Emperor
Nomads-
Content Count
4,044 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Emperor
-
Ka faiideyso Bisha Barakeysan Posted to the Web Aug 31, 22:55 Waxaa mahadsan Rabi (cw) ee naga dhigay Muslimiin ,haddana fursad noo siiyay inaan nolol ku gaarno Bishii Ramadaan ee barakeysneed, waxaa uuna Rabi (cw) ku mahadsan yahay inuu Bishan Ramadaan nooga dhigay mowsin ka mid ah mowsimyada laga meyrto wixii gaabis ah iyo gabood fal ee naga dhaca hadii aan nahay ilmo Aadam. Bishan Ramadaan waa Bil mudan inuu weyneeyo ruux walba oo Muslim ah kuna farxaa inuu ku gaaray Nolol iyo Caafimaad isla markaana waa inuu u istaagaa ka faaiideysiga Maalmaha iyo Habeenada barakeysan ee Bishan Ramadaan, hadii kale waxaa hubaal ah in uu maalinta Qiyaame ka shalaayi doono fursadihii uu dacay maalintaasoo shalaay uusan waxba u tari doonin. Nabiga Suuban (scw) waxaa uu ku sheegay Xadiis inuu jibriil ku yiri:-Qofkii gaara Ramadaan ee aan ka faaiideysan Naarta allaah haku fogeeyo, markaasuu weliba malaku Jibriil raaciyay dheh aamiin, nabigana waxa uu yiri aamiin. " من أدرك شهر رمضان فلم يغفر له ، فدخل النار ، فأبعده الله ، قل آمين ، فقلت آمين " [ أخرجه البخاري في الأدب المفرد وابن حبان والترمذي والطبراني بإسناد حسن ] Xadaiiskaan waxa uu tusayaa in Ruuxii aan ka faaiideysan Bishaan Barakeysan uu ku dhacayo habaarkii Malaku Jibriil iyo kii Nabi Muxamad (scw)Sidaa daraad eed waa inaan laabta galinaa in ay nimco weyn tahay in ruuxii nolol iyo Caafimaad ku gaaraa Bishaan barakeysan loona baahan yahay inuu ku farxaa qof kasta oo Muslim ah sidii ay ugu farxi jireen Muslimiintii horeysay, weliba waxaa uu Nabiga Suuba (scw) illaah ka baryi jiray inuu gaarsiiyo Bisha Ramadaan inta lagu jiro Bilaha kale ee ka horeeya Ramadaan waxaa uuna dhihi jiray illaahow noo barakee Bisha Rajab iyo Shacbaan Ramadaana nagaarsii. " اللهم بارك لنا في رجب وشعبان ، وبلغنا رمضان " Ducadaan oo ku tuseysa muhiimada ay leedahay gaaritaanka Bishaan marakeysan maadaama uu nabigeeniiba illaah ka baryi jiray haleelida bishaan Barakeysan, waxaa uuna Nabiga ugu Bishaareyn jiray Muslimiinta Bilashada Bisha Ramadaan waxaa uuna dhihi jiray:- " أتاكم رمضان ، سيد الشهور ، فمرحباً به وأهلاً " [ أخرجه البيهقي Hadalkaasoo tusaya inuu Ramadaanka mudan yahay weyneyn iyo soo dhaweyn isla markaana leesugu tahniyadeeyo Bilashada Bishan sida ka sugnaatay Nabi Muxamad (scw) أتاكم شهر رمضان ، شهر بركة ، يغشاكم الله فيه برحمته ، ويحط الخطايا ، ويستجيب الدعاء ، ينظر الله إلى تنافسكم فيه ، ويباهي بكم ملائكته ، فأروا الله من أنفسكم خيراً ، فإن الشقي من حرم رحمة الله [ أخرجه الطبراني ] W axaa weliba loo baahan yahay in Musdlimiinta lagu baraarujiyo fadliga Bishan sida ku cad Xadiiska hore oo ah in Bishaan barakeysan tahay ilaah Raxmadiisana ay muslimiinta ku soo daganeyso,gafafkana lagu dhaafo bIshaan, ducadana lagu ajiibo, illaahna inuu fiirinayo sida aan ugu tartano fursadaha Bishan.... Waxaa hadaba intaaas dheer in aan ogaano in soomitaanka Bishaan yahay Tiir ka mid ah Shan tiir oo waa weyn oo Diinkeena Islaamka ku dul taagan yahay, taasoo macnaheedu yahay qofkii awooda ee aan Soomin asagoo wax fasaxa ah ka heysan Shareecad Islaamka in Islaamnimo sax ah heysan. " بُني الإسلام على خمس : شهادة أن لا إله إلاّ الله وأن محمداً رسول الله وإقام الصلاة وإيتاء الزكاة وصوم رمضان وحج البيت " [ متفق عليه ] Marka waxaa lagama maarmaan ku ah qofkii doonaya inuu Diinkan oo dhameestiran qabsadaa waa inuu Soonka la yimaadaa maxaa yeelay illaah(cw) waxa uu ku waajibayay Muslim walbaa inuu guto waajibkaas sida ku cad xadiiskan:- : " أتاكم شهر رمضان ، شهر مبارك ، فرض الله عز وجل عليكم صيامه ، تفتح فيه أبواب السماء ، وتغلق فيه أبواب الجحيم ، وتغل فيه مردة الشياطين ، لله فيه ليلة خير من ألف شهر ، من حُرم خيرها فقد حُرم " [ أخرجه النسائي وصححه الألباني ] Xadiiskan waxa uu tusayaa waajibnimada Bis ha Ramadaan iyo fursadaha waa weyn ee ku jira Bishan sida in la albaabaha Janada la furayo, in albaabaha Naarta la xerayo,in Shayaadiinta madaxa adagna la xerayo taasoo macnaheedu yahay waxaa jira fursado badan oo hadii aad ka faaiideysataa ay ka dhalan kartaa inaad Janada gashaa Naartana lagaa badbaadiyaa, waxaana weliba xadiiska sheegay fursadaha ku jiraa Bishaan waxaa ka mid ah in ay jirto habeen habeenadiisa ka mid ah oo ka badan xagga abaal marinta wanaagyada la sameeyaa 1000 habeen . Waxaa uu weliba Nabiga Suuban (scw) sheegay in bishaan ay furan tahay fursado badan oo lagu helo Dambi_dhaaf sida Soonka, Salaada habeenkii iyo Salaada habeenka Qadarka, hadii si niyad ah oo ajarfilasho ah uu ruuxa ula yimaado arimahaas la soo sheegay " من صام رمضان إيماناً واحتساباً غُفر له ما تقدم من ذنبه ، ومن قام رمضان إيماناً واحتساباً غُفر له ما تقدم من ذنبه ، ومن قام ليلة القدر إيماناً واحتساباً غُفر له ما تقدم من ذنبه " Soow nasiib xumo ma aha in Dadka qaar ka dhigtaan Bishaan Barakeyasan Bil Cunto, Cabid ,Hudo,Jiif Ciyaar sida Kubada, turubka iyo Dumlada waxa loo yaqaan oo caado dadbadani ka dhigteen in ay ku gaar yeelaan Bishaan?!! Soow nasiib xumo ma aha in dhalinteenii badankeen garaneynin ula jeedada uu illaah (cw) Bishaan soonkeeda u waajibiyay?!! Soow illaah (cw) ula jeeda Soonka Bishaan kama dhigin in (Taqwo) alle ka cabsi laga faaiidaa? Soow Bishaan ma aha Bil uu illaah (cw) tilmaamay ion uu gaar u leeyahay,abaal gudkeedana uu si gaar ah u bixiyo asagoon xisaabsaneyn. قال صلى الله عليه وسلم : قال الله عز وجل : " كل عمل ابن آدم له إلا الصوم ، فإنه لي وأنا أجزي به ، والصيام جنة (حجاب) ، فإذا كان صوم يوم أحدكم ، فلا يرفث ، ولا يصخب ، فإن سابه أحد أو قاتله فليقل : إني صائم ، إني صائم ، والذي نفس محمد بيده لخلوف فم الصائم عند الله أطيب من ريح المسك ، للصائم فرحتان يفرحهما ، إذا أفطر فرح بفطره ، وإذا لقي ربه فرح بصومه " [ خرجه البخاري ومسلم ] Waxaa kaloo xadiiskan ku tusayaa in Soonku yahay Gaashaan looga dhwrsado Naarta, sidoo kalana waxaa uu tusayaa xadiiskaan in Soonka xaga aadaabtana uu la leeyahay xeriir oo waxaa laga rabaa midka sooman inuusab xumaan ku hadal buuqna galin xataa hadii la aflagaadeeyo ama lala dagaalamana uu dulqaato asaga oo leh wan soomanaha waan soomanahay, maxaa yeelay hadii kale waxaa dhaceysa in ajarkii soonka ka yaraado ruuxii soonaa amaba ka buro halkaasna uu dembi weyn ka Xambaarsado. Waxaa kaloo xadiiskaan tilmaamay in af urka ku yiimaad ruuxa sooman uu yahay midka wanaagsan xaga allaah (cw) waxa aan carafta ku tilmaano sida Miskiga maxaa yeelay waa ur ka dhashay Cibaado uu illaah (cw) jecel yahay. Waxaa kale oo xadiiskan tusayaa laba farxadood oo waa weyn inuu helo ruuxii sooma , tan hore waa inu u kui farxaa afurka marka uu afarayo, tan labaadna waa inuu farxad weyn helaa maalinta Qiyaame m,arka uu hor istaago Rabi (cw), waxaana uu Nabiga (scw) sheegay in Janada uu ku yaal albaab u gaar ah KUwa Soomida badan oo aysan cidkale albaabkaas Janada ka galin, cidioi gashaana waa la waraabiyaa sia uusan mar dambe weligiis oon u arag waxaa la yiraahdaa albaabkaas Rayaan. " إن في الجنة باباً يقال له الريان ، يدخل منه الصائمون يوم القيامة ، لا يدخل منه أحد غيرهم ، فإذا دخلوا أُغلق ، فلم يدخل منه أحد " [ أخرجه البخاري ومسلم ] " فإذا دخل آخرهم أُغلق ، من دخل شرب ، ومن شرب لم يظمأ " [ أخرجه ابن خزيمة وهو حديث حسن صحيح Waxaa ay nagu baraarujinayaan nusuustaas oo dhan in aan fursadaha Bishaan ka faaiideysanaa kuna faraxsanaanaa weliba, hadiise ay taas dhci weyso amaba uu ruuxa gebi ahaanba soomi waayo waa Dembi aad u weyn Nabiga Suuba (scw) waxaa uu ka digay in ay jiraan dad aan soonka ka faaiideysan waxa uuna yiri:-Waxaa badan ruux sooman oo aan soonkiisa ka heleynin wax ka badan Oon iyo Gaajo.. رب صائم ليس له من صيامه الاجوع والعطش waxaana hubaal ah dad badan oo aan fursad u aq oon soonka in ay jiraan hadana sooma maadaama dadkii oo dhan ay sooman yihiin, ayagoo aad ugha murga Bailashada Bisha aadna ugu farxa habeen walba oo ka mid ah Bisha oo gudba.waxaa culimada q aar ka sheegaan in ay jiraan dad aad ugu daadaala cabitaanka Biyaha iyi cuntada maalmaha Soonku soo dhawaado ayagoo oo u maleeyo in Calooshoodu wax sahay ah oo Cunto ah u celin karto, w axaana laga sheegaa inuu nin shaacir ah oo aan soonka Bilashadiisa ku faraxsaneyn yiri:- hadii Bisha shacbaan 20 gaarto waxaad badisaa caibitaanka biyaha weliba adigoo ku cabaaya weelal waa weyn maxaa yeelay waaqttigii weel yar biyo lagu cabi lahaa waa cariiriyoobay!!! إذا العشرون من شعبان ولّت *** فبادر بالشراب إلى النـــهارِ و لا تشرب بأقداحٍ صغـارٍ *** فإن الوقتَ ضاق على الصغارِ Waa murugo in kuwa saas ah aay sheegtaan in ay jecel yihiin Diinka Islaanka oo kiu faraxsan yihiin Bilashada Ramadaan, waxaa Muslimiintii hore caado u ahaan jirtay inay illaah ka baryi jireen inuu gaarsiiyo Ramadaan sanadka barkiis ,barka kalana waxa ay illaah ka baryi jireen inuu ka aqbalo Cibaadooyinkii ay samees teen Bisha Ramadaan ioo sanadka oo dhan waxaa fursad xaga Cibaadaadka ah Muslimiinta uga arki jireen Ramadaan si gaar ah.. Talo jeedin Si aan uga faaiideysano Bishaan Ramadaan waa inaan sameynaa arimaha soo socda: 1- Waa ainaan u degdegnaa Towbad keenida illaahna Dembi dhaaf ka dalbanaa maxaa yeelay waa bil dambiyada la dhaafo. 2- Tan labaad waa inaan baranaa Cilmi ahaan wixii ku saabsan soonka iyo Cibaadka Bishaan ku jira oo dhan sida Ictikaafka,Cumrada, Zakada Fidriga iwm. 3- Waa inaan go'aansanaa inaan ka faaiideysano Bishaan camalada suuban oo dhan ku dadaalnaa. 4- Waa inaan sameysanaa jadwal maalmeed aan ku xisaabino Nafteena oo aan ku xakameynaa. 5- Waa inaan oganaa in Ramadaanku yahay Maalmo kooban oo aysan sahal nagu dhaafin habeen iyo maalinba. 6- Waa inaan u guntanaa inaan ka dhigno halkaan Ramadaan mid u dhigma xaga Ajarka Ramadaano badan, taas oo ku imaan karta inaan uga faaiideysano si walba kaalmo la siiyo masaakiinta , in la afuriyo kuwa aan heysan , in la xiriiro eheladii iyo in waqtiga aad loo ilaashado iwm. 7- Waa inaan Bishan ku weyneynaa aqrinta Quraanka watiga badankiis maadaama Bishaan ay la leedahay Qr'aanka xiriir gaar ah. Waxaa soo diyaariyay Calinuur asadxg@hotmail.com

Gabadhaan yartaa waa soo lugooyeen, gurigooda inay iska joogtaa loo qaatay!
-
^N, Salaamaat yaad leedahay intaad fitno abuurtid... iska yeelyeelka maad iska daysid Layzie gabdhaha AT&T oo kale maleeyihiinna? Intay rabsha bilaabaan hadhow madhahaan, truce, like AT&T
-
Funny how Indha'ade has got through many barriers and jumped over many hurdles to get this title, from a mere clan militiaman to governer of Marka to defense minister to Sheikh and now GENERAL
-
Digniin loo jeediyay labadan "GENERAL" Warar lagu kalsoon yahay oo inaga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee g/Jubada-Hoose ayaa sheegaya in digniin culus loo jeediyay General Morgan iyo General Indha-cadde oo labaduba qorshesanayay in ey booqasho ku tagaan magaalada Kismaayo oo dhawaan gacanta u gashay maleeshiyaad wadaado ah. General Morgan ayaa loo diiday inuu ka mid noqdo wefdi ay hogaaminayaan nabadoon Cabdi-Yare iyo ganacsadayaal ay ka mid yihiin Yuusuf Nuur Xasan (Bidde) iyo Ganacsade Ciise (Ceelbuur) oo la filayo inay usbuucan gaaraan magaalada Kismaayo, si ay u baajiyaan dagaal laga cabsi-qabo in uu dhex maro kooxaha magaalada qabsaday ee Islaamiyiinta ah iyo Dawlada Federaalka Soomaaliyeed, hadii aysan kooxahani la imaan siyaasado fur-furan oo keeni-kara heshiis la mid ah kan Ururka Isbaheysiga Dib-u-xoreynta ee uu hogaamiyo Sheekh Shariif la yimid. Sidoo kale General Yuusuf Siyaad Indha-cadde oo khadka teleefoonka kula soo xiriiray madaxda sar-sare ee Jabhada Islaamka Soomalaiyeed ee (Jabiso) ayaa loo diiday codsigii uu ku doonayey in uu booqasho gaaban ku soo gaaro magaalada Kismaayo. "Morgan iyo Indhacadde waa niman Soomaaliyeed oo xaq u leh in ay magaaladan yimaadaan, balse labadoodaba dadka deegaanka ayaa xasaasiyad ka qaba, marka wefdi nabadoono iyo Ganacsadayaal ah oo uu doonayey inuu Morgan soo raaco, waan ka reebnay, sidoo kale Yuusuf Indhacadde oo ay dad-badan oo deegaanka ku xasuusteen gubitaankii uu dabka saaray magaalada Dhoobley, isagana waxaan kula talinay inuu niyadda ka saaro xiligan imaanshaha magaaladan", ayuu yiri sarkaal ka tirsan culimada Jabhada (Jabiso) oo u waramayey Shabakada Calanka.com. Sarkaalkan oo aan weydiinay ciqaaabta ay muteysanayaan hadii General Morgan iyo Yuusuf Indhacadde booqasho kedis ah ku yimaadaan magaalada kismaayo ayaa ku jawaabay: "hadii ay naftooda ku soo biimeeyaan magaalada, markaas jawaabtu waa sahlan tahay,labadoodaba waxaa ku dhacaya dharbaaxadii kululeyd ee ku dhacday Xildhibaan Barre-Hiiraale", ayuu hadalkisa ku soo xiray Sheekhan oo codsaday inaan magaciisa saxaafada lagu xusin. Dhinaca kale warar isa soo taraya ayaa sheegaya in xildhibaan Barre Hiiraale uu ku go`doonsan yahay tuulo lagu magacaabo (Faafax-Dhuun), isagoo hakiyay safarkii uu ku tagi lahaa gobolka Gedo, maadaama magaaladii uu u socday ee Baardheere gacantooda gashay xoogaga Islaamiyiinta. Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.
-
^Maya waa sidaa indeer, marki horeba magaleen soo anigi iri hadaan ogaan lahaa sheekadu siday udhacayso... Xiin who's Nino? Is it the woman's name, what kind of name is that? This is not even a story and you say it was posted on the politics, dadki way waasheen, I didn't see a jack
-
Somalidu waxay kumaahmaahdaa, "Findhicil ma xaaraanbaa mase waa Xalaal", "Sheegsheegiisa kadaran" .... Dadka aan jihada lahayse, get a life
-
Nepthy, so all the people from Puntland are die-hard yeyist, you put all the people from that region in one saxan, you have so much to tell my dear, go on tell us more aad ka ogtahaybal On a serious note, this story has nothing to do with Puntland or who is from where, adigana way kaa khaldantahay Nepthy, aniguna kusii wadyiiyoba ma ahahyn hadaad halkaa udhigaysid sheekada.
-
^LOol, although I don't like to put down some people on here but its inivertable at times, thanks to NgOngi that phrase some times becomes valuable... As for the food, its not about making delicious food, its about talking about it all day, in this case over-talking, cuntada sidaa loogagama sheekeeyo...
-
^Its feels like they want to take break from one another
-
^That sounds kool, enjoying the month of Ramadan in like a part time holiday mood... great
-
^Which phrase are you refering to... Adeer Ramadaan waa bil duco iyo cibaado iyo soon ma ahan in cutada labuunbuuniyo... Cunta in laga hadlona maanta dhan dhaqan fiican ma ahan.
-
Malika, so what if you call next, itamua nani? , you should stick with us no matter what, maanta bal Malika isku taabtay Lol Nepthy, nothing i kacay, all I asked was a simple qeustion, I didn't even read most of what was said in this topic let alone Username's input, quite honsetly I only read your post at the start of page 6, and when I saw the word Puntland, I wondered what's that region got to do with this story or perhaps someone who's from there, that's all dear... clear enough and self explanotory I believe, go on then if you can answer my question.
-
^Dookh waan leeyahay, but no point in lasheegsheego... This thread is stuff and nonsense...
-
Dadku cunta badanaa I don't really care, whatever fills my stomach... The ironic thing is the month in which we suppose to fast, forget about and eat less food, contrary to that we make a bid deal out of it, it is Ramadan lets not talk about food or eating habits.
-
^Do you have to mentioned that he's from Puntland, what's so funny about that and what do you see? This is a non-story, we have much more complicated problems to focus on than a woman run with a man...
-
Ramadaan Mubaarak to all of you... Ilaahay Wadankeena Colaada hakasaaro, Aamiin
-
DP
-
^Adeer meeshu waa miis furan, dadkuna kawada hadli karaan wax abukaato ladhona majirto, laakiin adigu inaad tuuryo dad isaga bilowday hadhowna diidin in lagu tuuryeeyo socon mayso... Its just a public forum and only words on the screen, bloody hadalo on the Shaashada
-
^Lool, Oo adigu banaanka maad naga martid marka? War anagaa wax aragnay Thiery, my brother, unlike Inda'adde and co I have had my reservations for some of the young sincere Alshabaab leaders like Turki and Ayrow, however, I critisized or scrutinized their tactics. Is it not good that I support the Islamic movement of Reer Waamo? Why do I get asked unimportant questions? Lazie L0L, my mistake I got mixed up, the star is on your avator, Usain Bolt...
-
Baaq qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ay ka soo saareen xaalada Kismaayo. Posted to the Web Aug 25, 10:21 Boosaaso:-Ka dib lafagur qotodheer oo qaar ka tirsan culimada diinta ee Soomaaliyeed ay ka yeesheen isbeddelladii ugu dambeeyay ee magaalada Kismayo ayaa culimadu waxay soo saartay baaq ay kaga hadleen arrimo kala duwan oo ay u arkeen inay taabanayaan danaha guud ee shacabka iyo maamulka cusub intaba. Baaqa culimaduna wuxuu u dhigan yahay sidaan: BAAQ NASEEXO AH ÈÓã Çááå ÇáÑÍã ÇáÑÍíã ÇáÍãÏ ááå ÑÈ ÇáÚÇáãíä¡ æÇáÕáÇÉ æÇáÓáÇã Úáì ÑÓæá Çááå æÂáå æÃÕÍÇÈå æÓáã ÊÓáíãÇ ßÊíÑÇ. , Muqaawamada gacanta ku haysa Kismayo waxa la gudboon inay ogaadaan: 1. Inay xambaareen xil culus oo ah ilaalinta masaalixda ummadda oo ay ugu horrayso diintooda, naftooda iyo maalkooda, Ilaahay hortiisna la weydiin doono. 2. In ay dusha u riteen xilka magaalada Kismaayo oo ku caanbaxday fitno iyo dagaallo sokeeye oo is dabajoog ah oo u baahan in si taxadar leh loo cilladbixiyo. 3. in ay dadweynaha Soomaaliyeed ugu baaqaan ku dhaqanka shareecada, taas oo ay ugu horrayso in ummadda lagu mideeyo xaqqa, lana joojiyo tafaraaruqa iyo in la ilaaliyo dhiigga muslimka. Waxaa kale oo loo baahanyahay inay naftooda ka billaabaan ku dhaqanka waxa ay dadka kale ugu yeerayaan. 4. in cadaw noocyo badani uu isha ku hayo magaalada istiraatiijiga ah ee ay la wareegeen, ayna dhici karto (xilli kasta) inay iman karaan wax aan lagu talagelin, sidaa darteedna loo baahan yahay in aan cadawgu u adeegsan dadkooda oo iyaga iyo bulshadoodu noqdaan ul iyo diirkeed. 5. in xukunka iyo xooluhu ay yihiin waxa Soomaalidu isku laysay, loona baahan yahay in aysan dadka ahlu-diinka ah marin waddadii qabqablayaasha iyo qabaa'ilka. 1. in ay iyagu xaqqa ku midoobaan, kana fogaadaan isku dhac dhexmara iyaga iyo shacabka ama iyaga dhexdooda, iyo u tartanka gacan ku haynta goobaha muhimka ah iwm oo soo dedejin karta shaki iyo ismaandhaaf dhexdooda ka dhasha. 2. in ay Ilaahay uga baqaan dhiigga shacabka muslimka ah ee waqtiga dheer ninkii soo gaaraba xasuuqayey, gaar ahaan dadka ahlu-diinka ah oo bulshada ugu fadhiya qiime weyn, waana in dhiigga muslimku noqdo mid dhowrsoon oo qofna u tillaabi karin. 3. in aysan marooqsan talada magaalada ee ay ka talogaliyaan ahalkeeda, ayna dhisaan maamul iyo garsoor laga soo xulay deegaanka oo leh amaano iyo karti ku filan, ayna u sameeyaan ciidan nabadgalyo oo ku filan, lehna Astaamo wanaagsan. Ka dibna ay ku kormeeraan qolo walba hawsha loo xilsaaray. 4. in ay ka fogaadaan qabyaaladda iyo in qabaa'ilku isu adeegsadaan awoodda wadaadada. 5. in la joojiyo sii baahinta dagaalka, gacan adagna lagu qabto cid kasta oo aarsi iyo fadqalalo isku dayda, isla markaana dadweynuhu caddaaladda horteeda u sinnaado. 6. in aysan qabsashada Kismaayo noqon dabin lagu dabargooyo dadka ahlu-diinka iyo dadweynaha magaalada. 7. in la hagaajiyo wixii dagaalku bi’iyay intii la awoodo naf iyo maalba. 8. waxaan xusuusinaynaa muqaawamada in aan magaca wadaadnimo Ilaahay agtiisa wax uga tarayn haddii ay xaqa ka leexdaan, taas oo wadaadada iyo dacwadoodaba u keenaysa sumcad xumo aan ka harin. Waxaa iyana xusid mudan in cadawga islaamku ku farxi doono colaadda dhexmarta iyaga dhexdooda ama iyaga iyo shacabkooda; maxaa yeelay colaadda sokeeye waxay galaafanaysaa Umadda iyo awoodeeda. 9. Waxaan ugu baaqaynaa culimada, salaadiinta iyo waxgaradka reer Kismaayo in ay awooddooda isugu geeyaan badbaadinta shacabka iyo xallinta mashaakilka ragaadiyay magaalada iyo dadkeedaba.. 10. Ugu dambayn waxaan dareensiinaynaa dadweynaha reer Kismaayo in khayraadka magaaladaan ka badan yahay dadka deggan iyo Soomaali oo dhan, mushkiladduna aysan ahayn ciriiri dhuleed iyo mid khayraad ee ay tahay kaliya dulmiga, jahliga iyo sed bursiga. Haddaba waxaan ugu baaqaynaa dadku in aysan ku mashquulin yaa leh iyo yaa xukumaya ee ay xoogga saaraan see uga faa’iidaysanaa khayraadka Alle galiyay dhulka. Culimada bayaanka saxiixday: 1. Sh. C/laahi Cumar Nuur 2. Sh. C/qaadir Nnuur Faarax 3. Sh. Maxamuud Macallin Nuur 4. Dr. Axmad Xaaji C/raxmaan 5. Sh. C/naasir Xaaji Axmad. Tar: 25/08/2008
-
Nuur Cadde Won ---- A/Y Dissappointed --- Geme Over
Emperor replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Looooooool @ Game Over.... Even JB has to announce the game is over Adeer, you are a secessionist, why do you care, and let me know from your perspective, how is the game over given that both of these men are TFG leaders? -
^Jabiso is short for Jabhada Islamiga Somaliyeed, they are the ones that captured the port city of Kismayo and have alliance with Hassan Turki... their leaders are Sheikh Maxamed Mire, Macallin Barre, Sheikh Sooyaan etc... Lazy G, you are a star my dear, these guyz have nothing to offer but personalise issues at every opportunity, they have no reasonable argument to counter with what's posted but dwell on Emperor, what the oppositions media's got to do with Emperor, me wonders... As for Afr0, she's a bit over carried marka kaganbiso...