Kamalu Diin

Nomads
  • Content Count

    634
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Kamalu Diin

  1. Red Sea is just like his uncle Omar Arte Qaalib....... "Qolooyinkii reerkoofureed anaa lugaha isu dhuftay... " this is not gonna work here SOL Nomads have seen this before, Somaliland deposited Omar Arte Qaalib so as you. Red Sea waa laguu yaabaa
  2. Originally posted by Jimcaale: You seem to enjoy lying to yourself. Your interest seems to revolve around the ICU, Arabs and Islam/Muslim in the politics forum. By the way, you seem to know more than we do on the issue of foreign troops deployment. You said Gedo is given to Museveni while the Tigre boy enjoys the control of Baydhabo & Gaalkacyo. Why poor Somalia is stuck with poorly trained troops from the poorest countries of the continent with a high alarming AIDS/HIV crisis? Jimcaale I guess Eriteria/Al-Qaeda trained USC/ICU is the best option for Somalia in your eyes. those African army are meant to help the government to stand its feet. Since the TFG is made of whole waring somali clans there is no better solution, and we don't want USC/ICU or Puntlanders to protect the rest of us. get that
  3. shalley maantaan ayay Gurceel ka tageen xaq ayay u leeyihiin in ay ku soo laabtaan dhulkooda. wax dhibaato ah kuwaan kama qabo
  4. Masaakiintaan Ethipia dhexdeeda ayey la wadaan USC/ICU wax sidaas Dowlada Ethipia dhibsaday... anigu hadaad iyaga ahay maba isku mashquuliyeen wax aan sidaas u sii jireen
  5. Ciidamada Tikreega ee kusugan Dhulka Soomaaliya oo Dadweynaha kudhaqan Feer feer ku amray in ay halkaasi isaga baxaan. Baladweyne, 10-December-06 ( Qaadisiya.com) Qoysas fara badan oo deganaa Deegaanka Feerfeer ayaa lagu amray in ay isaga qaxaan halkaasi kadib markii Ciidamo fara badan oo tiree ahi ay halkaasi soo buux dhaafiyeen. Qoysaskani ayaa waxaa ku amaray in ay halkaasi isaga cararaan Ciidamada Tikreega oo iyagu halkaasi ka dhigtay Fariisin Cusub isla markaana soo dhoobay Ciidamo Tikree oo fara badan kuwaasi oo doonaya in ay weerar kusoo qaadaan Ciidamada Mujaahidiinta ee kusugan Gobolka Hiiraan. Qoysaskani ayaa lagu soo waramayaa in ay Maanta soo gaareen Magaalada Baladweyne waxaana lagu qiyaasay illaa 200qoys kuwaasi oo dadweynaha kudhaqan Magaalada Baladweyne kacodsaday in ay meeleeyaan. Dadweynaha kudhaqan Magaalada Baladweyne ayaa durba bilaabay in ay gacan qabtaan walaalahooda isla markaana dejiyaan goobo ay kusoo moodaan inta xaaladda halkii laga soo qaxiyay ay ka dageyso. Dhinaca kale Ciidamo Katirsan Golaha Maxaakimta ayaa Maalintii shalay ka sameeyay Magaalada Baladweyne Dhowlotus ay kumuujinayaan Awoodda ay u leeyihiin in ay iska dhiciyaan Ciidamada Tikreega ee wadanka kusoo duulay. Ciidamada Golaha Maxaakimta ee kusugan Gobolka Hiiraan ayaa si aad ah iskugu diyariyay iska dhicinta Cadowga Islaamka ee Duullaanka kusoo ah Dalka iyo Diinta iyadoo arrintaasina Maxaakimtu ay taageero ballaaran kaga heystaan Shacabka Soomaaliyeed meel waliba oo adduunka ay kaga dhaqan yihiin.
  6. Maamulka Islaamiga ah ee Gobolada Jubbooyinka oo shaaca ka qaaday in ay diyaariyeen Mutadawiciin diyaar u ah ka qeyb qaadashada Jihaadka. Kismaayo, 10-December-06 ( Qaadisiya.com) Maamulka islaamiga ee gobollada Jubooyinka waaxda u qaabilsan diyaarinta mutadawiciinta ayaa shaaca ka qaaday in ay diyaarisay 900 oo ka mid ah dhalinyaro dooneysa in ay ka qeyb qaataan jihaadka lagu difaacayo diinta,dadka iyo dalka kadib markii cadawga Tikreega uu ku soo duulay qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya. Golaha maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ayaa bishii october si rasmi ah ugu dhawaaqay jihaad ka dhan ah ciidamada Tikreega,waxaana mudadaasi kadib la bilaabay olole lagu uruurinayo mutadawiciinta diyaarka u ah difaacida diintooda,dadkooda iyo dalkooda kadib markii nidaamka Tikreega uu duulaan toos ah ku soo qaaday dalka Soomaaliya isagoo doonaya gumeysi cusub in uu ku soo rogo dalka. Sheekh Xasan Yacquub oo u qaabilsan maamulka islaamiga ee gobollada Jubooyinka tawabarka ciidamada ayaa saxaafada u sheegay in gobollada Jubbooyinka ay iska diiwaan geliyeen 900 oo ruux oo dooneysa in ay si mutadawacnimo ah uga qeyb qaataan jihaadka lala galayo ciidamada dalka ku soo duulay ee gumeysi doonka ah. Sheekh Xasan ayaa intaa ku daray in dhalinyaradaasi loo furay tawabaro si ay ugu bar bar dagaalamaan mujaahidiinta maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ee darsiga lama ilaabanka ah u dhigaya ciidamada Tikreega,tusiyana tabartooda waxa ay tahay kadib markii ay isku arkeen dagaalkii doraad ka dhacay deegaanka Safar Nooleys ee duleedka degmada Diinsoor. Olalaha lagu uruurinayo mutadawiciinta naftooda iyo maalkooda ku iibsanaya Janno ayaa si hab sami leh uga socda gobollada dalka Soomaaliya,ayadoo si qarsoodi ah iyo si aan qarsoodi ahaynba uga socota dhammaan 18-ka gobol ee uu ka kooban yahay dalka Soomaaliya maadaama jihaadka uu yahay mid waajib ku ah qof kasto oo muslim ah oo ku dhaqan dalka Soomaaliya oo uu ku soo duulay nidaamka Tikreega.
  7. Dhimasho iyo dhaawac ka dhalatay Rasaas ay ciidamo ka tirsan maxkamadaha ku fureen dad ciyaarta (Wilisaqada) ku tumanayay degmada Jowle ee gobolka Mudug Wararka naga soo gaaraya magaalada Xaradheere ee gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in illaa 4 ruux ay dhaawacmeen 1 kalena uu geeriyooday kadib markii ciidamo ka tirsan maxkamad islaami ah oo dhowaantan looga dhawaaqay degmadaasi Jowle ay Rasaas ku fureen kooxo isugu jiray rag iyo haween ku tumanayay halkaasi ciyaarta loo yaqaano Wilisaqada. Arrintan ayaa timid kadib markii, dhalinyarada ku dhaqan degmadaasi Jowle ay isugu soo baxeen goob uu ka dhacayay Aroos, ayna faraxada arooska darteed qabasadeen ciyaartaasi Wilisaqada, waxaana Rasaasta ku furay ciidamo ka tirsan maxkamadaha oo doonayay inay kala eryaan dhalinyaradaasi, iyadoo rasaastuna ay haleeshay Haweeney uur laheyd iyo 4 ruux oo kale, waxaana haweeneyda ay u geeriyootay dhaawacii soo gaaray. Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta maxkamadaha islaamka ee ku sugan magaalada Muqdisho oo ay la soo xiriireen waxgarad ka tirsan kuwa ku dhaqan degmada Jowle ayaa ka dalbaday in la soo qabto Askarigii dilay haweeneyda uurka laheyd, waxaana la tilmaamay in mas’uuliyiinta maxkamadaha islaamku ay u sheegeen odayaashaasi in aysan ka war heyn maxkamad islaami ah oo ka dhisan degmada Jowle, isla markaana ciidamo u joogin degmadaasi, taasoo ay aad ula yaabeen odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan degmada Jowle ee gobolkaasi Mudug. Garaad Salaad Xirsi garaadcadde@hotmail.com
  8. Habeenadii ugu dambeeyay oo Muqdisho gudaheeda lagu arkayay Gaadiid ay saaran yihiin dhalinyaro dadka ku qalqaalineysa in dadku ka qeyb qaataan Jihaadka Habeenadii la soo dhaafay ayaa waxaa gudaha magaalada Muqdisho lagu arkayay xilliyada wixii ka dambeeya 9:00 dhalinyaro faro badan oo saaran gaadiid nooca loo yaqaano waaraadka kuwaasoo dhalinyarada ay isku kooxda yihiin ku qal qaalinaya inay soo raacaan isla markaana ay dhalinta tagto goobaha ay isku hor fadhiyaan ciidamada maxkamadaha iyo kuwa dowladda federaalka gaar ahaana dhinaca Buur-hakaba. Habeenkii xalay ahaa ayaa waxaa lagu arkay xaafadaha degmada Wardhiigley, gaari weyn oo ah nooa loo yaqaano Waaraadka oo isagu ku soo agbaakimanaya goobaha ay dhalinyaradu ku shaahaan, ee maqaayadaha ah, iyagoo u soo diraya dhalinyaro ka mid ah oo kuwa kale ku booriya inay soo raacaan gaariga si loo geeyo furimaha dagaalka ee laga cabsi qabo inay isku faro saaraan dhinacyada maxkamadaha iyo dowladda oo kaashaneysa kuwa Itoobiyaanka. Dhinaca kale, ciidamo gurmad ah oo xoogan ayaa sidoo kale waxa ay ka baxayeen habeenadii ugu dambeysay saldhigyada ciidamada ee ay gacanta ku hayaan golaha maxkamadaha islaamka Soomaaliyeed, waxayna arrintani ka dambeysay kadib markii ay shaqaaqooyin dhex mareen ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa ku sugan Diinsoor ee maxkamadaha. Garaad Salaad Xirsi garaadcadde@hotmail.com Ceelbuur Net
  9. Qofkii kawaanka xamar jooge lee ahaa... saxiib that ilaahey waa nooga gargaaray.
  10. So you are saying let us cover relationship beween USC AND ICU. you would love that.
  11. the Reporter is lookout ........ Afkaada fur aan ilkahaada tiriyee. Lookout is Sahan... tan kale waa sarbeeb soomaliyeed.
  12. Meerkats are burrowing animals, living in large underground networks with multiple entrances which they leave only during the day. They are very social, living in colonies of up to about 30. Animals in the same group often groom each other to strengthen social bonds. The alpha pair often scent-mark subordinates of the group to express their authority, and this is usually followed by the subordinates grooming the alphas and licking their faces. This behavior is also usually practiced when group members are reunited after a short period apart. Most meerkats in a group are all siblings and offspring of the alpha pair. Meerkat Suricata suricatta in Bristol ZooMeerkats demonstrate altruistic behaviour within their colonies; one or more meerkats stand sentry (lookout) while others are foraging or playing, to warn them of approaching dangers. When a predator is spotted, the meerkat performing as sentry gives a warning bark, and other members of the gang will run and hide in one of the many bolt holes they have spread across their territory. The sentry meerkat is the first to reappear from the burrow and search for predators, constantly barking to keep the others underground. If there is no threat, the sentry meerkat stops barking and the others feel safe to emerge. Meerkats also babysit the young in the group. Females that have never produced offspring of their own often lactate to feed the alpha pair's young, while the alpha female is away with the rest of the group. They also protect the young from threats, often endangering their own lives. On warning of danger, the babysitter takes the young underground to safety and is prepared to defend them if the danger follows. If retreating underground is not possible, she collects all young together and lies on top of them. Meerkats are also known to share their burrow with the red meerkat, yellow mongoose and ground squirrel, species with which they do not compete for resources. Meerkats are the first non-human mammal species seen actively teaching their young. Children of most species learn solely by observing adults. Meerkat adults educate children how to eat a venomous scorpion. They will remove the stinger and help the pup learn how to handle the creature. [1] Despite this altruistic behaviour, meerkats sometimes kill young members of their group. Subordinate meerkats have been seen killing the offspring of more senior members in order to advance their own offsprings' positions. [2] Meerkats have been known to engage in social activities, including what appear to be wrestling matches and foot races -------------------- be it Somalidoon and USC/ICU basher.
  13. founder of Mogadishu University sends hundreds of student to Khartum as scholarship meant for Somalis each year approximately 80% are Refugee from Ethiopia that where he hailed from.... he is the only link between USC/ICU and Khartum. say yes that is true.
  14. he is lookout ...... afkaada fur aan ikahaada tiriyee.... get losss dheh
  15. Moderator you have listed above five statements I made and I am not denying that. Statement one and four I am saying since hal xeero lagu heshiinwaayey qolowalbaa xeeradeeda. Seddaxda kale soo hartayna waxaan ku leeyahay halka xeero ee in wada dhexlaayo ayaaba ah dhibaatada. ma garaano sidii aan wax kuu fahamsiin la'ahay. waxaan u malaynaa in aad af maay maayga ku fiican tahay. waaban iloobay intii aan ka garanaayey.
  16. Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar: Hada ayaa damacday miyaa inaad gadaal gadaal u noqotid, oo aad isla yaabtid markii banaanka lagu soo dhigay? Waxaa qortay qof kugu kor qoray ama kugu qasbay ma jirto, hokey? Adigaa qortay waxaan aan laga fiirsan hoos ku wada qoran. quote: I am for Somaliland, puntland, Jubaland, hiiraanland, and Arlaadiland, and I am also anti union, anti domination, anti centralization, anti USC/ICU, and finally anti Somalidoon just like you. Anybody who uttered those words above has no interest dantee Soomaali leedahay. Dantaada iska sheego, waxba hada ha gamban markii laguugu qabtay caadadaada. Sadly, it continues: ...there are no such Somaliaweyn words anymore. that dream had been colapsed for the past fivety years. What is going on here .................. Fasal Ali Waraabe has a right to say whatever he said period.... I don't get what other people are saying... Somaliweyn get loss. Died ...Somalida dhexdooda waa dab iyou naar kala foog waligaaa oo ha isku geenin. but you feel Shame on What your great uncle Siyad Bare did for you bringing where you are. Giving you A Somaliweyn Citizenship..... For your information, it was and is a Soomaali national policy that started the day Europeans started to colonize our land, and was enshrined in the original constitution to the one the dowlada kumeelgaarka functions; the policy, may I kindly remind you: Any Soomaali, be it wherever s/he is born or lived is automatically a Soomaali daludhalad, regardless whether their lands are occupied or not. A lot of people ayaa kusoo dhoofay via that green baasaboor, never asked whether they were born in Jigjiga or Wajeer. It wasn't a Siyaad Barre who gave and took away citizenships, nor did he initiate that. No. You think that you are uncovering hiden thing but you are summarizing what I stand for not contradicting self see it. you mentioned tanta soomaali leedahay sida aad u taqaano ma garanaayo. waxaad u malaynaysaa hadii hal weel wax lagu cuno in ay tan soomaali tahay oo kaliya. Hiiraanland miyeeynaan somali aheyn hadii ay danahooda hor marinayaan aniga Soomaalidaan ay cadaawadu bahdilatay miyaan daawo u hayaa saxii haku markarsiinyoon Soomaalida xero kumawada heshiiso sharci kala hagana warkiisaba daa waxa aan meesha ku haynaa kanaa yiri oo aad adikuba ku jirto can you tell me what point I am backig off. You are confused
  17. how was conducted ..........you mean the reporter forcing the speaker righ. right
  18. I am talking about the link we just found now...................................... the Somali Ethipian guy founder of Mogadishu University is the main link. get that. Did he sponsored this activity...promoting Khartum....
  19. is this Mogadishu University (the key link of USC/ICU to khartum) sponsered/promoted act.
  20. Ala meesha maxaa Wajiya Xun Jooga aan Sharaf iyo Karaamo meel ay ka leeyihiin jirin.. Get loss Somaliweyn....it is dream.
  21. Moderator the discription you are telling about be isn't true at all. Every body knows what I stand for "Federalism", because it is solution to somalia's problems. A)qolo kastaa waxii ilaahey siiyey ayay heleysaa. B) qolo walbaa waxii ay iska dhigto ayay noqonaysaa C)qolo ku xirmayso qolo kale majirto siiba qolo ku xirmaysa Hamar majirto. D) qolodii raadisaa dowlad dhexe waa qoladii dan gaara ka leh sida qoloyinkaan xamar jooga oo hadana kufaana dadkii ayaan dhamaynay oo baro kicinay. Qofkii fgrad wanaagsan wada oo aan wax dhibaato ah igu hayn waan soo dhawaynayaa. Amaxarka/Tigreega aad shegayso saaxiib waa hasha maqaarka hadii ay diidayso dulduleeleheeda ayay day day daa Hada qoladaan USC/ICU hadii ay marmarsiyo ka dhigatay. maxaa u malaynasaa anigana aan doonayo federetionka. Saxiib Cadowgeena waa cadaawihiisa. Hadii aad is ileedahay wixii maslaxadayda ku jirto u dumi oo Somaliweyn daba gal. saxiib sidaas howshu ma aha. Is better to be Selfish and indepedent then being depending on some else. Deeda kale Saxiib waxaan u malaynaa in aad ku caqliyesatay Dadkaada dhinac ka raac siyad bare's oo aad sidaas ku dabagashay... USC/ICU Don't you know that Transitional Federal Government the kind of federation oo aan rabo Teeda kale dadka la iskuma qasbo qoladii ku tiraahdaa waa go'aynaa dee xarigooda ayaa la siyaa dibaato intaa ka badan lugtaada laguma doonto... get that waad igu soo eedeysaye. Ceebteey leedahay ma ii sheegi kartaa?. Federation supporting any opinion(Somaliland) that isn't gonna hurt me.
  22. Yuusuf Siyaad Indhacade ayaa Qirtay inuu ka mid ahaa Ragii Ciidamada Dowlada Maraykanka Dhulka ku jiiday, waxa uuna Mudaharaad uu ka khudbaynayay yiri’’ Waxaan ka mid ahaa Ragii Maraykanka Bakhtigiisa wadooyinka Muqdisho horey ugu jiid jiiday, hadana waan ku jiid jiidaynaa. Hadalada Yuusuf Indhacade oo iyagu u ekaa kuwo aan loo meel dayan ayaa u muuqday nin isku qirayay in uu Ciidamo u yimid dalka soomaaliya inay ka caawiyaan dhibaatadii gaajada iyo dagaalada sokeeye u badnaa ku laayay Magaalada Muqdisho, hadana ka danbeeyay iska horkeenkii Ciidamadii Maraykanka ahaa ee nabad ilaalinta Magaalada Muqdisho u yimid iyo shacabkii Magaalada Muqdisho. Indhacade ayaa dhinaca kale ahaa ragii uu Cabdi Qaasim salaad xasan dhaqaalaha badan ku bixiyay inay maleeshiyaad Beeshiisa ah ka soo uruuriyaan Gobolka Galguduud iyo Magaalada Guriceel, isaga oo xoog ku haystay 16kii sano ee aanu soo dhaafnay dhul aanu lahayn iyo shacab nabad jecel. Dowlada Federaalka ah ee soomaaliyeed ayaa la filayaa inay wax ka qabato raga dhiiga faraha kula jira ee dalka soomaaliya u horseedaya in uu noqdo hoyga argagixisada iyo calooshooda u shaqaystayaasha danbiyada aan la soo koobi karin faraha kula jira. Hadalada Yuusuf Indhacade ayaa duuban waxayna ku jirtaa gacanta Dowlada Federaalka ah, waxaana la filayaa inay ku noqoto cadayn marka la gaaro wakhti maxkamad lagu soo taago danbiyadii uu shacabka somaaliyeed iyo beesha caalamkaba ka galay. Idamaale News
  23. Taliyihii ciidamada ee USC-dii Maxamed Qanyare oo duulimaad uu kaga yimid Nairobi ku soo gaaray Muqdisho Faarax Cabdulle Gacal (Garam-garam) oo ahaa sarkaalkii dhinaca ciidamada u qaabilsanaa wasiirkii hore hore ee amniga Qaranka dowladda federaalka xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax ayaa ka soo degay garoonka dayuuradaha caalamiga ah ee magaaladan Muqdisho, isagoo ka yimid dhinaca magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo sida la sheegay mudooyinkanba u ku sugnaa. Garam Garam oo ka mid ahaa saraakiishii hogaamineysay maleeshiyooyinkii Isbaheysigii burburay ee la dagaalanka argagaxisada oo markii dagaalo adag ay kula galeen magaaladan Muqdisho looga awood roonaaday ayaan la ogeyn ilaa hadda sababaha keenay soo laabashadiisa inkastoo sida la sheegay safarka uu Garam-garam ku soo gaaray Muqdisho ay wax ka ogyihiin mas'uuliyiinta maxkamadaha ee magaaladan Muqdisho. Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maxkamadaha Islaamka kuna saabsan socdaalka uu Faarax Garam garam Muqdisho dib ugu soo laabtay, iyadoo Garam- garamna haatan la sheegay in la dejiyey gurigiisa oo ku yiilay deegaanka Dayniile ee magaalada Muqdisho, lamana garanayo in Garam garam uu ku soo biiray maxkamadaha iyo inuu si madax banana isaga noolaan doono magaalaadan Muqdisho. Faarax Garam-Garam oo ah sarkaal sare oo dhinaca hogaaminta ciidamada ku fiican ah ayaa ka soo duulay Nairobi, wuxuuna ka soo degay garoonka dayuuradaha, Fiiro gaar ah : Maamulka bogga Dayniile ayaa akhristaayshiisa ku sugan gudaha iyo dibeda waxa uu u so gudbinayaa cudurdaar ku saabsan war ku soo baxay booga Dayniile maalintii shalay oo ku saabsanaa ku soo laabashada Garam Garam ee magaalada Muqdisho, kaasoo aynu ku sheegnay in Garam garam oo wata maleeshiyooyin ku hubeysan gaadiidka dagaalka uu ka yimid dhinaca magaalada Baydhabo, iyadoo qaladkaasina uu ku yimid warar aynu ka helnay ilo qaldan, warka saxda ahna waa midka hadda kor ku xusan. Axmed Sheekh Cali (Kalaay), Muqdisho-Soomaaliya E-mail: dayniilecom @hotmail.com
  24. Somaliweyn Media Center (SMC) 09/12/2006 Jaaliyada Beesha Mudvlod ee ku sugan Dibadda ayaa si kulul u cambaareeyay hadal ka soo yeeray Yuusuf Indha Cadde uu madaxda DFKMG ku tilmaamay Askar Tigree ah Waxgaradka Beesha Mudvlod ee ku sugan Dibadda ayaa si weyn u cambaareeyay hadal ka soo yeeray Yuusuf Indha Cadde, kaasoo ay ku tilmaameen mid af lagaado ah oo ka turjumaya qabiil siyaasadeed. Waxgaradka ayaa waxa ay sheegeen in ay ka xun yihiin hadalka ka soo yeeray Mas'uul isku magacaaba inuu ka tirsan yahay Maxkamadaha taasoo ay ku micneeyeen inaysan haboonayn inuu sidaa u hadlo. Hadalka uu jeediyay Sheekh Yuusuf Indha Cadde ayaa ahaa eedeyn uu ujeediyay Madaxweynaha FKMG Cabdulaahi Yuusuf, Ra'iisul Wasaare Geeddi iyo Wasiir Kuxigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeelle, taasoo uu ku tilmaamay in ay yihiin askar Tigree ah. "Cali Maxamed Geeddi, Salaad Cali Jeelle iyo Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf waxay ka mid yihiin madaxda sare dowlada Federaalka, huwana xil soomaaliyeed, gefna uma geysan karo Yuusuf Indha Cadde oo aan garaneyno waxa uu yahay, ayey ku sheegeen xuubnahaas soo saaray qoraal cambaareyn ah oo ay uga soo horjeedaan hadalka uu sii daayay Yuusuf Indha Cadde. Sidoo kale Waxgaradku waxa ay sheegeen in hadalka Indha Cadde uu yahay mid meel ka dhac ah, oo muwaadiniin soomaaliyeed ku tilmaamay jinsi kale oo uusan laheyn taasoo uu ugafay diinteena Islaamka isagoo waliba sheeganaya waxa ay ugu yeereen Midowga Maxkamadaha. “ Adeerow C/llaahi Yuusuf, Cali Maxamed Geeddi iyo Salaad Cali Jeelle ma aha Soomaali waa dad u shaqeeya Tigree waa Askar Tigree u shaqeysa” ayuu yiri Yuusuf Indha Cadde, markii uu hadalkan sheegayay Indha Cadde waxaa uu la dhacay Qosol dheer oo 1 daqiiqa socday. Yuusuf Indha Cadde ayaa saxaafada Muqdisho ka sii daayay hadalo lid ku ah Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf, Ra'iisul Wasaare Geeddi iyo Wasiir Kuxigeenka Gaashaandhiga Jeelle, kaasoo uu sheegay in ay yihiin Askar Tigree ah. Somaliweyn Media Center (SMC)
  25. Somaliweyn - Hargeys - 9/12/06 Maxkamada Gobolka Hargeysa oo xadhig gaadha 20-25 sano oo xadhiga ku xukuntay koox loo haysto falal argagixiso ah, iyo Sh. Xasan Daahir Aweys iyo Aadan Xaashi Cayrow oo waxba lagu waayay Maxkamada gobolka Hargeysa ayaa maanta xukun ku riday isugu jira 20-25 sano oo xadhiga eedaysanayaal loo haystay falal aragagixiso oo ay ka fuliyeen gudaha Somaliland. waxa kale oo halkaasi ay maxkamadu ku wayday kiisas loo haystay qaar ka mida eedaysanayaal aan iyagu joogin dalka balse ay maxkamadi kaga socotay magaalada Hargeysa. ee daysanayaasha lagu xukumay 25-ka sano 1. C/raxmaan Cismaan Yuusuf (Warsame) 2. C/raxmaan Maxamed Jaamac (Indha-cade) 3. Axmed Cabdi Godane (Oo Ka mida xubnaha sar sare ee maxaakiimta oo imika jooga Muqdisho) 4. Ibraahim Jaamac (Ibraahim Afgaan) (Oo Ka mida xubnaha sar sare ee maxaakiimta oo imika jooga Muqdisho) 5. Ibraahim Dheere (Maqane) 6. Saalax (Maqane) 7. Maxamed Caydiid (Maqane) ee daysanayaasha lagu xukumay 20-ka sano 1. Axmed Cali Xuseen (Axmed Keyse) 2. Sheekh Maxamed Ismaaciil 3. Maxamed Ibraahim Axmed (Laba Qumacle) 4. C/laahi Maxamed Axmed (C/laahi Gaab) 5. Muuse Cali Yuusuf Gudoomiyaha maxkamada ee Gobolka Hargeysa Mr C/raxmaan Jaamac Hayaan waxa uu sheegay in 22 kal-fadhi oo ay maxkamadu yeelatay si looga sal gaadho dacwadan ay maanta soo gabagabeeyeen isla markaana waxa uu halkaasi kaga dhawaaqay in Maxkamadu ay wax dambi ah ku wayday nimankan hoos ku qoran. 1. Gudoomiyaha Gudida Shuurada ee Maxkadaha Muqdisho Xasan Daahir Aweys 2. Aadan Xaaji Cayrow oo isaguna ka mida Hogaanka sare ee maxkamadaha 3 Maxamed Muxumed Nuur (Faruur) oo isaga xorriyadiisii loo soo celiyay waxana Xasan Daahir Aways iyo Aadan Xaashi Cayrow ay ku eedaysanaayeen in ay soo direen dhamaan xubnaha fuliyay howl-galadii dilal ee laga fuliyay Somaliland, waxana dacwada soo oogtay xeer-ilaalinta hasa yeeshee waxa uu Mr Hayaan oo ah Gudoomiyaha maxkamada Gobolka Hargeysa sheegay in waxba lagu cadayn waayay sidaasi daraadeedna ay waxba ku waayeen. Waxa kale oo Gudoomiyaha maxkamada Gobolka Hargeysa sheegay in Maxed Sh Ismaaciil aan lagu samayn wax jidh dila isla markaana aanay dushiisa ka muuqan wax nabaro ah iyo cadaymo kale oo muujinayaa in jidh dil lagu sameeyay. JAMAAL IBRAHIM MAXED HARGAYA mustaqbal7@hotmail.com tel 002522-405388 mobile