Gabbal
Nomads-
Content Count
6,624 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Gabbal
-
I am finding alot of things disturbing.
-
Maxkamadaha oo beeniyay in ay duulaan ku yihiin Kismaayo Mogadishu 14, Sep. 06 ( Sh.M.Network) Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa beeniyay wararka sheegaya in ay duulaan ku yihiin Magaalada Kismaayo. Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa dhinac isaga riixay hadalada soo baxaya ee tilmaamaya in Maxkamadaha islaamka ay qorsheynayaan weerar ay ku qabsadaan magaalada Kismaayo, taasoo ay ku tilmaameen mid la buunbuuniyo oo la doonayo in la isaga horkeeno maxkamadaha iyo isbaheysiga D/jubba. Madaxa dacwada iyo Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa waxa uu sheegay in Maxkamadaha islaamka ay dhowrayaan heshiiskii dowladda, isla markaana aanu jirin meel ay duulaan ku yihiin. Hadalka Sheekha ayaa ka dambeeyay ka dib hadalo maalmihii ugu dambeeyay ka soo yeerayay mudanayaal ka tirsan baarlamanka Somalia oo sheegaya in maxkamadaha ay duulaan ku yihiin magaalada Kismaayo. Shabelle Media Network Somalia
-
I certainly condemn it and hold the responsible party accountable. Then what is the problem?
-
^I am against any and all forms of war crimes. I do not believe anything in the Islamic religion or even international human law, whether Islamic or not, condones such actions. Do you disagree? And also, were you hoping "beelaha Muqdisho" to have done this? If yes, then I am sorry but "beelaha Muqdisho" meel xun ha uga dhacin. They had nothing to do with this. Let us hope that was a Freudian slip there.
-
Originally posted by Abaadir: Odaga Barraa Roobku ha ka qalalee u kaadsha. Hala gaaro.
-
Wasiirka gaashaandhiga dowladda fedraalka Barre Hiiraale oo dib ugu laabtay magaalada Baardheere. October-30 -2006 HornAfrik, Mogadishu, Somalia. Wasiirka gaashaandhiga dowladda fedraalka Barre Hiiraale ayaa dib ugu laabtay magaalada Baardheere ee hore uu uga soo ambabaxay kaddib markii uu ku guuldareystay duulaan uu ku soo qaaday magaalada Bu'aale ee gobolka J/dhaxe. Wasiirka gaashaandhiga oo hogaaminaya qaar ka tirsan saraakiishiisa dhinaca ammaanka ayaa habeenkii Axadii soo gaaray degmada Baardheere. Wasiirka gaashaandhiga oo safarkiisa ku wehliyaan qaar ka mid ah maleeshiyaadkiisa ayaa markii ay soo gaareen duleedka magaalada Baardheere waxaa soo dhaweeyey boqolaal dadweyna ah oo xilligaas ku sugayey duleedka magaalada. Ma jiraan warar faahfaahsan oo tilmaamaya sababta keentay in xilligan wasiirka gaashaandhiga dowladda iyo ciidamadiisa ay dib ugu soo laabtaan magaalada Baardheere balse wasiirka iyo maleeshiyaadkiisa ayaa dagaal kula galay sida la ogyahay magaalada Bu'aale ee gobolka J/dhaxe qaar ka mid ah ciidamada maxaakiimta Islaamka. Dhinaca kale, dhibaatooyinka fatahaada wabiga Jubba oo ku fatahay in ka badan 200 oo beerood oo ku teedsan ilaa saddax degmo oo ka tirsan gobolka Geddo ayaa saameyn balaaran ku yeeshay nolosha boqolaal qoys. Goobaha uu sida weyn uga fatahay wabiga Jubba ayaa waxaa ka mid ah degmooyinka Luuq, Buurdhuubo iyo degmada Baardheere. Fataahada ayaa saameyn iyo barakac u geystay qoysas tiradooda lagu qiyaasay ilaa Sideetan qoys oo haatan gabaad ka dhiganaya gooba kale duwan.
-
^In some ways it is comparable. In 1991, the USC ally Cumar Jees was snatching people out of their houses and shooting them at their front doors. Now his counterparts are snatching people out of hospitals and shooting them while a large-scale military campaign is being engineered from Mogadishu in a replica much like that of the USC's. Deja vue? Xubno ka tirsan ragga uga jira Beesha S.ade maxaakiimta islaamiga ah oo magacooda qariyay ayaa u sheegay Gedonet in ragaas ay laayeen Niman maleeshiyo ah oo ka soo jeeda Beesha Xasan Turki ayna u dileen arimo qabil ayna qaadi doonaan tallaabooyin hadii aan tiirka cadaalada la hor keenin raggii xasuuqa geystay uu ugu horeeyo madaxa maxkamadaha gobalka Jubbada Hoose Axmed Madoobe.
-
Golaha Odayaasha Baardheere Oo Cambaareeyey Xasuuqii Uu Madaxa Maxaakiimta Kismaayo Axmed Madoobe Ku Laayey Dhaawac Maxaabiis Ah Degmada Buaale Oct 30,2006 by Baardheere-Gedo-NN Golaha Shacbiga deegaanka Baardheere ayaa maanta warsaxaafadeed uu ka soo saarey degmada Baardheere waxay si kulul ugu cambaareeyen falkii dilka ahaa ee shaley subax lagula kacay 5 qof oo dhaawac ahaa kana mid ahaa maxaabiis ay hayeen maxkamadaha, oo yiiley goob caafimaad oo ciidanka maxkamaduhu ay kala baxeen goobtii lagu daweenayey,wax yar ka dibna ay toogasho ku dileen aanooyin qabiil dartiis. Haddaba qoraal maanta loo qeybiyey saxaafada oo nuqul ka mid ah soo gaarey Gedonet ayaa waxa uu u qornaa sidatan: Maleeshiyada maxkamadaha ee jooga degmada Buaale waxay shaley oo taariikhdu ahayd 29/10/2006dii toogasho laga baaran degay oo qorsheysan ay ku dileen 5 qof oo aheyd dhowaac maxaabiis oo ka soo jeeda beesha **** oo lagu hayyey magaalada Buaale, waxyna kale yihiin 5tii qof kala yihiin sidatan: 1-Mahad Faarax Cali oo da,diisu ahayd 25jir 2-Xuseen Xasan Cali(X.Farey) oo da,diisu tahay 40jir. 3-Dhicis Cabdi Cagaweyne,oo da,diisu tahay 20jir 4- Maxamed Axmed Cali oo da'diisu aheyd 22 jir. 5- Cabdi Maxamed Mahad oo da'diisu aheyd 28 jir. Falalkan dilka ah ayaa lagu tilmaamey kuwo naxariis daro ah oo xad gudub ku ah shareecada islaamka, xeerarka soo jireenka ee dhaqanka soomaalida iyo baaqa caalamiga ee xaquuqda aadanaha,sidaas darteed Goluhu waxay Q/midoobey, Jaamacada carabta iyo wadamada ururur Goboleedka IGAD u sheegayaan in aaney marnaba raali ka noqon doonin in ay maxkamaduhu wax saameyn ah ku yeeshaan deegaanka Baardheere iyo weliba G/Gedo. Golahu waxay kale ugu baaqeen in masuuliyiinta beesha **** ee magaalada Kismaayo oo ka tirsan maxkamadaha ay jawaab ka bixiyaan falalkii xasuuqii ahaa ee loo geystay maxaabiistii lagu qabtay dagaalka ayna ka dambeeyeen xasuuqooda ninka lagu magacaabo Axmed Madoobe oo asagu ah madaxa maxkamadaha gobalka Jubbada Hoose oo maleeshiyo ay isku hayb yihiin ay ka dambeeyeen xasuuqani. Golahu waxuu ugu digayaa in maxkamadahu Degmadani ay ka daayaan faragelinta joogtada ah ee xaga isgaarsiinta ay ka wadaan ,waxii talaabo ah ee ka yimaadana masuuliyadeeda ay qaadi doonaan Maxkamadaha ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkan oo ay soo saareen Golaha shacbiga deegaanka Baardheere oo uu ku saxiixan yahay Gudoomiyaha Golahaasi Xuseen Cali Biixi. Baardheere-Gedo-NN
-
Maleeshiyada Maxaakiimta Oo Buaale ku Laayay Maxaabiis Ay Ku Qabteen Dagaalkii Dajuuma Aano Qabiil Dartiis Iyo Golaha Dhaqanka Beesha **** Oo Si Carro Leh Uga Jawaabay Oct 30,2006 Wararka ka imaanaya Degmada Buaale ee xarunta gobolka J/dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in maxaakiimta islaamiga ah ay dileen shan nin oo Maxaabiis ahaa oo lagu qabtay iska horimaadkii ku dhex maray Dajuuma ciidamada taabacsanaa wasiirka Gaashaandhigga iyo kuwa maxaakiimta. Warka la xariira dilka Maxaabiistaan oo soo baxayay tan iyo shalay galinkii dambe ayaa xaqiiqo noqday markii uu magaalada kismaayo xalay soo gaaray Gudoomiyaha Maxaakiimta J/Hoose Axmed Sh Maxamed Islaan (Madoobe) oo ka soo ambabaxay Buaale watayna dhawaacii dagaalka ee dhinaciisa oo isla maanta laga dhoofiyay garoonka diyaaradaha Kismaayo. Hadal haynta ugu Balaaran ee dadka ku nool magaalada kismaayo ayaa waxaa ay ahayd maanta talaabada ay maleeshiyada maxaakiimta ee ku beesha ah Axmed Madoobe ku dileen maxaabiistaas ay gacanta ku hayeen lixdii maalmood ee la soo dhaafay. Xubno ka tirsan ragga uga jira Beesha **** maxaakiimta islaamiga ah oo magacooda qariyay ayaa u sheegay Gedonet in ragaas ay laayeen Niman maleeshiyo ah oo ka soo jeeda Beesha Xasan Turki ayna u dileen arimo qabil ayna qaadi doonaan tallaabooyin hadii aan tiirka cadaalada la hor keenin raggii xasuuqa geystay uu ugu horeeyo madaxa maxkamadaha gobalka Jubbada Hoose Axmed Madoobe. Dhinacoodana odayaasha dhaqanka Beesha **** ayaa maanta kullan xasaasi ah ku yeeshay xafiskooda kismaayo, waxaana ay kaga hadleen xasuuqa Buaale loogu gaystay dhaawaca maxaabiista ka soo jeeda beesha ****. Nabadoon Cabdi Warsame Gurux, afhayeenka golaha dhaqanka Beesha **** ee J/hoose ayaa sheegay in ka dalbanayaan maxaakiimta in ay Jawaab cad ka bixiyaan falalka arxan darro ee ka fog shareecada ee loo gaystay dhaawaca. "Waa waxaan horay loogu arag islaamka iyo soomaalida in dhaawaca la toogto inta maalmo la hayo waxayna u muuqataa arin aargoosi ah oo kolley cawaqaib xun uu ka dhalan karo ayuu yiri Nabdoonka oo ka digay dagaalo ahli ah oo ka dhallan karo hadii hadafka maxaakiimta la huwiyo shaati aano qabiil. Qaar ka mid ah Maleeshiyooyinka Maxaakiimta ee ka soo jeeda Beesha **** ayaa iyaguna dareen carro leh ka muujiyay falka lagu dilay maxaabiistaan oo ka soo kala jeeda Beelaha reer dalal, reer Ugaas Sharmarke, habar Ciise, talxe iyo reer shirwac Diini. Kismaayo-Gedo-NN
-
Qaar ka mid ah dhaawacyadii Barre Hiiraale oo lagu dilay Isbitalka Bu'aale Kismaayo 30, Oct.06 ( Sh.M.Network) Qaar Ka mid ahaa maleeshiyadii Col. Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay deegaanka Bu'aale ee gobolka J/dhexe. Ilaa 4 nin oo ka tirsan maleeshiyaadkii barre Hiiraale ee ku dhaawacmay dagaaladii Bu'aale ayaa lagu dilay Isbital ku yaala magaaladaasi sida ay xaqiijiyeen Mas'uuliyiinta Maxkamadaha islaamka ee Jubbooyinka oo ka gaabsaday in ay faahfaahin ka bixiyaan arinkaasi, iyadoo aan la garaneyn ilaa iyo wali cidii falkaasi geysatay, inkastoo Maxkamadaha ay sheegeen in ay ku raadjoogaan kooxihii falkaasi geeystay. Taliyaha ciidamada amaanka gobolada Jubbooyinka C/.laahi Axmed Warsame oo la hadlay ragga wararka fidiya ayaa xaqiijiyay in dadkaasi la laayay, isagoo ka gaabsaday in cod uu siiyo saxaafadda. Markii arinkani uu dhacay yaa waxaa magaalada Kismaayo ka dhacay kulamo deg deg ah oo ay isugu yimaadeen waxgarad iyo Odayaal ka soo jeeda Beesha **** oo ku tilmaamay dhacdadaasi mid laga naxo, iyagoo arinkaasi ka soo saaray war murtiyeed ay ku cambaareynayaan kooxihii falkaasi geeystay. Mid ka mid ah Salaadiinta beesha **** oo lagu magacaabo max'ed Madoobe Yaroow ayaa Afhayeen u hadlay oo la yiraahdo Cabdi Gurux waxa uu sheegay in ay tahay falkani mid ku cusub gobolka oo xitaa aysan ku kicin hogaamiye kooxeedyadii horey ugu dagaalamay Jubbooyinka Dadka magaalada Kismaayo ayaa sidoo kale arinkaasi si weyn uga carooday. Dhinaca kale Afhayeenka Maxkamadaha islaamka gobolada Jubbooyinka Sheekh Ibraahim Shukri oo wareysi siiyay Shabelle ayaa qirey in falkaasi uu dhacay, iyagoo sheegay in cadaaladda la hor keeno doono kuwii falkaasi geeystay, ayna maxkamadaha ku raadjoogaan. Waxa uu sheegay in ay soo gaareen warar sheegaya in labo nin oo maleeshiyooyin hubeysan ah ay dileen raggaasi, iyagoo ugu soo galay Isbitalka, deetana ay baxsadeen. Afarta nin ee lagu dilay iyagoo dhaawac ah Isbitalka Bu'aale ayaa waxaa lagu kala magacaabaa:-, Xuseen Xasan Cali (Xuseen fareey), Muxumad Xuseen Cali, Dhicis Cabdi Dhurre iyo Max'ed faarax Cali Nuur Farxaan lafoole Shabelle Media Network J/hoose
-
Kismaayo: Maleeshiyooyinka maxaakiimta oo dhidib tiray dhaawicii ciidamada wasiirka gaashaandhiga Isniin, October 30, 2006 APL Ksimaayo (AllPuntland)- Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ay magaaladaasi gil-gileen warar sheegaya in maleeshiyooyinka maxaakiimtu ay dhidib tireen qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaaladdii ku dhexmaray agaggaarka Bu’aale Col. Barre Aaden Shire (Hiire) iyo Maxkamadaha Muqdisho. Dadkan la laayey oo tiradooda lagu sheegay afar qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay gudaha magaalada Bu’aale, halkaasi oo lagu dabiiyey. Mas’uul ka tirsan maamulka Maxkamadaha ee magaalada Muqdisho oo ay la xiriirtay AllPuntland ayaa sheegaya in dhacdadaasi baaritaan lagu sameynayo ciddii geysatayna sharciga la horgeyn doon. Arintan oo shacabka magaalada Kismaayo aad uga caroodeen ayaa guud ahaan magaaladaasi oo dhan laga dareemayaa, taasoo laga cabsi qabo in ay gacan ka hadal isku badashao sida uu ku soo waramayo wariyaha AllPuntland ee magaalada Kismaayo. Sidoo kale waxaa jira warar hoose tibaaxaya in ay arintani khilaaf ka dhex aloostay hogaamiyayaasha maxaakiimta iyo mas’uuliyiinta hadda la shaqeeya ee horey ugu sugnaan jiray magaalada Kismaayo ka hor inta aysan maxkamaduhu halkaasi gaarin. AAA Gentleman AllPuntland
-
Barre Hiiraale oo dib ugu soo laabtay Baardheere Baardheere 30, Oct.06 ( Sh.M.Network) Wasiirka G/dhigga dowladda Somali Barre Aadan Shire Barre Hiiraale iyo Qaar ka mid ah saraakiishiisii Ciidamada ayaa dib ugu soo laabtay degmada Baardheere ee gobolka Gedo, ka dib markii dhowaan dagaal uu ku dhex maray degmada Bu'aale maleeshiyo uu wato wasiirka iyo Ciidamada Maxkamadaha islaamka. Col. Barre Aadan Shire Hiiraale oo ay wehliyaan saraakiil uu ka mid yahay Col. C/laahi Sheekh Ismaciil Fartaag iyo Ciidamo fara badan ayaa dib ugu soo laabtay degmada Baardheere, ka dib markii uu ka soo dhaqaaqay degmada Saakoow ee gobolka J/dhexe. Wasiirka iyo maleeshiyadiisa ayaa la tilmaamay in ay fariisin ka dhigteen duleedka degmada Baardheere xero ku taala oo lagu magacaabo Muuri, halkaasi oo horey ugu aheyd saldhigiisii ciidamada intii aanu ka duulin Baardheere. Col. Barre Hiiraale ayaa maanta waxa uu booqday Isbitalka degmada Baardheere, oo ay ku jiraan maleeshiyooyin labaatameeyo kor u dhaafaya oo ku soo dhaawacmay dagaalkii degmada Bu'aale iyaga iyo Maxkamadaha ku dhex maray. Mana jirto ilaa iyo haatan wax war ah oo Barre Hiiraale uu ka siiyay saxaafadda dagaalkii Bu'aale, [/b]iyadoo Col. Fartaag uu sheegay in dhowaan uu la hadli doono saxaafadda.[/b]
-
^Go and take even a brief trip and see the suffering that I saw.
-
No, abti, that makes me full of waayo-aragnimo.
-
^Why are you speaking from third person point of view? Are you not the Otali of long ago?
-
All I see is more geeri, qax, and barakac. We have been here before, in Gedo region if you could remember. What was the result? Neither Ethiopia nor Al Itihad won (Ethiopia won militarily but could not hold the region), and the region descended into sub-clan rivalry never seen in the history of that region. It was only two years ago in that grand Garbaharey Conference that everything was cut and alxamdulilah for two years the region has not seen one bout of instability either within the region or with their neighbors. Try replicating that scenerio nationally and sadly you will see what I see. Ethiopia is a regional superpower supported by the West especially in this endeavor (some analyists go so far as to say Ethiopia is doing the bidding of Washington) and the ICU has, as they believe, Alle (swt) on their side. But having Alle (swt) on your side, as you believe, does not necessarily guarantee victory; maybe Alle (swt) had destined for you to lose? I find it extremely unfortunate that at a time when the xuddun of Somalia, our capital, has just taste freedom and security and a reprieve from blood-sucking warlords, that their liberators had not concentrated on the social and economic needs of our needy people but instead chose to wage war both physically and verbally against peaceful cities and regions and deliberately opened up a new and more disastrous war for our already suffering people. That saddens me.
-
Even if the talks were to take place, how many of you actually think it would yield fruits?
-
Cabaas was in Beerxaani (20 km to Kismaayo) and it was strategic for him to surrender after Barre's temporary setback and return to Gedo. Cabaas has only one loyalty (alle ka sakow'e) and that is to ina Aden Shire. I have no doubt what kaalin he would take were Barre to remarch this second back to Kismaayo.
-
Adeer istunka iyo waxa kaloo la mid ah yaad u gabanaysaaye aanu runta isku sheegno.
-
Miskiin maxaa loola yaabi? According to Sheikh Hassan Turki, Qanyare Afrax ordered his artillery to fire right after saying " shareecada Islaamkee rabaan inay nagu xukumaan"! Even in Somalia, there isn't "our" Islam. Some Somalis had practiced it as should, others, well mixed it with pre-Islamic practices. It is about time a sorting was done.
-
I just listened to the broadcast and for whatever suspicion, it seems it was an orchestrated questin/answer session :confused:
-
^Ololow ma adigaa?
-
Originally posted by nuune: Xertii turubka unbaa dan u ah Odeyga!