Gabbal
Nomads-
Content Count
6,624 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Gabbal
-
Opinions on tension between Hiiraale and Courts..
Gabbal replied to General Duke's topic in Politics
Il-Generaale Sow wax lagu qosla maaha raga Cadde Muuse Axmaaraduu Gaalkacyo keenay ku faano inay Barre diin iyo Maxaakiim kala dardaarmaan? Adeer I told you and I will tell you again, Barre and the Islamic Courts are not enemies nor where they enemies and the Islamic Courts has no reason to show Barre aggression nor vice versa. Xulafooyin shar iyo shaydaan isu bahayste weeye dhibaatadu iyagauna labada qoloba (Barre iyo Maxaakiimtu) wey uga go'an tahay inay ka hortagaan. -
Xiin- Adeer ma wali baad u fadhisaa Kismaayo qaban waayee hala ii qabto?
-
Duke- First, sxb, get educated on the structure of the JVA. Secondly, Sanka broke the rules and regulations of the administration dealing with the legality of carrying arms and/or staging demonstrations without prior approval. The infamous Cabaas was sent by the Defense Minister to show his firmness against law-breaking. Thirdly, Seeraar and Goobaale have not seen Kismaayo for a long time (Seeraar for two years before being allowed back in for a month then sent packing again) by decree of the current Defense Minister. The whys I am not up to discuss. Fourthly, this latest mis-adventure towards Kismaayo was not the Islamic Cours objective but an alliance, of the truest form, between Gen Sacid Hersi Morgan, Cumar Jees, Seeraar, Goobaale, and the expelled Sanka. What they hope to achieve is beyond me.
-
Opinions on tension between Hiiraale and Courts..
Gabbal replied to General Duke's topic in Politics
.. -
Duke Why anyone believed the Islamic Courts would go and attack Kismaayo is beyond me. The Courts for the most part are diiniyan men. Why diiniyan men would go on a mission that would include the deaths of numerous innocents for no obvious reason does not make sense. Kismaayo has a maamul, it is clean, there are steps against crime and vice, and it is a place invested with what? Muslims! The Courts inay xaajoodaana maahe adeer dagaal geli mayaan, dagaal haday galaane wey ogyihiin kooda dhinto inuusan janna cidna uga dhaween. Teeda kale this had nothing to do with Islamic Courts.
-
Originally posted by General Duke: War is a totally different thing to this incident.. Why do I get the feeling this is more to show us the demarcation then anything else?
-
Interesting, no?
-
Gudoomiyaha Isbaheysiga Dooxada Jubba Oo Sheegay In Maamulka Uu Wareejinayo Haddii Dadka Deegaanka Ay Dhistaan Maamul Loo Dhan Yahay. August 20- 2006 Horn Afrik, Mogadishu , Somalia Wasiirkii hore ee dib u hishiisiinta iyo dib u dajinta dowlada federaalka Soomaaliya Barre Aadan Shirre (Barre Hiraale) ayaa markii ugu horeysay sheegay in uu talada iyo maamulka gobalka ku wareejinayo dadka gobalka ku dhaqan haddii ay sameystaan maamul loo dhan yahay. Xildibaan Barre ahna gudoomiyaha maamulka dooxada jubba ayaa marki ugu horeysay shaaciyay xili uu hadal ka hor jeedinayay boqalaal qof oo ka qeyb qaadanayay tababarka Hay`adda CRD ay u qabatay xubnaha gudiga farsamo ee dhismaha maamul gobaleedka Jubba Land ayuu sheegay in hadii la arko maamul dhameystiran oo ay sameystaan dadka deegaanka uu ku wareejinayo talada isla markaana uu ka mid noqonayo halka ay ka joogaan dadka kale ee caadiha ah . “Waxaan ahay iminka xildibaan waxaan doonayaa in aan idinka tago maamul aad idinku sameystaan oo aan hogaanka ku wareejiyo ayaan doonayaa “ sida waxaa yiri mudane Hiiraale. Hadalkaani ayuu markii uu jeedinayay gudoomiyaha isbaheysiga dooxadajubba ayaa waxaa joogay dhamaan saladiinta iyo hogamiyaasha dhaqanka baelaha deegaanka kuwaasi oo lagu marti qaaday ka qeyb galka xaflad malaintii shalay lagu furayay siminaarka kaasi oo la siinayay xubnaha gudiga farsamo ee dhismaha maamulka Jubba Land.
-
Gudoomiyaha isbahaysiga dooxada jubba Xildhibaan Barre Hiiraale oo Magacaabay 58 xubnood oo ka soo kala jeeda 4.5 oo noqonaya guddi hoosaadyada Dhisitaanka dawlad goboleedka Jubbland Aug 18,2006 by Kismaayo-Gedo News Network Iyadoo dhawaanahaan Xarunta isbahaysiga dooxada jubba ay ku shirsanaayeen xubnaha guddiga farsamada iyo qaban qaabada shirwayne lagu dhisayo dawlad goboleedka Jubbaland ayuu Xildhibaan Barre Hiiraale gudoomiyaha isbahaysiga dooxada jubba waxaa uu soo saaray wareegto uu ku magaacay xubnaha shan guddi hoosaadyo oo la shaqayn doona guddiga farsamada, waxaana wareegtadaas ay u qornayd sidatan. Ku: guddiga Farsamada iyo qabanqaabada Ujeedo: magacabid Guddi hoosaadyo Kadib markaan arkay talo-soojeedinta guddiga farsamada dhismaha mamaamulka gobolada jubbooyinka. Kadib markaan dhagaystay talada mas,uuliyiinta maamulka Ayada oo ahmiyada la siinayo habsami u hirgalinta Hawlaha culus ee na horyaala Ayada oo la tixgalinayo kartida waxqabad, khibrad iyo aqoonta qofnimo Waxaan halkaan ku magacaabay guddi hosaadyada xilkoodu hoos ku cad yahay. Waxaan guud ahaan dadwaynaha gobolada jubbooyinka gaar ahaana xubnaha guddiyada halkaan ku magacaaban ku adkaynayaa in qiimaha hawshani u leedahay horumarka iyo aayaha dadka iyo dalkeena dareen iyo aragti midaysan laga lahaado wax walba oo suurtagalin karana loo huro. Guddiga dhaqaalaha. 1.C/laahi Salaad yaroow ( Gudoomiye) 2. Xaawo Ugaas faarax ( Ku xigeen) 3. Xadhuun Dubad shiil 4. Cabdi Baaley Xuseen 5. maxamuud Timodheere 6. C/laahi Xaashi Cali 7. Mukhtaar Sheekh Axmed 8. Xaawo Ugaas yaasiin 9. Dr Faarax Cabdi Xasan 10. Cabdi Aaden 11. Abshiro Muuse Cigaal 12. Barre xaashi Gaani 13. Macalin Ibraahim Jiis. Waajibaadka Guddiga.Guddiga waxaa uu u xilsaaran yahay: 1. in uu raadiyo soona u uruuriyo dhaqaalaha loo baahan yahay 2. in uu ilaaliyo gacantana ku hayo dhaqaalaha 3. in uu diiwaan galiyo dhaqaalaha la helo 4. lacagta shirka loo uruurinayo waxaa lagu ridayaa xisaab looga furayo xawaalada dahabshiil 5. guddigu lacag kasta oo uu ku shubo xisaabta waxaa uu isla markiiba qoraal ku siinayaa guddiga farsamada 6. xisaabta waxaa lacag looga bixin karaa marka ay wada saxiixaan gudoomiyaha guddiga dhaqaalaha, uqaybsanaha xisaabta ee uu guddiga farsamada iska dhex dooranayo iyo gudoomiye xigeenka koowaad ee Gudiga farsamada. 7. saxiixa saddexda mas,uul, waxaa lagu kaydinayaa xawaalada dahabshiil 8. guddiga dhaqaalahu waxaa uu hab xisaabeed u samaynayaa dhaqaalaha soo xarooda iyo kan baxa. Guddiga Abaabulka: 1.Daahir Maxamed Cilimi( Carabeey) Gudoomiye 2. Xasan Xuseen Aalamaas 3. Maxamed Hire Xirsi 4. Xuseen Maxamed Dhicis 5. yacquub Macalin qaasin 6. Aaden Cabdi Ibraahim 7. Maxamed Cali Aaden 8. Xasan maqtal rafle 9. Maxamed daahir Jaamac 10. Sh Cali Xuseen Xasan 11. Xsueen Arbacoraas 12. Maxamed Maxamuud Tooxoow 13. Xaaji Maxamed Mire 14. Maxamed Siraad 15. Axmed Xasan cabdi ( Kaad) 16. xareed Cali Durdur 17. Shubaale Xaaji Shubaale 18. Ducaale ganaane Cun cun 19. Faadumo Aaden kateela 20. kiin Nuur Xaashi 21. daruuro Xirsi Geele. Waajibaadka Guddiga.Guddigu waxaa uu u xilsaaran yahay. 1. in uu la xariiro degmooyinka gobolada jubbooyinka, lana socodsiiyo dhammaan tallaabooyinkii la qaadaym, kuwa lagu talo jiro iyo waxayaabha degmooyinka laga doonayo 2. in uu ku hanuuniyo kuna wacyi galiyo dadwaynaha jubooyinka ahmiyada iyo waxtarka dhismaha dawlad goboleedka, 3. in uu ka hortago islamarkaana bulshada dareensiiyo caqabadaha waxmagaratada iyo cadawgu u maleegi karo hawshaan Qaayaha leh. 4. in uu adkeeyo midnimada bulshada una jiheyo sidii looga wada qaybgali lahaa najixinta hawshaan Tariikhiga ah ee na hortaal. Guddiga Diyaarinta Madasha, soo dhawaynta iyo Dajinta. 1. Aaden Maxamed Wacays( koronto) Gudoomiye 2. Maxamed Maxamuud Nuur ( Biikolo) KU xigeen 3. Yaasiin Nuur Gaas ( in dhoraadeer) 4. Ismaaciil Diyaad cali 5. C/laahi Xasan Maxamed 6. Xasan Cumar cabdi 7. Maxamed C/laahi xirsi 8. Cabdi Maxamed Muumin( Ruush) 9. Cali xasan Ibraahim 10. Maxamed Dhoore Xasan 11. eng- Axmed Maxamed Gaax nuug 12. Yusuf Maxamaed Xoosh 13. Xasan Cusmaan Aaden arile 14. Ibraahim Maxamed Xasan 15. xaliimo Geelo 16. Butaaco 17. iisho Gashaan Waajibaadka Guddiga:Guddiga waxaa uu u xilsaaran yahay: 1. Diyaarinta Iyo dayactirka gobta shirka lagu qabanayo 2. diyaarinta Iyo dayactirka goobaha ergooyinka la dajinayo 3. Nadaafada iyo nolol maalmeedka shirka 4. gacan ku haynta saadka logu talo galay shirka sida rashinka cabitaanka, Maacuunta. 5. diyaarinta gaadiidka Noocyadiisa kala duwan sida kuwa yar yar xamuulka iyo booyadaha Biyaha 6. diyaarinta goob caafimaad oo si deg deg loogu dawayn karo ergada shirka 7. diyaarimta qalabka sigaarsiinta sida taleefanada, raadye iyo qalabka kale eel agama maar maanka u ah hawlaha shirka 8. diyaarinta matoorada korantada shirka 9. diyaarinta goobaha karinta iyo qaybinta raashinka 10. tilmaamida wadooyinka gaadiidka iyo kuwa dadka lugta ah 11. ilaalinta nidaamka iyo guud ahaan qaabka isu socodka, nolosha, qaabnka deegaanka, iyo nidaamka fududaynta in qof kasta helo adeega uu u baahan yahay. Guddiga qoraalada iyo warfaafinta. 1. C/naasir Daahir Dheere ( Dhalo) Gudoomiye 2. Xasan Cabdi Yuusuf ( dhere) xigeen 3. Xasan Maxamed nuur Aburaas 4. Cabdi Maxamed Cusmaan 5. Rotman Yusuf Xodey 6. shariif Iimaan ibraahim waajibaadka guddiga:guddigu waxaa uu u xilsaaran yahay 1. waxuu u ruuriyaa dhammaan qoraalada shirka 2. waxuu faafiyaa dhammaan qoraalada shirka e la doonayo in la gaarsiiyo bulshada 3. waxuu badiyaa qaybiyaana qoraalada ergooyinka loo qaybinayo 4. waxuu qoraa soo jeedinada iyo talooyinka 5. waxu diyaariyaa ha ku dhegyada iyo farshaxanka ka turjumaya hirgalinta iyo najixinta shirka 6. waxuu la xariiraa warbaahinta siiyaana waxii war ah marka guddiga farsamadu uu siyo ogolaansho qoraal ah 7. waxaa reeban in la bixiyo qoraal ama hadal ku saabsan shirka oo uusan qoraal ku fasixin guddiga farsamada. Guddiga caafimaadka: 1. C/Casiis Cali cabdi 2. C/raxmaan Durre 3. C/laahu sheek aaden 4. jamiil Xasan ciise 5. shukri cabdi Geedi Waajibaadka guddiga: Guddiga waxaa uu u xil saaran yahay: 1. dhammaan Hawlaha Caafimaadka ergooyinka mudadda shirku socdo 2. waxuu si buuxda u kormeeraa dhammaanb goobhaa jifka, cuntada, biyaha, hoolka shirka iyo musqulaha waxuu talo iyo tilmamo siiyaa guddiga ku shaqada leh si loo ilaaliyo caafimaadka ergada. 3. waxuu Guddiga Farsamada siiyaa talooyin la xariira arimaha caafimaadka. Midnimo, Guul, iyo Horumar Xildhibaan Barre Aaden Shire ( Gudoomiye).
-
Barre Hiiraale: Anigu Xildhibaan Baan Ahay Mana Sii Joogaye, Dowladana Waan Ka Tirsan Nahay Ee Ciddii Aan Ku Wareejin Lahaa Maamulkii Jubbaland Hala Keeno- Halkan Ka Dhageyso Khudbadaas Xasaasiga Ah Oo Uu Ka Jeediyey Magaalada Kismaayo Aug 19,2006 by Kismaayo-Gedo News Network Guddoomiyaha isbahaysiga dooxada Jubba oo maanta khudbad xasaasi ka jeediyey magaalada Kismaayo kaga hadlay qorshiisa ku aadan maamulka dowlad goboleedka jubbaland. Xildhibaan Hiiraale ayaa ka hadlay seminar loo furay guddiyada qabanqaabada maamul goboleedka Jubbaland ee lagu wado in la sameeyo dhowaan oolagu qabtay Hotel Tawakal ee magaalada Kismaayo. Seminaarkaas oo ay soo diyaarisay hay'adda CRD ee Kismaayo ayaa ujeedadiisu aheyd inuu leeyahay laba ujeeddo oo kala ah isbarasho guddiyada iyo weliba in hawsha guddi kasta loo xil saaray in la fahansiiyo oo ay fahmaan. Barre Hiiraale ayaa sheegay in maamul ahaan ay naftooda u hurayaan sidii loo sameyn lahaa maamul goboleedka Jubbaland, dadkuna ay iska illoobaan qabiileysiga. Waxa uu guddoomiyuhu sheegay in uu xildhibaan yahay doonayana in uu arko maamul uu xilka Jubbaland uga tago oo ku wareejiyo, taasna loo baahan yahay in dadku sameystaan. Waxana uu qudbaddiisa oo meelo badan taabanaysay ku soo gabagebeeyay in dadku ay wax walba heli lahaayeen hadday maamul sameystaan, isla markaasna uu diyaar ula yahay in uu usha u qabto maamulkaas. Waxaa sidoo kale ka hadlay kulankaas xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xiddig oo ku tilmaamay in irriddii laga geli lahaa maamul goboleedka Jubbaland ay tahay kulankan iyo guddiyadaan, loona baahan yahay in ay dadaal badan muujiyaan. Halkan RiiX Oo Dhageyso Khudbadii Barre Hiiraale Ee D/G Jubbaland
-
Kee yidhi: Af uun malaba shicibkii haddii lagu mashaysiiyey ? Wax badan walle waa la is ogaan, walle waa la is ogaan. The only thing I cannot comprehend is what is on Somalionline forum to go that length to hide yourself? More fake people miyaa la iska gadi? Waa kuu daaye, adeer, waa kuu daaye.
-
Xiin's love/hate relationship with the Courts can be summarized as: 1. Attack Kismaayo--You are wonderful Muslim leaders or 2. Attack Puntland--I'll be damned before I let a clan militia come to home. Ii raaxeeso adeer, ii raaxeeso.
-
Informative. Thanks Wiilo!
-
Do you have a link? And how and who predicted the rain would fail? :rolleyes:
-
Axmaaradu waa laga tashaday. The court and people of Guri-El along with some Cabudwaq and other Galgaduud elements have built a dufays at the town of Bali-Mareere located between Balanbale and Guri-El. The people of Galgadud are prepared to defend themselves if things take a wrong turn. But so far the negotiations seem to be holding up. Axmaaradu maxay tahay haday Yahuudu wax qaadi wayde?
-
Generale- Balanbale is not the objective. If there are places that need defending, they are those exact places the Islamic Courts has jurisdiction starting from Guri-El. The Ethiopian strategists have realized Balanbale can make it easy or hard for them to see through their objective. It is why they are still trying to persuade the people of Balanbale to their despicable intentions towards fellow neighbors, Muslims, and Somalis. So far the people of Balanbale have more then refused and are continuing to insist the Ethiopians go back over the border or come under-attack not only from Cabudwaq tribal miltias but also coordinated defense from all the people of Galgaduud since this aggression is clearly directed towards others. Negotiations are still underway to ending this so far non-hostile incursion in a peace manner. The Ethiopians have all left the areas they settled yesterday and are now encamped towards the western entrance of the city towards Ethiopia while the negotiations are underway.
-
Before I make that plain argument let me make one thing clear though: Court’s latest military adventurism is foolish and, quite honestly, lacking strategy. It may be excite some laypeople in some circles but it sure shows where their priority lies when it comes the challenges before them! The chicken has come home to roost! Now tell me Xiin, how good of character detector just am I?
-
Cabi Waal iyo the tabloid waagacusub cantar-baqashkoodu meel dhiga bal. Dadka degan Balanbale ee la la hadlay waxay yiraahdeen Itoobiyaanka dhib dadku meysan u geyn ciidane degmada meysan lasoo gelin balse waxay doonayayaan inay dadku degan Balanbale ka dhaadhiciyaan qorshahooda ay la damacsanyihiin degmada iyo dadku Guri-Ceel. Taana waa lagu gacansayre.
-
Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisimo ka sameystay waadooyinka soo gala wadada Balanbal ee gobolka Galgaduud. August 13- 2006 HornAfrik, Muqdisho, Somalia Sida ay HornAfrik u xaqiijiyeen goob joogayaal ku sugan degmada Balanbal kuwaas oo diiday in la magacaabo sababao amaankoooda la xiriira ayaa sheegay in maanta magaalada dhowr jiho ka dageen ciidamo Itoobiyaan ah oo wata gaadiidka dagaalka. Ciidamadan ayaa magaalada ka soo galay dhanka galbeed gaar haan ceelka Kooshin loo yaqaan ee duleedka magaaladaas, iyadoo ciidamdaaas isku qeybiyey Saddax qeybood qeyba ka mid ah ciidamada aya ku sugan wadad isku xirta Guri ceel iyo Balanbal. Sidoo kale, qeyb kale oo ciidamadan ka mid ah ayaa degay dhanka Barri ee magaaladaas gaar ahaan magaalada Caabud waaq iyo Balanbal iyadoo kuwii kale ay fadhiyeen aagii ay ka soo galeen oo ah galbeedka wadadaas. Ciidamdan ayaa u muuqda kuwa guud ahaan gooyey saddaxda wado ee soo gashay magaaladaas. Telfoonada magaalada ayaa weli shaqeenaya inkasta oo ay adag tahay in dadka hadlaan sababa la xriira cabsida ciidamdaas waxa ayna dadka deegaanka xaqiijiyiin in odayaasha deegaanka ay ku baxeen ciidmadaas Itoobiyaanka ah mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay weli. Ciidamda Itoobiyaanka ayaa weli wax dhibaato ah u geysan dadka deegaanka ku dhaqan hase ahaatyee waxaa saaka hakad galay gaadiidka magaaladaas aadi jiray oo ka imaan jiray qeybaha kale ee magaalooyinka gobolka Galgaduud. Ciidamadan Itoobiyaanka ayaa dhawaan degaanka Laasacaano oo 90km u jirta deegaanka Caabud waaq ku laayey dad Soomaali ah. Ma cadda ujeedada ciidamada Itoobiyaanka ay halkaas u yimaadeen waxaana arrintan ay ku soo beegmeysaa xilli saraakiisha Itoobiyaanka ay sheegeen inay qabteen 13 ka mid ah kooxa mucaaradka kuwaas oo ay sheegeen in xuduuda Soomaaliya ay ka soo tallaabayeen. Ciidamada Itoobiyaanka ayaa maalmahan dhaqdhaqaaq xoogn ka waday qeyba ka mid ah gobolka Galgaduud iyadoo arrintan ay ku soo beegmeysa xilli ciidamda maxkamadhaa ay ku sugan yihiin deeganka Galinsoor oo wax yar u jirta halka ay koo joogaan ciidamda Itoobiyaanka qeyba ka mid ah gobolkaas.
-
Ciidamadii Ethiopian-ka ahaa ee Maanta Soo Galay Balanballe Oo Caawa Ku Hoyday Isla Duleedka Balanballe Aug 13,2006 by Balanballe, Gedo News Network Iyada oo maanta ay ciidamo ethiopian ahi soo dhoobteen Degmeda Balanballe ayaan hadana waxaan la ogayn sababta rasmiga ah ee ay ciidamadaani daamacsan yihiin ama ay ku soo galeen balanballe iyaga oo aan cidna kala arinta soo gelista deegaanka Balanballe. Ilaa maanta waxaa socday wadahadal dhex maray waxgaradka Balanballe iyo Ciidanka Ethiopian-ka ah laakiin waa la isku mari waayey arinta soo gelitaanka waxayna ciidamada Ethiopian-ku cadeysteen inay doonayaan in la siiyo fariisin ciidan ka dhigtaan Balanballe, laakiin arintaas ayay ka diideen waxgaradka Balanballe. Waxayna ku adkaysteen inay laabtaan ciidamadaan Ethiopian-ka ma ahane inaysan arin kale oo aqbali karayn, sikastaba ha ahaatee wax is afgarad ah kuma dhamaan wadahadaladii maanta labada dhinac dhex maray dhinac walbana wuxuu ku adkaystay wixii uu rabay in dhinaca kale ka yeelo. Waxaana caawa ay ciidamadii Ethiopianku ku hoydeen meeshii ay maanta ka soo dageen Balanballe oo ah duleedka magaalada dhanka galbeedka, arintaan ayaa dad badani ka dayrinayaan iyaga oo ka cabsi qaba inay ciidamada Ethiopian-ku damacsan yihiin inay weerar ku qaadaan deegaaano kale oo ka tirsan gobolka Galgaduud. Dhanka kale wararka naga soo gaaraya Magaalada Guriceel oo 60-km dhanka koonfurta ka xigta Degmedda Balanballe ayaa sheegay inay ka jiraan diyaar garow ku saabsan sidii deegaanadaas uga diyaargaroobi lahaayeen inay soo galaan Ciidamada Ethiopianka ah ee maanta soo galay Balanballe, dadka arimahaan la socda ayaa waxay sheegayaan inay keeni karto fudaydka ay ciidamada Ethiopianku ugu xadgudbaynaa dadka deegaanadaan inay keento in lagala hor yimaado isdifaac iyo dagaalo. Axmed Max'ed, Balanballe, Somalia
-
Liberate Lower Shabbele and hit Galgaduud = calming the situation
Gabbal replied to General Duke's topic in Politics
I think calling them "reeraha Jubooyinka" is thoroughly misleading and I don't understand why one could call them a title even they haven't called themselve.. -
I think everyone has a choice to report what they want to report. There is no obligation nor compulsion to post anything except that which you desire. Adigu maxaad la karaankaraysaa?
-
Maxaad ka Taqaanaa Qaab dhismeedka Iyo Habka Maamul ee Isbahaysiga Dooxada Jubba-By Nasteex Dahir
-
Ethiopian Army In Chaos, Internal War is Brewing Now!
Gabbal replied to Alle-ubaahne's topic in Politics
Originally posted by Xoogsade: Xaabashi You are too smart and brazen to be amxaar/Xabashi, traits/qualities somalis are known for. You must be a somali but do tell us, Ma hooyadaa baa amxaaro ah mise naagtaada? PS: Pretend someone has translated for you and come back with the answers. How long did it take you to figure this out?