Emperor
Nomads-
Content Count
4,044 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Emperor
-
Things aren't getting any better, Raila Odinga declares himself President of the country and tells Kibaki to respect the will of the Kenyans Mambo sio mazuri Walahi, Massive pressure for the Kenyan electoral commission, I feel sorry for the poor guyz... Maxay dhihi doonaan, actually both groups the ruling and the opposition party are asking for a re-count... vote riging allegations, chaos in the country.. Raila Odinga
-
^No, I think Mwai Kibaki was good for the Somali peepz living in Kenya... Any official results of the election...
-
Ilahay ha unaxariisto Maskiinta, way iska waashay...
-
Looooooool@the leader we never had... At least someone is admitting that this man had never been a leader... My vote for Hawa Abdi
-
King 450, Abrashiid Sharmaarke was a Somali Lengend, so is the current Somali President Yusuf Yey, each in his own unique ways, my question for you is, why call the Somali leader to being only President for Galkacyo... Why that city is different from the rest of the country? Yusuf Yey made his marks in the Somali history, 40 years of struggle, ill-health and near death legacy but made to the top, the man is strong, has a firm determination and for a worse or good with outstanding contribution to the Somali politics in the last half a century.
-
All Somalians will be what? Has the website became a platform for the christian missionary.
-
Lol, is this another one... Im out
-
I really feel sorry for your pain KK, I hope for a speedy recovery, god willining he would be to the best of his healthy...
-
^Indeed, the plan is taking its course, good development...
-
Ciidamada Dowladda burundi oo maanta ka soo degay muqdisho (Daawo Sawirada) Sh, M network 23 Dec 07, 09:42 Mogadishu 23, Dec. 07 ( Sh.M.Network)-Diyaarad ay leedahay dowlda Burundi ayaa maanta askartaasi ka soo dajisay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaana ay yihiin qeybtii ugu horeysay ee ka tirsan askarta Burundi ee dowladoodu ay sheegtay inay imaanayaan bartamaha bishani dalka Somalia si ay qeeyb uga noqdaan ciidamda Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho. Kadib markii ay askartaasi yimaadeen ayaa afhayeenka ciidamada midawga afrika ee ku sugan Somalia captain paddy ankunda waxaa uu shabelle uga waramay askartaasi tirade ay yihiin iyo imaanshaha askartaasi. “Ciidamdadni waa 100 askari oo ay u dhanyihiin qalabkooda milatari waxaan ay Somalia u yimaadeen in ay wax bada ka qabtaan nabada ku soo dabaalida dalka ay la dageen colaadaha baahasan” ayuu ku jawaabay afhayeenka ciidamda Amisom ee jooga somalia. Waxay shabelle sidoo kale ay weydiisay tirade guud ee ciidamadaasi Burundi ee imaanaya Somalia waxaana uu ku jawaabay in ay rajeeynayaan in ay dhawaan soo gaaraan dalka ciidamo gaaray ilaa 850 askari oo Burundi ah Imaanshaha ciidamadani ayuu sheegay inay suurto galinayaan bixitaanka ciidamada Ethiopia ee ku sugan dalka Somalia. Iyadoo dowladaha qaar ay balanqaadeen inay bixin doonaan qalabka askarta Burundi ayuu afhayenku sheegay in ciidamadaasi ay qalabeysanyihiin isla markaana ay diyaar yihiin oo ay soo dhameystirmayaan dhawaan. Dhowr wadan oo kale ayaa iyagu sidoo kale waxa ay balanqaadeen ciidamo keenida Somalia waxa uuna captain paddy uu sheegay inay jiran wadamo waqtiyadii ugu dambeeyay balanqaaday ciidamo keenida Somalia. Sidoo kale dolwada mareykanka ayaa iyadu sheegtay inay taageeri doonto ciidamada Amisom ee iyagu ku sugan Somalia. Safiirka dowlada mareykanka ee dalka Kenya Michel rebnanbargar aya shabelle usheegay inay taageero buuxda siin doonaan ciidamada midawga afrika ee ku sugan dalka Somalia iyo kuwa imaan doona. Imaanshaha ciidamada Burundi ee soo gaaray Somalia ayaa ku soo beegmeysa xili ilaa 1,800 oo askar Uganda’s ah ay ku suganyihiin Somalia waxaana y la kulmeen weerar kaga yimi kooxaha dagaalada kula jira dowlada Somalia iyo ciidmada Ethiopia ee ku sugan dalka Somalia
-
Xusen Ceelaabe Faahiye oo ah wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa ugu baaqay dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka in ciidamo nabad ilaalineed u soo diraan dalka Soomaaliya si ay ugu biraan kuwa Africa . Mr.Faahiye ayaa sheegay in cidamadaasi looga gon leeyahay soo celinta kala dambeyntii dalka iyo in guud ahaan awoodda dowlada lagu bahiyo dalka cagtana la mariyo kooxaha mayalka adag. Waxa uuna daboolka ka qaaday in kulan uu la qaatay xog hayaha Jaamacada carabta Caamir Muuse uu ku qanciyay in xubnaha jaamacadda Carabta laga dhaadhiciyo in dalalka Carabta ka qeyb qaataan ciidamada nabad ilaalnta Soomaaliya . Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa carabka ku dhajiyay xilli uu waramayay Taleefishinak Al-Arabiya in cidamada Itoobiya ay si deg deg ah dalka uga baxayaan marka ay yimaadaan ciidamo ka socda dalaka Carabta iyo kuwa Africa . "Itoobiya waxaan kula hishiinay in Soomaaliya ka baxayaan marka aan ka codsano arimntaasi", ayuu yiri Mr Ceelabe Faahiye. Waxa uuna intaa ku daray in dowladiisa gacanta ku hayso xaaladda amaan ee Muqdisho , waxa uuna beeniyay hadal dhawaan ka soo yeeray mas`uul dowlada ka tirsan kaasi oo sheegay in %80 Soomaaliya gacanta ugu jirin dowlada KMG . "Wararkaasi waa been dalka dowlada ayaa gacanta ku haysa waxaan wadnaa qorshe dalka uga sareeno waxa ka haray kooxahasi", ayuu sii raaciyay . Xigasho: http://www.alarabiya.net/ Maryama Xuseen Axmed seymuun@hotmal.com Calanka.com: - Isha wararka xaqiiq
-
Muqdisho: Cutubkii ugu horeeyay ciidamada Burundi oo Muqdisho soo gaaray 23. December 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Cutubkii ugu horeeyay ee ciidamo ka socda dalka Burundi ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho iyagoo ka soo degay Garoonka caalamiga Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Ciidamadan oo tiradooda gaareyso 100 askari oo iyadoo si diiran loogu soo dhoweyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana halkaasi ugu hortegay saraakiil iyo ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho, iyadoo la filaayo in ciidamadan ay sal dhigtaan goobo horay loogu cayimay. Saraakiisha ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ciidamadii ugu horeeyay ee ka qeyb qaadanaya nabad ilaalinta Soomaaliya ay soo gaareen magaalada Muqdisho, Captian Paddy Ankunda ayaa sheegay in ciidamadan ay howl geli doonaan marka ay sal dhigtaan, iyadoo aan sidoo kale la hubin xiliga iyo goorta ay soo dhameystirmi doonaan ciidamada Burundi oo horay u shaaciyay in ay imaan doonaan Muqdisho 1700 Askari. Horay ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho looga soo dejiyay sahay iyo qalab milateri oo ciidamada Burundi ay leeyihiin, iyadoo ciidamadii ugu horeeyay ee dalka Soomaaliya soo gaara ay ahaayeen ciidamada Ugandha oo xiligan ku sugan Muqdisho kuwaasi oo aan dhaafin Garoonka DIyaaradaha, Dekadda Muqdisho, Xarunta Madaxtooyada iyo fariisinka ay ku leeyihiin duleedka garoonka diyaaradaha Muqdisho. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
-
Ciidamo hor dhac ah oo ka socda dalka Brundi oo maanta Muqdiso soo gaaray. Maanta ayaa dhabaha diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada magaalada Muqdisho,waxaa soo caga dhigatay diaaradii ugu horeysay oo xambaarsan ciidamo nabad ilaalineed oo ka socda dalka Brundi, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Afrikaanka ee AMISOM. Maanta ayaa dhabaha diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada magaalada Muqdisho,waxaa soo caga dhigatay diaaradii ugu horeysay oo xambaarsan ciidamo nabad ilaalineed oo ka socda dalka Brundi, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Afrikaanka ee AMISOM. Afhayeenka AMISOM captain paddy Ankunda ayaa saxaafada u sheegay in ciidamada maanta soo gaaray Muqdisho ay hordhac u yihiin nabad ilaaliye yaasha Brundi ee ka qeyb qaadanaya hwolgalka nabad Ilaalinta Afrikaanka ee dalka Soomaaliya. Afhayeenka AMISOM waxaa uu intaa ku daray in ciidamadani ay gaarayaan ku dhawad 100 askari oo ayna soo raaci doonaan ciidamo dhameystirkooda ah maalmaha insoo aadan. Ciidamadan ayaa la dajiyay ex-xeradii Xalane,halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen ciidamada Uganda ee horay u joogay. Ciidamada ayaa dhabaha diyaaradaha Aadancdde waxaa kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda federalka Soomaaliya iyo nabad ilaaliyeyaashii horay u joogay. Xafiiska warqabadka shabakada wararka carmooyin.com ee magaalada Muqdisho. Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com
-
How many times do you have to post this and on how many sections... Flooding the site with such nonesense trash is against the rule... FYI, many Muslims die in Somalia too, well, the ratio of the Muslim death is greatly higher than this waaxid Gaal, Muslimiinta Ilaahay ha unaxariisto, Gaalkana isagay utaal waxa sugaaya... BTW, answer the questions.
-
-
-
-
-
-
Banaanbax aad u ballaaran oo lagu taageerayo madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya iyo guud ahaan dowlada oo goor dhoweyto lagu soo gabagabeeyay magaalada London. Daawo Sawirada Banaabax u muqday kii ugu ballaarnaa oo lagu taageero Dowlada Fedaralka Somalia ayaa waxaa uu goor dhoweyto kusoo gabagaboobay magaalada London ee xarunta wadanka Ingiriiska. Banaabax u muqday kii ugu ballaarnaa oo lagu taageero Dowlada Fedaralka Somalia ayaa waxaa uu goor dhoweyto kusoo gabagaboobay magaalada London ee xarunta wadanka Ingiriiska. Banaanbaxaan ayaa goor dhweyto soo dhamaaday,walina ka qeyb galayaashu kama aanay faaruqin goobta banaanbuxu ka dhacayo, waxaana shabakada carmnooyin.com ay aqristayaasheeda u balan qaadeysaa in ay usoo gudbin doonto dhamaan sawirada banaanbixii soo idlaaday wax yar ka hor. Kala Soco Shabakada Carmooyin.com Sawirada Banaanbaxaan oo dhameystiran Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com
-
WAR DEG DEG AH >> LONDON: Saacadaan Waxaa Ka Socda Fagaaraha Downing Street Banaanbax Kii ugu Balaarnaa oo Soomaalidda cariga Ingiriisku isugu Soo Baxdo !! 22. december 2007 London (AllPuntland)- Dibad bax balaaran oo ay isugu soo baxeen tiradii ugu badnayd Soomaalida ku dhaqan cariga Ingiriiska ayaa xiligaan ka socda fagaaraha loo yaqaan Downing Street ee magaalada London. Dibad baxayaasha ayaa muujinaya taageerada ay u hayaan dadaalka nabadgalyo, midnimo iyo dawladnimo doonka ah ee ka socda Soomaaliya. Soomaalida isu soo baxday ayaa sita Calanka Soomaaliya, boorar ay ku qoran yihiin halku dhigyo iyo sawirada madaxda Soomaaliya. "DOONI MAYNO DAWLAD LA'AAN IN DIB LOOGU LAABTO" ayaa ka mid ah hal ku dhigyada banaanbaxayaashu ku dhawaqaayaan. Dibad baxaan ayaa u muuqda mid Soomaalida halkaani (Ingriisku) ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan in Dawlada Soomaaliya ku guulaysato in dib loosoo celiyo sharci iyo kala dambayntii dalka Soomaaliya. Mid ka mid ah dibad baxayaasha ayaa AllPuntland u sheegay in dibad baxani yahay fariin ay ugu sii dhiibayaan madaxweynaha Soomaaliya, Soomaalida joogta gudaha Soomaaliya oo ay u sheegayaan in ay tahay in gacamaha la isu qabsado siddii loosoo celin lahaa nabad iyo caano... Saacada banaanbaxani dhacayo waxaa ku sugan isla magaalada London Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Yusuf Axmed oo hadda dhamaystay baaritaan caafimaad uu u yimid dalkaani Ingiriiska, iyadoo uu dib ugu laabanayo Soomaaliya. Haddii ALLE idmo wararkayaga dambe kula soco faahfaahinta dibad baxaan. AllPuntland, Xarunta Yurub
-
Popular Contributors