Gabbal

Nomads
  • Content Count

    6,624
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Gabbal

  1. Shimbirna haday nawaaxiga Berbera ku dhuusto waan kaa sugayaa inaad nala socod siisid Jacalbarow. Intaas waa iga kaftan.
  2. Dagaalkaan so ma beenowin?
  3. Shimbirna haday nawaaxiga Berbera ku dhuusto waan kaa sugayaa inaad nala socod siisid Jacalbarow. Intaas waa iga kaftan.
  4. Maya dee Che, xaalku sidaa maaha, anigu ku qosli maayo rag laga guulaystay iyo kuwa kale ayaa guulaystay iyo arrimo la hayb ah. Anigu waxaan ku qoslayaa marna tacsi baa inoo taal ee meeshu waa nalagu xasuuqay iyo marna dee awood baa ino taal aan wax isaga caabino. Marka adigu hadaan ku su'aale, labadaas maway is waafaqaan?
  5. Taada mid gaar ah ayay ahayd sxb, mid lana iloowayn weeyaan.
  6. At first I thought it was a joke but Puntlandpost has far exceeded our expectations of them.
  7. Siyaasiyiinta iyo wax garadka beesha **** oo maanta soo saaray qodobo lagu xakameynayo amaanka magaalada Kismayo Kismayo, Somalia - Kulankaani manta Hortel Mariidiyaan ay ku yeesheen hogaamiye yaasha, siyaasiyiinta iyo wax garadka beesha **** ayaa waxaa lagu soo saarey ilaa iyo todobo qodob oo lagu sugayo amniga magaalada Kismayo oo haatan ay beeshaani gacanta ku hayso, qodobadaasna waxay yihiin:- 1. In ciidamada laga saaro gudaha Kismayo, islamarkaana la dajiyo rugahoodii ciidan. 2. In ay howlgalaan dhamaan ciidamada booliiska iyo kuwa amaanka si ay u hantaan amaanka magaalada Kismayo oo cishooyinkaani faraha ka baxay. 3. In cidii ku kacda dhac iyo boob la hor geeyo sharciga islaamka. 4. Ganacsatada Kismaayo waxaan ku boorineynaa in ay ka qeyb qaataan sugida amniga magaalada Kismayo. 5. Hogaamiye yaasha Beelaha Somaaliyeed ee deegaanka waxaan ka codsaneenaa in ay ka qeyb qaataan sugida amniga magaalada kismayo. 6. Cidii ayadoo wax dhaceyso lagu arko magaalada Kismayo, sidaas awgeedna ku dhinto wax dhiig ah malahan. 7. Hayadaha caalamiga ah waxaan ka codsaneenaa in ay kaalmo bini'aadanimo la soo gaaraan shacabka gobolka Jubada hoose ee la daalaa dhacayo macluusha colaadu sababtey. Afhayeenka odayaasha beesha **** C/naasir Xirsi Shaarib ayaa sheegey in ay dhaqan galinayaan dhamaan qodobadaani ay saxiixiin in ka badan 31 oday dhaqan oo ka soo jeedo beesha **** oo uu hor kacayo Suldaanka guud ee beeshaasi Suldaan Maxamed Bashiir Madoobe Yarrow. Kulankan ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xili dhawaanahaani falal amni daro iyo dhac loo geysanayo shacabka reer Kismayo, waxaana dhamaanba falalkaasi geysanayo maleeshiyooyin hubeysan, laakiin hadda dhamaan arimahaan la xariira falalka amni daro wax ka qabashadooda waxaa u tafa xaydanayo wax garadka beesha **** ee haatan gacanta ku hayo magaalada Kismayo. Dhanka kale, beeshaan hadda gacanta ku hayso magaalada Kismayo ayaa waxa ay sheegeen odayaashooda iyo siyaasiyiintooda in ay taageersan yihiin siyaasada dowlada federaalka Soomaaliya ayna la shaqeynayaan waa sida ay hadalka u dhigeen wax garad kaasi. Laylo Sh. Aadan, Allgedo - Kismayo. Allgedo News Media Network
  8. Originally posted by Juje: Lakiin what is suprising is these people who were 'allegedly' murdered were already living in Kismayo, hence why were they (if at all) killed since there is nothing happened in Kismayo and there has been no change of hands in there at all. Or is this a cheap call by those who called for the war and lost , and are now trying to appeal to peoples' sense of humanity. 'We wiil do this and that, we will over run these gang , local people will reclaim their right' and all other intimidation, ma waxaa ka dambeysey 'xasuuq been abuur ah'. Cajiib, "dhiikac dhiikac hore dhamana heysi dambe ayey ledaahey".
  9. No, he came back two days ago. Ergadii Nabadeed Oo Uu Hogaaminayey Xilldhibaan Barre Hiiraale Oo Xaley dib ugu Soo Laabatey Degmada Baardheere Jun 23,2007 by Baardheere-GEDO-NN Ergadadan nabad raadinta oo uu hogaaminayey Xildhibaan Barre Aadan Shire(Barre Hiiraale) oo labadii maalmood ee u dambeeyey ku sugnaa Deeganada Geriley iyo Faafaxdhuun ayaa xaley goor dambe waxa ay dib ugu soo laabteen degmada Baardheere, kadib markii ay ku guuleysteen deminta xiisadii colaadeed ee deeganadaasii ka taagneyd baryahii lasoo dhaafey. Ergadaan nabadeed oo uu hogaaminayo Barre Hiiraale oo isugu jirey masuuliyiin maamul,siyaasiyiin,odoyaasha dhaqanka iyo waxgarad kale oo gaaray deegaanada Faxfaxdhuun iyo Garileey ayaa shaley ku guuleytey in loo soo gacan geliyo shan qof oo lagu eedaynayo inay ka dambeeyeen dil horaantii bishani ka dhacay deegaanka Faafaxdhuun oo xalka gaaristiisu leysku maandhaafey. Qabashada ragani oo hadda uu ku xiran Xarunta Barre Hiraale ee Muuri ayaa waxay meesha ka saareysaa cabsidii la qabey oo ahayd in iska hor imaad uu dhexmaro maleeshiyooyin deegaanadasi isku uruursanayey. Gudoomiyaha Golaha Odoyaasha Deg.Baardheere. Xusen Cali Biixi ayaa Gedonet u sheegay in haatan ay dhamaatey xiisadii u dhaxeysay labada Beelood eewalaalaha ah,maadama ayuu yiri arinkii leysku hayey ee ahaa dilka uu hatan meel fiican marayo. Waxuuna sheegay in kulamo kala duwan oo ergadu ay la qaateen odoyaasha deegaanadaasi iyo kooxdii lagu eedaynayey dilka in ay suurto gal ka dhigtey inay dableydii iyo hubkoodii in ay isa soo dhiibaan,waxuuna intaasi ku darey in ay ku rajo weyn yihiin in arinta lagu dhameyn doono xal nabadeed oo labada dhinacba ay ku qancaan. A C Saalixi-GEDO-NN Baardheere
  10. Cige, it should not be too hard, please get the link of the report Gedonet drafted where they said Hassan Turki was fighting alongside Af-Gaduud.
  11. War saxaafadeed ay Kismaayo ka soo saareen odayaasha Beesha **** Click here to find shabelle news in English Mogadishu 24, June.07 ( Sh.M.Network) War saxaafadeed ay maanta soo saareen beesha haatan gacanta ku heysa magaalada Kismaayo ayaa sheegay in diyo uusan la heyn qofkii la dilo oo ku gudo jira howlo burcadnimo ah. Ka dib kulan maanta ay ku qaateen magaalada Kismaayo odayaasha beesha Haatan gacanta ku heysa Kismaayo ayaa laga soo saaray war saxaafadeed ka kooban 7 qodob oo gundhig u noqonaya sugidda amaanka magaalada Kismaayo. . Qodobada la soo saaray ayaa waxaa ka mid ah in diyo uusan laheyn qofkii lagu dilo howlo burcadnimo ah isagoo ku howlan iyo falal ka dhan ah amaanka. . Ganacsatada Magaalada Kismaayo ayaa loogu baaqay in ay ka qeybqaataan sugidda amaanka Kismaayo, iyadoo kaalmo laga helayo bulshada iyo qodobo kale oo ku aadan sidii wax looga qaban lahaa amaanka magaalada Kismaayo. Arimahaan ayaa waxa ay ku soo beegeem xilli jimcihii la soo dhaafay magaalada Kismaayo iyo daafahadeeda ay ka dhaceen dagaalo qaraar oo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda oo u dagaalamay qaab qabiil. Dagaaladaasi ayaa waxaa la aaminsan yahay in ay ku nafwaayeen in ka badan 20 ruux halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo qoysas badana ay ku barakaceen. Click here to find this article in English Shabelle Media Network Somalia
  12. So Cige is a multi-nick? He came here advocating for the northwest but after the Kismaayo defeat he has lost the plot, as Duke would say.
  13. Well if you choose to go after the moderate Gedonet, that is your prerogative.
  14. Originally posted by The Duke: to the little clan fascist and defective Gedonet.com O.K clearly you are in a foul mood, I guess I will try again another time inshallah.
  15. No but clearly there is something fishy if only 3 known biased websites who have a history of blatantly lying and inventing stories all together wrote something none of the other Somali sites reported, especially those intermediate non-aligned websites who are too numerous to count.
  16. Duke, you brought AllPuntland, Puntlandpost, and Garoweonline. Puntlanpost and Garoweonline are websites that have become infamous for nothing but daily insulting reer Gedo (infact Garoweonline writes other clans of the "JVA" participated in this clash), and Allpuntland is a website that has been caught numerous times before of making up stories dealing with Kismaayo. Waxgaradka Ka Tirsan Beesha **** Ee Magaalada Kismaayo Oo Ka Jawaabay War Ku Soo Baxay Websiteka Allpuntland Jan 10,2007 by Kismaayo-GEDO-NN Warsaxaafadeed ay galabta ka soo saareen magaalada Kismaayo waxgarad ka tirsan beesha **** ayaa si kulul ugu jawaabay war aan xaqiiq aheyn oo lagu soo daabcay maanta websiteka Allpuntland oo sheegaya in rabshado iyo mudaaharaadyo looga soo horjeedo furitaanka dekadda kismaayo ay ka dhaceen magaalada Kismaayo. Waxgaradkan ayaa ku sheegay warkaan ku soo baxay Allpuntland uu yahay war aan waxba ka jirin, xaqiiqdana ka fog, wax rabashado iyo mudaaharaadyo ahna aysan ka dhicin magaalada Kismaayo, haddii ay jiraane ay saxaafadda gudaha iyo midka caalamkaba ay ay u soo bandhigi laheyd shacabka oo dhan.... Source
  17. Duke- Do not speak to me as a person who condones such things sxb, waala dhaamaa sxb. Duke the Bu'aale massacre was reported by all Somali media including the BBC, Shabelle, HornAfrik, Puntland and Gedo sites as well as the news sites who were connected the perpetrators of that crime like Godeynews. All you brought is Garoweonline news which also says the group in Kismaayo was "accompanied by other clans of the JVA".
  18. If I may ask you Rahima as well as Khalaf, what earlier discussions are you both alluding to?
  19. Duke Kismaayo is calm no such things took place. I have talked to the city and it seems your websites are trying to confuse the market from the real news. Your group who came from the Airport area opened the jails, freeing all the criminals, as well as killed two businessmen hailing from the other group before being chased out. Now give me something other then the usual suspects. From the other side, Shabelle, HornAfrik, Somaliweyn, and even Dayniile no one is repeating what you have written. Even your more respectable site, SBC, has not written such things. The BBC as well VOA all spoke of a calm and orderly Kismaayo with its security intact. No such things took place adeer.
  20. Jabhad, AllPuntland did not write of rapes and such things but Garoweonline did while shooting themselves in the feet. There is a part that shreds their credibility and it is the part Duke edited from his version. The version Duke brought says: Originally posted by The Duke: Shacabka Kismayo oo maanta loo gaystey dhac, dill iyo kufsi 23 Jun 23, 2007 - 7:37:29 AM Maleeshiyo beleedyada ka arimiya magaalada Kismayo ayaa maanta xadgudubyo ka dhan ah bini'adnimada u gaysatey dad rayid ah oo la hayb soocey kuwaas oo aan ku lug laheyn dagalada halkaas ka dhacey maalintii shaley.. Maleeshiya beesha **** ayaa saakey bilaabey in ay galaan guryaha iyo meheradaha ay leeyihiin dadka ku abtirsada beelaha ***** halkaas oo ay ka qaadanayeen wixii hanti ah isla markaana waxyeelo u gaysanayay dadka rayidka ah. Biliqadaan oo aheyd mid aan loo abaayeelin ayaa waxaa dadka rayidka laga dhacey dhamaan wixii gadiid ahaa oo ku xeraysnaa gurhayahooda iyo goobaha ganacsiga sida Hotelada iyo Bakhaarada. Dadkaan rayidka ah oo dagaaladaii ka dhacey shaley magaalada Kismayo kala kulmey dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta waayay gadiid ay ku soo aastaan maydadkooda madama laga bililiqeystay sida GO u sheegey qof ay xaaladan la soo gudboonaatey. Dhinaca kale biliqadaan ayaa waxa ay maleeshiyaadkan ku qaadanayeen dhamaan wixii qiimo leh oo ay ka helaan guryahas iyo goobaha ganacsiga sida lacagta iyo dahabka. Sida ay warsidaha Garowe Online u sheegeen dad rayid ah oo diidey magacooda ayaa xaley waxaa kufsi badan loogu gaystey xaafadaha Calanley gabdho farabadan kuwaas oo lagu bartilmaameedsanyo haybtooda. Qofkaan rayidka ah ayaa sheegey in dhawaaq iyo oohinta dumarkaan la maqllayey ilaa saakey waaberigii. Tacdiga lagu hayo shacabkaan ayaa DFKMG ah ilaa hadda wax war ah ka soo saareen isla markaana aysan wax ka qaban odayaasha beelaha **** iyo xubnaha kale oo sheganaya in ay tirsanyihiin dowlada kuwaas oo ku sugan magaalada Ksiamyo. While your unedited version contains: Wararka ka soo baxaya dagaaladii shaley ka dhacey duledka Kismayo kuwaas oo ay isku herdiyeen dhinacyada isku haya magalada Dekada ah ee Kismayo ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka beelaha **** ay dagaalka ku weheliyeen beelo ka tirsanaan jirey Isbaheysigii dooxada Jubba. If they included such an obvious lie what would stop them from writing others? Waxaan waa wax dhintay, sharafta dumarku miyaa sympathy lagu raadsan? Xaashaalilaah hadayba meeshu halkaa gaartay.
  21. Duke- We are against anything of the nature described and it is nothing something we have a culture of. We have not done it before nor do I believe it occurred now and if I go by what the majority of the sites have reported as opposed what one or two biased sites reported, I have no reason to believe otherwise.
  22. Originally posted by Garyaqaan*: Yaa duku what would you expect pounch of hungary gungs. It is normal life rapping and killing civilians for reer gedo. Cayga iska tir nin wayn yaad tahaye.
  23. Allamagan already said the physical battle has ended, we expect the propaganda war from you. Why has no one reported such propaganda except the usual crew? Besides, Kismaayo was in the hands of the group that has it now for months, how come no such events took place before? Or were your armed group and the Kismaayo group both living in Kismaayo and were afraid of each other? Xaaladda magaalada Kismaayo oo dagan ka dib dagaalo qaraar Click here to find shabelle news in English Kismaayo 23, June.07 ( Sh.M.Network) Xaaladda degmada Kismaayo ee gobolka J/hoose ayaa saakay dagan ka dib dagaalo qaraar oo galaaftay nolosha in ka badan 15 ruux oo ka dhacay daafaha iyo gudaha magaaladaasi Sida uu ku soo waramayo wariyaha shabelle ee magaalada Kismaayo, daganaasho ayaa laga dareemayaa maanta gudaha iyo daafaha magaalada Kismaayo, inkastoo lagu arkayo saakay maleeshiyooyin hubeysan oo raxan raxan ugu socda wadooyinka magaalada. Saraakiisha hogaamineysa maleeshiyo beeleedyada gacanta ku haya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegeen in ay sugayaan amaanka magaalada, isla markaana ay ka hortagi doonaan falal kasta oo lagu wiiqayo amaanka. Dagaaladii ka dhacay shalay tuulada Buulo Gaduud iyo qeybo ka mid ah magaalada Kismaayo oo dhex maray maleeshiyooyin ka soo kala jeeda Beelaha **** iyo Puntland ayaa waxa ay galaafteen nolosh in ka badan 15 ruux halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen. Dadka geeriyooday ayaa waxaa u badan labadii dhinac ee dagaalamayay, inkastoo ay jiraan dad rayid ah oo rasaas haboow ah ay haleeshay. Click here to find shabelle news in English Max'ed Axmed Shabelle Media Network Somalia
  24. I do not agree to the labeling of Al Qaeda, but former supporters and militias of the ICU under Hassan Turki brought both men as well as material support to the forces in Buulogaduud. Afgaduud was the same man who was scouting in the forests leading the Ethiopians to Hassan Turki's forces and today they joined him. Hypocrisy is worse then anything in my opinion and that is exactly why I had opposed the so-called ICU forces.