Emperor

Nomads
  • Content Count

    4,044
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Emperor

  1. ^Haha, Sayid Im sure you too is among the lads Nuune, Waa Zaazee, waala isasitaa bal ninkay labaxsataan aragnaa
  2. Garoowe: Musharax Saleebaan: "Shacabka reer Puntland waa wanaagsan, wuxuuna u baahan yahay isbadal" 2. Necember 2008 Garoowe(AllPuntland)-Waxaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe Musharax Saleebaan Axmed Ciise Kaariye oo ka mid ah Musharaxiinta dooneysa in ay qabtaan xilka Madaxweynenimo ee Puntland oo bilowga sanadka 2009-ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka. Dadweyne fara badan iyo Gaadiid tiro badan ayaa duleedka magaalada Garoowe waxay ugu hortageen Musharaxa oo si weyn looga dareemay imaanshahiisa, waxaana uu khudbad gaaban ka jeediyay barxada magaalada Garoowe oo maalmahan Musharaxiinta dadweynaha kula hadlayeen, wuxuuna sheegay in uu ku faraxsan yahay soo dhoweynta dadka reer Garoowe u muujiyeen. Saleebaan Ciise Axmed ayaa sheegay in dadku ay doonayaan isbadal iyo waxqabad muuqda oo lagu sameeyo hey'addaha kala duwan ee Dowladda iyo marxaladda ay iminka ku sugan tahay Puntland. Musharaxa ayaa Shir Wareed uu gurigiisa ku qabtay waxaa uu ku sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo jagada Madaxtinimada Puntland in uu ku soo baxo, wuxuuna xusay in uu xoogga saari doono hadii la doorto Midnimada shacabka reer Puntland, nabadgelyada, arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha. Musharaxa ayaa ku booriyay shacabka reer Puntland in ay la soo dardaarmaan Baarlamaanka ay soo dooranayaan, si ay uga fakaraan dadka ay madalayaan iyo aayahooda danbe, ayna doortaan Hoggaan wanaagsan oo wax qabad la yimaada. Dhanka kale Musharaxa ayaa soo hadal qaaday heysashada magaalada Laascaanood oo mudo sanad ka badan gacanta ugu jirta maamulka Somaliland, kadib markii ay xoog ugala wareegtay maamulka Puntland, wuxuuna Musharaxu uu sheegay in hadii la doorto ay ka mid tahay arrimaha uu xoogga saarayo ay tahay sugida xuduudaha Puntland iyo sidii uu deegaanada maqan gacanta Puntland dib ugu soo celin lahaa. Isku soo wada duuboo magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa waxaa xiligan ku sugan Musharaxiin kor u dhaafeysa Labaatameeyo, iyadoo kuwo cusub oo kale la sugayo, waxaana magaalada laga dareemayaa dhaqdhaqaaqa Musharaxiinta iyo kulamo kala gooni gooni ah oo ay la yeelanayaan bulshada qeybaheeda kala duwan, gaar ahaan kuwa ay talada ka go'do sida Isimada, Nabadoonada iyo waxgaradka. F. C. Geylan AllPuntland
  3. ^Indeed, should the ICU forces is made part of the legitimate Somali government forces, then they will have every right to go anywhere in Somali to restore peace, law and order without any forms filled or permissions granted by other small or large organisation.
  4. ^Loool, you ask to many questions with no answers, these men are too fool to even contemplate anything a shirqool lookalike, waa dawacadii dabinta libaaxa udhigtay oo iyadu kudhacday!
  5. ^Nuune likes to twist words, there are no PL peacekeepers, they are as Somali as any of the men from Mogadishu and part of the TFG forces. Lets not think or treat each other like foreigners. PL, SL, and reer Mogadishu are all Somali part of the former republic, they cannot be considered as a peace keeping forces from the outside. These Somali soldeirs from different regions make up the Somali national army.
  6. “ Puntland marna soo dhaweyn-meyso qodobadii ay saxiixeen rag isku heyb ah, waxaana ugu baaqayaa Beesha Caalamka in aan Soomaaliya lugu celin dagaalo” Ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland. “ Hadii aan laga hortagin qodobadii shirkaasi Xaqiiqo ahaan waa mid dalka uhorseedaya bur-bur hor leh, isla markaasna circa ku shareeri doona Siyaasada dalka oo horeyba ucakirneyd” Ayuu yiri Madaxweynaha dawladda gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo aad uga careysnaa qodobadii shirkaasi.
  7. Garowe: “ Puntland ma taageeri doonto qodobadii lugu saxiixay dalka Jamhuuriyada Jabuuti, waana kuwa bur-burinaya Habka Faderaaliga ah” Madaxweynaha dawladda Puntland. 3. december 2008 Garowe(AllPuntland)- Madaxweynaha dawladda Puntland Maxamuud Muuse Xirsi ayaa shir Jaraa’id wuxuu ku qabtay Aqalka Madaxtooyada ee Magaaladan Garowe, wuxuuna kaga hadlay Shirkii ugu dambeeyey ee lugu qabtey dalka Jamhuuriyada Jabuti. Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in aysan Xukuumadiisa taageeri doonaan Qodobadii ay gaareen Rag isku heyb ah, markaasna ay ku saxiixeen Magaalada Jabuuti. Cadde Muuse wuxuu ku eedeyeey Beesha Caalamka, Siiba Wakiilka Qaramada Midowbay uqaabilsan Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla, in uu ku tuntay Axdiga dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, uuna doonayo in aan la gaarin dibu heshiisiin rasmi ah. “ Puntland marna soo dhaweyn-meyso qodobadii ay saxiixeen rag isku heyb ah, waxaana ugu baaqayaa Beesha Caalamka in aan Soomaaliya lugu celin dagaalo” Ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland. Jeneraal Cadde Muuse wuxuu tilmaamay in kulankii Dibu heshiisiineed ee Jabuuti ahaa mid loo qabtay hal Beel, loogana soo horjeedo Qaranimada dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay Puntland Soomaalida kale kaga mid noqon karto Habka Faderaalka, hadii taasi lugu tuntana ay Puntland go’aan cad ka gaarayso Arintaasi. “ Hadii aan laga hortagin qodobadii shirkaasi Xaqiiqo ahaan waa mid dalka uhorseedaya bur-bur hor leh, isla markaasna circa ku shareeri doona Siyaasada dalka oo horeyba ucakirneyd” Ayuu yiri Madaxweynaha dawladda gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo aad uga careysnaa qodobadii shirkaasi. Shirkan Jaraa’id ee Madaxweynaha Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Jen. Cadde Muuse) qabtay ayaa lugu shaaciyey go’aamo ay Xukuumada Puntland ka gaartay Shirkii lugu qabtay dalka Jamhuuriyada Jabuuti. Dhabar jab weyn ayay diidmada Puntland heshiiskaasi ku noqoneysaa Heshiiskii lugu saxiixay Magaalada Jabuuti, wuxuuna heshiiskaasi ilaa hada la kulmin soo dhaweyn balse waxaa uu la kulmay diidmo qayaxan oo soo gaareysa dusha sare ee ragii saxiixay heshiiskan. F. C. Geylan AllPuntland
  8. 2.DGPL waxa ay ku baaqeysaa in lays kugu yimaado shir cusub ee dibu heshiisiineed kaas oo ay ka soo qeybgalayaan wakiilo rasmi ah oo ka imaanaya Shacabka Soomaaliyeed.
  9. Garowe: Aqri Bayaankii ka soo baxay dawladda Puntland oo uqaran sidii uga soo baxay Xukuumada Puntland. 3. december 2008 Garowe(AllPuntland)- Xukuumada Puntland ayaa soo saartay qoraal ay uga hadleyso Shirkii ugu dambeeyey ee lugu gaaray Magaalada Jabuuti, kaasoo ay ka qeybgaleen Nuur Xasan Xuseen & Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Bayaankan ama Warsaxaafadeedkan ayaa uqornaa Sidan. DAWLAD GOBALEEDKA SOOMAALIYEED EE PUNTLAND, WARSAXAAFADEED. Heshiiska ay Saxiixeen Axmed C/Salaan Aaden iyo Wakiilka Isbaheysiga Dibu xoreynta Soomaaliya 26-kii November,2008, luguna saxiixay dalka Jamhuuriyada Jabuuti, wuxuu abuuray su’aalo hor leh oo xiisad kiciyey intii laga filayay jawaab waafi ah. Heshiiskaas oo uu dhexdhaxaadinayay gacana ka geystay Xaafiiska Qaramada Midowbay uqaabilsan Siyaasada Soomaaliya ee (UNPOS), meesha kamay saarin kaalintii aqlabiyada Soomaalidu ku lahayd balse, wuxuu shakigalinayaa dowrka QM kaga jiraan xaalada dalka Soomaaliya. Heshiiskii Jabuuti waxaa qabanqaabiyey Koox yar iyo taageerayaashooda. Dawlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland iyo Shacabkeeduba waxa ay layaabeen waxa ku khasbay QM, xaafiiskeeda Siyaasada Soomaaliya, in uu dabamaryeeyo dibu-uheshiisiinta Soomaaliya, si ay koox yari uga faa’iidaysato, luguna dulmiyo Umada inteeda kale. Taageerada uu xaafiiska Qaramada Midowbay uqaabilsan Soomaaliya heshiiskaasi ma aha oo kaliya mid xoojineysa ujeedada kooxdaasi ku curyaamineyso Xukuumada Federaaliga ah KMG ee Soomaaliyeed, balse waxa ay Mustaqbalka sii xoojineysaa Xasilooni darada dalka Soomaaliya. Kooxdan yari waxay ka mideysan tahay diidmada Axdiga dawladda Faderaalka KMG ah ee Soomaaliya (TFG), kaasoo ah isku xiraha Dawladda Faderaaliga ah Iyo Xukuumad gobaleedyada ay ka kooban tahay dawlad gobaleedka Puntland ee Madax banaan. Heshiiskan Djabuti mahan oo kaliya mid ku qaldan sida loo abaabulay oo kaliya, balse Hadii aan laga hortagin qodobadii shirkaasi Xaqiiqo ahaan waa mid dalka uhorseedaya bur-bur hor leh, isla markaasna circa ku shareeri doona Siyaasada dalka oo horeyba ucakirneyd. Saxiixayaasha Heshiiskaasi waa kuwa aan cidna kalsooni ka heysan una lahayn awood ay ku qabtaan talaabo noocas ah, iyagoo aan horey ugala tashan dawladii Puntland oo ka talisa Dhul baaxadiisu dhan tahay Sadex meelood meel ka mid ah dalka Soomaaliya (1/3), ayna ku nool yihiin dad dhan 3 Milyan oo qof. Dawladda Puntland ayadoo ka duuleysa waxyaabaha ay kor ku xusan waxa ay go’aansatay. 1.Heshiiska dhexmaray 26,11,2008 labada qeybood oola yiri waxa ay ka kala socdeen Xukuumada Faderaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dibu-xoreynta ma aha mid ku fadhiya Sharciyad, Masuliyad & Xaq soor. 2.Xaafiiska Qaramada Midowbay uqaabilsan Siyaasada dalka Soomaaliya ma ahan mid ku dhexdhaxaadiyey niyad sami qaybaha kala gedisan ee isku haye Siyaasada dalka Soomaaliya, balse waa mid si bareer gacan usiiyey koox masuul ka ah qalalaasaha dalka Soomaaliya ka socda. Sidaas Awgeed Puntland ayaa gaartay qodobadan. 1.Dawladda Puntland waxa ay si buuxda uga soo horjeedaa heshiis ku sheegii Jabuuti ee gaarka ahaa luguna saxiixay dalka Jabuti 26,Nov,2008. 2.DGPL waxa ay ku baaqeysaa in lays kugu yimaado shir cusub ee dibu heshiisiineed kaas oo ay ka soo qeybgalayaan wakiilo rasmi ah oo ka imaanaya Shacabka Soomaaliyeed. 3.DGPL waxa ay ka fiirsaneysaa talaabada kaga haboon oo ay ka qaadi lahayd go’aamadii shirkii dalka Jabuuti iyo shirqool kasta oo lugu mijo xaabinayo Nidaamka Faderaaliga ah. NABADGALYO F. C. Geylan AllPuntland
  10. :confused: Perhaps, or perhaps could be a good idea, send them to Mogadishu. Join the club.
  11. Been Somalida oo dhanbaa iska sheegta waa iska caadi ayay noqotay taa, ee Dayniile is Qanyare's mouth piece, hal dhinacna way uxaglisaa waligeed... thus my point was, iyagiiba haday sidaan qoreen, filter garee warka
  12. When even Dayniile writes this, then I have a good reason to decode this news with a pinch of salt... Afhayeenka C/llaahi Yuusuf oo beeniyey warar ay shalay qoreen warbaahinta maxaliga ah Xuseen Maxamed Max’uud (Xuubsireed) oo ah afhayeenka madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa beeniyey war shalay ku soo baxay qeybaha kala duwan ee warbaahinta maxaliga ah, wuxuuna warkaasi ku tilmaamay waxba kama jiraan, inkastoo aanu saxaafadda u soo bandhigin cadeymo muujinaya beenintiisa. Xuseen Xuubsireed warka uu beeniyey ayaa wuxuu ahaa war shalay magaalada si weyn la isula dhex xulayey, warkaasoo ahaa saraakiil Itoobiyaan ah oo dekadda weyn ee magaalada Muqdisho ka qabqabtay kadibna xabsiga ay ku leeyihiin Villa Somalia u taxaabtay saraakiil ka tirsan dowladda federaalka oo ka soo jeeda Puntland, kadib markii saraakiisha Puntland ay ka madax adeygeen in ay Itoobiyaanka ku soo wareejiyaan hub fara badan oo isugu jira rasaas & baabuurta dagaalka oo ay doonayeen in ay ku raraan markab ku xernaa dekadda, hasse ahaatee markii ay Itoobiyaanku ka war heleen arrintaasi ayey soo gaareen dekadda, waxeyna ku amreen saraakiisha Puntland in ay hubkaasi ku soo wareejiyaan, hasse ahaatee saraakiisha Puntland ayaa ku adkeystay in ay hubkaasi wareejinayaan oo keliya marka uu magaalada Muqdisho soo gaaro madaxweynaha taasoo u cuntami weysay saraakiisha Itoobiyaanka, oo markaa kadib amar ku bixiyey xariga saraakiishaasi. "Warka ku saabsan xariga saraakiisha ee ku soo baxay qeybaha kala duwan ee warbaahinta waa mid been abuur ah, mana jiraan saraakiil ka tirsan ciidamada DF oo Itoobiyaanku ay xireen, waxaana u sheegeyaa bulshada Soomaliyeed in saraakiisha iyo ciidamada ee labada dhinac uu ka dhexeeyo xiriir aad u wanaagsan, runtiina saraakiisha Itoobiya iyo kuwa la yiri waa la xiray ee Soomaliyed markii ay maqleen warkan aad bey ula yaabeen" ayuu yiri Xuubsireed. Dowladda Itoobiya ayaa muddooyinkii u danbeeyey wax weyn ka bedeshay siyaasadeeda ay ku taageeri jirtay madaxweynaha, waxaana khilaafkaasi oo ay ka hadleen madaxda dowladda Itoobiya laga dareemayaa goobaha ay wada joogaan Itoobiyaanka & ciidamada dowladda, iyadoo dhowr cisho ka hor ay aheyd markii ciidamo Itoobiyaan ah ay ka bixiyeen hoygii uu Muqdisho ka deganaa ciidamo ka soo jeeda Puntland oo ilaalo ka hayey gurigaasi, waxaana ammaanka hoyga raisul wasaaraha haatan lagu wareejiyey ciidamada AIMSOM Cabdishakuur Cilmi Xasan cabdishakuur48@live.com dayniilecom@hotmail.com deyniilenews@yahoo.com
  13. ^That was really good reality humour, I like the English guy, he's sounds more funnier.
  14. Honestly what's wrong with all the naysayers, for some reason you either have deep clanish prejudice or you mistaken this for politics. Mase Oday Yey baa meesha tagay ayaa laga careeysanyahay. Again this is traditional event, reer Somali ah ayaa King-gooda caleema saartay, warkana iyagaa internet soo gashaday to preserve their historical heritage iyo Taariikhdooda. Marka xumaanta maxaa keenay? Of all people, Nuune oo ah ragga meesha ugu odaysanaa ayaa meesha lataaganba 'boqor kusheega' Heh?, adeer maxaa kuhelayna ood kacaraysantahay reer dhan oo Somaliyeed traditional elder ay caleema saaranayaan aflagaadaynaysaa... Ciyaalkiina yar yar kala barta waxa laga hadlo iyo waxa kale, I for one would never say anything bad against historically traditional elders of the clans of Mogadishu, Hargeisa, Biadoa or any other Somali tribes. Show some respect hadii kale awalba kaadida waad walaqan jirteenee, halkaa afxumada iyo cayda kasii wata/
  15. ^Ok Taarwalayaasha Somalia waxay oranjireen, wareeg 9-ka(saqaalka) 4 (afar) kadhig... dabci hahaha
  16. ^AT gabayga Alif meersiguu kusocdaa, meeshuu kula galaad saariyee kawaran As for dagaalka, go'e adigaa Xabada hoos un ufirdhinaya barigga maaha? Garyaqaan, Boowe even though Boqor Abdullahi uu iska ahaa Politician at some point in his life and doubt will be to that status of his predecessor Boqor Maxamud, we greatly congratule and wish him well.
  17. AT you have nothing to offer but hot air as usual, when you are busted with your unfound and balseless argument of the new Kings's decision affecting you, you come up with this silly line of Brazil & Argentine.... Who cares them, Saaxib our Somali traditions and cultural heritage matters more than foreign soccer players... Anything to sound cynical huh? What is your next line of argument, sure will be more funnier... Adeer embrace it, and Live with it.
  18. AT stop your inferiority complex, no one cares if you say wax sidaa layiraa majiraan for you have no weight at all. As for whether his decision will affect you, adeer don't be simple minded, this is traditional and nothing to do with politics that will affect you, me or anyone else for that matter. Somalia is not a Kingdom but republic nation. Politicians do make decision that may affect others, stop your prejudice and pay you duely expected congrats to your King.
  19. Boqorka ******* oo la caleemo saaray (Live) Horseed Media Live Streaming Waxaa qadar yar kahor lagu caleemo saaray Deegaanka Ceel Mur Boqorka 33aad ee Beesha ******* Boqor Cabdullahi Boqor Muuse, waxaana daqiiqado kahor si rasmi ah u dhacday qeybta caleemo saarka ee munaasabada. Waxaa khudbado halkaasi kasoo jeediyey nabadoono iyo waxgarad ka shaqeenayey munaasabada, ayadoo Boqor Cabdullahi caleemo saarkiisa u dhacay hab si weyn loo soo agaasimay. Mid kamid Aqal soomaaliyada laga dhisay meesha ay ka dhaceyso caleemo saarka, ayadoo Boqorka madaxiisa la saaray caleemo taasi oo astaan u ahayd caleemo saarka. Waxaa madasha ku sugan Issimada Beelaha ******* iyo kuwa kale ee martida ah, ayadoo ay ku sugan yihiin meesha Issimada gobalada Bari, Sanaag, Karkaar, Sool, Cayn, Nugaal, Muddug ayadoo sidoo kale ay goobta ku sugan yihiin issimada ka yimid dhinaca Gedo iyo Jubooyinka, iyo beelaha kale ee koonfureed oo ay nabadoono ka socda ku sugan yihiin goobta. Waxaa goobta uu caleemo saarka ka dhacay jooga Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdullahi Yusuf Axmed, Madaxweynaha Puntland Gen.Cadde Musse oo ayagu labada dhinac ka fadhiyey Boqorka markii la caleemo saarayey, waxaana sidoo kale goobta ku sugan mas’uuliyiinta Puntland intooda badan iyo waliba musharaxiin badan oo kamid ah kuwa u taagan doorashooyinka Puntland. Munaasabada ayaa hada loo gudbay Tukashada salaada Duhur ayadoo lagu wado kadib salaada duhur in ay halkaasi ka bilowdaan sugaano iyo waliba Khudbadaha mas’uuliyiinta goobtaasi ku sugan. Goobta uu caleemo saarka ka dhacayo ayaa ah mid aad loo soo buux dhaafiyey isla markaana ay ku sugan yihiin kumanaan kun oo dad ah ayadoo la waayey meel ay dadku kala maraan, waxaa kamid ah xiliyadii aadka halkaasi looga dareemay xamaasada markii uu halkaasi yimid saaka Boqorka oo gaarigii uu saarnaa ay galbinayeen Fardo lasoo gaashaamay, ayadoo hada si rasmi ah u dhacday caleemo saarka. Kala soco Horseed Media qeybteeda dhageysiga sida tooska ah munsaabada sida ay udhaceyso ayadoo la sugayo khudbadii iyo sugaantii kale ee qeybta ka ah munaasabada. Amniga ayaa si weyn loo sugay goobta ay ka dhaceyso munaasabada ayadoo Cutubyo ciidamo ah ay ku sugan yihiin goob walba ayadoo amniga si weyn u xoojinayaa ciidamada Booliiska iyo Daraawiishta. Kala soco Barnaamijka Qeybta Dhageysiga Tooska ah (Horseed Media Live Ceel Mur, Qardho)
  20. You can listen Live audio streaming from Horseedmedia, SBC radio and other Puntland website based radio stations... daljir is airing too I blieve...
  21. Madaxweyne Cabdullahi Yusuf oo khudbad ka jeediyey Xaflada Caleemo Saarka Boqorka ******* (Live) Horseed Media Live Streaming Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdullahi Yusuf oo hada ka hadlay goobta Munaasabada ee Caleemo Saarka Boqorka *******, Madaxweynaha ayaa u hambalyeey Boqorka ******* asagoo ku tilmaamay Boqorka nin mutacalim ah wax badana kala socda Siyaasada Soomaaliya. “…Waxaan ahay nin aaminsan in Issimada iyo Odayaasha dhaqanka xataa siyaasada hogaamiyaan, ma lehi Boqorka siyaasada hada ha dhexgalo, balse waxaan aaminsan nahay talada Boqorka iyo issimada inay muhiim tahay aad baana usoo dhaweenayaa…” Madaxweyne Cabdullahi Yusuf ayaa sheegay inuu ku faraxsanahay inuu yimaado magaalada Qardho oo uu ka qeyb qaato caleemo saarka Boqorka *******. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay Doorashooyinka soo socda ee Puntland asagoo sheegay inuu hada kahor Madaxweynaha Puntland soo ahaa la socdana horey wixii Puntland usoo martay asagoo sheegay in Doorashooyinka ka dhici doono Puntland in qofkii ku guuleysta si weyn loo soo dhaweeyo oo lala shaqeeyo. Madaxweynaha oo arrintaasi ka hadlayey ayaa yiri “…Hada kahor reer Qardho waad la socotaan wixii na kala dhexmaray,,,, waxaas waa laga soo gudbay,,,, waxaan maqlayaa warar sheegaya in qofkii Doorashada kusoo baxo khal khal la gelin doono oo lagu kici doono…waxaan oron lahaa yaan sidaa la sameyn hala soo dhaweeyo qof walba oo ku guuleysta….” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Cabdullahi Yusuf Axmed asagoo sheegay in uu u yimid Puntland inuu shacabka iyo Dowlada Puntland la taliyo. Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo sheegay in munaasabada aysan u baahneyn khudbad dheer balse uu hadalkiisa intaasi ku koobayo ayaa aad ugu hambalyeey Boqorka 33aad ee Beesha ******* oo maanta lagu caleemo saaray deegaanka Ceel Mur ee Degmada Qardho. Intaa kadib waxaa loo gudbay Sugaanta iyo gabayada ay halkaasi kasoo jeedinayaan Abwaanada tirada badan ee madasha ku sugan.
  22. Emperor

    Way Duushay!

    ^Way duushay, indeed His best post must be in the Woman's section.
  23. Lol @ Nuune, waa sax hadii ay SL iyo Alshabaab-ka naga sifiiyaan burcad-badeedka, waanu taageeraynaa. Alshabaabka iyaga xooga mursbaarbaa ku go'an si dhamaystiran looma taageeri karo, balse qadiyada SL muqadas bay noqon
  24. ^Because we are not greek or English As for the topic, Adeer dadkan way idinka gardaranyihiin waayo burcad-badeedka dadki ayay dhibeen, ee kasifeeya Badda Somalia oo dhan, idinka iyo Alshaab hadaad sidaa yeeshaan shaqo fiican baad qaban waana idinku taageeraynaa.