Emperor

Nomads
  • Content Count

    4,044
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Emperor

  1. Now its all about Yey right? The most powerful Somali man Yusuf Yey will resign, whats next? Hay bal sheega Why not talk about your heros, what Shariifs will bring, I hope a government of national unity will be created and Nur Ade will manage to deal with the wolves in the South.
  2. ^Only passing the news mate, you of all people the supporter of the worst blood sucking warlord Indha'ade cannot make sensible judgement... ----------------------------------- New Somali PM resigns 12/24/2008, 4:59 a.m. EST The Associated Press MOGADISHU, Somalia (AP) — A Somali official appointed prime minister a week ago is resigning over a power struggle between two factions of the country's tottering government. Somalia's President Abdullahi Yusuf appointed Mohamed Mohamud Guled as prime minister on Dec. 16 after the president unilaterally fired Prime Minister Nur Hassan Hussein. Parliament refused to back the president, leaving it unclear which prime minister was in charge. Guled told reporters Wednesday he was resigning in an effort to end the infighting among Hussein's and Yusuf's factions in the government. The feuding has weakened the U.N.-backed administration as Islamic insurgents have been grabbing more territory.
  3. Gacma Dheere oo iska Casilay Xilkii Ra'iisul Wasaare Nimo ee dhawaan uu u magacaabay Madaxweyne Yuusuf. Posted: 12/24/2008 11:08:00 AM Shabelle: BAYDHABO Max'ed Max'uud Guuleed (Gacma Dheere) ayaa iska Casilay Xilkii Ra'iisul Wasaare Nimo ee dhawaan uu u magacaabay Madaxweyne Yuusuf. Kulan ay magaalada Baydhabo ku leeyihiin qaar ka mid ah xilidhibaanada Baarlamaanka kmg Soomaaliya xarunta madaxtooyada ee magaalada Baydahbo gaar ahaan kuwa ku dhanka ah Madaxweynaha ayaa waxaa ka soo baxaya in istiqaaladii uu wareejiyay Xidhibaan Max'ed Max'uud Guuleed (Gacma Dheere) oo dhawaan uu u magacaabay Madaxweyne Yuusuf Ra'iisul Wasaare Nimada dowlada kmg Soomaaliya. Kulanka oo ah mid ay irdaha u xiran yihiin isla markana loo diiday in ay saxaafada ka qeyb gasho ayaa waxaan idiin Balan Qaadeeynaa hadii uu illaah inoo Saaxmo in aan idiin soo gudbino wararka ku soo kordha iyo hadalada Iscasilaadiisa uu ka yiraahdo Gacma Dheere. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya. Dhageyso wararka 8:00-Subaxnimo maalin walba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.
  4. Gacma dheere ayaa sheegay in uu tanaasulkiisan ka dambeeyo markii udaneeyay Shacabka Soomaaliyeed, ilsa markaasna wuxuu ugu baaqay Soomaalida in ay ka shaqeeyaan Nabadda iyo horumarka Soomaaliyeed.
  5. Baydhabo: Maxamed Maxamuud oo iscasilay. 24. december 2008 Baydhabo(AllPuntland)- Maxamed Maxamuud Guuleed ayaa iska casilay xilkii uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna warkan kaga hor dhawaaqay fadhi baarlamaan oo ka socda gudaha Xarunta madaxtooyada Soomaaliya. Gacma dheere ayaa sheegay in uu tanaasulkiisan ka dambeeyo markii udaneeyay Shacabka Soomaaliyeed, ilsa markaasna wuxuu ugu baaqay Soomaalida in ay ka shaqeeyaan Nabadda iyo horumarka Soomaaliyeed. Madax ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa ayana hada hadal ka jeedinaya, gudaha fadhigan baarlamaanka Soomaaliya, waxa ayna Mudanayaal badan ka hadlayaan sida ay uarkaan arintaan. F. C. Geylan AllPuntland
  6. Baydhabo: Raysalwasaaraha Soomaaliya Gacma Dheere oo goor dhaq qabanaya shir Jaraa'id. 24. december 2008 Baydhabo(AllPuntland)- Raysalwasaaraha Soomaaliya ee uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed ayaa goor dhaw shir Jaraa'id ku qabanaya Magaalada Baydhabo. Qodobada ugu horeeya ee uu Gacma Dheere uga hadlayo shirkaasi ayaa ah xaalada Soomaaliya iyo warar hoosaadyadana ay sheegayaan in laga yaabo Raysalwasaaruhu in uu soo qaado kala jabnaanta baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliyeed. Qaar ka mid ah dadka ku dhow dhow Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in uu Raysalwasaaruhu qabanayo shirkaasi, waxaana looga hadlayaa xaalado kala gedisan. Warar Madax banaan oo ka soo baxaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in tanaasul laga yaabo in uu ka muujiyo xilka uu hayo Gacmadheere, ama uu iska casilo, inkastoo ay wararkaasi yihiin kuwa aan wali la xaqiijin. Warar sugan oo ku aadan shirkaasi Jaraa'id ayaa lafilayaa in ay soo baxaan markii uu Raysalwasaaruhu bilaabo qabashada shirkaasi Jaraa'id, sida ay sheegayaan Wararka Xaqiiqada ah. Faahfaahinta kala soco www.AllPuntland.com F. C. Geylan AllPuntland
  7. Incoming Somali premier quits Mohamoud Mohamed Guled, a lawmaker controversially named Somali prime minister last week after the sacking of Nur Hassan Hussein, announced his resignation on Wednesday. — AFP
  8. MOGADISHU, Somalia -- A Somali official appointed prime minister a week ago is resigning over a power struggle between two factions of the country's tottering government. Somalia's President Abdullahi Yusuf appointed Mohamed Mohamud Guled as prime minister on Dec. 16 after the president unilaterally fired Prime Minister Nur Hassan Hussein. Parliament refused to back the president, leaving it unclear which prime minister was in charge. Guled told reporters Wednesday he was resigning in an effort to end the infighting among Hussein's and Yusuf's factions in the government. The feuding has weakened the U.N.-backed administration as Islamic insurgents have been grabbing more territory. The Source
  9. ^War hadagdagin, Adiga iyo Horn sikalaad wax u aragtaane. Bal oradoo fiiri mida uu LST soo galiyay at 3:11 seconds and see if it is any different from the one posted by Horn, let me know if one bit of a sec is cut and at exactly what time or sec. Horn what are you on about mate, I have watched the entire 5:22 seconds of both clips and I can't see one heck of a difference, bal come back adeer and let us know where? because at 3:11 of both clips I see the same thing of Salad Jeele and few MP gacmaha taagayaa kuwana buuqaan which if put together certainly weren't no where near 143.
  10. ^LOol, Xukuumada cusub ayaa lasoo magacaabi Odaga ha isaga tashadaan, what do you think Sheikh Shariif iyo Ina Riyaale and Djibouti can do, isku daroo bal think maxay tabar hayaan?
  11. Nice and beautiful story, almost glorifies the work of the pirates, it would be good should one of the western tabloids were to publish it
  12. Originally posted by BOB: Awoowe ONLF meel ha uga dhicin...ninkaan waa kuwa loo yaqaan Daba-Qoodhi oo ninku waa pro Melez oo lama maqashiin karo ONLF. , Awowe ninkaan waa iga sii jeedaa ee intuu meel kale nagaga maqanyahay hanagu soo jeedin, maaro uheli mayno hadii kale
  13. Shirka jaraaid ee Ra'iisul wasaaraha cusub ee Gacmo dheere ayaa waxaa uu ku soo beegmay xili maanta uu magaalada Baydhabo ka dhoofay madaxweynaha DFKM C/llaahi Yuusuf Axmed isagoo gaaray dalka Kenya si uu wadahadlo ula yeesho Madax ka tirsan ururka IGAD iyo Beesha Caalamka.
  14. Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-Dheere) 3 cisho ayaan ku soo dhisi doonaa Golaha Xukuumada Posted to the Web Dec 20, 16:48 Baydhabo:-Ra'iisul Wasaaraha cusub ee uu maga caabay Madaxweynaha DFKM C/llaahi Yuusuf Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) ayaa maanta waxaa uu shir jaraaid ku qabtay guriga uu ka degan yahay Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay. Gacmo-Dheere ayaa waxaa uu shirkiisa jaraaid hambalayo ugu diray sanad guur adii ka soo wareegtay markii la aasaasay ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee ku beegan maanta oo ay taariikhdu tahay 20 Decembar. Gacmo-Dheere ayaa waxaa uu shirkiisa jaraaid ku sheegay in mudo 3 cisho ah ka dib uu soo dhisi doono Gole xukuumada ka dibna uu horgeyn doono Golaha Baarlamaanka si uu kalsooni uga hello. Ra'iisul Wasaaraha cusub ee uu magacaabay Madaxweynaha DFKM C/llaahi Yuusuf Axmed Maxamed Maxamuud Guuleed ayaa waxaa uu shirkiisa jaraaid kaga hadlay khilaafka hareeyey madaxda ugu saraysa ee DFKM isagoo ku baaqay in la joojiyo khilaafka wadahadalana lagu dhameeyo khilaafka jira. Ra'iisul Wasaaraha cusub ee uu magacaabay Madaxweynaha DFKM C/llaahi Yuusuf Axmed Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere)ayaa waxaa uu shirkiisa jaraaid ku xusay in Xukuumadii uu hogaamiyo Ra`iisal wasaare Nuur Cadde uu waqtigeedii uu dhamaaday dadaaladada ay wadaana aysan waxba u dhimi doonin xukuumada cusub ee uu soo dhisayo. Shirka jaraaid ee Ra'iisul wasaaraha cusub ee Gacmo dheere ayaa waxaa uu ku soo beegmay xili maanta uu magaalada Baydhabo ka dhoofay madaxweynaha DFKM C/llaahi Yuusuf Axmed isagoo gaaray dalka Kenya si uu wadahadlo ula yeesho Madax ka tirsan ururka IGAD iyo Beesha Caalamka. Cabdicasiis Axmed Halgan.net
  15. Madaxweynaha DFKM C/llahi Yuusuf Axmed oo ka degay Garoonka John Ma Kenyata ee dalka Kenya Posted to the Web Dec 20, 08:51 Baydhabo:-Madaxweynaha DFKM C/llahi Yuusuf Axmed ayaa goor dhow waxaa uu ka degay Garoonka John Ma Kenyata ee dalka Kenya,Madaxweynaha DFKM Col.C/laahi Yuusuf Axmed ayaa saaka ka soo dhoofay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo, C/llaahi Yuusuf ayaa waxaa ka qaaday garoonka diyaara daha ee Baydhabo diyaarad khaas ah. Madaxweynaha DFKM C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa uu casumaad ka hellay Madaxweynaha dalka Kenya Mr. Kabaki , magaalada Nairobi ayaa waxaa la filayaa in uu ka dhaco shir ay yeelanayaan madaxda Ururka IGAD ,shirka ayaa waxaa looga yeeray Madaxweyne Yuusuf iyo Nuur Cadde ilaa hadda lama yaqaan wax lagaga hadli doona shirka. Shirka ay qabanayaan Ururka IGAD ayaa waxaa la sheegayaa in ay ka soo qayb geli doonaa Xoghayaha arimaha dibada Mareykanka ee arimaha Africa iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan madaxda dalka Maraykanka. Madaxda ururka IGAD ayaa ilaa hadda la garan doonin ajandaha ay kaga hadli doonaa shirkooda ,warar hoose oo ay ka heshay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ee ku sugan Nairobi ayaa yiri " Waxaa la filayaa in Madaxda Ururka IGAD ay meel dhexe iskugu keenaa oo ay Madaxweyne Yuusuf loo sheego in Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde uu sii ahaado Ra'iisul wasaarihiisa iyo in wax laga bedelo Xykuumada uu soo dhisay Nuur Cadde oo uu diiday in uu ansixiyo Madaxweyne Yuusuf. A/Cawaale Halgan.net
  16. Madaxweyne Yuusuf ayaa sidoo kale kula kulmi doona magaalada Nayroobi masuuliyiin ka socda Beesha Caalamka oo uu kala hadlayo xaaladaha amaanka iyo siyaasada dalka Soomaaliya, waxaana lasheegayaa in ay Nayroobi booqasho ku imaan doonaan madax ka tirsan dawladda Mareykanka. Sikastaba ha haateee Socdaalka uu madaxweyne Yuusuf ku aaday Nayroobi ayaa daaqada ka saaraya jiritaanka warkii uu todobaadkii hore ku dhawaaqay wasiirka arimaha dibada Kenya, ee uu ku sheegay in ay cunaqabateyn Kenya ku soo rogtay Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya mudane C/laahi Yuusuf Axmed.
  17. Madaxweynaha dowlada Federaalka ah ee Somalia C/laahi Yuusuf Axmed ayaa soo gaaray Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya. Sabti 20. 12. 2008 Somalia - Madaxweyne C/laahi Yuusuf ayaa magaalada Nairobi si diiran ay oogusoo dhaweeyeen Masuuliyiin iyo Madax katirsan Dowlada Kenya, kuuwaaso ahaa Qaar ka mid ah Wasiirada iyo Mudanayaal ka tirsan Golaha Baarlamaanka Dalka Kenya. Madaxweyne C/laahu Yuusuf ayaa mar dhaw la yeelen doona Kulan fool ka fool ah Madaxweynaha Dalka Kenya Mwia Kibeki, waxeeyna wadahalkooda diirada ku saari doonaan arimaha Somalia xiligaan ka taagan iyo sii xoojinta xiriirka labada dal, Madaxweyne Kibeki ayaa horey khadka Talefonka ugu sheegay Madax weynaha Somalia in ay ka xunyihiin Dowlada Kenya Hadalka kasoo yeeray wasiirkiisa Arimaha dibada Moses Wtangula. Madaxwynaha Somalia ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu kulamo la qaato Diblamaasiyiin ku sugan Dalka Kenya, sidoo kale Safaarada Mareykanka iyo Urur Goboleedka IGAD. wixii kasoo kordha Safarka Madaxweeynaha Kala Soco Allidamaale.com Allidamaale Siciid Nairobi Allidamaale.com kalasoco warar xaqiiqada kusaleeysan Allidamaale@hotmail.com Xaafiiska Waraqabadka Allidamaale.com Allidamaale.com
  18. Muqdisho, Somalia (Calanka.com) 20-Desember-08 Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ka dhoofay magaalada Baydhabo, wuxuuna gaaray magaalada Nayroobi sida ay ku waramayaan warar hoose oo ka soo baxaya magaalada Baydhabo. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa casumaad ka helay dhigiisa dalkaasi Kenya, wuxuuna ka hadli doonaa xiriirka labada wadan iyo war dhawaan ka soo baxay Wasiirka arimaha dibada ee dalka Kenya, kaasoo ku aadanaa in Kenya ey madaxweynaha Soomaaliya ku soo rogtay cunaqabateyn xaga socdaalka iyo dhaqaalaha ah. Madaxweyne Yuusuf ayaa sidoo kale kula kulmi doona magaalada Nayroobi masuuliyiin ka socda Beesha Caalamka oo uu kala hadlayo xaaladaha amaanka iyo siyaasada dalka Soomaaliya, waxaana lasheegayaa in ay Nayroobi booqasho ku imaan doonaan madax ka tirsan dawladda Mareykanka. Sikastaba ha haateee Socdaalka uu madaxweyne Yuusuf ku aaday Nayroobi ayaa daaqada ka saaraya jiritaanka warkii uu todobaadkii hore ku dhawaaqay wasiirka arimaha dibada Kenya, ee uu ku sheegay in ay cunaqabateyn Kenya ku soo rogtay Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya mudane C/laahi Yuusuf Axmed. C/laahi Xasan Baliil Baliilkhan10@Hotmail.Com Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda
  19. AT, Lusaka aa Lol, how about Ndola matagayna? War meesha way kufirdhisanyihiin, all east Africa as far as central Africa. That's good to hear, I need to get some info from you, Luuqa!
  20. ^ , xagee galnaa dee, kolay ONLF-taad oraniyee , ma anagaa Jabhadayn karna wax iska diyaaraan rabnaayee. Robert Mugabe wax makahaysaa? Awowe Imisa dhulaad martayna? adigaaba soo nafisayee.
  21. ^Lool, adigana DQ ayaa kudhibay, I have no doubt that you would have nominated him for the Af...(I can't say the rest) person of the year 2008. Waryaa AT, xagee gaartay ninyahow, ma Zimbabwe ayaa tagtay.
  22. LOol @ Nephiso , ok. If the man is who I think is, he's a legend and one of few that I would have met to see what he has to say in real life... Ninkaa uma diidani waaba iga sareeyaa balse haduu noqdo jaaba-garaabadan kale anigaa kasareeyee lasoco