Kamalu Diin

Nomads
  • Content Count

    634
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Kamalu Diin

  1. Soomaaliya waxaa u dhalatay dowlad maantana waxaa ay heleysaa taagerayaal cusub hadiiba ay ku guuleysatay dagaalkii ka dhanka ahaa. waana markii ugu horeysay oo waxay soomaali u dhantahay hirgasho. No more intimidation! no more name calling! no more exclusion! no more subjugation! no more technicals! no more AK47! no more Pasuke! no more dadkoo la'iska horkeeno! no more! no more .....! no more .....!
  2. TFG is getting stronger every attempt of its distruction. This is would not have happened without Transitional Federal Parliment. I am very pleased how these leaders are working toghether. I don't believe Abdullahi Yousuf would have acheived this without the masses of TFG/TFP supporters. Look Transitional Federal Parliment are true leaders of today and tomorrow. Abdikhasim Isbaaro dhiganleheydaa ama dhigan leheynaa. waa mid adiga kuu taal. and the flames you are thinking of don't let it burn you. Somaalida maanta waxaa ay u hiilinaayaan dhibanaha waxaa ayna ka hiilinayaan dhibaha sidaada ookale ah.
  3. DAGAALKA DAHSOON EE SOOMAALIYA Dr. Saadiq Enow Dhacdooyinka qallafsan ee ka imanaya Geeska Afrika, waa kuwo caadad ka baxsan. Goor 16 sano laga joogo ayaa dowladdii Soomaaliyeed waxaa ku yimid bur-bur. Soomaalidu dhamaantood waa ay ka wada qeyb-qaateen bur-burka nadaamkii u dhisnaa. Islamarkaa ma jirin nadaam ay horey u diyaarsdaeen, kaas oo ay ugu talagaleen in uu beddel u noqodo. Waxay noqdeen sidii nin dumiyay aqalkii uu ku noolaa, iyada oo uusan dibadda u saarin xaaskii iyo caruurtii. Waxaa halkaa ka dhashey natiijooyin aanan la mahadin. Marka laga reebo dadka u heelanaa howlaha lagu bur-buriyay Soomaaliya, qof kasta oo kale waa uu la fajacayaa waxa ka dhacaya Geeska Afrika. Sikastaba ha loo fasirtee, meesha ay riwaayaddu ka dheceyso waa dhul Soomaali. Kharashka ku baxayana waa dhiig Soomaali. Mashaqada la soo deristey bulshada Soomaaliyeed ee maanta xalkeedii lagu jah-wareerey, waa mid Soomaali ka qabta kharaj badan. Waa mid horey u galaafatey geesiyaal Soomaaliyeed. Geesiguna maahan ninka tuutaha lebista ee qoriga qaata oo keliya. Bal geesiyaal badan oo aanan qori qaadan ayay qadiyadda Soomaaliyeed qabtaa. Qadiyaddan ay ku dhamaadeen caruurtii Soomaaliyeed, maahan mid shaley iyo maanta bilaabatey. Bal waa mid dhinac socotey waayaha taariikhda. Taas oo ku hartey xasuus diiddan tir-tiran. Waxaad ii oggolaataan inaan caawa wax yar ka xuso geesi kamid ah halgamayaashii naftooda u hurey qadiyadda Soomaaliyeed. Isaga oo aanan tuute lebisan, qori qaadan ayuu ku dadaalay in uu Soomaali ka bad-baadiyo mashaqo ku soo deg-degta oo shisheeyuhu u maleegey. Qabiilkiisu maahayn afar iyo jabka aanu wax ku qeybsanay. Isagu maahayn Soomaali, wuxuuse dhiiggiisii u qubey in uu Soomaali, goor hore ka badbaadiyo shilkan ay ku dhacdey. Intaanan Xamar lagu dilin ayuu xaaskiisii kula dar-daarmey, in ay ilaaliso buuga xasuus-qor u ahaa. Dabadeedna ay u dhiibto nin wariye ah oo la yiraahdo Axmad Bahaa Al-diin. Geesiga aanu caawa xuseynaa, magaciisu waa Kamaal Al-aldiin Salaax. Ninkaas oo laga soo magacaabey Jamciyadda Quruumaha ka Dhexeysa, ayaa wuxuu kamid ahaa saddex danjire oo kormeer ku hayay nadaamkii dul-maamulka ahaa ee Talyaaniga uu ku xukumey Soomaaliya. Waraaqahaasi waxay yihiin marjic markhaati u ah howlihii, dhallinyaradii Leegada, ay ku doonayeen madax-bannaanida. Geeridii Kamaal Al-diin Kamaal Al-diin dabadeed, xaaskiisii oo la yiraahdo Amiina Salaax, waxay waraaqihii guriga u yiil ay siisay ninkii uu ku yiri sii. Axmad Bahaa Al-diin oo waraaqahaas uu dhaxley ka sheekeynaya, wuxuu yiri : " Markaan bilaabey in aan waraaqihii akhriyo, waxaan u muuqdey sidii nin akhrinaya dhacdo daraama ah. Waxaa halkaas ka dhex muuqdey geesiyadii sheekada jilayay, gumeysigii fashiistada ahaa, ganacsatadii Hindida ahayd ee dhex-dhexaad ka ahayd qadiyadda iyo Soomaali caada-qaatayaal ahaa oo iibinayay dalkooda. Waxaan ahaa mid akhrinaya sheekadaas daraamada ah, illaa ay ku dhamaatey dilka danjirahaas geesiga ah ". Kamaal Al-diin Salaax wuxuu u dhintey qadiyad Soomaaliyeed, sida ay geesiyaal badan oo Soomaaliyeed ay u dhinteen qadiyaddan. Wakhtiguna wuxuu reebey magaciisa in uu ahaado mid ku lifaaqan qadiyadda Soomaalida. Dilkaasi wuxuu kamid ahaa dilal badan oo lagu aamusinayay qadiyadda bulshadaas saboolka ah. Kamaal Al-diin ayaa markii loo magacaabey Soomaaliya, isaga oo dhoolla-caddeynaya wuxuu xaaskiisa ku yiri : " Malaha igu xooggan wuxuu yahay, in aan halkaas ka helayo shaqo xasilloon, waayo waa dhul xasilloon ". Danjirahan oo u dhashey dalka Masar, ayaa horey u soo qabtey xilal diblomaasiyadeed. Isagu sanadkii 1936-kii, wuxuu ka soo shaqeeyay magaalada Qudus, iyada oo markaas uu jirey kacdoon ay dadka carabta ah ku diidanaayeen maamulkii Ingiriiska iyo Yuhuuddii lagu tallaalayay halkaa. Dabadeed wuxuu ka soo shaqeeyay Jabaan, iyada oo ay taagneyd dagaalkii u dhexeeyay dalkaas iyo Shiinaha. Kaddib waxaa loo beddeley Libnaan, iayad oo dagaalkii II-aad ee dunida uu socdo. Waxaa halkaa soo weeraray ciidamo isugu jira Ingiriis iyo Faransiis. Ciidamo carab ah ayaa la dagaalamayay. Iyagu waxay diiddanaayeen in gumeysigu caga-dhigto degaanka. Dagaalkii II-aad markuu dhamaadey, waxaa loo direy San Faransisco (Mareekanka), si uu xubin uga noqdo wafdiga caalamiga ah ee halkaas ku saxiixayay axdigii lagu asasaasey JQ ka Dh. Isagu wuxuu markaa matalayay dowladda Masar. Dabadeed wuxuu u soo wareegey magaalo-madaxda dalka Urdun (Camaan), si uu goob-jooge uga ahaado dagaalkii ugu horeeyey ee dhex maray Carab iyo Israa'iil. Wuxuu kaloo goob-jooge ka ahaa af-gembigii ay shuuciyiintu kula wareegayeen talada dalkii la oran jirey Jikoslofakia. Kaddib waxaa loo beddeley Suuriya. Waxay ahayd xilligii ugu qalafsanaa taariikhda dalkaas. Kacdoon xooggan oo dowladda lagu diidanaa ayaa jirey. Kaddib wuxuu noqdey qunsul fadhiya magaalada Marsiiliya. Degmadu waxay xilligaas ahayd meesha ugu dhaqdhaqaaq badan oo jabhaddii u dagaalameysay madax-bannaanida Jasaa'ir ay dibadda ku lahayd. Faransiiska ayaa markaas wuxuu si xooggan u ilaalin jirey dhaqdhaqaaqa qunsulka Masar. Kaddib waxaa yimid doorkii Soomaaliya. Haddaba wax lala yaabo maahan in Kamaal Al-diin uu xaaskiisu ku yiraahdo : " Malaha igu xooggan wuxuu yahay, in aan halkaas ka helayo shaqo xasilloon, waayo waa dhul xasilloon ". Maxaa yeeley dadka Xilligaas ku noolaa Soomaaliya, tiradoodu waxay ahayd 1.300.000 oo keliya. Nadaamka ka jirayna wuxuu ahaa dul-maamul uu Talyaanigu gacanta ku hayay. Dhulkaas oo danjiruhu uu maleynayay in uu ka helayo shaqo xasilloon, ayaa wuxuu noqdey meeshii ay ku ekeyd noloshii geesigaas. Goor duhur ay tahay, isaga oo gelaya albaabka daartii qunsuliyadda Masar, ayaa nin dhallinyar oo Soomaali ah uu toorey, dhowr jeer dhabarka kala dhacay. Kamaal Al-diin ayaa markaas ku dhex dhacay dhiiggii ka qubtay oo dhulka buuxshay. Ninkii wax diley waxaa qabtey shaqaalihii qunsuliyadda, kuwaas oo Soomaali ahaa. Kamaal Diiin , isaga oo dhaawac ah ayuu tooreydii iska siibey. Ramadaan ayay ahayd oo waa uu soomanaa. Dhiiggii ka baxay awgiis ayaa waxaa loo keeney biyo uu cabo. Waa uu diidey oo wuxuu yiri : " Aniga oo sooman ayaan doonayaa in ay naftu i deyso ". Halkaas ayuu kaga nastey howlihii qallafsanaa ee uu goob-joogaha ka ahaa. Nasasho aanan soo noqod lahayn. Majirin qof maleynayay in nolosha Kamaal Al-diin ay ku abyooneyso ceynkaas, meeshaas, iyo weliba sabab gacan Soomaaliyeed. Dhacdadan ayaa waxay tilmaameysaa, waxa Soomaaliya ku dhacay in ayan ahayn wax ay Soomaalidu doorteen, bal ay tahay wax loo doorey. Taasi waxay khasbeysaa in aanu sheekada dib ugu noqono si loo fahmo gaba-gabada sheekada geesigan. Xasuus-qorkiisii wuxuu ku qorey sedan : " Markii ay Xamar ka degatey dayuuraddii aan la socdey, magaalada ma aanan joogin dhowr toddobaad, illaa qalbigeyga uu jecleystey shacabkaas saboolka ah. Sidoo kale iyana waa ay i jecleysteen ". Qunsulkan Masar, waxaa la socdey laba qunsul oo kale, kuwaas oo laga soo direy JQ ka Dh. Iyagu waxay ka socdeen labada dale e ah Kolombiya iyo Filibiin. Inkasta oo muhimadda loo soo direy saddexda qunsul ay mid ahayd, misana Kamaal Al-diin si gaar ah ayuu xil isaga saarey in uu Soomaalida wax taro. Wuxuu noqdey shakhsiyadda ugu muhimsan oo ay u kaashadaan halgankoodii ay ku doonayeen madax-bannaanida. Laba toddobaad markuu joogey, wuxuu qaatey gaari jiib ah. Wuxuu ku soo wareegey degmooyinkii iyo tuulooyinkii dalka. Xataa ceelshii geelu ka cabayay ayuu tegey. Sida uu isaguba sheegey, dad-waynaha ayuu kulamo la qaadanayay. Waa uu la tukadey. Waa uu u khudbeynayay. Wuxuu u sheegayay waajibka ka saran dalkooda iyo waxa laga doonayo in ay la yimaadaan, si ay u xaqiijiyaan madax-bannaanida dalkooda hooyo. Wax yar intuusan joogin, Kamaal Al-diin waxaa u muuqatey, sida loogu hardamayo dalkaas yar ee saboolka ah, iyo sida dadkiisa ay war-moog u yihiin. Waxaa u muuqatey danaha dowliga ah oo laysku haysto, iyo jahliga ay ku sugan yihiin dad-waynaha Soomaaliyeed. Waxaa u muuqatey dowladaha markaa ku hardamayay in ay ahaayeen Ingiriis, Faransiis, Mareekan, Talyaani, Baljam iyo Itoobiya. Xilligaas Talyaaniga ayaa maamulayay Soomaaliya. JQ ka Dh. ayaa u dhiibtey si muddo 10 sano ah uu u gaarsiiyo madax-bannaani iyo is-maamul buuxa. Sida uu yeeli lahaa xoog kasta oo gumeysi ah, Talyaanigu wuxuu muddadaas ku dadaaley in uu boobo hantida dalka. Bal in uu tallaal ku reebto dalka, kaas oo uu maslaxaddiisa ku ilaashado. Dhacdooyinka la xuso ee la xiriira boobka hantida dalka, waxaa tilmaamaya sheeko dhacdey markii Jamaal Cabdi Naasir uu qarameeyay biya-mareenka Suwees. Dagaal ay soo qaadey dowladdii lahayd shirkaddii laga eryey kanaalka, ayaa wuxuu sababey in marinkii kanaalka xirmo. Waxaa markaa Xamar ku hakadey maraakiib sidey moos badan. Waxay ku jeedeen dalka Talyaaniga. Haddaba si uusan moosku ugu qurmin maraakiibta gudahooda, ayaa waxna badda lagu daadshey, waxna waddooyinka magaalada Xamar la dhigey. Soomaalidii, ayaamo ayay heleen moos bilaasha oo ayan horey u heli jirin. Inkasta oo moosku uu yahay waxa ugu badnaa oo laga abuurayay dalka, misana dadka Soomaalida ahi, dhamaantood ma ayan lahayn awood ay ku dhadhamiyaan hantidaas ka baxaysa dalkooda. Ingiriisku wuxuu markaa fadhiyay waqooyiga Soomaaliya. Wuxuu ogaa is-beddel kasta oo ka yimaada koonfurta Soomaaliya, in uu yahay mid raad ku yeelanaya gobolka uu gumeysto. Bal dhallinyaradii Leegada kuwoodii ugu fir-fircoonaa waxaa kamid ahaa rag ka yimid Cadan iyo Hargeysa. Gobolkaas uu gacanta ku hayay wuxuu yahay mid ku sii jeeda degmada Cadan oo xilligaas ahmiyad u lahayd Ingiriiska. Islamarkaa waa gobol la xiriira madiiqa laga galo badda Cas ee la yiraahdo Baab Al-mandab. Si haddaba Soomaalidu aanay ugu soo deg-degin madax-bannaanida gobolkaas, qeyb degaanka kamid ahayd ayuu Itoobiya si kedis ah ugu daray. Dhulkaas oo ahaa dhul uu Ingiriisku u hayay amaano ahaan, isaga oo aanan kala tashan odeyaashii Soomaalida, ama xataa Talyaanigii joogey gobollada koonfureed, ayuu gacanta u geliyay maamulkii Itoobiya. Taasina wuxuu uga gollahaa in Soomaaliya iyo Itoobiya ay noqdaan laba dal oo aanan xinif ka dhamaan. Si markaas danahiisa siyaasadeed ay baaqi ugu ahaato gobolka waqooyi ee gacanta ugu jirey. Dhab ahaantii, Soomaalidu waxay bilaabeen xilligaas in ay ka hadlaan ********ya. Taasi waxay gaabis ku keentey in ay ka hadlaan gobolka uu haystey. Kamaal Al-diin Salaax, janno iyo raxamad Allaha ka waraabshee, goor hore ayuu dareemey shacda siyaasadeed ee lagu luggoynayay Soomaalida. Shakhsiyaddiisa oo ahayd mid ay Soomaalidu ku kalsoonaayeen darteed, ayaa wuxuu kula taliyay in aanan laga marin-habaabin gobanimada ay halganka dheer u soo galeen. Wuxuu u sheegey, markii ay madax-bannaanida qaataan, in ay doonaan gobollada ka maqan. Laakiin xilliga la joogo ayan isku howlin cayaarta uu Ingiriisku u bilaabey. Mareekanka ayaa dhankiisa ka bilaabey in uu daneeyo Soomaaliya. Waxaa xilligaas la ogaadey, in batrool badan uu hoos ceegaago ciidda Soomaaliya. Waxaa Soomaaliya yimid shirkad batroolka baarta oo Mareekan laga leeyahay, taas oo la yiraahdo Singler. Nin masuul ka ah shirkadda oo magiciisu yahay Mr. Adam, ayaa booqasho gaaban ku yimid Xamar. Wuxuu la kulmey Kamaal Al-diin Salaax. Wuxuu ogaa, qunsulka Masar in uu markaas noqdey furihii dhaqdhaqaaqii Leegada. Wuxuu jecleystey in uu u sahlo sidii ay shirkaddu u heli lahayd heshiisyo deg-deg ah, intaanan madax-bannaanida la qaadan. Runtii xilligaas Soomaalidu kuma jirin dad leh aqoon ay miis kula fariistaan ragga caynkaas ah. Kamaal Al-diin waa uu ka diidey oo wuxuu doonayay in shirkadda iyo Soomaalidu ay dhigtaan heshiisyo lamid ah midka ay dhigteen shirkadaha Mareekanka iyo dalalka Sucuudiga iyo Kuweyt. Taasina wuxuu ku ilaalinayay danaha dadka Soomaaliyeed oo isga aaminey. Diidmadan waxay kamid ahayd dhacdooyinka shiddada ku keeney noloshii qunsulkaas geesiga ah. Talyaaniga wuxuu baahi badan u qabey in uu qeyb ka helo mashruucii ahaa (Marshall Plan) ee dib loogu dhisayay Yurub, dagaalkii dabadeed. Shaxaadkii uu Mareekanka ku sasabanayay wuxuu ka bixiyay dhulka Soomaalida. Talyaanigu wuxuu markaas oggolaadey, isaga oo aanan JQ ka Dh ogeysiin, in shirkaddii Singler ay ka howl-gasho ciidda Soomaaliya. Mareekanka ayaa markaas wuxuu ballan qaadey in uu sanad walba siiyo maamulka Talyaaniga ee Xamar fadhiya 200.000 oo dollar. Wuxuu kaloo saxiixey in uu wax ka qabanyo mashaariic ay kamid yihiin kobcinta xoolaha nool, kanaallo uu ka jeexayo biyaha labada webi, dhismo bakhaaro lagu keydiyo miraha beeraha ka go'a, qodid ceelal biyaha laga cabo. Mashaariicdaas midkoodna dalka kama fulin. Waxaa keliya oo fuley wuxuu ahaa baaritaankii Singaler ay ku baadi-goobeysey batroolka iyo lacagihii shaxaadka ahaa oo uu qaadanayay maamulkii Talyaaniga. Kamaal Al Diin oo ahaa nin matalayay JQ ka Dh. aad ayuu uga hor yimid arimahaas. Dacwad badan ayuu ka geeyay golaha jamciyadda. Taasina waxay ahayd qodob kale oo lagula colloobey qunsulkaas geesiga ah. Qoraallada dacwadda ah ee uu u gudbiyay JQ ka Dh. waxaa kamid mid ahaa sidan : " ……………… Hadday run tahay arintan, waxaa la sheegay, shirkadaha batroolka marka ay baadi-goobayaan meelaha uu ku jiro batroolka ganacsiga ku haboon, waxaa kale oo la socda rag sir-doon ah oo ka socda ciidamada Mareekanka. Raggaaaasi waxay qoranayaan kaartooyin la xiriira degaanka, kuwaas oo si tifaf-tiran uga waramaya dhulka ay shirkaddu ka howl-gashey, iyo xataa hantida maguurtada ah. Arintaasi waxay sahleysaa in la maamusho kheyraadka dalku leeyahay ". Xilligaas, doorka Itoobiya iyo damaca ay ka lahayd Soomaaliya, maahayn mid ku ekaa gobollada ay ka qaadatey dhulkii Soomaaliyeed. Bal wuxuu ahaa mid intaa dhaafsiisan, oo waxay dooneysay in ay la wareegto dhamaan Soomaaliya. Waxaa jirey fadhiyo ay isugu iman jireen wasiirada dibadda, afartii dowladood ee dagaalkii II-aad ku adkaadey. Waxay kaga xaajoonayeen Soomaaliya. Fadhigaas waxaa lagu casumi jirey wasiirkii dibadda ee Itoobiya. Isagu wuxuu halkaas ka sheegi jirey in Soomaaliya ay tahay dal Itoobiya kamid ah. Sidaa darteed, loo soo celiyo taladii dalkaas. Kamaal Al-diin , marar badan ayay dood kulul ku dhex martey JQ ka Dh. isaga iyo danjirihii Itoobiya u fadhiyay golaha. Waxaa jirtey mar uu danjiraha Itoobiya ku eedeeyey Kamaal Al-diin in uu halleynayo xiriirka Itoobiya iyo Masar, haddiiba uu sidaas wax ku wado. Kamaal Al-diin wuxuu ugu jawaabey sidan : " Anigu maahi nin matalaya dalka Masar. Waxaan ahay danjire matalaya JQ ka Dh. Waxaa la i farey in aan ka ergeeyo qadiyadda Soomaaliya. Sidaa darteed, markaan Muqdisha u kacayo, waxaan sidaa dhambaal layga dhiibey JQ ka Dh. Markaan New York imanayo, waxaa sidaa dhambaal ay ii soo dhiibeen Soomaalida. Taasina waa howsha aan u xil-saarahay ". Allaha u naxariistee Shiikh Maxamuud Faarax Maalin-guur oo kamid ahaa horseedayaashii ururkii SYL, wuxuu ii sheegey in ay kala tashan jireen wax kasta. Xataa waraaqaha ay u dirayeen JQ ka Dh, isaga ayaa u qori jirey. Si uusan maamulkii Talyaaniga u ogaan marka uu la shirayo, Maalin-guur wuxuu inoo sheegey : " Gabbalku markuu dhaco ayaanu shuko (jilbaab) u soo gelin jirney oo dhowr dumar ah la soo raacin jirey. Markaas ayuu wuxuu inoogu iman jirey xaruntii Leegada. Halkaas ayuu talooyin ku siin jirey dhallinyaradii u halgamayay madax-bannaanida. Markuu baxayona, isaga oo shukadii qaba ayuu bixi jirey ". Kamaal Al-diin wuxuu ahaa nin hantey qalbiga bulshadii Soomaaliyeed ee uu la noolaa. Markaas ayuu isna qalbigiisii siiyay. Wuxuu u hurey qaali iyo raqiis. Xilli ay Soomaali u baahneyd kaadir aqoon leh oo danaheeda difaaca, ayuu ka yureeyay dhurwaayo ku socdey in ay cunaan. Waa uu diidey, in uu meel cidla ah uga dhaqaaqo dhallinyaradii Soomaaliyeed ee gobanimo-doonka ahaa. Sida uu sheegey, qadiyaddu waxay ahayd mid aanan laga lahayn. Markaas ayuu wuxuu u ban-baxay colaad baaxad wayn oo uu ku xoreynayo Soomaaliya. Xaaskiisii ayuu u sheegey in la dilayo, goor ay ahaatoba. Isna uu arintaas diyaar u yahay. Gacantii cadowga ayaa gaartey dhiiggiisii sharfanaa. Marka la dilayo, ayaamo ayaa ka dhinnaa fadhi ka dhacayay magaalada New Delhi oo looga arinsanayay Soomaaliya. Isagu wuxuu markaa matali lahaa xubintii Soomaaliya uga qeyb geli lahayd fadhiga. 17/ 3- 1957-kii, goor ay duhur tahay, isaga oo gelaya xafiiskiisii qunsuliyadda, ayaa dhabarka lagala dhacay toorey. Shirqoolkaas oo muddo laga shaqeynayay. Sida caadadu ahayd, ilaalada qunsuliyadda maalin walba waa la beddeli jirey. Laakiin markaa la dilayay, saddex cisho oo xiriira ayaanan la beddelin. Waxaa kaloo jirey xaalad deg-deg ah in magaalada Xamar la saarey, maalinta la dilayay Kamaal Al-diin, iyada oo aanan jirin wax sabab ah. Keliya maamulkii gumeysiga oo dilka qorsheeyay ayaa wuxuu ka baqayay kacdoon ka dhasha dilka qunsulka. Ninka diley oo Soomaali ahaa, nolol ayaa lagu qabtey. Markiiba waxaa lagu xirey xabsigii dhexe ee Xamar. Maalintii gobanimada la qaatey 1/ 7- 1960-kii, subaxnimadii waxaa xabsiga laga soo daayay dhamaan dadkii xabsiga ku xirnaa. Ninkii diley Kamaal Al-diin waxaa loo tegey isaga oo meyd ah. Markii ay gobnootay Gafanuhu ku naaxay Godol qaadi weyday Gaajada ku curatay Gobanimo u oyday Ilmo gabax ka siisay Geesiga dhulkiisa Guusha u horseeda Geerida dishaay Geedkaa haba'o Mudugonline.com
  4. Maxamed Xaaji (Ingiriis) “Yuusuf Cumar Az-hari wuxuu ka dhigan yahay habar fadhida legdan la fudud” Maxamed Xaaji (Ingiriis) oo ka mid ah qorayaasha Soomaaliyeed ayaa na soo gaarsiiyey war saxaafadeedkan oo uu kaga jawaabayo hadallo ka soo yeeray Yuusuf Az-hari oo uu ku sheegay in Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu yahay dambiile iyo inay cagta marin doonaan dadweynaha Muqdisho. War saxaafadeedku wuxuu u qornaa sidaan: March 27, 2007 Mahad oo dhan waxay u sugnaatay Ilaaheey SWT, Salli iyo salaam tacdiim lala xiriiriyeyna waxaan u celinayaa Rasuulkeennii Suubbanaa Muxammad (CSW). Intaa kaddib, waxaan jecelahay inaan halkan ka soo gudbiyo nasiqid ‘rebuttal and refute’ ku aaddan gunuunucii qadafka ahaa ee uu BBC-da kaga hadlay Jimcihii 23/3/2007 Yuusuf Cumar Axmed (Az-hari) oo sheegta inuu yahay La Taliyaha Col Cabdullaahi Yuusuf. Anigu waxaan aaminsanahay dowladnimada Soomaaliya iyo qarannimadii burburtay in dib loo soo celiyo oo ay hanaqaado waxaa hor taagan dadka Muqdisho uga soo duulay laba kun oo KM ka shishe, kuwaasoo ah kuwii 1982-kii soo geliyey ciidammadii Mingiste magaalooyinka Balanballe iyo Goldogob, 2006-na ku soo hoggaamiyey ciidammada Meles Zenawi inay qabsadaan dalkiiyoo idil, ee waxa riixayaa ay tahay damaca waalida ah iyo hunguri-weyninka saa’idka ah ee ay ka geddisan yihiin Soomaali inteeda kale. Waa kuwii ugu horreeyey ee Soomaaliya oo dowlad ah ku soo weeraray ciidanka Ethiopia, si ay barqad cad qaab qabiil xukunka ugu boobaan. Waxaa anfariir leh in ciidanka cadowga ee ay maanta Soomaaliya u soo horkeceen ay yihiin qoomkii uu ka dhashay Abraham ee weeraray Kacbadii Ilaaheey 1400 oo sano ka hor, Ilaaheeyna uu u soo diray nasrigiisa oo sidii cowskii loo cunay. Ilaaheey wuxuu Qur’aankiisa Kariimka ah ku yiri Waxaan u haystaaa kuwaasi inay yihiin kuwii naxashka ku qaaday ee aasay qarankii Soomaaliyeed ee meesha ka saaray kalsoonidii iyo walaaltinimadii ummadda Soomaaliyeed ka dhexeysay iyo is jaceylkii Soomaali isugu gurman jirtay weligeed, kuwaas oo ah kuwii dowladnimadii Soomaaliya ka dhigay dumaal ay iyagu gaar u leeyihiin 1967 illaa 1969, ka hor intii aan Ilaaheey ummadda xalaasha ah ee Soomaaliyeed u soo dirin Mahdigii dhintay ee Maxamed Siyaad Barre. Wuxuu yiri gabyaa Dhoodaan ‘war maxaad reer hebel uga dhigteen boqor dumaal yeeshay.’ Kuwa aan ka hadlayo oo ah kuwa maanta u ololeynaya inay dalka gumeysi geliyaan si ay u helaan kursi madaxtooyo, oo ah niman ay ka muuqato inaaney noolaan karin inay dowlad wax ku dhacaan ma ahane, buugaagta qaar ee Soomaalida laga qorana ay ugu yeerto “afarta dowlad ku nool.” Waa kuwa u haysta inay Soomaali iyaga ugu caqli badan yihiin, laakiin, on the contrary, iyaga ayaa ugu caqli xun. ‘Ismoog aqalkii bey asleysaa, ismana oga.’ Waxay dhaqan u leeyihiin haddii dowladnimada loo dhiibo inay ummadda ku tuntaan, bah-dilaan, sharafkooda ku iibsadaan waxaan ummadda Soomaaliyeed u qaadmin oo aan ku bannaaneyn. Ma ahan dad ummadda Soomaaliyeed meteli kara, mana ahan dad wakiil ka noqon kara dadweynaha. Weli ma arkin shaqsi iyaga ka tirsan oo arrintan ka dhiidhiyey, taasoo caddeynaysa bah iyo boqor inay ka mideysan yihiin. Ma ahan koox xishoonaysa ee waxay garaacayaan albaab walba. Waxaa ugu sarkaalsan Col Cabdullahi Yuusuf, waxaa ugu siyaasisan Captain Cadde Muuse, waxaana ugu suxufisan Xuseen Xuubsireed (Idamaale), diblomaasigooduna waa Az-hari oo ku andacoonaya inuu 40 sano diplomat ahaa. Ujeeddada ay leeyihiin iyo tala-galkoodu wuxuu yahay in, haddii Alle kuu roon yahay, ay ummadda masaakiinta ee Soomaaliyeed cunaha qabtaan oo ay dhiiggooda cabbaan, haddana xasuuqaan, xoolahooda dhacaan, boobaan, wixii ay xiri karaanna xiraan, isla markaana ay sidaas ugu dowladeeyaan. Waa kuwa isku dayaya inay ummadda indhaha ka xiraan, afka ka xiraan, dhegaha ka xiraan, gacmahana ka xiraan. Waa kuwa maalin walbaba dalbanaya in la xiro idaacadaha madaxa bannaan ee Muqdisho, si aan loola socon hagardaamada iyo halista ay la howtul-hamageynayaan. Wuxuu yiri “maba dhalane dhowrteysan ogaa,” Ma ahan niman damiir Islaamnimo leh, mana ahan niman dareen Soomaalinimo leh. Waxaa mucjiso ah inay 30 sano kaddib si indha la’aan ah ugu socdaan dariiqii ay ku soo jabeen. Sidaa aawadeed, waxaan ku baaqayaa in ummadweynta Soomaaliyeed meel ay joogto ay u istaagaan sidii laysaga caabin lahaa nimanka dalka soo geliyey ciidankii Abraham ee ku indha-cad inay sidaas dowlad ku noqon karaan. Sida keliya ee ciidammada Ethiopia guul ku gaari karaan, waa inay fadqalalo iyo kala qeybin ku sameeyaan ummadda ku nool caasimadda, waana in dadweynuhu ka feejignaadaan arrintaas oo ay si buuxda u midoobaan. Waxaa ii muuqata inuu ka soo socdo Soomaaliya xasuuq la mid ah kii ka dhacay Rwanda ee Hutu Vs Tutsi. Soomaaliya ma lahan maanta wax dowlad ah, waxayna ku jirtaa xaalad ka xanuun badan tan Palestine. Waxaan, haddaba, ugu baaqayaa waxgaradka Xamar in wixii heshiis ah ee ay la galayaan ciidanka Ethiopia ay ku casuumaan wadammada la ehelka ah Soomaaliya sida dalalka Islaamka iyo Carabta. Waxaan kaloo ku dhiirri-gelinayaa xoogagga wax iska caabinta (insurgents) ee u istaagay inay dib u soo celiyaan sharafkii ummaddooda, waxaana ku kalsoonahay in Ilaaheey uu guusha siin doono oo ay ciidanka Ethiopia ka bixi doonaan Soomaaliya iyagoo seenta dabada ku jiidaya. Ilaaheey waxaan ka baryayaa in kuwa qoomkii Abraham soo geliyey dalka ay maraan meeshii ay mareen Asxaabul Fiil, aamiin. Wabillaahi Towfiiq Waxaa War-saxaafadkan soo saaray Mudane Maxamed Xaaji (Ingiriis) Mufakkar (Thinker) Soomaaliyeed E-mail: Ingiriis@yahoo.com Xafiiska, Muqdisho, Somalia
  5. With my support Somaliland viva somaliland viva.
  6. ABA SALAAD: Salaad Gabeyre iyo Salaad Cali xaggee iska shabbahaan.? Maxamed Xaaji (Ingiriis) Email: Ingiriis@yahoo.com Salaad Gabeyre Kediye, waxa uu ahaa ninkii soo dhiraandhiriyey ee ka dhabeeyey afgambigii 1969-kii. Saddex sano kaddib afgambigaas, July 1972-kii, ayaa waxaa dil toogasho ah ku xukumay ninkii uu isagu Madaxweynaha ka dhigay oo ahaa Maxamed Siyaad Barre. Dadka Banaadiriga ah ayaa waxay leeyihiin maahmaah tiraahda, “Indhihiisa laga arke, ayaa ushiisa lagu tumaa.” Falsafadda Giriiguna, waxay tiraahdaa, ‘Taariikh kasta oo qoran gadaasheeda, waxaa taalla taariikh aan qornayn.” Billowgii afgambiga October 1969, markii Madaxweynihii labaad ee Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharma’arke lagu dilay Laas Caanood ayaa waxaa shir isugu yimid Golaha Wasiirada oo uu madax u ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Si lama-filaan ah ayaa waxaa shirka u soo fariistay Maxamed Siyaad Barre oo ahaa Taliyaha Ciidammada. Isla markiiba, Dr Ismaaciil Jimcaale Cosoble oo ahaa Wasiirka Warfaafinta ayaa ku yiri “Maxamed, ma Golaha Xukuumadda ayaad ku soo biirtay?” Dr Ismaaciil, wuxuu gacanta u taagay Cigaal, isagoo u tilmaamaya Maxamed Siyaad. Cigaal wuxuu amray in Maxamed Siyaad uu shirka Golaha Wasiirada bannaanka uga baxo. Maxamed Siyaad shirka wuu ka baxay, kamana bixin. Wuxuu Sigaar la istaagay daaqadda xaruntii shirku ka socday, si uu u dhegeysto waxa ay ku wada-hadlayaan xubnaha Golaha Wasiirada. Dr Ismaaciil Jimcaale ayaa mar kale Cigaal u ilmeeray, una tilmaamay inuu Maxamed Siyaad taagan tahay daaqadda, laakiin Cigaal dan iyo heelo kama gelin. Waxaa markaas socday olole siyaasadeed oo ku saabsan ninkii beddeli lahaa Madaxweynaha la dilay. Cigaal wuxuu aad u doonaayey inuu madax ka dhigo Muuse Boqor oo ay is xigeen Sharma’arke. Dr Ismaaciil ayaa ka istaagay shirka Golaha Wasiirada oo yiri, “dumaasha xaaska Cabdirashiid kuma haysanno Muuse Boqor, laakiin madaxtooyadu dumaal ma ahan.’ Shirku markuu ku dhammaaday is-afgarad la’aan, Cigaal wuxuu u magacaabay Maxamed Faarax Caydiid inuu madax ka noqdo ciidammada qaabilsan munaasabadda aaska Madaxweynaha geeriyooday (ceremonial funeral guards). Iyadoo uu socdo laaluush sidii lagu dooran lahaa Madaxweyne cusub ayaa Maxamed Siyaad oo 1968-kii billaabay qorshaha ku saabsan sidii uu afgambi u sameyn lahaa, wuxuu isugu yeeray raggiisii (oo u badnaa laba xiddigleyaal). Waxaa ka mid ahaa; Salaad Gabeyre oo markaa ahaa Gaashaanle Dhexe, Cali Mataan Xaashi (Gaashaanle Dhexe), Maxamed Cali Shire (Gaashaanle), Maxamed Maxamuud Khawl (Laba xiddigle), Axmed Suleymaan Dafle (Laba xiddigle) iyo kuwo kale. Dhinaca siyaasadda waxaa gacan-ka-siinayey Dr Maxamed Aadan Sheekh. Afgambigii Aafada 03:00 AM, 21 October, 1969, waxaa lagu guuleystay in la afgambiyo dowladdii distuuriga ahayd, waxaana la qabsaday caasimaddii oo ay qabteen ciidanka lugta oo ku hubeysan madaafiicda goobta. Waxaa hoggaaminayey Salaad Gabeyre, waxaana la xiray dhammaan siyaasiyiintii ku jirtay xukuumadihii rayidka ee kala dambeeyey. Mucjisada dhacday ayaa ahayd in mudanayaasha la xiray uu ka mid ahaa Madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliya, Mudane Aaden Cabdulle Cusmaan-Daar – ninkii ugu horreeyey Qaaradda Africa ee xukunka ka dega isagoon isku dhejin. Ku darso, wuxuu ahaa Salaad Gabeyre soddogiis. Saraakiishii afgambiga sameysay ayaa subaxnimadii isugu timid xaruntii ciidanka ee Afisyooni. Waxaa isagoon loo yeeran xarunta yimid Caydiid. Waxay iridda xerada isku arkeen Maxamed Cali Samatar oo ku yiri “Maxamed Siyaad ayaa afgambi sameeyey, bal aan ka faa’iideysanno afgambigan oo aan isku dayno inaan boosas ka helno. Haddii aanan sidaa yeelin, waa nala dhibaateyn doonaa.” Waxaa goobta ku soo ururay saraakiil fara-badan, waxaana furmay shir ay isugu yimaaddeen 35 sarkaal oo isugu jiray kuwo wax-ka-og iyo kuwo aan wax ka ogeyn afgambiga. Ajandaha ugu horreeya ee laga hadlay wuxuu ahaa dhismaha xukuumadda. Caydiid ayaa hadalka dafay oo yiri, “haddii ujeeddada afgambigu tahay in la horumariyo dalka, lana saxo qaladaadkii horey u dhacay, waa in xubnaha xukuumaddu ka koobnaataa dad mutacallimiin ah oo leh khibrad run ah.” Waxaa ku xigsaday Salaad Gabeyre, wuxuuna yiri, “maadaama dadka afgambiga sameeyey ay yihiin dad ciidan ah, waa in xubnaha xukuumadda laga dhex xulaa saraakiisha ciidammada.” Maxamed Siyaad ayaa hadlay oo yiri, “aan u codeyno labadaas ra’yi kii aan qaadan lahayn.” 26 sarkaal waxay u codeysay ra’yigii Caydiid, 8 waxay u codeysay ra’yigii Salaad. Kaddib Salaad Gabeyre iyo Dafle ayaa kula taliyey Maxamed Siyaad in shirka meeshiisa lagu joojiyo oo aan la dhaqan-gelin ra’yiga loo codeeyey. Markii shirkaasi ku dhammaaday natiijo la’aan, wuxuu Maxamed Siyaad u yeertay raggii afgambiga la sameeyey. Salaad Gabeyre, Ismaaciil Cali Obokor, Dafle, Khawl iyo rag kale ayaa ku taliyey in haddii aan shirka laga ceyrin Caydiid, Maxamed Nuur Baarqab iyo rag kale oo la socday inay iyagu miraha afgambiga la wareegi doonaan. Isku-dhicii Salaad Gabeyre iyo Siyaad Barre Maxamed Siyaad iyo Salaad Gabeyre waxay isku dheceen maalin kaddib afgamiga. Isku dhacoodu wuxuu billowday markii maalintii labaad ee afgambiga ay shir isugu yimaaddeen 25 nin oo isku magacaabay ‘Golaha Sare ee Kacaanka’ si ay u doortaan ninkii madaxda u noqon lahaa. Waxaa shirka guddoominayey Maxamed Siyaad oo si ku meel gaar ah loogu dhiibay ‘maadaama uu isagu u da’weynaa raggii meesha ku shiraayey.’ Shir-guddoomiyuhu, Maxamed Siyaad wuxuu soo jeediyey inuu gacanta taago qofka doonaya inuu madax u noqdo shan iyo labaatankooda. Ninkii ugu horreeyey ee gacanta taaga wuxuu ahaa Salaad Gabeyre. Waxaa ku xigay oo gacanta taagay Maxamed Siyaad. Waxaa ku sii xigay Ismaaciil Cali Obokor. Maxamed Siyaad markii uu arkay in labadaas nin ay gacanta u taageen si ay madax u noqdaan ayuu isla markiiba wuxuu soo xiray shirkii socday, isagoo yiri “berri ayaan shiri doonaa oo aan go’aan gaari doonnaa.” Maxamed Siyaad wuxuu isla habeennimadii billaabay inuu sameeyo olole uu xubnaha Golaha Sare ugu ballan-qaadayo xilal haddii ay isaga doortaan. Ugu yaraan intooda badan wuu ku qanciyey ololihiisa. Subaxnimadii 22 October 1969, ayaa shir waxaa isugu yimid 25-kii Golaha Sare. Waxaa la qabtay doorasho, waxaana tartamay saddexdoodii; Maxamed Siyaad, Salaad Gabeyre iyo Ismaaciil Cali Obokor. Markii la codeeyey, Maxamed Siyaad wuxuu helay 16 cod. Salaad Gabeyre wuxuu helay 4 cod, halka Ismaaciil isaguna uu ka helay 4 cod. Hal sarkaal ayaa diiday inuu codeeyo, wuxuuna ahaa Gen Maxamed Caynaanshe Guuleed oo ka mid ahaa labadii nin ee lala dilay Salaad Gabeyre. Gen Caynaanshe, wuxuu ahaa nin qab leh oo shaqsiyan isu arka ‘nin sare,’ wuxuuna ka soo horjeeday in Maxamed Siyaad uu madax u noqdo 25-ka Golaha Sare. Maxamed Siyaad wuxuu durba go’aansaday inuu cashar siiyo Caynaanshe, Salaad iyo Ismaaciil, laakiin uusan degdegin. Hal bil kaddib, wuxuu magacaabay Safiirka Soomaaliya ee West Germany oo uu ka dhigay Gen Maxamed Ibraahin Liiqliiqato iyo Safiirka Soomaaliya ee Masar oo uu ka dhigay Gen Maxamed Hoolif. Barxadda Afisyooni waxaa ku soo ururay Soomaali u riyaaqsan is-beddelka ka dhacay dalka. Dadweynihii u soo baxay farxadda iyo damaashaadka afgambiga ayaa markey ka warheleen in Maxamed Siyaad loo doortay Guddoomiyaha Golaha Sare waxay billaabeen inay damaashaadkooda u beddeleen dibad-bax ay kaga soo horjeedaan arrintaas. Waxaase dhacday in police-ka amar lagu siiyey inay dadka soo xirxiraan. Laba sano kaddib, markii Salaad Gabeyre ay u caddaatay inuu sameeyey qalad weyn oo uusan sixi karin, oo ahaa inuusan xubnaha Golaha Sare ee Kacaanka ku soo darsan dad isaga raacsan ayuu billaabay inuu ka hor yimaado Maxamed Siyaad. Wuxuu isla markiiba diyaariyey afgambi cusub oo uu xukunka kaga tuurayo Maxamed Siyaad. Salaad Gabeyre, wuxuu la xiriiray rag saraakiil ah oo ay isku reer ahaayeen, waxaana uu ku dhirrigeliyey inay kala qayb qaataan afgambi cusub. Qaladka uu sameeyey ayaa wuxuu ahaa in xubno ka tirsan Golaha Sare oo ay saaxiibbo ahaayeen uu wargeliyey inuu afgambi sameynayo, kuwaas oo warka u sii tebiyey Maxamed Siyaad. Sida la sheego, waxaa xubnahan ka mid ahaa Cabdalla Maxamed Faadil. Maxamed Siyaad, wuxuu u baahday ninkii soo qaban lahaa Salaad Gabeyre. Waxaa warar sirdoonkii hore ee milateriga Soomaaliya aan ka helay ay ii sheegeen inay qaab qiyaamo ah ku qabteen Maxamed Cali Samatar iyo Cabdalla Faadil oo ay isku kulliyad iskala soo bexeen. Salaad Gabeyre, waa is difaacay, gacan ayaana laga jebiyey isagoo isku dayaaya inuu la soo baxo bistoolad. Waxaa kaddib la soo saaray maxkamad, halkaas oo ay ku marqaati-keceen niman ka mid ahaa Golaha Sare ee Kacaanka iyo kuwa kale oo dhashoodii ay maanta horboodayso siyaasadda Soomaaliya. Waxaa kaddib Salaad Gabeyre lagu xukumay xukun dil ah. Dilkii Salaad Gabeyre Markii loo sii waday tiirka toogashada ee Dugsigii Sare ee Police-ka ayaa Qareenkiisii Dr Cabdullaahi Macallin Cabdulle, waxa uu weydiiyey Salaad hal su’aal oo ahayd, "Maxaan kaa gaarsiiyaa dadweynaha Soomaaliyeed?" Salaad oo ahaa geesi aan soo marin taariikhda Soomaalida, waxa uu ku jawaabay, "Waxaad iga gaarsiisaa inay i cafiyaan, waayo anigaa u shirqoolay oo u gacan qabtay Maxamed Siyaad." Salaad Cali Jeelle, ma filayo inuu leeyahay garashadii iyo geesinimadii uu sidan ku oran lahaa isagoo tiir-toogasho gardaduub ugu xiran. Salaad Gabeyre waa ninka loogu heesay, "Samadiidoow Dabin baa kuu dhigan lagugu dili doono." Ayeeyadeey, oo ay si uun isu xigeen Salaad Gabeyre, ayaa waxa ay ka mid ahayd dadkii barxadda Scola Polizia ka daawanayey daldalaaddiisa. Waxa ay hadda ka hor ii sheegtay, "Xabadihii ugu horreeyey markey qabsadeen ayuu Salaad Gabeyre madaxa ruxay oo uu gacanta ka hadlay oo yiri “igu wada (xabadda).” Haddaba, su’aasha dalbanaysa jawaabta waafiga ah ayaa waxay tahay; maxay ku dambeyn doonaan ragga ku socda dariiqii Salaad Gabeyre sida Salaad Cali Jeelle? Tixraac (Refenrences) 1. Whatever Happened to Somalia by John Drysdale. 2. Soomaaliya: Shalay, Maanta, Berri by Faarax Weheliye Caddow (Sendiko) 3. Somalia: From Dawn to Civilization to Modern Times by Mohamed Farah Aidid and Dr Satya Pal Ruhela. Maxamed Xaaji (Ingiriis) Email: Ingiriis@yahoo.com
  7. ABA SALAAD: Salaad Gabeyre iyo Salaad Cali xaggee iska shabbahaan.? Maxamed Xaaji (Ingiriis) Email: Ingiriis@yahoo.com Salaad Gabeyre Kediye, waxa uu ahaa ninkii soo dhiraandhiriyey ee ka dhabeeyey afgambigii 1969-kii. Saddex sano kaddib afgambigaas, July 1972-kii, ayaa waxaa dil toogasho ah ku xukumay ninkii uu isagu Madaxweynaha ka dhigay oo ahaa Maxamed Siyaad Barre. Dadka Banaadiriga ah ayaa waxay leeyihiin maahmaah tiraahda, “Indhihiisa laga arke, ayaa ushiisa lagu tumaa.” Falsafadda Giriiguna, waxay tiraahdaa, ‘Taariikh kasta oo qoran gadaasheeda, waxaa taalla taariikh aan qornayn.” Billowgii afgambiga October 1969, markii Madaxweynihii labaad ee Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharma’arke lagu dilay Laas Caanood ayaa waxaa shir isugu yimid Golaha Wasiirada oo uu madax u ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Si lama-filaan ah ayaa waxaa shirka u soo fariistay Maxamed Siyaad Barre oo ahaa Taliyaha Ciidammada. Isla markiiba, Dr Ismaaciil Jimcaale Cosoble oo ahaa Wasiirka Warfaafinta ayaa ku yiri “Maxamed, ma Golaha Xukuumadda ayaad ku soo biirtay?” Dr Ismaaciil, wuxuu gacanta u taagay Cigaal, isagoo u tilmaamaya Maxamed Siyaad. Cigaal wuxuu amray in Maxamed Siyaad uu shirka Golaha Wasiirada bannaanka uga baxo. Maxamed Siyaad shirka wuu ka baxay, kamana bixin. Wuxuu Sigaar la istaagay daaqadda xaruntii shirku ka socday, si uu u dhegeysto waxa ay ku wada-hadlayaan xubnaha Golaha Wasiirada. Dr Ismaaciil Jimcaale ayaa mar kale Cigaal u ilmeeray, una tilmaamay inuu Maxamed Siyaad taagan tahay daaqadda, laakiin Cigaal dan iyo heelo kama gelin. Waxaa markaas socday olole siyaasadeed oo ku saabsan ninkii beddeli lahaa Madaxweynaha la dilay. Cigaal wuxuu aad u doonaayey inuu madax ka dhigo Muuse Boqor oo ay is xigeen Sharma’arke. Dr Ismaaciil ayaa ka istaagay shirka Golaha Wasiirada oo yiri, “dumaasha xaaska Cabdirashiid kuma haysanno Muuse Boqor, laakiin madaxtooyadu dumaal ma ahan.’ Shirku markuu ku dhammaaday is-afgarad la’aan, Cigaal wuxuu u magacaabay Maxamed Faarax Caydiid inuu madax ka noqdo ciidammada qaabilsan munaasabadda aaska Madaxweynaha geeriyooday (ceremonial funeral guards). Iyadoo uu socdo laaluush sidii lagu dooran lahaa Madaxweyne cusub ayaa Maxamed Siyaad oo 1968-kii billaabay qorshaha ku saabsan sidii uu afgambi u sameyn lahaa, wuxuu isugu yeeray raggiisii (oo u badnaa laba xiddigleyaal). Waxaa ka mid ahaa; Salaad Gabeyre oo markaa ahaa Gaashaanle Dhexe, Cali Mataan Xaashi (Gaashaanle Dhexe), Maxamed Cali Shire (Gaashaanle), Maxamed Maxamuud Khawl (Laba xiddigle), Axmed Suleymaan Dafle (Laba xiddigle) iyo kuwo kale. Dhinaca siyaasadda waxaa gacan-ka-siinayey Dr Maxamed Aadan Sheekh. Afgambigii Aafada 03:00 AM, 21 October, 1969, waxaa lagu guuleystay in la afgambiyo dowladdii distuuriga ahayd, waxaana la qabsaday caasimaddii oo ay qabteen ciidanka lugta oo ku hubeysan madaafiicda goobta. Waxaa hoggaaminayey Salaad Gabeyre, waxaana la xiray dhammaan siyaasiyiintii ku jirtay xukuumadihii rayidka ee kala dambeeyey. Mucjisada dhacday ayaa ahayd in mudanayaasha la xiray uu ka mid ahaa Madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliya, Mudane Aaden Cabdulle Cusmaan-Daar – ninkii ugu horreeyey Qaaradda Africa ee xukunka ka dega isagoon isku dhejin. Ku darso, wuxuu ahaa Salaad Gabeyre soddogiis. Saraakiishii afgambiga sameysay ayaa subaxnimadii isugu timid xaruntii ciidanka ee Afisyooni. Waxaa isagoon loo yeeran xarunta yimid Caydiid. Waxay iridda xerada isku arkeen Maxamed Cali Samatar oo ku yiri “Maxamed Siyaad ayaa afgambi sameeyey, bal aan ka faa’iideysanno afgambigan oo aan isku dayno inaan boosas ka helno. Haddii aanan sidaa yeelin, waa nala dhibaateyn doonaa.” Waxaa goobta ku soo ururay saraakiil fara-badan, waxaana furmay shir ay isugu yimaaddeen 35 sarkaal oo isugu jiray kuwo wax-ka-og iyo kuwo aan wax ka ogeyn afgambiga. Ajandaha ugu horreeya ee laga hadlay wuxuu ahaa dhismaha xukuumadda. Caydiid ayaa hadalka dafay oo yiri, “haddii ujeeddada afgambigu tahay in la horumariyo dalka, lana saxo qaladaadkii horey u dhacay, waa in xubnaha xukuumaddu ka koobnaataa dad mutacallimiin ah oo leh khibrad run ah.” Waxaa ku xigsaday Salaad Gabeyre, wuxuuna yiri, “maadaama dadka afgambiga sameeyey ay yihiin dad ciidan ah, waa in xubnaha xukuumadda laga dhex xulaa saraakiisha ciidammada.” Maxamed Siyaad ayaa hadlay oo yiri, “aan u codeyno labadaas ra’yi kii aan qaadan lahayn.” 26 sarkaal waxay u codeysay ra’yigii Caydiid, 8 waxay u codeysay ra’yigii Salaad. Kaddib Salaad Gabeyre iyo Dafle ayaa kula taliyey Maxamed Siyaad in shirka meeshiisa lagu joojiyo oo aan la dhaqan-gelin ra’yiga loo codeeyey. Markii shirkaasi ku dhammaaday natiijo la’aan, wuxuu Maxamed Siyaad u yeertay raggii afgambiga la sameeyey. Salaad Gabeyre, Ismaaciil Cali Obokor, Dafle, Khawl iyo rag kale ayaa ku taliyey in haddii aan shirka laga ceyrin Caydiid, Maxamed Nuur Baarqab iyo rag kale oo la socday inay iyagu miraha afgambiga la wareegi doonaan. Isku-dhicii Salaad Gabeyre iyo Siyaad Barre Maxamed Siyaad iyo Salaad Gabeyre waxay isku dheceen maalin kaddib afgamiga. Isku dhacoodu wuxuu billowday markii maalintii labaad ee afgambiga ay shir isugu yimaaddeen 25 nin oo isku magacaabay ‘Golaha Sare ee Kacaanka’ si ay u doortaan ninkii madaxda u noqon lahaa. Waxaa shirka guddoominayey Maxamed Siyaad oo si ku meel gaar ah loogu dhiibay ‘maadaama uu isagu u da’weynaa raggii meesha ku shiraayey.’ Shir-guddoomiyuhu, Maxamed Siyaad wuxuu soo jeediyey inuu gacanta taago qofka doonaya inuu madax u noqdo shan iyo labaatankooda. Ninkii ugu horreeyey ee gacanta taaga wuxuu ahaa Salaad Gabeyre. Waxaa ku xigay oo gacanta taagay Maxamed Siyaad. Waxaa ku sii xigay Ismaaciil Cali Obokor. Maxamed Siyaad markii uu arkay in labadaas nin ay gacanta u taageen si ay madax u noqdaan ayuu isla markiiba wuxuu soo xiray shirkii socday, isagoo yiri “berri ayaan shiri doonaa oo aan go’aan gaari doonnaa.” Maxamed Siyaad wuxuu isla habeennimadii billaabay inuu sameeyo olole uu xubnaha Golaha Sare ugu ballan-qaadayo xilal haddii ay isaga doortaan. Ugu yaraan intooda badan wuu ku qanciyey ololihiisa. Subaxnimadii 22 October 1969, ayaa shir waxaa isugu yimid 25-kii Golaha Sare. Waxaa la qabtay doorasho, waxaana tartamay saddexdoodii; Maxamed Siyaad, Salaad Gabeyre iyo Ismaaciil Cali Obokor. Markii la codeeyey, Maxamed Siyaad wuxuu helay 16 cod. Salaad Gabeyre wuxuu helay 4 cod, halka Ismaaciil isaguna uu ka helay 4 cod. Hal sarkaal ayaa diiday inuu codeeyo, wuxuuna ahaa Gen Maxamed Caynaanshe Guuleed oo ka mid ahaa labadii nin ee lala dilay Salaad Gabeyre. Gen Caynaanshe, wuxuu ahaa nin qab leh oo shaqsiyan isu arka ‘nin sare,’ wuxuuna ka soo horjeeday in Maxamed Siyaad uu madax u noqdo 25-ka Golaha Sare. Maxamed Siyaad wuxuu durba go’aansaday inuu cashar siiyo Caynaanshe, Salaad iyo Ismaaciil, laakiin uusan degdegin. Hal bil kaddib, wuxuu magacaabay Safiirka Soomaaliya ee West Germany oo uu ka dhigay Gen Maxamed Ibraahin Liiqliiqato iyo Safiirka Soomaaliya ee Masar oo uu ka dhigay Gen Maxamed Hoolif. Barxadda Afisyooni waxaa ku soo ururay Soomaali u riyaaqsan is-beddelka ka dhacay dalka. Dadweynihii u soo baxay farxadda iyo damaashaadka afgambiga ayaa markey ka warheleen in Maxamed Siyaad loo doortay Guddoomiyaha Golaha Sare waxay billaabeen inay damaashaadkooda u beddeleen dibad-bax ay kaga soo horjeedaan arrintaas. Waxaase dhacday in police-ka amar lagu siiyey inay dadka soo xirxiraan. Laba sano kaddib, markii Salaad Gabeyre ay u caddaatay inuu sameeyey qalad weyn oo uusan sixi karin, oo ahaa inuusan xubnaha Golaha Sare ee Kacaanka ku soo darsan dad isaga raacsan ayuu billaabay inuu ka hor yimaado Maxamed Siyaad. Wuxuu isla markiiba diyaariyey afgambi cusub oo uu xukunka kaga tuurayo Maxamed Siyaad. Salaad Gabeyre, wuxuu la xiriiray rag saraakiil ah oo ay isku reer ahaayeen, waxaana uu ku dhirrigeliyey inay kala qayb qaataan afgambi cusub. Qaladka uu sameeyey ayaa wuxuu ahaa in xubno ka tirsan Golaha Sare oo ay saaxiibbo ahaayeen uu wargeliyey inuu afgambi sameynayo, kuwaas oo warka u sii tebiyey Maxamed Siyaad. Sida la sheego, waxaa xubnahan ka mid ahaa Cabdalla Maxamed Faadil. Maxamed Siyaad, wuxuu u baahday ninkii soo qaban lahaa Salaad Gabeyre. Waxaa warar sirdoonkii hore ee milateriga Soomaaliya aan ka helay ay ii sheegeen inay qaab qiyaamo ah ku qabteen Maxamed Cali Samatar iyo Cabdalla Faadil oo ay isku kulliyad iskala soo bexeen. Salaad Gabeyre, waa is difaacay, gacan ayaana laga jebiyey isagoo isku dayaaya inuu la soo baxo bistoolad. Waxaa kaddib la soo saaray maxkamad, halkaas oo ay ku marqaati-keceen niman ka mid ahaa Golaha Sare ee Kacaanka iyo kuwa kale oo dhashoodii ay maanta horboodayso siyaasadda Soomaaliya. Waxaa kaddib Salaad Gabeyre lagu xukumay xukun dil ah. Dilkii Salaad Gabeyre Markii loo sii waday tiirka toogashada ee Dugsigii Sare ee Police-ka ayaa Qareenkiisii Dr Cabdullaahi Macallin Cabdulle, waxa uu weydiiyey Salaad hal su’aal oo ahayd, "Maxaan kaa gaarsiiyaa dadweynaha Soomaaliyeed?" Salaad oo ahaa geesi aan soo marin taariikhda Soomaalida, waxa uu ku jawaabay, "Waxaad iga gaarsiisaa inay i cafiyaan, waayo anigaa u shirqoolay oo u gacan qabtay Maxamed Siyaad." Salaad Cali Jeelle, ma filayo inuu leeyahay garashadii iyo geesinimadii uu sidan ku oran lahaa isagoo tiir-toogasho gardaduub ugu xiran. Salaad Gabeyre waa ninka loogu heesay, "Samadiidoow Dabin baa kuu dhigan lagugu dili doono." Ayeeyadeey, oo ay si uun isu xigeen Salaad Gabeyre, ayaa waxa ay ka mid ahayd dadkii barxadda Scola Polizia ka daawanayey daldalaaddiisa. Waxa ay hadda ka hor ii sheegtay, "Xabadihii ugu horreeyey markey qabsadeen ayuu Salaad Gabeyre madaxa ruxay oo uu gacanta ka hadlay oo yiri “igu wada (xabadda).” Haddaba, su’aasha dalbanaysa jawaabta waafiga ah ayaa waxay tahay; maxay ku dambeyn doonaan ragga ku socda dariiqii Salaad Gabeyre sida Salaad Cali Jeelle? Tixraac (Refenrences) 1. Whatever Happened to Somalia by John Drysdale. 2. Soomaaliya: Shalay, Maanta, Berri by Faarax Weheliye Caddow (Sendiko) 3. Somalia: From Dawn to Civilization to Modern Times by Mohamed Farah Aidid and Dr Satya Pal Ruhela. Maxamed Xaaji (Ingiriis) Email: Ingiriis@yahoo.com
  8. LABA SALAAD: Salaad Gabeyre iyo Salaad Cali xaggee iska shabbahaan.? Maxamed Xaaji (Ingiriis) Email: Ingiriis@yahoo.com Salaad Gabeyre Kediye, waxa uu ahaa ninkii soo dhiraandhiriyey ee ka dhabeeyey afgambigii 1969-kii. Saddex sano kaddib afgambigaas, July 1972-kii, ayaa waxaa dil toogasho ah ku xukumay ninkii uu isagu Madaxweynaha ka dhigay oo ahaa Maxamed Siyaad Barre. Dadka Banaadiriga ah ayaa waxay leeyihiin maahmaah tiraahda, “Indhihiisa laga arke, ayaa ushiisa lagu tumaa.” Falsafadda Giriiguna, waxay tiraahdaa, ‘Taariikh kasta oo qoran gadaasheeda, waxaa taalla taariikh aan qornayn.” Billowgii afgambiga October 1969, markii Madaxweynihii labaad ee Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharma’arke lagu dilay Laas Caanood ayaa waxaa shir isugu yimid Golaha Wasiirada oo uu madax u ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Si lama-filaan ah ayaa waxaa shirka u soo fariistay Maxamed Siyaad Barre oo ahaa Taliyaha Ciidammada. Isla markiiba, Dr Ismaaciil Jimcaale Cosoble oo ahaa Wasiirka Warfaafinta ayaa ku yiri “Maxamed, ma Golaha Xukuumadda ayaad ku soo biirtay?” Dr Ismaaciil, wuxuu gacanta u taagay Cigaal, isagoo u tilmaamaya Maxamed Siyaad. Cigaal wuxuu amray in Maxamed Siyaad uu shirka Golaha Wasiirada bannaanka uga baxo. Maxamed Siyaad shirka wuu ka baxay, kamana bixin. Wuxuu Sigaar la istaagay daaqadda xaruntii shirku ka socday, si uu u dhegeysto waxa ay ku wada-hadlayaan xubnaha Golaha Wasiirada. Dr Ismaaciil Jimcaale ayaa mar kale Cigaal u ilmeeray, una tilmaamay inuu Maxamed Siyaad taagan tahay daaqadda, laakiin Cigaal dan iyo heelo kama gelin. Waxaa markaas socday olole siyaasadeed oo ku saabsan ninkii beddeli lahaa Madaxweynaha la dilay. Cigaal wuxuu aad u doonaayey inuu madax ka dhigo Muuse Boqor oo ay is xigeen Sharma’arke. Dr Ismaaciil ayaa ka istaagay shirka Golaha Wasiirada oo yiri, “dumaasha xaaska Cabdirashiid kuma haysanno Muuse Boqor, laakiin madaxtooyadu dumaal ma ahan.’ Shirku markuu ku dhammaaday is-afgarad la’aan, Cigaal wuxuu u magacaabay Maxamed Faarax Caydiid inuu madax ka noqdo ciidammada qaabilsan munaasabadda aaska Madaxweynaha geeriyooday (ceremonial funeral guards). Iyadoo uu socdo laaluush sidii lagu dooran lahaa Madaxweyne cusub ayaa Maxamed Siyaad oo 1968-kii billaabay qorshaha ku saabsan sidii uu afgambi u sameyn lahaa, wuxuu isugu yeeray raggiisii (oo u badnaa laba xiddigleyaal). Waxaa ka mid ahaa; Salaad Gabeyre oo markaa ahaa Gaashaanle Dhexe, Cali Mataan Xaashi (Gaashaanle Dhexe), Maxamed Cali Shire (Gaashaanle), Maxamed Maxamuud Khawl (Laba xiddigle), Axmed Suleymaan Dafle (Laba xiddigle) iyo kuwo kale. Dhinaca siyaasadda waxaa gacan-ka-siinayey Dr Maxamed Aadan Sheekh. Afgambigii Aafada 03:00 AM, 21 October, 1969, waxaa lagu guuleystay in la afgambiyo dowladdii distuuriga ahayd, waxaana la qabsaday caasimaddii oo ay qabteen ciidanka lugta oo ku hubeysan madaafiicda goobta. Waxaa hoggaaminayey Salaad Gabeyre, waxaana la xiray dhammaan siyaasiyiintii ku jirtay xukuumadihii rayidka ee kala dambeeyey. Mucjisada dhacday ayaa ahayd in mudanayaasha la xiray uu ka mid ahaa Madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliya, Mudane Aaden Cabdulle Cusmaan-Daar – ninkii ugu horreeyey Qaaradda Africa ee xukunka ka dega isagoon isku dhejin. Ku darso, wuxuu ahaa Salaad Gabeyre soddogiis. Saraakiishii afgambiga sameysay ayaa subaxnimadii isugu timid xaruntii ciidanka ee Afisyooni. Waxaa isagoon loo yeeran xarunta yimid Caydiid. Waxay iridda xerada isku arkeen Maxamed Cali Samatar oo ku yiri “Maxamed Siyaad ayaa afgambi sameeyey, bal aan ka faa’iideysanno afgambigan oo aan isku dayno inaan boosas ka helno. Haddii aanan sidaa yeelin, waa nala dhibaateyn doonaa.” Waxaa goobta ku soo ururay saraakiil fara-badan, waxaana furmay shir ay isugu yimaaddeen 35 sarkaal oo isugu jiray kuwo wax-ka-og iyo kuwo aan wax ka ogeyn afgambiga. Ajandaha ugu horreeya ee laga hadlay wuxuu ahaa dhismaha xukuumadda. Caydiid ayaa hadalka dafay oo yiri, “haddii ujeeddada afgambigu tahay in la horumariyo dalka, lana saxo qaladaadkii horey u dhacay, waa in xubnaha xukuumaddu ka koobnaataa dad mutacallimiin ah oo leh khibrad run ah.” Waxaa ku xigsaday Salaad Gabeyre, wuxuuna yiri, “maadaama dadka afgambiga sameeyey ay yihiin dad ciidan ah, waa in xubnaha xukuumadda laga dhex xulaa saraakiisha ciidammada.” Maxamed Siyaad ayaa hadlay oo yiri, “aan u codeyno labadaas ra’yi kii aan qaadan lahayn.” 26 sarkaal waxay u codeysay ra’yigii Caydiid, 8 waxay u codeysay ra’yigii Salaad. Kaddib Salaad Gabeyre iyo Dafle ayaa kula taliyey Maxamed Siyaad in shirka meeshiisa lagu joojiyo oo aan la dhaqan-gelin ra’yiga loo codeeyey. Markii shirkaasi ku dhammaaday natiijo la’aan, wuxuu Maxamed Siyaad u yeertay raggii afgambiga la sameeyey. Salaad Gabeyre, Ismaaciil Cali Obokor, Dafle, Khawl iyo rag kale ayaa ku taliyey in haddii aan shirka laga ceyrin Caydiid, Maxamed Nuur Baarqab iyo rag kale oo la socday inay iyagu miraha afgambiga la wareegi doonaan. Isku-dhicii Salaad Gabeyre iyo Siyaad Barre Maxamed Siyaad iyo Salaad Gabeyre waxay isku dheceen maalin kaddib afgamiga. Isku dhacoodu wuxuu billowday markii maalintii labaad ee afgambiga ay shir isugu yimaaddeen 25 nin oo isku magacaabay ‘Golaha Sare ee Kacaanka’ si ay u doortaan ninkii madaxda u noqon lahaa. Waxaa shirka guddoominayey Maxamed Siyaad oo si ku meel gaar ah loogu dhiibay ‘maadaama uu isagu u da’weynaa raggii meesha ku shiraayey.’ Shir-guddoomiyuhu, Maxamed Siyaad wuxuu soo jeediyey inuu gacanta taago qofka doonaya inuu madax u noqdo shan iyo labaatankooda. Ninkii ugu horreeyey ee gacanta taaga wuxuu ahaa Salaad Gabeyre. Waxaa ku xigay oo gacanta taagay Maxamed Siyaad. Waxaa ku sii xigay Ismaaciil Cali Obokor. Maxamed Siyaad markii uu arkay in labadaas nin ay gacanta u taageen si ay madax u noqdaan ayuu isla markiiba wuxuu soo xiray shirkii socday, isagoo yiri “berri ayaan shiri doonaa oo aan go’aan gaari doonnaa.” Maxamed Siyaad wuxuu isla habeennimadii billaabay inuu sameeyo olole uu xubnaha Golaha Sare ugu ballan-qaadayo xilal haddii ay isaga doortaan. Ugu yaraan intooda badan wuu ku qanciyey ololihiisa. Subaxnimadii 22 October 1969, ayaa shir waxaa isugu yimid 25-kii Golaha Sare. Waxaa la qabtay doorasho, waxaana tartamay saddexdoodii; Maxamed Siyaad, Salaad Gabeyre iyo Ismaaciil Cali Obokor. Markii la codeeyey, Maxamed Siyaad wuxuu helay 16 cod. Salaad Gabeyre wuxuu helay 4 cod, halka Ismaaciil isaguna uu ka helay 4 cod. Hal sarkaal ayaa diiday inuu codeeyo, wuxuuna ahaa Gen Maxamed Caynaanshe Guuleed oo ka mid ahaa labadii nin ee lala dilay Salaad Gabeyre. Gen Caynaanshe, wuxuu ahaa nin qab leh oo shaqsiyan isu arka ‘nin sare,’ wuxuuna ka soo horjeeday in Maxamed Siyaad uu madax u noqdo 25-ka Golaha Sare. Maxamed Siyaad wuxuu durba go’aansaday inuu cashar siiyo Caynaanshe, Salaad iyo Ismaaciil, laakiin uusan degdegin. Hal bil kaddib, wuxuu magacaabay Safiirka Soomaaliya ee West Germany oo uu ka dhigay Gen Maxamed Ibraahin Liiqliiqato iyo Safiirka Soomaaliya ee Masar oo uu ka dhigay Gen Maxamed Hoolif. Barxadda Afisyooni waxaa ku soo ururay Soomaali u riyaaqsan is-beddelka ka dhacay dalka. Dadweynihii u soo baxay farxadda iyo damaashaadka afgambiga ayaa markey ka warheleen in Maxamed Siyaad loo doortay Guddoomiyaha Golaha Sare waxay billaabeen inay damaashaadkooda u beddeleen dibad-bax ay kaga soo horjeedaan arrintaas. Waxaase dhacday in police-ka amar lagu siiyey inay dadka soo xirxiraan. Laba sano kaddib, markii Salaad Gabeyre ay u caddaatay inuu sameeyey qalad weyn oo uusan sixi karin, oo ahaa inuusan xubnaha Golaha Sare ee Kacaanka ku soo darsan dad isaga raacsan ayuu billaabay inuu ka hor yimaado Maxamed Siyaad. Wuxuu isla markiiba diyaariyey afgambi cusub oo uu xukunka kaga tuurayo Maxamed Siyaad. Salaad Gabeyre, wuxuu la xiriiray rag saraakiil ah oo ay isku reer ahaayeen, waxaana uu ku dhirrigeliyey inay kala qayb qaataan afgambi cusub. Qaladka uu sameeyey ayaa wuxuu ahaa in xubno ka tirsan Golaha Sare oo ay saaxiibbo ahaayeen uu wargeliyey inuu afgambi sameynayo, kuwaas oo warka u sii tebiyey Maxamed Siyaad. Sida la sheego, waxaa xubnahan ka mid ahaa Cabdalla Maxamed Faadil. Maxamed Siyaad, wuxuu u baahday ninkii soo qaban lahaa Salaad Gabeyre. Waxaa warar sirdoonkii hore ee milateriga Soomaaliya aan ka helay ay ii sheegeen inay qaab qiyaamo ah ku qabteen Maxamed Cali Samatar iyo Cabdalla Faadil oo ay isku kulliyad iskala soo bexeen. Salaad Gabeyre, waa is difaacay, gacan ayaana laga jebiyey isagoo isku dayaaya inuu la soo baxo bistoolad. Waxaa kaddib la soo saaray maxkamad, halkaas oo ay ku marqaati-keceen niman ka mid ahaa Golaha Sare ee Kacaanka iyo kuwa kale oo dhashoodii ay maanta horboodayso siyaasadda Soomaaliya. Waxaa kaddib Salaad Gabeyre lagu xukumay xukun dil ah. Dilkii Salaad Gabeyre Markii loo sii waday tiirka toogashada ee Dugsigii Sare ee Police-ka ayaa Qareenkiisii Dr Cabdullaahi Macallin Cabdulle, waxa uu weydiiyey Salaad hal su’aal oo ahayd, "Maxaan kaa gaarsiiyaa dadweynaha Soomaaliyeed?" Salaad oo ahaa geesi aan soo marin taariikhda Soomaalida, waxa uu ku jawaabay, "Waxaad iga gaarsiisaa inay i cafiyaan, waayo anigaa u shirqoolay oo u gacan qabtay Maxamed Siyaad." Salaad Cali Jeelle, ma filayo inuu leeyahay garashadii iyo geesinimadii uu sidan ku oran lahaa isagoo tiir-toogasho gardaduub ugu xiran. Salaad Gabeyre waa ninka loogu heesay, "Samadiidoow Dabin baa kuu dhigan lagugu dili doono." Ayeeyadeey, oo ay si uun isu xigeen Salaad Gabeyre, ayaa waxa ay ka mid ahayd dadkii barxadda Scola Polizia ka daawanayey daldalaaddiisa. Waxa ay hadda ka hor ii sheegtay, "Xabadihii ugu horreeyey markey qabsadeen ayuu Salaad Gabeyre madaxa ruxay oo uu gacanta ka hadlay oo yiri “igu wada (xabadda).” Haddaba, su’aasha dalbanaysa jawaabta waafiga ah ayaa waxay tahay; maxay ku dambeyn doonaan ragga ku socda dariiqii Salaad Gabeyre sida Salaad Cali Jeelle? Tixraac (Refenrences) 1. Whatever Happened to Somalia by John Drysdale. 2. Soomaaliya: Shalay, Maanta, Berri by Faarax Weheliye Caddow (Sendiko) 3. Somalia: From Dawn to Civilization to Modern Times by Mohamed Farah Aidid and Dr Satya Pal Ruhela. Maxamed Xaaji (Ingiriis) Email: Ingiriis@yahoo.com
  9. Where are the Somalidoons such as Axmed_Gureey. Kuwan.
  10. WARQAD FURAN: BEELAHA ****** In badan ayaan ka gaabsaday inaan wax ka qoro waxa dhacaayey tan iyo intii ay maxkamaduhu jabeen balse, xaaladda adag ee ay shacabka ****** ku sugan yihiin ayaa igu kalliftay inaan warqaddaan qoro iyadoo ay ujeeddadeeydu tahay inaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed dareensiiyo gaboodfalka dowladdii burburtay (21/03/07) ee Imbagaati, gaar ahaanna aan ugu digo beelaha ******, lana taliyo. Haddaba, ugu horreyn, shacabka Soomaaliyeed waa ka dheregsan yahay dulmiga iyo gummaadka kooxda Imbagaati idinkula kacday tan iyo intii ay yimmaadeen magaalo madaxda dalka ee Muqdisho, waxaana ay inbadani is weydiinaayeen dulqaadkiinna ay qaar moodeen nacasnimo. Waxaa la xaqiray saraakiishiinna, waxaa la duudsiiyey xaqii aqoonyahankiinna, waxaa la kufsaday gabdhihiinna iyadoo si aan xishood lahayn ay kuwa C/laahi keenay Xamar ku hantaataqeen inay gabadhu been sheegeyso! Waxay ahayd wax aad looga xummaado inaad idinkoo og marxaladda dalka iyo duniduba maraayaan aad la dagaallantaan hoggaamiyeyaashii muqdisho ee derbiga adag u ahaa waxa maanta idin haysta , oo aad taageertaan qolyo aan la’aqoon oo afka duubta, kuwaasoo daandaansi iyo weerarro ku qaaday gobollada iyo dalalka deriska nala ah, qof walbaa waa garanaayey inay dhaleeyso tan maanta shacabkiinna haysata. Muuse Suudi, Qanyare, Maxammed Dheere iyo Qaybdiid la dagaal oo Aweys, Cayroow, Tootoow, Turki iyo Indhacadde soo dhoweeyso ayeey aheyd billowgii guusha C/llaahi Yuusuf, waana aad garan weyseen inaad u hiillisaan hoggamyeyaashaas hortaagnaa hororka u soo tafaxaytay haraggiinna weydda ah, sidii uu Qanyare horey u yiri. Dhinaca kale wanaagga iyo garabka aad ka raadineysaan ONLF, OLF, Xasan Turki iwm, maad ka doontaan walaalihiinna aanad is hureyn; kolkay maxaakiimtu jabeen ma ********iya iyo ******teeniya ayaa looga bannaanbay hoggaamiyeyaashii maxkamadaha si loo badbaadiyo, mise kolkii la xiray Xaaji Abuukar Caddaani waxaa u istaagay sii deyntiisa qabiilka uu ka dhashay. MAXKAMADAHU MA AHA ****** MANA WADIN DAN ****** Guuldarrada shacabkiinna waxaa ka mas’uul ah kooxdii la baxday maxkamadaha, waxaana wax lala yaabo ah in marxaladda adduunku maraayo aad ku sirantaan maxkamado iyo waxii la mid ah, oo kuwo aad saaxiib mooddaan ay cadaawad idiinkaga abuuraan gacalkiina iyo jaarkiinna. Shacabka Soomaaliyeed waa mid isku diin ah kuna kala duwaneyn wax caaqiido ah, balse waxa laysku haysto waa qabiil, cadawgiinnu ma’aha Itoobiya, USA, Yurub iwm. Balse waa kan Soomaaliga ah ee hadduu fursad idiinka helo idiin gummaadaaya isagoo idiin adeegsanaaya kuwa aan kor ku soo sheegay. Sidaas awgeed ayeey lama huraan u tahay inaad xiriir fiican la yeelataan dalalka caalamka oo ka digtoonaataan kan diirka iyo afka idiinkaga eg. Waxaa leydiinkaga fadhiyaa inaad marka u horreysa wiilashiinna wejiyada u furtaan kolkay dagaallamayaan, oo aad noqotaan ummad aan ka gabbaneyn dagaalka xaqa ah ee ay ku jiraan. SHIRKA CABDULLAAHI Waxaan ugu baaqaayaa siyaasiga weyn Madaxweyne Cali Mahdi Maxammed inuu caddeeyo mowqifkiisa iskana casilo xilkiis maqaarsaarka ah ee uu C/laahi u magacaabay, waayo magic iyo dhaqaale midna ugama baahna odayga reer Puntland ee ka doorbiday inuu madaxweyne noqdo inuu dagaallo sokeeye ka alooso dalka. Mudane Cali Mahdi shirka kama keeni karo waxa ****** tabanaayo ama rabo oo u ah khad guduudan oo uusan ka gorgortamayn oo ay kamid yihiin: ****** 61 xubnood kuma filna inuu ka helo baarlammaanka 275ta ah, marka xiga Moobleen waa inuu degmo ka helaa ka madaxbannaan Balcad, waa in Lafoole noqotaa degmo ka madaxbannaan Afgooye, waa in Jawiil degmo noqotaa, waa in gobolka Hiiraan oo ah gobolka keliya ee 8ddii gobol ee ka hor Jaalle Siyaad aan gobol laga dhexsammeyn laga dhigaa labo gobol, oo Gaaljecel iyo Gugundhabe gobol helaan, waa in Beerxaani noqotaa degmo, waa in taliyayaasha Xoogga dalka ama Boliiska uu mid helaa ******, waa in ****** madaxweyne helaa, waa in Ceeldheer iyo Ceelbuur Gobol noqdaan ka madaxbannaan Galguduud. Sidaas awgeed baan ugu baaqayaa inuu Mudane Cali Mahdi faraha kala baxo xummaanta C/llaahi qooshay. Waxaan ka dheregsannahay in gobolkii Bari iyo Nugaal ay maanta yihiin in kabadan 5 gobol, waxaa su’aal ah maxaa u diiday kuwan aan soo sheegay inay sidaas iyo sidii kale ee ay doonaan u maareeystaan gobolladooda iyo degmooyinkooda. AQOONYAHANKA ****** Waxaan jeclaan lahaa inaan ugu baaqo aqoonyahanka ****** inay la yimaadaan qorshihii samata bixinta ummaddooda iskana illoobaan riyada dhalanteedka ah ee lagu dummiyey deegaankooda iyo dadkooda ( Waddaninimo aanan lagula qabin). Waa inay ku noqdaan dalkii oo hoggaanka iyo siyaasadda kala wareegaan oday dhaqameedyada ****** ee garab iyo hiillo la’aantu dishay, una sammeeyaan dadkooda siyaasad mideeysa oo ay u dagaallamaan, fuliyaanna siyaasadda aan kor ku xusay Waxaa looga fadhiyaa aqoonyahanka ****** inay abuuraan heshiis wax ku ool ah oo dhex mara ****** iyo dalalka deriska la’ah iyagoo ka billaabaaya Somaliland, Itoobiya guud ahaan IGAD, EU iyo USA. DAGAAL XAL MA NOQDAA Dagaalku wuxuu ka mid yahay aaladaha loo adeegsado fulinta siyaasaddaada haddii waddo kale la waayo, mana aha mabnuuc haddii aad sii oddorosi karto maxsuulka dagaalkaas in lagu gaaraayo guulo siyaasadeed, sidaas awgeed waa inaad u dagaallantaan sidii aad ku gaari lahaydeen hadafkiinna kaasoo ah in la helo dowlad caddaalad ah cidii doonto ha xukuntee ama aad deegaankiinna u madaxbannaanaataan oo aad heeryada C/llaahi iska dul qaaddaan. Taas xaq baad u ledihiin cid idiinku qasbi karto dowlad aadan rabinna ma jirto [,b]. ETHIOPIA Itoobiya waa dal aan deris nahay, waxaana cadaw gooni ah idiinkaga dhigay oo Xamar keenay Xasan Turki iyo jabhaddii ONLF iyo OLF ee aad xaruntiinna keenteen. Haddii aad qabiil tihiin ****** ah wax cadaawad ah oo ay idiin qabto ma laha oo idinka iyo Soomaalida kale idiinma kala jecla ee iska illooba waxa loogu yeero Maxkamadaha eek u wajaha siyaasadda dalka qaab qabiil. Gebogeboda warqaddeydaanu waxay tahay, marka koowaad u mahadceliya shacabka iyo dowladda walaalihiin ah ee Somaliland sidii sharafta lahayd ee ay u soo dhoweeyeen dadkiinni u bara kacay, marka xigtana yaanan laydinku sirin mardambe maxkamado iwm, oo ku wada dedaalkiinna qaab beeleed, sida aad hadda ku socotaan, iskana illooba kuwa dibadaha baaqyada ka soo saara ee ku nool dhalanteedka (utopia), ahaadana kuwo waaqiciga iyo xaqaa’iqa ku nool (realists). PhD Candidate, Politics C/qaadir Yacquub Faarax UK
  11. Hogaamiyaasha dhaqanka,siyaasadda ,diinta iyo ganacsigga beelaha ****** ayaa markii ugu horeeyay saxiixay qorshe cusub Submitted by Azk.olad on Sat, 2007-03-24 22:34. Hogaamiyaasha dhaqanka,siyaasadda ,diinta iyo ganacsigga beelaha ****** ayaa markii ugu horeeyay saxiixay qorshe cusub oo faraya in la toogto Askarigii lagu dhex arko xoogaga ****** isagoo wajiga u xiran yahay,waxayna isku raaceen beelweynta ****** in qofkii u diyaara inuu shacabkiisa difaaca uu dagaalka ka qaybgalo iyadoo wajigga u furan yahay. Beelweynta ****** waxaa magacooda ku hadli kara Cabdilahi Sheekh Xasan iyo Axmed Diiriye xitaa Ugaasyadda waxba lagama waydiin karo”ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ay soo saareen manta. Korneyl Faarax Madoobe waa Abaanduulka cusub ee Xoogaga wax iska caabinta ******. waxaana amaradaan kulul la sheegayaa inay qayb ka yihiin siyaasad ay isaga fogeeynayaan in waxa dagaalada wada ay yihiin Shabaabkii Maxkamadaha ee laga awooda roonaaday. Hogaamiyaasha ****** waxaa kale oo ay shaaca ka qaadeen in Xasan Dahir Aweys yahay nin u dhashay beesha ****** balse uusan matali Karin kacdoon beesha isaga qaadeeyso gumeeysiga ,maadama uusan wax xila ka heyn. Dagaalyahanadda ****** waxay amar ku qabaan inay toogtaan ninkii wajiga soo xirto ee doonaya inuu naga dhinac dagaalamo ,waayoo ninka nuucaasa waxaan u qaadaneeynaa inuu u shaqeeynayo Cabdilahi Yusuf,waxaan ugu baaqayaa inuu gurigiisa iska joogo fulayga doonayo inuu wajiga xirto oo qorina qaato,waxaana leeyahay ninkii wax gala ee shacabkiisa difaacaya haka soo qaybgalo dagaalka isagoo saaxi ah oo indhaha u xirneeyn”sidaas waxaa yiri korneyl Faarax Madoobe oo la hadlayay Ciidamada jiidaha hore ee dagaalka ku jira. Inkastoo ay Muqdisho ka jirto xabad joojin, oo mararka qaar la jebiyo hadana sida muuqato ,dagaal waa lama huraan ,waloow Madaxweyne Yusuf markii ugu horeeysay ergo Nabadeed u soo diray hogaamiyaasha dhaqanka ****** oo aan wali qaabilin ergadaas.
  12. This has nothing to do with the Islamic courts union, simply clans are fighting back and are wanting to cleanse their areas of residance from invaders. Simple as that. . is what you avocating now. Islam, or rightfull owners of capital city of Somalia. excluding Abdullahi's clan from the list.
  13. dad kaa badan maa hadana rabtaa inaad afka xirtay...........oo xagee ka keentay awoodaas? Maba dhalane dhowrteysan okaa..eheheheh.
  14. I am guessing it is Mogadishu, no where else these people known as Awdal because there is no other place that you can find that number of people against the existence of Somaliland. they are dreaming. my freind. Long life Somaliland.
  15. Tell you the truth, I hate them because what they do, not who they are.
  16. Miskiin aniga guriga seedigey qori mayaalo iska daa gurigeeyga ee. Sidoo kale, I am not getting the protection you are getting because your view in in-law relations is the strongest bond of any other relationships, even better than fellow citizen, I know you well. quoted by Maskiin-Macruuf-Aqtiyaar Xamar waa magaalomadaxdii iyo xuduntii Soomaaliyeed, Soomaali dhan ayaana degan waligeedna deganayd. it is plausable How much would you fight for this cause, my friend. Sincerely, Would you fight to bring reer Somaliland, Puntland, and Jubaland back to Mogadishu and give their properties back to them since they sold under value or looted their properties, you know that. If I guess your equality and oneness is between Riverineland and Benadir which is based of your view in in-law relationship bond. keep fighting for that cause your are on your own my friend.
  17. by rudy the beast called xamar! Since Arta Government, the beast got excited with the world attention and runing counter clockwise as they use to do. do you remmember between 1991 to 2000; this is where they are heading. I am very pestimistic about their destructive behaviour. These people need to be put into zoo because they don't know their interests because they don't like to life peacefully with their brothers and sisters. There are more resources that can make everyone of us millionare they would have stopped their greadiness.
  18. Alle Ubaahane. since you told us that you come from Souther Galkacyo. I would like to ask you when will your community would stop rejuvinating. USC===================ICU. I know for sure your dreams will never come true. Do you think that AK47 will reign you Presidence just like your uncles Aideed and Awes.
  19. Ahmed Guree I don't know why you doing what you doing now! do you think if you act like USC/ICU you become Somali just like that, tell us the reason, Somalidoon!. You are freedom fighter in Zone five or in Villa Somalia. where is your front or the end so I can understand you better.
  20. I guess you don't have al jaziira in you home. and that is why you missed this clip.
  21. Waraysi xiiso badan oo aanu la yeelanay tafatiraha shabkada Waagacusb Daahir Alasow Dahir Abdulle Alasow oo ah Tififtiraha Website ugu afdheer dhinaca Shabaakadaha Koofurta Soomaaliya ee Waagacusub ayaanu Wareysi dhinacya badan kala yeelanay xaaladaha guud ee Soomaaliya iyo sida koofurta looga arko Jamhuuriyadda Somaliland Hadaba Wareysigga Daahir Alasow wuxuu u dhacay sidatan: S: Mudane Dahir waxaad marka hore nooga warantaa bal xaaladda koofurta Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho oo aad ku sugan tahay? J: Waad Mahadsan tahay Tafatire waana idin salaamayaa adigga iyo dhamaan asaxaabta kale ee Warbaahinta Somaliland ka hawlgasha" Runtii xaaladda Koofurta Soomaaliya waliba Muqdisho way ka sii daree,waana macquul wax walba inay ka dhacaan ,dilka waa iska joogto,Isbaaradii waa soo laabatay,habeenkii way adag tahay sida loo tamashle iyo sheeko tago,waxaa laakiin intaas dheer oo naxdin iyo qaracan badan Madaafiicda oo Shacabkii lagu barakiciyay,marka aan kuu soo koobo waxaa ka jira qandaraasyo badan Muqdisho,kooxahii la jibiyay ee Maxaakiimta dowladda taageersan baa qandaraas ku bixiyay in Madaafiic lagu tuuro Itoobiyaanka iyo kuwa reer Puntland runtiina iyagna Naxariis la’aan bay kaga soo jawaabayaan waayoo meesha ay joogaan Addis Ababa maaha,mana ahan Garowe,waxaan ula jeedaa Caruur kama joogto,sheekaduna waxay isugu biyo shubataa iskudarka dhimashadda reer Muqdisho intee dhan tahay.xitaa eeda iskama lahan Maxkamadaha oo kaliya ee waxaa la rumaysan yahay inay dowladda kaalin ku leedahay si Ciidamadda Afrikanka loo soo dedejiyo. S: Daahir sidee looga arkaa Muqdisho dib u heshiisiinta uu Cabdilahi Iclaamiyay in lagu qabanaayo Muqdisho bisha April? J: Walaahi dadka way ku adag tahay inay aaminaan Cabdilahi Yusuf baa dib u heshiisiin dhab ka tahay balse marka aad la sheekeeysato dadka aad ayay u hadal hayaana waxaana loo arkaa wax fiican in shir dib u heshiisiin lagu qabto Muqdisho maxaa yeelay waa Caasimadda Dalka,xitaa Cabdilahi Yusuf sharaf buu ku helayaa taas maxaa yeelay waxaa dadka badankiis qabeen wuxuu dhihi doonaa Garowe ayay ka dhacee dib u heshiisiinta.kkkk laakiin hadii anigga aan kaaga hadlo fikirkeeyga Shirkaas April la iclaamiyay oo ay gudoomin doonaan Cali Mahdi ,Cabdi Raxmaan Xuseen iyo Cali Marguus waxaan u arkaa Riwaayad NINBA TIMA XAMAR,maxaa yeelay Muqdisho kumaba taalo meel ay ku shiri karaan sedex kun oo qof,hadii aanan Goofafka teendhooyin looga sameeyn doonin,mida kale heshiis marka laga hadlayo waxaa iswaydiin mudan yaa la heshiisiinayaa Madaxweyne Yusuf ma ogol yahay in la heshiisiiyo isaga iyo hogaamiyaasha Maxaakiimta,mise sidaas maahee waxaa Xamar lagu heshiisiin doonaa ******* VS ****** sababtoo ah,********* wax dhiba ma qabto cidna la col maaha ,***** degaankiisa waxaa ka jirta dowlad ka madaxbanaan Soomaaliya oo waa Somaliland ,sheekadda waxay u muuqataa in Beesha Caalamka uun dhaqaale looga qaadan doono. S: Warbaahinta Koofurta gaar ahaan tan Muqdisho sidee uga hadlaan Arrimaha Somalland? J : Warbaahinta Muqdisho markii hore wax badan kalama socon Somaliland oo runtii aad ayay u yaraayeen wararka dhinacaas taasna waxay fursad siisay Idaacadii Caalamigga ahaan jirtay ee BBC Somali oo haatan ah ama u shaqeeyso qaab Idaacad shaqsi leeyahay taas oo inta badanba la moodo mid dagaal kula jirta jiritaanka iyo nabadda Somaliland,waxaa laga yaabaa inaysan waxa aan ka hadlayo fahmi Karin dad badan maxaa yelay waxay fahmi karaan marka ay tagaan Jamhuuriyadda Somaliland nabadda ka jirta,horumarka ay gaareen shacabkaas iyo wararka ay BBC Somali faafiso oo ah kuwa uun ku saleeysan iska hor keen iyo la magacbaxday. S: Dahir ma waxaad aaminsan tahay in BBC Somali kula jirto Somaliland dagaal iyo Cuuryamin dhinaca Warbaahintaa? J: Jawaabtayda waa mid sida bisha oo kale u soo muuqato tusaalooyin waxaa kuugu filan Sanadguuradii ugu dambeysay ee Ciidamadda Qaranka Somaliland markii uu diray Axmed Siciid Cige lama baahin ee khashinkaa lagu daray,waan ka warheynaa ,BBC Somali raga jooga kama sino ,waana kala warqaadaanaa maalin walba waxaa Colaadda ugu wayn Somaliland u qaba waa Yuusuf Garaad oo ah ninka hada meesha madaxda ka ah,anigga iyo Yusuf isku reer baan nahay waana ku kala aragti duwanahay Somaliland ,isaga wuxuu ii yaqaan Wiil Qaran dumisa oo Somaliland ku tilmaama Jamhuuriyad ,aniguna waxaan u aqaan Hogaamiye kooxeedka Saxaafadda Koofurta Soomaaliya,waxaan mararka qaar is iraa godob gaara beesheena kama gelin Reer Somaliland ee toloow Yuusuf ma wuxuu raja ka qabaa in loo magacaabo Madaxweynaha Somalia iyo Somaliland, waayoo Shantii Somaliweyn kala tagtay.Jabuuti waa dowlad,waxaana dowladaas dhistay Ciise Madoobe iyo Xanfar,wayna ku jiraan afar Siyaasi oo Samaroona,Cida qabta Somaliland waxay dhaawacee midnimadda mey Jabuuti u yeerto,beelaha dega goboladda Waqooyi iyo Ciise Madoobe yaa badan,NFD Somalida degta tiradeeda iyo tan Somaliland isku miisan ,kilinka shanaadna soo qiimee,bal Caqligaadda xisaabi ee Somaliland hadii ay aqoonsi heleeyso maxaad ku diiday,maxaadse u xaqiree horumarka ay gaartay. BBC Somali waxay Somaliland u diiday inay siiso dhaqaalaha horumarinta Idaacadaha ,tusaale Idaacadda Boosaaso ee SBC lacag ka badan shan iyo toban kun oo dollar ayay bil walba siisaa,sidoo kale Idaacadda Muqdisho ee Hornafrik,uuna Yusuf ka mid yahay Saamileeydeeda labaatan iyo dhowr kun bay qaadataa bishii oo ku qaadataa baahinta Wararka BBC World Service,hadaba maxaa u diiday in la siiyo Idaacadda Hargeysa lacagtaas.waxaa igu maqaalaa in BBC markii hore siin jirtay Xukumadda Somaliland sanadkii toban kun oo dollar,hadana ay ku biiriyeen laba kun oo la gaarsiiyay toban iyo laba kun dollat,dhab ahaantii waa wax laga naxo,laguna qoslo.maxaa yeelay qiyaanadu waxay tahay Solarbaa lagu dhageeysanayaa oo laga hergeliyay Hargeysa oo qura. S: Dahir sida aad sheegtay BBC Somali cadaadis xoogan bay ku haysaa Somaliland ,Wariyaasha reer Muqdisho hadii aad tahiin arrintaas sidee uga garaawdeen? J: Markii hore Wariyaasha Muqdisho waxay isaga heysteen Somaliland meel ay maamulaan hal jufo oo ay ugu yeeri jireen ******,iskana barjeeya laakiin nasiib wanaag hada wax badan bay ka fahmeen waayoo anigga waxaan ka mid ahaa Wariyaashii ugu horeeyay ee tagay Somaliland kana soo diray muuqaal guud oo xaqiiqadda ka hadlaya,wixii ka dambeeyana way sii kordhayeen calaaqaadka labada dhinac,SOLJA iyo ASOJ,haatana waxaa Hargeysa ku sugan Wariyaashii ugu badnaa ee Reer Muqdisho ah kuwaas oo u socda laba Ujeed oo ah inay ku soo qaataan tababar iyo inay soo qiimeeyaan Somaliland,warbixinadooda Idaacadaha iyo Wargeysyadda Muqdisho ayaa faafiyay,dad badan oo jiifayna way ku tooseen maxaa yeelay Seminaarka loogu qabanaya Hargeysa Hay’adii bixineeysay way diiday inay Xamar timaado,maxaa u sababa Nabadgelyo la’aan.markii ay tageen oo ay arkeen Magaaladda qaarkood oo ay ugu horeysay waa farxad iyo rayn rayn nabadeed oo lagu laray hab wanaag maamul. S: Waxaa la sheegay in Yuusuf Garaad uu kaala hadlay inaad joojiso Wararkaadda Somaliland iyo taageeridda kooxo isaga qaniinsan oo ka soo kala jeeda Somaliland,Puntland iyo Muqdisho maxaa ka jira? J: Waa jiraan rag fara badan oo Wariyaal ah iguna yiri waxaan dooneynaa inaan idin dhexdhexaadino adiga iyo Yusuf Garaad oo aysan cadawga idinka faa-iideeysan laakiin anigu waan la yaabay run ahantii maxaa yelay anigga iyo Yusuf Garaad dagaal nagama dhaxeeyo isaga waa Tifaftiraha BBC Somali ,anigana waxaan ahay Tifaf tiraha Waagacusub maxaan ku dagaalnaa ,ma waxaa dagaal ah hadii aanan qabiil ku taageerin oo aan iraahdo war ninkaas waa qabyaaladiiste,waa Hogaamiye kooxeed Saxaafadeed,wuxuu lumiyay oo wasaqeeyay magacii BBC ,sharcigiibuu jibiyay,wuxuu ka dhigay BBC ,Radio Yusuf Garaad,meel uu isaga leeyahay,Wariyaashii aqoonta Saxaafadda lahaabuu nolosha ku aasay,wuxuu maalin walba qortaa mid ku juffo hoose ah,xidid yihiin,ama dano hoose uu la wadaago,ma been baan sheegay,hadii aan ahay wiil iska hadla bal yaa ugu dambeeyay oo Yuusuf Garaad xamar ka shaqaaleeyay,yuu yahay jufo ahaan,intee odaybeey yusuf kala tirsadaan,aqoontiisa Saxaafadda heerkee ayay gaarsiisan tahay? Waa wax laga yaaqyaaqsoodo,dad baa laga yaabaa inay ku fikirayaan Daahir armuu shaqa ka rabay BBC waligeey kuma fikirin,xitaa inaan Wareysi siiyo konton mar baan diiday ,Nairobi,Hargeysa iyo Muqdisho sababtoo ah,ujeedkeeyga maaha in BBC leyga maqlo,aduunka horumar buu gaaray Online,daqiiqad walba wixii ka dhaca Somaliya kala soco,hadiise ay dhacdo inaan BBC Somali ka hadlo Yuusuf oo madax ka ah ,waxay ka dhigan tahay inaan shaqa doon ahaa."Waxaanse aad ula yaabay Wariyaasha u dhashay Somaliland ee BBC Somali ka tirsan hadana aan dhihi Karin Waar wada shaqeynta iyo sharcigga ilaali oo danahaagga gaarkaa haku waxyeeleeyn Dadka iyo dalka reer Somaliland,anaga runtii kama yeeleeyno Yuusuf Garaad inuu wax noo meeriyo,waayoo anigga Daahir ahaan alla mahadii garaadkeeyga waa kobcay,dhaqaalo kagama baahni oo waxaan filayaa inaana jiilkii iga horeeyay iyo kuwa ila simanba gacanta u hoorsaneyn maxaa yeelay waligeey Ganacsade ayaan ahaa,waxaan ka soo bilaabay jeeble Sigaar, Sigaar wareejin hadana heer wacan baan ka gaaray ganacsigii,marka arrinta ku saabsan Yuusuf Garaad baa igala hadlayay inaan joojiyo wararka Somaliland waa iska sheeko raqiisa ,sideebaan ku joojiyaa soow anigga Wariye maaha oo war ma doonayo,soow Waagacusub Warbaahin maaha oo loo samayn in wararka lagu faafiyo,maxaa ka galay Yusuf ma isagaa madax ka ah,jawaabtu waa maya,runtii ma jecli inaan ku fogaado arrinta BBC Somali waayoo aniga maba dhageeysado waa saaxiibadeey way ogyahiin inaana dhageysan oo aanan waqti ku lumineyn fikir hal qof wato in la igu shubo,marka waxaan oran karaa Somaliland waa dal dadaal badan sameeyay ,dee aqoonsigga waxay kala mid tahay dunidda oo Dalwaynaha shiinaha afartan iyo sedex sano ayuu aqoonsi doon ahaa,kadib buuna helay. Qarannews