Emperor

Nomads
  • Content Count

    4,044
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Emperor

  1. ^War bal adiga ukaadi ninyahow, ninbaa maanta lahayaa waligii dhuuman jirayee oo diin iyo Ethiopian occupation kuganban jiray. Maantuu layimid the TFG charter has been violated
  2. ^Adiga horta do you support the TFG, I thought you were against the TFG in its entirety. You are against Yey and look forward to Madoobe and Nur Ade.
  3. Juje, if Nur Ade was confident why is the rush, Yey dismissed the current PM only Yesterday, and what we see today is a rushed in vote of confidence session done in fartaag and announced by Madoobe early in the Morning. Then Nur Ade immediately flied to Nairobi. Oday Yey sifiican bay ukhayaameen , barqadi markuu soo kacayba, waxa layeri Adeer meesha waa lagula kala tagay nimanki saaka aroorti ayay pass-garayeen ... Bal aan sugno siduu ucanaanto xubnaha Barlamanka and how he comes back from here.
  4. ^Adeer Ethiopia has to respect and also should and must work with the current Somali President, if not, no one is made of metal. Yey has shown you that and dared to do what most of the so called Somali leaders can't. As for Nur Ade, he's incompetant and couldn't control his cabine. He failed to do so for the whole year deadline. The peace process will continue and the next PM appointed will take tasks from where it's left.
  5. LST waabad iga nixisayee, I had to check the Xe quickly, your title is not correct, it's not buying less than a euro but it can buy less euro than before. The Pound is still higher than Euro by a fration, today's exchange rate £1 = euros 1.11, that's bad almost equal, it may even go down as the financial crisis and recesion have only began.
  6. So, a new PM will be announced in 3 days and the parliament will approve it right infront of Papa Zenawi and Mesfin who?? and where is that bafoon the so called General Gabre, Mr. Aidan Harley's (that infamous Warlord next door reporter) man who rules Somalia, never heard of him for a while in any Somali web portal. I can definately assure you that he's deported back to Ethiopia and no longer in Mogadishu. This challenge is almost over by now, Nur Ade was no the challenge at all but with other powers. Thus far, Yey gets what he wants and who cares about Zenawi.
  7. Madaxweyne Yuusuf “Laga bilaabo maanta waxaan xilkii ra’isul wasaarenimo ka qaaday Nuur cadde, saddex cisho gudahood ayaana ku soo magacaabi doonaa ra’iisul wasaare cusub” Madaxweynaha DF Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada ee magaalada Baydhabo waxaa uu shaaca kaga qaaday inuu si rasmi ah xilkii uga qaaday ra’isul wasaaraha xukuumada federaalka Somalia Nuur Xasan Xuseen (Nuur cadde), isla markaana uu diyaar u yahay inuu soo magacaabo Ra’isul wasaare cusub ee soo dhisi doono xukuumad kale oo ay yeelato Somalia muddo sadex cisho gudahood ah. “Waxaan la wada soconaa mudaneneyaal iyo marwooyin in dalku uu ku jiro marxalad adag oo ka dhalatay karti darada, qiyaamooyinka, maamulka xumada iyo musuqmaasuqa kuwaasoo ka dhashay xukuumadii u dambeysay ee dalka talineysay, taasoo xitaa ku guul dareysatay iney wax ka qabato waxyaabihii u qabsoomay xukuumadii ka horeysay sida, dhaqaalaha, siyaasada, maamulka iyo amniga, sidaa darteed waxaan go’aansaday inaan xilkii ra’isul wasaarenimo ka qaado Nuur cadde anigoo eegaya maslaxada iyo badbaadinta Qaranka Somaliyeed oo uu xil buuxa iga saaran yahay” ayuu yiri madaxweyne Yuusuf oo ka hadlayey shirkaasi Jaraaid, isagoo dhinaca kalena sheegay in DF ay sii wadi doonto ka qeyb galka shirka dib u heshiisiinta ee Jabuuti, balse aysan aqbaIi doonin qodobadii ugu dambeeyey ee lagu gaaray shirkaasi oo uu xusay iney khilaafsan yihiin axdiga ku meel gaar aa ah ee Somalia. Hadalka madaxweynaha ka hor ayaa waxaa afhayeen u hadlay uu goobta ka aqriyey wareegtadii ka soo baxday xafiiska madaxweynaha DF ee xilka looga qaaday RW Nuur cadde “Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia ka markii uu arkay qodobka 14-aad ee axdiga ku meel gaar ah oo awood u siinaya inuu magacaabo xilnkana qaado RW Somalia, mas’uuliyadna ka saaran tahay ilaalinta qawaaniinta dalka u taala, markii uu arkay in wixii ka dambeeyey 30-kii bishii July ee sanankan uusan ka jirin dalka gole wasiiro oo yeeshay Kooram buuxa oo uu go’aano ku gaari karo, illaa xiligaana uu dalka xukuumad la’aan ahaa, markii aan ku amray ra’isul wasaaraha 1-da Novembar ee sanadkan inuu soo dhiso xukuumada tayo leh uuna diiday taas, lana dhaafay xiliga axdiga ku meel gaarka ah uu ogolaanayo inuu xukumad ku soo dhisi oo aheyd muddo bil gudaheed ayaa waxaan xilkii ka qaaday RW Nuur Xasan Xuseen (Nuur cadde) oo 22-kii bishii Novembar ee sanadkii 2007-da aan u magacaabo in uu xilkaasi ka qabto” ayaa lagu yiri wareegtaasi ka soo baxday xafiiska madaxweynaha. Dhowaan ayey aheyd markii madaxweyne Yuusuf oo la hadlayey Idaacada VOA-da uu sheegay inuusan awood u laheyn xilkana ka qaadi karin RW Nuur cadde, waxaana dad badan ay isweydiinayaan sida ay arintan ay sharci u noqon karto iyadoo axdia ku meel gaarka ee DF u qabo in RW ay xilka qaadi karaan oo klaaiya marka xildhibanada baarlamanka ay ay u codeeyaan arintaasi 3/2, waxaana iska cad in arinta ay sii hurin doonto khilaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha oo mudooyinkan soo jiitamayey, iyadoo talaabadan uu madaxweynaha ku sheegay inuu xilkii kaga qaaday RW ay u muuqato mid jar isku tuurnimo ah oo burbur u horseedi karta waxa ka sii haray DF Somalia.
  8. ^Was there any innocent hurt, no... I said it earlier, any selective attack similar to that can happen but do not expect a raid on a city in Somalia in which innocents would get hurt and considered as collateral damage. The French tracked down the pirates 4-wheel drive, closely monitored them for sometime and attacked.
  9. Gheelle.T, I don't think America or any of the western countries can strike Somalia purely because of the pirate actions, they can fight with them in the sea waters if they wish and also possibly on the ground by the invitation of the Somali authorities. Remembers the pirates will be treated as crimal gangs similar to armed robbery and not as terrorists. They never killed a single life, their motive is money and their excuse is to save guard the Somali sea.
  10. The more the international community says they will fight against the pirates, the more they strike and take more ships, nimanka waxaad moodaba inay maxaaba naloola hadlay usamaynayaan. Today alone, they have capatured 6 ships... 3 from Yemen. Yementi Balaayaa haysata, only last week their Abmassidor to Somalia was in Puntland to release a Yemeni ship taken by the pirates, which luckily was finally released. It happened again, Yaaaab!
  11. I see something fishy in these pictures, nowadays everyone can collect and post pictures of militia with cimaamado and claim its his Ciidan. I think these two below pictures have been taken somewhere deep in the South, the Jubba and no where near Mogadishu. The first picture in which Indha'ade is shown is different from these two, no one person from that is shown in the last two. So, I believe its just some random pictures and hot air.
  12. From there... and... To this... and ... The difference between insanity and sanity.
  13. The Haka, Inkastoo aadan ila saxnsanayn completely, I agree with you to some extent, what is ONLF doing in Somalia having military bases. That's dead wrong, it will only prolong and give excuse to the Ethiopian troops presence in Somalia. Even should they have to be inside Somalia why use the codename ONLF, they need to hide that and use the clan name instead. PS: The Haka ma AT-baa , war ninyahow isbadali badnidaa, Saaxib salaan sare adigoo kale wiil hoog baan dhahnaa
  14. ^He's my Garaad too, what r u insinuating here bal ninyahow. Adeer Kanu waa mid marqaansan unbaan iri
  15. ^You and your fact finding missions, war ninyahow Shidoolaa tahay SOL should nominate you as D man, soo baar dad badan baa lawaayayaa oo noqon doona programmed software
  16. ^Ooh so you realise this is not important then, the opinion of a silly mirqaansan
  17. What is this? It sure sounds silly and unprofessional, an Open letter to the Garaad oo Afsomali iyo English isku dhax qasan and provokes the Garaad's intelligence. Nonelander mirqaamay wuxuu xar-xariisay iga dheh... Lool @ Like all laascaanooders abroad, iyo Ninki tiisa daryeelaa tukale kudara Funny indeed
  18. A very interesting development indeed, lets see where this heads and await the end result.
  19. Nuur Ade failed to convince the Somali parliament and got back with embrassment. ------------------------------------ Faafaahin:- Ku Saabsan Shirkii Dhaxmaray Raiisul-wasaare Nur Cadde iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe. Waxaa maanta ka degay Baydhabo,xarunta barlamaanka somalia Ra/isulwasaare Nuur cadde oo ay wehliyeen 5 xildhibaan oo Nairobi ka soo raacay.waxay markii hore ku degeen Airport Muqdisho oo ay saacad kadibna uga sii gudbeen airport Baydhabo. Nus saac kadib wuxuu la shiray guddoomiyaha barlamaanka oo ay wehliyeen xubno ka tirsan guddi-hoosaadyada barlamaanka,waxaana uu soo bandhigay ujeedadii socdaalkiisa oo uu ku sheegay inuu Barlamaanka u soo gudbinayo xubnaha cusub ee liiska golaha wasiirada ee uu Madaxweyne Yusuf hore ugu diiday. Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aden Madoobe iyo xubnaha kale ee la shiray Ra/iisulwasaare Nuur cadde,waxaa la hor dhigay xeerka barlamaanka ah sida gole xukuumaded uu R/wasaare barlamaanka u hor keeni karo oo ah mid leh qaab isku shaandhayn ah oo madaxweynuhu soo raaciyo warqad sharci ah iyo gole xukuumadeed oo dhan(buuxa)oo loo rabo kalsooni-siin oo iyada uu warqad sharci ku soo lifaaqo madaxweynaha. Nuur cadde markii meel uu ka maro uu waayey labada sharci-barlamaan ayna suuragal noqon wayday in Gudoomaiyaha Baarlamaanka Aden madoobe soo dabco,isaga iyo xubnihii la socday waxay dib uga dhoofeen baydhabo iyagoo u amba-baxay Nairobi,sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal . Sida muuqatana wareegii hore ee taageeradii buuxda aheyd ee barlamaanka uu ka helo Nuur cadde halkaa ayey ku dhamamtay. Illo lagu kalsoon yahay oo ku sugnaa shirka ayaa waxeey sheegeen in xubnihii barlamaanka ee la shiray Nuur cadde oo uu horkacayey guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh Aden madoobe waxaa markii la soo qaaday shirkii nabadda Jibouti tallooyinkii ka soo baxay loo sheegay in cidii dawladda u soo saxiixday heshiiska ay qoraal faahfaahsan iyo heshiiskii oo buuxda soo hor dhigto barlamaanka ayna tahay in markaas kadib barlamaanku uu ka doodo,go'aana ka gaaro,tas oo soo gunaanaday jab siyaasadeed iyo Nuur cadde oo ku soo hungoobay Baydhabo. Shube C/kariim Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Carmooyin@hotmail.com
  20. Oodwayne Adeer you are as gullible and politically naive as you ever been, PL is part and parcel of Somali and its leaders are playing the ball and taking a stance about the latest development. It's not like the confused headless static-robot, the predictable Riyaale, the crying 'waa go'nay bofoon'.... Unlike your small, weak and isolated traingle, Puntland is strong and that's why it takes risks, forms outside connection to counter the Ethio-Djibouti link. Yey is stil the Somali President and has the support of the majority of the Somali parliamentarians and his former ministers, his guards and forces are still holding ground in Mogadishu and even repelled an attack from the newly named Admin by Nuur Cadde ( with the help of the Ethiopians) only today. Wait and see how things unfold in the next few weeks or months, wait and see, don't rush in or else you will rush out as you always do ...
  21. Not only Puntland State of Somalia, the Somali President, but also the speaker of the house Aden Madowe too rebuffs this latest agreement. The news below. Faafaahin:- Ku Saabsan Shirkii Dhaxmaray Raiisul-wasaare Nur Cadde iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe. Waxaa maanta ka degay Baydhabo,xarunta barlamaanka somalia Ra/isulwasaare Nuur cadde oo ay wehliyeen 5 xildhibaan oo Nairobi ka soo raacay.waxay markii hore ku degeen Airport Muqdisho oo ay saacad kadibna uga sii gudbeen airport Baydhabo. Nus saac kadib wuxuu la shiray guddoomiyaha barlamaanka oo ay wehliyeen xubno ka tirsan guddi-hoosaadyada barlamaanka,waxaana uu soo bandhigay ujeedadii socdaalkiisa oo uu ku sheegay inuu Barlamaanka u soo gudbinayo xubnaha cusub ee liiska golaha wasiirada ee uu Madaxweyne Yusuf hore ugu diiday. Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aden Madoobe iyo xubnaha kale ee la shiray Ra/iisulwasaare Nuur cadde,waxaa la hor dhigay xeerka barlamaanka ah sida gole xukuumaded uu R/wasaare barlamaanka u hor keeni karo oo ah mid leh qaab isku shaandhayn ah oo madaxweynuhu soo raaciyo warqad sharci ah iyo gole xukuumadeed oo dhan(buuxa)oo loo rabo kalsooni-siin oo iyada uu warqad sharci ku soo lifaaqo madaxweynaha. Nuur cadde markii meel uu ka maro uu waayey labada sharci-barlamaan ayna suuragal noqon wayday in Gudoomaiyaha Baarlamaanka Aden madoobe soo dabco,isaga iyo xubnihii la socday waxay dib uga dhoofeen baydhabo iyagoo u amba-baxay Nairobi,sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal . Sida muuqatana wareegii hore ee taageeradii buuxda aheyd ee barlamaanka uu ka helo Nuur cadde halkaa ayey ku dhamamtay. Illo lagu kalsoon yahay oo ku sugnaa shirka ayaa waxeey sheegeen in xubnihii barlamaanka ee la shiray Nuur cadde oo uu horkacayey guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh Aden madoobe waxaa markii la soo qaaday shirkii nabadda Jibouti tallooyinkii ka soo baxay loo sheegay in cidii dawladda u soo saxiixday heshiiska ay qoraal faahfaahsan iyo heshiiskii oo buuxda soo hor dhigto barlamaanka ayna tahay in markaas kadib barlamaanku uu ka doodo,go'aana ka gaaro,tas oo soo gunaanaday jab siyaasadeed iyo Nuur cadde oo ku soo hungoobay Baydhabo. Shube C/kariim Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Carmooyin@hotmail.com
  22. Now the Prime Minister Nur Ade is accusing parliament speaker, Aden Madowe.... Ra'isulwasaare Nuur Cade Oo Ku Eedeeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe In uu Ka Soo Horjeedo Hanaanka Dib U Heshiisiinta Soomaaliya. Ka dib Ra'isulwasaare Soomaliya Nuur Xassan Xussen Nuur Cade uu booqoshooyin gaaban ku tagay magaalada Muqdisho iyo Baydhaba ayaa wuxuu dib ugu soo laabtay magaalada Neyroobi ee dalka Kenya oo maalmahan xaruun kmg u aheyd Ra'isulwasaraaha. Ra'isulwasaare Nuur Cade ayaa shir ay ilbaabada u xiran yihiin wuxuu magaalada Baydhaba kula soo yeeshay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe sida ay warar xog ogaal ahi ay sheegayaan in shirkaasi uu Ra'isulwassaare Nuur Cade ku codsaday in Gudoomiyaha uu ugu hiiliyo ansixinta wasiirada cusub iyo heshiiska Jabuuti, waxeeyna wararku sheegayaan in Gudoomiyaha Baarlkamaanka Soomaaliya uu usheegay Ra'isulwasaaraha in uu isaga yahay gudoomiye barlamaan ayna u sii dheertahay shaqsi xildhibaan ah isla markaana uu ku qowracan yahay codka baarlamaanka meeshuu u aqlibilayadiisu u bato. Warar aanu ka helnay xafiiska Ra'isulwasaaraha Soomaaliya ayaa waxeey sheegayaan in waraqad loo qoray Internatoinal Cummunitayada ku sugan magaalada Neyroobi kana turjumeysa socdaalka maanta uu Ra'isulwasaraaha ku gaaray magaalada Baydhaba ay ku diyaarsan tahay xafiiska Ra'isulwasaaraha Soomaalia qoraalkaasi oo lagu sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya uu ka biyo diiday hanaanka nabada Dib u Heshiisiinta iyo ansixinta wasiirada uu magacaabay Ra'isulwasaaraha Nuur Cade. Ra'isulwasaaraha Soomaaliya Nuur Cade ayaa kal hore sidan oo kale ku tilaabsadey ka dib markii Madaxweynaha Soomaaliya Md C/llaahi Yusuf Axmed uu kaga daba tagay isbitaalkii uu ku sugnaa Madaxweynaha kuna marayey check upka ee magaalada London isaga oo watay yool siyaasadeed oo ahaa in madaxweynaha uu ka saxiixdo wasiiro Ra'isulwasaare Nuur Cade la fikir ahaa. Madaxweyne Yusuf ayaa waqtigaasi wuxuu ka codsadey Ra'isulwasaaraha in aysan munaasib aheyn waqtigaan in uu ka hadlo ama uu saxiixo golaha wasiirada soomaaliya oo sida wararku sheegayaan ay horey ugu balameen in golaha wasiirada ay noqdaan kuwo waxtar leh isla markaana wata kalsoonida beelaha ay ka soo kala jeedaan balantuna ay aheyd in magaalada Muqdisho ay ku kulmi doonaan marka Madaxweynaha uu soo dhameysto checkh upka caafimaad. Ra'isul wasaare Nuur Cade ayaa markuu Magaalada Neyroobi dib ugu soo noqday warqado qoraal ah u gudbiyey Iternational Cummunitayada ku sugan Magaalada Neyroobi shir jaraa'idna ku sheegay in madaxweynihii uu diiday golahiisa wasiirada uu magacaabay, wuxuu kaloo qoraaladaasi uu Ra'isulwasaare Nuur Cade ku sheegay in Madaxweynaha Soomaliya uu ka soo horjeedo hanaanka nabada iyo dib u heshiisiinta. Hadaba Ra'isulwasaare Nuur Cade oo isticmaalaya xeeladii uu u isticmaalay Madaxweyne Yusuf ayaa markale wuxuu damacsan yahay in uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe uu u isticmaalo , waxeeyna wararku sheegayaan in Ra'isulwasaare Nuur Cade uu Shir Jaraa'id uu qabandoono isaga oo ku sheegi doona in Gudoomiyaha Baarlamaanka Sooomaaliya Sheekh Aadan Madoobe uu ka biyo diidsan yahay Hanaanka Nabada iyo Dib u Heshiisiinta faragalin shisheeyana ay meesha ka marneyn oo uu ula jeedo dowlada Etiopia. Shube C/kariim Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com CARMOOYIN@HOTMAIL.COM
  23. Xukuumada Puntland ayaa soo saartay qoraal ay uga hadleyso Shirkii ugu dambeeyey ee lugu gaaray Magaalada Jabuuti Heshiiska ay Saxiixeen Axmed C/Salaan Aaden iyo Wakiilka Isbaheysiga Dibu xoreynta Soomaaliya 26-kii November,2008, luguna saxiixay dalka Jamhuuriyada Jabuuti, wuxuu abuuray su’aalo hor leh oo xiisad kiciyey intii laga filayay jawaab waafi ah. Bayaankan ama Warsaxaafadeedkan ayaa uqornaa Sidan. DAWLAD GOBALEEDKA SOOMAALIYEED EE PUNTLAND, WARSAXAAFADEED. Heshiiska ay Saxiixeen Axmed C/Salaan Aaden iyo Wakiilka Isbaheysiga Dibu xoreynta Soomaaliya 26-kii November,2008, luguna saxiixay dalka Jamhuuriyada Jabuuti, wuxuu abuuray su’aalo hor leh oo xiisad kiciyey intii laga filayay jawaab waafi ah. Heshiiskaas oo uu dhexdhaxaadinayay gacana ka geystay Xaafiiska Qaramada Midowbay uqaabilsan Siyaasada Soomaaliya ee (UNPOS), meesha kamay saarin kaalintii aqlabiyada Soomaalidu ku lahayd balse, wuxuu shakigalinayaa dowrka QM kaga jiraan xaalada dalka Soomaaliya. Heshiiskii Jabuuti waxaa qabanqaabiyey Koox yar iyo taageerayaashooda. Dawlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland iyo Shacabkeeduba waxa ay layaabeen waxa ku khasbay QM, xaafiiskeeda Siyaasada Soomaaliya, in uu dabamaryeeyo dibu-uheshiisiinta Soomaaliya, si ay koox yari uga faa’iidaysato, luguna dulmiyo Umada inteeda kale. Taageerada uu xaafiiska Qaramada Midowbay uqaabilsan Soomaaliya heshiiskaasi ma aha oo kaliya mid xoojineysa ujeedada kooxdaasi ku curyaamineyso Xukuumada Federaaliga ah KMG ee Soomaaliyeed, balse waxa ay Mustaqbalka sii xoojineysaa Xasilooni darada dalka Soomaaliya. Kooxdan yari waxay ka mideysan tahay diidmada Axdiga dawladda Faderaalka KMG ah ee Soomaaliya (TFG), kaasoo ah isku xiraha Dawladda Faderaaliga ah Iyo Xukuumad gobaleedyada ay ka kooban tahay dawlad gobaleedka Puntland ee Madax banaan. Heshiiskan Djabuti mahan oo kaliya mid ku qaldan sida loo abaabulay oo kaliya, balse Hadii aan laga hortagin qodobadii shirkaasi Xaqiiqo ahaan waa mid dalka uhorseedaya bur-bur hor leh, isla markaasna circa ku shareeri doona Siyaasada dalka oo horeyba ucakirneyd. Saxiixayaasha Heshiiskaasi waa kuwa aan cidna kalsooni ka heysan una lahayn awood ay ku qabtaan talaabo noocas ah, iyagoo aan horey ugala tashan dawladii Puntland oo ka talisa Dhul baaxadiisu dhan tahay Sadex meelood meel ka mid ah dalka Soomaaliya (1/3), ayna ku nool yihiin dad dhan 3 Milyan oo qof. Dawladda Puntland ayadoo ka duuleysa waxyaabaha ay kor ku xusan waxa ay go’aansatay. 1.Heshiiska dhexmaray 26,11,2008 labada qeybood oola yiri waxa ay ka kala socdeen Xukuumada Faderaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dibu-xoreynta ma aha mid ku fadhiya Sharciyad, Masuliyad & Xaq soor. 2.Xaafiiska Qaramada Midowbay uqaabilsan Siyaasada dalka Soomaaliya ma ahan mid ku dhexdhaxaadiyey niyad sami qaybaha kala gedisan ee isku haye Siyaasada dalka Soomaaliya, balse waa mid si bareer gacan usiiyey koox masuul ka ah qalalaasaha dalka Soomaaliya ka socda. Sidaas Awgeed Puntland ayaa gaartay qodobadan. 1.Dawladda Puntland waxa ay si buuxda uga soo horjeedaa heshiis ku sheegii Jabuuti ee gaarka ahaa luguna saxiixay dalka Jabuti 26,Nov,2008. 2.DGPL waxa ay ku baaqeysaa in lays kugu yimaado shir cusub ee dibu heshiisiineed kaas oo ay ka soo qeybgalayaan wakiilo rasmi ah oo ka imaanaya Shacabka Soomaaliyeed. 3.DGPL waxa ay ka fiirsaneysaa talaabada kaga haboon oo ay ka qaadi lahayd go’aamadii shirkii dalka Jabuuti iyo shirqool kasta oo lugu mijo xaabinayo Nidaamka Faderaaliga ah. NABADGALYO
  24. Maamul goboleedka Puntland oo qabanaya Shirki dibuheshiisiin ugu horeeyay ee kadhaca gudaha Somaliya. Madaxwaynaha Puntland Cadde Muuse ayaa shaaca kaqaaday inay marti galin doonaan shirwayne ay kasoo qayb galaan dhamaan shacabka Somaaliyeed kasoo sida uu sheegay ay ujeedadiisu tahay inay isku soo horfariisiyaan xubnaha isaga soo horjeeda Siyaasada, ururada bulshada iyo shacabka laguna qabto gudaha Somaliya. Cadde Muuse ayaa sheegay in Puntland ay howshaas fulinayso bilaha fooda nagu soo haya kadib doorashooyinka Madaxtinimo ee Puntland, isagoo sheegay shaqsi kasta ee kuguulaysta xukunkana uu hormuud kanoqon doono gogoldhiga iyo martigalinta mudanayaasha kasoo qaybgalaya Shiraan cusub. Shirkaan ayaa lasaadaalinayaa inuu furmi doono bisha February ee Sanadka cusub oo qabanqaabadiisuba hada horay usiibilaabatay. Madaxwaynaha ayaa sheegay inay madaxda dowlada federaalka ay taageersanyihiin uuna ogaysiiyay Madaxwayne Abdulahi Yusuf iyo Ra’iisal wasaare Nuur Cade oo ayagu mudooyinkaan danbe ay udhaxaysay xorgaftan Siyaasadeed. Dhaqaalaha kubixi doona shirkan ayaa lasheegay inay bixin doonaan dowladaha Kuwait iyo Qadar. Waxaa lafilayaa dabayaaqada bishaan in wafdi kasocda dowlad goboleedka Puntland ay gaaraan Jabuuti, Sudaan, Saudi Arabia iyo dowlado kale oo carbeed. Khaalid yariissow Yariissow01@hotmail.com Bosaaso
  25. Lol @ mother canjeero If by your admission you is 'afar jeeble', then you are one step or level above 'the lads', Seniore. Hence, many should be more careful and watchful of you