Gabbal
Nomads-
Content Count
6,624 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Gabbal
-
Somalia: First Case - Berhani Reconciliation Agreement Implemented Shabelle Media Network (Mogadishu) 27 July 2007 Posted to the web 27 July 2007 Aweys Osman Yusuf Mogadishu As a part of the implementation of Berhani agreement between the ---- and -------- sub-clans, public execution was carried out in Kismanyo District. On July 23 of this month, a comprehensive peace agreement was reached and signed in Berhano facilitated by the Center for Research and Dialogue - Somalia (CRD). One of the key issues agreed was that Shari'a law is decided to be a referring law among clans. In the event of Killing, the clans will surrender the assassin or killer to other clan. Yesterday at 10:20-morning local time, Max'ed Cabdulahi Jabane known as "Timo Jilac" intentionally killed Mr. Gaaboow Ibrahim from -------- sub-clan. Within 20 minutes of the killings, ---- Sub-clan captures the perpetrator/killer and brought to the other clan. Mr Timo-Jilac has confessed to the crime. This is action is rarely seen in the Somali clan allegiance system. Clans do not surrender one of their own easily. After Islamic due process, both clans agreed to carry out public execution. "This joint action by the two clans is a signal for people of Kismanyo that Durable Peace is finally here" Yusuf Dhere who witnessed the public execution said, "We can now sleep with little better because no one is dare to take another persons line with impunity" Residents of Kismayo and surrounding communities have welcome this step and with sense of celebration. Source
-
Beelo ku dagaalamay Deegaanka Beerxaano ee Gobolka Jubbada Hoose oo la heshiisiiyay
-
To show their respect of the law, the Gedo clans in Kismaayo have given up a confirmed killer to the clan of his victim. This is a turning point in the civil war relationship between Somalis and represents one of the success stories of Xeer or customary law. It is an action to applaud and something we hope is replicated throughout the Republic. Reer Gedo oo Gacan ku dhiiglihi u dhiibay beesha u dhilka ka geystey Ninka la qisaasayo oo taagan fagaare lagu dili rabo, iyadoo ay daawanayaan dadweyne fara badan Ninka la qisaasay oo gaari laga soo dajinayo, ka hor inta aan la dilin Marxuumka la qisaasay oo gacmaha ay ka hayaan odayaal ka hor inta aan la dilin Ninka la qisaasay oo lagu wareejiyay odayaasha ninkii uu maanta dilay, ka hor inta aan la qisaasin More of the story.
-
Faalo: Maxay tahay ujeedada ka danbeysa imtaxaanka laga qaaday ergadii Jubada hoose ka socotay?, maxayse yihiin su'aalaha qoraalka ah ee oday dhaqameedyadaas la weydiiyay? England, UK - Ilaa iyo markii ay labada kooxood ee ka wada tirsanaa ciidanka XDS ku dagaalameen Kismaayo, taasoo keentay in ay dad badan ku nafwaayaan, qaar badana ay ku dhaawacmeen, dabadeedna koox-dii uu Col. C/risaaq Afgaduud hogaaminayay xoog looga saaray Kismaayo, waxaa maalinba maalinta ka danbeysa soo if baxayay farsamo cusub oo ay soo bandhigeysay dowladda KMG ah ee uu hormuudka ka yahay madaxweyne Cabdulahi Yuusuf Axmed. Si uu xal uga gaaro arrimaha deganaasho la'aaneed ee gobolada Jubooyinka, gaar ahaan tan Jubada Hoose ayuu kal hore madaxeynaha waxuu halkaas usoo diray wafdi uu hogaaminayay wasiirka arrimaha gudaha dowladda KMG ah, mudane Maxamed Maxamuud (Gacmadheere.) Markii ay waan-waantaas nabadeed shaqeyn weysay, madaxweynaha waxuu isku dayay in uu adeegsado farsamooyin kale oo fara badan oo ay ka mid ahaayeen: In Col. Afgaduud iyo mas'uuliyiinta kale ee la carooday ay baaqi kusii ahaadaan gobolada Jubooyinka si ay uga sal gaaraan hadafkooda ah xaqiijinta xoog ku maqooninta kooxda Kismaayo gacanta ku haysa, balse taas qudheeda markii ay shaqeyn weysay, ugu danbeyntii Col. Afgaduud iyo kooxdiisii waxaa looga yeeray magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda. Farsamooyinka madaxweyne Cabdulahi Yuusuf waxaa kale oo ka mid ahaa, in uu damcay in kooxda haysata Kismaayo ay xoog uga saaraan ciidan balaaran oo ay Itoobiyaanka hor kacayaan, nasiib wanaagse, figradaasina way u hergeli weysay madaxweynaha. Waxaa kale oo iyana jirta figrad qatarteeda leh oo uu ilaa iyo intii muddo ah Cabdulahi Yuusuf ku howlanaa, taasoo ah in kooxda Kismaayo gacanta ku haysa oo kasoo jeeda beesha **** la'iska horkeeno, ayada oo qaar mas'uuliyiinta **** ka mid ah uu u balan qaaday lacag iyo darajo, balse taas qudheeda ilaa iyo hadda sidii uu Cabdulahi Yuusuf rabay way u shaqeyn weysay sababo jira oo aan halkaan lagu soo koobi karin awgood. Intaasoo farsamo ee sare ku xusan markii ay shaqeyn waayeen, Cabdulahi Yuusuf waxuu lasoo if baxay hadda farsamo cusub oo cajiib ah, taasoo ah in uu u yeeray oday dhaqameedyada qabaa'ilada dega Jubooyinka. Qaabaa'iladaas dhamaantood qabiil walba waxuu uga yeeray min saddex ergo, halka uu qabiilka ********* 6 ergo uga yeeray. Intaa waxaa dheer, in uu hadda Cabdulahi Yuusuf odayaashaas soo hor dhigay su'aalo u qaabeysan nooc intaxaan, kuwaasoo ah lixda su'aalood ee soo socota, balse su'aashu waxay tahay, maxay tahay ujeedada uu Cabdulahi Yuusuf ka leeyahay in oday dhaqameedyadaas la weydiiyo su'aalahaas lixda ah? Wax kale ma ahan ee waa khal-khal gelin, jaha wareerin iyo abuurid jawi hor leh oo uu Cabdulaahi Yuusuf ugu mar marsiiyoonayo duulaan uu damacsan yahay in uu Kismaayo ku qaado, laakiin waxaa xaqiiqo ah in uu Cabdulahi Yuusuf hilmaansan yahay in dadka Soomaaliyeed ay kasoo daaleen dabin daabyo iyo siraha ay mudada dheer soo maleegayeen dagaal ooge-yaasha iyo wax qabad la'aanta oday dhaqameed-yada hadba meel loo jiidanayo. Ugu danbeyntii, madaxweyne Cabdulahi Yuusuf iyo xukuumaddiisa waa in ay mid ogaadaan, taasoo ah in ay uumadda Soomaaliyeed hadda u baahan tahay mas'uul daacad ah ee ka saara marxaladda adag ee ay ku jirto ee aanay u baahneyn mas'uul ula dhaqma qaab jir-jiroole-nimo ah, sidaas awgeedna, anigu waxaan qabaa in uu Cabdulahi Yuusuf faraha kala baxo siyaasadaha guracan ee uu guud ahaan kula dhaqmayo umadda Soomaaliyeed iyo gaar ahaan tan uu kula dhaqmayo shacabka walaalaha ah ee ku dhaqan Jubooyinka. Iminkana waa kuwaan hoose su'aalaha oday dhaqameedyada la hor dhigay ee bal nala eega:- 1. Yaa ku diriray Kismaayo? Ma Ururo siyaasadeed baa ku diriray mise qabiilo? 2. Maxey idin kula muuqataa in lagu xalin karo mushkiladda Kismaayo? 3. Kismaayo yaa hadda gacanta ku haya ama maamula? 4. Kismaayo ma joogaan qaar ka tirsan madaxdii sar-sare ee maxaakiimta Islaamka? 5. Dowladda federaalka ma taagersan tihiin? mise waad ka soo horjeedaan? 6. Qaabkeed u argtaa in mushkiladda Kismaayo lagu xaliyo? Ma qaab siyaasadeed, mise mid milatari? Maxamud Cali Geele (Xeero) England, UK
-
Kulamada Dhexmaraya Ergada Kismaayo Iyo Madaxda Sarsare Ee DFKM,Maxaa Kasoo Bixi Kara?Maxaase Loo Fasiri Karaa Sualihii La Hordhigay?:Qeybii 11aad Jul 26,2007 by Seattle-GEDO-NN Akhristayaal sidaan horay idiin kugu balanqaadayba waxaan qaybtaan Labaad ee Faalada ciwaankeedu kor ku xusan aan ku eegaynaa qodobada soo socda: 1.Maxay tahay ujeedada laga leeyahay Todobadii su� lood ee loo bandhigay ergadii kasocotay Kismaayo?. 2.Kadib dowlada Itooobiya kulamadii kala duwanaa oo ay la yeelatay qabaaìlada kala duwan ee Kismaayo dago,sidee xalka Kismaanyo u aragtaa? Sidaan horay u xusayba waxaa jiray sagaal iyo toban qabiil oo aysan Beesha **** ku jirin oo ay wasaarada arrimaha gudaha ee dowlada Federaalka min Seddax xubnood kasoo xushay oo laisugu geeyay magaalada Mogdisho si ay uga tala bixiyaa amuuraha ka taagan magaalada Kismaanyo.Kulamo kala duwan oo ay xubnahaani la qateen madaxda sar sare ee dowlada,sarakiisha ugu saraysa ciidamada Itoobiya ee Xamar ku sugan iyo waliba sii hayaha Safaarada Itoobiya ay Xamar ku leedahay ayay xubno qabaaìladaasi ka tirsan ku soo bandhigeen qodobo la iigu sheegay inay garayaan Toban iyo Todobo qodob oo dhamaantood muhiimadooda ku qotoma in magaalada Kismaayo ay gacanta ku hayaan waxa ay ugu yereen haradigii maxkamadaha iyo maleeshiyo beleed xiriir la leh Sh.Xassan Daahir Aweys iyo Xassan Turki isla markaana ay yihiin kuwa dowlada kasoo horjeeda.Waxay kutala bixiyeen xubnahaasi u badnaa hal beel ah in sida kaliya ay xalka u arkaa inay tahay in dowlada awood milatari ku xaliso arriamah Kismaanyo. Sida wayadaanba caadada iska noqotay islamarkaana aan ahayn wax dhagaha Soomaalida ku cusub waxa loo bixiyay argagixiso oo marka laga tago dowalada ay siyaasiyiin,qabaaìlo iyo cidii cid kale kasoo horjeeda argagaxiso ku tilmaanto si markaasi ay u gaaraan dano siyaasadeed iyo mid dhaqaalo oo iyaga u gaar ah balse aad moodid in dadku ay ku dagmayaan oo ay ka hoos baxday cidda laga dhaadhicin karo. Dowlada Federaalka oo u muuqanaysa inaysan daacad ka ahayn in xal siyaasadeed laga gaaro arrimaha Kismaanyo ayaa la kulantay ergadii Kismaanyo ka tagay iyadoo goobjoogayaal ay ahayeen sarakiisha Itoobiya oo uu horkacaya Generaalka haysta ciidamada Itoobiya Soomaaliya ka jooga. Waxaana goobtaasi loogu soo bandhigay oo loo dhiibay Todobo Su� alood oo aan waxba ka quseen xalinta khilaafaadka Kismaanyo.Waxaana su� alahaasi ka mid ahaa: Yaa Kismaanyo haysta?Yaa ku diriray? Ma qabiil baa ku diriray mise qolyo dowlada taageersan? Dowlada ma tagersantihiin? Khilaafka Kismaanyo ma xoogbaa lagu xalinayaa mise mid siyaasadeed ayaad rabtaan? Xassan Daahir Aweys iyo Xassan Turki xagee ku ogtihiin? Bal adiguba qiyaaso xiriirka ay yeelan karaan xalinta amuuraha Kismaanyo iyo su� lahaasi. Eragadii Kismaanyo oo mar walba ku doodo inay tageersanyihiin dowlada Federalka,oo waliba cadayn aan indhaha laga qarsan karin uga dhiga in xitaa maamulka dowlada ay u soo magacawday uu shaqaynayo marka laga reebo Seddax xubnood oo ay sheegeen in hayb qabiil ay isku raceen ayaa jawaabtii celiyay iyagoo sheegay inay si buuxda u tageersan yihiin dowlada isalamarkaana aysan wax xaxriir ah la lahayn Sh.Xassan Daahir iyo Xasan Turki iyagoo intaas raaciyay inay diyaar u yihiin in xal siyaasadeed arrinta Kismaanyo lagu xaliyo. Waxaa marag ma doonta ah oo aan cid walba daah ka saarnayn marka lagu daro dowlada Federalka iyo Itoobiyaba marxaladihii ugu danbeeyay ee arrimaha Kismaanyo soo mareen laga bilaabo waqtigii maxkamadaha ilaa hadda.Ciidamada Itoobiya oo kaashanaya ciidamada haybta qabiil u kala jabay ayay ahayeen kuwii maxkamadaha la diriray oo meesha ka saaray.Marka waxaa laga yabaa in laisweydiiyo haday dowlada Federalka iyo sarakiisha Itoobiyaan sidaas xaalada uga wada dharagsan yihiin waa maxay sababta dowlada u meermeerayso oo aysan u guda galayn arrimaha dhabta ah oo dhinacyada iska soo horjeeda u dheexya si xal loo gaaro? Kolayba waxaa laga yabaa in jawaabta su� shaasi dadku ku kala aragti duwanadaan lakiin hadaan aragtidayda cabiro madaama aan amuurahaasi wax badan kala socday waxaan u arkaa loolanka siyaasadeed ee u dhaxeeya hogaanka sare ee dowlada inay hortaagan yihiin xal u helida khilaafka hareeyay magaaladasi Kismaanyo iyadoo dad badani ay qabaan fikirka ah in Madaxweyne Cabdullahi Yusuf uu doonayo inuu magaalada u gacan galiyo jifadiisa marka la eego hab dhaqankiisa iyo siyaasadiisa ku wajahan magaaladasi iyadoo aan wali la xalin khilaafaadka in mudaha soo jiitamayay ee u dhaxeeya qabaaìlada magaalada dega. Waana taas sababta lagu macneeyay in su� lahaasi lasoo bandhigo si Itoobiya oo noqotay darbiga ugu danbeeya oo qolo waliba ciirsato loo tuso dad tageersan dowlada inay dowlada diid yihiin. Haddaba dowlada Itoobiya oo ay hawlgaladii ku soo galeen Soomaliya wax badan ugu kacay oo Xamar kaliya iska horimaadkii ku dhexmaray iyaga iyo qabaaìlada daga ay askar badan ku wayeen ayaa in dhawaalaba xiriir toos ah la samaynayay qabaaìlada kala duwan ee soomaalida iyadoo aad moodid inay wajahaysa waaqiciga dhabta ah ee Soomaaliya ka jira,si taasi ay u xaqiijisana waxay si cad u sheegtay in arrinta Kismaanyo ay u baahantahay xal siyaasadeed balse ay suuragal ahayn in xoog wax lagu dayo. Durbaba dowlada Itoobiya waxay bilowday inay la kulanto dhinacyada isku haya Kismaanyo si ay uga dhaadhiciso qorshe ay ku doonayso inay ku heshiisiiso taasoo kuu cadaynayso xal walba oo laga gaarayo Kismaanyo xilliga aan hadda joogno cida ay ka go`do gartaye adigu ma garatay? Gabagabadii iyo gunaanadkii waxaa la haboon in dowlada Federaalka gaar ahaan mudane C/llahi Yusuf inuu dib u eego qaab dhaqankiisii intuu talada dalka hayay dareemana hadduu ka run sheegayo dhaartii uu dhaartay markii la caleemo saaray oo uu umadda Soomaaliyeed u balanqaaday wixii maalintaas ka danbeeyo hadday dadku fidno wado u yaqiineen uu noqonayo oday Soomaaliyeed oo nabadoon ah dadkuna isugu mid yihiin una jeesto inuu si dhab ah xalka Kismaanyo u baadi goobo. Kolayba waa hubanti inaysan dowlada Federaalka aysan soo dooran dadka Soomaaliyeed islamarkaana aysan lahayn aayo iyo mustaqbal dheer mudadeediina ay uga egtahay wax Labo sano ku siman,hadday saas tahayna waxaan idin kula talin lahaa mudada gaaban ee cimrigiina iyo jiritaankiina dowladnimo ka haray si siman oogu adeega shacabka Soomaaliyeed.Waari maysaan wax la sheego oo la qori karo ka taga. Agaasimaha Shabakada warbaahinta Gedo.
-
Muslim iyo --------- miyaa la iloobay? Ragu eed bay tirsanayaan, waa in gar lasiiyo!
-
Mogadishu: NRC enters 5th day.. more clans speak up
Gabbal replied to General Duke's topic in Politics
waxaa ay sheegeen Ergooyinka in loobahanyahay in ay dhexdooda ay xaliyaan Khilaafaadyo ku dhex jira dhexdooda. Why do they need to cover up Duke? Shouldn't they air all their "grievances"? Where other clans allowed to privately meet prior to speaking? -
Well, we will see what the outcome is.
-
Ngonge, Somalis are a people who would rather laugh it off then admit something was done, even when they are the innocent party! That is one of the signs that we are an honor based society. This sort of frank talk is quit surprising and alarming at the same time, but maybe I am just worrying.
-
Originally posted by Jacaylbaro: Dalalka ha isku qasin sxb ......... Bulsho!
-
Are the ************* people better off in Somaliland or in Somalia?
Gabbal replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Jb wa laguu yaabay. From Generals to Politics, shukaansi to fadhi ku dirir. Dee maxaa iska kaa badalay? Meesha Duke II ayaad noqotay. Flooding the forum with copy and paste you have probably not even read. -
Duke, you put Al Saxaaf to shame.
-
Hadal haan ma buuxiyaan maqli jiray.
-
Taano is not an unknown man. The man is one of Somalia's leading intellectuals, whether in the country or outside. In maanta magaca la siiyo uma baahna. As for Kismaayo, I believe Abdullahi Yusuf is more accepting of the reality now.
-
Are the ************* people better off in Somaliland or in Somalia?
Gabbal replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Originally posted by Caravaggio: quote:Originally posted by Allamagan: ^^ yo-yo clarify it for me adeer I'm not sure who will deliver us the victory you alluded to. We are nation run by i-diots and marred by tribal squables, case in point Kismayo where many Solers sense of patriotism and common sense evaporates at mere hint of skirmishes there. Run weeye adeer, waxay ka mid tahay mushkiladaha na habsaday. -
I do not know about this instance. As popularly accepted, "airing grievances" leads to resolution but in the case of Somalia where horrible crimes against man has been committed (by all sides) and wounds can still be fresh, the desired result might be the opposite of what was expected. When you also realize that we are an honor based society as opposed to guilt based, as is the West, you cannot help but worry if this conference is helping to reinforce the foundations of the civil war such as need for retribution (aano), etc.
-
Well this conference is bringing to life the animosities and deep divisions that exist among us. The debate concerning "xalinta khilaafaadka" reached points where open hatred and animosities were exchanged particularly concerning what Mogadishu clans might have done to civilians that lived in Mogadishu during the early phase of the civil war. According to Boqor Raabi of Somaliland, his properties are still "occupied" and numerous relatives of his killed. Tomorrow it will be the clan-family that lives in Puntland and Gedo that will take the mic. Most likely, more polarizing accusations and animosities will be exchanged.
-
Mogadishu: Somaliland, Galgaduud Central region delegates fly to NRC
Gabbal replied to General Duke's topic in Politics
Ergadii ugu qayb gali lahayd shirka dib u heshiisiinta Deegaanada Waqooyiga G/gaduud ayaa waxaa ay maanta ka amba baxeen magaalada Caabudwaaq C/waaq, Somalia - Ergadii Shirka Dib u heshiisiinta uga qayb gali lahayd Magaalooyinka Caabudwaaq, Dhabad & Balambale ayaa waxaa ay Maanta ka Ambabaxeen Magaalada Caabudwaaq, Ergadaas oo ka koobnayd 17- Xubnood ayaa waxay isugu jireen Rag & Haween, waxaana Hogaaminayay C/risaaq Geelle Cabdille (Koofiya Dheere.) Inta uusan wafdigaas ka ambabixin maanta magaalada Caabudwaaq ayaa shabakeda Allgedo waxaa u suurtagashay in ay qaar ka mid ah ergada weydiiyaan su’aalo ku saabsan safarkooda ku waasoo ahaa in ay marayaan dhulka & in ay diyaarad raacayaan? Hogaamiyaha Ergada C/risaaq Geelle ayaa waxaa uu Allgedo u sheegay in ay socodkoodaan hada ah ku wajahan yihiin Magaalada G/kacyo ee Gobolka Mudug halkaasna ay kasii raaci doonaan Diyaarad taasoo geyn doonta Magalada Caasumada ah ee Muqdisho, kaddibna ay halkaa kaga qaby gali doonaan shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ay soo qaban qaabisay Dawlada ku meelgaarka ah. Ugu danbayntii ergada maanta ka baxday magaalada Caabudwaaq mar ay Allgedo wax ka weeydiisay inta ay le’egtahay rajada ay ka qabaan in uu najaxo shirka dib u heshiisiinta ayaa waxaa ay ku jawaabeen "waxaan aaminsanahay in 90% lagu guulaysanayo shirkaan ay hada gogoshiisa taalo Magaalada Xamar." Zaynudiin - Allgedo/ Caabudwaaq - Soomaaliya. Allgedo News Media Network -
First Shaarib, now Dr. Abdirizaaq Faarax Taano, the de-facto interm Governor of Lower Jubba region ayaa la dabo dhigtay. Abdirizaaq is one of Somalia's leading intellectuals whose brother Idaajaa is the leading Somali language literarian of his time (and some say in history).
-
Originally posted by LIQAYE: [QB] Hayee hornafrik walaal kuun post and beyond I am so jealous after moryaan the hottentots were positively cuddly War moryaan waa dad kula af ah, saad rabtid doone waad ka helay meelaad kaga baxsatid, lakin Hottentots waa rag acid kugu gubaya. War is ilaali!
-
Originally posted by Dhubad: Are these guys the Doolad Diid and are they wearing the JVA uniform ? Haa waa ragaas. Dr.C/Risaaq Faarax Cali (Taano) Oo Qalab Mucaawino Ah Ku Wareejiyey Isbitaalka Guud Kismaayo Jul 19,2007 by Kismaayo-GEDO-NN Siyaasiga Dr.C/risaaq Faarax ahna sii hayaha gobolka Jubbada hoose ayaa maanta oo khamiis ah qalab caafimaad oo muhiim ah ku wareejiyey isbitaalka guud ee degmada Kismaayo, qalabkaas oo sii hayaha ay soo gaarsiisay hay’adda World Concern. Qalabkaas oo ka koobnaa Ultra sound aadna muhiim ugu ah hooyada dhallaanka, dhalada lagu koriyo Ilmaha aan shin dhamaysan iyo qalab kale oo fara badan oo qeyb wayn ka ciyaari kara socodsiinta howlaha Isbitaalka Kismaayo. Xil wareejintaas oo ka dhacday gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ayaa hadal dheer oo uu ka jeediyey Dr.C/Risaaq Faarax waxa uu ku xusay mahad celinta hayadda World Concern iyo ballanqaad ah in si siman loogu adeego bulshada soomaalida ee ku dhaqan gobalka. Sii hayaha gobolka iyo Agaasimaha isbitaalka dhexe ee Kismaayo ayaa si wada jir ah ugu mahadceliyey masuuliyiinta hayadda World Concern oo gargaarkaan soo gaarsiiyey isbitaalka magaalada Kismaayo. Sidoo kale mar uu ka hadlayey xagga amniga hay’adaha danaynaya in ay ka shaqo galaan Gobolka waxa ballan qaadaynaynaa in ay sugayaan amniga cid kasta oo danaynaysa in ay ka howl gasho gobolka iyo gobollada jubbooyinka. Waxuuna Dr.Taano intaasi raaciyey intaa in ay muhimadda koowaad siinayaan ammaanka iyo dib u heshiisiinta beelaha iyo waliba abuuridda maamul la isku halayn karo. Sii hayaha gobolka C/risaaq Faarax ayaa mar kale ku sagootiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo xubnihii ka socday hay’adda World Concern kuwaas oo dib ugu noqday magaalada Nairobi kadib markii ay dhamaysteen xil wareejintii qalabka. Waxaa iyaguna halkaa goob jog ka ahaa guddoomiye xigeenka degmada, taliyaha ciidanka booliska, Maareeyaha gegida dayuuradaha, odayaal dhaqameedyo iyo xubno kale oo muhiim ah. GEDO-NN-Kismaayo News Desk
-
War Liqaye war soo dhawoow, South Afrikaanki inay ku heleen ayaan waayadan danbe moodayee. -Horn
-
Popular Contributors