Emperor

Nomads
  • Content Count

    4,044
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Emperor

  1. ^NO support the UIC JB who is crying and why one should cry? Look at the above pics and see how Somali leaders are received by world officials and think of SL, truth is not what u like to hear but often are told lies...
  2. ^Isku sheega waxaas idinka, better yet iska dhaadhacsiyaa Is qanqanciya
  3. Sxb PuntKing where are you, any news from Magaladeenii Kismayo? Fill me in... What is this all about? KISMAAYO: Garabyadii horay ugu dagaalamay Kismaayo oo lagu wado in maanta la isku soo hor fariisiyo Luglow ayna heshiis gaaraan Posted to the Web May 19, 08:57 Kismaayo (PP) - Maanta ayaa lagu wadaa in Deegaanka Luglow ee Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose uu ka dhaco kulan lagu dhexdhexaadinayo garabyadii dhawaan ay dagaallada ku dhex mareen Degmada Kismaayo. Kulanakan ayaa waxaa ka soo shaqeeyay xubno ka tirsan Dowladda oo uu ka mid yahay Xidhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig, waxaana kulankaan lagu wadaa in lagu dhameeyo khilaafaadkii soo kala dhex-galay labada qaybood. Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa waxay u sheegeen Puntlandpost inay arkeen ergo fara badan oo ka baxaysa Kismaayo kana tirsan labada dhinac oo qaarkood horay ugu sugnaa Kismaayo, iyagoo sheegay inay maqlayeen inay ergooyin kala ka imaanayaan dhanka Deegaanka Buulo-guduud oo u jirta Kismaayo qiyaastii 30-km si ay kulan ugu qaataan maanta Deegaanka Luglow. Wararka ka imaanaya Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in aanay u muuqan xilligaan in heshiiska la wado noqdo mid najaxa, waxayna sheegeen in labada dhinac ee heshiiska laga dhex wado ay wadaan isku hub garasho xoog badan, taasna ay sabab uga dhigayaan inuusan heshiis dhex-mari karin. Dadweynaha Reer Kismaayo qaarkood ayaa waxay si weyn u quuddareynayaa in heshiiskaan uu noqon karo mid najaxa, iyagoo sheegay in dagaallo ku soo laabta magaalada Kismaayo ay noqon karaan kuwo dhibaatooyin aad u daran ka geysa Magaalada iyo deegaannada kale ee Gobolka. Heshiiskaan ayaa lagu wadaa haddii uu hirgalo inay xaaladda Kismaayo ku soo laabto si caadi ah, ayna isku socodka iyo ganacsiguba noqdaan kuwo dib u soo laabta, iyadoo dadweynaha Degmadaasna ay si weyn uga cabanayeen burcad caadaysatay inay dhac u geystaan.
  4. ^By any means don't read it, but the truth will get to you before you know it...
  5. No Sxb Duke will back in due time... Yeah Boqoroow we need to push for Cadde's step down peacefully... gota play your role...
  6. ^ No, I never always sit next to men, Check the one above, Im the guy next to the good looking girl on the far end of the front raw of ladies picture...
  7. ^Is that you yaa Abti_Xaafid? Waad nawareerisay walahi... I had to go back and check things you know lol Maxaa kuudiiday marki hore, I told you were the real King of Puntland (Ilaahaybaa boqor ahee), Adeerkaa Cadde meeshana wuu qasayee naga qabo....
  8. (B) JAAMACADDA CARABTA IYO YEMEN Ururka Jaamacadda Carabta oo ay ku bahoobeen in ka badan 22 dowladood oo Carbeed iyagoo tixgalinaya wadciga dhabta ah ee ka jira GWG waxay geed gaaban iyo geed dheer u fuuleen sidii looga ilaalin lahaa in ***** dowlad yeesho, iyagoo cuskanaya sababo dhowr ah oo ay ugu weyn tahay:Tuhun ay ka qabaan in maamulkaasi hore xidhiidh qoraal ah ula yeeshay dowladda Israaiil oo carabta aan la tusi karin. Dowladda Yemen iyo Jabuuti oo ku jira Jaamacadda Carabta, derisna la ah Soomaaliya waxay si buuxda u taageereen midnimadda Soomaaliya. © WADAMADDA MIDOWGA YURUB (EU) IYO INGIRIISKA Sidoo kale Ururka Midowga Yurub (EU) iyagoo qudhoodu ka dharagsan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Soomaaliya, gaar ahaan buuqa iyo qeylada ka soo yeedhaya Xisbiyadda haya talada Maamulka Hargeysa waxay doorbideen inay aqoonsi iyo taageero dhaqaalle siiyaan dowladda KMG ee fadhigeedu yahay Muqdisho. Boqortooyada Ingiriiska oo la odhan karo waxay gumeysatay GWG waxay si rasmi ah u taageertay dowladda DKMG, waxayna dareensan tahay in dowlad ka dhalata GWG ayna suurtagal ahayn haddii aan ogolaansho dhab ah laga helin Beelihii horkacayay Xoogaggii Daraawiishta ee xabadda kala hortagay xilligii uu Soomaaliya joogay. Marka laysku soo wada duubo, ee aynu si dhab ah daraasad ugu sameyno marxaladda siyaasadeed ee ka jirta gudaha Maamulka GWG iyo Arrimaha Soomaaliya ka dhacay ama guud ahaan dareenka ay beesha caalamku ka qabto in Soomaaliya midnimadeeda la dhaawaco, waxaa inoo soo baxaya inayna marna suurta gal ahayn oo aysan muuqan wax jaro ah in Hargeysa iyo Burco Dowlad noqdaan. By:M. A. Noor– mnjeenyo@hotmail.com South Africa
  9. HARGEYSAAY QABIIL QARAN MA NOQON KARO! Dhawaan Xisbiyadda hoostaga Maamulka Hargeysa ka taliya waxay sameeyeen bannaan-bax lagu baadi goobayo Ictiraaf Dowlad ka dhalata Gobollada Waqooyi Galbeed (GWG)!! Fikraddan goosashadda waxaay gooni u tahay oo kaliya Beelaha ***** oo qiyaastii dega 30% deegaanka hoos taga GWG, Beelaha ***** iyo Gudabiirsi si weyn ayay uga soo horjeedaan nidaamkan gooshashada. Taasna waxaa marag ma doonto u ah in Bannaan-bixii ay qorsheeyeen uu ka dhacay oo kaliya Hargeysa, halka gobollada kalana ama waddanka intiisa kale laga abaabulay bannaan-baxyo lagu taageerayo dowladda KMG iyo midnimada Soomaaliya. WAA MAXAY ICTIRAAFKU? SIDEE BAASE DOWLAD LAGU NOQDAA? Ictiraafku waa aqoonsi diblomaasiyadeed oo la siiyo shacab dowlad dhistay marka ay buuxiyaan shuuruddii dowladnimo, sidoo kale waa in dhammaan beelaha ama shacabka degaankaas deggani ee dowladnimada raadinayaa 100% isku raacsan yihiin habka dowladnimada, raallina ka yihiin hoggaanka maamulkaas ama mustaqbalkooda siyaasadeed ee dambe. Dhinaca xuduudaha waa in la helaa ama ay jirtaa xuduud cayiman oo dunidu ama Qaramada Midoobay ka diiwaan gashan, sidoo kale waa inuu jiraa faraq u dhaxeeya bulshada doonaysa goosashada iyo bulshada kale ee ay ka go'ayaan, taasoo inta badan la tixgaliya, arrimahan soo socda sida: Soohdinta, Luqadda, Diinta, Dhaqanka iyo xidhiidhka qaraabada ama wada dhalashada ee ka dhaxeyn karta labada bulsho. Haddaba, haddaynu Soomaaliya dib ugu noqono, ugu horreyn ma jirto Soohdinta cayiman oo gumeystihii ka tagay ama xuduud xaddidan oo ka diiwaan gashan Qaramadda Midoobay, Soomaalidu waxay u deggan tahay hab-qabiil, waxayna isku kala soocaan ama isku raacaan abtirsiimada, ma jirto beel si gaar ah dhul gaar u leh, sababtoo ah Soomaalidu waxaa loo aqoonsan yahay inay yihiin dad reer guuraa u badan xoolo dhaqato una guura hadba meesha roobku ka da'o, taasina waa sababta dhabta ee maanta GWG aysan u lahayn beel gaar ahi. Wakhtigii gumeystuhu joogay Soomaaliya raalli laguma noqon joogitaankiisa laguma dhaqmin nadaamkiisii ama xuduuddii uu sameeyay siday doontaba ha ahaatee, balse waxaa bilowday kacdoon hubeysan oo lagaga soo horjeedo, xoodgagii Daraawiishta oo inta badan ka soo jeeday gobollada hadda diidan goosashadda (Sool, Sanaag iyo Cayn) ayaa halgan hubeysan la galay wakhtigaas oo hadda laga joogo 100 sannadood ku dhawaad, waxaana ku nafwaayay halgankaas in ka badan 20,000 oo ruux. Sidoo kale waxaa jirtay siyaasiyiinta wakhtigaas ka hadlay ammuurtaan, waxaa ka mid ahaa: Micheal Maryama oo sheegay in Soomaaliya tahay 'Hal iyo Nirigteed' oo aan xuduud la kala dhex dhigi karin, taasoo uu uga jeeday inayna suurta gal ahayn in shacabka Soomaaliyeed xuduud loo kala sameeyo, isagoo sheegay inay yihiin shacab isku luqad ah, isku diin ah, isku dhaqan ah. HADDABA YAY DANI UGU JIRTAA DOWLAD KA DHALATA GWG? Dowlad ka dhalata GWG waxay dani ugu jritaa oo kaliya Beesha *****, guud ahaan iyo gaar ahaanba, waxaana meesha ka baxaya ama taariikhdooda iyo jiritaankooda dambe uu dabar go'aya beelaha kale ee ku dhex nool, kuwaas sida maantaba muuqata ay Hargeysi noqon doonto Xarunta taliskaas, isla markaana ay marti ku noqon doonaan. Xilalka sar sare iyo dhammaan illaha dhaqaalaha sida maantaba muuqata waxaa gacanta ku dhigi doona shakhsiyaad ka soo jeeda Beelaha *****, waxaa laga yaabaa in shakhsiyaad gaar ah oo ay dhaleen ama ay ku kalsoon yihiin u magacaabaan xilal sare, iyadoo dadyowga kale ama beesha caalamka tusaya inay ku dhaqmayaan hab-dimoqraadiya loona siman yahay xukunka. shakhsiyaadkaas waa kuwa ay maanta u adeegsadaan dhinaca saxaafadda (Media), waxaana ka mid ah Daahir Riyaale, Fagadhe, Qaybe, Faratoon, Dalbac iyo kuwo kale (sirta ka dambeysa in la adeegsado shakhsiyaadkan oo kale waa go'aan ay hoggaamiyaashii Jabhaddoodii (SNM) ku gaadheen shir ay ku yeesheen Burco bishii March 03, 1991). Marka aynu ka hadlayno beelaha ***** dhexdooda maamulkaas dheefta ay ka helayaan uma sinnaan doonaan, Habar-Xabuusheed oo u badan dad xoolo dhaqato ah sida maantaba muuqata aan dheef ku heysan waxay noqon doonaan kuwo dulman, halka Beelaha Habar-Magaadle ay iyagu heli doonaan dheefta ugu badan, sida maanta ka muuqata maamulka jira. SIYAASADDA DIBADDA - (A) IGAD IYO ITOOBIYA Akhristoow, arrimahaas aynu kor ku xusnay iyo kuwo badan oo aynaan sheegin waxay salka ku hayaan sababta dhabta ee bulshada caalamku GWG dowlad ugu aqoonsan wayday, bal aynu hadda u kuur galno siday waddamada Soomaaliya ku xeerani u arkaan in Soomaaliya la kala qaybiyo. Waddamada ku bahoobay Ururka IGAD oo inta badan ahmiyad dheeraada siiya arrimaha Soomaaliya, iyagoo tixgalinaya wadciga dhabta ee ka jira GWG waxay dhagaha ka fureysteen inay ajiibaan dhawaaqa dowlad-doonka ah ee ka soo yeedhaya siyaasiyiinta Maamulka Hargeysa, boqollaal shir oo arrimaha Soomaaliya lagu falanqeynayay laguna qabtay waddamada deriska ah ayaa loo diiday in maamulkaasi ka qeyb galo, iyagoo sheeganaya dowladnimo, bal dib u raac guul-darrada ay kala kulmeen shirar dhowr ah oo ka dhacay qaar ka mid ah waddamada deriska ah, sida shirkii Carta, shirkii Kenya iyo shirkii Gaambiya, iwm. Itoobiya oo la odhan karo waxay Maamulkaas la leedahay gacansaarka ugu badan taageerada Burco iyo Hargeysa oo kaliya oo aan lahayn Illo dhaqaale oo buuran waxay ka doorbidday inay taageerto Dowladda KMG oo ka talisa, Gobolladda Sanaag, Sool, Bari, Garoowe, Mudug, Galguduud, Hiiraan, Gedo, Bay, Banaadir, Jubbooyinka iyo Shabeelooyinka oo dhinac walba dhaqaale hodan ka ah.
  10. And yes I stand by that, here is another one Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga oo saacadaha soo socda imaan doonto Magaalada Muqdisho Wafdi ka socda Dowladda Talyaaniga ayaa ku soo fool leh Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,iyadoo Wafdigan ka soo kictimi doonaan Caasimadda waddanka Itoobiya. Wafdigan Talyaaniga waxaa hoggaaminaysa Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Patricia Santinelli, iyadoo la kulmi doonto Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Ahmed iyo Ra’iisal Wasaarihiisa Cali Maxamed Geeddi,waxayna isla soo qaadi doonaan xaaladda waddanka Soomaaliya iyo Siyaasadda Talyaaniga ee ku aadan Soomaaliya. Dowladda Talyaaniga waxay dhawr jeer ooh ore muujisay sida ay u diidan tahay rabshadaha dagaal ee ka socda Soomaaliya,waxayna ugu baaqday Dowladda Itoobiya in ay Ciidamadeedu kala baxdo Soomaaliya. Maamulka Roma waxaa uu soo dhaweynayaa shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee la qorsheeyay in bisha soo socota ka furmo Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Waxaa laga yaaba in Wafdiga Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Talyaniga la kulmaan Guddoomiyaha Guddiga dib u heshiisiinta Qaran Cali Mahdi Maxamed. Ka hor inta aysan ka soo duulin Magaalada Adis ababa waxay wada hadalo muddo qaateen la yeelatay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Meles Zanawi waxayna ka wada hadleen arrimaha Soomaaliya. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradiin007@hotmail.com Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya Midnimo Information Center wararka@midnimo.com www.midnimo.com
  11. JB what the last bolded word mean in this, VICE MINISTER... Of course she is a minister, who says no?
  12. Deg deg: Wefdigii ay hogaamineysay W/Arrimaha dibedda Talyaani oo goor dhoweyd soo degtay, kulana la leh m/weynaha iyo R/wasaaraha - reported by Dayniile.com
  13. Foreign minister of the west(Italy) is in Villa Somalia... Good developments
  14. Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada Talyaaniga iyo wafdi ay hogaaminayso oo soo gaartay Muqdisho. Posted to the Web May 19, 12:17 Muqdisho:-Wafdi ay hogaaminayso wasiir ku xigeenka arrimaha dibada dalka Talyaaniga Patrizia Sentineli ayaa goor dhaweyd ka soo degtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho. Waa booqashadii ugu horreysay oo magaalada Muqdisho uu ku yimaado masuul ka tirsan midowga Europe tan iyo markii uu joogsaday dagaalkii u dhaxeeyay kooxaha kacdoonka iyo ciidamada Ethiopia iyo kuwa DFKM oo is garabsanaya. Wasiirka ku xigeenka arrimaha dibada Talyaaniga haweeneyda lagu magacaabo Patrizia Sentineli ayaa u sheegtay saxaafada kadib markii garoonka ay ka soo degtay in ujeedka socdaalkeeda uu yahay sidii ay kulamo ula qaadan lahayd madaxda DFKM iyo guddoomiyaha shirka dib u heshiisiinta qaran. Cali Maxmed Maxamed. Wafdiga wasiir ku xigeenka arrimaha dibada Talyaaniga ayaa maalmahan booqasho ku marayay geeska Africa ayago booqasho ku tagay wadamada Uganda iyo Ethiopia. Halgan.net C/qaadir Osman Muqdisho
  15. MUQDISHO: Wafdigii ka socday Talyaaniga iyo Madaxda Dowladda oo kulan albaabadu u xiran yihiin ku leh Villa Somalia Posted to the Web May 19, 12:11 Muqdisho (PP) – Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga Haweeneyda lagu magacaabo Partizio Santinelli ayaa soo gaartay Muqdisho kulammana kula leh Madaxweyne Yuusuf iyo Ra’iisul wasaare Geeddi xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia. Kulankaan ayaa ah mid ay albbaabadu u xiran yihiin, waxaana lagu wadaa in marka uu kulanka dhammaado ay si wadajir ah ula hadlaan Saxaafadda iyagoo faafaahin ka bixin doona kulankooda iyo wixii ka soo baxay. Wararka ka soo baxaya Madaxtooyada ayaa waxay sheegayaan in kulankaan uu yahay mid ay kaga hadlayaan Wafdiga Talyaaniga ka socda iyo Madaxda Dowladda Federaalka Xaaladda dalka Soomaaliya iyo sidii Midowga Yurub uu gacan uga geysan lahaa arrimaha dalka Soomaalya ka oogan. Marka uu kulankaan dhammaado ayaa waxaa lagu wadaa in Santinelli ay kulan gaar ah la yeelato Guddoomiyaha shir dib u heshiisiinta Qaran ee Soomalaiya Mudane Cali Mahdi Maxamed iyadoo aan sheegin waxa ay rasmi ahaan ka wadahadli doonaan balse lagu wado inay ka hadli doonaan shirka dib u heshiisiinta iyo qabsoomidiisa. Wixii warar ah ee ku saabsan shirkaan socda kala soco Shabakadda wararka ee Puntlandpost haddii RABBI ogolaado.
  16. Geeljire C'mon now you can do better than use Kids... JB, Indeed expect anything from the desperate groups...
  17. Wasiiradi Puntland Ee Booqashada Ku Marayay Swedan Oo La Kulmay Jaaliyadaha Somalida Ee Halkaa Stockholm(Calanka.com) 19-May-2007 Wasiirada Puntland ee socdaalka ku maraya dalka Sweden ayaa kulan aad u balaaran la yeeshay Jaaliyadaha ku dhaqan dalkaasi. Kulankaasi oo ay ka qeyb galeen Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Cabdi Salaad iyo Wasiirka Arrimaha Qoyska iyo haweenka Caasho Diiriye ayaa ahaa mid diirada lagu saaray dhinaca horumarinta iyo xiriirka maamulka. Waxaa sidoo kale looga hadlay arrimaha bulshada iyo sidii jaaliyadaha dibada ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska dalkooda.
  18. Ina lilaahi, this is heartbreaking report... So much for the brave resistance...
  19. Caruur Yar-yar Oo Loo Adeegsado Qaraxa Muqdisho Muqdisho(Calanka.com) 19-May-2007 Qaraxyada magaalada Muqdisho laga geysto oo badankood loo adeegsado bamboyinka gacanta ayaa waxaa iminka soo ifbaxaya warar sheegaya in loo soo dhiibo caruurta iyagoo lagu amrayo in ey soo dhigaan ama ku tuuraan meelaha loo cayimo ama ey usoo sheegaan cida usoo dhiibta. Kadib baaritaano ey ku sameeyeen arintan wariyayaasha calanka.com ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ey xiriir la sameeyeen masuuliyiinta gobolka Banaadir iyo gudiga amniga magaalada Muqdisho iyo saldhigyada Boliska. Gudiga Amniga Muqdisho ayaa u xaqiijiyay shabakadda calanka.com in ey arintan wax ka jiraan eyna gacanta ku hayaan ilaa dhowr caruur ah oo da`doodu u dhexeyso 11-13-jiro kuwaasoo si kala gooni gooni ah ciidamada amnigu usoo qab-qabteen iyagoo sida waxyaalaha qarxa. Gudiga ayaa sidoo kale u xaqiijiyay shabakadda calanka kadib su`aalo isdaba joog ah oo ey maalmihii ugu danbeeyay weydiiyeen caruurtan in ey sidoo kale gacanta kusoo dhigeen qaar ka mid ah nimankii usoo dhiibay bamboyinka oo ey tilmaantoodu baxsheen caruurtan. Waxaa sidoo kale naloo xaqiijiyay in weeraradii ugu danbeeyay ee bamka gacanta ahaa ee lala beegsaday Khamiistii kolonyo baabuur ah oo galbinayay ra`iisal wasaare Geedi ey ka danbeeyeen 2-caruur ah oo 13-jiro ah kuwaasoo mid ka mid ah ey bolisku iminka gacanta ku hayaan. Ilaa iyo iminka macada sababta caruurta loo adeegsado oo loogu dhiibo bamboyinka iyo miinooyinkaba iyagoo loo tilmaamayo goobaha ey geynayaan dabadeedna isaga tagayaan, waxaana gudiga amniga Muqdisho ku tilmaameen arintan in ey tahay aalad cusub oo ey adeegsadaan kooxaha kasoo horjeeda dowladda maadaama isla markiiba la garan karo kooxahaas hadii ey isku dayaan in ey iyaga fuliyaan . Gudiga oo arintan labadii cisho ee lasoo dhaafay xooga saaray lagana dareemay magaalada Muqdisho maadaama eysan dhicin wax qarax ah ayaa inoo sheegay in ey marnaba ka fileyn in ey kooxahan adeegsanayaan caruurta oo ey hada ku fahmeen. Gudiga ayaa sidoo kale sheegay in qorshahan caruurta la adeegsanayo ey ka daba tagi doonaan guryohooduna ugu tagi doonaan cidwalba oo soo dirta caruurta una soo dhiibta waxyaalaha qarxa. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda
  20. Stockholm:-(KP)-Wasiiradi Puntland Ee Booqashada Ku Marayay Swedan Oo La Kulmay Jaaliyadaha Somalida Ee Dalka Swedan (daawo sawirada) Wasiirada Puntland ee socdaalka ku maraya dalka Sweden ayaa kulan aad u balaaran la yeeshay Jaaliyadaha ku dhaqan dalkaasi. Kulankaasi oo ay ka qeyb galeen Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Cabdi Salaad iyo Wasiirka Arrimaha Qoyska iyo haweenka Caasho Diiriye ayaa ahaa mid diirada lagu saaray dhinaca horumarinta iyo xiriirka maamulka. Waxaa sidoo kale looga hadlay arrimaha bulshada iyo sidii jaaliyadaha dibada ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska dalkooda.
  21. Muqdisho: Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada Talyaaniga iyo Madaxweynaha dowladda KMG oo Kulan ugu socdo Villa Somalia. 19. Maj 2007 APL Muqdisho(AllPuntland)- Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada dowladda Talyaaniga Patricia Sentineli ayaa saakay ka soo degtay garoonka diyaaraddaha magaalada Muqdisho iyadoo haatan kulan ugu socdaa xarunta Villa Somalia oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha dowladda KMG ah Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Wafdiga wasiir ku xigeenka oo saakay soo gaartayy ayaa waxaa la filayaa in marka uu soo gabagaboowo kulanka ay la leedahay Madaxweynaha ay sidoo kale la kulanto Guddoomiyaha shirka dib u heshiisiinta Qaran Md. Cali Mahdi Maxamed oo ay kala hadli doonto arrimaha shirka dib u heshiisiinta Qaran. Patricia Sentineli oo ka soo duushay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa halkaasi waxay kula soo kulantay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Males Zenawi iyagoo ka wada hadlay arrimaha dalka Soomaaliya. Dowladda Talyaaniga ayaa tan iyo markii ay burburtay xukuumaddii dhexe ee dalka Soomaaliya aan wafdi heerkaan oo kale ah u soo dirin dalka Soomaaliya iyadoo wafdigii ugu sareeyay uu iminka yimid. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  22. ^You sure have not taste then? Im sure only one sort of people wouldn't get on well with Reer gaalkacyo, those laid back fuleyaal who can't raise their voice amongst men with typical character of a shy girl, otherwise you would find reer Gaalkacygo great people to hang with and befriend...