Gabbal
Nomads-
Content Count
6,624 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Gabbal
-
Clearly we are not on the same page. You are coming from selective justice point of view. It is like Duke seeing Mogadishu as peaceful while you see it in turmoil and that, adeer, I explain it as failure to empathize with those out of your clan circles. Kismaayo is more peaceful today than it has ever been before anytime in recent history especially since the 80's. Sharia Law is implemented and not a whisper arises from the city. That is the fact not when the cimaamad wearing former thugs were prancing around the strategically vacated city rounding up women and children to arrest and burning our flags. What peace has Kismaayo seen throughout the nightmarish ordeal of the Foreign occupation? When did protests, bomb attacks, and the likes cease throughout the short-lived occupation by former thugs and their hired foreign mercenaries? Young man I suggest you keep to that which you are informed of. Xabashga Eritrea hadaad Kismaayo la rabtay maxaad maalin walbaaba Xabashaga Ethiopia uga qaylisaa? Nin walba tiisuu halaa ka mucjisada Alle ku dhacdayne waw shaqaystay adeer. Simple as that. ^^That was Kismaayo under the occupation of the thugs and foreign mercenaries adeer. If you say their concerns were not legitimate, than you are admitting your failure to empathize with those out of your clan circles which is the same reason that leads Duke to say all is well in Mogadishu today. Either way, it is of no concern, the reality exists and cannot be changed.
-
Certainly Mogadishu was, but I can't think of any other place in the country.
-
Ergooyin kii ku sugnaa caasimada gobolka Gedo oo u kala kicitimay Dagmooyinka gobolka kaddib markii loo gaba-gabeeyay tababaro u socday G/Haarey, Somalia - Inka badan 105 Xubnood oo ka kala socotay todobada Degmo ee uu ka koobanyahay gobolka Gedo ayuu u soo gaba gaboobay Tababar uga socday Mudo afar maalmood ah hoolka Shirarka ee ku yaala duleedka koofureed ee Magaala madaxda gobolka Gedo ee G/haarey. Xiritaankii Munaasabadaan oo ay ka soo qayb galeen Ururada bulshada, Hayadaha gargaarka, Culuma’udiinka, Aqoonyahanada iyo Dhamaan qeybaha bulshada ee kala duwan ayaa ahaa mid si haboon loo soo agaasimay, waxaana halkaas qudbado muhiim ah ka soo jeediyay xubno ka mid ah masuuliinta gobalka iyo degmooyinkiisa. Masuuliinta maanta ka hadashay munaasabadan ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiye kuxigeenka Dagmada G/haarey C/saaq Maxamed Aar oo munaasabada maanta xariga ka gooyay. Gudoomiye kuxigeenka oo aad ooga hadlay Dhinaca Amniga ayaa xusay in hada wixii ka horeeyay uu gobolka ku sugnaa xaalado siyaasadeed oo kala xirxiran hadase uu gobalka ka billawday jawi nabadeed iyo xasilooni buuxda, waxuuna gudoomiye ku xigeenku intaa ku daray in qof kaste laga doonayo in uu xil ka saaranyahay taabagalinta hanaanka dib u heshiisiinta iyo Maamul u sameynta gobolka. Sidoo kale, waxaa munaasabada maanta ka hadashay Mrs. Caasho Xuseen Urur oo ka socatay NGO la magac baxay Somali Supportive Group (SSG) waxayna Caasho xustay in uu ururkoodu ka qeyb qaadan doono hannaanka Maamul u sameynta gobolka Gedo. Gabagabadii Munaasabada ayaa waxaa qudbad dheer Ergooyinka u jeediyay Gudoomiyaha gobolka Gedo Mr Aadan Ibraahin Ow-Xirsi oo ku nuux nuuxsaday in ay dhamaatay Colaadii iyo sidoo kale Qabiilkii, wuxuuna Ergooyinka ka codsaday in la tixgaliyo Dhamaan qabaa’ilada Soomaaliyeed ee ku nool gobolkani Gedo asagoo sheegay ayna sidoo kale jirin cid cid ka badan balse ay jirto cid cid ka qeylo badan, wuxuna Ergooyinka ku adkeeyay in ay xubnaha dhisitaanka degmooyinka ku soo xulaan hab ku dhisan cadaalad iyo sinaan ayaga oo tixgalinayo beelaha Soomaali weyn ee gobalka degan. Dhanka kale, waxaa kulama gaar gaar ah yeeshay galin kii danbe ee maanta Ergooyin ka ka kala yimid degmooyinka gobalka iyo gudoomiyaha gobalka Mr. Cirro iyo ku xigeenkiisa Mr. Maxamed Axmed Cali (Sanka), kulamadaas oo oo ay masuuliintu ku sogontinayeen wufuudii u galbanaysay degmooyinka gobalka. Isku soowada duuboo, ma jirin wax qilaaf ah, jawiga shirkuna wuxuu ahaa mid ku dhamaaday is afgarad, waxaana la arkayay dhamaan Ergooyinka oo isu dhoola cadeynayo taaso kuu muujinaysay in horumar weyn laga sameeyay dhinaca isdhexgalka, is afgaradka iyo isla jaanqaadka siyaasadeed ee beelaha wada dago gobalka Gedo. Wali Sh. Cabdi Gurxan, G/Harey/Somalia.
-
Originally posted by LayZieGirl: I am a practicing muslim who doesn't wear the head scarf, not all my yrs in living in this world, not once have I have worn a head scarf, only time I cover myself up is during prayer(I am proud to be a muslim woman) and I am just as a good muslim as the next one, does that mean I wouldn't be allowed to go to this man's business establishment, because he felt that he should dictate how his patients present themselves to him? Well that is rather hypocrotical. It is like saying I am a law-abiding citizen because, even tough I go above the speed limit, I come back down to it when I see the police. Are you a law-abiding citizen? In short, if being uncoved is lawful and you see nothing wrong with it, why do you not go and stand before God in that manner?
-
Miskiin, ma odeyga baad u danleedahay mise Gheedi?
-
Mapping Somalia: North Somalia, First Pass
Gabbal replied to Armchair Politician's topic in Politics
Invisible lines on the desert is all the young man brought. Nothing constructive. -
If I were to put myself in the parent's shoes, I would not want my daughter entertaining marriage under 20 years of age. Even then I believe the age limit is too young considering the responsibilities of a parent in this modern age. Khalaf many tangible things have changed since the 9th century besides our mindset. I think you are far to intelligent for a simple question such as that. You have to keep in mind that such thing as maturity, I.Q, and other things are environmental factors. So while a young adult might be considered mature enough to marry in the circumstances of a 9th century/nomadic Somalia, the same individual might not be responsible enough for marriage in modern urban life particularly in the West. You need to take the environment into consideration when trying to analyze why younger age marriage is considered acceptable in rural areas as opposed to urban areas.
-
Oh it is always. This has puzzled me a number of times when dealing with my neices and nephews. They always seem to put their shoes on the wrong way. Why that is, I have no idea.
-
Maashaaaaaalah maashaalah...War Duke-ow Ceelki Berdacad soo sawir, ceelki berdacad soo sawir mise daar baa lagu dhisay isagane.
-
Sounds like Dubya alright.
-
War suxuufida xor bay u yihiin arrimahaan oo kale.
-
Waryaa Faarax ninkaas ma Barrow baa?
-
Adeer ilaahaan idinku dhaariyaye, yaa Asmara wax ka sugayey hadaan idin su'aalo? Speeches were good, emotions reflected the majority, but can anyone among us stand up and say they actually expected something from Asmara?
-
Indeed Juje, halaga gudbo ninkaasi yuu yahay loona gudbo ninkaasi ma muteystey codkeyga! I believe the intend to establsih such adminstration locally and regionally should be the core base of a national government, I agree. All the previous transitional governments seemed to have failed because they projected a top down mindset. While few men wrangled over the top, the disillusioned bottom seems to have become marginalized and failed to respond favorably. It is time to implement a grass-roots bottom up approach.
-
Where you are wrong Tahliil is that, while the composite of the conference can have a majority as does the region it concerns, the conference is not a one-clan conference nor does anything about the conference concern tribe. The two parliamentarians lightly injured on their way to this conference were Xil. Xassan Deer and Xil. Ishaak Caymooy. Xassan Deer is a member of the majority clan of the region, but Ishaak Caymooy is not and they were traveling together to the conference as equals. This is a new era for southern Somalia, because this conference is a pioneer in what it wants to achieve. The objective of this conference is to plan and implement a democratic vote for regional as well as local positions, from the highest office of the region, the Governor, to District Commissioners and even mayors. A democratic vote that has nothing to do with tribal composite, "4.5" type of formulas or anything of that nature. Infact, everyone from the governor to the district commissioners have resigned from their posts and are standing for election based on the Gedo-version of the "Electoral Collage" assembled there. Ever since the last major Garbaharey Conference of 2004 which effectively ended all inter and intra tribal conflicts, the religious, traditional, and intellectual elite of the region have been preparing the region for this moment. It is a new day for southern Somalia.
-
Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Gedo Oo Xilalkoodii Ka Tanaasulay, Isla Markaasna Ah Musharraxiin (Daawo Sawiradda Shirka) Sep 23,2007 byGarbahaarrey-GNN Shirka beelaha gobolka Gedo uga socda magaalada Garbahaarrey ayaa waxaa wejigiisii labaad ay madaxda degmooyinka gobolka Gedo intooda badan sheegeen inay ka tanaasulayaan xilka guddoomiyenimo ee heer degmo, isla markaasna ay isu soo sharraxayaan xilkaas, haddii cidda kula tartamaysa ay guuleysatana waxa ay sheegeen inay taageersan yihiin. Idaacadda Maandeeq ee magaalada Beledxaawo oo ka soo qabatay codadkaas ayaa waxaa degmooyinkii tanaasulay ka mid ahaa Garbahaarrey, Beledxaawo, Dolow, Buurdhuubo, Baardheere iyo Ceelwaaq, iyo sidoo kale xubno ka tirsan maamulka degmada Luuq. State officials resign for elections.
-
Wajigii Labaad ee Barnaamijka Dib Udhiska G/Gedo Oo Maanta Xariga Laga Gooyay Iyo Gegida Diyaaradaha Ee G/Haarrey Oo La Furay Sep 22,2007 by Garbahaarey-GEDO-NN Wajigii labaad ee maamul u dhisida gobalka Gedo ayaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta gobalka Gedo ee G/haarrey ,kadib markii la soo gabagabeeyay tababarro iyo kulamo la xariiray dib u heshiisiinta iyo xalka gaarida shaqaaqooyinka bulshada gobalka isla markaana xal buuxo laga gaaray khilaafyo hakad galiyay dardartii barnaamijkan. Shirweynaha maanta ayaa waxaa ka soo qayb galay qaar ka mid ah xildhibaanada DFKMG ah ee ka soo jeedo G/Gedo, masuuliin sar sare oo ka socotay wasaarada arrimaha gudaha ee Soomaaliya, Saraakiil ka tirsan hay’adaha UNDP iyo UNOPS oo mashruuca maalgalinayo, maamulka gobalka Gedo, gudoomiyayaasha degmooyinka gobalka, saraakiisha amniga ee gobalka, hay’adaha gargaarka, ururada bulshada, hogaamiyo dhaqameedyo, Culumaa’udiin, wakiilo ka socday jaaliyadaha dibada, saxafiyiin, kooxaha fanka iyo suugaanta iyo shacab ka badan kun qof oo si weyn u buux dhaafiyay hoolka shirka. Waxaa si weyn loo adkeeyay xaalada amniga, waxana la xadiday dhaqdhaqaaqyada dadweynaha ayada oo si gaar ah isha loogu hayay wadooyinka soo galayo hoolka shirka, waxana la arkayay hal ku dhigyo nabadeed oo lagu xardhay gidaarada hoolka shirka ayada oo uu dareenka ka qaybgalayaashu ahaa mid aad u sarreeyo. Masuuliinta DFKMG ah ee Soomaaliya, maamulada gobalka iyo degmooyinkiisa, hay’adaha gargaarka iyo dhamaanba qaybaha muhiimka ah ee madasha joogay ayaa soo jeediyay qudbado muhiim ah oo qaatay muddo 6 saacadood ah, waxana qudbooyinkaas intooda badan xooga lagu saaray arrimaha loo yagleelay shirka maanta furmay iyo wajiyadiisii hore, gaar ahaan waxaa si xoogan looga hadlay arrimaha amaanka, nabada, isdhexgalka bulshada iyo ka miro dhalinta ujeedooyinka mashruuca dib u dhiska ee G/Gedo. Masuuliinta Dawlada Soomaaliya ayaa si weyn uga mahadnaqay maamulada kala duwan ee gobalka sida dardarta leh ee ay u martigaliyeen barnaamijkan, waxana si gaar ah loo amaanay dawrka ay arrintan ka ciyaartay xarunta gobalka ee shirkan martigalisay. Gabagabadii shirka ayaa waxaa lagu sheegay in laga billaabo maalinimada barri ah ay ergooyinka intooda badan ku laaban doonaan deegaamadii ay ka yimaadeen, waxana la reebi doonaa 105 xubnood oo ka socda todobada degmo ee gobalka, kuwaas oo la siin doono tababar 5 cisho ah oo ku aadan habka maamul wanaaga. Waxayna xubnahani ku laaban doonaan degmooyinkii ay ka kala yimaadeen ayaga oo degmo walba laga soo xuli doono 100 ergay oo dooran doona maamulka degmadaasi, waxana dabadeed loo gudbi doonaa dhisitaanka gole gobaleed oo 30 xubnood ka kooban ku waas oo dooran doono gudoomiyaha gobalka. Inta lagu jiro wadiiqooyinkan maamul dhisida waxa si toos ah ugu lug yeelanayo hay’adaha barnaamijka taageerayo iyo wasaarada arrimaha gudaha ee dalka Soomaaliya ayada oo ay maamulka gobalka iyo kuwo degmooyinkaba ay sii daadihin doonaan masuuliinta haatan hayso, waxana iminkaba ololohooda siyaasadeed bilaabay musharrixiin dhowr ah oo u tartamayo jegooyinka kala duwan ee gobalka iyo degmooyinkiisa, ayada oo nimanka haatan hayo masuuliyadaha gobalka ay madasha kaga dhawaaqeen in ay u tanasuli doonaan cid kaste oo loo doorto maamulada gobalka, waxayna intooda badan muujiyeen in ay ka qayb gali doonaan tartanka siyaasadeed ee loo galayo kuraasta kala duwan ee gobalka. Dhanka kale, sii hayaha maamulka GEDO oo asna ka hadlay shirkii maanta ayaa maanta madasha shirka kaga dhawaaqay in si rasmi ah loo furay gegida diyaaradaha ee degmada G/haarrey oo dhawaanahan xirnayd. Masuulku waxuu intaasi raaciyey in ay arrinkaasi meelmariyeen ayaga oo kaashaday hay’ada UN-ka u qaabilsan arrimaha amaanka ee UNDSS. Waxaana uu sidoo kale sheegay in labada bari ee nagu soo aadan uu garoonka dayuuradaha ee G/haarrey ka soo dagi doono wafti heer sare ah oo ka socdo hay’adaha UN-ka, kaas oo u kuurgalayo geedisocodka barnaamijka dib u dhiska iyo maamul u samaynta G/Gedo. Axmed Maxamed Caafi, Wali SH. Cabdi Gurxan Gedo-NN-Garbahaarey,GEDO
-
Somalia: Conference in Gedo region to elect new governor
Gabbal replied to General Duke's topic in Politics
Originally posted by The Duke: Criminal attack. Indeed. The border area between Gedo and Bay has become porous especially around Qansax-Dheere area. It is the same area where reporter Kaskeey was killed the end of last month. I would imagine a clean up of sorts is in the horizon. -
Somalia: Conference in Gedo region to elect new governor
Gabbal replied to General Duke's topic in Politics
Originally posted by The Duke: Horn, who was the MP that was injured, last night? Xildhibaan Deer suffered light injuries in the arm. I posted his interview above. -
Somalia: Conference in Gedo region to elect new governor
Gabbal replied to General Duke's topic in Politics
Xildhibaan Xasan Cabdi Xiiray (Deer) Oo Ka Warbixiyey Tacshiiradii Ay Ku Fureen Kooxo Burcad Ah Kolonyadii Gaadiidka Ay Xildhibaanadu La Socdeen Sep 20,2007 by Garbahaarey-GEDO-NN Xildhibaan Xasan Deer oo ka mid ahaa xildhibaannada gobolka Gedo soo gaaray oo ay kooxo burcad ahi ay jidka u galeen, laguna dhaawacay oo arrinkaas iyo arrimo kaleba oo ugu waramaya Idaacadda Maandeeq ee gobalka GEDO sidii wax u dhaceen. Xildhibaanka iyo xildhibaanno oo kale oo la socday ayaa dhaawacyo fudud ka soo gaareen tacshiiradii lagu furay kolonyadii gaadiidka ay wateen. Interview -
Somalia: Conference in Gedo region to elect new governor
Gabbal replied to General Duke's topic in Politics
Xildhibaannadii Gobolka Gedo Oo Xalay Soo Gaaray Gobolka Iyo Dhaawacyo Ka Soo Gaaray Xildhibaannada Kooxo Jidka U Galay Sep 19,2007 by Garbahaarrey-Gedo-GNN Waxaa xalay habeynimadii xilliga magaalada Garbahaarrey ee gobolka Gedo abbaare 3:00AM soo gaaray magaalada Garbahaarrey xildhibaanno ka soo jeeda gobolka Gedo oo iyagu la doonayay in ay shirka ergooyinka gobolka Gedo ee magaalada Garbahaarrey in ay furaan, muddana la sugayay in wejigiisii labaad la guda galo. Xildhibaannada xalay soo gaaray magaalada Garbahaarrey ayaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Xasan Cabdi Xiirey (Xasan Deer), Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cabdiqaadir (Yuusuf Kaanti) iyo Xildhibaan Ibraahim Kaalmooy (Ibraahim Jareerre). Sidoo kalena waxaa magaalada Luuq ee gobolka Gedo gaaray saddex xildhibaan oo isla waqtigaas halkaas gaaray, isla markaasna maanta la filayo inay u soo ambabaxaan dhinaca magaalada Garbahaarrey, waxaana ka mid ah xildhibaannada degmada Luuq ku sugan haatan Xildhibaan Xuseen Caddaawe Baaddow, Xildhibaan Buulle Xisbiyoow iyo xildhibaan Sheekh Shaacil oo dhammaantoodba shirka beelaha gobolka Gedo uga socda magaalada Garbahaarrey u soo ambabaxay. Xildhibaannada soo maray dhinaca degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo ayaa intii aanay soo gaarin degmada Buurdhuubo, balse ay soo galeen xadka gobolka Gedo waxaa jidka u galay koox dabley hayd oo isbaaro u tiillay, isla markaasna rasaas ku furay, waxaana halkaas uu dhaawacyo fudfudud ka soo gaaray xildhibaan Xasan Cabdi Xiirey (Xasan Deer) oo gacanta wax ka gaareen iyo xildhibaan Ibraahim Jareerre oo isagana daanka ay kaga dhacday, balse aad u dhiig baxay. Gaari ka mid ah gawaaridii ay xildhibaannadaasi wateen ayaa xabbaduhu halleeyeen oo dhaqaaqi waayay, waxaana gaarigaas ay dad uga direen degmada Buurdhuubo isla xalayba. Xildhibaannada dhaawacyada fudfudud uu soo gaaray ayaa iminka ku sugan magaalada Garbahaarrey, iyaga oo dhaawacoodu uu sahlan yahay, waxaana la dejiyay goob markii horeba loogu tala galay. Ergooyinka shirka oo xalay intii ay hurdeen ay xildhibaannadu yimaadeen ayaa saaka raxanraxan u soo booqanaya xildhibaannada wax gaareen, iyaga oo qaarkoodna ay salaan ugu tegayaan. Garbahaarrey-GNN-Gedo News Desk -
Originally posted by SheekhaJacaylka: Again, Idinku maxaad uga xanaaqaysaa haday dadku tashadeen oo ay yidhaahdeen idinma rabno ,,, ma khasab baa jacaylku ?? [/QB] Laas caanood iyo Laas Qoray maxaad u dayn la'dahay marka?
-
^Adigaaba xasuusto and that says a lot! Contrary to the underhand blackmail, I am holding my steering as is my character. Bal adigu wax soo tabi.
-
Popular Contributors