Emperor

Nomads
  • Content Count

    4,044
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Emperor

  1. Hunguri, he was anti-TFG and the most corrupt theif Somalia has ever seen, but its good to hear he's save and sound... Had he been taken out, I am sure many would have claimed it was conspiracy, Yey is behind it
  2. Duke iidaa Lazy, she's the only brave fighter on here, Lazy kudos to you my dear for giving each the dose of words it deserves... Isseh, C'mon now, you calling for the bombing of innocent civilians, remember the target isn't the Parliament or the MP, its his family house where his children and wife stay... Subhanallah...
  3. ^Now you taking fun of innocents getting killed in S.A including Somalis... How barbaric, so well suits Alshabaab supporter...
  4. ^Now you taking fun of innocents getting killed in S.A including Somalis... How barbaric, so well suits Alshabaab supporter...
  5. ^Now you taking fun of innocents getting killed in S.A including Somalis... How barbaric, so well suits Alshabaab supporter...
  6. ^Stop you nonsense usual irrelavant speeches, neither M. Dheere, nor Yey or Qaybiid is mentioned on this thread... Solve today's puzzle, Ethiopia giving food to the Somali people, Alshabaab targeting at the same people to murder and dissrupt... BBC Somali reports...
  7. ^Saaxib, its ironic that you always complained about massacre and civilians bombed, now its your beloved group that's bombing where the civilias gathered for food.... Abtigis, marki hore you were dismissing the story, but now you come across praising the bombing, very predictable of you, keep up your warmongering hit-run cowardism and later complain about massacre...
  8. ^Abtigis, its you that need inuu ISLA YAABO, waayo runta been lagama sheego, even the spin master of the Alshabaab and indhacade's thug militia appeaser, the media warlord that kept fuelling Somali civil war for years, Yusuf Garaads BBC Somali section is reporting this story... Goob cunto lagu qaybinayay oo la weeraray Askarta Ethiopia ee ku sugan Soomaaliya Hoobiyayaal ayaa lagu duqeeyay xaruntii hore ee xisbiga oo u dhaw garoonka Istadium Muqdishu, halkaasoo ay dagan yihiin ciidamo Itoobiyaan ah wax yar kadib markii ay halkaasi cunto qeybin ka sameeyeen sarakiil itoobiyan ah oo uu horkacayay safiirka Ithoobiya u fadhiya Muqdisho Ambasodor Fisaaha Shawal. Hoobiyayaasha ayaa ku dhacay dhul maran mana jirto wax qasaare ah oo halkaasi ka dhashay. Safiirka ithoobiya oo shir jaraaid maanta qabtay ayaa waxa uu yiri. "Maanta waa maalintii labaad ee guutooyin kala duwan oo Ithoobiyaan ahi ay mushaarkooda uga soo iibiyeen, Bariis, Masago iyo saliida cuntada lagu karsado, dad degan meelo badan oo Muqdisho ka tirsan, si ay ula wadaagaan waxey heystaan dadka Soomaliya, dadka Muqdisho, ma ahan wax badan lakiin waxay doonayaan in ay muujiyaan waxey yihiin, waana u cadaalad wanaagsan ciidamda qalabka sida ee Etheopia, sidaad ka warqabtaana hadda waxey caawinayaan ilamaa iyo shan qobol oo qof, oo ah dad sabool ah, ayna saameysay sicir bararka cuntada ee aadka u sareeya ee Muqdisho, waxaan dareemay in talabadani ay wax xogaa cawin doonto, dadka degan Muqdisho." Fisaha Shawal. Link of the report: BBC Somali How many more sources do you want, I will Prof.geelka, do you know the meaning of Ironic, its you baseless arguments thats getting silly by the day...
  9. Madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalix oo kulan gaar ah la qaatay Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Qasriga madaxtooyada ee magaalada Sanca ee xarunta dalka Yemen ayaa waxaa ka dhacay kulan albaabadu u xirnayeen oo muddo saacado ah socday,waxaana kulankaa uu dhex maray madaxweynaha dalka Yemen Cali cabdala Saalix iyo hogaamiyaha Isbahaysiga Asmara Sheekh Shariif Sheekh Axmed Sheekh Muuse Cigalle. Sheekh Shariif Skeeh Axmed ayaa uga sheekeeyay madaxweynaha dalka Yemen cali cabdalla Saalix xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Soomaaliya iyo waliba khilaafka soo kala dhex galay xubnaha is bahasiga ee ka dhashay qaabka loo wajahayo hanaanka dib u hehsiisinta Soomaaliya. Sheekha ayaa ku amaanay dowladda Yemen iyo hogaanka Madaxweyne Cabdala sida ay ugu soo jeesteen ka guul gaarida nabad saldhigata dalka Soomaaliya,waxaana kulankaa ka qeyb galay guddoomiyaha golaha dhexe ee is bahaysiga Shariif Xasan sh Aadan iyo xubno kale. Waxaa sidoo kale sheekh Shariif uu uga mahadceliyay dowlada Yemen soo dhaweynta wanaagsan oo ay siisay kumanaan qoxooti Soomaaliyeed ah oo nolol iyo shaqaba ku heysta Yemen inkastoo aanay ahayn heerkii la rabay. Madaxweyne cabdala ayaa dhankiisa sheegay in uu taagerayo hanaanka dib uhehsiisinta dalka Soomaaliyta gaar ahaana kulanka Jabuuti si looga mira dhaliyo dadaalada mudada dheer soo socday ee ku aadan in nabad iyo amaan buuxa loo helo dalka Soomaaliya. Xafiiska war qabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Baydhabo. Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com
  10. Pro.Ibraahim Xasan Caddow oo ka waramay socdaalka ay wafdiga Isbahaysiga ku joogaan Yemen Posted to the Web May 30, 01:36 Yemen:-Pro.Ibraahim Xasan Caddow Xoghayaha arimaha dibada isbaheysiga dib u xoreynta ayaa waxaa uu ka warmay ujeeda booqashada ay joogaan haatan dalka Yemen . Pro.Ibraahim Xasan Caddow ayaa waxaa uu ka waramay kulankii shalay la yeesheen madaxweynaha Yemen Cali Cabdalla Saalax waxaa ayna ka wada hadleen xaalada dalka uu marayo. Prof. Caddow ayaa waxaa meesha ka saaray in ay jiraan kulamo hordhaca ah oo dhexmaray xubnaha isbaheysiga iyo saraakiil ka socda madaxtooyada dalka Itoobiya. Cadow ayaa waxaa uu hoosta ka xariiqay in ay jiraan khilaaf u dhexeeya xubnaha isbahaysiga balse wuxuu sheegay in la wado sidii loo xalin lahaa . A/Cawale Halgan.net
  11. The prospect of a peaceful end to the Somali saga has never been better since 2004... Yemen also stepped in to energize the peace effort, Ali Abdallah Salah a long standing friend of President Yusuf and Somali people have met Shariifka and Ibrahim Addow.... All will be good, insha'alah.
  12. Madaxweynaha DFKM ´C/laahi Yuusuf Axmed oo ku sii jeeda dalka Jabuuti Posted to the Web May 30, 11:35 Muqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la filayo in C/laahi Yuusuf Axmed Madaxweynaha DFKM in uu socdaal ku tago dalka Jabuuti halkaas oo uu ka furmi doono maalinta sabtiga shir u dhexeeya DFKM iyo Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya. Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha DFKM uu kulamo la qaadan doono wafdi heersare ah oo ka socda QM oo soo gaari doona dalka Jabuuti si ay uga qeyb galaan kulanka dhex mari doona DFKM iyo Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya. Waftiga ka socda QM ee u kuurgalaya wada hadallada u dhexeeya kooxaha isku haya siyaasada Soomaliya ayaa socdaal ku mari doona wadamo badan oo Afrikaan, kuwaasi oo ay ka jiraan mashaakillaad xoogleh sida Sudan Somalia iyo Cheda. Waxaa isna Furmi doona maalinta berri wadahadaladii u dhexeeya Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya iyo DFKM xili khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya uuna u kala jabay laba garab oo kala fadhiya Asmara iyo Jabuuti Ilaa hada ma cada in kulanka berri uu qayb ka noqon doono madaxweynaha DFKM C/laahi Yuusuf Axmed, iyo in labada garab ay is hor fariisan doonaan. A/Cawale Halgan.net
  13. ^Indeed you are stressing my exact sentiment, you aren't aware of it but you foolishly sided with me... Isn't it ironic! that same enemy is supplying food to the hungry Somalis while the saviours aka Alshabaab are launching rockets to bomb them... that is my point, the puzzle for today!
  14. When they are beheaded, bombed and killed by the thugs that thrived via the same method of killing, looting and selling river water to the thirst innocent, is OK... what double standard, takes hypocricy to a whole new level...
  15. Baydhabo:Toban qofood oo ay ku jiraan caruur uu dhalay Xildhibaan Shaleyta y oo xalay ku dhaawacmay bam lagu weeraray guriga Xildhibaan 30. Maj 2008 Baydhabo(AllPuntland)-Kooxo aan la garaneyn ayaa xalay fiidnimadii Bam gacmeed ku weeraray guriga uu degan yahay Xildhibaan Cabdullaahi Shaleyta ee magaalada Baydhabo, iyadoo qaraxaasi bam uu sababay dhaawaca Toban qofood oo ay ku jiraan Xaaska Xildhibaanka Caruurtooda iyo dad deriska ah. Dhaawaca dadkan ayaa qaarkood la sheegayaa in ay aad u liitaan inkastoo lix ka mid ah xaaladooda ay wanaagsan tahay, waxaana falkan cambaareeay Xildhibaanka oo ku tilmaamay fal fuleynimo. “Ma garanayo sababta keentay in la laayo Caruurta iyo Xaaska, taasna waa weerar fuleynimo ah”ayuu yiri Xildhibaan C/llaahi Shaleytay oo ka hadlayay wax yar kadib markii dhaawaca la geeyay Isbitaalka Magaalada Baydhabo. Xiligii weerarkan uu dhacayey ayaa lagu waramayaa in Xildhibaanka uu ku sugnaa gurigiisa. Dhacadadan ayaa si aad ah ugu xumaaday dadka deegaanka iyo xubnaha dowladda ee ku sugan Baydhabo iyadoo falkan uusan aheyn kii ugu horeeyay, waxaana falkan mid la mid ah horay loola beegsaday Taliyihii hore ciidamada Booliska gobolka Bay oo caruur uu dhalay iyo kuwo uu waalid u yahay ku dhaawacmay. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Garoowe
  16. Hand granade thrown at Somali MP's house, 10 of his family members critically wounded including his wife and small children. The latest incident show the desperation of the group, they are finished, attacking less protected Somali MP's houses with hand grenade they think will perhaps prove to us they are still a force to reckon with, Acuudibulaah what a sickos... Xildhibaanaka tursan Baarlamaanka DFKM oo gurigiisa caawa lagu weeraray Bam gacmeed iyo dhaawac soo gaaray xildhibaanka i qooskiisa Baydhaba War hor dhac ah oo aynu ka helnay magaalada Baydhaba ayaa sheegay in wax yar ka hor Bam gacmaha laga tuura lagu weeraray xildhibaan ka tirsan Barlamaanka KMG oo fadhigiisu yahay magaalada Baydhaba. Qarax oo ka dhacay guriga Xildhibaanka oo ku yaalo magaalada Baydhaba ayaa waxa ku dhaawacmay 10qof oo uu ku jira Xilldhibaanka xaaskiisa iyo caruur uu dhalay. Dhaawacyada 10ka ah ayaa laga deerinayaa 5 kamid ah dadka ku soo dhaawacmay kuwaas oo u dhaxeya Nolol iyo Geeri. Qaraxaan caawa ayaa ku soo aaday maalin kadib markii dagniin warqada ah lagu daadiyey magaalada Baydhaba looga digaayo in ay dadweynha ka fogadaan goobaha ay ku sugan yihiin Itoobiyaanka iyo kuwa u shaqeya Xafiiska war qabadka Dayniile Goternburg, Sweden dayniilenews@yahoo.com ,dayniilecom@hotmail.com
  17. Perhaps they were aiming for the enemy and not the hungury civilians! So much for Jihad, barbaric...
  18. Ciidamada Nabad Ilaalinta Itoobiyaanka oo maanta markii labaad kaalmo raashineed gaarsiiyay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho. {Argagixisada oo hoobiye yaal ku garaacay dadkii kaalmada loo qeybinayay} Ciidamada nabad Ilaalinta Itoobiyaanka ee ka howlgala dalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay bilaabeen lugtii labaad ee qeybinta kaalmooyin bini’adanimo oo la siinayo qaar ka mida shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho ee dhibaatooyinka bini’adanimo heystaan. Munaasabadii qeybinta raashinkan oo noocyo kala duwan ka koobnaa ayaa waxaa ay ka dhacday xaruntii hore ee xisbiga Hanti Wadaaga Kacaanka Soomaaliyeed,waxaana raashinkan la gaarsiiyay dadka soo bara kacay ee ku sugan dhowr xero oo ku yaala agagaaraha Stadium Mogadishu iyo xaafada General Daa’uud ee degamada Yaaqshiid. Munaasabada qeybinta kaalmadan ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuliyiin ka mida maamulka gobalka Banaadir iyo safiirka dalka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya . Laakin waxaa aad loola yaabay in iyadoo kaalmo qeybintu socoto ay kooxaha argagixisadu hoobiye yaal kusoo garaacaan halkii dadka gaajoonaya kaalmada lagu siinayay,waxaana taasi ay muujineysaa in argagixisadu hadii ay shacabka Soomaaliyeed amaanka u diideen ay hanadana ka dhuun qabanayaan kaalmada ay siinayaan dadka uu Allah usoo gacan qabtay. 14-kii bishan ayay ciidamada nabad ilaalinta Itoobiyaanku fuliyeen wajigii hore ee qeybinta kaalmada bini’adanimo oo la gaarsiiyay dadka masaakiinta ah ee ku sugan 4 ka mida degmooyinka magaalada Muqdisho. Dhawaan ayay ahayd markii argagixisadu ay hanjabaad u direen kooxaha gargaarka oo ay sheegeenin ay dilayaan hadii ay dalka Soomaaliya isku yimaadaan,taas oo ahayd arrin ay beesha caalamku aad uga qeylo dhaamisay. Xafiiska war qabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Baydhabo. Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com
  19. Safiirka Itoobiya u fadhiya magaalada Muqdisho oo sheegay in ciidamadoodu ay sugayaan natiijada shirka Jabuuti kadibna ay baxayaan. Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa maanta shaaca ka qaaday in ciidamadooda dalka Soomaaliya jooga ay u diyaar yihiin in ay dib ugu laabtaan dalkooda ayna ka war dhowrayaan oo keliya natiijada ka soo bixidoonta kulanka dib u hehsiisiinta dalka Jabuuti ka bilaaban doona maalinta Sabtida ah ee ina soo aadan. Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa maanta shaaca ka qaaday in ciidamadooda dalka Soomaaliya jooga ay u diyaar yihiin in ay dib ugu laabtaan dalkooda ayna ka war dhowrayaan oo keliya natiijada ka soo bixidoonta kulanka dib u hehsiisiinta dalka Jabuuti ka bilaaban doona maalinta Sabtida ah ee ina soo aadan. “Ciidamadeena Jooga Soomaaliya hadaba tiro ahaan goor hore ayaa la dhimay,markii horana kuma tagin qiyaarkooda ee waxaa ay ku tageen marti qaad ay ka heleen xukuumada Soomaaliya”ayuu yiri safiirka Itoobiya u fadhiya dalka Soomaaliya Mr. Fisaha Shawel oo maanta saxaafada Muqdisho la hadlayay. “Waan la soconaa kuwa dhibaatada amaan darro iyo dilalka ku haya shacabka Soomaaliyeed,waa argagixisada ALShabaab”ayuu yiri safiirka intii uu socday shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xaruntii hore ee xisbiga Hanti wadaaga Kacaanka Soomaaliyeed. “Dadka Soomaaliyeed oo dhan waa isugu keen mid,mana jiraan qabiilo ama cid aan si gaar ah u beegsaneyno”ayuu ku jawaabay safiirka oo la weydiiyay su’aal ku saabsanayd in ay beelo gaar ah eegtaan ciidamadoodu,waxaana uu sheegay oo keliya labada shacab in ay yihiin walaalo cadaawaduna ay kala dhexeyso ALShabaab oo keliya ahna urur caalamka looaga aqoonsaday argagixiso. “Waa xaqiiq in ALShabaabku ay adinka xitaa mixnad idinku yihiin sababtoo ah waa kuwan haatan gantaalaha soo tuuraya,waxa aan qabanaynana waa howl bini’aadanimo oo loo sameynayo dad Soomaaliyeed”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay safiirku. Xafiiska war qabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Baydhabo. Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com
  20. Wakiilka Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya oo soo dhaweeyay booqashada xubno ka socda golaha amaanku uu ku imaanayaab kulanka nabadeynta Soomaalida ee Jabuuti. Wakiilka xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan arimaha dalka Soomaaliya Ahmedou Ould Abdullah ayaa sheegay in uu si farxadi ku jirto usoo dhaweynayo socdaal xubno ka socda golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ay ku imaanayaan magaalada Jabuuti Maalinta Axadda ah si ay goob joog kaga ahaadaan kulanka dib u hehsiisiinta Soomaalida ee bari halkaa ka furmaya. Wakiilka xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan arimaha dalka Soomaaliya Ahmedou Ould Abdullah ayaa sheegay in uu si farxadi ku jirto usoo dhaweynayo socdaal xubno ka socda golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ay ku imaanayaan magaalada Jabuuti Maalinta Axadda ah si ay goob joog kaga ahaadaan kulanka dib u hehsiisiinta Soomaalida ee bari halkaa ka furmaya. Wakiilka Qaramada Midoobay waxaa uu sheegay in diplomaasiyiinta ka socda xubnaha joogtada ku ah golaha amaanku ay wax ku yeelan doonaan dooda ku saabsan dib u hehsiisiinta Soomaaliya. War murtiyeed uu kasoo saaray xafiiskiisa magaalada Nairobi ayaa wakiilka Qaramada Midoobay waxaa uu ku sheegay in iyadoo dhowr arrimood loo eegayo uu aad uga xun yahay in wafdiga golahga amaanku aanu tagi Karin caasimada Soomliya ee Muqdisho. Laakin Ould-Abdallah,waxaa wax lagu farxo uu ku tilmaamay in booqashada xubnaha golahaamaanku ay kusoo beegmeyso xili ay dhacayaan wada hadallo dib u hehsiisiin Soomaaliyeed ah uuna ku rajo weynyahay natiijo dhaxalgal ahi in ay kasoo baxdo. “Tani waxaa ay fursad aad u wanaagsan u ahaan doontaa hogamiye yaasha Soomaaliya iyo shacabkaba,maadaama beesha caalamku ay u soo jeedo in ay xal kama dambeyn ah u hesho arrimaha Soomaaliya”ayuu hadlkiisa sii daba dhigay wakiilka UN-ku. Waxaa uu dhamaanba dadka Soomaalida ah ee ku kala sugan gudaha iyo dibadba uu ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan fursadan qaaliga ah ee la helay,si loo soo celiyo sharaftii iyo madax banaanidii dalka Soomaaliya uu calamka ku dhex lahaan jiray bari. Hadalka ka soobaxay wakiilka UN-ka ee Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya iyadoo wafdiga ka socda golaha amaanka ee qaramada Midoobay uu bilaabayo socdaal uu ku marayo 5 dal oo Afrikaan ah ,waxaana ujeedada socdaalku ay tahay in loo kuur galo xaaladaha dalalka Soomaaliya, Chad, gobalka Darfur ee dalka Sudan iyo wadamo kale oo ay ka mid yihiin DR congo iyo Ivory Coast. Xafiiska war qabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Baydhabo. Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com
  21. Wafdi ka socda Golaha amaanka oo Axada Tagaya madasha kulanka dib u hesiisiinta Soomaaliyeed ee dalka Jabuuti. Warbixin laga soo saaray xarunta golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ee ku taala magaalada New York ayaa lagu sheegay in wafdi heer sare ah oo qaramada Midoobay ka socda uu horaanta todobaadka inasoo aadan ka qeyb geli doono kulanka dib u hehsiisiinta Soomaaliyeed ee dalka Jabuuti ka bilaabmi doona. Booqashada wafdiga qaramada Midoobay ayaa waxaa ay qaadan doontaa muddo 10 maalmood ah waxaana lugta ugu horeysa ee socdalkooda ay ku marayaan dalka Jabuuti oo ay joogi doonaan 2-3-da bisha June. Jabuuti waxa ay xubnaha golaha amaanku ugasii gudbi doonaan dalka Sudan oo ay joogi doonan muddo 3 maalmood ah iyado kadibna ay tagi doonaan wadamada kale ee u qorsheysan. Inta ay joogaan dalka Jabuuti waxaa xubnaha golaha amaanku ay kulamo la qaadan doonaan dhinacyada Soomaalida oo bulshada rayidku ay ku jiraan iyo diblomaasiyiinta beesha caalmaka u mataleysa shirka Soomaalida. Wafdiga golaha amaanka waxaa hogaaminaya safiirka Ingiriiska u fadhiya golaha amaanka,waxaana xubno ka ah masuuliyiin saameyn ku leh golaha amaanka oo uu ka mid yahay safiirka South AFrika u fadhiya golaha amaanka. Wakiilka Xoghayah Guud ee Qaramad Midoobay ugu qaabilsandalka Soomaaliya Ahmedou Ould Abdullah ayaa boqoasahdan ku tilmaamay mid muujineysa inbesha caalamku ay si dhabah markan ugusoojeesatay in aywax ka qabatoimashaakiladka ka tyaagandalkaSoomaaliya iaydooaan cidna looaaba yeeleynin,cidii ka hortimaada barnaamijkabeesha caalamkana aan loodhutin doonin oo lagasiisoconayo. Xafiiska war qabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Baydhabo. Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com
  22. Muqdisho: Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya oo ka warbixiyay wax qabadka ciidamadooda 29. Maj 2008 Muqdisho(AllPuntland)-Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya magaalada Muqdisho Mr. Fisah Shawel ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay joojiyeen baaritaanadii cuslaa ee ay ka wadeen qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobolada dalka, taasoo ujeedadeedu tahay buu yiri si Soomaalida dhexdeeda ay u qaato tallaabo horumar oo dhinaca nabada ah. "Waxaan joojinay baaritaanadii aan ka wadnay gobolada dalka gaar ahaan Muqdisho, tallaabadaasi oo hordhac u ah qaabka aan u dooneyno in Soomaalida dhexdeeda ay ka heshiiso, kadibna ciidamadeena dib uu noqdaan dalkooda" ayuu yiri Safiirka oo maanta ka hadlayey goob ciidamada Itoobiya ay ka qeybinayeen raashin. Safiirka ayaa sheegay in xaaladaha nabadgelyo ee gobolada dalka qaarkood ay iminka wanaagsan yihiin kadib howlgalo ciidamdooda ay ka fuliyeen, inkastoo uu safiirka qiray dhaqdhaqaaqyo ay wadaan kooxaha Al-Shabaab. Mr. Shawel ayaa mar uu ka hadlayey madaafiicda lagu soo tuuro goobaha ay degan yihiin iyo xaafadaha Muqdisho ayaa sheegay in taasi ay tahay dhibaatooyin ay wadaan kooxda Al-Shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye, isla markaana wuxuu sheegay in ciidamadooda aysan u dul qaadan doonin weeraradaasi ayna u jawaabi doonaan hadii lagu tuuro madaafiic si buu yiri aan u xaqiijino wiiqida awooda Al-Shabaab. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Garoowe
  23. Muqdisho: Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya oo rajo wanaagsan ka muujiyey Wada hadalada Sabtida furmaya. 29. maj 2008 Muqdisho(AllPuntland)- Safiirka dawladda Itoobiya ujooga Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay dawladda Itoobiya rajo wanaagsan ka qabto in ay waxyaabo badan ka soo baxaan Shirka lafilayo in uu ka dhaco Magaalada Jabuuti. Safiirka dawladda Itoobiya oo la hadlayey Saxaafada Soomaaliya ayaa sheegay in ay jiraan dad doonaya in aysan Soomaalidu heshiisiin ,wuxuuna kuwaasi ku sheegay kuwa ay Taariikhda Soomaaliya qoridoonto. Safiirkan wuxuu ugu baaqay Kooxaha Qunyar socodkaa ee ka mid ah dawladda Soomaaliya in ay ka soo dabcaan mawqifka fog ee ay joogaan ,wuxuuna sidoo kale u sheegay in looga baahan yahay in ay markooda xukumaan dalka Soomaaliya. Safiirka ayaa sidoo kale warkiisan wuxuu ku daray in ay dhimeen howlgalladii adkaa ee ay ka wadeen guud ahaan dalka Soomaaliya ,wuxuuna sheegay in aysan hada baqdin ka baqin Kooxihii dagaalada ku soo qaadi jirey. Fisaha Shawel ayaa tibaaxay in ay dhibaato badan Shacabka Soomaaliyeed kala kulmaan Koox-da Al-Shabaab ,wuxuuna sheegay in ay Shacabka soo dhex tuuraan Hubka waa weyn ayna taasi dhibaato xoog leh ku noqotey Shacabka Soomaaliyeed. Safiirku wuxuu rajo wanaagsan ugu dambeyntii ka muujiyey in ay soo xirmaan Colaadaha & Rabshadaha ka taagan dalka Soomaaliya ,isagoo ugu baaqay cid walboo ka soo horjeeda dawladda Soomaaliyana wada hadal. F. C. Geylan AllPuntland
  24. Muqdisho: Madaxweynaha Soomaaliya oo ku sii jeeda Magaalada Jabuuti. 30. maj 2008 Muqdisho(AllPuntland)- Wafdi balaaran oo ka socda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya uuna hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ku sii jeeda Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa halkaasi kula kulmaya Wafdi ka socda xubnaha golaha amaanka ee Qaramada Midowbay oo hada lafilayo in ay gaaraan Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti. Mudane Yuusuf ayaa kala hadlaya Madaxda Golaha amaanka ee Qaramada Midowbay arimaha dalka Soomaaliya & sida loogu baahan yahay in gacan lasiiyo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa usheegay AllPuntland in ay jiraan Wafuud kale oo ka socota dawladda Faderaalka ee Soomaaliyana maanta udhoofaysa Magaalada Jabuuti ,kuwaasoo ah dhinaca Dibu heshiisiinta. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in uu Madaxweynaha Soomaaliya la kulmi doono Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uuna kala hadlayo arimaha dalka Soomaaliya & Xiriirka Labada wadan. Golaha amaanka ayaa Sabtida beri ah joogaya Fadhiga ay Soomaalidu iskugu imaaneyso ,kaasoo ay wada hadalo kuyeelan doonaan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya & Kooxaha ka soo horjeeda wada hadaladuna waxa ay ku saabsan yihiin nabadda & Deganaanshaha dalka Soomaaliya. F. C. Geylan AllPuntland