If you can read Somali and have a patience for long articles .... this is good read and educational in a way!
Maamuuska gabdheheena iyo macnayaasha magacyadooda
Posted on Qaranimo Online - July 30, 2008
Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com
--------------------------------------------------------------------------------
Wednesday, July 30, 2008 - Bulshada Soomaalidu aad ayay u maamuustaa una qadarisaa gabdhaha, waxayna aad iyo aad uga hormariyaan wiilasha marka laga reebo dhinacyo kooban. Waxyaabaha tusinaya qadarinta dheeraadka ah oo la siiyo gabdhaha waxaa ka mid ah:
1. Waxaa aad loo difaacaa sharafteeda oo in lagu xadgudbo gabadhooda Soomaalidu waxay ka xigaan geeri.
2. Waxaa la siiyaa tarbiyo iyo edbin ka dheeraad ah tan wiilasha.
3. Waxaa si gaar ah loo baraa sida ugu habboon ee ay mustaqbalka u maamulayso reerkeeda, una maaraynayso nolosheeda. Waxyaabaha Xoogga la saaro waxaa ka mid ah in la baro farsamada, hab maamuuska sayga, mudanaha iyo martida.
4. Waxaa aad loo tixgaliyaa ninka gabadha guursada iyo waliba ciddii xiriir la leh, Soomaaliduna naf iyo maalba waxay u hurtaa, kuna baaba'daa difaaca ninka xididka la ah, reerkii wiilka gabadhooda qaba lagu xadgudbana waxaa la yiraahdaa: gabadhoodu guur ma leh, haddaysan tillaabo adag ka qaadin. Waxyaabaha tusaya arrintaas waxaa ka mid ah in Soomaalidu u qaybiso xiriirka u dhexeeya bulshada: xidid iyo xigaalo oo ah macne Qur'aanku sheegay.
5. Waxaa sidoo kale meel weyn ka jooga Soomaalida ilmaha gabdhoodu dhashay oo aad looga hormariyo kan wiilkoodu dhalay, waxaana la yiraahdaa qofka wax weyn la siiyo ama loo qabto: loo roonaa ma loo reer abtaa!!!.
6. Waxaa gabadha loo huraa wax weyn marka ay soo mudato ehelkeeda (ha noqoto mar ay soo cayrowday ama markii ay agoonley noqoto), markay soo booqatana waxaa lagu dhibaadiyaa waxa ugu weyn ee qoyskaasi heli karo.
7. Gabadhu waxay ahayd qof lagu soo hirto oo ehelkeedu si buuxda u tirsadaan marka ay reer yeelato, sidaa oo kale reerka ay u dhaxdana kaalintaas waa qadarinayeen oo waxay u arkayeen gurigaani in uu ka dhexeeyo labada qolaba.
8. Labada reer ee gabadhu u dhexayso (reerka dhalay iyo kay u dhaxdo) waxay ka midaysan yihiin in gabadhaas laga difaaco qofka dadka ugu dhaw (ninkeeda) hadduu xadgudub ku sameeyo.
9. Gabadhu waxay sabab u noqotaa xiriir iyo walaalnimo qoto dheer oo dhex marta labada qoys ee ku xididay. Waxaa taas aad u muujinay sida gabadha godob tirka ahi sabab ugu noqoto joojinta colaad raagtay oo xal loo waayay, waxay ku maahmaahaan: meeshii xinjiri ku daadato xab baa lagu daadiyaa.
10. Ninka ama reerka gabadha guursanaya waxay u huraan gabadha qoyskeeda wax weyn oo xoolo ah (sooryo iyo yarad), waxaan meesha ka maqnayn hasha hooyo iyo tan abti oo ka dheeraad ah waxa aabbe iyo tolku qaadanayaan!, taas oo marka dhinac laga eego tusaysa in gabdhaani qiimo weyn ugu fadhido ninka iyo reerka soo doonay.
11. Waxyaabaha tusinaya qiimaha gabadhu ka leedahay bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda waxaa ka mid ah sida ay suugaantooda qaybeheeda kala duwan (gabay, guuroow, geeraar, maahmaah, halkudhig …) ugaga hadleen gabdhaha, hadday tahay ammaan, kool, wacyigalin, baroordiiq, doonis iwm.
12. Waxaa loo bixiyaa magacyo aad iyo aad u qiimo badan oo xambaarsan tilmaamaha wanaagsan ee laga rabo gabadhaasi inay yeelato xagga muuqaalka iyo xagga macnahaba.
Bulshada Soomaalidu siyaabo kala duwan ayay ugu magac bixisaa ubadkeeda, magacyadaasina waxay ku baxaan munaasabad, waqti ama xaalad markaas taagan. Waxaa kale oo magaca loola qasdaa in uu tusiyo macne ama tilmaan qiime leh oo la doonayo in ilmahaasi yeesho. Waxaan meesha ka marnayn in gabadha laga doonayo in ay ku sifowdo tilmaamaha wanaagsan ee ay xambaarsan yihiin dhammaan magacyada loo baxsho gabdhaha.
Munaasabadaha iyo macnayaasha magacyada gabdhaha Soomaaliyeed
Magacyada gabdhuhu waxay ku baxaan munaasabado, waxayna xambaarsan yihiin macnayaal qiime badan oo laga doonayo gabadheenu in ay yeelato, waxaana ka mid ah:
* Magacyo ku baxay xilliga gabadhu dhalatay, sida: Isniino, Axado iyo Salaado (xilli salaadeed).
* Magac ku baxay xaaladda ay dhalatay gabadhu, sida: Ugbaad, Cosob, Xareedo iyo Roobo.
* Magacyo muslimiintu la baxaan, sida: Xaawo, Caasha, Xaliimo, Khadiijo, Faadumo, Maryan iwm oo looga jeedo in gabadhu kuwaas oo kale noqoto.
Magacyada xambaarsan macne ama sifo wacan oo la rabo in gabadheennu yeelato:
1. Magacyo diimeed oo tusaya in ay tahay gabadhu qof Alle taqaan, cilmiga iyo cibaadadana ku dadaasha oo barakaysan, sida: Muumino, Muslimo, Khayra, Suubban, Awliyo, Khadro (Khadar-nimo), Ijaabo, Duco, Ardo, Cibaado. Haddaba waa in gabadha Soomaaliyeed xambaarsanaato sifooyinkaas ee aysan noqon Alle ka jeed inkaar qabto ah.
2. Magacyo goobo barakaysan oo loo saadinayo in Alle geeyo adduunka, sida: Makka, Madiino, Muna, Marwo (buurta iyada iyo Mina la dhex ordo, marka la xajiyayo ama la cumraysanayo), Rawdo(goob barakaysan oo u dhexaysa Guriga Nabiga SCW iyo minbarkiisa).
3. Magacyo Janno oo Rabbi looga rajaynayo in uu aakhiro dajiyo, sida: Firdawsa iyo Naciima (oo ah labo Janno).
4. Magacyo tusaya dhawrsoonaan iyo xushmad, sida: Astur, Cawrala, Ceebla, Aamina, Ijo iwm. Gabadheenna iyada oo aan wax aqoon diineed ah lahayn ayaa waxaa astaan u ahaan jiray asturnaan, xishood iyo ceeb la'aan, waayadaan dambase ceeb Alle ha asturo!!!.
5. Magacyo muujinaya sama-sheeg iyo sama-fal, sida: Warsan, Nasteexo, Samawada
6. Magacyo tusaya xilkasnimo, naagnimo iyo mudeecnimo, sida: Marwo, Raalliyo, Amran iwm.
7. Magacyo tusaya qiimaha iyo qaayaha ay leedaha gabadhu, sida: Qaali, Dahabo, Cambaro, Jawaahir, Luul iwm.
8. Magacyo muujinaya quruxda iyo bilicsamida gabadha, sida: Qalanjo, Muraayad, Ubax, Xasno, Sahra, Safiyo, Shamsa, Qamar, Habboon, Keeyf, Cawrala (way dhammaystiran tahay oo meel laga xanto ma leh muuqaal ahaan. Waxay kale oo noqon kartaa qof xagga dhaqanka iyo akhlaaqda ka dhammaystiran oo wax lagu ceebiyo oo qawl iyo ficil ahi uusan jirin).
9. Magacyo xambaarsan macnayaasha: nadaafad, udug iwm, sida: Nadiifo, Mayran, Hufan, Cadar, Carfoon iwm.
10. Magacyo xambaarsan: Jacayl, macaan, qabaw, dagganaan iyo naxariis ay ku sifowday gabadhu, sida: Muxubbo, Timiro, Barni, Xalwo, Rummaan, Raxmo, Daruuro, Roobo, Cadar (qabawga daruuraha) iyo Naruuro.
11. Magacyo tusaya dulqaad, karti iyo firfircoonaan, sida: Carro, Wiilo, Caabbiyo, Baxsan, Shan-karoon, Fariid, Geelo iwm.
12. Magacyo xambaarsan saad wanaagsan, sida: Falxado, Hoodo, Ayaan, Maymuun, Caanood, Faa'iso iyo Fawsiyo
13. Magacyo tusaya boqornimo, sida: Mulki, Suldaamo iyo Ugaaso
14. Magacyo muujinaya inay ku filan tahay ehelkeeda, muslinkoo dhan iyo gaar ahaan ninkii hela, sida: Deeqa iyo Kafeeya.
15. Magacyo sita macnaha aqoon, caqli iyo garasho, sida: Fahmo.
Wanaagga iyo maamuuska Soomaalidu u hayso gabdheheeda ee aan ka waranay kama wadno in aysan jirin xadgudubyo iyo dulmi loo gaysto gabdhaha ee waxaynu uga jeednaa in aan caddayno meekhaanka iyo maamuuska ay ku dhex leeyhiin dadkooda, isla mar ahantaasna aynu muujino in gafafka loo gaysto gabdhaha aysan ahayn dhaqan guud oo bulshadeenu leedahay ee ay tahay wax ku gaar ah qofka xumaaday, gafkaasi ha kaga yimaado reerkooda inta ay yaryar yihiin ama nimankooda marka ay guursadaan ama ubadkooda marka ay weynaadaan ama ha kaga yimaado qaar kale oo ka mid ah bulshada. Tan kale dulmiga iyo gafka laga galo gabdhaha waxaa ka badan kan laga galo ragga, tusaale ahaan: dhaqanka Soomaalida waxaa ka mid ah in aan la dilin dumarka wax kasta hadday dhacaan, waxaana la ogyahay in ay laayaan wiilasha yaryar haddii dagaalku dhanaanaado, waxayna ku magacaabaan siqiir gawrac. Waxaa iyana soo qaadis mudan in ay isku mid yihiin asbaabta keenta dulmiga ragga iyo kan dumarka oo ninkii gabar dulmiyaa uu intaa ka badan raggana dulminayo.
Dhinacyada Soomaalidu ay kaga xadgudubto gabdhaha
Waxaa jira dhinacyo bulshada Soomaalidu ay gabdhaha ka hagrato ama ku dulmiso iyada oo dhab ahaan gabdheheeda jecel una roon, waxaana ka mid ah:
1. In dadka qaarkood ay jeclaystaan ilmaha u dhalanaya in uu noqdo wiil oo ay ka naxaan haddii gabari dhalato, taasna waxaa sabab u ahaa bulshada Soomaalida oo aan dawlad iyo caddaalad midna haysan ee qof walba uu wiilashiisa ka filayay difaac. Xilliyadii yaraa ee Soomaalida qaarkeed galay magaalooyinka ama maamulladu dhisnaayeen waxaa yaraaday ahmiyadda qabiilka iyo horumarintii wiilasha.
2. In Soomaalida badankeedu gabdhaha ka hagran jireen xagga waxbarashada oo caadadu ahaan jirtay in wiilka wax la baro gabadhana xoolaha la raacsado. Arrintaan dhab ahaan hadda waa laga gudbay oo gabdhuhu xagga waxbarashada diineed iyo adduunyaba xilliyadaan dambe iyagaa kaga horreeya wiilasha, sababtuna waxa weeye waalidiinta oo ilmohooda si siman u geeya waxbarashada iyo wiilasha oo inta badan ku mashquula waxyaabo gabdheheenu ka hufan yihiin iwm.
3. In xoolo yari loogu diido nin geeyaankeed ah oo ay doonayso, ama lagu xiro yarad uusan heli Karin.
4. In lagu khasbo nin aysan raalli ka ahayn oo xoolo loogu xishay, lagana yaabo inuusan u qalmin ama qancin Karin.
5. Taas oo ay ka dhalatay dhaqan xun oo dhibaato weyn ku ah gabdhaha diintooda, sharaftooda iyo ehelkoodaba, waana waxa loo yaqaan: (( LA BIXIS)) oo gabadhu kaga fakanayso in lagu khasbo nin aysan rabin ama ku raadinayso nin ay doonayso oo ay ka cabsanayso in loo diido.Waxaa wax Rabbi loogu mahadnaqo ah in waayadaan dambe ay aad u yaraatay gabdhihii lagu khasbayay nin aysan rabin, ama loo diidayay ninka u qalma, waxaana ka dhashay in ay aad u yaraato la bixista oo diinteenu aad u ceebaysay, una diiday.
6. Dulmiga gabdhaha loo gaysan jiray waxaa ka mid ahaa in dadka qaarkood u diidaan dhaxalka, gaar ahaan geela oo lagu yiraahdo annagaa kuu haynayna ee orod oo arigaaga kaxayso. Tanina waxay ka mid tahay dulmiga aad ka u soo yaraaday xilliyadaan dambe oo diinta aad loo bartay.
Gabagabadii bulshoweynta Soomaaliyeed rag iyo dumarba waxaa la gudboon in ay joojiyaan dulmiga ay u gaystaan gabdhaha, isla mrakaasna ay u guntadaan sidii dadkeena oo dhan looga dhaadhicin lahaa arrintaas. Gaar ahaan aqoonyahanka iyo suugaanyahanka qawl iyo qalinba inay ugaga qeybqaataan ayaan ka rajaynaynaa; si aan gabdheheena uga samatabixino dabinada iyo mu’aamaradaha loo maleegayo.
GAARIDA GAARIDA HAWEEN GEED BAA LOO FADHIISAN JIRAY
--------------------------------------------------------------------------------
Xafiiska Wararka ee Toronto, Canada
Qaranimo Online
info@Qaranimo.com