Gabbal
Nomads-
Content Count
6,624 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Gabbal
-
^I'm sure you know the answer to that.
-
Ciilka haaye aan ka wado waxaa waaye Suuqa Xoolaha iyo agagaarka Huriwaa kor waxaa ka socday markaas Booli Qaran II, oo xataa qabuuro meesha ku yaalay ayaa la faagay, laga dhistayna daarad waa weyn iyo filooyin. Istaqfurulaah. War ninyaho miyaad Islaam ahayn :confused: Qolkaan adigoo been, broobagaanda, iyo aflagaado hal beel aad xarash u dhigatay ka odhanayn maahe wax kale adigoo sheegahaya kuma arkin. Wajigaadu dadkaad rabtid isku qurxi, wax badan baynu kuu dulqaadanay, dhoor jeerne intaad tagtaad soo laaban markaan waxaad meesha ku qoraysay qarxinee dulmiga iyo cayda jooji! Ninyaho wallahi cuqdad iyo wax aan loo baahnin baa si saa'id kugu aloosan ee dulmiga iyo beenta intaa gaarayso JOOJI!
-
Sakhar, on the contrary, Qanyare's clan just couple of days ago gave back its vote of confidence to the Maxkamada. Who else needs proof this is not qabiil based? Culimada Beesha M****sade oo ugu baaqay Max’ed Qanyare towbad keen.
-
I guess only those who thought da fall of Barre would bring peace and stability stayed behind. Who knew this gonna turn into war of extermination. No. It was an extermination from start to end. The only difference being that it was first directed at those of Barre's subclan and after the city was empty of them, became directed against, for historical reasons, all those of Barre's greater clan. We had not left because we believed the continuation or fall of Barre would lead to peace or security but because we had been under siege and under-attack even before Villa Somalia itself was under-attack. We had evacuated because we had been tasting what the rest of the city would learn to taste months and years later.
-
Put a sock in it Dutch! Allow homosexuals and dope-heads what ever they consider to be their rights and not pedophiles? :eek: How racist, prejudiced, hateful, and discriminating (which ever the right term is)! I say let the Dutch society reach such abysmal lows that force them to reflect on their moral decadence and lack of values and let them ultimately reach the decision to re-purify their culture to the level most near that ordained by the creator. This political stunt just might be the process to rebirth. The Dutch sure need it!
-
Nuune, I know the event full well sxb. Dagaalkaa dhan aaga gurigayni ayuu ka bilawday waliba waxuu ahaa dagaal reerkeenu loogu dan lahaa. Suuqa Xoolaha was my neighborhood although it wasn't a neighborhood then but a mere suburb away from the busy city center (the reason my family home was built there). Maalinku aad sheegaysi ima soo marin. Iyadoon dhacin baa Muqdisho ka qaxnay. Waxaan u malaynayaa inaan Nairobi joogay markay dhacday dhacdoonkaas aad tilmaantay. Lakiin dad badan baa lakulmay siiba rer abtiyaashay oo wali magaalada joogay wagaas oo iiga sheekayay. No need to apologize. Having witnessed that before only makes one more sympathetic to the plight of the people there now.
-
Talihii Ciidammada Wasiirka Hub ka dhigista oo saakay lagu dilay deegaanka Suuqa Xoolaha Posted to the Web May 31, 18:00 Muqdisho (PP) – Taliyihii ciidammada Wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan-celinta Malleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin (Xaaraan-ku-naax) oo lagu magacaabi jiray C/qaadir Ciise Xasan ayaa lagu dilay saakay deegaanka Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho. Taliyahaan ayaa xilliga la dilayay ku sugnaa garaash weyn oo ay cidammadaas ku lahaayeen deegaankaas, waxaana la sheegay inuu ahaa sarkaalkii la diay ee diiday inuu raaco, waxaana la sheegay in dhowr xabbadood laabta iyo madaxa looga dhuftay halkaasna uu ku dhintay. Dadka Deegaanka Suuqa xoolaha ayaa ku tilmaamay ninkaas inuu ahaa nin aad u naxariis daran isla markaana dadka deegaanka dhibaatooyin kala duwan u geystay, waxaana la sheegay in dagaallo badan oo ka dhacay deegaankaas uu hormuud u ahaa. C/qaadir Ciise ayaa maydkiisa wuxuu dhex yiillay garaashka lagu dhex dilay xilli ay Puntlandpost halkaas booqanaysay maanta, waxayna dadka deegaanka u xaqiijiyeen wakiilkeenna inuu C/qaadir ahaa nin aad u dhib badnaa, balse ay walwal iyo walaac ka qabaan kuwa Maxkamadaha oo aysan garanayn dabeecad ahaan waxay la soo bixi doonaan. Dadka deegaankaas ayaa dagaalkaan wuxuu ku noqday mid qaflo ah oo ugu dhacay si lama filaan ah sababayna inay ku dhintaan deegaankaas dad rayid ah oo aan warba ka hayn dagaalkii saakay ka dhacay deegaankaas xilli ay u kalahayeen howlahooda maalmeed. Weli waxaan la garanayn halka uu si dhab ah ugu sugan yahay Wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan-celinta Malleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin (Xaaraan-ku-naax) oo saakay ka baxsaday gurigiisa oo ay hadda gacanta ku hayaan Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho.
-
Wasiirkii hub ka dhigista Bootaan Ciise oo aan la garanyn goob uu u baxsaday dagaalkii saakay kaddib Posted to the Web May 31, 12:07 Muqdisho (PP) - Wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Malleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin ayaa waxaa ka soo baxaya goobta uu abbaaray warar is khilaafsan iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan inuu aaday dhanka Degmada Jowhar oo uu u baxsaday. Mar aan booqday deegaanka Suuqa Xoolaha oo uu deggenaa oo saakay dagaallo culus ay ka dhaceen ayaa waxaa ku sugnaa ciidammo ka tirsan kuwa miwoga gurigiisa, waxaana tani ay keentay in la is weydiiyo halka uu u baxsaday Wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Malleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin oo isagu halkaas ay ciidammadiisu ka talinayeen. Wasiirka ayaa wararka qaarkood waxay sheegayaan inuu nafta ula baxsaday dhanka Degmada Jowhar oo uu ka taliyo Maxamed Dheere oo ay ka wada tirsan yihiin Isbahaysiga la dagaalanka Argagaxisada, waxaan sidoo kale la sheegayaa inuu ku sugan yahay Degmada Balcad oo aanu horay u sii gudbin isla markaana wado abaabullo uu ku soo weerarayo fariisimadii saakay lagala wareegay. Warar kale ayaa sheegaya inuu u baxsaday dhanka Degmada Dayniile oo uu iyadana ku sugan yahay Maxamed Qanyare oo ah wasiirka amniga Qaranka ayna ka wada tirsan yihiin Isbahaysiga, balse si dhab ah cid u xaqiijin karta halka uu abbaaray ma jirto weli. Wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Malleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin ayaa warar waxay sheegayaan inuu la baxsaday qaar ka mid ah ciidammadiisa ayna ku wada sugan yihiin Duleedka Waqooyi ee xaafadda Suuqa Xoolaha, halkaasoo la sheegay inay ka wadaan abaabullo ay ku soo weerarayaan deegaankooda. Dadka Deegaanka ayaa xaqiijinaya in dagaalkaan uu ahaa mid u dhacay si kaddis ah isla markaana lagu kadiyay kuwa Wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Malleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin, iyaguna ay isaga carareen goobihii ay ku sugnaayeen, waxaase wararka qaarkood ay sheegayaan inay wateen qaar ka mid ah ciidammada maxkamadaha oo ay ku qabsadeen maxaabiis ahaan, balse ma jiraan warar madax bannaan oo sheegaya arrintaas. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com
-
Ku dhawaad 300 oo qoys oo ka soo barakacay Muqdisho ayaa soo gaaray magaalada Jilib gobolka J/dhaxe. May 30, 2006. HornAfrik. Mogadishu, Somalia. Sahra Cabdi Axmed “Kismaayo†Dad ka soo barakacay magalada Muqdisho oo kor u dhaafaya ku dhawaad Saddex boqol qoys oo sida ay sheegeen naftooda kala soo baxay magaalada Muqdisho dagaaladii ugu dambeeyay ee halkaasi ka dhaacay ayaa ayaga oo aan haysan waxa ay ku maareeyaan noloshooda qoxooti ahaan ku yimid magaalada Jilib gobolka J/dhaxe. Dadkan ayaa la dajiyey maalmihii hore xaafada ay sheegeen in ay ku soo dhaweeyeen maamulka degmada Jilib waxayna iyaga oo u badan dad maato oo isugu jira Haween, Carruur iyo dad da’ ah ay sheegeen in ay ka rajo dhigeen guryahoodii ku yaalay magaalada Muqdisho kaddib markii ay arkeen in aan looga tureyn rasaasta Madaaficiida ay is weydaarsanayaa dhinacyada ku dagaalamaya Muqdisho. Waxa ayna sheegeen in ay u sii u gudbi doonaan qaarkood xerooyinka qaxooti ee dalka Kenya si ay u helaan nolol dhaanta mida ay hadda haystaan. Dadkan ayaa sheegay in laga dhacay wax alaaale iyo wixii ay siteen oo ay kala soo hayaameen magaalada Muqdisho kaddib markii ay burcad ka furatay alaabtii u saarneyd gaari Dameero ay kala soo qaxeen magaalada Muqdisho kaddib markii ay ka soo qaxeen xarooyinka magaalada Muqdisho. Maamulka Jilib oo halkaasi ku sugan ayaa soo dhaweeyey dadka soo qaxay waxayna u geeyeen raashin iyo cunooyinka kala duwan oo ay ka soo aruursheen dadka degan sida uu sheegay ku simaha gudoomiyaha degmada Jilib. Dadkan qxaya ayaa yimid kaddib markii ay labada dhinac ee ku dirriya magalada Muqdisho aysan qaadan xal iyo wadahadal lagu soo dabaalo xiisada taagan iyadoo ay maleeshooyiinkii ay weli is hor fadhiyaan.
-
most of galgaduud and gedons on the courts side are related to Shekh Dahir Aweys(abtiyashiisa). That is a baseless accusation sxb. Sheikh Dahir Aweys' maternal relatives are infact from Galgaduud, Balanbale to be exact, but to say he is getting support from clans in Gedo Galgaduud because of that aspect is baseless. I can say this much. There are Somalis from all walks of life and backgrounds fighting for the courts and even a very publicized killing of a son of a minister in the Somaliland cabinet. All those individuals fighting for the Courts are fighting because they truly share the ideology of the Court and not because they share any clan connection however minuscule. If there are men fighting for the Courts from clan backgrounds of Gedo, Puntland, and Zone 5, I can tell you this much about them. Those are men that would not hesitate to fight in Puntland or Gedo or against their own relatives in the hopes of kindling their ideology into the political arenas of our peoples. Proof? They have done it in Boosaaso and other areas in Puntland in the early 90's and they had done it in Luuq, Beled-Xaawo and other areas in Gedo in the 1996 onwards. So if you are going to accuse them of something, accuse them of something tangible. Do not bring the usual wishy-washy remanants from the Somali rumour mills.
-
According to Bashiir Raage, the current saga in Mogadishu is not about Warlords vs. Courts or even a sub-clan vs. a Clan. According to Bashiir Raage, the current saga in Mogadishu is a politically motivated stunt and reinforced both with men and money by three related sub-clans from Gedo/Kismayo, Puntland, and Zone 5 of the Ethiopian occupied area. Bashiir Raage in a propaganda engineered mask wished to call upon the Somalis age-old pull to clan support by laying the blame on an enemy clan. Noted. Does that, however, clearly show how bad defeat has been for Bashiir Raage and his cohorts? Bashiir Raage's interview with HornAfrik radio. A response to Bashiir Raage.
-
Barre Hiiraale Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Maalinta Berri Ah U Soo Ambabixi Doono G/Gedo Iyo Illaalada Wasiirka Ee Isbahaysiga Dooxada Jubba Oo Ku Soo Fool Leh Degaano Ka Tirsan G/GEDO Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta DFKG ah Xildhibaan Barre Aadan Shire iyo wafdi uu hormuud u yahay oo isugu jira xubno saraakiil ah iyo odayaal dhaqameedyo ka soo jeeda Beesha SADE ayaa waxa wararka warsidaha Gedonet maanta ka soo gaaraya magaalada Baydhabo ay sheegayaan in maalinta berri ah lagu wado inay ka soo socdaali doonaan halkaasi iyaga oo ku soo jeeda dhinaca Magaalada Ceelwaaq halkaasoo madasha kulamada wadahadalada lagu balansan yahay in horaanta bishan June ay ka furmi doonaan. Safarka Barre Hiiraale ee Gobolkan Gedo ayaa waxaa lagu soo warbixinayaa inay ku wehelin doonaan masuuliyiin, waxgarad iyo odayaasha hoggaanka dhaqan, kuwaasoo ay ka midyihiin Ugaas Cumar Ugaas Xirsi (Ugaaska Beesha SADE ee G/Gedo) Ugaas Ciise Ugaas Cabdule (Ugaaska Beesha SADE ee G/Galguduud) Iyo madax kale oo ah saraakiil iyo aqoonyahano sida ay Gedonet u xaqiijiyeen ilo muhiim ah oo ku dhaw dhaw ergadaasi. Wafuudan heerka sare ah ayaa waxaa ay qeyb ka yihiin xubno wafdiyo dhawr ah.Kuwaasoo maalmaha inagu soo aadan laga dhursugayo inay gaaraan Magaalada Ceelwaaq ee Gobolkan Gedo halkaasoo uu ka furmi doono shirka labada beelood ee Beesha SADE iyo GARRE. Horey ayaa waxaa magaalada Ceelwaaq u gaaray wafdi ballaaran oo uu horkacayo Ugaaska Beesha GARRE Ugaas Aadan Ugaas Cali iyo xubno ay kamid yihiin Fiiloow ***** Ibraahin, C/Rashiid Ugaas Ibraahim, Nabadoon Cismaan Cabdi Iyo Col C/Qaadir Guuto iyadoona ay maalintii talaadada ahaydna ay wafdigaasi ku soo biireen Xubno isgu jiro Xildhibaano Iyo Wakiil hore oo uu ka mid yahay Mudanaha Baarlamaanka Waddanka Kenya Bilow Kerow kuwaasoo iminka ku sugan Magaalada Mandheere ee Gobolka Waqooyi Barri Kenya. Dhinaca Kale waxaa lagu wadaa in maanta ay soo gaaraan degaano kamid ah Gobolkan Gedo Ciidamo ka socda isbahaysiga D/Jubba isla markaasina wadata ilaa labaatameeyo gaadiidka tiknikada ah kuwaasoo saaka ka soo baqoolay dhinaca magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka J/Hoose. Ciidamdan oo aan tiradooda la shaacin ayaa waxaa lagu soo warbixinayaa inay ku sii jeedaan dhinaca Deg/Ceelwaaq ee Gobolkan Gedo. Waxaana lagu macneeyay ujeedooda safar mar aan la xiriiray saraakiil ka tirsan isbahaysiga D/Jubba howlo la xiriiro hanaanka sugida amniga madasha shirweyneha Ceelwaaq oo lagu wado in horaanta bishan daaha laga qaadi doono furitaankiisa. M G gedonet-Baardheere,Gedo
-
Xaaraan-ku-naaxoo allow maanta miyaad cagaha wax ka dayday! War heedhe Duke, boqolkiibo ilaayo intee magaalada Muqdisho ayaad isleedahay Maxaakiimta ayaa ka arimiyo? Did you also hear about the new propaganda position of the Warlords?
-
Barre Hiiraale oo soo jeediyay in la bedelo qodobka 47aad ee Axdi Qarameedka KMG ah Isniin, May 29, 2006(HOL): Wasiirka Dib u dhiska iyo Dib u heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale oo Sabtidii gaaray magaalada Baydhabo oo fariisin KMG ah u ah Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa shalay mar uu la hadlayay Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka ayaa wuxuu soo jeediyay in la bedelo qodobka 47aad ee Axdiga u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliyeed. Barre Hiiraale wuxuu sheegay in qodobkaas uu dhigayo in xubnaha Xukuumadda geleya loo baahan yahay in ay noqdaan Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka, wuxuuna taasi wasiirka ku macneeyay mid aan loo baahneyn oo meesha ka saareysa aqoonyahanno iyo dad wax-gal ah oo Xukuumadda ku biiri lahaa, isla markaana wax qaban lahaa. “Waxaa loo baahan yahay in xukuumadda iyo Baarlamaanka uu dhex maro xisaabtan dhab ah taasina wuxuu ku imaan karaa marka xubnaha Golaha Wasiirrada aysan kulamada Baarlamaanka fariisan karinâ€ayuu yiri Barre Hiiraale oo intaas ku daray in haddii qodobkaas la bedelo fursad loo heli doono in Xukuumadda lagu soo daro aqoonyahanno iyo dad kale oo Soomaali ah oo wax ka qaada culeyska Dowladda. Barre Hiiraale intii uu hadlayay wuxuu soo hadal qaaday dagaallada Muqdisho ka soo cusboonaaday ee u dhaxeeya Midowga Maxkamadaha Islaamka iyo Isbaheysiga La dagaalanka Argagixisada, wuxuuna sheegay in ay dagaalladaasi yihiin kuwo laga murugoodo oo ay ku dhamaadeen dad badan shacab ah, hayeeshee wuxuu baaq ku soo jeediyay in Muqdisho loo diri Guddi waan waan wadayaal ah oo uu isagu hormuud u yahay amaba uu dhexda uga jiro, si ay xiisadda Xamar ka taagan dhexda uga qabtaan, una qaboojiyaan. Ugu dambeyntiina, Barre Hiiraale oo muddo labo sano ku dhawaad ah aan tegin meel ay ku sugan yihiin xubnaha dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo mid ah ayaa Sabtidii gaaray Magaalada Baydhabo, isagoo sheegay in socdaalkiisa uu jawaab u ahaa qoraal uu Ra'iisal Wasaare Geedi u diray Wasiirro uu ka mid yahay oo laga dalbanayay in ay Magaalada Baydhabo iska xaadiriyaan. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
-
Xubno ka tirsan Isbahaysiga la dagaalanka Argagaxisada oo gaaray maanta Magaalada Nairobi Posted to the Web May 26, 17:19 Muqdisho (PP) - Xubno ka tirsan Isbahaysiga la dagaalanka argagaxisada iyo soo celinta nabadda ayaa warar soo gaaraya Puntlandpost waxay sheegayaan inay gaareen magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Xubnahaan ayaa wararku waxay sheegayaan inay ka duuleen garoonka diyaaradaha ee Jasiira oo mar labaad dib loo furay kaddib markii uu ku xirmay dagaalladii ay Muqdisho ku wada galeen Isbahaysiga la Dagaalanka argagaxisada iyo soo celinta nabadda iyo maxkamadaha Islaamiga ah 18-kii Feberaayo ee sannadkaan Garoonkii Dayniile oo ahaa mid ay si weyn u isticmaali jireen hoggaamiyeyaasha dagaaalka. Milkiilihii Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho Ganacsade C/rashiid Shire Il-qeyte ayaa la sheegay inuu ka mid yahay xubnaha gaaray magaalada Nairobi, kaasoo lagu qabsaday shalay Hotelkiisii dagaallo aad u qaraar oo isbahaysiga iyo maxkamadaha ay ku gaareen magaalada Muqdisho gudahdeeda, gaar ahaan agagaarka KM 4 oo uu ku yaallo Hoteelka. Wararka ayaa sheegaya inuu ka mid yahay xubnaha raacay Il-qeyte C/shukri Axmed Xasan oo isagana lagu jabiyay ciidamadiisii isla deegaankaas goob ku dhow gaar ahaan Villa Baydhabo oo ay ku sugnaayeen, lamana garnaayo sababaha dhabta ah ee ay xubnahaas u aadeen Nairobi, balse wararka ayaa sheegaya inay xiriir la leeyihiin dagaalladii shalay looga xoog roonaaday. C/rashiid Shire Il-qeyte ayaa sidoo kale ku waayay dagaalkii shalay gurigiisa oo ku yaalla isla agagaarka KM4 iyo sidoo kale gawaari tikniko ah oo uu lahaa, waxaana tani ay dhabarjab weyn ku noqotay ganacsigiisa isagoo maanta aanay waxba gacanta ugu jirin hoygiisii iyo hoteelkiisii intaba. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu
-
Khilaaf soo dhex galay Xubnaha Isbaheysiga Xubnaha sar sare ee Isbaheysiga la dagaalanka Argagixisada ayaa waxaa soo dhex galay khilaaf kadib markii lagu heshiin waayay qorshaha dagaalka socda,taasina waxaa keentay in qaar ka mid ah xubnaha Isbaheysiga u dhoofan Magaalada Nairobi ee xarunta wadanka kenya. Milkiilaha Hotelka Saxafi C/rashiid Shire Ilqeyte ayaa u dhoofay Magaalada Nairobi sida ay sheegayan kadib markii ciidamadiisa lagala wareegay Isgoyska N0-4 iyo Hotelka saxafi, waxaana la sheegay in C/rashiid ka xumaaday qaabkii loo dayacay Hotelkiisa. Dhinaca kale Maxamed Dheere ayaa ciidamadiisa kala baxay degaanka Carfiid kuna laabtay magaalada Jowhar isagoo ka biya diidsan qaabka abaabulka xubnaha Isbaheysiga, In ka badan 30 Baabuurta dagaalka ah oo uu leeyahay Maxamed Dheere ayaa ku laabtay Magaalada Jowhar iyagoo la ogeyn sababta ku laabtan xilli uu dagaal culus dhex maraya Isbaheysiga iyo Maxkamadaha. Howsha dagaalka ayaa haatan waxaa wada Wasiirada Ganacsiga iyo Ammniga Qaranka, inta badan dagaalka waxaa uu ka socdaa labadaas mas’uul degaanada ay maamulaan. Khilaafka ayaa waxaa uu salka ku haya qaabka loo qeybsanayo agaga dagaalka ka socda, Maamul la’aanta dhinaca Ciidamada oo soo dhex galay, iyadoo hoggaamiye kasta uu doonayo inuu ciidamadiisa iasaga hogaamiyo. Balcad.com
-
Barre Hiiraale Oo Maanta Qudbad Ka Jeediyay Kulankii Baarlamaanka Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta dowladda federaalka ku meel gaarka ah xildhibaan Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo shalay gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa waxa uu shirar kale duwan la yeeshay madaxda ugu sarreysa dowladda. Sidoo kale waxa uu wasiirku la kulmay Ugaaska beesha Sade Ugaas Cumar Ugaas Xirsi oo muddo toddobaad ah ku sugan magaalada Baydhabo, waxaana ay ka wada hadleen arrimo badan oo la xiriira gobollada Jubbooyinka iyo GEDO. Kulankii baarlamaanka ee maanta ayaa wasiirku waxa uu ka jeediyay khudbad xasaasi ahayd oo si weyn u soo jiidatay xildhibaannada dowladda eek u sugnaa hoolka shirarka ee maanta. Wasiirku waxa uu khudbaddiisa uga hadlayay ujeeddooyin fara badan oo ay ugu horreysay in dalka dhibaatada uu iminka ku jiro laga saaro, si looga saarana ay muhiim tahay in marka hore xildhibaannada dowladda iyo kuwa baarlamaankuba ay u wada guntadaan sidii ay u midoobi lahaayeen, isku meelna uga soo wada jeesan lahaayeen xallinta dhibaatooyinka dalka haysta. Waxaana uu ugu baaqay dhammaan xubnaha baarlamaanka ee kulankaas fadhiyay in ay iska illoobaan wixii ay horay u kala qabeen. Mar uu ka hadlayay hadafkii isbahaysiga dooxada Jubba ee ku aaddanaa kulankii uu wasiirku u iclaamiyay in Kismaayo labada gole la isugu keeno ayuu ku sheegay in ujeeddada ugu weyn ay aheyd in la soo afjaro waxii khilaaf ah ee u dhaxeeyay mudadaasi masuuliyiinta ugu sareeysa labada gole ee dowladda. Waxa uu wasiirku soo dhoweeyay heshiiskii Yemen ay madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanku ay ku soo heshiiyeen, isla markaasna suurto geliyay in xukuumadda labadeeda goleba ay Baydhabo wada yimaadaan. Waxa kale oo uu qudbadiisii wasiirku ku sheegay in dalku uu burbursan yahay, dowladdana looga fadhiyo inay dejiso, isku duubnina uga gudubto caqabadaha guud ee hor yaalla, mudnaantana la siiyo in shacabku dowladda wax qabasho uga baahan yahay. Wasiirku waxa uu ka dalbaday golaha baarlamaanka in la kala caddeeyo hawlaha hay'adaha dowladda, lana kala sooco oo hay'ad walba howsheeda loo madax banneeyo si howlahii dowladdu ay socoto. Waxaana uu intaas raaciyay in golaha sharci dejinta, kan fulinta iyo kan garsoorkuba ahaadaan kuwo cid walba meel ay ugu hagaagto ay taqaanno. Waxa uu wasiirku sidoo kale dalbaday in qodobka 47aad ee axdiga ku meel gaarka ah wax laga beddelo si dadka aqoonyahanada looga qeyb galiyo dowladda oo wax weyn ka tari kara horumarinta iyo dowladda Soomaliya.> Qodobkaas uu wasiirku ka dhawaajiyay in wax laga beddelo ayaa xildhibaannadii maanta dhegaysanayay qudbadda wasiirka ay si weyn u soo dhaweeyeen. Mar uu wasiirku ka hadlayay xaaladda magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in dowladda federaalka ku meel gaarka ah looga baahan yahay in sida ugu deg deg badan ay tallaabo cad uga qaaddo xaaladda magaalada Muqdisho ee ay dadka badani oo shacab ay waxyeelo naf iyo maalba leh ay ka soo gaareen. Waxa kale oo uu codsaday in dowladdu u dirto wefdi dhexdhexaad ah oo qaran isla markaasna soo xalliya oo soo dhexd hexaadiya hoggaamiyeyaasha Muqdisho oo uu Barre Hiiraale ku tilmaamay saaxiibbadeenna dowladda ee aan loo baahnayn in la lumiyo. Wasiirka ayaa qudbaddiisa oo aad u dheerayd waxa uu ku soo gebagebeeyay in xildhibaannada dowladda looga baahan yahay marka ugu horreysa inay iyagu isu tanaasulaan si ay u uurto gasho inay wax u qabtaan shacabka Soomaaliyeed ee sugaya. Gedonet News Desk Gedo, Soomaliya
-
Duke, to understand what I ment you would have to employ abstract thinking sxb. I don't think I ever said Las Caanood is not part of Puntland or that it is part of Somaliland. Las Caanoodites have made their voice too clear for me to be in doubt. Nope siree, I did not mean what you made my point out to be.
-
Wafdi Uu Horkacayo Wasiirka Dib U Diska Iyo Dib U Dejinta DFKG Ah Barre Hiiraale Oo Maanta Gaaray Magaalada Baydhabo Wararka warsidaha Gedonet goor dhaw ka soo gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta DFKG ah Xildhibaan Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) iyo wafdi uu hogaaminaayo ay halkaasi gaareen saacado ka hor sida uu Gedonet u xaqiijiyay Wasiirku Xigeenka wasaarada guriyaynta iyo howlaha guud Xildhibaan C/raxmaan Yuusuf Diiriye oo iigu waramayay qadka teleefoonka magaalada Baydhabo. Wasiirka oo ay safarkiisa ku wehlinayaan, Ugaaska beesha Sade ee gobalka Galgaduud, Ugaas Ciise Ugaas Cabdille, Xasan Maxamed Nuur Qalaad, Afhayeenka isbahaysiga dooxada Jubba Bile Cabdille Cabdi iyo xubno kale ayaa waxaa ay markii ay ka caga dhigteen deggida diyuuradaha magaalada Baydhabo goobtaasi si saxmad iyo rayn raynba leh ugu soo dhaweeyay xubno ka tirsan labada gole ee dowlada Soomaaliya. Xildhibaan Barre Hiiraale oo qadar yar kaddib markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo saxaafada kula hadlay ayaa waxaa uu wasiirku carabka ku adkeeyay in socdaalkiisa Baydhabo uu ka dambayay codsigii Ra'isul Wasaareha ee ku aadanaa ka soo qeybgalka madasha Baarlamaanka. Waxaana uu muujiyay in uu si weyn ugu faraxsan yahay in uu ku soo biiro fadhiga golayaasha ee Magaalada Baydhabo. Barre Hiiraale oo saaka ka soo duuley magaalada Kismaayo ayaa waxaa mardada magaaladaasi ka soo qaaday diyaarad qaas ah , iyadoona ay goobtaasi saaka buuxiyeen madax sar sare oo ka tirsan isbahaysiga dooxada jubba, kuwaasoo soo sagootinayay xubnaha uu wasiirku horkacayo. Safarka socdaalka xubnahani ayaa la rumeysanyahay in uu yimid ka gadaal markii uu Ra'isal wasaare Geedi uu digniin culus u soo jeediyay ilaa 5 Wasiir oo kamid ah wasiirada hubeysan ee magaalada Muqdisho iyo Kismaayo in ay ku mudacaan muddo toddobaad ah taasoo ku akeeday 24kii bishan May inay ku soo gaaraan magaalada Baydhabo wallow aysan xubnahaasi u hoggaansamin hadalka Ra'isul Wasaare Geedi ayaa haddana tagitaanka Barre Hiiraale ee Baydhabo maanta waxa uu ku soo beegmay xili ay xalay wareegto ka soo baxday xafiiska Ra'isul Wasaareha lagu sheegay in muddo toddobaad ah oo fursad kale ah loogu daray in wasiiradaasi hubeysan ay Baydhabo ku yimaadaan. M G gedonet-Somalia
-
Originally posted by General Duke: ^^^ Las Anood is part of Puntland and not between it and the other entity. But hey Horn you seem to be bent on trying to divide a sub, subclan. Why? LA capital of SOOL, Puntland Somalia.. Well, I didn't know I was bent on dividing anyone sxb. Care to tell me how you reached that conclusion? I did not mean Las Caanood is part of Somaliland (not with this much Somali flags flying around) but there is something there that makes it between that of Puntland and Somaliland and not completely of one. That is why, in my opionion, that I believe it is between Somaliland and Puntland.
-
Muqdisho:- Caasimad Ayaan Daran oo 16 Sanno oo Fowdo ah kadib marti u noqotay Dagaal Sokeeye oo hormuud ay u yihiin kuwii Shacabka Xasuuqay. Muqdisho, Khamiis, May 25, 2006 (Waagacusub.com) Magaaladda Muqdisho oo mar ahayd mid ka mida Caasimadaha ugu ammaanka Wanaagsan Qaaradda Afrika, isla markaana ahayd Magaalo Bilicsan oo ay u soo daawasho tagaan Dalxiisayaasha Caalamku ayaa haatan noqotay Caasimadda ugu Ayaanka daran Qaaradda Afrika iyo Caalamka oo dhan. Waxaana ay marti u noqotay Fowdo aan dhamaad lahayn, Dagaalo aan Ujeed lahayn, iyo Isbahaysi ku dhisan Dano Dhaqaale, Mid Diimeed iyo Mid Qabiil. Muqdisho waxa ay 16 Sanno kadib Saaka ku waabariisatay dagaal ka qarxay Illaa iyo Dhawr Aag oo kala duwan. Waxaana qof kasta oo ku nool Muqdisho saaka dhagihiisa ay maqlayaan Daryanka Rasaasta Culus ee ay iswaydaarsanayaan Kooxaha Dagaalamaya. Tiiyoo aysan jirin cid adeegsanaysa Istaraatiijiyad Ciidan iyo Bartilmaameed looga badbaadin karo Shacabka Dhibaatadda Dagaalka. Kooxaha Dagaalamaya oo mid kastaa ay ku doodayso in iyada lagu soo duulay ayaa dhinaceeda waxeey ka wadaa abaabulkii dagaal ee ugu dambeeyay. Waxaana ay Koox kastaa ku ridaysaa Dhinaca ka soo horjeeda Qoryo aan loogu talagalin in looga dhex dagaalamo Magaalooyinka. Kuwaasoo dhibaato u gaysanaya Shacabka Rayidka ah. Kumanaan Qoys ayaa Saaka ka barakacay Guryahoodii, iyago aan garanayn meel ay u qaxaan, Waxaa la arkayay Dhaawacyadda iyo Maydka Dad Rayid ah oo guryahoodii ay Rasaas Haboow ah ugu tagtay, Waxaad Wadooyinka ku arkaysaa Dadwayne Raxan Raxan ah oo Alaabooyin yar yar iyo Caruur la qaxayo, kuwaasoo haddii la waydiiyo meesha ay u qaxayaan aan ka jawaabi karin. Laakiin ku jihaysan oo kaliya meeshii ay Cagahooda ku tagaan. Waa Yaab!!! Mararka qaarkood waxaad dareemaysaa in Kooxaha Dagaalamaya aysan ogayn inay ku dhex dagaalamayaan Shacabkoodii, Waxaad moodaa Ciidamo isku dhex haysta Dhul Saxaro ah marka aad aragto Rasaas Habaw ah oo aan loo kala aaba yeelin oo Muqdisho meel kasta tagaysa. Muqdisho oo kadib riditaankii Xukuumaddii Siyaad Barre aan helin Maamul, Nidaam iyo Kala dambayn, waxaan ka qoraa ahaan ku macnayn karaa Magaalo la mid ah Saddex Xagalka Barmuudo oo ah goob aysan dib uga soo laaban Maraakiibta tagta. Waxaana taas ula jeedaa in Muqdisho ay caan ku noqotay inay afka u dhigato Nidaam kasta oo loo so dhoodhoobo. Iyadoo noqotay Magaalo marti u ah Dagaal Oogayaal aan rabin Dawladnimo, Nabad iyo kala dambayn. Sidaasoo ay tahay Muqdisho waxaa ku sugan Aqoonyahano, Culumaa’udiin, Waxgarad iyo Qaybo Bulsho oo damiirkoodii Dadnimo wax ka dambeeyaan, Waxaase dhamaantood ay noqdeen kuwo Daawadayaal ah oo Filimka socda aan wax ka jilin ama si dad ban uga qayb qaata. Sidaas darteed Muqdisho waxaa la oran karaa Magaalo ayaan daran oo aan helin kaalinteedii Caasimadnimo, Dadkeedii dhisan lahaa, Bulshadii Maamulka u samayn lahayd. Taa badalkeedana Muqdisho waxey nasiib u yeelatay Damiir Laawayaal Madaafiic ku garaaca, Fiiqda Laamiyeeriga Daaraha Qurxoon, isla markaana burburaya Bilicda Magaaladda Muqdisho. Mohamed Qanyare Afrax oo ka mid ah qabqablayaasha Dagaalka ee Muqdisho uguna magacaaban Dawladda Federaalka Wasiirka Amniga Qaranka ayaa u sheegay Iddaacadda V.O.A ee Dalka Maraykanka in Muqdisho ay ka wadaan Hawlo Nabadayn ah, ayna la dagaalamayaan Kooxo Argagixiso ah, Wuxuuna ku eedeeyay Madaxda Sare ee Dawladda Federaalka ah inaysan hawshaas raali ka ahayn, sidaas darteedna uu xilka isaga dagayo, waxeey hadaba dad badan iswaydiinayaan Maxeey ku qanci karaan Qanyare iyo Saaxibadiis haddii ay Dhiiga Shacabka ku gaareen Wasiiro iyo Xildhibaano, Walina aysan ku qanacsanayn,? Jawaabta Su’aashaas Waqtiga iyo Inta fahamkoodu sareeyo ayaan u daynayaa. W/Q C/casiis M. Guuleed “Afrikaâ€
-
I agree! Las Caanood truly has a position in he mediation of the Somali people. This coronation of the new Garaad was proof. I truly believe that if ever Somalis decided to seriously address peace and reconciliation for Somalis by Somalis, that Las Caanood be considered the venue. A city that is situated between Somaliland and Puntland and shares great affinity with the south. An excellent venue for a future Somali peace process if ever there was need for it.
-
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Iyo Ugaas Cumar Ugaas Xirsi Oo Shalay Kulan Uu Ku Dhexmaray Guriga Madaxtooyada Ee Magaalada Baydhabo Kulankan Qarada sharafka ah oo maalinimadii shalay uu Madaxweynaha DFKG ah Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed uu ku qaabilay Ugaaska Beesha SADE Ugaas Cumar Ugaas Xirsi iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayay ayaa waxaa shalay abaarihii 12:30 duhurnimo saacada afrikada bari uu dhacay guriga madaxtooyada ee magaalada Baydhabo. Kulankan shalay oo uu madaxweynaha ku qaabilay Ugaaska Beesha SADE oo ay ku weheliyeen wafuud ay kamid ahaayeen Col. Maxamed Jaamac Labaale, Gudoomiyihii hore ee Deg/Baardheere Maxamuud Cabdi Shakuul, Aadan Cali Aadan Garabeey, C/qaadir Cismaan Jaamac iyo rag kale oo ka tirsan wafdiga Ugaas Cumar ee Baydhabo gaaray iyadoona ay kulankaasi ay ku soo biireen xubno isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ay kamid ahaayeen Wasiirka Hantida iyo Qalabeynta Qaranka Maxamuud Sayid Aadan, Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Guriyaynta iyo Holwaha Guud C/raxmaan Yuusuf Diiriye iyo Xildhibaan C/rasaaq ***** Biixi ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu ku soo afmeermay heer jawi is af garansho iyo hanaan deganaan sida ay Gedonet u xaqiijiyeen qaar ka mid ah xubnihii kulankaasi ka qeybgalay. Fadhigan shalay ayaa waxaa xubno kamid ahaa wafuudii ka qeybgashay oo ka gaabsaday in magacyadooda la shaaciyo ay Gedonet u sheegeen in uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed uu wadfigaasi ku soo qaaday arrimo la xiriira hanaanka waxqabad ee DFKG ah ee ku aadan Gobolka GEDO. Inkastoo aysan weli jirin warar faahfaahsan oo ka soo baxay labada dhinac ayaa haddana waxaa ay warar kale oo aan ka helnay ilo ku sugan Baydhabo oo aan qadka teleefoonka kula xiriirnay ay sheegayaan in kulankaasi uu ku saabsanaa qado sharaf iyo wadatashi hase ahaatee ilaa iyo iminka lama oga waxa ay ka wadahadleen Madaxweynaha Iyo Wafuudii Ugaaska. Ma'ahan Markii ugu horeysay oo ay wada kulmaan Madaxweynaha Iyo Masuuliyiinta Beesha SADE ee ku sugan Magaalada Baydhabo. Iyadoona ay ahayd maalinimadii jimcihii aynu ka soo gudubnay kaddib markii uu hoygiisa magaalada Baydhabo uu ku qaabilay Ugaaska Beesha SADE Ugaas Cumar Ugaas Xirsi Madaxda ugu sar sareysa DFKG ah oo ay kamid ahaayeen Madaxweynaha, Ra'isul Wasaareha Iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka. M G gedonet-Gedo-Somalia
-
Well, it seems as though Ugaas Ciise of Galgaduud (Caabudwaaq) has made himself at home on the garaad's side.
-
The reality of the situation in Mog! Al-Qaciida Style Video.
Gabbal replied to Fiqikhayre's topic in Politics
Saw any similarities..