Emperor
Nomads-
Content Count
4,044 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Emperor
-
^Even Barre Hiiraale said in an interveiw with HornAfrik that he did not dislike any Somali politician and disgreed with more than Yusuf Yey but argued that he may be on the same veiw point as him as it regards to the latest development and the djibouti peace deal, he said it was not about peace but being against a clan, the fore-runners of that peace deal will see Yey and I as one, and for that I will be on the same boat as Yey. Now even the former head of UIC shura now in the solitary of Asmara warns the prospect of a whole new Somali civil war... Hassan Dahir Aways oo kadigay dagaalo Sokeeyo oo Somaliya kadhaca- BBC Somali
-
^My question is, where do you get your news, no sources there as I can see, or is it only your opinion...
-
Burkuus oo Baarlamaanka Somaaliya, Jabuuti iyo Beesha Caalamka ku tilmaamay kuwo ka shaqeynaaya dhibaatada Dalka Iyadoo Aaraa’a kala duwan ay ka dhiibanayaan bulshada Soomaaliyeed iscasilaadii madax weynihii hore ee Somaaliya C/laahi yuusu Axmed ayaa maantay waxaa ka hadlay Gudoomiyaha degmada B/xawoAxmed Max’ed yuusuf (Burkuus) Mr. Burkuus oo shirjaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa degmada B/xawo ayaa kaga hadlay sedax Qodob iscasilaadda C/lahi Yuusuf madaxweynihii hore ee Somaaliya waxa uuna sheegay in ay ka dambeeyeen dhibaatooyiinka Somaaliya ka taagan Dowladda Jabuuti, Beesha caalamka iyo Baarlamaanka somaaliya “dowladda Jabuuti ayaa waxa ay ka shaqeysaa burburinta dalka Somaaliya iyadoo ku marmarsiyooneysa in ay ku howlantay in xal loo helo Arimaha ka taagan Somaaliya, shirkii dib u heshiisiinta ee ugu dambeeyay ee lagu qabtay Juabuuti waxaa ka qeyb galay Beele keliya waxaana lagu heshiiyay in la balaariyo baarlamaaka Somaaliya tas ayaana muujineyso waxa ay wado Dowladda Jabuuti” ayuu yiri Mr Burkuus oo u waramayay saxaafadda Sidookale beesha caalamka ayuu ku tilmaamay kuwo ku howlan in ay Somaaliya ka dhigaan meel ay ka Arimiyaan Caruur la dhaqan rogay oo ku sugan Wadamada reer galbeed ka kadib Markey is baabi’iyaan dadka Somaalida ah ee hadda ku sugan Somaaliya Mr. Burkuus ayaa ka hadlay xaaladda iminka uu ku sugan yahay Baarlamaanka Somaaliya,” kadib iscasiladii C/laahi Yuusuf waad arkeysaan in Baydhabo in ka kala carareen, qaar waxa ay raaceen Madaxweynaha kuwana nafsadooda ayay kala baxsadeen dhibaatada kataagan Magaalada Baydhabo” Burkuus ayaa intaas raaciyay hadalkiisa Hadalan Gudoomiyaha Degmada B/xawo Axmed Max’ed Yuusuf (Burkuus) ayaa ku soo beegmaya Xili maalin uun ay ka soo wareegatay Isxasilaadii Madaxweynihii hore ee Somaaliya C/laahi Yuusuf Axm,ed Axmed Xaaji Xassan +2525 (0) 498797 daaci143@hotmail.com
-
Norf, he did say that, I do understand he failed and thus resigned from the top post, can't we all live with that truth... very simple really We are looking forward to bring future, I hope everything works good for all of Somalia and not only the secessionist fiefdom alone as you wish... Khayr insha'alaah
-
^Adeer Yusuf Yey si sharaf leh ayuu kaga dhagay xukunka isaga ayaana iska casilay markuu lashaqayn waayay Nabad diidyada iyo international community-ga oo qasaaya Somalia, we are waiting for the rosy peace to shape soon. Adigase sidii nin cuqdadaysan kadaba hay, good riddance! Talo kale iyo tabar meesha kuma haysid... As a secessionist you just hope the Somalia burns to achieve your recognition Abdulahi haduu dhibka ahaa wuu idinka soo tagay ee talo meesha la imaada, very simple...
-
Norf, you are right, the President had to leave, as in his last speech he stated that he had to resign or was pressured to work with Nuur Ade by the international community with a peace initiative that's not going to work or bring any fruitful result to Somalia, hence he opted to resign. You are just saying good riddance mate, because of your hate and envy, however we agree with you and are happy that he finally resigned and left, thank god he did....
-
War deg deg ah:C/laahi Yuusuf oo daqiiqado ka dib ka degaya Garoowe Madaxweynahii hore ee Dawlada KMG ah ee Soomaaliya C;laahi Yuusuf Axmed ayaa lagu wadaa in uuu goor dhaw ka soo dego garoonka diyaaradaha Conoco ee magaalada Garoowe ee xarunta maamul Goboleedka Puntland. Cabdulaahi Yuusuf ayaa saaka magaalada Baydhabo kaga dhawaaqay in uu iska casilay xilkii Madaxweynimo ee loo doortey sanadkii 2004-tii, waxaana socdaalkiisa uu ku soo aadayaa xili isbadal xoogan uu ka dhacay Soomaaliya, isla markaana jahwareer iyo qalqal ay gashey dawladii KMG aheyd ee lagu soo dhisey shirkii lagu qabtey dalka Kenya, sanadkii 2004-tii. Socdaalka Col. Yuusuf ayaan laga bixin wax faahfaahin ah hase yeeshee waxaa lagu macneeyey in uu ku aadan yahay la tashi uu la sameyn doono qaybaha bulshada Puntland ee uu ka soo jeedo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, C.laahi Yuusuf, sidoo kale safarka Mr.Yuusuf ayaa ku soo aadayaa xili xildhibaano fara badan oo ka mid ah Baarlamanka KMG ah ee Soomaalida ay shaley soo gaareen magaalada Gaalkacyo, iyadoo la filayo in ay xildhibaanadan iyo C;laahi Yuusuf ku dhawaaqaan mawqif aan la ogeyn waxa uu ku aadan yahay ama la saadalin Karin. Dad badan oo siyaasada Soomaaliya rog roga ayaa aaminsan xiligan in Soomaaliya ay lugaha la gashay marxalad aad u adag oo aan la ogeyn halka ay saldhigan doonto. Magaalada Garoowe ayaa waxaa laga dareemayaa qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta Cabdulaahi Yuusuf, waxaana si weyn deegaanada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya laga hadal hayaa iscasilaada Cabdulaahi Yuusuf uu iska casiley xilkii Madaxweyninmo iyadoo la aaminsan yahay in iscasilada Col.Yuusuf ay ku timid cadaadis uga yimid beesha caalamka gaar ahaan wadamada iyo ururo goboleedyada sida weyn isha uga haya xaalada qalafsan ee Soomaaliya. Su’aashuse waxay tahay muxuu noqon doonaa ambaqaadka Cabdulaahi Yuusuf iyo xildhibaanada taageersanaa fikirkiisa ee xiligan ku sugan Puntland. Fartuun Cali Axmed SBC International Jabuuti fartunali@gmail.com
-
Madaxweynaha DFKM C/laahi Yuusuf Ahmed oo ku dhawaaqay is casilaadiisa Posted to the Web Dec 29, 08:48 Baydhabo:-Madaxweynaha DFKM Cabdullahi Yuusuf Axmed ayaa maanta is casilay waxaa uuna ka hor akhriyey is casilaadiisa Baarlamaanka DFKM waxaana uu warqada u dhiibay Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh Aden Madoobe. Madaxweynaha ayaa khudbad u jeediyey xildhibaanada waxaana hadaladiisa ka mid ahaa "Waxaan maanta idin sheegayaa inaan dib idinkugu soo celiyay xilkii aad ii doorateen 10-kii Octobar 2004 tii waxaan warqada casilaada u gudbiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka maadama uu yahay Madaxweynaha KMG, waxaan idin leeyahay isku duubanaada oo ka shaqeeya sidii dadka iyo dalka loo badbdaadin lahaa" Madaxweynaha ayaa isla maanta waxaa uu u baqooli doonaa magaala Garoowe ee xarunta maamul gobaleedka Puntland. A/Cawale Halgan.net .
-
There is no such thing as Ahlu-Sunna, we have had witnessed and seen many names, the USC, UIC and now the Ahlu-Sunna Wal-Jamacah. Alshabaab iyo wiilashan aad galbeedka kasoo aruurisay waqtigoodi waa dhamaaday danti laga lahaanna waa lagu gaaray, iyagaa hada laga takhalusi, today their corpses lie on the streets of Dhuusamareeb and Gelinsoor.
-
Madaxweyne Yuusuf oo maanta hortegaya baarlamaanka & Garoowe oo laga sugaayo Monday, December 29th, 2008 at 8:11 am Horseed Media Baydhabo Madaxweynaha dowladda kmg ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta hortegaya baarlamaanka kmg ah ee Soomaaliya. Ilo ku dhow dhow madaxweynaha waxay sheegayaan in uu baarlamaanka u gudbin doono iscasilaadiisa oo maalmihii ugu dambeeyay aad loo hadal hayay. Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Baydhabo iyadoo la xiray wadooyinka taga xarunta baarlamaanka. Dhanka kale waxaa ka socota Caasimada Puntland diyaargaroow lagu soo dhaweynaayo Cabdullaahi Yusuf, war aan ka helnay xarunta madaxtooyada Garoowe ayaa sheegaya in Madaxweyne Yusuf maanta gelinka danbe ka soo degaayo Garoowe
-
Khudbad ku aadaneyd iscasilaadiisa waxa uu ku sheegay in la afduubay hannaankii dib u heshiisiinta, beesha caalamka oo laga waayay taageeradii looga baahnaa, ciidamadii qaranka oo goostay ka dib markii loo waayay gunno la siiyo iyo wax ay cunaan.
-
C/laahi Yuusuf oo ku dhawaaqey in uu xilkii Madaxweyninimo iska casiley Monday, December 29th, 2008 at 9:17 am Cali Ilyaas Horseed Media Baydhabo Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed ayaa iska casilay xilkii uu hayay ee madaxtinimada dalka Soomaaliya. Isagoo maanta ka qeybgalay fadhigii baarlamaanka ayuu C/laahi Yuusuf Axmed sheegay inuu iska casilay xilka. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf wuxuu u ambabaxay dhinaca garoonka Baydhabo oo ay u fadhiday diyaarad diyaaradan ayaa u soo qadeysa Magaalada Garoowe. Khudbad ku aadaneyd iscasilaadiisa waxa uu ku sheegay in la afduubay hannaankii dib u heshiisiinta, beesha caalamka oo laga waayay taageeradii looga baahnaa, ciidamadii qaranka oo goostay ka dib markii loo waayay gunno la siiyo iyo wax ay cunaan. Haddaba iscasilaadiisa waxay timid xili aad u adag oo ammaan darrida ka taagan Baydhabo ay gaartay halkii ugu xumeyd. Waxaa iminka u baxay Dhanka Garoonka Diyaaradaha Madaxweyne Cadde oo soo dhaweynaya Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yusuf Faah faahinta naga dhowr
-
^Adeer wax lasoo dhaafay unbaad kahadashaa, talk about the current issues and the reality on ground in the South right now... Read the other thread in which Ahlu-Suna Waljamaha of Mogadishu are threatening Alshabaab
-
Where is Che, when I tell you, you don't get the point this is what I mean, Ehlu Sunna-da Muqdisho Joogta oo waligeed xooga ku lahayd oo uhanjabi karta Alshabaab waa tuma? You are too naive to understand Somali politiking my friend... Never imagine this is Ehlu Sunna Waljamaacah, kuwaas maxay yihiina waxba makala yaqaanin.
-
Muqdisho: Ehlu Suna Waljameeca oo Hanjabaad culus ujeediyey Al- Shabaab. 28. december 2008 Muqdisho(AllPuntland)- Ehlu Suna Waljameeca oo maalmahaan dagaal adag kula jira Ururka ay awoodiisa hoos udhigi weyday dawladda Faderaalka ee Soomaaliya oo ay taageerayeen ciidamada dawladda Itoobiya iyo Midowga Africa , ayaa sheegay in ay Al- Shabaab dhamaanba ka sifeyn doonaan gudaha dalka Soomaaliya, waxaana hadalkaan kaga dhawaaqay Saxaafada maanta nin sheegtay in uu ka mid yahay Madaxda Ehlu Suna Waljameeca. Ururka Al- Shabaab ayaa cudud Milateri oo muuqata ku leh gobalada koonfureed ee dalka Soomaaliya, siiba Jubooyinka, Gedo, Bakool iyo Galguduud oo hada dagaalo looga qabsaday labadii degmo ee ugu muhiimsanaa, waxaana ay todobaadkan bilaabeen in ay dhulka la simaan qabriyo ay leeyihiin Culumo la xurmeeyo, kuwasoo kuyaalay gobalada Jubada Hoose iyo Gedo. Hadal hayeen uhadlay Urur diimeedka Ehlu Suna Waljameeca ayaa sheegay in ay dhulka la simi doonaan awooda Kooxda Al- Shabaab, wuxuuna ku sifeeyey kooxdaasi mid ka soo horjeeda Diinta Islaamka iyo horumarka umada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ay todobaadyo ka hor ay baabiyeen Qabriyo, wuxuuna sheegay in aysan Diinta Islaamka meelna kaga qorneyn ama kaga jirin in qabri la dumiyo. " In qof muslim ah la dhibo isagoo dhintey iyo Isagoo nool, diinteena meelna kagama jirto Kooxdana wey caadesatay, marka in La difaaco Diinta Alle, lagana joojiyo beenta ay ka sheegayaan Kitaabka Alle iyo Sunaha rasuulka N.N.K.H, waa wax waajib ku ah qof walboo Soomaaliyeed, gaar ahaana Ehlu Suna Waljameeca waxa ay u istaagay sidii hormuud ugu noqon lahayd arintaasi" Ayuu yiri Hadal hayeenka oo magaciisa ku sheegay Sheekh C/risaaq Cabdi Maxamuud. Afhayeenkan wuxuu ku hanjabay in ay dagaalo ka bilaabayaan goobaha ay awooda Milateri ku leedahay kooxda, wuxuuna sheegay in ay Alle ku xiran yihiin hadii ay yihiin Ehlu Suna Waljameeca, isagoo ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay ka dheeradaan waxyaabaha ay wadaan Kooxdan, oo uu sheegay in ay yihiin kuwa ka soo horjeeda diinteena Suuban iyo Sunaha Nabi Maxamed (N.N.K.H). Sarkaalkan wuxuu beeniyey in ay taageero ka heleen dhinacyada ka soo horjeeda Ururka Al- Shabaab, siiba dawladda Itoobiya oo ay ciidamo ka joogaan meelo ka mid ah deegaanada lugu dagaalamayo, wuxuuna sheegay in ay Itoobiya tahay dawlad caawineysa dawladda Faderaalka ee Soomaaliyed, wuxuuna si adag uga hor yimid in ay taageero Milateri ay ka heleen dawladda Itoobiya. Mar la weydiiyey sababaha keenay in ay waqtigan dagaalada bilaabaan, ayuu sheegay in ay mudo dheer wadeen dulqaad iyo wada hadalo ay la wadeen kooxdan uguna baaqayeen in ay beenta ka daayaan diinta Islaamka, balse ugu dambeyntii ay go'aansadeen in ay Kooxdan la dagaalamaan. Hanjabaada ka timid Ehlu Suna Waljameeca ayaa ah mid culus, waxa ayna dad badan cabsi ka qabaan in ay dagaalo ka bilowdaan deegaanada ay joogaan Kooxda Al- Shabaab, waxaana ka mid ah deegaanadaasi gobalada Jubooyinka oo ayaga dhawaan laga asaasay urur ka soo horjeeda Ururka Al- Shabaab. Al- Shabaab kama jawaabin Hanjabaadda culus ee ka timid, Kooxdan la dagaalantay shalay iyo maanta kana qabsatay labada Magaalo ee ugu muhiimsan degmooyinka uu ka kooban yahay gobalka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya, waxa ayna Al- Shabaab gobalkan ku leedahay cududa Milateri wuxuuna martigaliyey Saldhigyada Al- Shabaab, tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay Al- Shabaab ka goosteen Maxkamadihii awoodooda la wiiqay. F. C. Geylan AllPuntland
-
^You don't make sense, If you don't get the point, you can't make a point....
-
Guriceel oo saaka degan ka dib dagaalo lagu hoobtay oo shalay ka dhacay iyo milateriga Itoobiya oo dib uga laabtay duleedka degmadaasi Waxaa xaalad deggenaan ah laga dareemayaa xaaladda Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo shalay isku herdiyeen dagaal yahano kala taabacsan urur diimeedyada Al-shabaab iyo Ahlu sunna Wal-jameeca, inkastoo markii dambe ay gacan ku haynta degmadaasi ay la wareegeen Ahlu Sunna Wal-jameeca. waxaa magaalada Guriceel ku sugan dagaal yahano taabacsan urur diimeedka Ahlu Sunna Wal-jamaaca oo shalay gebi ahaanba la wareegay gacan ku haynta degmadaasi kaddib markii Xarakada Al-shabaab ay isaga baxeen magaaladaasi, waxaana iska hor imaadkaasi oo laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu sababay dhimashada in ka badan toban qofood oo ay ku jiraan dhinacyada dagaallamay iyo dhaawaca tiro intaasi badan oo la dhigay Isbitaalka Istarliin oo qeyb ka mid ah shalay madfac uu ku hubsaday. Qoysaskii shalay isaga barakacay magaalada ayaa saakay la arkayaa iyagoo si teel-teel ah ugu soo noqonaya degmada Guriceel, inkastoo weli laga dareemayo gudaha degmada saan-saanta ay reebeen dagaalladii shalay halkaasi ka dhacay, waxaana dadka qaarkood oo ka maqan magaalada ay sheegeen inay haddii ay noqdaan ay ka baqanayan in mar kale korkooda lagu dagaallamo. Dhinaca kale ciidamo Itoobiyaan ah oo shalay gelinkii dambe soo gaaray duleedka waqooyi ee degmada Guri-ceel oo aad ugu dhow goobtii uu shalay barqadii ka qarxay dagaalyahanada urur diimeedyada Al-shabaab iyo Ahlu-Sunna Waljameeca ayaa lagu soo warramayaa inay saakay dib uga gurteen, iyagoo ku laabtay degmada Balambal oo ay markii hore ka soo ruqaansadeen. Cabdishakuur Cilmi Xasan cabdishakuur48@live.com dayniilecom@hotmail.com deyniilenews@yahoo.com
-
^Nothing new like we all know, the clan is turning against and hunting down the youth, see whats happening in North Mudug, and all the activities and moves in Mogadishu and listen to Axmed Diiriye latest release.
-
^Adeer you supported Alshabaab because of your uncle Shangoole, he's been used and now he's no longer useful, dhagtaa ciida loo daray isaga iyo waxa lamidka ahba in Galinsoor, Cadaado and Dhuusamareeb, and soon in Mogadishu iyo agagaarkeeda ayaa la isku heli doonaa.... Ilaahay un dhimashada dadka masaakiinta ah hayayree, don't you read the news mase I shall paste again for you... Shabaabka oo cashar taariikhiya loogu dhigay Guriceel Guriceel 27 December 2008 Waagacusub Boqolaal ka tirsan Mujaahidiinta Ahlusunah Wal Jameeca ayaa dagaal qaraar kaga sifeeyay Magaalada Guriceel kooxaha Wahaabiyada Shabaabka Caalamiga ee Somalia,ka gadaal afar todobaad oo ay falal naxariis daraa ka wadeen gobolka Galgaduud. 13 ka tirsan Meydadka Shabaabka ayaa lagu jiid jiiday Guriceel,waxaana laga furtay Gawaari dagaal iyo saanad ay wateen. Shacabka Guriceel ayaa banaanbaxyo farxadeed isugu soo baxay Wadooyinka Magaalada waxayna ku dhawaaqayeen "Allaahu Akbar,allaa awood leh" Afhayeenka Ahlusunah Wal Jameeca ee gobolada Dhexe Sheekh Cabdi risaaq Ashcari oo la hadlay dadweynaha isu soo baxay ayaa khudbadiisa ku bilaabay. " Allaahu Akbar,Allaahu Akbar,Alla ayaa mahad oo dhan u sugnaatay daqiiqado kooban nooga guuleeyay Wahaabiyada,waxaana idiin sheegayaa inaan ka sifeeyn doono gobolka Galgaduud,waxaanu ku soconeynaa adkaarta alle,wuxuuna balankeenu yahay inaan bidcadda si wadajira ula galno Jihaad aan ka laabasho lahayn" Afhayeenka wuxuu Shacabka ka codsaday in Faataxada loo akhriyo Mujaahid kaga shahiiday Dagaalka iyo sedex kaga dhaawacmay . " Waxaanu Guriceel ka dhiseeynaa Maamul Islaamiya oo idinka alle gaarsiin doono guud ahaan Gobolka Galgaduud"ayuu yiri Sheekh Ashcari Sheekh Cabdi risaaq Ashcari wuxuu Warbaahinta Waagacusub u sheegay in dagaalka lagula jira Bidcadda uu yahay mid guud ahaan Somalia laga iclaamiyay oo ku dhisan Jihaad xaqa. Khudbadda Masuulka inta ay socotay ayey dadweyne careeysan deb ku bilaabeen Meydadka Maleeshiyadii laga laayay Shabaabiyiinta. Isu soo baxayaasha waxay ku dhawaaqayeen" Hala gubo baqtiga Wahaabiyada Shabaab" Kooxaha Wahaabiyada oo iska dhigi jiray Libaaxyo ayaa firxadkooda laga sheegay Beledweyne. Mujaahidiinta Ahlusunah waxay dagaalkooda u jiheeynayaan Magaaladda DhuusaMareeb si ay kaga saaraan haraadiga Wahaabiyada. Guriceel waloow dad tiro yar ka qaxeen hadana waxaa hareeysay farxad,waxaana dadka wajiyadooda laga dheehanayaa sida ay ugu faraxsan yihiin in degaanadooda laga eryo kooxahii xooga ku heystay ee Wahaabiyadda Shabaab. Kooxaha Shabaabka ee khabuuraha Culumadda fagtay,kuna shaqeeya fikirka Wahaabiyada Caalamka waxaa loo dhigay cashar taariikhiya . ALLAAHU AKBAR ,ALLAAHU AKBAR ,ALLAAHU AKBAR Mohamed Abdi Nur Guri Ceel ,Galgaduud.
-
Heh, Even Tarzan has to be presented as a member of Ahlu-Sunna , indeed he is, by the meaning of it In Mogadishu Ahlu-Sunna iyo Alshabaab ayay kadhaxbilaaban rabtaa, which Ahlu-Sunna is the new found name of the Sharifites...
-
Wafdigii uu hogamineyey SH Shariif Sh AXMED iyo culumada dariiqada xarakadda Ahlu Sunna Waljameeca kumo yeeshay maanta (daawo Sawirad) Qaar kamid ah culumada ahlu suna waljameeca oo salaam iyo booqasho ugu tagay Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Garabka Jabuuti, Sh Shariif Sh Axmed oo iminka dagan Hotelka Lafweynaha ee Magaalada Muqdisho Hoolka weyn ee kulanku ka socday ayaa waxaa soo buuxdhaafiyey xubno ka tirasan jameecada ahlu suna waljameeca oo aad looga yaqaan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba waxaana qadka talephonka qar ka mid ah isla jameecada Kulankan oo looga hadlayay xaaladda uu dalka marayo gaar ahaan dagaalada Labadii Maalmood ee aynu soo dhaafnay u dhaxeeyay kooxaha Diimeedka xarakadda Ahlu Sunna Waljameeca iyo Al Shabaab ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii xaaladda taagan loo xakameyn lahaa iyo sidii xarakadda Ahlu Sunna Waljameeca u taageeri lahayd dadaalka dib u heshiisiinta ee ka socda dalka Jabuuti. Sheekh C/llaahi Tawasul oo ka mid ah Dariiqada xarakadda Ahlu Sunna Waljameeca oo kulankaas ka hadlay ayaa waxaa uu yiri” sida idinka aad u taageersan tihiin ayaan anaguna u rabnaa ,waxaana ku taageernay nabada laba qodo oo kala ah in aad tiraahdaan shareecada islaamka dalka halagu xakumo iyo aad xabada joojisaan waana idinku tageeraynaa waxaad ku noqon kartaa sidaa dowlad cadilah” Isagoo ka hadlayay wararka sheegaya in degaano ka tirsan Jubbooyinka ay ka socdaan faaqida ama burburinta Qabuuro muddo fog halkaas ku yiilay ayaa waxa uu afhayeenka warkiisa ku bilaabay”Qaburaha la faagayo, meyd sanado duugnaa in aan waxba laga faaiidaynin waa la iska ogyahay ee waxaa la abuuryaa dagaal diinmeed ku salaysan oo ay isu bedesho wixii runta ahaa maadaama la ogyahay wadankaan dadka joogo %100 in ay muslin yihin”. Somaliya oo dhan meel ay joogaan murtadiin iyo gaalo ma jirto laakiin hada ayaa la abuurayaa urur diimeed ,Hadii aad dhawaaqeysaan cadaalad ku dhawaaqa .In la abuuro marxalad tii hore ka duwan oo ku dhisan caqiidada islaamka ayuu sii daba dhigay warkiisa Sh C/llaahi Tawaasul oo ku dheeraaday xaaladaha xilligan dalka ka taaqan. Sh Shariif Sh Axmed oo dhinaca fadhiyay Wadaadka kale Sh C/raxmaan Maxamud Faarax Jinniqow oo isna ka mid ah Culimada waa weyn ee Soomaaliya isla markaana xubin sare ka ah wafdiga Sh Shariif ayaa waxay ballan qaadeen xubnaha Isbaheysiga inay ka shaqeyn doonaan dib u hesiisiinta. “Waxan ka mahad celinaynaa booqashada iyo taageerada aan nagu taageerteen dadaalka dib u heshiisiinta,waxaan ku faraxsanahay booqashadan qiimaha leh ee aad noogu timaadeen,intaas kadib waxaan la og yahay in Diin Haddii la fidiyay waxaa soo bilaabay Culimada Suufiyiinta ah”ayuu yiri Sh Shariif Sh Axmed. Dhibka gaaray Culimada ma aha mid diimeed ee waa mid ka turjumaysaa Siyaasad,ayuu si kulul u yiri Sheekh Shariif oo intaas raaciyay inaan dadka lagu qasbin dagaal waayo ayuu yiri dagaala waa laga soo daalay,waxaase aaminsanahay in dadka qoorta loo geliyo dagaal”ayuu yiri Sh Shariif Sh Axmed oo hadaladiisa ka muuqdeen inuusan ku taageersanayn Xoogaga Al Shabaab dagaalka ay ku qaadeen xarakadda Ahlu Sunna Waljameeca. Amiirka ayaa isaga oo ka hadlayey kulanka maanta soo hadal qaaday ku dahqanka shareecada islaamka wuxuuna si cad u shegay in dadka intiisa badan ay afka ka sheegayaan in ay rabaan in lagu xakumo shareecada islaamka waxayna sameynayaan buu yiri wixii ay doonaan . Sh Shariif “Anagu waxaan xoojineynaa ku dhaqanka shareecada islaamka waana ilaalineynaa waxayna ku haboon tahay in dowlada amrkeedu uu fulo marka dowladii aan raadino diintana ha nagu dhaqdo “. Marka laga reeebo gudoomiyaha wafdiga sh shariif ayaa xubnaha waxay kala ahaayeen Sh Caraxman Maxamuud faarax Janaqow , Sh Axmed Cabulaahi Fanax ,Maxamuud Axmed Nur ( tarsan ) , Axmed Macalin Yuusuf ,Axmed Bile cabdi Gaboobe , Dr Maxamuud Cadow Ibraahiim, Sh Adan Cilmi Cumar, Sh cabdulaahi Mad Mad , Sh Xasan Xuseen Cusman ( Qoryooley ) , iyo kuwo kale oo qaarkood fadhiga ka maqnaayeen . Muuse Maxamuud Jiisow musejisow@hotmail.com Muqdisho Bakaaro Somalia 00252-1-5576666 00252-50-907666
-
^Waa Milishaya beeleeda dagan, gobolkaas, adeer awalba Alshabaabka dan baa lagu watay hadana marki lagu dangaaray iyaga aan qaqabano ayaa kadhacday, wakaa dee 2 days lagu faraxashay...