Emperor

Nomads
  • Content Count

    4,044
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Emperor

  1. ^Adeer in lagaa shisheeyo ama lagaa sokeeyo waxaa cadaynaysa inaadan fahminba shishaynta iyo sokeynta laga hadlaayo, Haha As for your accusation of reer Puntland, I think your history is a little bit distorted, in the past 20 years it has been Mogadishu that was the problem, and they have actually run for every presidential post and took it to a failure untill President Yusuf run for it in 2004... And before that although Puntland hadn't declared to be a republic of its own like SL, they have seeked an autonomous local Administration, have kept the peace agreements with their Somali brethren in the South of Mudug and never ever tried to attack anyone or control other people's lands like SL. During the Aideed, Ali Mahdi and A. Qasims so called Somali governments, Puntland neither attacked and fought against them nor supported, they have stayed on their own as indepedant autonomous Somali state and concentrated on their own regional development... After 2004, President Yusuf was elected, and have made every effort and used all the resources of Puntland to create a viable government, his government couldn't succeed because of many reasons including clanish opposition and religious fanatics... despite all his money spent, effort and Puntland boys in the south, and despite the fact he was mainly opposed to and disagreed within his own government thanks to the clanish folks of Nur Ade and Ahmed Abdi Salaan, the President willingly and peacefully resigned to give peace a chance... I am sure if this was done any other politician from Mogadishu or Hargeisa, he would have been hailed and elavated to a hero status, loo qirimaayo waa AY oo reer The Frm President now in Yemen, as an individual who doesn't speak for any entity because he doesn't hold a post or runs any office supported the new President.... on the other hand President Faroole has a responsibility and speaks for all of Puntland thus needs to make sure and carefully decide as to why support President Shariif in relation to Puntland benefit as the head of the state... His Administration have decided to stay tune, neither fight nor support or contribute to Shariif's Ahmed government but instead concentrate on their local progress, so whats wrong with that Mr AT? I see it as a noble move... I commend and welcome both President Yusuf's support for the new Somali leader as the former Somali President who peacefully resigned, and that withheld status and thereof intelligently 'not rushing with the support' of President Faroole as the head of Puntland state....
  2. Taliyaha ciidamada daraawiishta Puntland oo la magacaabay Monday, February 2nd, 2009 at 9:30 am Horseed Media Garowe ciidamada_puntlandMadaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa magacaabay taliyaha ciidamada daraawiishta ee Puntland. Qoraalkii lagu magacaabay taliyaha oo nuqul ka mid ah Horseed Media loo soo gudbiyay ayaa lagu sheegay in si kmg ah xilkaasi loogu magacaabay G.Sare Siciid Axmed Maxamed (Shoodhe). Sida ku xusan qoraalka lagu magacaabay taliyaha waxa uu madaxweynuhu eegay habacsanaanta ka jirta ciidamada daraawiishta, markii uu tixgeliyay talo soo jeedin uga timid madaxweyne ku xigeenka iyo waxgarad iyo siyaasiinta. Waxaa horey xilkaasi u hayay G.Sare C/risaaq Shiikh Cismaan Cali Baadiye oo xilka looga qaaday ka dib markii uu gudan waayay xilkiisa, sida ku xusan qoraalka. Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland waxa uu waday habeynta ciidamada iyo dib u dhiskooda. Waxa uu dhowaan la hadlay ciidamadii dowladda federaalka ee Puntland ka soo jeeday kuwaasoo dhowaan dib ugu soo laabtay magaalada Garowe kadib markii uu xilka iska casilay madaxweynihii hore ee federaalka C/laahi Yuusuf Axmed. FINLAND Horseed Media
  3. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo sheegay in uu Shekh Shariif la shaqeynayo. Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa shaaca ka qaaday in uu si weyn ula shaqeynayo madaxweynaha la doortay ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa shaaca ka qaaday in uu si weyn ula shaqeynayo madaxweynaha la doortay ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Kadib kulan uu magaalada Sanca ee dalka Yemen kula yeeshay madaxweynaha dalka Yemen cali Cabdala Saalix ayaa madaxweynihii hore waxaa uu shegay in ay ka go’antahay wax kasta oo karaankiisa ah in uu ku caawiyo madaxweynaha cusub ee dalku yeeshay. “Wax kasta oo taageero ah ayaan la garab istaagayaa madaxweynaha la doortay,shaqsi ahaana si cad ayaan u taageersanahay”ayuu madaweynihii hore ka sheegay kulanka uu la yeeshay madaxweyne cabdalaha dalka Yemen. Waxaa uu cabdulaahi Yusuuf ugu baaqay beesha caalamka in ay la soo deg degto taageero dhan kastaba leh oo ay la garab istaagto xukuumada cusub ee Soomaaliya si looga bad baadiyo in ay dhaqaaqi weyso. Habeen hore ayay ahayd markii madaxweynahan hore wareysi uu siiyay AL carabia uu ku sheegay in Sheekh sharif ay horyaalaan caqabado badan oo ay ka mid yihiin ururada argagixisada ah ee magaca diinta ku qaraabta kuwaas oo uu sheegay in ay dalka kusoo qul quliyeen ajaanib farabadan oo dantoodu tahay in Soomaaliya aanay dowlad yeelan si dalku uu ugusii ahaado meel ay ku dhuumaaleysan karaan. Carmooyin.com news desk
  4. ^AT, Adiga you have a little bit for reer Puntland and your signs are far too clear... Markaa halkaa kawad balse ogow waa lagaa Shisheeyaa waana lagaa sokeeyaa adeer Nuune Awowe Faroole have done nothing wrong, he's made clear to the UN in a letter regarding the Djibouti process and that if Puntland does not get their expected due of that process will not support it, and he's only sticking to his decision as the President of that State. What's wrong with that? Puntland as an autonomous region in the country can't reach its own decision miyaa? Somaliland-ba yaa wax kasheegaa waa iyagaa waxay doonaan dhehee... Viva President Faroole, Puntland should concentrate on local issues...
  5. NG, I have no idea, but I think Faroole isn't an easy man, he's far too strong, firm but balanced than Yusuf. He knows what his Puntland is capable of and thus asks the new President to do all the walk before Faroole rushes into some sort a nervious agreement like a little boy... you get the drift old man... Somalia is in taters and hence its Somalia (meaning the South) that needs Puntland and not vice versa... Puntland have spent blood and money in the past four years, I am sure they don't want to go through that route again but Shariif Ahmed wants that not stop, waa intaas un, other than I don't think Faroole has any personal grudge for the new President...
  6. In summary, Shariif Ahmed have embarked on his greatest tactic to neutralise and reduce all opposition against his incoming government. He made a telephone conversation with the President of Puntland to receive an official invitation for a visit to Garowe as his first entry point to Somalia as Somali President, and also have asked for the same support Puntland offered to the fmr President Yey. President Faroorle have categorically rejected all requests on the grounds that his earlier opposition against the Djibouti process still stands true, and nothing have substansially changed since.... Sheikh Shariif is doing good, but needs to do better to get the confidence and the support of Puntland Administration.
  7. Madaxwynaha Somalia Sheekh Shariif oo xiriir xaga Talefoonka ah la sameeyay Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole. Axad 01. 02. 2009 (allidamaale) Warar aanu ka helay Masuuliyiin aad ugu dhaw Madaxwaynaha Cusub ee Somaaliya Sheekh Shariif ayaa ku waramaya in Xiriir dhanka Isgaarsiinta ah oo uu la sameeyay Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole uu kala kulmay weji gabax, Sheekh Shariif ayaa la sheegayaa in uu ka codsaday Madaxwanaha Puntland in uu Safar ugu tago Magaalada Garoowe isla mar ahaantaana ay sameeyaan isu soo dhawaansho labada dhinac ah, Diidmadan uu Maamulka Puntland ku qaadacay in wax taageero ah la garab istaago Hogaanka Shariifka ayaa wuxuu noqonayaa guuldaradii ugu horaysay ee Shariifku la kulmo.waxaana muuqata in Madaxwanaha Puntland Dr. Faroole uu ku adkaysanayo go,aankiisii hore ee ahaa in aanu aqoonsan doonin waxa ka soo baxa Shirka Jabuuti. Sheekha ayaa waxa hortaagan marxalado adag isaga oo Maamulada dalka ka jira sida Puntland iyo Somaaliland ka haysan kalsooni isla mar ahaantaana Gobalada Koonfurtu ay gacanta ugu jiraan Kooxada mayalka adag ee Al Shabaan ayaa waxa aan la garanayn halka uu gayn doono Golaha Dawlada uu dhiso iyo midka Baarlamanka ee faraha badan. News Center DO-News Allidamaale kalasoco warar xaqiiqada kusaleeysan Allidamaale@hotmail.com Xaafiiska Waraqabadka Allidamaale.com Allidamaale.com
  8. Nuune Lool, Of course the old lives in the Presidential palace compound of the great republic of Yemen...
  9. C/laahi Yuusuf: Waan caawin doonaa madaxweyne Shariif Monday, February 2nd, 2009 at 8:52 am Horseed Media Sanca abdulahi_ysuMadaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed oo ku sugan magaalada Sanca ee dalka Yemen ayaa sheegay inuu caawin doono madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Hadalkan waxaa soo tebisay wakaaladda wararka ee dalka Yemen ee Saba oo ka soo xigatay saraakiil sarsare ee dowladda Yemen. Mudane C/laahi Yuusuf Axmed wuxuu sheegay inuu gacan ka siin doono sidii guud ahaan dalka Soomaaliya loogu soo dabaali lahaa nabad dibna loogu soo celin lahaa midnimada dalka. Hadalkan ayuu mudane Yuusuf ka sheegay kulan ay si wadajir ah u yeesheen isaga iyo madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax. Madaxweyne Saalax iyo C/laahi Yuusuf waxay ka wadahadleen arrimaha dalka Soomaaliya iyo sidii gacan looga geysan lahaa isbedelka maamul ee dalka ka hirgalay. Madaxweynaha Yemen waxa uu beesha Caalamka ka codsaday inay ka dhabeyso wax qabadkii ay u ballan qaaday Soomaaliya si uu dalku dib ugu dhismo cagihiisana isku taago. Waa kulankii ugu horeeyay ee si rasmi ah loo shaaciyay ee ay wadayeesheen madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax tan iyo markii Yuusuf xilka Soomaaliya isaga tegay. Mudane C/laahi Yuusuf Axmed waxa uu dalka Yemen tegay ka dib markii ay dowladda Yemen u fidisay deganaansho iyo inuu ku nasto ka dib markii uu xafiiska madaxtinimada uu iska casilay 29-kii December. FINLAND Horseed Media
  10. Somalia Ex-Somali leader advises Sh. Sharif to confront Al Shabaab 1 Feb 1, 2009 - 8:37:36 AM SANA’A, Yemen Feb 1 (Garowe Online) - Somalia's former leader has advised the incoming president to confront anti-peace groups, namely Al Shabaab hardliners, Radio Garowe reports. Col. Abdullahi Yusuf resigned as Somalia's interim president in December, after four years in power that saw the rise of the country's Islamic Courts movement. Col. Abdullahi Yusuf, ex-Somali President In a Sunday interview with Al Arabiya, ex-President Yusuf said "many problems" face the new administration, led by a former Islamic Courts chief, Sheikh Sharif Ahmed. "Al Shabaab is a group that is against peace in Somalia and therefore is the number one problem facing Sheikh Sharif," the former president noted. Yusuf described Al Shabaab, a breakaway faction of the Islamic Courts, as a "terrorist group," while suggesting that the especially insurgents are strong in the capital, Mogadishu. When asked if he retired from politics, Yusuf said: "If Al Shabaab attempts to attack Puntland, I will return to the country and I promise to eradicate them." Yusuf hails from the Puntland region, in northeastern Somalia. He made no mention of new Puntland leader Dr. Abdirahman Farole's refusal to recognize Sheikh Sharif as Somali president. Source: Garowe Online
  11. Sanca: Madaxweynaha Yeman iyo Cabdullaahi Yuusuf oo kulan dhex maray (Sheekh Shariif oo ay taageero u muujiyeen) 2. Februar 2009 Sanca(AllPuntland)- Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa magaalada Sanca ee dalka Yeman kulan kula yeeshay Cali Cabdalla Saalax oo ah Madaxweynaha dalka Yeman. Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax ayaa waxaa uu kala hadlay Cabdullaahi Yuusuf arrimaha dalka Soomaaliya iyo doorashadii dhawaan ka dhacday dalka Jibouti ee lagu doortay Sheekh Shariif Sheekh axmed, wuxuuna sheegay Cabdullaahi Yuuusuf Axmed in Madaxweynaha cusub uu u hambalyeynayo isla markaana ay horyaalaan howlo fara badan oo u baahan wax ka qabasho. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ayaa ka codsaday beesha caalamka in ay taageero siiso xukuumadda cusub ee Soomaaliya si howlaheeda u guda gasho una dhameystirto dhismaha hey’addaha dowliga ah.wuxuu kaloo uu sheegay Cabdullaahi Yuusuf in dowladda cusub ay sugeyso in dalka ay ku soo dabaasho amni iyo kala danbeyn. Waxaa isna dhankiisa ka taageeray Madaxweynaha cusub ee Yeman Cali Cabdalla Saalax oo sheegay in Dowladdiisa ay soo dhoweyneyso isla markaana ay xoojineyso taageerada doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya. Waxaa uu u rajeeyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya inuu dalka ku soo celiyo nidaam iyo maamul wanaagsan oo shacabka ka horumariya dhinac walba. Md. Cabdullaahi Yuusuf ayaa horay u sheegay in Madaxweynaha cusub ee lagu doortay Jabiouti dowladda uu hoggaaminayo aysan wax macno ah soo kordhineyn. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland. Related Articles Ku Laabo Bogga Hore ee AllPuntland.com|
  12. ^You searched to revive this one year old topic back to live, and what for If I may ask Mr Wayfarer... Of course we know, Yey has resigned and is long gone, other than that nothing significant...
  13. Mag. Boosaaso oo laga soo dhaweeyay Sh. Shariif >Bosaso, Somaliya (Calanka.com) 31-Janaayo-09 Magaalada Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland ayaa laga soo dhaweeyay doorashada xalay loo doortay madaxweynaha Somaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed kaasoo mudo laba sanadood ah hogaamin doona dowladda midnimada qaran. Shacabka reer Boosaaso oo badankood xalay si toos ah ula socday doorashada islamarkaana ku dhafray ayaa dareemo kala duwan ka muujiyay doorashada Shariif Sh. Axmed ee xilka m/weyne iyagoo inta badan soo dhaweeynayay. Mid ka mid ah dhalinyaradii xalay ku dhafray daawashada doorashada ayaa sabakadda Calanka.com u sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay shakhsiga la dooraty oo uu ku sheegay min u qalma waqti xaadirkan. "Waxaan u arkaan Sheekh Shariif nin umaddan samatabixin kara, sababtoo ah waa nin kalsooni ka haysta Somalida inteeda badan oo da`yar ah, waxaana ilaahay uga baryayaa in uu ku garab galo", ayuu yiri wiilkan da`da yar oo magaciisa kusoo koobay Liibaan. Dhanka kale ma jiraan ilaa iyo iminka waxa dibadbaxyo ah oo laga dhigay deegaanada Puntland oo ku aadan doorashada Sheekh Shariif marka laga reebo in ey dadka si qalbiyan ah ey u taageersan yihiin. Wax war ah oo wali kasoo baxay maamulka Puntland oo ku aadan doorashada madaxweynaha cusub ee Somaliya ma jiraan. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda
  14. Dareenka shacabka Puntland & guusha Sh. Shariif >Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 31-Janaayo-09 Xalay dadweynaha ku nool magaalooyinka waaweyn ee Puntland waxay u aheyd habeen farxadeed, goobaha lagu shaaho iyo makhaayadaha waaweyn ayaa waxay si toos ah ugu daawanayeen coddeynta doorashada Madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya, waxayna dadka intiisa badan ay carabka ku hayeen in uu guuleysan doono Sheekh Shariif Sh. Axmed, hase ahaatee markii wareega labaad ay isku soo hareen Maslax Maxamed Siyaad iyo Sheekh Shariif ayaa in badan ay shaki geliyeen guushii ay markii hore maskaxda ku hayeen, walow markii danbe ay rumowday guushii ay horay u saadaaliyeen. Magaalada Boosaaso oo caadiyan habeenkii markii la gaaro 10:00 fiidnimo qof walba gurigiisa uu tago, ayaa xalay ka duwaneyd, waxaana jirta in xiliyada habeen ciidamo roondo ah iyo k uwa wadooyinka gaadiidka ku joojiya lana hubiyo ujeedada socdaalkooda iyo baaritaan lagu sameeyo ayaan xalay aysan dadka ka baqin roondada ciidamada sameynayey, waxayna dhoobnaayeen goobaha lagu shaaho ee laga daawado Telefishinada afka Soomaaliga ku baxo, waxayna xalay dadkaasi si toos ula socdeen TV-ga RTD ee dalka Jibouti oo si toos ah looga soo tabinayey doorashada ka dhaceysay guriga Umada dalka Jiboui. Sawaxanka iyo buuqa dadkaasi ayaa xaafadaha laga maqlayey, waxayna mar walba ay ku dhawaaqayeen erayo farxadeed marka lagu dhawaaqo codka Shariif Sh. Axmed, halka ay ku xigeen Nuur Cadde iyo Maslax ay yaraayeen tirada dadka taageerayey. Dadka aan u suuragelin in ay soo fariistaan goobaha bananaan ee wadooyinka ku yaal ayaa waxay kala socdeen Idaacaddaha Maxaliga ah ee ka howlgala Boosaaso iyo Garoowe, waxayna dadkaasi ay aad ula dhacsanaayeen qaabka ay u socotay doorashada iyo nidaamka loo soo abaabulay. Saakay qof walba waxaa uu midka kale ugu hambalyeynayey guusha Sheekh Shariif Sh. Axmed oo ay u arkaan in dhibaatada ka jirta Koonfurta Soomaaliya in uu xal u heli karo, inkastoo dadka qaarkiis ay kuu sheegayaan in inta badan kooxaha dagaalka ku jira qaarkood uu Shariifka gacanta ku dhigi karo marka laga reebo Ururka mayalka adag ee Al-Shabaab oo aan waxba qaadaneyn. Arinta taagan ayaa ah maadaama shacabka ay muujiyeen taageero aan hagar laheyn, qaabka uu Madaxweyne Shariif Sh. Axmed ula macaamili karo Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, oo ka soo horjeedo qaabka uu u qeybiyay xubnaha Isbaheysiga tirada ku soo aaday Puntland, taasoo uu dhaliilay Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole. Marka laga hadlayo Jabhadaha hubeysan ee ka dagaalama Koonfurta dalka Soomaaliya xaqiiqda waa ururo ka farcamay Midowgii Maxkamadihii ee uu hoggaamin jiray Sheekh Shariif, laakiin haatan awooda ay leeyihiin aan la dhayalsan karin, laakiin waxaa hubaal ah in Madaxweynaha uu qaar ka mid ah ururadaasi meel isugu keeni karo. Cali Muxiyaddiin Cali muxiyaddiin@hotmail.com Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda
  15. Walaal, all I was saying is that, nimanka uu culumada umalaynaayo Sheikh Umal uu isleeyahay diinta bay kudhaqmayaan, waa niman siyaasad doon ah ee diin shuqul kuma lahan - that was the only point I was making.
  16. Not a big deal, the President is going to attend the AU meeting, nothing special.
  17. Well, if the 4.5 bulshit doesn't matter then I would pick Prof Talxa, he's more than capable and better than all the Somali politicians I know...
  18. Masha'alah this is a great point that Sheikh Umal is making, however I believe Sheikh Umal have pressumed before like many others that Sheikh Shariif was leading the UIC and other organisation with 'religious' title's to introduce Sharia law and rule Somalia by it... that was the mistake, we have said it many times, Sheikh Shariif and his group were in it not because of Diinta in la isku dhaqo waaye but for power and politics.... simple as that...
  19. Lool @ Maslax's PM position will be according to the 4.5 .... Even Silaanyo's will be according to the formula
  20. Naqdintu soo bixin okaa, Hassan Daahir miyuu xalay oo dhan soo jeeday dhaawanayay isagana, Lool, miskiin dheh... TV lee kadaawo adeer, hurdo la'aanna yaysan kugu dhicin.
  21. Waar hadaan hurdo kasoo kacayee, soo Sheikh Shariif mabadinna? Waa wax la ogaa weeye, Somalidu waxay kumaah-maahdaa, War laqabaa Xiiso maleh Congrats to President Ahmed, now lets drop the Sheikh Shariif bit of the name, that would look like a fake President, only President Ahmed will do... I hope the new President succeeds in the hard task aheads of him and finally peace to prevail in my homeland.... Let's all pray Insha'alah.
  22. Its Maslax Maxamed Siad Barre Vs Sheikh Shariif Last round Waar anigu I can't wait, this is gona take long time, waan iska seexan, I will know the results tomorrow Insha'alaah.
  23. Well done, Inna Siyaad Baree, he's beaten Nuur Cadde, alla haduu caawa win gareeyo maxaa kafiicnaan lahaa.... Maslax Maxamed Siyaad Go go
  24. Well done, Inna Siyaad Baree, he's beaten Nuur Cadde, alla haduu caawa win gareeyo maxaa kafiicnaan lahaa.... Maslax Maxamed Siyaad Go go
  25. ^Yep, you are right, I think too Edson is from Puntland...