Emperor

Nomads
  • Content Count

    4,044
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Emperor

  1. Wasiirka Gaashaandhiga Burundi Oo Maanta Ka Dhoofay Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Dalka Somalia Waxaa Maanta Gadida Diyaaradaha Ee Magaalada Muqdisho Ka Dhoofay Wasiirka Gaashaandhiga Dalka Burundi oo mudo Sadex Maalmood ku sugnaa Magaaladaas isagoona kulamo La Qaatay Madaxda Dowlada Soomaalia, Wasiirka oo Intuusan Ka Dhoofin Garoonka Caalamigaa ee Aadan Cade International ayaa waxaa uu Qabtay Shir Jaraa,id oo uu kaga Hadlayay Arimo Badan oo Ku Saabsan Ciidamada Nabad Ilaalinta u jooga Dalka Soomaalia ee AMISOM, Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay Inay Ciidamo Dalka Burundi Haatan Ka Joogaan Iyagoona u soo Diray Ciidamadooda Sidii ay Uga Qayb Qaadanlahaayeen Nabadayn Dalka Soomaalia, Waxaa uu Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamay Wasiirku Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaanajaamacadda Umadda oo ay daganyihiin Ciidamada Dalka Burundi Qasaaro aad u balaarana uu ka soo gaaray, Shirkaan Jaraa,id ee uu qabtay wasiirka ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxda Dolwlada Soomaalia Ugu Saraysa,Madaxweynaha Soomaalia C/llaahi Yusuf Axmed Raysulwasaaraha Nuur Xasan Xueen Nuur Cade,Iyo saraakiisha Sar Sare Ee Ciidamada AMISOM ee Nabad Ilaalinta u jooga Dalka Soomaalia, Kulankaas ka dib ayaa wasiirku waxaa uu u Boqoolay Dalka Burundi ee uu horay uga yimaaday, News Without Borders Saciid C/llaahi Kulmiye Nadaara,
  2. Che, what about the Halgan that's the source of the first post, I like to post two or three articles of the same news to just cover all the dimensions... If you need more sources and website let me know because this story is published by almost every Somali website...
  3. Naxar he's sweeping the road for that, more Burundi peace keeping forces are expected but also he's lobbying for other AU and UN forces... It is good to have such high profile (defense minister) delegation in Mogadishu from the AU states other than Ethiopia...
  4. Wasiirka gaashaandhiga dalka Brundi oo maanta shir jaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay kaga hadlay hanaanka dib u heshiisiinta dalka iyo in ay kor dhinayaan ciidamada ka jooga Soomaaliya. Dowlada burundi ayaa rajo wanaagsan ka muujisay in ay natiijo dhaxal gal ahi ka soo baxdo kulamada dib uheshiisiinta ah ee haatan uga soconaya wakiilada dowlada federalka iyo mucaaradka wadanka jabuti. Dowlada burundi ayaa rajo wanaagsan ka muujisay in ay natiijo dhaxal gal ahi ka soo baxdo kulamada dib uheshiisiinta ah ee haatan uga soconaya wakiilada dowlada federalka iyo mucaaradka wadanka jabuti. Wasiirka gaashaan dhiga dowlada Burundi oo shir jaraa,id maanta ku qabtay garoonka diyaarada ee magaldada muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in xukumadiisu ay si aad ah ugu raja wayntahay xal laga gaaro is af-garan waaga udhexeya dowlada federalka iyo mucaaradka ka soo horjeeda iyadoo loo tiigsanayo wada xaajood yada haatan ka soconaya wadanka jabuti ee ay isku hor fadhiyaan wakiilo labada dhinac ka socda. Mr jirmim niyoyonkana wasiirka daafaca dowlada Burundi oo booqasho saddex maalmood ah ku joogay magaalada muqdisho ayaa shaaca ka qaaday ka hor inta usan ka baqoolin garoonka diyaarada muqdisho in intii uu ku sugnaa muqdisho uu kulamo la qaatay dowlada fedralka mas,uuliyiinta ugu sareysa sida madaxweynaha iyo ra,isul wasaaraha isagoo kala hadlay sidii loo hor marin lahaa dib uheshiisiinta iyo in la dhameyo xaaldaha ka jira dalka Somalia. Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay in ciidamda dowlada Burundi iyo kuwa amisom ee ka how gala dalka Somalia ay yihiin kuwo u adeegaya shacabka somaliyed isagoo sheegay in ay aad uga xun yihiin hadii ay dowlada Burundi yihiin weerarkii ugu dambeyay ee lala beegsaday ciidamadooda oo marayay agagaarka jaamacada umada ee magaalada muqdisho. “waa talaabo fulaynimo ah in la beegsado ciidamo u adegayo shacabka somaliyeed” sidaana waxaa yiri wasiirka gaashaan dhiga dowlada Burundi mr niyoyonkana . sidoo kale waxa uu wasiirka ka hadlay dadaalada ay afrikanka sameynayaan ee ku aadan dib uheshiisiinta Somalia isagoo sheegay in ay ku dadaalayaan sidii loo gacan siin lahaa dowlada fedralka Somalia . “shacabka soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in ay udhaqaaqaan dib uheshiisiin dhexdooda ah si loo dhameyo dhibaatada ka jirta dalka taas ayaana ah furaha kaliya ee xalinta musiibada bani,aadanimo ee ka jirta Somalia”ayuu mar kale yiri wasiirka daafaca dowlada Burundi . si kastaba ha ahaate wasiirka gaashaan dhiga dowlada burundi ayaa waxa uu tibaaxay in loo baahan yahay dhamaystir loo helo xiisadaha ka jira dalka Somalia taas oo ay iska kaashanayaan dhinacyada caalamka iyo somalidaba. Xafiiska war qabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Baydhabo. Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com
  5. Wasiirka Gaashaandhiga Wadanka Burundi Niyoyonka oo shir jaraa,id ku qabtay Muqdisho Muqdisho:-Wasiirka Gaashaandhiga ee dalka Burundi ayaa maanta waxaa uu shir jara,id ku qabtay magaalada Muqdisho waxaa uuna sheegay in uu soo dhaweynayo shirka ka socda dalka Jabuuti. Wasiirka Gaashaandhiga Burundi Jirmiim Niyoyonkana ayaa waxaa uu rajo ka muujiyey kulanka hada la isku mari la,yahay ee ka socda jabuuti waxa uuna sheegay in soomalida oo dhan ay sugayso. Mr.Jirmiim Niyoyonkana ayaa waxaa uu ka hadlay xaalada amaanka ee muqdisho waxa uuna sheegay in ay sidii hore dhaanto waxa uuna xusay qaraxii lala beegsaday ciidankiisa ku suganaa Jaamacadii hore ee Ummada waxa uuna ku tilmaamay mid fulaynimo iyo ceeb ah. Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in xaalada amaanka ee Muqdisho ay wax ka qaban doonaan inta karaankoda ah isaga oo xusay in ciidanka AMISOM aysan helin wax taageero ah. Waxaa uu wasiirku kulan la qaatay galabta Raisulwasaaraha DFKM Nuur Xassan Xusen . A/Cawale Halgan.net
  6. Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo u muuqda in uu ku kala jabay Wada Hadallada Jabuuti Ergooyinkii Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo Jabuuti ku kala tegaya iyagoo aan si toos ah isu hor-fariisan Khamiis, May 15, 2008(HOL): Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu u muuqdaa in uu ku kala jabay wada hadallada ay Qaramada Midoobay soo qaabeysay ee lagu dhexdhexaadinayo Ergooyin ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta. Iyadoo ay Jabuuti ku sugan yihiin Mas’uuliyiin ka socda Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, isla markaana wada hadallo la lahaa Qaramada Midoobay ayaa hadana waxaa maalmahan la maqlayay mas’uuliyiin ka tirsan Isbaheysiga oo sheegaya in xubnaha shirkaas ka qeybgelaya ay yihiin kuwo meesha ku tegay go’aan aan la isku raacin. Xoghayaha Xuquuqda Aadanaha iyo Daba-galka Dembiyada Marwo Fowsiyo Maxamed Shiikh ayaa Laanta Afka Soomaaliya ee BBC-da waxay u sheegtay in xubnaha wada hadallada u tegay Jabuuti ay jebiyeen Axdiga u degsan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, waxayna sheegtay in sharci darro ku fadhiisteen shirkaas. “Halkan waxaa noogu yimid Guddoomiyaha Isbaheysiga Shiikh Shariif markii uu ka soo laabtay socdaalkii uu ku tegay Nairobi ee uu Beesha Caalamka ku soo arkay, wuxuuna guddiga fulinta u gudbiyay warbixin ku saabsaneyd waxyaabihii uu la soo kulmay iyo weliba in 10-ka May 2007 laga doonayo Isbaheysiga in uu shir u tago Dalka Jabuuti, markaas inta badan xubnaha Guddiga Fulinta waxay isku raaceen in arrinta shirka la hakiyo ilaa 21-ka bishan, iyadoo arrinta ay meeshaas mareyso ayay xubnahan Jabuuti tageen”ayay tiri Fowsiyo Maxamed Shiikh oo ku cel celisay in aaney xubnahaas go’aan loo dhan yahay ku tegin Wada hadallada Jabuuti. “Annaga Wada hadal ma diidanin, laakin waxaan rabnaa in ay wax kasta noqdaan wax sharci ku fadhiya oo la isku ogyahay, Axdi la jebiyo waxaan uga soo tagnay C/llaahi Yuusuf iyo Dowladdiisa”ayay mar kale tiri Fowsiyo Maxamed Shiikh oo ka gaabsatay in ay sheegto in uu kala jabay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya. Sidoo kalena waxaa wada hadallada Jabuuti kuwo aan wax ka soo baxeynin ku tilmaamay Shiikh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in wada hadalladaas ay yihiin kuwo waqti dhumis ah oo aaney ka soo baxeynin wax la taaban karo oo dan u ah Umadda Soomaaliyeed. “Wax ay Labo iyo Seddex qofood ku heshiiyeen kadib wada hadallo waqti kooban socday xal uma noqon karaan mushkiladda Soomaaliya, waana waqti dhumis”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ugu baaqay xubnaha wada hadallada u tegay Jabuuti in ay dib ugu soo noqdaan xarunta Isbaheysiga, si looga wada hadlo arrimaha jira. Shiikh Xasan Daahir wuxuu ka hadlay sida ay ku guuleysan karaan wada hadallo loo qabto Soomaalida, wuxuuna sheegay in ay taasi imaan karto marka ay Itoobiya ka baxdo Soomaalida, isla markaana ay dadka Soomaaliyeed fursad u helaan in ay ku raaxeystaan xornimo iyo cadaalad. “Xalka Soomaaliya waa sahlan yahay, waxaa baxeysa Itoobiya, kadib marka aan xornimo helnana waxaan qabsaneynaa shir dib u heshiisiineed”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys. Horay waxaa wada hadallada Jibouti uga soo horjeestay Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in aysan diyaar u ahayn in ay la fariistaan Dowladda Federaalka Soomaaliya inta ay Ciidamada Itoobiya joogaan Soomaaliya. Waxaa isna sidoo kale laalay wada hadalladaas Xoghayaha Gaashaandhigga Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo sheegay in wada hadalladaas ay yihiin kuwo lagu dhabar-jebinayo sida uu u yiri halganka hubeysan ee ka socda gudaha Soomaaliya, isagoo weliba xubnaha Isbaheysiga uga qeybgelaya Wada hadallada Jibouti-na ugu baaqay in ay halkaas isaga tagaan. Hadallada ay jeediyeen mas’uuliyiinta Isbaheysiga Dib u xoreynta ee ka dhan ah Wada hadallada ay Qaramada Midoobay soo qaabeysay ee Jabuuti ka socda ayaa waxay muujinayaan in xubnaha Isbaheysiga ay ku kala jabeen wada hadalladaas, inkastoo aanu weli jirin mas’uul sheegay in uu kala jab jiro. Ugu dambeyntiina, Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti waxaa haatan ku wada sugan Ergooyinkii ka kala socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan yeelan wada hadallo fool-ka-fool ah marka laga reebo in ay u kala dab-qaadeen diblumaasiyiin ka socda Qaramada Midoobay. Maalinta berri ah ayaa la filayaa in ay wufuudda labada dhinac ka kala tagaan Magaalada Djibouti iyagoo aan yeelan wada hadallo toos ah. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  7. War deg deg ah: Wafdigii isbaheysiga dib u xoreynta oo ka baxay wadahadalkii Jabuuti, si deg deg ahna dib ugu laabtay magaalada Asmara Wararka naga soo gaaraya magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ayaa sheegaya in wafdigii isbaheysiga dib u xoreynta Somalia uga qeyb galayey wadahadaladii labo maalmood ka hor ka furmay magaaladasi ay guud ahaan goor dhoweyd ka baxeen shirkii halkaasi ka socday, waxayna si deg deg ah dayuurad uga raaceen magaalada Jabuuti, iyagoo ku sii jeeda dhinaca magaalada Asmara ee dalka Eritreya oo ay ku sugan yihiin fariisin u ah mas’uuliyiinta sare ee isbaheysiga dib u xoreynta Somalia ee ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka Somalia iyo siyaasadda ay dalka ku maamuleyso Dowladda federaalka. Lama oga illaa hadda in wafdiga isbaheysiga ay shirka uga baxeen arimo la xiriira wadatashi ay la soo yeelanayaan mas’uuliyiinta sare ee isbaheysiga ee ku sugan magaalada Asmara iyo iney gebi ahaanba qaadaceen shirkaasi oo ay isaga baxeen, mana jiraan illaa hadda wax war ah ah oo ka soo baxay wafdigaasi iyo Q/Midoobay oo oo waday wadahadalkaasi, iyadoo wixii warar ah ee arintaasi ka soo kordhana aanu idinkugu soo gudbin doono wararkeena dambe haddii uu Eebbe idmo. .Warkaan waxan ka so xiganay Raadiyoo Soomaliweyn Xafiiska war qabadka Dayniile Goternburg, Sweden dayniilenews@yahoo.com
  8. Here is a youtube clip for you, obviously not one of your Eurotrash clips... Watch and Enjoy. You are So bad that you are Briliant...
  9. ^Not that you are suggesting anything's wrong with Feminism... You are so bad to the extent you became absolutely briliant, you reminded me of a line employed by Peirs Morgan against a contender taking part in Britains got talent, that was spot on which got me laughing so load... Surely you are one of the few that makes me laugh more often, I hope that's a compliment for you...
  10. It seems Afewerki's magic remote control have worked perfect, he threatened them few days back and his threat have proved to be effective, to the shock of the UN Asmara lackeys departed Djibouti so suddenly and unexpectedly... they have no agenda but to be dhabadhilif for Isaias, they don't know what they want, oh yeah they are not sure of what move they should take next, they one day Say yes to talks the next day No, they arrive in Dj for talks and run back hurriedly witout pre-announcement all while the whole world is watching... The TFG point is strenthened that Afewerki's hechmen have no weight and will not be serious about any progress in Somalia, now it's finished, they have blown their chance, expect more support for the TFG more, ground support, political and financial assistance from International community... We all knew that Asmara group will not bring anything to the table and they couldn't have delivered if any agreement was achieved, but it was time the UN and the rest of the world had see that, exactly what's happened...
  11. War deg deg ah : Kooxaha ka soo horjeeda DFKMG ee Soomaaliya oo ka dhoofay Jabuuti. 14. maj 2008 Jabuuti(AllPuntland)- Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Fadhigooduna yahay Magaalada Asmara ayaa ka baxay Wada hadalo Nabadeed ka socday Magaalada Jabuuti. Sida ay sheegayaan Warar Madax banaan Ergadii Kooxda Asmara usoo dirtay Magaalada Jabuuti ayaa ka baxay Magaalada Jabuuti ,waxaana qaaday Diyaarad laga leeyahay dalka Ay degan yihiin. Masuuliyiin ka tirsan Safaarada Soomaalida ee Jabuuti magacoodana diiday in la sheego ayaa ay ka soo xigatey AllPuntland in ay arimahan oo dhan ka dambeeyaan markii galabta loo balansanaa wada hadalo ay yeeshaan dhinacyada Soomaaliya. Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midowbay uqaabilsan arimaha Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla oo la kulmayey Ergada dawladda Soomaaliya ayaa markii uu ka warhelay tagida kooxdan waxa ay ku noqotey mid filan waa ah. Tagitaanka Kooxdan ayaa ku soo beegmaya markii ay maanta Saxaafada ka sheegeen in ay usoo dhamaatey howshii ay ku yimaadeen Magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti ,waxa ayna arimahan sidoo kale ku soo beegmayaan xili ay Xukuumada Asmara Cadaadis saartey Xubnahaasi. F. C. Geylan AllPuntland
  12. ^Your are taking the idea of turning and fighting against the system to a whole new and different level... Somalia needs Solutions that's based on compromise and peaceful protest, not another war and neither will you be able to eradicate misjustice by the use of bullets...
  13. ^Islamacily you should always stay at home but since you are coming out it is more safer for you in the Morning than in the evening when every predator's shift is in full gear for hunting....
  14. ^LOl at your area, you are right I agree Let me just get out of here before I get snapshoted...
  15. Now Eritrea's Isiais Afewerki loves Islam, What Bollukkks
  16. ^I am not and I have no crimes on my part to be running away from my Maryo But its fact these things happen in real life, JB is at it, why post such topic wide on the open and on public forum, and he asks whether I, or any other member of the forum wants to join them, and the best of all is the question of how? WTF, how the hell am I suppose to know!!! grrrrr hhhhh I have a half mental distant cousin who was once jailed for claiming to know Osama, he's been under interrogation for weeks and later released because of his mental problem and the fact that he knew the man throught news and TV alone... There was also this white teenage girl who on her way from the US to UK joked about being a terorrist with one of the Airport wardens, she was held for 24 hrs for some serious questioning and later released, people are snatched and dissappear for nothing. You will no longer believe where this world is heading to, we live in the rules of George Bush's junle, no joke about these matters or the G-Bay is within sight Many active SOLers seem to have avoided this topic, may be I is naive for showing on...
  17. ^To add one more truthful point to my suggestion, its only possible to have one agent user out of almost half a million registered SOL members. C'mon we have them in real life, how hard it is to operate in the cyber world, many are also in hiding, silent readers... Beware, is ilaaliya hadabba...
  18. ^Indeed I await and hope to live to see your prediction... Laakiin wax yar bal Ukuntaada aan jabiyo, Xoolayawga include the ones your support too, I never meant to dissappoint your high expectations but I done it so for the sake of clarity...
  19. Briliant article yaa Caamir... America and the west in general are facing taugh competition, the downside is that they are competting for the resourful third world, when will the rich Muslim world and black continent rise up from the dust... But its good for us all, competition was indeed needed and will proof to be beneficial to the rising and developing nations, one will have the right to choose rather than begg, in will be the equal deal, fair trade, good value for resources while out will be the past old dominance of one group...
  20. ^Sometime in some cases you act like a fool... Muqdisho is a warzone, yaa JB, I didn't know one could expect security in a warzone... Now that said there are peacefully secure areas in Mogadishu...
  21. ^War ninyahow anigu horaan uga shakiyay. Look. Observe. Try and link the dots.. JB is in Somalia, Hargeisa. He's online 24/7 and posts faster than any of us can do here iin the West with out high speed connections. I won't be suprised if he's accessing to the Super fast connection speed 0f Uncle Sams base up in Djibouti.
  22. Xaalada amaan ee Kismaayo oo faraha ka baxday “Hey’adaha Xuquuqda aadanaha oo ka deyriyay amaan darada magaalada la dagtay”. Iayadoo magaalada Kismaayo ay u muuqato hoyga rabshadaha iyo qalalaasooyinka ayaa hey’adaha xuquuqda aadanaha u dooda ee gobalka Jubada hoose waxaa ay si weyn uga qeylo dhaamiyeen amaan darada ay magaalada Kisamayo ehelka u noqtay maalmihii lasoo dhaafay. Iayadoo magaalada Kismaayo ay u muuqato hoyga rabshadaha iyo qalalaasooyinka ayaa hey’adaha xuquuqda aadanaha u dooda ee gobalka Jubada hoose waxaa ay si weyn uga qeylo dhaamiyeen amaan darada ay magaalada Kisamayo ehelka u noqtay maalmihii lasoo dhaafay. Kooxo burcad ah oo hubeysan ayaa jid gooyooyin ka sameystay in badan oo ka mida xaafadaha magaalada Kismaayo oo qiyastii 500 oo kilo mitir dhanka koofureed kaga beegan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho taas oo sabab u noqotay xaalado amaan daro oo aad u halis ah. "Nolosha dadka maagaladu khatar ayay ku jirtaa,hey’adaha gargaarkuna way ka baqo qabaan in magaalada ay yimaadaan oo ka shaqeeyaan iyadoo sababtuna ay tahay amaan darada oo gaartay heerkii ugu sareeyay”sidaasi waxaa wakaalada wararka IRIN maanta u sheegay Daahir Cali oo ka mida masuuliyiinta hey’ada u dooda xuquuqda aadanaha ee SEDHURO. “Tani waa mushkilad aan lagu sii dhex jiri karin una baahan in xal deg deg ah loo helo”ayuu yiri Daahir Cali intii uu socday wareysiga uu maanta siiyay wakaalada wararka bini’aadanimada qaramada midoobay ee IRIN. ”Waxaa jira jid gooyooyin la dhigay meel kasta taas oo dadka aan u saamexeynin in howl maalmeedkooda ay u baxaan”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay masuulkani. Inta badan heyadaha gargaarka caalamiga ah waa ay isaga bexeen magaalada Kismaayo sababo la xariira xaaladaha maan daro ee magaaladu ay ehelka u noqotay. Bishii Janaayo ee sanadkan waxaa hakad uu ku yimid howlihii halka isbitaal ee magaalada ka shaqeynayay,kadib markii qarax bambaano lagu dilay 4 ruux oo 2 ka mida ay u kala dhasheen dalalka Kenya iyo Ingiriiska una shaqeynayay ururka dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn. Mid ka mida oday dhaqameedyada magaalada Kismaayo oo lagu magacaabo, Bile Abdi, ayaa isna u sheegay wakaalada IRIN in wax garadku ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ay ku dooanyaan xasaradaha magaalada ka taagan in ay ku qaboojiyaan. Odaygan ayaa sheegay in ciidamada amaanka oo aan la siinin wax mushaaraad ah bilihii lasoo dhaafay ay shaqadii joojiyeen taasina ay keentay in xaalada amaanku ay faraha ka baxdo. ”Dhibaatada xaga mushaaradka ah maanta amaba ugu dambeyntii barri ayaan isku dayaynaa in aanu xal u helno”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay oday dhaqameedku. “Waxaa hada magaalada ka soconaya kulamo ay leeyihiin wax garadka dhamaanba beelaha gobalka daga waxaana kulamadaa ujeedadoodu ay tahay sidii beel kasta loogu qancin lahaa in maliishiyooyinka kazoo jeeda ee dhibaatada ku lugta leh ay wax uga qaban lahayd”ayuu mar ale yiri Bile Cabdi oo ka mida wax garadka magaalada Kismaayo. Laakin mid ka mida ganacsatda waweyn ee magaalada Kismaayo oo ka gaabsaday magiciisa in la shaaciyo ayaa u sheegay wakaalada IRIN in dadka magaaladu aanay ku rajo weyneyn kulamada soconaya in ay xaalada wax ka badali doonaan. "Dhacdooyinkan oo kale waa kuwo mar waliba soo noq noqda waxaana looga gudbi karaa in maamul rasmi ah magaalada loo heloi”ayuu yiri ganacsadaha magiciisa ka gaabsaday. Waxaa ganacsadahani uu sheegay in Odayaasha deegaanka qudhoodu ay kala taageeraan maxkamadaha iyo dowladda federalka sida adaraadeedna aanay xitaa suura gal marnaba ka dhigi Karin in ay maamul lagu wada qanacsan yahay sameystaaan. “Beel ayaa u arki karta hadii maamul la sameeyo in uu kazoo hor jeedo dhinaca ay taageersan tahay “Maxkamadaha ama dowlada ,sidaa daradeed wax suuragal xiligan noqon karaahi ma jiraan “ayuu hadalkiisa sii daba dhigay agacsadaha Kismaayo ku sugan ee magiciisa ka gaabsaday. Xafiiska war qabadka shabakada carmooyin.com ee Baydahbo. Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@GMAIL.COM
  23. Kismaayo: Dadweynaha Kismaayo oo cabasho ka muujinaya amaan La'aanta Magaalada & Isbaarooyinka yaala gudaha Magaaladaasi. 13. maj 2008 Kismaayo(AllPuntland)- Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose oo aysan ka talin dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa dadka ku dhaqan waxa ay cabasho xoog leh ka muujinayaan Amaan La'aanta ka jirta Magaaladaasi. Kumanaan dad ah oo iskugu tagaya Goobaha ay dadku ku falanqeeyaan xaaladaha Siyaasadeed ee dalka Soomaaliya ayaa siweyn waxa ay ugaga hadlayaan xaaladaha amaan ee Magaalada Kismaayo & Wadooyinka uxiran Kooxaha Maleeshiyaadkaa. Odayaal Iskood isku taagay iskuna dayay Qaadida Isbaarooyinkan ayaa ku guuldareystay waxaana soo baxaya in ay Kooxahan Isbaarooyinka dhigtay sheegayaan in ay meelahaasi ay ku sii heynayaan Isbaarooyinkooda. Odayaashan ayaa walaac ka qaba dhibaatooyin amaan daro oo ka dhaca meelo ka mid ah Magaalada Kismaayo hadii ay dhacaan Iska horimaadyo dhexmaraya Kooxaha Magaalada Kismaayo gacanta ku haya & Kooxahan hubeysan. Gaadiidka Magaaladaasi galaya ayaa laga qaadayaa Lacago kala duwan oo ay kala qaadayaan Labo Maleeshiyo beeleed oo ka soo wada jeeda Halka Beel ee Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose gacanta ku heysa. Guryo dhowr ah oo kuyaala Magaalada Kismaayo ayaa habeenkii xalay ahaa Kooxo hubeysan gudaha uagleen ,waxa ayna ka qaateen Alaabooyin kala duwan ,inkastoo ay geysteen Falal ka soo horjeeda Xuquuqda Aadanaha. Lama ogaan karo meel xaal ku dambeyn doono ,waxaana soo conaya dadaalo ay markale isku dayayaan Odayaasha dhaqanka ee magaaladaasi Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose oo Sannadahan ay ku soo badanayeen falal noocaan oo kale ah. F. C. Geylan AllPuntland
  24. ^You realize now, most of the members in this group were naturally born 1diots! Good you now know what to make of them, the so not sophisticated clowns...