Emperor
Nomads-
Content Count
4,044 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Emperor
-
LST, yep you may be correct, if it is indeed Said Abdulahi Deer and not Deni, then he is a very well known chap... Both Duke and Sophist know him too, he's an excellent communicator and a religious fella...
-
Do I know, ninyaho, go and make few phone calls... Besides you dismissed my breaking news of the Prof. from Tunisia
-
^No I don't know, but I have a feeling he's the best choice, they said he's Al-Islaax, the first religiuosly describted man from that part of the world, so I think he may fit well with Shariif Ahmed and Mr Gulleh of Djibouti's Al-Islaax team...
-
Ganacsade Siciid C/llaahi Deni oo isagu ka mid ah saraakiisha ugu sareysa ee shirkadda ganacsiga ee Towfiiq oo si weyn looga yaqaano gobolada Koofurta, sidoo kalena ka mid ahaa ururkii Al Islaax ayaa si gaar ah loo hadal hayay maalmihii ugu dambeeyey iyadoo lagu xamanayay inuu kalsooni buuxda ka heysto madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Mr. Faroole, halka sidoo kalena uu kalsooni ka heysto ganacsatada reer Muqdisho oo iyagu muddo ay soo wada shaqeyn jireen, lana dhacsan yihiin qaab dhaqankiisa iyo siyaasadihiisa.
-
Xubno la hadal hayay in loo wado ra’iisal wasaare-nimada oo iska waayay liiska iyo madaxweynaha oo guda galay kulamo saacad saacad ah oo uu la qaadanayo xubno la xulay(xubno cusub oo ku soo biiray fagaaraha tartanka) Madaxweynaha dalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa guda galay kulamo saacad saacad ah oo uu la qaadanayo musharaxiinta jagada ra’iisal wasaaraha ee la filayo in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo Madaxweyne Shariif, waxaana xubnahaan oo ay tiradoodu gaareyso 10 la sheegayaa in qaarkood uu la kulmay qaarna ay weli harsan yihiin. Kulanka Madaxweynaha iyo xubnahan isu soo sharaxay jagada ra’iisal wasaare-nimada ayaa lagu sheegay inuu yahay mid kala war qaadasho iyo qiimeyn ah, waxaana madaxweynuhu uu mid kastaba wareysi kooban kala yeelanayaa ajandayaashiisa siyaasadeed, isagoo sidoo kalena u kuur galaya qaab dhaqankiisa, maadaama la filayo in madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaruhu ay noqdaan kuwo isku ujeedo ka ah siyaasadaha dalka si looga feejignaado khilaafaadkii ragaadiyay dowladihii ka horeeyey mida haatan la dhisay ee Midnimada Qaran. Saacadii ugu horeysay ee galabta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 11.02.09 ayaa waxa uu kulan la qaatay madaxweyne Shariif ra’iisal wasaarihii hore ee dowladdii TNG-da Dr. Cali Khaliif Galeyr, waxaana la sheegay in madaxweynaha uu su’aalo dhowr ah ka weydiiayay ujeedooyinkiisa siyaasadeed ee xukuumada mustaqbalka dhow. Sidoo kale, xubno si weyn loo hadal hayay inay ugu dhow dhowyihiin qabashada xilka ra’iisal wasaaraha ayaa galabta laga reebay Liiska dadka uu qaabilayo madaxweynen Shariif Sheekh, waxaana ka mid ah xubnahaasi laga tegay Maslax Max’ed Siyaad, C/rashiid Cirro, C/risaaq Jurile iyo Max’ed Cabdi Yuusuf oo iyagu berryihii ugu dambeeyey ku jiray olole ay ku doonayaan jagadan ra’iisal wasaaraha. Sidoo kale, xubnaha aan hore loo sii saadaalin inay ku jiraan liiska dadka u sharaxan jagadan ra’iisal wasaaraha amaba aanan lagu tiring jirin inay ugu dhow dhow yihiin ee galabta madaxweynuhu qaabilayo ayaa waxaa ka mid ah Siciid C/llaahi oo loo yaqaano (Deeni) oo isagu ka mid ah ganacsatada sida weyn looga yaqaano Puntland, Max’ed Cusmaan Aadan (Edsan) oo isagu ka mid ahaa musharaxiintii jagada madaxweyne-nimada, wiilka uu dhalay ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, Nuur-diin Diiriye oo isaguna ka mid ahaa musharaxiintii jagada madaxweyne-nimada maamul goboleedka Puntland, Cali Cabdi Awaare oo ahaan jiray wasiir ka tirsan Puntland, ahna maamulaha idaacadda iyo TV-ga SBC iyo xubno kale oo ka socda dhanka bulshada Rayidka qaarkoodna ay la shaqeyn jireen hay’addaha Qaramada midoobay. Ganacsade Siciid C/llaahi Deni oo isagu ka mid ah saraakiisha ugu sareysa ee shirkadda ganacsiga ee Towfiiq oo si weyn looga yaqaano gobolada Koofurta, sidoo kalena ka mid ahaa ururkii Al Islaax ayaa si gaar ah loo hadal hayay maalmihii ugu dambeeyey iyadoo lagu xamanayay inuu kalsooni buuxda ka heysto madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Mr. Faroole, halka sidoo kalena uu kalsooni ka heysto ganacsatada reer Muqdisho oo iyagu muddo ay soo wada shaqeyn jireen, lana dhacsan yihiin qaab dhaqankiisa iyo siyaasadihiisa. Sidoo kale, waxaa jira xubno ka tirsan baarlamaanka cusub oo iyagu uga digay madaxweynaha in loo magacaabo ra’iisal wasaare Mr. Deni, sababtoo ah bey yiraahdeen wuxuu ka mid ahaa xubnihii diidanaa qadiyadii maxkamadihii Islaamiga iyo Jihaadkii ka dhanka ahaa ciidamadii Xabashida ee iyagu mudada labada sano ah halaaga ka waday gudaha dalka Soomaaliya. Ugu dambeyntiina madaxweynaha ayaa la filayaa in 24-ka saac ee soo socota uu ku dhawaaqo shaqsiga noqonaya ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, maadaama uu isaguba shalay ka dhawaajiyay in sida ugu dhaqsaha badan uu u magacaabayo. Garaad Salaad Xirsi E-mail: garaadcadde@hotmail.com Cabdiraxmaan Macalin Xuseen Mamaan82@hotmail.com Tafatiraha Wabka Dayniile.com
-
^Adeer keep talking, you are un-important, your Son Maslax was used to legitimise Shariif Ahmed's presidency... Lool @ we'll see, is that a threat?
-
Said Abdulahi Deni is the latest name and the main front runner, a big businessman in both Puntland and Magadishu....
-
^I support Mr Deni, waa mid cusub
-
^For what? the PM position? Horta aaway warqadi reference-ka ahayd ma ii qortayna? I though you said anaa tazkiyada kaa dhiibaaya LOol
-
Yacquub if he runs the show on his own, they will start calling him a dictator and a totalitarian, they will start filling the AK47 with tareeso, Markaa odaga qar haka ridin haduu PM magacaabisti lee madax laxanuunayee of the fear that some people may get offended for naming a PM from a clan thats not theirs...
-
^Indeed, we shall see, Insha'alah
-
^Sophist Jangeli is not on the list, he was on the same team or group as Nur Ade, too bad they lost, he would have been a front runner should Nur have won the presidency... Suffice to say that we knew the result of the election way ahead of time and that no way was Nur going to win, for that I think Jengali made a miscalculation....
-
^They did, well if you aren't aware of that, you can ask anyone in SOL or research for past news reports... Faroole has made it clear, no one from that government will set a foot in Puntland, that means even if the PM selected in of reer Puntland he will go to jail should he dare visit there, exactly the same as the TNG's Arta... Xiinow, what can he say about Puntland apart from a fool cry, ati Puntland baa waxay dhaheen waan go'aynaa hadaan nalasiin PM, Loool war isagu ma Afka reer Puntland buu kuhadlaa... Imisa reer Putland MP ayaa meesha joogta oo waxay doonaan kasheegi kara Hiiraan ama Gedo
-
Horn, I know who Cosoble is, an MP of the Hiiran clan... and that's about, what he says about Puntland could be false or true, my point is what evidence does he have that Puntland MPs have said such things... clearly this is not a press release from MPs of reer Puntland, like your clan did in Djibouti... Mideeda kale, isn't this a contradition when Puntland Admin made it clear that they don't recognize and support the new Somali government, so how can they possibly say now that if they don't get the PM will secede? Doesn't make sense, its just another desperate attack when Shariif Ahmed made it clear, and disregards all the important contenders except Puntlanders....
-
Horn what is with you, AT and Allamagan, waxaas ma cuqdad bay idinka tahay.... and Who is Cosoble, how can he speak for reer Puntland! At the begining I thought it was an MP from Puntland who actually said that... war ninkaa beentiisa meesha kala taga ama wax adag keen ee isku xishooda... Marki Muse Suudi ayaan moodayba, his accusation is baseless and what evidence do you have that it is correct, Adeer its Sheikh Shariif that decided and strongly opted to select, none other than and only a politician from Puntland, intaasaa adiga iyo Somalida kale madaxa xanuujisay Horn, its reer Gedo's clans men that are clearly cyring and lobbying for this postion, reer Puntland iyagaa sanka laga soo galinayaa mooye maba rabaan... If Puntland ay go'ayso iyo hadii kale its entirely another story and their own business. If Gedo and AT's clans men aren't important and have no influence over the Somali issue as the case proves to be, its their problem. Clearly Sheikh Shariif Ahme have made it apparent, that this position will go to reer Puntland despite their oppostions, it only shows that Puntland is a power house, Lol Read the report below: ----------------------------------- Jabuuti: " Madaxweyne Shariif mowjado Siyaasadeed ayuu ku jiraa soo xulida Raysalwasaaraha waxa ay nagu noqotay Arin culus" Sarkaal ka tirsan Xaafiiska Madaxweynaha Soomaaliya. 11. februar 2009 Jabuuti(AllPuntland)- Wakaaladaha Wararka Aduunka ayaa maanta faafiyay wararka sheegaya in uu culeys culus maanta dul istaagay Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Shariif Sheekh Axmed, wuxuuna culeysan yimid markii uu Madaxweyne Shariif usheegay Beelaha kala duwan ee doonaya in loo magacaabo Xilka Raysalwasaare-nimada in uu go'aankiisu mid yahay, Ninka uu kadhigayo Raysalwasaaraha uu noqonayo nin ka soo jeeda gobalada Puntland. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo kala jeeda gobalada dalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu Madaxweyne Shariif, uu latashiyo la yeeshay ayna ugudbiyeen qofka ugu bahoon ee wax ka qaban kara xaalada Soomaaliya, isla markaasa waxa ay sheegeen in uu Madaxweynuhu ka gudoomay bayaanadooda ama codsiyadooda. Sarkaal sare oo ka tirsan Xaafiiska Madaxweynaha lana hadlay AllPuntland ayaa usheegay in uu Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed maanta la kulmay Mudanayaasha barlamaanka Soomaaliya qaar ka mid ah, uuna kala hadlay cida ugu haboon ee buuxin karta Jagada Raysalwasaare-nimada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Masuulkan wuxuu sheegay in ay Madaxweynaha cadaadisyo fara badan uga imaanayaan Beelaha Soomaalida, wuxuuna si toos ah usheegay in Madaxweyne Shariif xalay uu usheegay Mudanayaal baarlamaan in uu jagada Raysalwasaare-nimo siinayo Siyaasi ka soo jeeda gobalada Puntland, maadaama ay Puntland ay tahay Maamul dhisan ayna ku nool yihiin dad badan oo leh Shacbiyadooda ama go'aankooda gaarka ah. Wixii ka dambeeyey markii uu soo baxay go'aankaasi Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulamo ku yeeshay Magaalada Jabuuti, kuwasoo ay kaga arinsanayeen xaalada ay kala kulmeen Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, maadama ay horay udoonayeen in Siyaasi ka soo jeeda Beelahooda loo dhiibo xilka Raysalwasaaraha. " Madaxweyne Shariif waxaa saaran cadaadis uga imaanayo Beelaha kala duwan ee Sooomaaliya, siiba Beesha *******, waxaana Madaxweynuhu saacadaha nagu soo aadan uu sheegayaa Magaca raysalwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, isla markaasna wuxuu uduuli doonaa dalal aad ogaan doontaan markaas" Ayuu yiri Masuul ka tirsan Xaafiiska Madaxweynaha. F. C. Geylan AllPuntland
-
^ @ Mogadishu slang
-
A Somali Prof who teaches Darasatul Culyaa in one of the most prestigious institutions of Tunisia... And what do you mean who? Ma reerkiisaad iwadiisayna, dee yaa kale ma cid af carbeedka sidaa ugu hadli karta oo kalaa jirta
-
^LOoooooooooooool, dee waa Maandeeq nin gayaa haguursado... In this case and according to Shankaroon's Vice President Ahmed Yasin, Sheikh Shariif is the right man for the former Somali republic including Somaliland, he can be the husband.
-
^Saaxib waan idiin sheegay, meesha aan isgayno, walle walle, walibana Shariifka wax kafudud malahan waxaaba iska suurtagal inuu kugula dul kufo ileen isageebay bahashu filinwaa kunoqotay kadayrin maayo marka... Odaga waxaa layiri markuu Hotelka tagay ayuu Muraayada isku fiiriyay oo misana is eegay hadana iswadiiyay 'Ma aniga? aryaa anigaa, Madaxwayne aa, SOMALIA Madaxwayneheeda, haa waa aniga' At this rate expect anything, SOL waa inaan cid dirsanaa, Juje iyo Duke dagaal iyo xiiq bay kujiraayaan laakiin nin wax soo dhici karaase loo baahan yahay, nuune adigay ishaaradu kuqabatay, Lol
-
^Update us on the issue or confuse us even more... Horta what happened to that Somali Prof. from Tunisia, I heard he's getting the post, any up dates of his chances as the next PM of Somalia...
-
^Are you sure, say Walahi , war hanaga nixin ninyaho Cirro ayaan islahaynee Reer Gedo are doing great job, they need to put pressure on Shariif Ahmed, this will guarantee that even if they don't get the PM, good and quite important cabinet post are in order, ready for them to milk...
-
^LOool, Yes my dear we need to send a rescue brigade oo Juje telephone-ka kaqaada, waa in laga xareeyaa inta Shariif Ahmed Madaxwaynaha yahay, or at least as the case is, inta laga announce garaynayo PM
-
Hada telefoon kale iso dhacey bal sug.... , War xagee lagaa soo wacayaana, LOOOL... Waxaan arki jiray mid intuu teleefankiisa ringing alarm-ka yeeriyo dhihi jiray 'Abdulahi Yusuf baa isoo wacaya isug wax yar, markaasu laamiga dhax istaagayaa' Loool, Baburka armay jiirtaa baan dhihi jiray... Juje-ow tii miyaa nagu wadanaa
-
What is this criteria mate, Xiin-ow ninkan idinkaa madaxa xanuujinaya... How is it possible that you can easily find someone who ticks all boxes of your list... Adeer be realistic, wadaadka mid un keen dheh... And how on earth can you possibly persuade or both the Muqaawamah and the opposition, tell us bal how? Apparently there is a rumour that Shariif Ahmed is hesitant to name anyone because he is scared that he may offend some people
-
^Indeed, I don't think Cirro is the sole choice of Puntland at all... but lets not forget Puntland is not giving much attention to this government. However, if anyone, the majority of reer Puntland want Ali Khaliif Galayr. Markaa, it is Cirro miyaa hada? Malinba midbaa nagusoo caanbaxaya intaan SOL wax kuqorayno, war meesha waa inaan isgaynaa. Shalay waxay ahaayeen Oday Nur Ade ladhoho, iyo mid yaroo aan la'oqoon oo isaguna layiraa Ali Ghedi, maantana waa Cirro markiisi uu Prime-minster-ayn lahaa.... Nuunow inakeen anigaa kaa dhigayaa PM markaan top-ka noqdo