Emperor
Nomads-
Content Count
4,044 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Emperor
-
Barlamaanka somalia oo Madaxweynaha Hortiisa cod aqlabiyad ah ku aqbalay Ra'isal Wasaare Nuur Cadde. Kadib kulan Xasaasi ah oo uu Shir Gudoominayey Gudoomiyaha Barlamaanka Somalia Sh.Aadan Madoobe ayna ka qeybgaleen Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Ra'isal Wasaare Nur Cadde aya barlamaanka Somalia waxa uu cod aqlabiyad ah ku aqbalay Ra'isal Wasaare Nuur Cadde. Col.Nuur Xassan Xuseen (Nur Cadde) ayaa maanta loo dhaariyey xilka Ra'iisul Wasaarihii 2aad ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya, kadib markii ay ansixiyeen magacaabidiisa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kalfadhi ku yeeshay Xaruntooda ADC ee magaalada Baydhabo. Ansixinta Baarlamaanka ayaa u muuqata mid lagu dhiiri gelinayo Ra'iisul Wasaaraha cusub inuu sida ugu dhakhsaha badan ugu soo dhiso Xukuumadiisa, ayadoo Nuur Cadde oo ah waji cusub oo kusoo biiray Siyaasada Soomaaliya aanan illaa iyo hada lahayn dad badan oo dhaliilaya, ayadoo ay Xildhibaanada intooda badan ku tilmaameen inuu yahay nin wax qabad kusoo kordhin kara Dowlada Federaalka Soomaaliya. Kulanka oo ka dhacay Xarunta ADC uuna goobjooge ka ahaa madaxwynaha Dowlada Fedaralka Somalia Md C/llaahi Yusuf ayaa uga mahad celiyey soo dhaweynta baarlamaanka iyo aqbalida Nuur cadde oo ah Mas'ulka uu u magacaabay Ra'isal Wasaaraha. “Qof walba irsiqiisa Illaah baa qoray, oo waayi maayo kii nasiibku wasiir ugu dhaco ama Baarlamaanka ama dibada halaga soo dhisee ha iska sugo” ayuu yiri Madaxweynaha oo Xildhibaanada kula kaftamay inuu Ra’iisul Wasaaraha maanta uu u soo raacay inuu u kaashaanbuuro oo uu isbaro Xildhibaanada Baarlamaanka. Baahida Dowlada Federaalka ee hada qabto ayaa ah in aysan jirin Wasiiro karti u leh meel marinta iyo dib u habeynta Wasaaradaha Xukuumada, ayadoo Xukuumadii hore ee Geedi lagu dhaliili jiray in Wasiirada iyo shaqaalahooduba ay yihiin kuwo aan intooda badan aqoon, xirfad iyo Karti daadihinta maamulka dhexe ee Federaalka Soomaaliya. Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Muqdisho Somalia Contact Carmooyin@gmail.com
-
Wafdi ka socda shirkad saliida baarta oo canadian ah oo booqanaya Puntland. Wafdi ka socda shirkad saliida baarta oo canadian ah ayaa booqanaya dhulka uu ka taliyo maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland,si ay madaxda maamulka war bixin uga siiyaan qorshohooda ku aadan dhaq dhaqaaqayadooda saliid baarista ah oo ay doonayaan sanadka dambe in ay ka fuliyaan deegaanada Puntland,sida lagu sheegay war bixin la soo saaray maalintii jimcihii maantase la shaaciyay. Wafdigan ayaa waxaa hoggaminaya masuulka ugu sarreeyay shirkada AOC Mr. Rick Schmitt,waxaana socdaalkiisa ku wehliya laba khabiir,iyagoo maalintii khamiistiina gaaray magaalada Garowe. Masuuliyiintan canadian-ka ahi waxaa ay kulamo la qaateen madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland General Cadde Muuse iyo saraakiil kale oo dowladiisa ka tirsan. Wafdiga ayaa sidoo kale booqday deegaanada ku haboon in saliida laga baaro ee k u yaala dooxooyinka Nugaal iyo Dharoor ee waqooyiga Soomaal iya,halkaas oo la filayo in shirkadani ay sanadka soosocda horaantiisa ka qodo afar ceel oowaaweyn sida lagu sheegay war murtiyeed kasoo baxay kulanka dhinacyadani ay yeesheen. Maamulka Puntland iyo shrikadan la yraahdo AOC, oo horay loogu aqoonjiray “Canmex Minerals Corporation” ayaa bishii Janaayo ee sanadkan waxaa ay galeen heshiis wax soo saar wadaqag ah. Shirkdan ayaa la sheegay in lacag dhan 50 milyan oo doolar (34 million euros) ay ku bixin doonto hirgelinta howshan. Dhowr shirkadood oo ay ku jiraan labo laga leeyahaydalka Shiinaha oo la kala yiraahdo CNOOC iyo CIOG ayaa horay heshiisyo ula galay C/llaahi Yuusuf Axmed,xilligii uu madaxweynaha ka ahaa Puntland. Ka hor intii aanu dalka Soomaaliya ku dhicin xeyndabka dagaalada sokeeye 1991-kii khubaro ku xeel dheer cilmiga dhulku waxaa ay sheegeen in Soomaaliya ay leedahay dhul shidaal ka ceegago oo ayna hadii lasoo saaro noqon karto dal qani ah oo ku yaala bada cas iyo gacanka cadan. Xigasho AFP Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho. Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com
-
Baydhabo: Baarlamaanka Soomaaliya oo si buuxda u ansixiyay Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde 24. November 2007 Baydhabo(AllPuntland)- Kullan ballaaran oo maanta ka dhacay xarunta ADC ee magaalada Baydhabo oo Xildhibaanadu Baarlamaanku ugu cadeynayeen ansixinta Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde ayaa 211 Xildhibaan ay cod buuxa ku ansixiyeen halka 1 Xildhibaan uu ka aamusay, kadibna uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ku dhawaaqay in uu Baarlamaanku si buuxda u ansixiyay Ra’iisul Wasaaraha cusub. Ansixinta ka hor ayaa hadal gaaban oo uu Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed u jeediyay Baarlamaanka uu kaga codsaday in ay ansixiyaan Ra’iisul Wasaaraha cusub oo uu sheegay inuu yahay mas’uul laga soo baaraan degay, wadatashiyo badana lagala soo yeeshay qeybaha Soomaaliya iyo beesha caalamka. “Qof walba irsiqiisa Illaah baa qoray, oo waayi maayo kii nasiibku wasiir ugu dhaco ama Baarlamaanka ama dibada halaga soo dhisee ha iska sugo” ayuu yiri Madaxweynaha oo Xildhibaanada kula kaftamay inuu Ra’iisul Wasaaraha maanta uu u soo raacay inuu u kaashaanbuuro oo uu isbaro Xildhibaanada Baarlamaanka. Ansixinta kadib ayaa munaasabadaas lagu dhaariyay Ra’iisul Wasaare Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde” oo sheegay kuna celiyay inuu soo dhiso doono gole wasiiro oo tayo leh, marxalada adagna dalka ka gudbin kara, iyadoo la filayo inuu sida ugu dhaqsiyaha badan ugu baxo wadamada dibada si uu ugu bandhigo marxalada uu dalka marayo iyo xaaladaha ay ku sugan yihiin shacbiga Soomaaliyeed si uu uga dalbado gacan siin loo fidiyo dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta dalka. Kulanka maanta oo shacbiga Soomaaliyeed sida ay baarlamaanka ugu barteen ka filayey in uu noqon doono miud la mid ah kuwii hore oo is jiid jiid iyo buuq uu dhici doono ayaa noqday kulankii ugu sharafta badnaa ee ay yeeshaan Xildhibaanada Baarlamaanka taasoo muujineysa iney meesha ka baxday khilaafkii siyaasadeed ee horay u jiray. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
-
Garowe: Kanada oo Shidaal ka qodi doonta dhulka Puntland 24. November 2007 Garowe(AllPuntland)- Wafdi ka socda shirkadda shidaalka ee laga leeyahay dalka Kanada oo la yiraahdo Africa Oil Corporation ayaa booqasho ku maraya deegaannada Puntland oo ku yaal waqooyi bari dalka Soomaaliya. Ujeeddada wafdigan Kanadiyanka ah ayaa ah inay madaxda Puntland ku wargeliyaan kalana xaajoodaan sidii ay shirkaddan sanadka soo socda shidaal uga soo saari lahayd dhulkaas ay saliiddu dhex ceegaagto. Madaxa shirkadda shidaalka ee Africa Oil Corporation (AOC) oo la yiraahdo Rick Schmitt iyo laba khabiir oo ku takhusasay qodidda shidaalka ayaa khamiisti yimid Puntland, waxayna wadahadallo la yeesheen Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Mudane Cadde Muuse Xirsi iyo saraakiil sare oo ka tirsan maaulkaas. Kooxdaas ka socotay shirkadda shidaalka ee Kanada waxay booqdeen dhulka hodanka ku ah bansiinka ee ku yaal dooxada Dharoor ee Gobolka Nugaal, halkaas oo la filayo inay shirkaddan sanadka dambe ka qoddo afar ceel oo shidaal ah. Shirkaddan ayaa adduun dhan 50 million dollars una dhiganta 34 million euros, gelin doonta hawshaas lagu soo saarayo shidaalka. Maamulayaasha Puntland iyo shirkadda AOC oo horey loogu yiqiin Canmex Minerals Corporation, waxay bishii Jannaayo kala saxiixdeen heshiis, kaas oo ay caqabad ka kulmeen odayaal beeleedyo mucaaradsan. Sidoo kale waxaa horey maamulladii Puntland heshiisyo qodid shidaal u kala saxiixdeen shirkado Shiinees ah sida CNOOC, China International Oil iyo Gas (CIOG). Wuxuuna dhulka Puntland oo ay nabad ka jirto u muuqdaa mid soo jiidanaya shirkadaha caalamiga ah ee maalgelinta iyo shidaalka, taas oo keeneysa in ay dadka Puntland noqdaan kuwo qani ah. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
-
^Any man is a bad guy, what have you then mate, bring on bal your dako wanaag person... It's no suprise that Somalia is doomed, qof aan labaran xataa waa la eedaynayaaaaaa
-
No wonder even SJ finds this useless...
-
Congrats to the New Somali Premie... I hope for a better future a new dawn for Somalia Taarikh Nololeed kooban ee Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) Col Nur Hassan Hussein oo loo yaaqaan (Nur Cadde) waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1938. Markii uu soo barbaarayna waxa uu ku biiray ciidankii Ilaalinta canshuuraha somaaliyeed (Guardia Di Finanza) sanadku markuu ahaa 1954, kadibna waxa uu ku soo wareegay Ciidanka Boliiska Somaaliyeed oo la aasaasay sanadkii 1965. Col Nur waxabrashadiisa waxa uu ku qaatay wadanka gudahiisa iyo dibadiisa, gaar ahaan Kuliyadda Sharciga ee jaamacadda Umadda, Machadaka Sare ee Boliiska Aduunka (USA Washington DC) iyo Machad Sare oo ku takhasusay sharciyada la xiriira baarista dembiyada, ilaalinta canshuuraha iyo shuruucda caalamiga ah. Col Nur waxa uu leeyahay khibrad shaqo iyo maaamul muddo ka badan afartan sanadood. Waxaa uu madax ka soo noqday qeybaha ugu muhiimsan ee Taliska Ciidanka Boliiska Somaaliyeed muddadii u dhaxeysay (1965- 1990). Haatanna waa Xoghayaha iyo Hey’adda bisha Cas ee Soomaliyeed oo Xoghaye Guud ka ahaa 17kii sano ee ugu danbeysay. Howlihiisa Ku aadan Ururka Bisha Cas ee Somaaliyeed Col Nur Cadde xiligan aynu joogno waa Xoghayaha guud ee ururka Bisha Cas ee Somaaliyeed wuxuuna xilkan hayey 17dii sano ay dagalada sokeeye ka socdeen wadanka somaliya. Sanadkii 1976dii ayuu ka mid noqday xubin mutadawac ah ururka Bisha Cas ee Somaaliyeed, kadibna waxaa loo doortay xubin gudiga fulinta ee ururka. Xiligii ay dagalada sokeeye aafeeyeen dhamaan bulshada Somaaliyeed waxaa uu kaalin weyn oo lama ilaawin ah ka qaatay badbadinta shacabka Somaaliyeed ee waxyeelada ka soo gaartay dagaalada sokeeye. Col Nur waxa uu ku guuleystay inuu ka badabaadiyo Ururka Bisha Cas ee Somaaliyeed, burbukii ku yimid heydahii dowliga iyo kuwa aan dowliga aheyn ee ka jiray wadanka gudahiisa dagaalada ka hor (1991). Ururka Bisha Cas ee Somaaliyeed waa ururka keliya ee Somaliya ka jira oo weli sidiisii uga shaqeeya Guud ahaan Somaaliya. Hogaanka wanaagsan ee Col Nur ee Ururka Bisha Cas, isagoo kaashanaayo hey’adda Caalamiga ah ee laanqeyrta cas ee aduunka (ICRC) waxa ay ka fuliyeen somaaliya sanadkii 1992dii barnaamijkii Gargaarka Beni’aadmnimo ee lagu badbaadiyey shacabka Somaaliyeed kaas oo ahaa howlgalkii ugu balaarnaa ee Hey’adda ICRC ay ka fuliso aduunka oo idil kadib dagaalweynihii labaad ee aduunka 1940-45. Barnaamijkan fulintiisa Heyadda Bisha Cas ee Somaaliyeed waxa ay ku muteysatay billad heer caalami ah oo ay guddooniisay Boqoradda Ingiriiska sanadkii 1993. Uruka Bisha cas waxa uu ka fuliyaa howlihiisa garagarka guud ahaan wadanka Somaaliya waxa una maamulaa cisibitaalo waaweyn sida Madina Hospital, Keysaney Hospital, Garowe iyo Baydhaba Hospital. Waxa kale oo ay maamulaan sagaal iyo afartan (49) xarumood ee caafimaadka hooyada iyo dhalaanka, iyo saddex xarumood oo lagu farsameeyo qalabka curyaaminta. Col Nur Cadde waa nin lagu yaqaan deggenaan, wadatashi, xog ururin iyo gaarid go’aan laga fiirsaday. Waana nin lagu yaqaan howlkarnimo, daacad iyo wadaninimo. Howlihiisii Ciidanka Boliiska Somaaliyeed Nur Cadde intii uu ka tirsanaa ciidanka boliiska Somaaliyeed waxa uu ka gaaray darajada Gaashaanle Sare, xilal kala duwana waxa uu ka soo qabtay qeybaha kala duwan ee Taliska Ciidanka Boliiska Somaaliyeed. Wuxuu taliye ku xigeen ka soo noqday xafiisyada qeybta Ciidanka, Xafiska qeybta Siyaasada iyo abaabulka iyo qeybta xiriirka caalamiga ah ee INTERPOL. Saraakiisha iyo dhamaan ciidanka Boliiska Somaaliyeed waxa ay rumansan yihiin Col Nur inuu ka mid ahaa Tiirarka aqoonta iyo maamul wanaagga u sameeyey Ciidanka Boliiska Somaaliyeed. Sanadihii 1976 – 1983 waxaa uu ahaa Madaxa Xafiiska tababarada iyo qorsheynta ee Ciidanka Boliiska Somaaliyeed. Sida la wada ogayahayna tayada Ciidanka Boliiska Somaaliyeed waxay aheyd mid ku dhisan aqoon iyo maamul wanaagsan. Sanadkii 1986 Col. Nur Cadde markii uu ka soo noqday wadanka talyaaniga halkaasi uu ugu maqnaa tababar muddo labo sano ah oo ku saabsan culuunta takhasuska Baarista Canshuuraha iyo sharuucda caalamiga ah, ayaa waxa loo magacaabay ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Badbaadada, si uu talo uga bixiyo denbiyada la xiriira canshuuraha iyo mamul xumada. Sanad ka dibna waxaa loo magacaabay Xeer Ilaliyaha Guud ee maxkamadda Badbaadada Dalka Somaaliyeed. Qore: Maxamed Xasan mnhassan28@hotmail.com A Shining CV out there, may be a good reason to be optimistic about the future... Thanks Duke for the reports
-
LOL, Abwaan had found his own prapaganda haven, what a picture and what a comment to embed with it.... Try again mate, The Somali E(electronic) Passport is here to stay and seems to have got through that stage... Live with it, your Bakara Abdalla Shideeyo passport faking Isbaaro years is over... I know its hard for you to encode that but it takes time to heal they say...
-
^Only barbaric inhumane beasts admire the style of shabelle reporting. Originally posted NGONGE: Unless the TFG sets some rules and lays down some laws, its closure of these News outlets should be resisted by all! Remember, the parliament is fully functional (or so it seems) and no state of emergency has been declared (or has it?). Therefore, the media should be free to report on what events as it sees fit. Government should not be allowed to interfere on editorial decisions. There exists rules and regulations set by the government which was not only notified to Shabelle but many news wires around the country, Shabelle in particular was shut down few times when they deliberately ignored that message, unlike Shablle there are many other Radio Stations that are against the TFG such as HornAfrik, Idacatul Quraan Alkariim and Universal TV which do continue their unholly propaganda against the Somali government but at least do it in a respected manner. There is law and order saaxib, If their station is shut down and some of them arrested to face charges and their cases heard and/or later be released as and when is appropriate, then that alone shows the level of tolerance and justice the government is displaying. However, it is the TFG's sole responsibility to act against what may globaly be termed as the extremest form of barbarism, that bombardment of dead bodies dragged.... as Shabelle's culture has become as of late I once remember when the Somali President said " Adeer dad waa dagaalaa askarina waa kadhimataa labada dhinac, ninki mayd jiid jiidanaaya hadde bahalnimadiisa ayay kutusaysaa " In my case midka ka qaadayaa 1000 different pictures of a single dead body from every angle parading it on the news portals is more Bahaahim and Bahal than those dragging the corpses. Saaxib, it is utterly irresponsible of the TFG should they allow barbaric behaviuor that would not be allowed in any of the most civilized so called democratic western countries. Shabelle is becoming legendary. What? How? By the turning (Ciyaalka Xaafada) the local kids on the street into beasts :mad:
-
^Sxb this is high level misuse and abuse of freedom of speech and has entirely nothing to do with FofS, this FofS BS have to have a limit, No? Alright lets talk about how NG had a good night with wifey here on SOL, ain't no limit for the free of S BS... poor impotent It's irritating how they are let loose every time to be caught again, ? Do we live by rules of the Jungle, there have to be stiff and strict measures... shut them for permenant.
-
^You have the right to believe in whatever you desire my dear... How lame of you that my hypocracy has anything to do with the tragic tale of Baidoa... This topic is not about Mogadishu neither about the work of the TFG, you can start different topic which I am more than happy to write my comment. Back to this topic, mind you in this topic, do you agree with me that the work of the worst crimes ever befall on my country interms of scale, cruelty and in large numbers were that of Somali against Somali, the so called USC/UIC/ICU groups have been responsible and are being targeted, maimed and weakened... agree? Obviously you wouldn't agree with me, no matter how many facts one has to present, it's obvious you would always have your own version of words without any evidence... War ilaahay kabaq oo beenta iska daaya...
-
Shabelle Radio does not seem to learn from their mistakes, their reckless behaviour and support for the criminal gangs is too obvious for any Somali individual, that is an understatement, is rather controlled by the gang groups themselves . The TFG is too soft, lenient and have given them far too much space to manouvre, the should have kept it locked from day one and indefinately, take their possesions and property, stop it once and for all, never again... Xorriyatul qawl ayayba khalad kafahmeen, waaba loo naxariistay, I believe...
-
^First of all, I do not support criminals my dear... Secondly whether Im turning attention away from one group or not, I have presented facts, and only facts, deal with it... The worst historic tragic ever seen in my country and those wicked men that carried out, they are still on their match to cause more damage than of this recorded history of their work, that's my point, if you have facts and other documented evidence to proof the innocence of this group you seem to become their spokesperson, present it... that's the good merit of any constructive discussion.
-
Abdi Qasim Salaat Hassan, A USC/ICU/UIC thinkthank, former TNG Arta head... The then quite man behind that killer machine of this tragic tale is now (2007) calling for a peaceful coexistance, restraint and tolerance... a lot have changed since... Listen: Abdiqasim Salaat - Radio Maandeeq we the Somali people mourn and remember those died in that tragic event and hence must held accountable and punish those responsible to avoid it happening ever again anything like it..
-
How the Xabashi xasuuq planning goes in Xamar
Emperor replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Originally posted by MMA: Waligeed tanoo kale lama sheegin, only Falastiin tan lagu sameyn jiray ummad aan arko oo caalamka ka gaabsaday, iska indhatireen gumaadkaas iyo xasuuqaas. Xabashadda heer maanta waxee mareysaa ay degmo ka degmo ay u "sifeyso" [read depopulate, and kill as many as possible]. Are you sure inaan tanoo kale lasheegin? the Amxaaros are outsiders and a long standing arch enemy, their actions perhaps are understandable. However, what about the Somali brothers' mass murder and genoside against another that caused the death of hundreds of thousands that was warried in all the corners of the coutry, cities infamously nicknamed as the city of Death, have a glimpse of reality here: http://www.somaliaonline.com/ubb/ultimatebb.php?ubb=get_topic;f=9;t=011519#000000 The TFG and the African peace keeping troops are doing every effort to tame Mogadishu, they are only targeting the crimal networks and those killer looter inc. It is naive that you, of all people had to come up with the term genoside, had this been about genoside then the said TFG and it's allies are more powerful in terms of weaponry, better equiped logistically and have well trained officers hence we would have witnessed a much bigger picture larger scale than the genoside of the Somali against the Somalis. That is not the case, on the contrary the perpetrators and those responsible of the worst genoside ever witnessed have been weakened, targeted and their networks destroyed. The government have always stressed the importance of wining hearts and minds and showed solidarity with the people but on the other hand have dealt strongly with the likes of Inda'ade, A. Qasim and Asmara group, remarkable progress have been made and that most of this groups are out of the coutry, many died and the rest are being hunted down. It is only reasonable that taught action is required to tame Mogadishu and rest of the South and bring the unity, the long dead republic back to its feet, ...taugh action indeed. -
Afhayeenka Madaxwaynaha Somalia oo sheegay in Ra'iisal Wasaaraha Cusub la magacaabayo maalmaha soo socda Source
-
^Doubt iyo malo waa the source of all evil, I say it like I am, adiga all you have to do beleive or not believe me... You could have just wrote I don't believe you. PS: Who is Carfaaye
-
^Absolutely purely because he's the President of my country, I have that much respect for the republic and conqsequently... Unlike some I don't disrespect a man carrying the weight of my nation on his shoulders, I might disagree at times on some policies but that's entirely different, aight?
-
Juje Say what? the PM is brought from where? Indochina? No mate that was an old rumour, I heard this time round je will be coming from Garowe , Juje will get even more diahrea, maya maya only a mere bal inuu madax xanuunka kugu gaboobo... Why don't you just spit it out, Odaga at the top is the whole reason for the never ending insomnia... Insomnia-da unbaad iskala qabsan mar hadii mid kale laguugu sii daro
-
^Sxb ma inaad fitno katalis iyo dhibaato waligaa ujoogtaa? Aakhirkaa iyo bilowgaagaba waxaad jirtaa sharaysi iyo xumaan abuurid... The TFG is here to stay, live with it, whether you like it or not it is the only body oo sharciyaysan lana aqoonsanyahay Caalamka oo idil, isbadalna waa loo baahanyahay no doubt, marka nin isbadal noocaa abuuri kara Somalina isu keeni kara paragmatic leader ah in Caalamka meeshuu jogaba laga soo doorto ayaan u ololaynayaa adigase waxaad doonaysaa TFG-da inay kala yaacdo qabiilki iyo qurunki iyo dagaalo sokeeyo oo cusub lagu hoobto aad horseedid just because the man on the top is not from your clan... Absolutely predictable iga dheh Somali nin stoog kale ah ayaa loo dooran kulaha, goormaa adiga Somali nin heersare ah udooran jirtay xagee Somali wanaageeda uga fakartay waligaa? Maalinba maro soo xiro, mar waxaa tahay nin qabiil xoraynaayay mar Diinta Islaamka ayaa rabtay mar waxaa tahay nin nationalist ah oo Somalia xoraynaaya... Which one is it?
-
Clock-wise for me, definately it was clock-wise, at the biggining I saw her going anti-clockwise but when I maximed the window it started to turn to clockwise and constantly doing that...
-
Originally posted by Baashi: The lineup: PL vs. SL (militray) Div 1 PL, TFG, Addis vs. Al-Shabaab, USC remnants (military) Div 2 Gedo Boys vs. Turki militia (militray) Div 3 TFG vs. Asmara Alliances (political) Div 4 LooL, It looks like the Champions league Simi finals...
-
Originally posted by Castro: MMA is a Benadiri. His people are being mowed down by Ethiopians and their dabodhilifs. If you ask me, he has shown remarkable restraint in the face of all the pro-TFG/Ethiopia rubbish that is strewn all over this site. Say what? MMA is Banadiri? So am I? How does one qualify to be one? Granted that MMA is Banadiri and also given that his pple are suffering in Mogadishu by the Ethiopian and their stooges hands, so what's all that got to do with L.A, the report of this particular gathering and the Somalis in the pictures proadly waving the blue Somali flag and also the successionits hate for the beautiful blue and the white star... that's all that was discussed in this thread, unless you want to mix up different threads or discussions like isku dhax karis. Get your point accross, not just plain empty words, I say your point or otherwise silence is golden.
-
Very good news, this means that the choice is wide open, not entirely limited to 275 heads only... Time to pick the best Somali man for the job and I hope that they will succeed with tha hard tasks that awaits.... I pray for the return of the republic, law and order, peace and prosperity. Wadanka haloo duceeyo.