Gabbal
Nomads-
Content Count
6,624 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Gabbal
-
War ileen tanoo kale! No offense, but I have seen too much "Dukes" and "Paragons" having unpleasent exchanges during the last few weeks then I cared to have seen. Ragow kala taga!
-
^I don't understand how high ranking member of the Armed Forces of the TFG can be told to leave the venue of the government? That does not make sense to me.
-
Kismayu; Clan courts and local elders find no common ground..
Gabbal replied to General Duke's topic in Politics
Tol deegaan ma kala xigo. You are saying Hiiraale is from Galgaduud not because you know he was born there but because that is the only place you want to bring together his tol. Forget about the Gedo you also claim, but I hope you know both the Governor for Kismaayo city as well as the airport commissioner that were recently named are both from Hiiraale's sub-clan. Doesn't that show you how much of an unshakeable right they have to Kismaayo even from the perspective of others? Wallahi dad baa riyo ku jiro. And you do not seem to have an iota of knowledge about Isbahaysiga Dooxada Jubba that even exists now and has even caused the Governor and Vice-Governor of Jilib to be expelled and the Governor of Bu'aale to welcome Barre even while Hassan Turki and his militas were there. -
^Adeerkiis u daa. Maybe we will have a chance to see another Xiin Long Jump; this time back to the TFG.
-
^I guess that will be an special EID for you then, huh?
-
^Bu'aale was more guarded then Kismaayo.
-
^Hadaan ku iraahdana inshallah waxaa la rajaynayaa Kismaayo inuusan dagaalba ka dhacin. Alle baa og lakin waa sida la rajaynayo.
-
Col.C/risaaq Af-guduud:Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Cidna Kama Saari Karto Baydhabo Oct 17,2006 by Baydhabo-Gedo-NN Taliyaha Guutada 1-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed C/risaaq Af-guduud oo maanta ka hadlay magaalada Baydhabo oo xarun u ah dowladda federaalka soomaliya ayaa shaaca ka qaaday inaysan jirin cid ka saari karta Gen. Cali M Xasan Looyaan (Cali-Madoobe) Magaalada Baydhabo, howshuu qaranka u hayeyna uu halkiisa ka sii wadi doono. Col.Cabdirizaq oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Gen. Looyaan uu yahay masuul ka tirsan dowladda xil weyn ka haya, uusanna aheyn qof shacab ah aan qof laga dhageysanayn inuu ku hanjabo uu ka baxo magaalada xarunta u ah dowladda. Col.Cabdirizaq Afgaduud ayaa hadaladiisa waxaa ka mid ahaa "Ma dhacayso in Gen. Cali Madoobe uu ka baxo Magaalada Baydhabo oo saldhig u ah DFKS ciddii ku haminaysa inuu ka baxana ay riyoonayso". Sarkaalku waxaa kale uu intaasi ku daray in "Dowladda Federaalka waxay saldhig ka dhigatay Baydhabo sannadkan horraantiisii xilligaasna Gen. Cali Madoobe wuxuu ahaa taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, waana wax lala yaabo in maanta la yiraahdo haka baxo". Col. C/risaaq Af-guduud wuxuu kale uu intaasi raaciyey in dowladda federaalku ay si rasmi ah u degan tahay magaalada Baydhabo, inaan saraakiisha iyo madaxdana aan hanjabaad loo soo jeedin karin. Dhanka kale, Gen.Looyaan ayaa shirar is dabajoog ah kula lahaa xarunta booliska ee magaalada Baydhabo saraakiisha sarsare ee ciimada dowladda ugana warbixiyey safar shaqo ah uu dhowaan ku tagay wadamo badan oo kale ah China, Brasil iyo Ugandha. Baydhabo-X M S-Gedo-NN
-
Maxkamadaha Islaamiga Oo Ciidamadoodu Buuxiyeen Degaano Ka Tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose Iyo Barre Hiiraalle Oo Qarka Usaaran Inuu Gacanta Ku Dhigo Buaale Oct 17,2006 by B-Xaawo-GEDO-NN Ciidamo uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga ee DFKM Barre Aadan Shire ayaa waxaa la sheegayaa inay maanta gaareen duleedka Magalaada Bu’aale ee Xarunta gobolka jubbada dhexe. Ciidamadaan oo ah kuwa aad u xoogan kuna hubaysan gawaarida dagaalka iyo noocayada kala duwan ee qoryaha darandooriga udhaca ayaa umuuqda kuwo ku sii siqaya golabadda jubooyinka oo uu maamulkooda horay uhayay Barre Hiiraale. Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya deegaanka Bu’aale ayaa sheegaya in Ciidamada Barre hiiraale ay qarka usaaran yihiin Magaalada Bu’aale oo ay bartamihii bishaan gaareen Ciidamo taageersan Maxkamadaha. Wararku waxay intaa ku darayaan in ay jiraan dhinacyo badan oo ay Ciidamada Barre Hiiraale uu hogaaminayo ay doonayaan inay ka weeraraan Magaalada Kismaayo. Dhanka Kale, wararka naga soo gaaraya Degmeda Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya inay degmadaas ka soo gudbeen ilaa 40 Baabuur oo ay lee yihiin Ciidamo Ethiopian ah Baabuurtaan ayaa ubadan Booyado sida shidaal, arintaan ayaan la ogayn sababta ka danbaysa ee ay ciidamadaani doonayaan waxaa sidoo kale jira in Ciidamada Ethiopian-ku ay soo buux dhaafiyeen dhamaan xuduudaha ay lawaadagaan dalka Somaliya. Dhanka kale, warar aanu ka helnay ilo xog ogaal ah kuna dhow dhow Maxkamadaha Muqdisho ayaa sheegaya in maalmihii aynu soo dhaafnay ay diyaarado sida saanado milatari u dageen Maxkamadaha oo la sheegay inay ka yimaadeen wadamo gacan saar la leh maxkamadaha. Waxaa wararku intaa ku darayaan inay jiraan Ciidamo Badan oo ay Maxkamaduhu udiyaarinayaan inay kala geeyaan wadooyin badan oo soo gala gobolka Shabeeladda Hoose. Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya inay Maxkamaduhu doonayaan inay Ciidamo xoogan dajiyaan Magaalada Buurhakaba, magaaladaan oo dhuun ka gal ku ah magaalada baydhabo ee degan tahay DKMS. B-Xaawo-Gedo-NN
-
Bu`aale: Ciidamada Maxkamdaha oo si nabad galaya ah uga baxay Bu`aale iyo ciidamada Barre Hiiraale oo gacanta ku dhigay. Talaado, October 17, 2006 APL Bu`aale (AllPuntland)- Ciidamo uu hor kacayo wasiirka gaashaan dhigga ee dawladda Soomaaliya Col. Barre Aadan Shire ayaa waxa ay gaareen deegaanka Bu`ale ee magaalo madaxda gobolka Jubbada Dhexe. Ciidamada maxkamadaha magaalada Muqdisho oo horay ugu sugnaa magaalada Bu`aale ayaa si nabada ah u baneeyay magaalada iyada oo aan wax dagaal ahi ka dhicin. Ciidamda Maxkamadaha ayaa waxa hor kacayay Sh. Xasan Turki ayaa waxa ay gaaren deegaanka Jilib oo ay fariisin ka dhigteen. Wasiirka gaashaan dhigga ee dawladda Soomaaliya Col. Barre Hiiraale ayaa ciidamadiisu waxa ay horay ugu sugnaayeen deegaanka Saakoow. Arrimahani ayaa waxa ay soo baxayaan iyada oo dhowaan ciidamada maxkamadaha magaalada Muqdisho ay shaaciyeen in ay dagaal la galayaan ciddii isku dayda in ay soo fara galiso amaanka gobolada Jubooyinka. Maalinitii shalay ayaa ciidamo ka socda dawladda Soomaaliya waxa ay gaareen degaanka Diinsoor oo 125 Km u jirta magaalada Bu`aale . M. J. Koronto AllPuntland Related Articles
-
^Indahiisa ha furo.
-
Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beesha Sadde oo cambaareeyey falkii lagu weeraray Gen. Cali Madoobe. October-17 -2006 HornAfrik, Mogadishu, Somalia. Maxamed Gaarane “Baardheere†Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beesha Sadde oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Baardheere ee gobolka Geddo ayaa cambaareeyey falkii lagu weeraray guriga Gen. Cali Madoobe ka deganaa magaalada Baydhabo ee gobolka Bay. Kulankan oo isugu yimaadeen waxgarad siyaasiin iyo culumaa'udiinka deegaanka oo looga hadlayey dhacdadii maleeshiyaadka Aadan Saransoor isugu gadaameen xarunta taliyaha ciidanka booliska Gen Cali Maxamed Xasan Looyaan “Cali Madoobe ayaa maanta lagu qabtay xarunta golaha odayaasha degmada Baardheere. Fadhigan oo ay soo qabanqaabiyeen golaha odayaasha degmada oo uu horkacayye Guddoomiyaha golahaas Xuseen Cali Biixi ayaa looga hadlay mashkilada ka dhalatay guriga taliyaha ciidanka booliska iyadoo la isla meel dhigay in arrintaas ay tahay mid ka baxsan sharciga dowladda KMG ah. Afhayeenka golaha waxgaradka degmada Baardheere oo kulankaas kaddib la hadlay Saxaafadda ayaa HornAfrik u sheegay in dadka Gen.Cali Madoobe heysta ay doonayaan in hadda ay la xiriiraan laakiin waxa uu sheegay in generaalka wax dambi ah oo beel ahaan ay u qaadan karaan aanu galin waxa ayna sheegeen in howl dowladeed uu halkaa u joogo . Sidoo kale, Guddoomiyaha golaha odayaasha Baardheere Xuseen Cali Biixi oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in arrintaas aysan aheyn mid shaqsi ah islamarkaana ay tahay mid dowladeed oo uu sheegay in qorshahaas loo gudbiyey si wadajir ah. Xuseen Cali Biixi ayaa sidoo kale ku dhaliilay waxgaradka siyaasiinta iyo xubnaha baarlamaanka beelaha Digil iyo Mirifle inay ka gaabiyeen inay arrintaas wax ka qabtaan islamarkaana aaney ka hadlin Saxaafadda. Kulankaas ayaa ugu dambeyn waxgaradkii halkaa isugu yimid ay baaq ugu jeediyeen dowladda KMG ah iyo shacabka Soomaaliyeed iyagoo ugu baaqay in arintaas ay soo faragaliyaan si loo joojiyo waxa loogu yeeray gardarada ay maleeshiyaadka Aadan Saransoor ku weerareen taliyaha ciidanka booliska
-
Kulamo Ballaaran Oo Looga Soo Horjeedo Dhacdada Ay Shalay Maleeshiyo Taabacsan Qabqable Soransoor Ay Isugu Gadaameen Xarunta Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen. Looyaan Ee Magaalada Baydhabo Ayaa Maanta Lagu Qabtay Deg/ Kamid Ah G/GEDO Oct 17,2006 by Baardheere-Gedo-NN Kulamadan oo diirada lagu saarayay sidii la iskula eegi lahaa cawaaqibka iyo falka ay maleeshiyaadka Aadan Soransoor ay isugu gadaameen xarunta taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen.Cali maxamed Xasan Looyaan (Cali Madoobe) ee magaalada Baydhabo ayaa xalay ilaa saaka ka kala dhacay xarunta Golaha Odayaasha Ee Deg/ Baardheere, hoolka shirarka ee Degmada Buurdhuubo iyo Xarunta maamulka Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolkan Gedo, iyadoo ay dadkii fadhiyaasi ka hadlayna ay isla meel dhigeen qodobo dhawr oo digniin adag loogu jeediyay shaqsyaadka ku lug leh howlahaasi. Afhayeenka Golaha Waxgaradka Degmadan Baardheere Faarax Hire Guhaad oo saaka ka hadlay fadhi deg deg ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Odayaasha baardheere kaasoo ay ka soo qeyb galeen Gudoomiyaha Golaha Odayaasha Xuseen Cali Biixi, waxgarad, duqo iyo indheergarad kale ayaa sheegay inay meel ka dhac tahay in maleeshiyo uu horjooge u yahay qabqable dagaal ay handaad ay ku doonayaan inay ku afduubaan DFKG ah ay kula kacaan mid ka mid ah xubnaha ugu bud-dhigsan dadaalada xagga amniga ah ee ay dowlada ku doonayso inay ku hanato awooda dalka xili ay dalka ka jiraan dhibaatooyin xagga siyaasada ah waa sida uu hadalka u dhigaye Mudane Faarax Hire Guhaad ayaa tilmaamay in ay qalad iyo gardaro cad ay tahay in Cali Madoobe oo fuliyay howl-dowladeed oo ka dhan ah maleeshiyo si sharci daro ah ku qabsatay Airportka magaalada haatan dusha loo saaro qalad taasoo uu ku sheegay inay keeni karto cawaaqib xumo iyo cadowtinimo Beeleed. Dhinaca waxa uu sheegay in ammuurtaasi ay la xiriirto olole uu ra'isul wasaare Geedi u doonayo in uu ku minja xaabiyo General Looyaan taasoo uu ku macneeyay shirqool waxaana uu ugu dambeyntii Masuulkaasi uu ugu baaqay Dowlada haatan saldhigatay Baydhabo inay gacan- marti soor ah u fidinayaan oo ay ku soo dhaweynayaan Gobolka Gedo. Sidoo kale Gudoomiyaha Golaha Odayaasha Deg/Baardheere Mudane Xuseen Cali Biixi oo Gedonet la hadlay kulankaasi kaddib ayaa nasiib daro ku asteeyay in Gen. ka mid ah raga tunka u ritay inay soomaaliya ka badbaadiyaan dar-xumada uu haatan magan ugu noqdo magaalada Baydhabo koox amaba shaqiyaad gaar ah. Gabgabadii fadhiyaasi ayaa waxaa ay waxgaradkani ay sheegeen in ay arrintaasi tahay bahdil lagula kacayo dowlada lagu gadaaman yahay ee madaxweyne C/llaahi yuusuf islamar ahaan taasina waxa ay dowlada ugu baaqeen meel adag ka istaagto. Magaalada Baydhabo ayaa waxaa tan iyo maalmihii aynu ka soo gudubnay ka taagneed shaqaaqo ka dhalay kaddib markii maleeshiyo taageersan Aadan Saransoor iyo ciidamo ka tirsanaa booliska magaalada Baydhabo ay muddo dhowr saacadood ah isku horfadhiyeen halkaasi inkastoo goor dambe lagu guuleystay in la kala qaado. M G-Gedo-NNews-Baardheere,Gedo
-
Jeneral Cali Madoobe oo ku gacan-sayray inuu ka baxo Magaalladda Baydhabo. Baydhabo, Talaado, Okt. 17, 2006 Simba Radio. Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed General Cali Xasan Looyaan "Cali Madoobe ", ayaa ku gacan s ayr ray inuu isaga baxo Magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay, ayada oo waqtigii 24-kii saac ahaa ee loo qabtay inuu Magaalada uga baxana uu gabaabsi yahay. Jeneral Cali Madoobe, ayaa ku gacan sayray xubnihii Guddiga Waan-waanta waday ee uu ka mid ahaa Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi, kuwaasi oo ku adkeystay inuu isaga baxo Magaalada Baydhaba, si loo yareeyo xiisadda colaadeed ee ka dhex oogan isaga iyo Aadan Maxamed Nuur “Saransoorâ€. Wararka ka imanaya Magaalada Baydhaba, ayaa waxa ay sheegayaan in Cali Madoobe uu ku wargeliyay xubnihii uu ka mid ahaa Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi in isaga uusan marnaba ka baxeynin Magaalada Baydhaba, haddii ay xal doonayaanna ay Magaalada ka saaraan Aadan Saransoor. Ra'iiusl Wasaare Cali Maxamed Geeddi, ayaa lagu warramayaa in uu usoo jeediyay Aadan Saransoor in Jeneral Cali Madoobe uu iska sii joogo Magaalada Baydhaba islamarkaana wixii uu ka tabanayo ay Maxkamada ku kjala Baxaan. Ilaa iyo hadda Aadan Saransoor wax jawaab ah kama aanu bixin Hindisaha Ra'iisul wasaare Geeddi. Xiisadda, ayaa iminka ah mid aad u kacsan ayada oo aan la ogeyn Talaabada uu qaadi doono Aadan Saran Soor, maadama uu sheegay in haddii uusan General Cali Madoobe 24 saac gudahood uga bixin Magaalada Baydhaba ay taasi cawaqib xumo ka dhalan doonto. Dhinaca kale Maleeshiyooyin kasoo amba baxay Degmada Baardheer ee gobolka Gedo, kuwaasi oo kusoo jeeday Magaalada Baydahaba si ay u garab siiyaan Jeneral Cali Madoobe, ayaa dib loo celiyay, si Xiisada loo qaboojiyo, islamarkaana looga hortago dagaal ka qarxa Magaalada Baydhaba oo fariisin u ah Dowladda KMG ah ee Somalia. Shir jaraa'id oo uu ku qabtay Magalaada Baydhaba, ayuu Aadan Saran Soor shalay ku sheegay in General Cali Madoobeuu 24 saac gudahood isaga baxo Magaalada Baydhaba, taasina ay tahay xalka kaliya ee uu ku qanci karo. Abaarihii Maqribadii ee habeen hore ayaa lagu guuleystay in laga qaado Maleeshiyaadka Aadan Saransoor oo hor fadhiyay Guriga uu Baydhabo ka degan yahay Jen. Cali Madoobe, kuwaasi oo la geeyay halkii ay horey u degnaayeen. Xiisadda ka dhex aloolsan labada nin ayaa la rumeysan yahay inay salka ku heyso weerar Maliishiyada Saran Soor ay ciidamad Dowladda ugu geyteen garoonka Diyaaradha Magaalada Baydhaba, kaasi oo tiro badan oo iyaga ka mid ah lagu laayay, ayada oo Saran Soorna uu rumeysan yahay in amarka lagu weeraray Maleeshiyadiisa uu Bixiyay Jeneralka. Simba Media Center , Mogadishu
-
Barre Hiiraale iyo maleeshiyadiisa oo ku soo siqay Bu'aale Baardheere 17, Oct.06 ( Sh.M.Network) Ciidamadii uu horkacayay wasiirka G/dhigga dolwadda KMG ah ee Somalia Col. Barre Hiiraale ayaa waxa ay ka gudbeen degmada Saakow ee gobolka J/dhexe, iyagoo ku sii jeeda magaalada Kismaayo oo horey Maxkamadaha islaamka ay kala wareegeen. Maleeshiyooyinka Isbaheysiga D/jubba oo uu horboodayo Col. Barre Hiiiraale ayaa saakay ka soo dhaqaaqay degmada Saakow, iyagoo fariisin cusub ka sameystay meel u dhow degmada Bui'ale ee xarunta gobolka J/dhexe oo ay maamulaan ciidamada Midowga Maxkamadaha islaamka. Ilo xog ogaal ah oo ku sugan degaanka Salagle ayaa Shabelle u xaqiijiyay in maleeshiyaadkaan oo ku hubeysan gawaarida dagaalka in saakay waabarigii la arkayay, iyagoo u jiheystay degmada Bu;aale oo 50 u jirta degmada Saakow. Ciidamadaan oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa tuulada Naaquude oo wax yar u jirta degmada Saakow ayaa ujeedadooda ay tahay sidii ay ib ugu qabsan lahaayeen magaalada Kismaayo oo dhowaan ay la wareegeen Midowga Maxkamadaha islaamka. Wasiirka G/dhigga dowladda Somalia Col. Barre Hiiraale ayaa 3dii maalmood ee la soo dhaafay waxa uu kulamo aan kala go' laheyn la yeeshay Mas'uuliyiin iyo waxgarad ka soo jeeda gobolada Jubooyinka oo uu kala hadlay sidii ay ugu taageeri lahaayeen in uu dib u qabsado magaalada Kismaayo, taasi oo dadkii uu la kulmay wasiirka ay u balan qaadeen taageero ciidan. Waxaa cad oo aan shaki ku jirin in 24 ka saac ee soo socota in ciidamada Maxkamadaha islaamka oo difaac adag kaga jira degmada Bu'aale iyo kuwa Barre Hiiraale oo u soo dhawaaday halkaasi uu isku dhac dhiig badan ku daata ku dhex maro. Axmed Cumar Saalixi Shabelle Media Network Somalia
-
Col.Barre Hiiraale Iyo Ciidamadiisa Oo Gaarey Duleedka Degmada Buaale Ee Gobolka J/Dhexe Oct 17,2006 by GEDO-Gedo-NN Boqolaal maleeshiyo ah oo wata gawaarida dagaalka uuna hogaaminayo Wasiirka gaashandhiga DFKMG ee Soomaaliya Col.Bare Aden Shire ayaa lagu soo waramayaa in saaka ay ka gudbeen degmada saakow,iyagoo fariisin cusub ka sameystey meel aan ka fogeyn degmada Buaale oo iminka ay joogaan ciidamo taabacsan Midowga maxkamadaha. Ilo xog-ogaal ah oo ku sugan Deegaanka Salagle oo ka tirsan Gobolka J/dhexe ayaa Maanta Gedonet u xaqiijiyey in la arkayey saaka waaberigii Boqolaal maleeshiyo iyo gawaaridooda dagaalka oo u jiheystey dhinaca degmada Buaale oo degmada Saakow u jira 50KM. Ciidamadan oo u horkacayo wasiirka iyo saraakiil kale ayaa baryahii la soo dhaafey waxa ay ku sugnaayeen Tulada Naaquude oo u dhow degmada Saakow,iyadoo qorshahooduna uu ahaa sidii ay markale gacanta ugu dhigi lahaayeen Gobolada jubbooyinka oo dhowaan u gacan gashey maxkamadaha. Wasiirka Gaashandhiga Col.Bare hiiraale ayaa 3maalin ee u dambeysay waxuu kulamo uu la yeeshay masuuliyiin iyo waxgarad ka soo jeeda Gobolada Jubbooyinka ,isagoo kala hadlayey arimo ku saabsan sidi gacan loogu sii lahaa dib u qabsashada magaalada kismaayo,taasi warar laga soo xigtey waxgarad ka gaabsadey magacooda oo ku sugan Salagle wasiirka ay u xaqiijiyeen inay u hayaan taageero dhinac waliba leh. Si kastaba ha ahaatee waxaa cad in saacadaha inagu soo aadan in degmada Buaale uu ka dhici karo dagaal u dhaxeeya labada dhinac,mana jirto cid si rasmi ah u bilowdey inay ka hor tagto dagaal ka qarxa deegaankaasi. A C Saalixi-Gedo-NN
-
^Every action has a reaction; it should be expected though it is my believe the city itself will not see a lot of fighting.
-
^When did sensibility start kicking in..? For a second there I thought you lost it all.
-
Originally posted by Oodweyne: ^^^^Waryaa******************************.. Belo, odeyga wuu isku shubmay. War meeye maamulkii? Waraabahan ************* ka celiye dhalinyarada fikradooda dhiibanaysa maaamulow. [ October 17, 2006, 00:48: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]
-
BU'AALE: Guddoomiyihii Degmada Bu'aale ee maamulkii Barre oo bilaabay inuu urursado Malleeshiyooyin Posted to the Web Oct 16, 10:20 Bu'aale (PP) – Guddoomiyihii Degmada Bu'aale ee Magaalo madaxda Gobolka Jubbada Dhexe Ducaale Ganaane ayaa lagu soo warramayaa inuu bilaabay urursiga Malleeshiyooyin uu ku biiriyo kuwa Barre Hiiraale oo damacsan inay dib ula wareegaan maamulka Gobollada Jubbooyinka. Ducaale Ganaane oo ay si weyn isugu dhawaayeen xagga fikirka Col. Barre Hiiraale oo laga eryay Gobollada Jubbooyinka ayaa billaabay isagoo ku sugan degmada Bu'aale inuu urursado Malleeshiyooyin isaga ka amarqaata oo ku biira kuwa Col. Barre Hiiraale. Guddoomiyaha Degmada Bu'aale intii uu jiray maamulkii Col. Barre Hiiraale intii uu xoogga ku haystay Gobollada Jubbooyinka ayaa la sheegay inuu goostay inuu ku biiro gulufka kacdoon ee uu wado Col. Barre Hiiraale, waxaana lagu soo warramayaa in goobta uu ciidammada ka urursanayo ay ku sugan yihiin Maxkamadaha. Arrintaan ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo si toos ah uu uga soo horjeesto ruux ka tirsan maamulkii la shaqeyn jiray Col. Barre Hiiraale Maxkamadaha, waxaana la sheegay inuu ka baqay inay Maxkamaduhu ka eryaan deegaanka uu Madaxda ka ahaa sida ku dhacday Guddoomiyihii Degmada Jilib ee isla Gobolka Jubbada dhexe. C/llaahi Macallin Xuseen oo ahaa guddoomiyihii Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe oo xabsiga laga sii daayay dhawaan ayaa lagu amray inuu isaga baxo Degmada oo uu deegaan ahaa u degenaa, waxaana qasab ku noqday inuu isaga baxo degmada, taasoo la sheegay inay cabsi ku keentay xubnihii la shaqeyn jiray maamulladii hore. Isku soo wada duuboo Gobolka Jubbada dhexe ayaa ah goobta ugu weyn ee ay isaga soo horjeedaan Malleeshiyooyinka Maxkamadaha iyo kuwa Barre Hiiraale lagana cabsi qabo inuu ka dhaco dagaal kii ugu xoogga badnaa ee dhex mara labada dhinac oo isku haysta gacan ku haytan Gobollada Jubbooyinka. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu
-
Col. Ducaale Ganaane Oo Ahaa Guddoomiyihii Degmada Buaale Oo Ciidankii Ku Biirayey Kuwa Barre Hiiraale Oct 16,2006 by Kismaayo-GEDOoNN Col.Ducaale Ganaane oo ahaa masuulkii ugu sareeyey degmada Buaale iyo ciidamo daacad u ah ayaa la sheegay inay ku biireen kuwa taabacsan wasiirka gashaandhigga Barre Hiiraale oo ku sugan banaanka magaalada Buaale. Col.Ducaale Ganaane oo asagu ka mid ahaa saraakiishii Dooxada ee ka talin jirtay magaalada Buaale ayaa la sheegay in ciidan asaga daacad u ah oo aan tiradooda la ogeyn uu ku biiriyey kuwa Barre Hiiraale oo laga yaabo inay iska horyimaadaan kuwa taabacsan kuwa maxkamadaha oo ku sugan meel magaalada Buaale ka jirta 10KM dhanka Jilib. Ilaa iyo hadda ma jiraan wax iska horimaad oo dhex maray labada ciidan. Col.Ducaale Ganaane oo asagu si nabad ku joogay markii ay maxkamaduhu la wareegeen gacan ku haynta magaalada Buaale ayaa lagu soo waramayaa inuu shaki weyn uu soo kale dhexgalay asaga iyo masuuliyiinta maxkamadaha kadib markii ay maxkamadahu ay ka eryeen magaalada Jilib gudoomiyahii hore ee degmada Jilib. Labo ruux oo ayaa ku dhimatay kadib markii koox dabley hubeysan ayaa rasaas la beegsadeen qaar kamid ah ciidamada maxkamadaha ee ku sugan degmada Jilib ee G/J/Dhexe. Iska horimaadkan ayaa dhacay kadib markii ay ciidamada maxkamadaha ay isku dayaan in ay hubka ka dhigaan koox hubeysan oo ku sugnaa gudaha magaalada Jilib. Dhinaca kale, xaaladda magaalada Kismaayo ayaa deggan, iyada oo dadkii dhowaan ay ciidamada maxaakiimtu xirxireen xabsiga laga siidaayey ayna iminka si nabadgelyo ah ay ugu sugan yihiin guryahooda. Kismaayo-Gedo-NN
-
Originally posted by Oodweyne: For I am sure of it, that you need that sort of talismanic article to word off, the ghost of defeated history which seemed to be visiting you nightly in California , in the small hours of the night; particularly after you recalled fitfully in your delirium of half-sleep the dastardly fate of history, and how your ilk did the shameful runner from Mogadishu to all the way to Nairobi , in one full sprint( that would of won the “Olympic Medal†if that little bit of communal running were to be have been registered with the international Olympic committee ) , without pause or care; Odweyne, ina adeeeeeerow marba markaan is idha tallaw odeyga markaan is badalkiisa dhab weeye ayaad iga qoslisaa.
-
Baydhabo: Malishiyad isku horfadhiya 15 Oct 15, 2006, 16:23 Maliishiyo ka tirsan kuwa Aadan Saransoor iyo kuwa ilaalada Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cali Madoobe ayaa qarka isku saaran inuu dagaal ku dhex maro magaalada Baydhabo oo xarun u ah dowladda KMG ah. Taliyaha Booliska oo dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ayaa maliishiyada Saransoor waxay dalbadeen in banaanka loo soo bixiyo Cali Madoobe , taasoo ka careysiisay ilaalada Cali Madoobe. Magaalada Baydhabo ayaa laga cabsi qabaa in dagaal uu ku dhex maro Malishiyaadka Saransoor iyo Cali Madoobe, iyadoo la sheegayo in arintan ay daba socoto dagaalkii ka dhacay garoonka diyaaradaha Baydhabo ee lagu dilay qaar ka mid ah maliishiyo isku heyb ay yihiin ilaalada Saransoor. Wararkii ugu danbeeyay ee dhexdhexaadinta labadaasi kooxood ayaa la sheegayaa in uu soo kala dhexgalay ra’iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi isla markaana Aadan Saransoor khadka isgaarsiinta xiriir uu kula soo sameeyay ku amray inuu ciidamadiisa kasoo daabulo meel aan ka fogeyn guriga Taliyaha Booliska oo dhufeysyo ay ka dhigteen. Cali Muxayadiin Cali, Muqdisho Garowe Online
-
Cabdulahi Yuusuf, Cali Madoobe maka maarmi waayey? Ilaayo haatan jagada wuu ka xayuubi waayey teer uu Baydhaba xitaa kusoo laabtay (probably on Abdulahi's asking). BAYDHABO: Malleeshiyo taageersan Aadan Saransoor iyo Ilaalada Gen. Cali Madoobe oo isku hor-fadhiya Baydhabo Posted to the Web Oct 15, 18:40 Baydhabo (PP) - Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee xarunta Dowladda Federaalka Somaaliya ayaa sheegaya in Malleeshiyo daacad u ah Aadan Saransoor iyo Ilaalada Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ay isku horfadhiyaan guriga uu taliyuhu ka daggan yahay Magaalada Baydhabo. Wararka ayaa waxay sheegayaan in Malleeshiyada aadan saransoor ay dalbanayaan in dibadda loo soo bixiyo taliyaha ciidammada booliiska Soomaaliyeed Cali Xasan Looyaan (Cali Madoobe) oo dalka dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo galabnimadii maanta. Xiisadda ka taagan Magaalada Baydhabo ayaa waxay tahay mid aad u kacsan, waxaana laga cabsi qabaa inuu dagaal dhex maro Malleeshiyada Aadan Saransoor oo sida la sheegay ka careysan Malleeshiyo dhawaan lagu laayay Airpor-ka Magaalada Baydhabo iyo ilaalada Talyaha Ciidanka Booliiska Cali Madoobe. Ma jiraan wax waawaano ah oo socda kuwaasoo lagu qaboojinayo xaaladda, waxaase wararka qaarkood ay sheegayaan in Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya uu taleefoonka kula hadlay Aadan Saransoor isla markaana uu ku adkeeyay inuu kala baxo ciidankiisa dhufeysyada ay ku jiraan. Ma cadda weli wax war ah oo ku saabsan arrintaan oo soo baxaya, waxayna dhacdadan ku soo aaday xilli uu Baydhabo ka maqan yahay Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed. Maxamed Xuseen Jantiile wakiilka Puntlandpost - Mogadishu