Emperor
Nomads-
Content Count
4,044 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Emperor
-
Cusmaan Caato was cought and spared one time, next time they will behead him...
-
-
Ururka Al shabaab oo sheegay in ay sii wadayaan dagaalada inta ay ka burbureeyso dowladda isla markaana ay baxayaan ciidamada AMISOM. Posted: 5/17/2009 10:46:00 PM Shabelle: MUQDISHO Ururka Al shabaab ayaa sheegay in ay sii wadayaan dagaalada inta ay ka burbureeyso dowladda isla markaana ay baxayaan ciidamada AMISOM. Afhayeenka Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa waxaa uu ka hadlay dagaalada maalmihii u dambeeya ka dhacay gobolada Hiiraan,Galgaduud iyo Banaadir. Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur waxaa uu sheegay in ay si wadayaan dagaalada ay kula jireen dowladda KMG Soomaaliya ilaa inta ay ka bur burayso dowladda KMG Soomaaliya islamarkaana ay ka baxayaan dalka ciidamada AMISOM sida uu sheegay. Waxaa uu tilmaamay Afhayeenku in ay mideysanyihiin dagaalada ka socda degmada Maxaas,deegaanka Wabxo ee gobolada Galgaduud iyo Hiiraan iyo kuwa ka socda Magaalada Muqdisho kuwaasi oo dhamaantood uu sheegay in ay kula jiraan ciidamo Gaalo ah iyo kuwa uu sheegay in ay iyaga u adeegayaan. Dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay degmada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe ayuu sheegay in uu ahaa mid lagu doonayay in lagu go’doomiyo Xoogaga Al Shabaab ee ka dagaalamayay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan,waxaana uu carabka ku dhifta in dagaalka ka dhacay degamada Maxaas uu ku bilowday kadib markii ciidamo ka tirsan Al Shabaab oo gurmad ahaan ugu socday deegaanka wabxo ay jidka u galeen ciidamo uu ku tilmaamay in ay yihiin Illaaheey Cadowgiis. Waxaa uu meesha ka saaray in ay weerarayaan Al Shabaab dad qabiil ah oo degmo ama gobol degan iskuna maamulaya Shareecada Islaamka isagoo tilmaamay in ay la dagaalayaan oo kali ah cidii dhagasataa boorka dowladda KMG Soomaaliya. Hadalka Ururka Al Shabaab ayaa ku soo aadaya xili dagaalo ay ka socdaan qaar ka mid ah gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya,iyagoo sidoo kale xoogaga Al Shabaab ay dagaal kula jiraan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee jooga gudaha Magaalada Muqdisho. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
-
Breaking News: Xasan Turki attacks captures Jowhar Sharif Ahmed's base
Emperor replied to General Duke's topic in Politics
Ururka Al shabaab oo la wareegay Gacan ku heynta magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe iyo dagaalo ka socda Degaanka Garasaale ee gobolkaasi. Posted: 5/17/2009 4:20:00 PM Shabelle: JOWHAR Ururka Al shabaab ayaa la wareegay Gacan ku heynta magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe,waxaana dagaalo xoogana ay ka socdaan deegaanka Garsaale ee gobolkaasi. Ciidmo ka tirsan ururka Al shabaab ayaa lagu arkayay iyagoo wata gaadiidka dagaalka gudaha degmada Jowhar gaar ahaan xarunta degmada iyo Saldhiga degmadaasi,waxaana dagaalo ka dhacay gudaha degmada ku geeriyooday 3-askari oo ka tirsan ciidamada Maxkamadaha islaamiga. Illaa iyo hada si dhab ah looma oga halka uu ku danbeeyay maamulkii Maxkamadaha islaamiga ee gobolka Sh/dhexe. Dhanka kale dagaalo xoogan ayaa waxaa ay ka soconayaan deegaanka Garsaale oo qiyaastii 25-km kaga beegan dhanka Konfureed kaasi oo u dhexeeya ciidamada Maxkamadaha iyo ururka Al Shabaab. Dagaalkani ayaa waxaa la rumeysan yahay in uu qeyb ka yahay dagaalo dhawaantani ka socday gudaha gobolada Galgduud iyo Hiiraan isla markaan uu yahay mid dhawaan uu saadaliyay maamulka gobolka Sh/dhexe. Weli si dhab ah looma oga qasaraha dagaalkaasi uu geystay mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay maamulka maxkamadaha islaamiga ee gobolka Sh/dhexe oo ku aadan dagaaladaasi. Wixii warara ah ee ku soo kordha kala socod Shabelle.net hadii uu illaah inoo saamaxo. -
Breaking News: Xasan Turki attacks captures Jowhar Sharif Ahmed's base
Emperor replied to General Duke's topic in Politics
Jowhar is gone and this quickly, my God, this is evidence that Shariif Ahmed has no support base or backbone... It is over for this government, hadii xataa ay sidaan kukala joogaa oo aysan Alshabaab samayn anymore advancement, dowladu waa udhamaatay, unless otherwise military intervention or outside force arrives... It's over, I don't think in Sheikh hotel ciidankiisu marakan waxqaban karaan! -
Gabbal good question, how do they know that this people's death were not caused by the war between Cigaal and Tuur but that of 1988... Your President Riyaale, former spy master, is greatly to blame for this, but according to JB, wixi aan rabnona waan hilmaamaynaa/Cafinay naa wixi aan rabno waan dabagalaynaa.... It simply is another lame attempt to use grievances to promote secession, failted terribly and will never work...
-
^Lool, JB reporting everything and anything to generate negative veiws, even if it had to be gabdho isdilay... Adeer, twist as you like but waxyaabaha qaarkood waa laga xishoodaa... Rag baa la iska laayaa jidka dhexdiisa bilaa maxkamada, Allaaba wa gabar maxakabad xukun kuriday oo looga shakiyay inay dil gaysatay, of course the court could be right or wrong, laakiin this is hardly a big case unlike the gang rape case of your Vice President A Yaasim Fooxle...
-
Sharif Ahmed calls on famous WARLORDS for help,?
Emperor replied to General Duke's topic in Politics
^No matter what he does or inta danbi ama khalad uu wadanka kagalo, it seems Shariif supporters and the likes of my kin Xiin will never change their mind... Adeer it is utter contempt and failure to see that today Shariif Ahmed have invited and is fighting alongside shoulder-to-shoulder the 7 Anti-terror alliance warlords of Mogadishu that made him enter Somali politics five years ago by fighting against them... Xiinow if your caravan leader had a popular support among the Islamic movement in Somalia, why has he lost the mojority of this support today and instead start using the clan card and ally himself with the cruel warlords... Failure upon failure. Qofku markuu dagaayo khaatumo xumuu dib ugu noqdaa! -
Wallad Abdallaha is losing it and making funny calls, how does he know this and how did he arrive to this magic number, only yesterday he accused Hassan Dahir to be toppling the government, called for foreign to troops be deployed to Somalia and now this... It seems he's making all this calls out of nowhere, when in fact is the Somali President's role to do this instead Mr Abdalla fills the boots... Sideebuu iskaga dhihi karaa Somalia ciidan haloo diro iyadoo Madaxwaynaah ama dowlada dalban, sidee iskaga dhihi karaa intaas oo nin ajnabi ayaa joogta iyado Dowlada Somalia wax number soo saarin ama sheegin... He's getting nervous ever so much as he sees his project is crambling infront of his own eyes...
-
Muqdisho:"Dgaalyahan o Shisheye oo 300-ah ayaa ka qeygalay dagaaladi Muqdisho"Axmed Walad Cabdalla 15. maj 2009 Print This Article | Daabaco warkaan Muqdisho(AllPuntland )-Axmed Walad Cabdalla Ergayga QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia ayaa sheegay in 300-dagaalyahanno shisheeye ah ay horkacayeen dagaaladi cuslaa ee todobaadkan lala galay dawlada . Axmedu Wlaad Cabdalla ayaa tilmaamay inay hayaan warbixinno xaqiiq ah oo muujinaya inay 300-dagaalyahanno shisheeye ka qeyb galayaan dagaalladda lagala soo horjeedo Dowladda Somalia. Waxa uu sheegay Walad in la arkayey wadooyinka Muqduisho iyago qeybinaya cajalado ka hadlaya jihaadka iyo filimo dhiiragalinaya dhalinyarada ay dagaal galinayaan. Axmed cabdalla ayaa ku celiyey eedeyntii uu todobadkan la tiigsaday Xasan Dahir oo ahayd in uu rabo in uu inqilaab xilka madaxtinimada ku qabsado Xoogaga Al-Shabab ayaa dhawaan iyagaba cadeeyey in ay la socdaan walaalo uga yimid daafaha dunida oo ay ku kulmeen saaxada jihaadka. Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland
-
I guess, Sheikh hotel and his supporters like Dayniile will claim, they are not illegal this time, whatever mate
-
Midowga Yurub oo qorshaynaya In ay Ciidamo u soo Diraan soomaaliya Ciidamadaasne Ay Hogaaminayaan Ethiopia oo Magaca AU ku soo Galaya Soomaaliya Midowga Yurub ayaa Qorsheeynaya in ay Somaliya Ciidamo U diraan,Qorshahaan Ciidanka loogu Diraayo Somalya aya waxa Iminkaba Muuqanaya In uu socdo Abaabul Baaxad leh oo lagu Doonayo In si Dhaqsi ah Somalya lagu geeyo Ciidamo Nabad ilaalin ah. Waxaa Soo baxa warar Sheegaya in ay Ciidamada Midwga Yurub Ee Somaliya La geynaayo ay Hormuud U yihiin Ciidamada Itoopiya Kuwaas oo ku soo galaya Si sharciyaysan Isla Markaasna ay Si Toosa ah somaliya u soo gaarayaan,Sababta Itoopiya ay Ciidamada Midowga Yurub u Horkaceyso ayaa waxa ay tahay Madaama ay Itoopiya Daris la tahay Somaliya Isla Markasna ay Xog ogaal U yihiin Arrimaha Somaliya. Sidoo kale Ciidama Somaliya Loo diraayo ayaa waxa kamida wada dhowr ah sida Frane Iyo Spain Oo kol hore Sheegay in ay Somaliya Ciidamo u dirayaan,Waxaa jira Sidoo kale wadamo Doonaya in ay Ciidamo u Diraan Somaliya oo aanan Wali Shaacinin . Dhawaan ayay aheyd Marki ay Dowlada Islamiga ah ee Indosiya ay Ku baaqday In Somaliya Loo diro Ciidamo ka socda Wadamada Islaamka Waloow aysan Jirin Talaabo Muuqata oo ay Umatul Carab Diyaar Ugu yihiin In sida U gu Dhaqsiyaha badan ay Ciidamo Car Beed ku geeyaan Somaliya Talaabadaan ay Midowga Yurub Ku Doonayaa in ay Somaliya La Diro Ciidamo Caalami Ah ayaa waxa aan La Ogeyn Waxa Xilligaan Ku soo Beegay oo ay Dalka Somaliya Gaar ahaan Magaalaga Muqdisho ay ka Jiraan Daagaalo Faraha Looga Gubtay Kuwaas oo Dhaxeeya Dowlada KMG ah Ee Somaliya Iyo Kooxo Islaamiyiin ah Oo Xaga Awooda Kaga Roonadaya Dowlada KMG Ah aya waxa ay Ciidamadaan Dag Daga ah U muqanayaan Kuwo ay Midowga Yurub Ku Doonayaan In Ay Ku Badbaadiyaan Dow lada Somaliya. Si kastaba aha ahaate waxa aan la ogeyn Goorta ay Imaan Doonaan Ciidamadan Ka Socda Midowga Yurub Ee Somaliya Imaanaya Walow ay jiraan bal qaadyo badan oo ay Marar badan Sameyeen Dowladaha Quwada Ku Caalamka Oo Ahaa in ay Somalia Ciidamo U sii dirayaan Oo hadana aan loo fulin Sidii Loo balan Qaaday. Xafiska Nairobi C/Kaafi Mahamud Carab Kaaficarab20@hotmail .com -------------------- -------------------- -- Cabdiraxmaan Macalin Xuseen Mamaan82@hotmail.com Tafatiraha Wabka Dayniile.com dayniilecom@hotmail. com deyniilenews@yahoo.c om
-
Sharif: I am a noble man, harassed by inferior people.
Emperor replied to xiinfaniin's topic in Politics
No Ina'deer, not because of any loss in the war, I heard Hizbul Islam are dissappointed with Alshabab because they refused to let Hassan Dahir dictate the war affairs.... Hizbul Islam's Hassan Dahir have diffferent tactic and are only after power, which is to take the Villa and kursiga kufariiso while Alshabaab want to take and secure the whole city first... It has to do with power and has a link to the battle tactics, Hassan Dahir suggests to take the Villa of the state which is heavily fortified, Alshabaab suggest no point in that and istead want to amass all their forces to take control of port and Aden Ade airport, they think by only doing that will mean the whole city fell, will send shock and panick those in the Villa and will start running for their lives... Halkaas weeye meesha la isku hayaa, Hassan Dahir asks, Waa aniga in arimaha dagaalka la iiga dambeeyaa, and Mr Godane gives him a middle finger.... -
^ , This term of 'Dawlad-doon Vs Dowlad-diid' was created by Xuub sireed's Idamaale, now Mr Raamsade finds courage to use it... As for in Raage Sheeraar, he's eying to take back his Ciseley Airport, and nothing more, Shariif-ku nimankaan inay udagaalamayaan kaliya ayuu uqabaa balse dhibtay ula imaan doonaan ayaa kadaran... tii Indha'ade karaacday kuma quusto miyaa, but then again if pays close attention to the situation on ground one asks, does he have a choice?
-
Sharif: I am a noble man, harassed by inferior people.
Emperor replied to xiinfaniin's topic in Politics
^Maya, Awoowe Hassan Dahir oo lahaa Abdulahi Yusuf war waan ka aqbali lahaa laakiin Shariif Ahmed waan kasaarayaa meesha, xabaddna lajoojin maayo ilaa ay gaaladu wadanka kabaxdo isagoo leh ayaan maqlayay, wax kale miyaad haysaa? -
Sharif: I am a noble man, harassed by inferior people.
Emperor replied to xiinfaniin's topic in Politics
LOool @ Kashafa, nimankaad waad ka adkaaday, AK47-ki way iska dhigeen, Dirir-sugaaneed bay galeen, Alshabaab malaga helayaa wax gabayga tuura, Godaanaa Afareey maalmahaan mar marinaayay soo xifdo oo meesha soo dhaxdhig -
^Lool, if you think they deserve a medal as you say, then their dear project wouldn't fail this quickly, they were clowns, and now the fool Ould spoke as if he was a direct leader of the Somlai government when he was suppose to be dhex-dhaxaad . Oday Dahir only pointed that out, hence why we think he won this argument...
-
Correct, it is 3 - 0 to Hassan Dahir, odagu sometimes hits the nail on the head, and in this case wuxuu u abaaray sheekada as if he knows that Mr Ould Abdalla is the head of this government...
-
Sharif: I am a noble man, harassed by inferior people.
Emperor replied to xiinfaniin's topic in Politics
^Adeer labaduba ma ahan niman la ag keeni koro the great Sayid Mohamed Abdulle Hassan, the father of Somali nationalism... balse my call was only about Shariifku inuu ka gobsanyahay Inna Dahir Aweeys la iskuma hayo... -
The writer of this piece would even be Xaaji Xundjuf, who knows? The secessionists have developed a way to use random names, any names, English, Arabic Yemeni like mutazairo and soon you will see Japanese or Nigerian names promoting the case of the traingle...
-
Sharif: I am a noble man, harassed by inferior people.
Emperor replied to xiinfaniin's topic in Politics
This war a great poem, Sayid Mohamed was literary genius... And this case, it is true, Shariif-ku waa gob marka loo eego gunta Dahir Aways iyo Gadaano horkacaayaan.... Indeed, Eebow nin goba baan ahoo gunni rifaysaaye -
The first in Mogadishu: Alshabaab/Hizbul Islam Vs The government/UIC The second is in Hiiraan: Alshabaab Vs ICU The third now in Galgaduud: Alshabaab Vs Ahlul-Sunna wal feast...