Gabbal

Nomads
  • Content Count

    6,624
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Gabbal

  1. Dahir Aweys and some of the known respectable individuals would never get involved with this. It is the militias of all clans and walks of life who donned fake cimaamad that was my concern and why I had opposed the so-called ICU militia in Jubbas. You reap what you sow. Hypocrites fare worse then all other peoples. We will see how those who donned fake cimaamads and the individuals they came to aid fare. Isa soo shaac bixiya ragow walle ballo ayaad is tusaysaane!
  2. Che, they are Allpuntland, Gedo, and HornAfrik. Three diverse sources, what is there not to trust?
  3. Maleeshiyo Ka Tirsanaa Ururkii Midowga Maxkamadaha Oo Ku Soo Biiray Maleeshiyo Beeleedka Ku Sugan Buulogaduud Iyo Xildhibaan Ka Tirsan DFKMG Oo Ka Dambeeyey Arrintaasi Jun 21,2007 by Kismaayo-GEDO-NN Qaar ka tirsanaa maleeshiyo beeleedkii midowga maxkamadaha oo ku sugnaa howdka gobalka Jubbada Dhexe ayaa la xaqiijiyey inay ku soo biireen maleeshiyo beeleedyo taabacsan Col.Cabdirizaq Afgaduud iyo Col.Aadan Koojaar oo ayagu bishii April dagaalo la galay ciidamo ka tirsan guutada 3aad ee ciidanka dowladda, loogana awood roondaay gacan ku haynta magaalada Kismaayo. Afhayeenka beesha **** ee gobollada jubbooyinka Xasan Maxamed Cali (Xasan Dheere) oo ku sugan tuulada Goobweyn oo goor dhoweyd la soo xiriiray Gedonet ayaa sheegay in maleeshiyo ka tirsanaa ururkii midowga maxkamadaha oo uu tiradoodu ku sheegay ilaa 220 maleeshiyo ah oo ka yimid degaano ka tirsan gobalka jubbada dhexe ay soo gaareen, kuwaasoo uu yiri inay soo abaabulay xildhibaan ka tirsan xildhibaanada dowladda federaalka oo lagu magacaabo Geele saliid asagu hadda ku sugan degaanka Buulogaduud. Xasan Dheere oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in Xildhibaanka iyo maleeshiyo beeleedka ka tirsanaa ururkii burburay midowga maxaakiimta ay la yimaadeen degaanka ay isku horfadhiyaan ilaa iyo 3 tikiniko ah iyo labo baabuur oo xamuul ah. Xasan Dheere ayaa waxaa kale intaasi ku daray inay ka warhayaan gurmadyo kale oo ka soo socdo degaanada Buaale iyo degaano kale oo la doonayo in lagu xoojiyo maleeshiyo beeleedka taabacsan Col.Afgaduud iyo Koojaar. Afhayeenka beesha **** oo sii wato hadalkiisa ayaa sheegay inay "Wax lala yaabo ay tahay in xildhibaan ah uu si hab beeleed ula safto oo soo aruuriyo haraadigii midowga maxkamadaha oo la ogaa ayagu iyo dowladdu waxii soo kale dhex maray, arrintaasina wax indha laga qabsan karo ma ahan, dowladduna inay mowqif cad ka istaagto ayaa la rabaa". Xasan Dheere ayaa sheegay inaysan ayagu marnaba xabadda bilaabeen, balse hadii la soo weeraro ay isdifaaci doonaan. Goog jooge ka soo noqday jiidda hore ee labada ciidan isku horfadhiyaan ayaa Gedonet u xaqiijiyey inay labada ciidan ay isku jiraan in ka yar 3KM, goor kastana ay suurtogal tahay inuu dagaalo ka dhex qarxo oo geysto dhibaatooyin badan. Si kataba ha ahaatee, gurmadyo kale ayaa si xowli ah ugu socdo magaalada Kismaayo gudaheeda iyo degaanada ku dhow dhow, iyada oo la arkayey baabuurta dagaalka oo ay ka buuxaan ciidamo hor ah ku sii qulqulaya degaanada ay labada dhinac isku horfadhiyaan. GEDO-NN-Kismaayo News Desk
  4. No need to start dozen topics, we already some going. Here
  5. It is an intra-clan thing and not only that but he is campaigning for the upcoming conference that concludes the Garbaharey Conference of two years ago. The planned objective was to re-meet again in two years time and analyze what worked as opposed to what failed concerning that what points were agreed about in that earlier meeting. It is my believe this next meeting will not take too much time as the Garbaharey Conference worked just fine and Gedo has seen the most peace and sense of security it has seen since the inception of the civil war. Siyaasiyiinta, Odayaasha Dhaqanka iyo xubno ka tirsan ururada Bulshada ee Beelaha wada degga Gobolka Gedo oo isbuuca soo socda kulan dib u heshiisiin ah uga furmo Garbahaarey Mogadishu, Khamiis, Juun 21, 2007 Waxaa lagu wadaa in isbuuca soo socda inuu magaalada Garbahaarey ka furmo shir dib u heshiisiineed oo ujeedadiisu tahay sidii loo heshiisiin lahaa beelaha wada dega Gobolka Gedo. Ergo odayaal iyo waxgarad isugu jira oo ka timid deegaanka Ceel waaq uuna horkaacay gudoomiyihii hore ee gobolka Gedo Xuseen Sheekh Cabdi Ismaaciil [X.Gurey] ayaa warbaahinta Somaliweyn u sheegay inay ku howlan yihiin sidii loo dhameyn lahaa khilaafaadka beelaha wada dega Gedo, islamarkaana la isugu soo dhaweyn lahaa. Gudoomiyihii hore ee gobolka Gedo Xuseen Sheekh Cabdi Ismaaciil [X.Gurey] ayaa magaalada B/dheere kula kulmay siyaasiyiin iyo waxgarad uu ka mid yahay Barre Aadan Shire [barre Hiiraale], waxeyna ka wada hadleen sidii loo dhameyn lahaa khilaafaadka beelaha wada dega Gedo. Dhinaca kale waxaa la isla soo qaaday marka shirkooda uu dhamaado inay go’aan ka gaaraan xubnihii uga qeyb geli lahaa shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee bisha soo socota Bartamaheeda ka furmi doona Magaalada Muqdisho, iyadoo xubno uu hor kacayo Barre Hiiraale inay maanta tagaan Tuulada Fax-fax dhuun oo 85km ka xigta dhinaca koonfureed magaalada B/dheere si ay u soo heshiisiiyaan laba beelood oo halkaas ku dagaalamay Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho
  6. Ergo nabadeed oo uu hogaaminayo Barre Hiiraale oo u baqoolay deegaanka Faxfaxdhuun Click here to find shabelle news in English Baardheere 21, June.07 ( Sh.M.Network) Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale iyo odayaal dhaqameedyo reer Gedo ah ayaa maanta u ambabaxay deegaano hoosyimaada degmada Baardheere ee gobolka Gedo si ay u dhameeyaan xiisado colaadeed oo halkaasi ka jira. Ergadaan nabadeed oo uu hogaaminayo Barre Hiiraale oo gaaray deegaanada Faxfaxdhuun iyo Garileey ayaa bilaabay dhex dhexaadinta labo beelood oo wada dega halkaasi oo muddo ishayay. Xiisadda u dhaxeysa labadan beelood ayaa salka ku heysa dil horraantii bishaan ka dhacay degaanka Faxfaxdhuun, iyadoo kooxihii falkaasi geystay ay baxsadeen. Daahir Aadan yuusuf oo ka mid ah ergada uu hogaaminayo Col. Barre Hiiraale oo u waramay shabelle ka hor inta aysan saakay ka amababixin degmada Baardheere ayaa waxa uu sheegay in uu ku rajo weyn yahay xal nabadeed oo ay dhex dhigaan dhinacyada isku haya deegaanka Faxfaxdhuun. Dhinaca kale dhaq dhaqaaq ciidan oo ku wajahan gobolada Jubbooyinka ayaa si weyn looga dareemayaa degmada baardheere iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Gedo. Click here to find shabelle news in English Axmed Cumar Saalixi
  7. Baardheere: Xildhibaan Barre Hiiraale oo ka ambabaxay Baardheere. 21. June 2007 APL Baardheere(AllPuntland)- Xildhibaan Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo ay la socdaan odayaal dhaqameedyo ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Baardheere oo ka tirsan gobolka Gedo. Xildhibaanka iyo odayaashan ayaa aaday deegaanka Faafaxa-Dhuun oo ay dhawaan halkaasi ku dagaalameen labo maliishiyo beeleed oo wada dega deegaankaasi iyo nawaaxigiisa. Odayaashan ayaa la filayaa marka ay deegaankaasi tagaan in ay kala dhex galaan ama ay qaboojiyaan dagaalada halkaasi ka jira oo ka dhashay dil loo geystay nin ganacsade ahaa oo ka tirsan mid ka mid ah beelaha halkaasi dega. Dhinaca kale deegaanka Baardheere ayaa laga dareemayaa inuu ka jiro dhaqdhaqaaq ciidan oo xoogan kaawsoo ku wajahan magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda halkaasoo ay iyaguna horay ugu dagaalameen maliishiyooyin kala taageersan maamulkii Barre Hiiraale iyo midka cusub ee dowladda u magacowday gobolka J/Hoose. Waxaa kaloo jira xiisad iyo saan saan colaadeed oo ka jirta deegaanada Buulo gaduud, Goob Weyn iyo Yoontooy halkaasoo isku hor fadhiyaan labada ciidan ee isku heysta gacan ku heynta maamulka gobolka J/Hoose. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  8. Emporer, HornAfrik writes it as well but you did not see that as usual of course, you were too captivated by the world Gedo.
  9. dhaqdhaqaaq ciidan iyo xiisado colaadeed oo ka soconaya goboladda J/Hoose June -21-2007-HornAfrik, Mogadishu. dhaqdhaqaaq ciidan iyo xiisado colaadeed ayaa kajira gobolada jubbooyinka kadib markii Ciidamo fara badan oo ka soo baxay degmada Bu’aalle ay shalay soo gaareen degmada Jilib xili Ciidamada beelihii dhawaan ku dagaalamay Magaalada Kismaayo ay iyaguna isku horfadhiyaan deegaanka Goobweyn kuwaas oo isu jira in ka yar hal kiiloo mitir. Boqolaalkaan Ciidamada ah ee ka soo baxay Magaalada Bu’aalle ee xarunta gobolka J/dhexe oo soo gaaray Magaalada Jilib shalayto galinkii hore ayaa waxaa ay wataan Ciidamadaasi gaadiidka dagaalka iyo kuwa kale ee xamuulka qaada. Saraakiil kusugan degmada Jilib ayaa Hornafrik u xaqiijiyey in Ciidamadaasi laga dareemayo dhaqdhaqaaqooda qeybo badan oo ka mid ah J/dhexe waxaana ay sheegeen in uu hogaaminayo xilibaan Geelle Saliid oo katirsan mudanayaasha Baarlamaanka dowladda fadaraalka iyo waliba Sheekh Maxamed oo isaguna katirsan Mas’uuliyiinta deegaanka J/dhexe gaar ahaana degmada Bu’aalle. Abaabulka Ciidan iyo waliba gaadiidka dagaalka ee loo soo rarayo J/hoose ayaa sidoo kale si xoogan uga soconaya degmooyinka gobolka Gedo qaar kood sida wararku ay sheegayaan gaar ahaan degmada Baardheere. Xiisadaha colaadeed ee iminka ka taagan goboladaasi ayaa waxaa ay saameyn balaaran ku yeesheen sadaxda gobol ee degmooyinkaasi ee kala ah J/dhexe J/Hoose iyo waliba Gobolka Gedo. Sahro Cabdi Axmed "Kismaayo
  10. Kismaayo: Xiisadaha dagaal ee ka jira Jubada hoose ,oo gurmadyo kala duwan ay gaarayaan. 21. juni 2007 APL Kismaayo(AllPuntland)- Warar naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in ay halkaasi gaarayaan maleeshiyo laga keenay gobalo ka mid ah dalka Soomaaliya. Boqolaal Maleeshiyooyin ah ayaa waxaa lasheegay in ay diyaar garow dagaal ka wadaan gobalka Gedo. Waxaana lasheegay in ay saaka halkaasi ka baxeen maleeshiyo loogu talagalay in ay ka qeybqaataan xiisadaha dagaal ee ka jira gobalka Jubada hoose,gaar ahaana deegaanada Buula-Guduud iyo Yoontooy oo ka wada tirsan gobalkaasi. Waxaa lasheegayaa in ay magaalada kismaayo ,xalay ka baxeen maleeshiyooyinkii lawareegay 23-April waxa ayna udhaqaaqeen dhinaca degmaa Buula-guduud oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan dawlada Soomaaliya. Dhinaca Magaalada Bu'aale ayaa waxaa lasheegayaa in ay xalay ,ka ambabaxeen ciidamo ka tirsan kuwa dawlada Soomaaliya waxa ayna gaareen maanta degmada Buula-guduud ,waxaana wararka laga helayo goobaha ay isku horfadhiyaan dhinacyadan ,waxa ay ku waramayaan in saac kasta lafilan karo dagaalo dhexmara labada dhinac. Maleeshiyooyin hor leh oo ka socda degmada Baardheere ayaa waxa ay sheegayaan wararku in ay ka ambabaxeen degmadaasi,waxa ayna ku sii jeedaan magaalada Kismaayo. Xiisadahan dagaal ee ka jira Jubooyinka ayeysan dawlada Soomaaliya ka hadlin,waxaana lasheegayaa in ay jiraan diyaar garoow balaaran oo ku aadan hawlaha ka socda Jubada Hoose. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
  11. Ciidamo xoogan oo u horkacaayo xildhibaan Geele Saliid oo soogaaray Buulogadud Kismayo, Somalia - Ciidamo sita gaadiidka dagaalka iyo kuwa kale ee qaada xamuulka gaaraayana boqolaal ayaa kasoo ruqaansaday magaalada Bu'aalle ee xarunta gobolka J/dhexe si ay markaasi u caawiyaan ciidamada degaanka Buulo Gaduud ee Jubbada hoose, waxaana sida ay ii xaqiijiyeen saraakiil uu ka mid yahay Col. Ducaalle Ganane Cuncun oo ku sugan magaalada Bu'aale uu intaas ku daray in ciidamadaani uu wato xildhibaan Geele Saliid oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka DFK iyo Sheikh Maxamed oo hore uga tirsanaa midowgii Maxkamadaha Islaamiga ee gobolka J/dhexe. Ciidamadaani ayaa waxaa ay sheegayaan wararka ka imaanayo Bu'aalle in ay ka mid yihiin ciidamadii deegaanka Bu'aalle ee gobolka J/dhexe. Xiisadaha colaadeed ee J/hoose ayaa saameyn weyn ku yeeshay guud ahaanba gobolada Jubooyinka, waxaana degmooyinka gobolka Gedo laftooda 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka socday abaaul ciidan aydoo degmooyinka Baardhere, Garbahaaray, Buurdhuubo, iyo meelo kale ay ka socdeen aruurinyta ciidamo iyo gaadiidka dagaalka oo loo soo diraayo magaalada Kismaayo. Guud ahaana magaalada Kismaayo sadexdii cisho ee ugu dambeeyey ayaa laga dareemayay abaabulka ciidanka iyo saameynta dagaalada. Sidoo kale, waxaa xirmay dhamaan goobihii ganacsiga, Iskuulaadkii iyo isu socodka dadka iyo gaadiidka deegaanada, goobaha wax lagu kala iibsado. Magaalada Kismaayo, saacadba saacada ka dambaysa ayey dadku saadaalinayaan dagaalo xoogan oo ay isaga hor yimaadaan mileeshiyada Buulo gaduud ku sugan iyo kuwa magaalada Kismaayo ayada oo ay hadda ciidamadu isu jiraan wax ka yar 1 KM. Waxgaradka beelaha ***** iyo ***** ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa wada diraayo baaqyo nabadeed. Ugaaska Beesha ***** ee J/Hoose Ugaas Maxamuud Xaaji Xuseen Baqow ayaa ka mid ah wagradka ***** ayaa sheegay in xiisadaha colaadeed ee hadda taagan lagu dabaalo wada hadal iyo heshiis rasmi ah. Sidoo kale, dhanka beesha *****; Suldaanka beesha - Maxamed Bashiir Madoobe Yarrow ayaa waxuu ku baaqay in xabadda la joojiyo wada hadalna laysla meel dhigo si xasaradaha loo damiyo. Aydoo taasi ay jirto ayaa haddana aanay jirin waan-waan muuqaneyso oo ah in la kala dhex galo dhinacayada isu hub aruursaanaaayo, isla markaana weli ma jiraan wax hadal ah oo ku saabsan mushkiladaan ka aloosan Gobolada Jubooyinka, gaar ahaan magaalada Kismaayo oo kasoo baxay DFK ah. Laylo Sh. Aadan, Allgedo - Kismaayo. Allgedo News Media Network
  12. If it was not for the other sides "anagaa iska leh" attitude the composition of Kismaayo's administration would mirror that of the ICU time named by Hassan Dahir Aweys; reflecting the majority.
  13. Originally posted by The Duke: There is a gap in your news saxib. Ninyaho sow damiir ma lehid. Yesterday you bombarded here with this falsified news and you are not even shameful about it. Sxb majority of your sources are propaganda machines who embarass themselves more then any other sites. That's the truth! As for the gap allege, there is none. Gedonet already wrote an earlier piece about your propaganda. Maleeshiyo Beeleedkii Buulogaduud Iyo Ciidamadii Guutada 3aad Oo Isku Horfadhiya Degaanka Luglow Jun 20,2007 by GEDO-NN-Kismaayo Abaabul dagaal oo xoogan ayaa ka soconaya Tuulooyinka Goobwayn iyo Buulagaduud ee waqooyiga Kismaayo halkaas oo ay ku sugan yihiin maleeshiyo beeleed taabacsan Col.Cabdirizaq Afgaduud iyo Col.Koojaar oo horay looga soo eryay magaalada Kismaayo iyo ciidamo ka tirsan kuwa guutada 3aad ee hadda ka hor ku dagaalamay gudaha magaalada Kismaayo. Dhiilada ayaa cirka isku shareertay markii shalay galinkii dambe ay isku dhaceen laba ilaalo nawaaxiga halka loo yaqaano dalcada luglow taas oo ay ka dhalatay in labada dhinac ay hubka uruursadaan. Boqolaal ciidan ah oo ku hubaysan baabuurta dagaalka oo ka baxay magaalada kismaayo ayaa isugu tagay tuulada goobwayn oo Kismaayo 9Km u jirta, halka maleeshiyo beeleedka daacadda u ah Col.Afgaduud iyo Koojaar oo iyaguna ku hubaysan dhowr baabuur dagaal ay soo fariisteen dalcada Luglow oo kismaayo u jirta 19km. Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in ilaalo hore ay yihiin ciidamada jooga Luglow ayna maleeshiyooyinka xoogoodu ku sugan yihiin Tuulada Yoontooy oo kismayao u jirta 21km, waxaase sii kordhaya cabsida laga qabo dagaal culus oo lagu hoobto. Ciidamada magaalada Kismaayo ku sugnaa ayaa isku raray tiknikada dagaalka ,waxaana la arkayay iyagoo raxan raxan u sii lugaynaya mana cadda in ay weerar qaadayaan iyo in difaac galayaan sida ay sheegteen saraakiisha hogaamisa ciidamadan. Goobaha ganacsiga ayaa maanta badankood xirnaa dadkuna waxaa ay dhooban yihiin wadooyinka iyagoo is waydiinaya waxyaabaha soo fool leh halka ay labada dhinac kala jooga, inta badan dadku waa ay walwalsan yihiin waxaa ka muuqanaysa sida ay ugu daaleen dagaalada ahliga ah ee ragaadiyay kismaayo xilli gobolada kale ee ay joogto dawlada KMg ah ay ka socdaan hawlo amni sugid ah iyo rabshado siyaasadeed oo aan ahayn kuwa qabyaaladeed. Col: Aaden Maxamed Ibraahim Koojaar oo ka mid ah horjoogayasha maleeshiyo beeleedka ku sugan Buulagaduud ayaa ku eedeeyay dhinaca Kismaayo in ay weerar ku soo qaadeen fariisin ay ku leeyihiin Yoontooy kadib markii ay dhamaadeen saddex maalmood oo Beesha Kismaayo haysata ay u qabatay in ay wadada ku baneeyaan sida uu warka u dhigay. Koojaar waxaa uu intaas raaciyay in Buulagaduud ku joogaan amarka dawlada aysan weerar ku ahayn magaalada Kismayo, balse ay isdifaaci doonan hadii la soo weeraro Col: Ismaaciil Khaliif Shire taliyaha guutada saddexaad ee xooga dalka oo Kismaayo ku sugan aya ku tilmaamay iska horimaadkii shalay mid ay isku haleeleen laba ilaalo ayna dib u soo celiyeen ciidamadooda. Col.Ismaaciil Khaliif Shire ayaa waxaa uu tibaaxay in Guutada Saddexaad aysan weerar ahayn oo ay wasaarada gaashaandhiga ka haystaan amar ah in meel la isugu geeyo Ciidamada qaranka si loo aruuriyo loona siiyo mushaarka ay leeyihiin. Hadalada saraakiishaan kawada tirsan dawlada KMG ah ayaa waxaa ay ka dhigan yihiin in ay wada taabacsan yihiin dawlada KMG ah waxaase cad in ay ukala jabeen hayb qabiil ka dib dagaalkii 23kii April ee kismaayo looga saaray taliyahii hore guutada Koowaad Col.Afgaduud C/risaaq afgaduud iyo abaanduulaha qaybta koowaad Col: Aaden koojaar iyadoo markii dambana ay ku biireen Gudoomiyaha gobolka iyo kan degmada oo loo fasirtay in ay hayb qabiil isku raaceen. GEDO-NN-Kismaayo News Desk
  14. Ninyaho isla yaab. All you are rehashing is yesterday's incident between the men in Buulogaduud and a surveillance team from the Kismaayo side. If fighting had erupted it would on the front page of Shabelle and all the other news sites. Fighting has the potential to ignite, however, most of the Kismaayo side have left the city for undisclosed areas. Wararkii Ugu Dambeeyey Iyo Magaalada Kismaayo Jun 20,2007 by Kismaayo-GEDO-NN Wararka ugu dambeeya ee ka imaanaya degaanada ay isku horfadhiyaan maleeshiyo beeleedka taabacsan Col.Afgaduud iyo Col.Koojaar iyo kuwa guutada 3aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa sheegaya inay maleeshiya beeleedkii dhanka Buulogaduud ay dib uga baxeen ilaa iyo 5KM goobtii ay shalay soo dageen oo u dhow degaanka Luglow. Saraakiisha ciidamada guutada 3aad ayaa xaqiijiyey dib u gurashada ay sameeyeen dhanka kale, iyada la arkayey 3 tikiniko oo wateen maleeshiyadii Buulogaduud oo baneeyey agaagii hore ee ay fadhiyeen. Dib u gurashada ay sameeyeen ayaa la ogeyn sababaha ka dambeeya xilli ay labada dhinac isku soo jirsadeen ilaa saaka aroortii wax ka yar ilaa iyo 2KM oo ay isku muuqdeen. Boqolaal ka mid ah ciidamada guutada 3aad oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa tan iyo xalay laga daadguraynayey iyaga oo la isugu geeyey degaano kale oo ay ka gaabsadeen saraakiishii hogaaminaysa ciidamada. Dhanka kale, warar laga soo xigtay saraakiisha ciidamada guutada 3aad ayaa sheegay inuu Col.Afgaduud iyo labo gaari oo weheliso ay ka baxeen degaanka Buulogaduud oo ay iminka uu ku sugan yahay goob 10KM u jirta degaankaasi oo dhinaca Muqdisho ku aadan. Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan wax dadaalo ah oo la doonayo in lagu qaboojiyo colaadaha ka aloosan magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda, iyada oo laga cabsi qabo in labada dhinac ay dagaalo ka fool fool ah ay isaga horyimaadaan. Dhinaca kale, gaari nooca loo yaqaano Jameska oo ay saarnaayeen ciidamo ka baxay magaalada Kismaayo oo goostay fariinka ayaa sababay dhimasho labo ka mid ah ciidamada guutada 3aad iyo dhowaacyo soo gaaray dhowr ka mid ah ciidamadaasi sida uu sheegay uu Gedonet u sheegay mid ka mid ah taliyaasha ciidamada guutada 3aad ee ku sugan magaalada Kismaayo. GEDO-NN-Kismaayo News Desk
  15. Wararkii Ugu Dambeeyey Iyo Magaalada Kismaayo Jun 20,2007 by Kismaayo-GEDO-NN Wararka ugu dambeeya ee ka imaanaya degaanada ay isku horfadhiyaan maleeshiyo beeleedka taabacsan Col.Afgaduud iyo Col.Koojaar iyo kuwa guutada 3aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa sheegaya inay maleeshiya beeleedkii dhanka Buulogaduud ay dib uga baxeen ilaa iyo 5KM goobtii ay shalay soo dageen oo u dhow degaanka Luglow. Saraakiisha ciidamada guutada 3aad ayaa xaqiijiyey dib u gurashada ay sameeyeen dhanka kale, iyada la arkayey 3 tikiniko oo wateen maleeshiyadii Buulogaduud oo baneeyey agaagii hore ee ay fadhiyeen. Dib u gurashada ay sameeyeen ayaa la ogeyn sababaha ka dambeeya xilli ay labada dhinac isku soo jirsadeen ilaa saaka aroortii wax ka yar ilaa iyo 2KM oo ay isku muuqdeen. Boqolaal ka mid ah ciidamada guutada 3aad oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa tan iyo xalay laga daadguraynayey iyaga oo la isugu geeyey degaano kale oo ay ka gaabsadeen saraakiishii hogaaminaysa ciidamada. Dhanka kale, warar laga soo xigtay saraakiisha ciidamada guutada 3aad ayaa sheegay inuu Col.Afgaduud iyo labo gaari oo weheliso ay ka baxeen degaanka Buulogaduud oo ay iminka uu ku sugan yahay goob 10KM u jirta degaankaasi oo dhinaca Muqdisho ku aadan. Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan wax dadaalo ah oo la doonayo in lagu qaboojiyo colaadaha ka aloosan magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda, iyada oo laga cabsi qabo in labada dhinac ay dagaalo ka fool fool ah ay isaga horyimaadaan. Dhinaca kale, gaari nooca loo yaqaano Jameska oo ay saarnaayeen ciidamo ka baxay magaalada Kismaayo oo goostay fariinka ayaa sababay dhimasho labo ka mid ah ciidamada guutada 3aad iyo dhowaacyo soo gaaray dhowr ka mid ah ciidamadaasi sida uu sheegay uu Gedonet u sheegay mid ka mid ah taliyaasha ciidamada guutada 3aad ee ku sugan magaalada Kismaayo. GEDO-NN-Kismaayo News Desk
  16. Nin Shacab Ah Oo Lagu Dilay Xuduuda Soomaliya Iyo Kenya Jun 19,2007 by B/Xaawo-GEDO-NN Nin shacab oo aan habybtiisa la aqoon ayaa lagu dilay Xaduudda labada magaalo ee B/xaawo iyo Mandheeraa. Dilkan ninkaan shacabka ah ayaa waxaa ka dambeeyey ciidanka booliska Kenya kadib markii uu shalay amar ku bixiyay gudoomiyaha deggmada Mandheeraa Mr.Kimaani Wawiro in la toogto qofkii xaduuda lagu arko una soo talaabaya dhanka Kenya. Wararka qaar ayaa sheegaya inay jiraan dad dhaawacyo kale duwan ka soo gaareen rasaas ay fureen ciidanka booliska ee Kenya kadib markii qaar ka tirsan ardada reer B/Xaawo ee dugsiyada ka dhigta Mandheeraa jirdil lagu sameeyay, dadweyne faro badan oo ka xun jirdilkaasi ay ku banaanbaxeen xuduuda labada dal u dhaxeysa. Mar la weeydiyay gudoomiyaha Mandheeraa sababta keentay in xaduuda si aad ah loo adkeeyo ayaa waxaa uu sheegay inuu cadayn u haayo labadii nin ee booliska Kenya ahaa in ay dileen niman ka soo gudbay xadka Soomaaliya, xadkuna uu xirnaan doono cidii lagu arkana la toogan doono ilaa iyo inta laga soo celinayo hubkii laga qaatay askartaas la dilay iyo raggii kale ee ka dambeeyey dilkaasiba. Mar wax laga waydiiday aradada dugsiyada ka barata Mandheera ee reer B/Xaawo inay soo gudbi karaan ayaa waxaa uu yiri "xaqba umaay laha aradayda soomaalida ah inay Kenya wax ka bartaan, mana soo gudbi karaan". Si kastaba ha ahaatee maamulka B/Xaawo ayaa sheegay inaysan wax lagu ku lahayn arintaas dad ka soo gudbay xadka soomaaliya labad nin ee booliskana aan maydkooda laga helay xadka soomaaliya arintuna ay tahay "waxii xunba xaawo saar". Isku soo duuduuboo waxaa cirka isku sii shareeraysa kala fogaanshaha magaalooyinka B/xaawo iyo Mandheeraa iyadoo ay muuqato xaalad colaadeed oo horay uga dhicin xuduudka labada dal. Cabdirizaq Aleuxiir-GEDO-NN-B/Xaawo
  17. Duke, you do protest too much old boy. War jiraaba cakaarahuu iman.
  18. Duke- Far iyo meel bugtaa is og baa la yiri, perhaps you subconciously believe everyone is as you are; go into hiding whenever you see a setback. I am here Duke and I am not going anywhere adeer. Hadii lays dagaalo, one side will see victory macna ma le adigu ha wareerin. Gedonet is quiet because nothing happened, which is the same reason why Shabelle and all the other respectable sites have not said anyting.
  19. Duke- Listen to the very interview that you brought. Goojaar says handful guys and them exchanged gunfire from afar but a "clash" did not take place. Goojaar says it is more then likely the group in Kismaayo will launch their attack soon. However, if the group in Kismaayo will keep their word about launching an attack or not we will very shortly.
  20. War jiraaba cakaarahuu iman ragow, Horn does not control destiny. I simply discuss what is apparent, if they choose to attack or not it is not something I have control over. Now let us all wait until the the news sites update their info.
  21. Originally posted by Dhubad: ^Didn't Koojaar said that they have been attacked? We will find out in due time, but as I just spoke to Kismaayo they are singing a different tune. I will find inshallah in two hours or so which is truly which and where things stand.
  22. Duke- There is politics being played here. The group in Kismaayo already has the price. Are you forgetting who is in the city? They are not the group sitting somewhere in the swamp having to deal with mosquitoes. Your group is and if they had the courage, the strength, and the ability]/b] to attack Kismaayo, they would have already done so instead of issuing a 101 and threats over the radio waves.
  23. Dhubad, I spoke to Kismaayo right now. According to my sources no such clashes took place but tensions are high and Kismaayo group is waiting for the three day deadline to completely elapse.
  24. So fighting occurred is it? As for the details, war jiraaba cakaarahuu iman. No need to overdue yourself so early on the information.