Emperor
Nomads-
Content Count
4,044 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Emperor
-
^Tragic indeed Allahay ha unaxariisto wixi kudhintay
-
argeysa iyo Khasaarihii 3 goobood ee la weeraray Horseed Media Hargeysa, Somaliland Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in khasaarihii ka dhashay qaraxyadii halkaasi ka dhacay ay sii kordhayaan ayadoo tirada dhimashada ay kor u dhaaftay 19 qofood oo isugu jira dad rayid ah, askar iyo waliba mas’uuliyiin. Dhaawaca ayaa la sheegayaa inuu gaarayo illaa iyo 100 ruux. Qaraxyadan ayaa lala beegsaday sadex xarumood oo kala ah: 1- Madaxtooyada 2- Xarunta Safaarada Itoobiya 3- Xarunta UNDP ee Hargeysa Sadexdaasi goobood ayey khasaaro baaxadleh ka dhasheen kadib markii halkaasi lagu qarxiyey sadex gaari oo nooca Surfaha loo yaqaan ah oo lasoo saaray bambaanooyin isla markaana ay wadayaal ka ahaayeen rag naftood hurayaal ah, sida ay ciidamada booliiska xaqiijiyeen. Weerarkan oo asaguna lamid ahaa kii ka dhacay magaalada Bosaaso isla maanta ee lala beegsaday xarumaha PIS ee sirdoonka Puntland, ayaa hadana waxaa la sheegayaa in khasaaraha ka dhashay magaalada Hargeysa ay ka badan tahay kuwa laga soo sheegayo magaalada Bosaso. Madaxtooyada Hargeysa Xarunta Madaxtooyada ayuu khasaare xoogleh soo gaaray dadka halkaa ku dhintayna waxaa kamid ah Xoghayntii khaaska ahayd ee Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale, ninkaasi oo lagu magacaabi jiray Daahir Cali Ciid iyo xubno kale, ayadoo aan faah faahin dheeraad ah weli laga bixin si dhameytiran khasaaraha halkaasi ka dhacay mas’uuliyiinta kale ee wax ku noqday. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dadka Madaxtooyada ku dhintay uu ku jiro Taliyihii ciidamada Madaxtooyada Somaliland oo lagu magacaabi jiray Abokor Sulub. Waxaa asaguna dhaawac soo gaaray mid kamid ah Taliyayaasha Sirdoonka maamulka Somaliland. Askarta illaalada ka ah xarunta Madaxtooyada ayaa tiro badan ay ayaguna ka dhimatay qaraxaasi kadib. Safaaradii Itoobiya ee Hargeysa Sidoo kale xarunta Safaarada itoobiya ee magaalada Hargeysa ayaa ah goobta uu ka dhacay qaraxa ugu xooga badan, waxaana la sheegayaa in ay halkaasi khasaaro badan kasoo gaareen dad badan oo halkaasi ka ag dhawaa, sidoo kale qaraxa ka dhacay nawaaxiga xarunta UNDP ayaa asaguna ahaa mid xoogbadan. Xarunta Itoobiyaanka ku lahaayeen magaalada Hargeysa ayaa la sheegay in ay burburtay kadib markii uu halkaasi ka dhacay qaraxa ismiidaaminta ah. Dadka ku dhaawacmay qaraxyadan ayaa loola kala cararay xarumaha caafimaadka, ayadoo dhakhatiirta caafimaadka ay sheegeen in ay weli wadaan tirakoob guud oo ay ku baarayaan khasaaraha inta uu la eg yahay. UNDP Hay’ada UNDP ayaa qoraal deg deg ah oo ay kasoo saartay weerarkii xarunteeda Hargeysa lagu qaaday ku sheegtay in 10kii subaxnimo saaka uu gaari si xoogleh kusoo galay xaruntaasi, kaasi oo kadib halkaasi ku qarxay. Hay’ada ay xaqiijisay in ay jiraan dhimasho iyo dhaawaco halkaasi ka dhashay, balse ka gaabsatay inay hada shaaciyaan tirada rasmiga ah ayagoo sheegay in hada ay weli wadaan baaritaano iyo tirakoob. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qaar kamid ah Saraakiisha UNDP ee Hargeysa ay halkaasi ku dhinteen. Magaalada Hargeysa ayaa laga dareemayaa xiisado xoog badan ayadoo ay tahay markii ugu horeysay oo ay qaraxyo noocaan ah ka dhacaan magaalooyinka Bosaso iyo Hargeysa oo markii ugu horeysay ay ka dhaceen qaraxyo isla socda oo halmar la fuliyey, isla markaana loo adeegsaday bambaanooyin ay wateen dad naftood hurayaal ah.
-
Khasaarihii Qaraxyadii Bosaso iyo wararkii ugu danbeeyey Horseed Media Bosaso, Puntland Waxaa soo baxaya faah faahin la xariirta qaraxyadii ka dhacay maanta magaalada Bosaso, ayadoo labo goobood oo kale gedisan ay ka dhaceen weeraro ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gawaari lasoo saaray waxyaalaha Qaraxa. Labada goobood ee weerarada lagu qaaday ayaa ah labada Xarumood ee magaalada Bosaaso ku leeyihiin ciidamada Sirdoonka Puntland ee loo yaqaan PIS. Xarunta weyn ee ku taal xaafada Laanta Hawada ee magaalada Bosaso oo ah saldhiga 1aad ee PIS-ta ayaa waxaa la xaqiijiyey in khasaaraha halkaasi ka dhashay mid baaxadleh, ayadoo qof haweenay ah oo kamid ah shaqaalaha xaruntaasi ay halkaasi ku dhimatay, waxaana sidoo kale jira qaar kamid ah ciidamada illaalada oo ay dhaawacyo soo gaareen. Xarunta ayaa laga arki karaa khasaaraha burburka uu qaraxan geystay ayadoo gaarigan oo la sheegay inuu ahaa nooca Surfaha loo yaqaan oo uu saarnaa nin isa soomiidaamiyey uu xoog ku galay gudaha xarunta asagoo jiiray ciidamadii illaalada irida iyo ganjeelkii weynaa ee xaruntaasi. Weerarka labaad ayaa asaguna ka dhacay dhinaca Xeebta Boosaaso, jidka aada Xarunta Madaxtooyada, halkaasi oo ay ku taal xarunta 2aad ee PIS, halkaasi oo uu weeraray gaari kale oo lasoo saaray bambaanooyin, waxaana gaarigaasi rasaas xoog badan ku furay illaalada xaruntaasi kahor intuusan jabsan illinkii laga geli jiray xaruntaasi saaran xeebta, halkaasi oo weli laga arki karo qaaca ka baxaya qaraxii halkaasi ka dhashay. Weerarka labaad ayaa ah mid lamid ahaa kii 1aad ayadoo gudaha xarunta laga arki karo god weyn oo uu qoday qaraxii xooga badnaa ee halkaasi uu isku qarxiyey nin naftii hure ah. Tirada dhaawaca askarta ayaa la sheegayaa in ay gaareyso 7 askari, wax dhimasho ah oo kale weli lama xaqiijin oo aan ka ahayn haweenayda ku dhimtaya xarunta 1aad ee PISta. Labada qarax ayaa ahaa kuwo aad u xoog badan oo magaalada oo dhan laga maqlay, waxaana xooga qaraxan laga dareemi karay xaafadaha ku dhaw labada goobood oo guryihii ku yiilay ay muraayadaha ka jajabeen. Warar ay Horseed Media ka helayso illo ku dhaw ciidamada Sirdoonka ayaa sheegay in la hayo meydadkii labada qof ee isqarxiyey kuwaasi oo jirkoodii goo’go’ay. Waxayna sidoo kale ciidamada Booliiska sheegeen in la hayo xog la xariirta gaadiidka loo adeegsaday weeraradaasi ayagoo sheegay in baaritaan dheeraad ah uu socd
-
No comment!
-
SayidSomal, Samir iyo Iimaan, Aabe waxaan kadanbayno ayaaba iska yar. May Allah have mercy and grant him Jantul Firdowsa. Aamin.
-
Originally posted by Xiin: Sheekada money waa: anoo awalba rabay inaan ooyyo baa sac igu joogsaday! , that was good call Xiin, ishaad katuurtay.
-
Listen to Hasan Abshir's Press release in Qardho. Link If you pay close attention, at the begging Odaga claims that he ain't a candiate, neither he said that to anyone but towards the end he's talking through what he's going to do and how he will improve the security and solve the problems. Is he being extremely clever mase xoogaa wixi ayaa isaga dhex yaacay, may be timetable ayaa soo kala hormaray, the last bit was intended for another day. He fares better and I believe can do better than Cadde, however it isn't gona be much of a change, he's one of the old, regular and heavy weight guards.
-
^Astaqfurulaah Alcadiim Minkuli danb Although that was a nice joke and got me bust into laughting, but then again I looked to your comparison and couldn't help but be in a sense of utter disbelief. Neither I nor Duke could be in parallel or described as that of the Kafir/Mushrik Omar IBN al-Hisham (aka Abu Jahl), and Omar Ibn Khataab before he embraced Islam. I somewhat assume, or let me say confident that you never meant that way, however, you are either the father of gaffes carried away or distracted by your fanishly humorous comments or take things far too serious and beyond borders deemed appropriate. Ina'adeer anigu Sxbkay unbaa tahayee waxba kuu raacan maayee, bal ninkaa Duke ah aad garaafaha intaa le’eg gaarsiisay iska malsax oo apology sii… Anigu laftayda inkastoon kahelay markii horay oo aan mooday inaad I amaantay, ayaan dib iska gartay , I will probably won’t make you my VP or spokerperson, maalinkasta hadal fakaday ayaa TV-yda iyo Newpaperska nalaku cayrsan lahaa. Jo Biden style.
-
Awdubadow 'Adeerkay' hadii latuuro soo adigu Doorooyin qalayn maysid, waar bal mar uun neefso oo Dooro ama Bakayle wax un qalo Hadiise ay sida adiga iyo poster-ka iyo kuwa badan oo kajawaabay topiga ama taageersan hada shirkan ay noqon waydo, oo 'Adeerkay' another Five years lasoo siiyo, maxaad samaynaysaan, ma depression baa dhici mase halki unbaa qayladi laga sii wadayaa iyo markii latuuro doolli baan qalayaa Ina'adeer waxaan waa complicated issue, Ilaahay Somalida amuuraha ha usahlo, wax nin nabcaysi ama jaclaysi lagu saleeyo ma ahan, wixi san ilaah ayaa og, intaa Alaah halaga rajeeyo. Only Islam, and complete brotherhood iyo Islam and God's guidance can save Somalia. Not haduu Emp. 'Adeerkiis' joogo ama tago.
-
^Go on my brother, pray the two Rak'a and make dua for me, its official Im within the ranks of Xaq... or so where I seem to be the Xaq is...
-
Puntland is a safe haven for sanity: election 2009 beyond
Emperor replied to General Duke's topic in Politics
^JB jigraarka iyo af isku xumaynta mar baa laga dalacaa -
^Adigu Doorooyinkaaga iska qalo marka Odaga labadalo. AT, its only you that read the said rumor written in Hiiraan, I wonder how you must the first person to report and break the rumour to us in SOL.
-
This peace deal is a fairytale, nothing will drive the Ethiopians out but war... Alshabaab Go on, keep up the energy level.
-
^ , AT waaba waalatayee, dharkaa soo dhigan rabtaa kawaran, Tarax may replace him kulahaaaaaaa Loooooooooool
-
Originally posted by Geelle: wax ka qabashaddu micnaheedu ma halla laayaa? Haa, in other words BIG YES, waa in lallaayaa, no compromise, nimankaan dadka iska qabsanaaya waa in ummada laga qabtaa, simple as that... Baashi, yet again a briliant post from your Cantabaqash New Desk Archives through waxa layiri reporter.
-
Janagow admits UIC was a clan outfit,,, deny the words.
Emperor replied to General Duke's topic in Politics
Many argued including confused folks from Gedo and some refugees from Kismayu who claim Puntland when it is convenient that the Clan Court were an Islamic movement. Duke are you calling us refugees who claim Puntland , Looooooool, Walahi I laughed at this term, Funnyy. -
Puntland is a safe haven for sanity: election 2009 beyond
Emperor replied to General Duke's topic in Politics
If ideas were made in a factory Somalia's would be located in Puntland. Unique ideas that work, from the Federal make up to the Exploration even in other shaddy area Puntland and its people seem to innovate other immmitate or take the wrong route. You have Jihadis' who's only action is to kill their own, or take Barre Hiiraale a clever dick who thought he could kill and maim a whole clan, but ended up on the same donkey as his late uncle. , This is just powerful, Generaalku inaba caadi ma ahan. -
^Adeer Odaga he's trying his best, perhaps he knows we only Somalis, easy to forget all about history, if he tries harder he knows he will have an audience, adiga unbaa mardhaw arki doona kuwa dhahaaya Salaad Ali waa Mujaahid... Bal adigu wax yar kadib iska soo fiiri Dayniile iyo meelahaas Lool.
-
To be or not to be, thats the question. Perhaps Salaad Jelle is right or wrong but the question is, who's going to believe or take him serious, waa Sheekadii Cumar beenaale, may be he was lying or telling the truth but who was going to listen.
-
Congrats Ibti yareey, wish you all the best in life. Mabruuuuk Calayk again.
-
Somalidu wax ka shaah kulul cabid badan majirtee, muxuu Romantigu ugali waayayna?
-
^Yep, you said it, tiisa gashaa dhinta, and that was a right call in this case... Naagahaan dacwada Islaamka in lagaarsiiyo ayay ubaahanyihiin ee Ilaahay hala kulansiiyo wax soo Muslimiya.