana wax qiimo ah ku fadhiyin haddii gabaygii Caydiid lagu beddelo Ireyo Diini ah oo macnahoodii runta ahaa laga leexiyay oo uu Caways ku celcelo Isaga oo mar kasta uga dhigaya dadka Diin cusubb. Waxay Ummaddu ku Xukumaysa qofka ma aha dharkiisa iyo Qawlkiisa ee waa ficilkiisa la xirira ka qayb-qaadashada Xallinta dhibaatooyinka Umadda ku habsaday ee Qaran-jabku hooyada u yahay. TABAHA CUSUBB RR USCDA CUSUBB. Haddaan intaa kaga haro raad-qaadka dhinacyada badan leh ee kornayl Caways uu ku raad-qaadayo taliyihiisii Janan Caydiid. oo aan wax-yar milacsado Tabaha cusubb ee uu ku soo kor-dhiyay dhibaatada Somalida waxaan xusi karaa kuwa soo socda: 1- Marin-habaabin: Waxaa la wada ogsoonyay in dhibaatada Somalidu tahay DAWLADD-LA’AANTA : Dawladd la’aantaas ayaa dhashay dhammaan masaa’ibka ku habsaday dadka, dalka iyo diinta muddada 16 ah.. Sida dagaallada ahliga, burburka, bara-kaca, qaran-jabka, Fawdada…. iwm. Xaqiiqdani waa mid muran ma-gasho ah. Isla markaana maragg ma-doonto ah Gaal iyo muslin gudaha iyo dibadda waa laga wada dheragsanyahay. Kornayl Caways iyo Maxkamadihiiso inta ay dhibaatada Somalida qayb-ka-qaadan la haayeen xallinteeda ayay xaqiiqdadii garabb-mareen oo ku fureen Somalida dhibaato cusub oo ah DIIN la’aan. Si aan Dawladd la’aanta loogaba hadlin. 2- Cadaawaadda Dariska : Dalalka Xuduudda la wadaaga Somalia ee saddexda ahi si aan hagari ku jirin ayay dadka Somaliyeed u kaalmeeyeen Markii dalkoodii burburay. Iyaga oo boqolaal kun ku soo dhoweeyay dalalkooda. Jabuuti ayaa ugu wax-tar yareed. Kenya wax-wayn ayay qabatay inkasta oo ay jireen dhibaatooyin Somaali baddan loo gaystay ( kofsi-raaf ). Ethiopia wanaaggeedii wax la qiyaasi karo maba aha markii ay sharciyaysay in dadka Somalia ka soo qaxay ay XAQ u leeyihiin dhammaan xuquuqda muwaaddinka Ethiopianka ah. Dalalka deriska ah caawinaaddooda haba kala waynaato eh haddana ma aha midd laga abaal-dari karo . Waxaa iyana aan qofna ka qarsoonayn in Somalia oo dhulka jiifta maanta ay addunka oo idil uga baahantahay saaxiibnimo iyo taageero. Somalidu u ma baahna in darisgeeda loogu abuuro cadaawadd cusub oo la yiraaho Jihaad baan ku qaadayna. Jihaagkana sida Islaamku qabo waxaa iclaamin karo oo kaliya Madaxa Dawladda. 3- Bambooyinka-ismiidaaminnta oo lagu maqali jiray wararka Bariga-dhexe ayuu kornayl Caways ku soo biiriyay noocyada dagaalka ee Somalia.Waa jiil ama da’ cusubb oo dagaal. Waxaan shaki lahayn in noocaan- dagaal uu ku faafi doona qaybo badan oo dalka ah mustaqbalka. Caways iyo cidd kale toonana aysan xakamayn kari doonin. Waxaad arki doontaan berri iyada oo meelaha dadku ku badan yahayn sida masaajidyada iyo suuqyada oo ay dadka masaakiinta ahi ay boqolaal ugu gumaadmaan. AAYATIINKA MAXKAMAHA!! Waxaan ku soo gaba-gabayna qoraalkan su’aasha dadku is-waydiinayo oo ah Alloow muxuu ku danbayn-doonaa Dagaalkan ahliga ee uscda maxkamaduhu ay ka aloostay geyiga Somalia iyo halka uu ku staagi doono Faraska-colaadda uu caynanka u qabtay Kornayl Caways?? Jawaabta su’aashaan waxaa dhabb ahaan u og Alle-wayne oo qur ah. Haddanse ka saadaaliyo waayo-aragnimada taariikheed ee dunida oo ah midd Somalida reer-guuraaga ah maankooda iyo maskaxdoodaba ka maqan- waxay ayaamaha Eebbe inna barayaan in dagaalka gar-darradu uu daa’iman iyo abadan ku dhamaadu Jabb iyo qoomame!! . Markii aynnu Ethiopia ku qaadnay Dagaalkii 1977kii. Ayaa annaga oo ku faraxsan guulihii aan gaarnay billawgii dagaalka ayay kukhubaradii Ruushka ahaa intii aan laga eryin dalka waxay nagu yiraaheen “ Somali dagaal ma taqanno. Waxaanno idin sheegaynaa: DAGAAL MEESHA UU KA BILAABMO YAUU KU DHAMAADAA!”. Dagaalku xuduuddiina ayuu ka bilaabmay iyada ayuuna ku dhammaan doonaa. Waxay intaas noogu dareen Laba dagaal-wayne ee Adduunku Barlin ayay ka bilaabmeen. Iyada ayayna ku dhammaaeen . Haddan u soo laabto dagaallada ahliga ee Uscdii Caydiid ka Oogtay Dalka Muqdisho ayuu ka billawday. Waxuuna Caydiid weerar ku ekeeyay min Gaalkacyo ilaa Balad-Xaawo wuxuuna ku dhamaaday Muqdisho. Dagaalkan ahliga ee uscda Maxkamadunhu Waxaan filayaa in uusan ka baxsanayn qawaaniintaas guud ee looga bartay ayaamaha Ilaaheen. Oo isaguna Muqdishada uu Col Caways ka bilaabay weerarka ayuu ku dhamaaan. Faraska Colaadduna muqdishada laga haynseeyay ayuu dhigayaa heensaha marka uu halkaa ku TIRFACO SIDII UU UGU TIRFACAY FARASKII CAYDIID haddii Alle yiri. Waa : Dr. M. X. Said. Al-Jabarti. -------------------------------------------------------------------------------- ©mudugonline.com ®All rights reserved. Contact us: webmaster@mudugonline.com
-
Wariyayaasha iyo Xarumaha Warbaahineed amar lagusiiyey
Kamalu Diin replied to Kamalu Diin's topic in Politics
wararka loo isticmaali Karin dagaalka in uu u dhaxeeyo Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka balse la dhahayo Somalia iyo itoobiya ayuu u dhaxeeyaa, isla markaana aan la soo hadal qaadin dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, mas’uuliyiinta dowladda in ay yihiin Tigree sidaasi daraadeed Idaacadii ama wariyihii eraygaasi isticmaala waxa ay sheegeen in laga qaadi doono talaabo cad.dhinac kale ka digay in Xoogaga Maxaakiimta in loo isticmaalo Maleeshiyo, waxaa loo isticmaali karaa ciidan. -

Maxaakiimta islaamiga ah oo Saxaafada Muqdisho diniin kulul siiyey maanta taas oo ku wajahan isticmaalka Shiikh Cabdi-raxmaan Janaqow iyo Sheikh Yuusuf Indha-Cade oo kala haya xilalka Kugeenka Fulinta iyo Madaxa Amaanka ayaa maanta si cad ugu sheegay koox saxafiyiin ah oo ka soo qeybgalay Shirkii jaraa’id ee ka dhacay Villa Baydhaba in aan wararka loo isticmaali Karin dagaalka in uu u dhaxeeyo Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka balse la dhahayo Somalia iyo itoobiya ayuu u dhaxeeyaa. Digniintaan ayaa waxaa loo jeediyey Wariyayaasha iyo Xarumaha Warbaahineed ee ka jira Muqdisho waxaana lagu amray in ay isticmaalaan dagaalka in uu ka dhaxeeyo Somalia iyo itoobiya, isla markaana aan la soo hadal qaadin dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Indha Cade ayaa sheegay in aysan jirin wax dowlad ah waxa uuna ku tilmaamay mas’uuliyiinta dowladda in ay yihiin Tigree sidaasi daraadeed Idaacadii ama wariyihii eraygaasi isticmaala waxa ay sheegeen in laga qaadi doono talaabo cad. [Ruuxii doonaya in uu erayadaa Isticmaalo, ha aado Baydhaba iyo Adis-ababa balse halkan suurto gal idinku noqon meyso in aad dhex dhexaad kaga noqotaan Xaaladaha dalka ka jira,] sidaasi waxaa yiri indha Cade. Qoraalkan digniintan ayaa waxaa aqriyey Sheikh C/raxmaan Janaqow, waxa uuna soo jeediyey in awaamiirta sida ay tahay loogu dhaqmo, waxa uuna dhinac kale ka digay in Xoogaga Maxaakiimta in loo isticmaalo Maleeshiyo, waxaa loo isticmaali karaa ciidan. Amarkan ka soo baxay Maxaakiimta islaamiga ah ayaa u muuqanaya mid kala dhantaalaya dhexdhexaadnimadii warbaahinta gudaha soomaaliya oo xiliyo adag ku soo shaqeeyey dhex dhexaadnimo, waxaana muuqanaya in gabi ahaanba la diidan yahay jiritaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo la og yahay ilaha wareed ee haatan dalka ka jira in ay yihiin labadaasi dhinac marka laga reebo Itoobiya.
-
The Clan Courts And Power Sharing It's Not Possible!!!
Kamalu Diin replied to raadamiir's topic in Politics
USC/ICU is finall stretch into southern Somalia after Aideed's son Hussein was kicked out 1996. I hope this time will be the same. NO MORE USC/ICU warmongors. period. -
"Yeelimayno In Jananadii Moragan Iyo Xasan Turki oo Ku Caaanbaxay Dabargoynta Bushaweynta Somaliland ee aanu ku dhaangadaynay Hargeysa in maanta loogu yeedho" -------------------------------------------------------------------------------- () hadhwanaag 2006-12-18 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Agaasimaha Agoonta iyo Naafadii SNM ee Hoos taga SOOYAAL Mr Cabdi Maxamuud Warsame,ayaa shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Magaalada Hargeysa si kulul u naqdiyay kooxo wadaado ah oo dhawaan Magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay inay bilaabayaan lacag urur ay ku caawinayaan dadka Wabiyadu khasaaraha u gaysteen ee dalka aynu dariska nahay ee Soomaaliya. Cabdi Maxamuud waxa uu sheegay in agoonta iyo Naafadii SNM ay u baahan yihiin caawimo iyo in wax loo qabto, halka lacago loo ururinayo dadku dhaqan dal kale. Agaasimaha Agoomaha iyo Naafada SNM waa kale oo shrikaasi Jaraa’id kaga hadlay sida Mujaahidiintii SNM ay Mar kale diyaar ugu yihiin difaaca dalkooda. Warsaxaafadeed Agaasimuhu ka akhriyay shirkaasi jaraa’id ayaa u qornaa sidan: ‘’Anagoo ah Bahweynta agoonta iyo Naafadii kus oo waxyeelowbay halgankii dib u xoraynta JSL waxa aanu halkan ku baahinaynaa waxyaabaha nagu kalifay in aanu soo qaban qaabino Shir Jaraa’id oo aanu kaga hadlayno Qodobadan hoos ku qoran: 1) Markii ay aragtay Naafadii iyo agoontii JSL in aan wax u danaynayaa haba yaraatee jirin kuna khasaareen dhamaan shacabkii ay uy soo mareen halgankii ay ku wax yeeloobeen wax ay go’ansadeen in ay iyagu iskood isku abaabulaan dhamaan Heer gobol iyo degmo kuna taageeraan Gudoomiyaha Jimciyada Mujaahidiinta SOOYAAL sidii uu u raadin lahaa xuquuqdii kaga maqnayd aqoontii naafada dalka gudihiisa iyo dibadiisaba maadaama abaalkoodii laga dhigay hal bacaad lagu lisay. 2) Waxaanu muran ku jirin cidna aanay dafirayn in uu qarankan ku yimid halyayadii shahiiday iyo waaxyihii Naafada ee kala dhamaalmay cid uga damqanaysaa aanay jirin sida uu iyaga u damqayo waayo wuxuu kaga yaalaa wadnaha , maadaama ay kaga samreen aabahood iyo waaxyahoodii iyagoo nool la kala aasay umana dulqaadan karaan waxa kasta iyo wixii wax yeelo ku ah jiritaanka qarankan ay ku keeneen dhiiga iyo dhimashada kana horeyn doonaan wax yeelo toos ah oo ah ashkhaasta ku ashatay in ay dhibaato galiyaan abaalkii iyo tacabkoodii kaga jiray qaranka. 3) Waxa nagu naxdin ah ayaan daro wayna ah aadna noogu nusqaan ah in uu shacbigayagii reer Somaliland markii uu ku dhargay xornimada dhiishooduna buuxsantay uu ku hamiyo in uu yidhaahdo Muslinimaan ku caawinayaa dadka reer Koonfurka ah anaguna aan weli la agjoogno aafadii iga soo gaadhay ka badbaadintiisa dadkii reer Koonfureedka ahaa. Haddaba, waxa aanu si badheedh ah ugu sheegaynaa dhamaan cadowga Somaliland shisheeye iyo sokoeeyaba in aanay maanta dhayal ku dumin Karin kuna adag tahay xornimadi Lixdankii sida fudud ku luntay anaguna aanu mar labaad u hori doono Naftayadii sida aanu markii horeba ugu soo hurnay lana garanayno waxaanu galno iyo waxa aanu gudnaba Itoobiyana ay ka mid tahay walaalada dhabta ah ee Somaliland leedahay tahayna wadanka qudha ee aana waligay abaalkiisa gudi karaynin kuna ool yihiin shacbi ka badan Hal Milyan oo qof oo reer Somaliland ah kuna dhaqan yihiin toddobaatan Milyan oo Islaam ah kana badan yihiin Afarlabaad iyo Shan Labaad qolyahan Soomaalida sheegata, waxsaanu garan waynay , iyadoo ummad Islaam ah la doonayo waxa loogu duulayo ummad Islaam ah , waxaanu u aragnay xeelad dan gaar gaar ah laga leeyahay lana soo dhuubayo in si yar oo fudud uu soo galo Jananadii Moorgan ka mid ahaa iyo Xasan Turki oo Magaciisuba ahaa Dabargoynta Bulshaweynta Somaliland yeeli mayo qaadan mayo in hadh wanaag loogu yeedho gaashaan layaasha aan shalay dhangadeeyay. Sidaa daraadeed markii aanu aragnay Waxyaabaha dhacayaa ee ka jira Somaliland dhexdeeda una soo samirnay 16 sano wax kasta oo nagu gaf ah damqayayna Boogahayagii dhiigayay waxaanu go’aansanay Maanta in Intayada badani in ay Mar labaad ku shahiido sidii uu u jabi lahaa qarankan Somaliland’’. Weriyea, Mustafe-janaale Reporter Hadhwanaagnews.com/Hargeysa E-mail, janaale94@ayahoo.com Submited By hadhwanaag : 2006-12-18
-
Mogadisho Yaa Maamuli Doona?. By Gendisch May 2005 Waxaa lagu tilmaamaa magaalada muqdisho , magaalooyinka ugu bilicda san ee geeska afrika, waxaa ay caan ku tahay soo dhowaysnta iyo nabadgelyada waqti kasta oo aad socoto. Waxaa dadkeeda iyo ganacsigaba aad moodaa mid ugub ah oo aan hore loo isticmaalin. Waxaa a ay caan ku tahay jabnaanta nolosha, custada, farshaxanka, dalxiiska, dadka u jibaysan soo dhawaeynta martida oo ay u leeyhiin dhaqan, sidaa waxaa yiri Mike Allcock oo ka tirsanaa ciidamada ingiriska ee shaqo u yimid muqdisho sanakii 1947 bishii maarso isagoo ka tirsan British East African command, waxaa maanta shaki ugu jirin soomali meel ay joogtaba in caksiguu ruu run yahay oo magaalada muqdisho inteeda badan wixii lagu yiqiin aanay wali wax sidaasi ahi ka danbeyn balse ay suurto gal tahay in dib loo soo celiyo barisamaadkii magaalada muqdishow. Tan markii la dhisay dowlad fedraalka ah waxaa lagu mashquulsanaa sida muqdisho oo ah wadnihii qaranka ama tiirkii nolosha ee soomalida dib loogu soo calin lahaa iyadoo xildhibaanada baarlamaanka Qaar ka mid ah iyo hogaamiyeyaasha reer muqdisho u duubteen sidii ay arintan uga dhabayn lahaayeen. Waxaa aan shaki ku jirin in ay jiraan dano gaar ah oo isha lagu wada hayo oo la doonayo in la is waafajiyo nabad ku soo celinteeda iyo u samaynta maamul lagu wada kalsoon yahay. Kaasoo waafaqsan sharciga dalku degsaday ee federaalka ah . iyo mid loogu tala galay in muqdisho logu maamulo oo loo baahana tahay in la isla meel dhigo intaa aan lagu boodin mgaacaabid aan wax badan samaynayn iyo anigaa hebel magaacaabay oo xaq u leh wax la mid ah. Taasoo Keeni karta isk hor imaad iyo isfaham la’aan hor leh saamaysana reeraha muqdisho ku wada nool. Sideedaba marka wax la sameeynayo waxaa wanaagsan in sharciga qaranka la waafajiyo sidaas darteed ayaa waxaa ay noqotay in aan dib u fiirino waxaa uu ka leeyahay dastuurka qaranka ee federaalka ee ku meelgaarka ah dhismaha iyo maamulka magaalo madaxda soomaaliyeed ee muqdisho. Axadigu waxaa uu leeyahay Qodobkiisa 7.2 ee magaalo madaxda : Caasimadu waxay yeelan doontaa maqaam gaar ah, waxaana lagu maamuli doonaa sharci gaar ah,Xukumda federaalku waxaa u banan in ay xarun ka dhigato magaalo kale inta nabadgelyada laga sugayo hadii aysan qodobka axdiga ka hor imaanaynin. Arintaan hadii aan faahfaahin ka bixino waxaa waaye caasimada waxaa lagu maamuli doonaa sharci gooni ah oo la dajiyo lagana ansixiyo golaha shacabka ee dowlada federaalka ah. Waana laga bedeli karaa caasimada muqdisho , iyadoo loo rarayo meel kale hadii nabadgelyadu xun tahay tasoo iyadana laga rabo in golaha shacabku ogolaado. Sida kor ka muuqata marna hay’ada fulintu marna meel ugama banaana in ay iyadu dhisto ama magacaawdo maamulkii magaala madaxada. Sida Duqa magaalada , taliya booliska ee magaalada iyo maxakamda midna. Sidaas darteed hadii sharciga la raacayo waxaa cad in aanay . Raisal wasaaraha iyo madaxwaynuhuba midkoodna aanay awood siyaasadeed u lahayn in ay magaacaabaan howladeenada magaala madaxada, ee looga baahan yahay reer muqdisho in ay sameeystaan sharcigii lagu maamuli lahaa magaalaa madaxda ,hadii laga yeelana in federalku dhisana ay tahay ku tumasho sharcigii qaranku samaystahay. Waxaan doonayaa maqaalkan inaan ku soo ban dhigo laba arimood oo aad muhiim u ah, oo loo baahan yahay in la isla meel dhigo inta lagu jiro hagaajinta amaanka magaalada muqdisho kuwaas oo kale Sida loo dhisi karo maamal Sal leh loo sameeyo magaalada muqdisho, Tasoo loo baahan yahay in aad looga taxadaro oo aan noqon mid lagu degdego Sidii laga yeeli lahaa inta laga dhisayo maamulkas Loo wada dhan yahay ee isaga ah. Marka ugu horeeysa magaalada madaxdu waxaa ay soo martay maamulo kale duwan tan iyo maalintii la qaatay xornimada mudo haatan laga joogo 45 shan sano, kuwaas oo ku salaysnaa awooda xooga badan ee dowlada dhexe oo iyadu magacaawda maamulkeeda . hada soomali waxaa ay qaadatay federalism taasoo awooda dhexe ee dowaladu mid aan xoog badnayan ( decentralization ) , Sidaas darteed dhismaha iyo awoodaba Magaala madaxda lo loo daayey dadka degan magaalada ama gobolada dalka . waxaan soo jeedin laha in magaalada muqdisho loo samayeeyo hab dowladeedka loo yaqaano Magaalo-gudigu maamulo ( City Council government). Dowlada Magaalo madaxda Muqdisho . Waxaa ay reer muqdisho dhisanayaan dowlad leh , sedexdii qaybood ee dowlad lagu yiqiin, kuwaas ah kuwo wax ku maamula wada tashi iyo goaan ay ka muuqdaan dadka metalayaa reer muqdisho una wada dhan yihiin tassoo aanay meelna uga banaanyn in dowladu federalku fara geliso , kuwass oo u qaybsanaanaya Aqalka odayaasha ama guurtida ( City council or commisioners ) oo ah Xubinta sharci dejinta ee magaalada , Duqa Magaalada iyo Maamulihiisa oo ah xubinta fulinta iyo Maxkamada sare ee magaalo madaxda . Golaha Guurtida Muqdisho ( GGM) (Legislative branch of local government) Golaha guurtida muqdisho waa xubinta sharci dejinta maamulka magaalada muqdisho, waxaan ay ka koobnaan karaan 27 xubnood oo 2 dii ka mid ah laga soo doortay 13 tobankii degmo( thirteen districts of magadishu ) ee muqdisho afartii sano mar. isku geytiiduna tahay 26. iyadoo halka soo harayna lagu maamusi karaa qof loo garto oo wax badan ku biiriyey horeumarka gobolaka banaadir. 1. Kadib marka la soo xulo golaha guurtida waaxaa ay dooranyaan gudoomiya Golaha Guurtida ee Magaalo madaxsa ( Chairperson ), waxaa ay dajinyaan shacigii lagu maamulyey magaalada muqdisho oo noqonaya xeerka maamulka magaala madaxda soomaliyeed ee muqdisho.. 2 . Guurtada magaalada muqdisho waxaa ay noqon doonaan kuwo loo qaybsado sida loo degan yahay xamar maanta iyadoo tixgalin la sii karo taariikhii hore. 3. Golaha guurtidu iyagaa doorta duqa magaalada waxaa kaliya oo laga soo dhex dooran karaa golaha guurtida muqdisho si sharciga waafaqsan. 4. Golaha guurtidu iyagaa shaqada ka eryi kara duqa magaalada ama bedeli kara sharci hoosaadka lagu dhaqayo magaalada . 5. Golaha guurtada muqdisho iyagaa laga rabaa in ay ogolaadaan agendaha lagu dhaqaynayo ee magaalada. Sida sharciyada dhul bixinta kuwa miisaaniyada iyo sida loo qarash gareeyo sanad kasta. 6. Golaga guurtida waxaa ay ogolaadaan ama diidaan maamulaha magaalada Muqdisho( City manager ) iyo taliyaha Poliska kadib marka uu magacaabo Duqa magaaladu. B. Duqa Magaalada Muqdisho-DMM (Executive branch of local government) Duqa magaalada muqdisho Waa madaxa haya’ada fulinta ee ee muqdisho waxaa laga soo dhex dooran karaa Golaha guurtida ee muqdisho oo kaliya si sharciga magaalada waafaqsan.waa in uu ahaado Soomali degan muqdisho afartii sano ee u danbeeysay , afartan sano jira , wax danbi hore u gelin etc. Madaxa dowlada ee hayada fulinta ee magaalda magacaaba sedexda xubnood ee guduga maamulka magaalada sida , Maamaulaha magaalda (city manager ) taliyaha qaybta poliska ee magaalada ama nabadgelyada , iyo qareenka magalada . Waxaa laga soo xulayaa Golaha guurtida marka hore, maadama aan wooto al gelin Karin ( vote) kadina waxaa la dooran karaa afartii sano hal mar Duqa lama dooran karo wax ka badan labo goor ( wadarta sideed sanadood ) Waxa uu u soo xulaa oo u wakiishaa maamulka , maamulaha magaalada oo ay waaxyada dowlada hoose hoose timaado (city manager) . marka duqa magaaldu magacaabo waxaa ogolaato ama diido Golha guurtida. Lama soo hor dhigi karo guurtida tartanka maamulaha wax ka badan labo goor. Duqa magaalo madaxadu Waxaa sidoo kale waxaa uu doortaa taliyaha poliska Magaalo madaxda oo isagana laga rabo in guurtidu ogolaato . Duqa ayaa leh oo hogaamiya hayada fulinta soo kor sheegnay hor dhigana golaha guurtida miisaniyada dowlada iyo agendaha nabadgelyada magalada . Duqa ayaa masuulka ka ah kulanka hayadaha federalka ah wixii ku saabasan maamulka dowliga ah ee magaalo madaxada Isagaa ku hadla magaca dowlada magaala madaxda ama u wakiisha howl fuliyaal kale. C. Maxkamadaha Magaalada Muqdisho .MMM ( District Courts of Mogadisho) Maxkamada Magaalo madaxdu waxaa ay tahay ha’ada dhowrida Sharciga ay degsadeen reer muqdisho waxaana ay noqon kartaa labo maxkmadood sida maxkamda sare( superime court of Mogadishu) iyo maxkamda racfaanka( courts of appeals). Tan hore waxaa ay tahay maxkamada xaqa u leh in ay qaado ama dhegaysato denbiya shicibka dhexdooda ah , dhaca iyo boobka, dilka , xeeraka qoyska, guryaha ( civil , criminal and administrative ) iyo maxkamada racfaanka oo dhegeysata racfaanaka laga qaato maxakamda sare ee gobolka banaadir iyo hayadaha dowliga ah ee magaalada. Waxaa ay maamushaa xeerarka qareenada magaalada.waxaa maga caabaya Duqa magaalada muqdisho waxaana ansixinaya ama diidiya Golaha guurtida sharci waafaqsan hal cod dheeri. Waxaa ay ila tahay in hadii reer muqdisho isku afgartaan dhismaha dowlad loo sameeyo magaalada muqdisho ay iman doonto arin ay u aaydo jiilka hada jooga iyo kan danbe ee soo koraya. tasoo ay soo bixi doonto in dadkii tashan waaayey waqtigii dheer ay ku heshiyaan wax aan si fudud loo dumin Karin maadaama salka laga soo dhisay ( bottom up). Oo aanay fara gelin dowlada fedrealka ahi sida ay doonto ka yeeli doonin( top down). Waxaa hubaal ah ay in dowlada magaala madaxda soomaliya ay hoos iman doonaan daqliyada ka soo gala dowlada hoose dhinaca dekedaha iyo airporka ee xamar hadii federalku la wareegana waxaa uu la wareegi doonaa kuwa Kismayo , Boosaaso iyo Baydhabo intaba. Waxaan shaki inooga jirin in loo baahan yahay inta laga dhisayo dowlad loo dhan yahay ee muqdisho in loo daayo xamar dowladiihii hore u jiray ee cabdiqaasim Salat dowladiisii ka tirsanaa ama loo magacaabo qof ku meel gaar ah oo howsha sii fuliya inta la dhisaayo dowlad hoose oo loo wada dhan yahay mismaheeda oo aanay federalku faragelin Karin. ( Caretaker ). Waxaa loo baahan tahay in dhismaha dowladaan lagala tashado hogaamiyeyaasha muqdisho oo dhan, aqoon yahanada , culumada diinta, haweenka, maxakamdaha islaamka. Ganacsatada iyo qofkasta oo wax ku biirin karta geedi socodka dhismaha maamulka magaalada . waxaan ku boorin lahaa hadii aanay reer muuqdisho arintan ka tashan in dowlada federalku ay noqon doonto meesha kaliya ee ay ka talido si xoogan, dhaqaalaheeda sida ay doonto ka yeesho maadama reer muqdisho tashan waayeen . ninkaan tashan Karin waxaa wanaagsan in loo taliyo.Ogolaada. dhamaad Waxaa diyaariyey Hussein Abdi-karim Ahmed (Gendisch) Raleigh, NC Hoss_abdi@msn.com. Bio: Mr. Hussein Abdi-Karim ahmed "Gendisch" was born in Anamoog, Somalia where he spent his formative years until leaving to attend Benadir High School in Mogadishu. He pursued his college studies and earned a Bachelor's Degree of Economics, with distinction, from Somali National University, (Gahayr-Comp). He also pursued post-graduate studies in Economics at the Murray state University of Murray, Kentucky, and Public administration from North Carolina university system where he earned a Master's degree.
-
The discovery of another mass grave in Somaliland
Kamalu Diin replied to Jacaylbaro's topic in Politics
1 -
Xabashi Daba dhilif,xaarka isku celiya...tick tack...
Kamalu Diin replied to RedSea's topic in Politics
Originally posted by duuliyesare: Did not now Abdulahi-Ahmaar supporters can read minds.. Woooooooooooooooooow -
Al-qaacidah oo hambalyo u soo dirtay Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliya
Kamalu Diin replied to Kamalu Diin's topic in Politics
Taliban you did not answered even the two questions of your choice. It was in respect to Somalia. not in Afganistan, Iraq, Saudi Arabia, Kuwait, Egypt, Russia, china, India, USA, And Israel. Somalia become a launching pad of devil's fight that is all. Al Qa'eda is taking advantage the tribal hatered among Somalis. -
Originaly posted by Red Sea: Kamalu Diin,I don't have all the time to answer all your questions. You are puting together useless questions which I don't understand where you are going with it at this time. Nor do I need to prove anything to you, you may refer me as Somalilander or whatever,it's your choice if it makes you sleep well Are these question irrelivent or what?. I would like to understand where you (Red Sea) heading follow man. News. the issues you can draw from here are. 1) waxa laga sheegayo ma runbaa in reer burco wax la wadaan Xasan Dahir Awes? 2) Maxaa hada keeney in lagu dhawaaqo Shariada? 3) Sow dawladu dowlad muslim ah meyeeysan ahayn? Raga mas'ulka ah mayeeysan ilaah ka cabsoon? 4) Xageese na geeyn doonata hadii ay sidaas rimowdo? 5) Ma u maleysaa in dariishada laga soogalo la doonayo, iyadoo ilunku furan yahay? hadii umada taas loo horseedo, maxaa ay keenaysaa? 6) Mise mid keenaysa waxa ka waagsan waxa hada jira? 7) ayaa dhibaato u arko? oo ay dhibaysaa? Maxaase dhibaya? 8) Nimankan wata sheekadaan Xornimada Somaliland daacad ma ka yihiin? mise ka ma aha? 9) Dadka arinkaan ku raacsan intee bay le'eg yihiin? 10) xageese ku eg yihiin? mise ku faafsan yihiin goboloda dalka oo dhan? or meelo ka baxsan dhalka sida Somalia? 11) etc. go where? prove what?
-
Originally posted by Jaylaani: Che, Of course they will. But it will come down to what the people of Somaliland want. Establishing legitimate government is Somalia is the key for Somaliland recognition. Juje, I don’t agree with you. I think both goals are obtainable. You don’t have to hate one idea in order to like the other. I think that is the dilemma most Somalis have these days. Having multiple Somali nations in Africa is great for us politically and economically. Obviously we can’t get long so why not try the alternative. Well answered,
-
Where is Red Sea ..............................
-
Originally posted by General Duke: ^^^ KD many thanks for the kind comments. G. Duke when people start throw stones to each other, then the solution is. 1) stop throwing stones to each other. 2) take a rest. 3) make an outline what do you believe about other party. 4) Make an outline what you think other believes about you. 5) Try to find a solutions by yourself using reasons, and any other wisdom you got such as Diin. 6) You will get suprising results after you sorted out your and their believes with reason and other wisdoms. 7) Ask the other parties to sit, discuss and work out the differences, while informing them to be prepared just as you are. 8) if the parties are honest about themselves, honest about solving their problems, honest the issues they brought forward, and honest setting good methodology of solving upcoming, or the problem that are not in their minds (forgoten). then they could easly reach an agreement. We need to keep in mind following. One disputing parties are more then one person is hard to sort out who start the throwing stones. in that case no one could be found guilty. If the parties in dispute are not honest about any of above points, and they couldn't find a third party or authority to help solve their issues.
-
Originally posted by Jaylaani: He is advocating blooded all out war in Somalia with the participation of XABASHI. I counting only the minute he avoided the war at any cost. I know in the bast, but if he comes with good heart then I would well come him. We need a lot of "meeting of the minds" here SOL.
-
Al-qaacidah oo hambalyo u soo dirtay Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliya
Kamalu Diin replied to Kamalu Diin's topic in Politics
how do you explain to someone who is not a Somali who cannot understand hatered among Somalis? In relation to Al Qa'eda I would say to foreingers Somalia 'last thing Somalia needs is Al-Qa'eda unlike IRAQ or Afganistan where the hating based on tribes were allien, but Somalia where tribal hate/revenge is thousand years old and added Al-Qa'eda's sofistication used is the end of Somalia" -
Al-qaacidah oo hambalyo u soo dirtay Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliya
Kamalu Diin replied to Kamalu Diin's topic in Politics
Originally posted by Kamalu Diin: It a news. the issues you can draw from here are 1) is this apropaganda or not?. 2) are we heading a wrong direction or not?. 3) maxaa nala gudboon in aan ugu baaqno ICU in ay waxaas soo kale aysan noogu horseeding, oo dagaal aanu danteenu ku jirin nala galin. 5) sidee ayay noqonaysaa Somaaliya hadii ay sidaasi rumowdo? Ciraq, Afganistan. 6) As a responsible citizen maxaa ay tahay tilaabada iiga haboon? 7) what are Al-Qa'eda is defending? 8) for who Al- Qa'eda is defending? 9) As a good muslim what we must do a time of crises. 10) how do explain to someone who is not a Somali who cannot understand hatered among Somalis? 11) etc. Taliban why don't you answer my quetions please
-
Popular Contributors