Emperor

Nomads
  • Content Count

    4,044
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Emperor

  1. Sheikh Fu'aad Xaaji Nuur oo aan ka waraysanay raggii loo dhiibay ciidanka Itoobiya(Dhagayso) ] Sheekh Fuaad oo uhadlay Culuma Puntland Boosaaso:-Waxaa inoo suurta gashay inaan waraysi ka qabano mid ka mid ah culimada ku sugan Gobolada Puntlland gaar ahaan magaalada Boosaaso oo lagu magacaabo Sheikh Fu'aad Xaaji Nuur. waxaana Sheikh Fu'aad Xaaji Nuur ka warasanay rag la sheegay in loo dhiibay ciidanka Itoobiya Halkaan ka Dhagayso Waraysiga Sheikh Fuaad Xaaji Nuur Dhagayso hadalki Sheekha Halgan.net
  2. Baaq Cambaarayn Ah Oo ay Soo Saareen Waxgaradka Beesha *********** Ee Ku Dhaqan Muqdisho Iyo Kismaanyo... Iyo Suldaan Axmed Cali Sonkor, oo kamid ah Odayaal dhaqameedka beesha ****** ee Koonfureed oo Ka hadlay Raggii Loo dhiibey Itoobiya Waxgaradka,aqoonyahanka iyo Odayaasha beesha *********** ee ku dhaqan magaalada muqdisho iyo kismaanyo ayaa Baaq wadajir ah kasoo saaray xubno la sheegay in dhowaan loo dhiibay xukuumada ethiopia oo kasoo jeeda beesha ****** islamrkaana lagu eedeeyey jabhada ONLF taasoo ay sheegeen inay tahay mid ka baxsan xaquuqda bani aadamka iyo sharciga islaamkaba . Baaqan ay wadajirka usoo saareen Odayaasha iyo waxgaradka beesha *********** ayaa cambaareeyey falkan waxashnimada ah islamrkaana aan hore loogu arag gudaha wadanka ama xeerka soo jireenka ah ee beelaha walaalaha ah ee beesha wada sheegta taasoo ay sheegeen inay cambaaraynayaan Kuwii falkaasi ka dambeeyey iyo weliba masuuliyiinta puntland . Sidoo kale odayaasha iyo waxagardakan ayaa bayaankooda ku xusay inay aad uga xun yihiin arintan Foosha xun islamrkaana ay uga tacsiyeynayaan iyagoo shaaca ka qaaday inaysan marnaba raali ku noqon doonin dhibaatada ay sameeyeen maamulka puntland gaar ahaan kuwa masuuliyiin isku sheega ah ee u adeega Ethiopia . Baaqan ay soo saareen waxagaradka ,odayaasha iyo aqoonyahanka beesha *********** ayaa waxaa ku saxiixnaa Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka kala ah . Ugaas Maxamuud Ugaas Xuseen (Baqow) Caaqil Yuusuf Haybe Abokor Dr C/risaaq Maxamuud Ibrahim(Raamaale ) Caaqil Salwiye Cali Cabdi Xasan Xuseen Maxamed Jaamac Xuseen Maxamed Aadan Jiciir Maxamed Axmed Qaalib Siciid Maxamed Jaamac G/dhexe Cabdikariim Cumar Xaashi G/lle Maxamed Cabdulaahi Warsame Cabdi Saleebaan Dirir Cabdi Barkhadle Cashuur Maxamed Ugaas Maxamuud Ugaas Xuseen( Baqow) Iidle Maxamed Aadan Aadan Siciid Maxamed Boqor Muuse Xuseen fanax Axmed naasir (bidde) cali Boobe cabdille jaamac Suudi faarax Wabilaahi Towfiiq Suldaan Axmed Cali Sonkor oo Ka hadlay Raggii Loo dhiibey Itoobiya Suldaan Axmed Cali Sonkor oo kamid ah Odayaal dhaqameedka beesha ****** ee deegaanada koonfureed ayaa ayaa sheegay inay arintaas rag loogudhiibey Itoobiya ay tahay mid aad u Fool xun oo cawaaqib xumo keeni karta islamrkaana Xumaato ku abuurtay haddii ay yihiin beesha ******, waa siduu hadalka u sheegaye oo uu Ku sheegay mid aan laga Fiirsan islamrkaana looga baahan yahay inay maamulka puntland oo uu sheegay inay Eeda leeyihiin hal beel ay arintaasi raali gelin ka Bixiyaan soona Celiyaan Xubnihii beesha ****** ee ay u dhiibeen ethiopia . faytin yaasiin yaasiinfaytin@hotmail.com Faafin: SomaliTalk.com | May 4, 2008
  3. Ururka Midowga Qurba Joogta Soomaaliyeed oo fariin adag u diray Ummada reer Puntland. Ururka Midowga Qurba Joogta Soomaaliyeed, (USD) ee saldhigiisu yahay Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, wuxuu aad uga xun yahay Canbaaraynayaana, dhacdada murugada leh ee ka dhacday Dhulka Puntland, in dad Soomaaliyeed oo Jooga dhulkoodii hooyo cadow loo gacan galiyo. Waxaan Tacsi gaar ah u diraynaa dhammaan eheladii iyo qaraabadii ay kadhasheen dadka la dhiibay, si guudna waxaan ugu tacsiyeynaynaa Ummadda Soomaaliyeed ee ka murugaysan ficilkaan tiiraanyada leh. Waxaan aad ugu Mahad celinaynaa Culumada, Isimmada, Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta, Ganacsatada iyo dhamaan Waxgaradka reer Puntland ee Baaqa Taariikhiga ah kasoo saaray 04/28/2008 Gobalka Bari. Baaqaas oo si toos ah u cambaaraynayey iibsigii Itoobiya laga iibsaday Maxamed Axmed Caafi (Dhiirre), iyo Cabdi Nuur Maxamed Sooyaan 04/22/2008 oo ahaa dad Soomaaliyeed. Sidaa si leeg waxaan ugu Mahad celinaynaa Abdalla Jaamac Jibriil oo Bisha May 2, 2008 BBC-da ka canbaareeyey isagoo ku sagan magaalada Gaalkacayo, sheegayna inay talaabo ka qaadidoon iibisaga sideeda dhalinyarada ah ee Gaalkacayo laga qafaashay loona dhiibay Gumaystaha Itoobiya 05/02/08. ___________________________ May 3, 2008 USD#0003 Minnesota USA Ku : Isimada Maamul Goboleedka Puntland : Culimada Maamul Goboleedka Puntland : Siyaasiyiinta Maamul Goboleedka Puntland : Aqoonyahanka Maamul Goboleedka Puntland : Ganacsatada Maamul Goboleedka Puntland : Shacabka Maamul Goboleedka Puntland : Maamul Goboleedka Puntland : Shacabka reer Soomaali Galbeed Ka: Ururka Midowga Qurba Joogta Soomaaliyeed UJEEDO: BAAQ Ururka midowga Qurbajoogta Soomaaliyeed, kadib markuu ogaaday dhacdooyinka foosha xun ee soo noqnoqonaya ee ka dhanka ah Islaanimada, Soomaalinimada, Wadadhalashada, xiriirka, isdhexmarka, iyo ganacsiga, wuxuu ugu baaqayaa Ururku Isimada, Culimada,Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta, Ganacsatada iyo dhamaan waxgaradka reer Puntland inay joojiyaan, is hor taagaana dadka Soomaaliyeed ee Maamulka Puntland kagadanayo Dowlada Itoobiya. Isimmadu waa dadkii dhisay islamarkaana dhidibada utaagay Maamulka Puntland, sidaa daraadeed waxaan ugu baaqaynaa inay go'aan cad kaqaataan dhacdadan foosha xun, kana soo saaraan go'aan ay u dhanyihiin oo ay ku hor istaagayaan inaan qof danbe oo Soomaali ah oo jooga dhulka Puntland loo dhiibin Itoobiya. Sidoo kale waxaan Isimmada ugu baaqaynaa inay Maamulka Puntland ku cadaadiyaan inay shuruud la'aana usoo celiyaan dadka Soomaaliyeed ee laga taxaabtay Ciida Puntland. Isimmada waxaan kaloo ugu baaqaynaa inay dowlada Itoobiya fariin u diraan inay joojiso falalka ka dhanka ah, Soomaalinimada, wada dhalashada, ganacsiga iyo daris wanaaga ee ay ka wado shacabka reer Puntland iyo shacabka Soomaali galbeed dhexdooda, soona celiso dadkii loo gacan galiyey shuruud la'aan.Sidoo kale inay u cadeeyaan inaysan reer Puntland diyaar u ahayn colaad ka curata shacabka reer Puntland iyo shacabka reer Soomaali galbeed dhexdooda, ficilkoodana loo fasiran karo isku ***. Culimada Soomaaliyeed ee jooga Puntland waxay ka midyihiin aasaasayaashii dacwada ka jirta Soomaaliya, miisaan wayna waxay ku leeyihiin bulshada dhexdeeda, waxaan ugu baaqaynaa inay cadeeyaan waxay diinta Islaamku ka qabto u gacan galinta qof muslim ah cadow aan bad baadin doonin. Sidoo kale inay Fataawa qoran kasoo saaraan, kuna cadeeyaan xukunka qofka dhiiba qof islaama wuxuu noqonayo. Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanka Puntland waxaan ugu baaqaynaa inay ka hor yimaadaan dhacdadaan ceebaysan ee aan qof damiir leh ka suuroobin. Waxaan ugu baaqaynaa inay ka hadlaan Saxaafada gudaha iyo dibadaba cadeeyaana Siyaasad ahaan dhibaatada ay mustaqbalka reebi karto dhacdadaanu. Waxaan u sheegaynaa Siyaasiyiinta inay arintani tahay fursad qaali ah oo soo martay, shacabka reer Puntland iyo ummada Soomaaliyeedna ay ku qiimayn doonaan barri mowqifka ay ka qaataan arintaan. Ganacsatada reer Puntland oo ah laf dhabarta dhaqaale ee Maamul Gobaleedka Puntland, waxaan ugu baaqaynaa inay dad waynaha u cadeeyaan faa'idada ganacsi ee laga helayo isku xirnaanta iyo isu socodka Shacabka Soomaali Galbeed iyo haduu ganacsigaas istaago khasaare intee le'eg ayaa ka imaan kara. Waxaan kaloo ugu baaqaynaa inay cadeeyaan inaysan raali kanoqon doonin inuu Maamul kushaqeeya canshuurta ay bixiyaan uu ka ganacsado dadka Soomaaliyeed. Shacabka reer Puntland ee nabada jecel waxaan ugu baaqaynaa inay ka dhiidhiyaan taxaabida laga taxaabayo dad Soomaaliyeed Guryahooda, hadii si kale loo dhigana iyaga martida u ah. Waxaan ugu baaqaynaa inay ku garab istaagaan cidkasta oo arintaas isu taagta sida: Isimmada, Culimada, Siyaasiga, Aqoon yahanka iyo Ganacsatada. Waxaan kaloo ugu baaqaynaa inaysan ka liidan lo'o gisida oo neefkii bahal ka qabsado aan uga harin ee inta kusoo rogmada qoob iyo qaylo iyo gees kaga soo rita. Waxaan idinku adkaynaynaa inaysin dhicin in qof 11aad laga hogaansado ciida Puntland. Maamulka Gobaleedka Puntland waxaan ugu baaqaynaa inay ixtiraamaan rabitaanka shacabka ay matalaan iyo inay ilaaliyaan sharciga iyo qaanuunka u degsan Maamul Gobaleedka Puntland. Sidoo kale waxaan u sheegeynaa inay ogaadaan inay ayagu qaadidoonaan masuuliyada Natiijada ka dhalata ficilka ay ku kacayaan. Gaar ahaan waxaan u sheegeynaa inay ayagu masuul kanoqon doonaan wixii dhibaato ah oo shacab reer puntland uga yimaada ama kasoo gaara arintan. Shacabka reer Soomaali galbeed waxaan ugu baaqaynaa in ay ogaadaan in aan shacabka reer Puntland iyo dhamaan ummada Soomaaliyeed raali ka ahayn, kana noqon doonin dhacdadan qalafsan. Waxaan ugu baaqaynaa Shacabka reer Soomaali galbeed inay ka feejignaadaan hagardaamooyinka cadowgu uga gol leeyahay inuu dabka isugu dhiibo ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan labada shacab ee walaalaha ah. Ugu danbayntii waxaan xasuusinaynaa dhamaan qaybaha sharafta iyo ixtiraamka mudan ee aan soo xusnay , in xil layska saaro joojinta ka ganacsiga banii'aadamka qardhiga kow iyo labaatanaad, loona maro xalinta mushkiladan qaab waafaqsan shareecada Islaamka Dhaqanka, Aqoonta Siyaasada iyo Caqliga saliimka ah. Xasan Maxamed (Xasan Dhooye) Gudoomiyaha Ururka Midowga Qurba Joogta Soomaaliyeed Minnesota USA unitedsomalid@gmail.com
  4. There you have the mad Afawerki attacking the only Somali territory within his reach... I expect anything but good from this bafoon.
  5. Excellent documentary, Hussein is one of the few Somalis with pure blood... Abu amd Jimmy thanks for the first and second part.
  6. ^Rationally, huh? and not from your Tol's perspective, Heeh? What's so rational about accusing Saado of qabiilism while every other Somali singer is doing the welcome... Link of other Somali singers
  7. Norf try settle down the young lad, you are one hardcore seccessionist but still we reason and get on well with you, ain't no reason uu isku qariyo usheeg...
  8. Abtigis, Whatever man, you supported SL admin xataa and I have seen you saying seccessionka haday rabaa maa lasiiyo. Stop convincing me of your so seeminly contradictory positions, LOol, my point to you waad qarxi doontaayaa ha is qarin waxba... I rest my case
  9. ^Adiga waxba ha isqarin Sxb, I believe Singubna adeer kuuma ahay, dagaaladi of eighties hadaa soo hadal qaaday Singubna ku eedaysay sheekaas... laf tumiraa kujirta As for him welcoming the President, it was important. Singub is one of the greatest Somali composers and play wrights, he did what he did for his people and nation, kudso to him... he's simply no qabyaladiiste, not at all.
  10. ^Abtigiis waligay horay uma arag muddana meeshan waa kujiray marka waxba ha is qarin kolay waad soo caanbaxaysaa maad iska sheegtid... You are another secessionist is qarinaaya, I have seen you many times supporting qadiyada SL, faanfaaninaaya, now I see you reading praises for SL over Puntland... Kaba sii darannee qadiyada reer Laascaanood joke ayaad kadhigatay halka iyagana Magaladoodii Maato lagu laayay lagana qixiyay, nin meesha tiri kayimi kama suurtowdo taas... Qaab socodku maqarsoomo, that's all I can say to you...
  11. ^Horta adiga waxaa qiratay in mar lagaa Ban gareeyay SOL, Magaci aad wadan jirtay muxuu ahaa?
  12. Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar: Saado Cali Warsame haddee saan ku socoto surely will tarnish and stain her heretofore good reputation as a fanaan nationalist ahayd and as a person. Soomaali badan u bogi jiray her daljecelnimo iyo Soomaalinimo songs ayee fankeeda nacsiin doontaa. Her memorable daljaceel songs -- "dalkeyga waa jeclahay, dadkeyga waa jeclay" iyo "baroom baa ka qeybgalay" to mention but a two -- yee nacsiin dadka dalkooda la jeclaa iyada if she continues in what she is doing lately. Waa inay siyaasadda iskaga dhex baxdaa, inteenana gaarin wajigabaxii Magool, Eebba ha u naxariistee, ku dhacday. Magool wey ka waantowday, and I hope our sister will see the bigger picture of xaalka dadkeeda oo dhan, waa Soomaaliweyn. Qabyaalad iyo fan isma galaan, Saadooy. Yaabka Yaabkiisa, Of all people MMA, the resident experienced MOD of the site had to suggest this... I was expecting this from people like the secessionists... What had Saado done to be suspected of Qabyaalad, welcome the President of Somalia, why? Possibly she shares her great great great (I don't the number, a guess) 1000th grandfather with the President, What a Bullokkks... What if Ahmed Cali Cigaal had attended isagana, walle waa lagu shabadayn lahaa qabyaaladiiste weeeeeeeeeeeeyn, Lol. FYI: The Somali President was welcomed by most of the Somali singers more than Saado Ali did, here is a clip from London where tens of Somali singers from all regions of Somalia led by the famous Maryan Mursal and Nicmo Yasin welcoming to entertain the Somali leader... I wonder why anyone who supports or welcomes the TFG is accused of being a clanist, I think you lot have prejudice for a clan, I am sure If Abdirizaq Haji Hussein supported the TFG many would have called him Qabyaaladiiste and thats the main reason why Mr Hussein is distancing himself from the TFG because his kinfolk is the leader and as such not to turnish his name as the good former Somali Prime Minister. Abtigiisa your Adeero Singub welcomed Yusuf Yey twice in the US to entertain him, why don't send him your warning...
  13. ^Adigana howshaada waa I will be along with SL/Alshabaab/UIC/ONLF/Nationalists/Musicians/BobMarley and what have you, as long as you are against Puntland.... Whatever that takes Puntland down works for you... LOol
  14. ^LOol, So now are you suggesting that SL is doing much better than Puntland?
  15. ^Hahaha, JB speaking in demo lingo LOol... hadaba sheekada waan isaga haray
  16. ^He or She, Gabar baa dhimatay
  17. Waa ceeb in wax walba la inkiraa... ma habeenimo Saq dhexaad baan bas shacab saaranyahay askartu toogan oo gabar kudhiman... BBC-da ayaa xataa sheegtay Abaaheed oo leh iyada kaliyaan kalahaa caruur... Ninka KULMIYE madaxdooda kamid ah maxaa lagu xiray shalay? thats for you JB.
  18. ^LOl Huureey to the democracy It's not about the people, no 'democracy' in the clan fiefdom, don't try to tell me that for I won't take it, my question is do you think the time Riyaale is ove, people can't stand him no more... Perhaps time to select hand pick another new face...
  19. ^Adigu sheekada kuma joogto Norf missed what? Wondering for which source?
  20. ^The 'Islamic' supporters of Ayro make me laugh, what's with your BOB marley's hees, and say what Heaven? Where do you get that from.... Astaqfurulah
  21. ^Hold yours too, is the report posted above a fabrication? Norf always on the wrong side, bal muxuu ka helaa beenta iyo propagandada JB, Don't you agree that Riyaale Must go?
  22. From the BBC 24 Boris Johnson declared officially as the next Mayor of London...
  23. Useful documentary about the Prophet PBUH, the legacy of the Prophet... The Legacy of the Prophet PBUH It's long but try and watch all the parts it's worth every minute of your time... You can find it here
  24. ^It's only you that believe Somaliland being out of the Somali box... For me it isn't, that incident happened in Somalia, Hargeisa to be more precise...