Muuse

Nomads
  • Content Count

    4
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by Muuse


  1. Deeqaay wanaageey dawo caafimaadeey

    hantidii dalkaygaay dhaxalkii dadkaygaay

    dhaxantiyo darooraha dadab lagaa galaayeey

    doqontaa nasiib lihi marka ay ku dooxdee

    midii kaala daashee kugu celisa daabkee

    diga rogashadadana dagdag laygu keenayo

    aniguba daraadaa waan soo dabaashe

    alhayow nin daacada alahayow nin daalina

    deeqdaada haw simin


  2. Uur Hooyo

     

    dhabarkii adowgay

    kii laga abuurow

    naas iyo abaydinimo

    kii ila wadaagow

    sideen kuu ilawaa

    ma ahaan karayse

    indhahaygu nuurkay

    ku ildoogsadeenow

    adna haysku kay ladhine

    uur hooyo hayow

     

    waayaha aduunkaa

    ina kala fogeeyo

    ana kale ahantaa

    u atkaysan maaye

    umal baan la tiica

    isma dhhno madige

    indhahaygu nuurkay

    ku ildoogsadeenow

    adna haysku kay ladhine

    uur hooyahayow

     

    naftu waa amaane

    aaskayga geerida

    aday guud dhigaayo

    iigu gacan dambeeye

    dhaxalkayga aadmiga

    kii ugu lahaayow

    indhahaygu nuurkay

    ku ildoogsadeenow

    adna haysku kay ladhine

    uur hooyahaygow

     

    :cool:


  3. Siraad Midabkii Leey

     

    Cilmi Boodhari :cool:

    Kolba aniga oo sahashaday oo saafi ka ahaaday

    Ayuun baa siraad midabkii leey lay sawirayaaye

    Sidrigay ku daabacan tahee uma saqraameene

    Sidii saacaddii bay qalbiga iiga socotaaye

    Habeenkii markaan seexdo way ila safaaddaaye

    Salaadda horey iga tagtaa oy siigo noqotaaye

     

    Maryama Xaashi iyo tuu gahayr madar ka sheegaayey

    Iyo marantiduu Cigaal meel fog kaga booday

    Muran ma laha Ducaalow inay muunad dheer tahaye

    Maankaba ka jaray naago kale muhindiskoodiiye

    Haddii qaaddi ii meheriyo oo midigta lay saaro

    Ka maqsuuday dunidu waa maalintaa qurahe!

     

    --------------------------------------------------------------------------------


  4. waan idin salaamay salaan qiimo iyo qaaya badan leeh dhamaan dadka soomaaliyeed

    Baydka Koobaad

     

    smile.gif

    Baydka Koobaad

    waxbaa daris ila noqdee

    dugaagaan weheshadaa

    dul meerayaa kaymahoo

     

    halkaad iga daydaydiyo

    halkan heedhe heedhe

    halkaan dagay kala durkee

     

    ilaahbaa deeq baxshee

    dulmiga caashaqa ka daa

    digashada caashaqa ka daa

     

    Baydka Labbaad

    anoon dooda iyo deeqda

    dagaal layga badinahayn

    dareenkayga waad ogtoo

     

    jacylbaan la doodayaa

    bal sheeg danbigaa wax qabba

    dib u raac sheekada dadkoo

     

    halkaad iga daydaydiyo

    halkan haye haye

    halkaan dagay kala durkee

     

    ilaahbaa deeq baxshee

    dulmiga caashaqa kadaa

    digasahada caashaqa ka daa