Gabbal

Nomads
  • Content Count

    6,624
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Gabbal

  1. ^The title is extremely misleading.Ma ciidan buu hor dhigay oo hawsha hakiyey? Cidii rabto ha qayliso, wax saamayn ee leedahay majirto.
  2. Warsaxaafadeed:Maamul U Sameynta G/GEDO Rag Gaalkacyo Iyo Bakool Ka Soo Jeedo Marti Looga Noqon Maayo Dec 22,2007 by London-GEDO-NN Waxgarad iyo siyaasiin ka soo jeeda gobalka GEDO ayaa ku tilmaamay warar been abuur ah oo ay siidaysay websiteka la yiraahdo Allpuntland oo sheegaya in aan loo baahnayn in maamul uu yeesho gobalka GEDO, magaalada Baydhabo oo xarunta dowladda ku meel gaarka ah kaliyana ay maamul u sameyn karto gobalka GEDO sida ay warsaxafadeed ay soo saareen qaar ka mid ah waxgaradka iyo siyaasiinta gobalka GEDO oo ka mid ah qabanqaabiyaasha howlaha maamul u sameynta gobalka GEDO. Warsaxafadeedkaasi ayaa ku tilmaamay wax lala yaabo in gobollada Puntland iyo Bakool madaxdoodu ay yiraahdaan shacabkooda soo sameysta maamulkiina, shacabka gobalka GEDO la yiraahdo ma sameynsan kartaan maamul idiin gaar ah, waxaa ay ceeb ku tahay ku tahay shacabka gobalka GEDO iyo masuuliyiintoodaba, waana mid ujeedo gaar ah laga leeyahay oo la doonayo in qas iyo fowdo laga dhex abuuro gobalka GEDO. Warsaxaafadeedkaasi ayaa sidoo ku tilmaamay inay jiraan warar been abuur ah oo lid ku ah shacabka gobalka GEDO ay ku sheegeen inay jiraan wareegto uu soo saaray Sh Aden Madoobe oo asagu ka soo jeeda gobalka Bakool aanan haba yaraatee wax shaqo ku lahayn arrimaha maamul u sameynta gobalka GEDO uu yiraahdo hakid baan galiyay in la sii wado maamul u sameynta gobalka GEDO, kaasoo markiisiiba horeba ay wax shaqo ku laheyn dowladda federalka ku meel gaarka ah oo ay u gaar aheyd oo rabitaanka shacabka gobalka ku yimid maamul u sameynta gobalkooda oo muddo 15 sano ay colaado sokeeye ay ka taagnaayeen. Waxgaradkaan iyo siyaasiintooda ayaa ku tilmaamay waxa u ku sheegeen waraaqahaasi been abuurka inay yihiin kuwo ay ka dambeeyaan kooxo waxmagarato oo doonayn horumarka iyo nabad kuwada noolashaaha gobalka oo shacabkiisu u bislaadeen oo ay doonayaan inay sameystaan maamulo u gaar ah oo rabitaankooda ku yimid, la rabana in colaado hor leh laga abuuro. Warsaxaafadeedkaasi ayaa sidoo lagu sheegay inaysan jirin cid ama kooxo dano gaar leh, ha ahaato dowladda federaalka oo horistaagi karta maamul u sameynta gobalka GEDO oo degmooyin ka mid ahi sida Beled Xaawo, Doolow iyo Garbahaarey ay doorashooyin ay maamulalooda ku dhisteen oo shacabkoodu ay soo doorteen, martina looga ahaan doonin rag Gaalkacyo iyo Bakool ka soo jeeda. M Cilmi-London Afhayeenka Shirka Maamulka U Sameynta Gobalka GEDO
  3. Che, hadee adeerow rag badan baa u baahan inaad geed isaga xirtiin hadii kale waad ka shalaayi doontiin.
  4. BOOSAASO : Wararkii ugu dambeeyay ee Saxafiga reer France ee af-duubka loo haysto Boosaaso:-Maalintii shanaad ayaa Saxafi u dhashay dalka France waxaa af-duub loogu haystaa deegaanka Mareera ee gobolka Bari , kadib markii isla deegaankaasi ay ka af-duubeen saxafiga isagoo hawlo shaqo kugadajira. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland ahna Guddoomiyaha Guddiga xalinta afduubka Saxafigana ah ee Cadde Muuse uu magacaabay ayaa goordhawayd la soo xiriiray xafiiska Puntlandpost ee Garoowe wuxuuna u sheegay in ay rajo aad u ballaaran ay ka qabaan in la soo daayo saxafiga. Wasiirku , wuxuu sheegay in ay u direen Af-duubayaasha Odayaasha beesha ay Af-duubayaashu ay ka soo jeedaan si ay uga soo daayaan. Wasiirka Ganacsiga , wuxuu sheegay in aysan jirin wax madax-furasho ah oo wali laga wadahadlay, balse ay warsugayaan soo laabashada Odayaashan. Qaar ka mid ah wariyaasha Boosaaso oo saxafigan ku booqday hallka lagu haysto ayaa soo sheegay in uu aad u wanaagsan yahay caafimaadkiisu oo aysan jirin wax dhibaato ah oo dushiisa ka muuqata amaba uu sheegtay marka laga reebo xoriyad-xumida uu ku jiro. Af-duubayaasha , ayaa ku doodaya in u Ninkan uu dambiile yahay , waxayna dalbanayaan lacag madax-furasho ah oo aad u badan. Puntlandpost.com
  5. When will movements start becoming greater than personalities in Somalia? Gaalkacyo: Wariye Ajnabi ah oo ay Kooxo Hubeysan ku weerareen Magaalada Gaalkacyo. 20. december 2007 APL Gaalkacyo(AllPuntland)- Wariyad udhalatey Dalka Canada ayaa maanta lugu weeraray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ,ayagoo ay weerarkaasi ka badbaaday Wariyadaasi Ajnabiga ah. Kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaaday Wariyadaasi ,ayagoo rasaas xoog leh la beegsaday goobtii ay joogtey ,inkastoo ay difaaceen Wariyadaasi Ajnabi ah ciidamada amaanka ee ay dowlad gobaleedka Puntland ugu talagaleen sugida amaankeeda. Taliyaha Kulmis darwiish ee ciidanka Puntland G/sarre Xiif Cali Taar oo ay Shabakada AllPuntland khadka telfoonka kula xiriirtay ayaa sheegay in aysan wariyadaasi soo gaarin wax dhibaato ah ,isagoo tibaaxay in ay ku raadjoogaan dadkii ka danbeeyey falkaasi/. Ciidamada amaanka ee dowlada Puntland ee ku sugan gobalka Mudug ayaa dadaal dheeraad ah ka muuqday kaasi oo ay ugu jiraan soo qabashada dadkii ka danbeeyey, falkaasi amaanka gobalka waxyeelada loogu geystay. "Wariyahaani waxay u joogtey deegaanada Puntland u koorgalida xaalada dhabta ah ee Puntland, waan soo qabanaynaa haddii ALLE idmo dadka ka danbeeya falalka wax lugu yeelayo dadka u yimid deegaanada Puntland howlaha shaqo... " Siddaas waxaa hadalkiisa kusii daray Taliyaha Kulmiska Daraawiishta Puntland Col. Taar Talaabadan ay Kooxaha Maleeshiyaadkaa ku weerareen Wariyadan Ajnabiga ah ee maalmahaan joogtey Puntland ,ayaa ku soo beegmaysa xili deegaanada gobalka Bari lugu heysto wariye u dhashay dalka Faransiiska ayna heystaan Kooxo Maleeshiyo ah. Kooxaha falalkaan ka dhacay geystay ayaa lasheegay in ay xukuumada Puntland horey uga qaaday waxyaabo ay doonayeen in amaanka Puntland ku khalkhalgaliyaan, ayagoo markaasina sida cad aan loo ogeyn waxa ay ka cabayaan. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
  6. Did Meles Zenewi believe he was in Addis Ababa where he could sell whatever he wanted to the local media?
  7. Shirkani oo ay ka soo qeyb galeen in kabadan 150 Ergo oo ka kala yimid todobada dagmo uu ka kooban yahay Gobolka Gedo ayaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta G/gedo ee G/haarey. Shirkani oo ay soo agaa sintay Hay ada Centre for Research and Dialogue (CRD) ayaa ahaa mid siweyn wax oga badalay dareenka dadka reer Gedo oo mudo badanba u naaloo nayay sidii ay u heli lahaayeen Nabad iyo xasilooni waarto, waxaana shirkini saakay lagu furay Aayado Qur’aan ah iyo Wacdi Diini ah oo ay aqrinayeen Sh Qaalid Macalin Nuur, iyo Sheekh Maxamed Riyaal oo ka mid ah culumo udiinka gobolka Gedo. Waxaana sidoo kale shirkii maanta ka hadlay Nabadoono badan oo ay ka mid ahaayeen Nabadoon Cabdi Gaaciye Shide, Nabadoon Ibraahin Guuleed (dhiig yacab), Chief Maxamed Xasan Yarow,Nabadoon Cali Xandule, Nabadoon Sh Maxamuud Sh C/llaahi, Nabadoon Sheekh Axmed Shuuriye (Bulsho), Nabadoon Cabdi Maxamuud Xareed, iyo kuwa kalaba. Waxaana maanta madasha Shirka ay ka sheegeen dhamaan nabadoonadii halkaa ka hadashay in ay Beesha **** is cafido kana wada shaqeyso horu marka G/Gedo iyo dhamaan gobolda kale ee ay dagan yihiin Beesha ****. Dhammaan cuqaashii nabadoonadii iyo aqiyaartii shirkani maanta ka soo qeyb galay ayaa isla meel dhigay in Beesha **** la gaarsiiyo fariinta ah in la is cafiyo loona laabto Kitaabka ALLE ee Munazalka ah. Waxayna ka codsadeen in ay la qaataan guud ahaan dadka wax garadka ah ee **** oo ku kala nool dalka iyo dibadaba iyagoona diirada saaray in aqoonyahanada Beesha **** ee Qurba jooga ah aysan wax tar muhiim ah u lahayn dadka walaalahood ah ee ay Abaaraha, Colaadaha iyo Jahliga ku qunba xirtay ee iscunayo. Hoolka uu shirkani ka socday ayaa lagu xardhay hal ku digyo ay kamid ahaayeen Iscafinta Beesha **** Waa Horseedka Horumarka Gobolka Gedo, Nabad la aan waa Nolol la aan, iyo hal ku dhigyo kalaba, waxaana qudbo muhiim ah goobta shirka ka jeediyay Madaxa CRD-da Dr Faarax Cabdi Xasan oo ku nuux nuux saday in uu hadafka shirkani loo qabtay uu yahay horumarka iyo iscafinta Beesha ****. Wuxuuna Dr Faarax Carabka ku adkeeyay in aan jaaniskan la beer dareen isaga oo oga mahad celiyay Culumo Udiinkii Odayaashii Nabadoonada iyo Iqayaartii shirkani maanta ka soo qeyb galay. Wuxuuna xusay in la isku dayo sidii Soomaali wax loola qeybsan la haa oona laga tago isqab qabsiga Beesha dhexdeeda ah,wuxuuna ka codsaday Odayaasha in hadii uu jirro Nin nin wax ka tabanayo uu cafis ka dalbado lana isku uur xaarto Allana laga cabsado. Dr. Faarax ayaa ayaamahan danbaba ka waday bartaha G/Gedo howlo nabadeed wuxuuna Dr Faarax ku guda jiray maal mihii aan soo dhaafna u ruurinta iyo isu keenida Odayaasha dhaqanka iyo Nabadoonada Beesha ****, waxaana la filayaa in shir kani soo gaba gaboobi doono maal maha fooda nagu so ohayo loona kala diri doono Ergooyinka dagmooyinkii ay kala imaadeen iyagoo ka wadi doono howlo kuwan lamid ah.
  8. I prefer them to join the Shabaab and indeed this is where they majority principally support but they are doing whatever they can to ride out the turbulent storm.
  9. Originally posted by Red Sea: Malayabtay sida diinta Islamka ay qofkasta meeshu rabo hakayimaadee ay umidaysay. If my choices of whom to support came down to Injir infested/hiv on top of that, raw eating, gaal madow oo uraya vs. my people regardless of our difference offcourse the later sxb. Then again adeer, I never said anything about supporting Gaal madow or not. That you were so quick to jump to that shows me you understand where I am coming from. Saad isku keentay "muqawama" iyo calanka Somaliland? If you were supportive of the general resistance, then it would be understandable. However, "muqawama", adeer, are the same men who speak against the Asmara Group and label such aprticipants such as Sheikh Hassan Dahir Aweys and Sheikh Sharif as "cilmaaniyiin". Heblaayo yaanu iskaga nimid jiljileec raga "Muqaawamada" dhabta la yaqaan kama keeneyso ee adeer isku laabo, hal mid yeel. Ama calankaa iska dhig oo raga Muqawamada si dhab u taageer, ama calankaada heyso oo raga noo daa. That flag symbolizes everything the Muqawama is fighting again.
  10. Adeer saad isku keentay "I support Muqawama" iyo calanka Somaliland? Muqaawamada maan ogeyn inuu aasaabiyah u meel marsan yahay.
  11. Walle meelo aan ogohay buufis baa ka jiro. Here is Muudey's interview verbatim: http://www.somaliweyn.org/Audio/wareysi_muudeey.ram
  12. ^Madaxaad ka toogataye raga wax u reeb. Labo Ka Mid Ah Gacanyaraashii Col.Afgaduud Oo Lagu Xiray Kismaayo, Laguna Eedeeyey Dilkii Taliye Ku Xigeenkii Nabadsuggida Magaalada?. Dec 17,2007 by Kismaayo-GEDO-NN Warar lagu kalsoon yahay oo laga soo xigtay saraakiisha wada baaritaanka dilkii shalay loogu geystay magaalada Kismaayo Marxuum Col.Mukhtaar Cabdi Axmed (Mukhtaar Dheere) oo ahaa taliye ku xigeenkii nabadsuggida magaalada Kismaayo ayaa xaqiijiyey inay gacanta u dhigeen labo nin oo gacanyaraal u ahaa taliyahii hore ee guutada 1aad Col.Cabdirizaq Afgaduud. Labadaas nin ayaa ka mid ahaa maleeshiyo beeleedkii Col.Cabdirizaq Afgaduud oo ku sugnaa dhulka howdka, iyaga oo la sheegay inay dhowaan soo galeen magaalada, ciidamada amnigana ay ka warhayeen oo lal socday dhaqdhaqaaqooda. Xiritaanka labadaas ayaa ka dambeeyey markii ay baaritaano dheer tan iyo xalay ay wadeen ciidamada ammaanka ee magaalada Kismaayo, kaasoo dhaliyey inay nimankaan oo ku dhuumaalaysanaya xaafad ka mid ah magaalada Kismaayo gacanta lagu soo dhigo, haatanna ay saarkiisha ku howlan baaritaanka ay suaalo weydiinayaan. Mid ka mid ah masuuliyiinta wada baaritaanka ayaa sheegay inay dhowaan saxaafadda u soo bandhigi doono xubnahaan ay gacan ku soo dhigeen oo ay ku eedeeyeen in dilka marxuumka oo la sheegay inuu waday baaritaano la xiriiro lacago been abuur ah oo laga keenay Puntland oo ay ganacsato ka soo jeedo beesha ***** ay si dhuumaalaysi ah ku soo galiyeeen magaalada oo la doonayay sicir birir lagu galiyo badeecooyinka daruuriga iyo ganacsiga magaalada iyo gobollada jubbooyinka. Masuulka oo si caro ah u sheegay in dilka Marxuumka uu ahaa dil qorsheysan oo la doonayay in khalkhal lagu geliyo shacabka magaalada iyo midka gobolada jubbooyinka oo lagu abuuro jawi colaadeed, ayna ka warahayaan qorshe siyaasadeed iyo kooxaha ka dambeeya oo dano gaarka ah leh. Mar wax laga weydiiyay masuulkan warar ay sheegayaan qaar saxaafadda ka mid ah oo u janjeera siyaasadda dowladda federaalka oo tibaaxayay in magaalada uu khalkhal ka jiro oo ciidamadooda ay heegan geliyeen oo laga baqayo inay soo weeraraan maleeshiyo taabacsan midowgii maxkamadaha Muqdisho ayaa sheegay warkaasi uu yahay been abuur, hadalada noocaasi ahna ay yihiin kuwa ku tilmaamay "Awrku kacsi, siyaasado guraccan ay ka dambeeyaan, qorshahaasina uusan mid meel maraya, ciidan aan heegan galinay iyo kooxo laga baqayo aysan jirin, magaalada ay xasiloon tahay oo dadkoo dhan ay indhahooda ku arki doonaaan" ayuu ku soo gabagabeeyey hadalkiisa. GEDO-NN-Kismaayo News Desk
  13. Duke, I never thought you would have the galls to speak after Buulogaduud.
  14. Xushmadi waxuu iska dilay maalintuu gaarigi Maslax Maxamed Siyaad kala baxsaday Kismaayo. Agtaaduu wax ka yahay adeer.
  15. Originally posted by General Duke: ^^^This is not a wrestling contest adeer. Dhubadoow wataa adeer xaajadu waa kuu cadahay maxaad ka rabtaa.
  16. Probably the most opportunist individual to have risen among Somalis, if not the most Benedict Arnold of all. Some of his history: -Attacked the SSDF to please Siyaad -Joined the SNF to win against the USC -Turned on SNF when he felt the moment was right -Sought Amnesty from the ICU -Back stabbed the ICU and rumored to have led Abdullahi Yusuf's personal troops against them
  17. Originally posted by -: LooooooooooL Meeshan dhibka kajira, on the positive side, it is good to see TFG cheerleaders getting at Has this become the fashionable thing to say around here?
  18. Originally posted by General Duke: loooool. Adeer your short sightedness and ignorance is legendery. The TFG you hate so much because of Yey, is the same one your little clan wants more ministers of. Anyhow make sure you have the donkeys ready, Baidoa and Mogadishu are no longer your old masters base. They wont coem to your rescue, because they need it themselves. Adeer the TFG control Mogadishu, Baidoa, Garowe, Bossaos. Your obsession with Kismayu shows your weakness adeer. keep dreaming the demise of Arta, Jva and the clown courts was a big loss to you. PS: You will not keep Kismayu or the Juba's, majority rules adeer. You sound like a broken record now Duke. Is this not what you said right before the moments that led up to Buulogaduud? You have got to get new punchlines Dukoow otherwise I might take a break from here again because of sheer boredom.
  19. Duke, you are speaking in tongues adeer. Who is this "we" and "you". Pure politics is stronger than metal Dukoow. Political strategy is the way to go and Hiiraale will continue to sit in your "hero's" parliament while his armed forces defeat your "hero's" mercenaries. Xaajadu waa sidaas and you an do naught by watch from the sidelines in frustration. p.s. I did not know "you" were the armed forces of Melez Zenewi. Say the Mogadishu resistance movement is being skinned alive for me (by a foreign invading army), but to say by me is a bit past delusional.
  20. Originally posted by Dhubad: Horn sxb, Maxamed Wali in la masaafuriyo maysan ahayn, intaa kadib anigu ma aaminsani inay nimankaan hada kismaayo ay rabaan inay dagaal ku soo qaadaan oo dad masaakiin ah oo an waxba galabsan ay ku dhibaatayaan, ayadoo wadankii oo dhan ay amxaar haysato. Marka warkaan Duke meesha uu keenay waa propaganda . Hadaysaa dhacdo inay kuwa ayaka ka mid ah ay yimaadaan oo si nabada ah ku joogayaan magaalada in la dhibaatayo ma aha ama cadawga loo gacan galiyo. Allah knows the best! Jawaabtayde Duke iyo propagaandadiis shuqul kuma leh hadaad mooday. Anigu lacala ayaan ka hadlayay, haday, ileen hada wax cadeen ah ma hayno, Kismaayo soo aadan baan sheegayay. Dhibaatada iyo gacan gelintaad sheegeysid Dhubadoow sal ma leh. Anagu dadkayaga ayaan doonaynaa inaanu ka badbaadino duqayn iyo gantaal Axmaaro ee nacayb iyo xumaan aan u qabno majirto cidna walaa Hassan Turki iyo Sheikh Aweys. Maxamed Weligaas waa nin la doonaya, magaalada isaga bax baa lagu yiri meesha anagu xumaan dooni mayno inay ka dhacdee. Marka xaajadu waa sidaas. Qolo aan doonayno inaanu gaalka xunoo Tigreega iyo xulufadiisa u dhiibno majirto, laakin anagu maatadaya waa inaan badbaadsano dariqa lagu badbaadin karana waa dariiqaas siyaasadeed. Duke waligaa iska nacnaclee, caado baad u leedahay adeerow.
  21. Dhubad adeer ma meel baad la'dahay? Kismaayo ma Etoopiyaan baa joogo mise Ugaandees? Maxaa laga soo doonayaa aanu shar ku dhisnayn iyo fitno la doonayana irsaaqadaas yar ee dadkaasi lagu ogyahay in laga baaba'iyo laguna rido jawigii meesha ka jiray teer iyo dawladii Siad Barre la riday? Sabab loo yimaado meeshaasi anigu ma arko, cidii la timaado, dhagaysana anigu maanan oran waa la imaan, ee cidii la timaado qorshahaasi waa laga hortagi waana la ciribtiri alle haduu idmo. Maxamed Weligii beeshaas ka dhashay yaa la masaafuriyey saad tiri waa la soo dhawayn qolo kale.
  22. General Duke, this is not at the height of that group when they had all the weaponry of the former warlords and sympathetic groups at their disposal including established mercenaries. In their prime, they had no qualms oppressing people who were suspicious of their intentions. The group in Kismaayo is opposed to what is going on in Mogadishu but will not have any second thoughts resisting any attempts to ship Mogadishu's case to Kismaayo. All those who come because of need and humanitarian assistance will be welcomed with open arms, but groups with sinister intentions will be defeated immediately and sent packing as Maxamed Weli was sent packing recently. The policy of the Kismaayo group in action: Wafuud Ka Kale Socda Hayaddaha Gargaraaka Oo Maanta Kismaayo Ka Soo Degay Dec 14,2007 by Kismaayo-GEDO-NN Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose soo gaaray wafdiyo kale duwan oo ka socda hayadaha gargaarka fidiya ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya. Wafdiyadan kale duwan oo ka soo degay garoonka diyaaradda ee magaaladda Kismaayo ayaa waxaa soo dhoweeyey masuuliyiinta maamulka gacanta ku haysa iyo waxgard kale oo kale duwan. Wafdigaan ayaa ujeedadiisu aheyd sidii ay wax uga ogaalan lahaayeen xaaladaha ay ku sugan yihiin dadkii ka soo barakacayay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho oo intoodii badnaa ay ku daadsan yihiin goobo ku yaalo koofurta dalka Soomaliya, gaar ahaanna magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda iyo degaanada kale oo ka tirsan gobalka jubbada hoose. Wafdigaan ayaa waxaa qado sharaf ugu sameeyey hoteelka Cascaseey ee magaalada Kismaayo gudoomiyaha guddiga siyaasadda ee gobollada jubbooyinka Dr.Cabdirizaq Faarax Cali (Taano) oo uga warbixiyay wafdigaan xaaladaha ay ku sugan yihiin dadkii ka soo barakacayay magaalada oo uu sheegay intii ay u qaban kareen inay qabtaan dadkaasi soo barakacayay inay u qabteen, haatanna hayadaha gargaarka bixiya looga baahan yahay inay gacan ka geystaan sidii loo badbadaadin lahaa dadkaasi shacabka ah ee ku dhibaataysan magaalada Kismaayo iyo duleedkeeda. Dr.Taano ayaa sidoo kale sheegay inay wax weyn ka qabteen ammaanka magaalada iyo degaanada hoosyimaada, iyada oo si weyn wax looga qabtay kooxo burcad ah oo dhibaatooyinka ku hayay gaadiidka iyo shacabka magaalada iyo degaanada hoosyimaada. Waxuuna uu gudoomiyahu uu balan qaaday inay sugi doonaan amniga howlaha gargaraaka ay hayadahani ka fulin doonaan magaalada Kismaayo. Wafdigaan ayaa sioo kale kormeer ku soo maray degaano ay ku sugan yihiin dadkii soo barakacay, iyaga oo sheegay inay dhowaan soo gaari doonaan magaalada diyaarado iyo mucaawinooyin dadkaasi soo barakacay wax loogu qaban doono. GEDO-NN-Kismaayo News Desk
  23. Kismaayo tigree ma joogo, ajnabine ma joogo cidii soo aado waa la ciribtiri.
  24. Ma Maxamed Weligi daraad meesha booqasha ku tagay lagana masaafuriyey baa idaacadaha reer Puntland buunbuunista ka keenay?