Gabbal
Nomads-
Content Count
6,624 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Gabbal
-
^Some people never change.
-
I am afraid they did and that is why maah-maahdaan kusoo baxday; Waa sheekadii Farataag yaan dilnay. Fartaag “Waan noolahay ILAAHEY baana i dili kara ee Al-Qaacida, Carab iyo Afghanistan ima dili karaan” Taliyaha ciidamada Isbaheysigii burburay ee dooxada Jubba Col. C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa markii ugu horeysay ka warbixiyey qaabkii uu u dhacay dagaalkii deegaanka Dujuuma ku dhexmaray ciidamada maxkamadaha iyo maleeshiyooyin ay horkacayeen isaga iyo wasiirka gaashaandhiga dowladda federaalka Barre Hiiraale, wuxuuna qiray Fartaag in dagaalkaasi looga adkaaday maleeshiyooyinkiisa, loogana qabsaday gaadiid dagaal oo aad u fara badan. Taliyaha ayaa intaa ku daray in ragga la dagaalamay ciidamadiisa aysan aheyn dad Soomaali ah balse ay ahaayeen ciidamo argagaxiso ah oo uu sheegay iney ka kala yimaadeen Afghanistan, Bakistaan, Eritreya iyo kuwo kale oo carab ah sida uu hadalka u dhigay, isagoo beeniyey hadalo laysla dhexmarayey oo sheegayey in isaga lagu dilay dagaalkii Dujuuma ku dhexmaray maxkamadaha iyo maleeshiyooyinkii uu hogaaminayey. “Waan noolahay ILAAHEY baana i dili kara ee Al-Qaacida, iyo Carab iyo Afganistaan ima dili karaan waana fiicanahay hadda, waxa nala dagaalamayna waxay ahaayeen kuwaas, waxaana u heynaa cadeymo la xiriira oo aan ka soo qaadnay goobtii dagaalka oo ay ka mid yihiin dad carab iyo argagaxiso ah oo ay ka carareen, mar dhowna saxaafada ayaan u soo bandhigi doonaa, gaadiidka dagaalkana waxay naga qabsadeen isagoo dhiiqo ku jira ee dagaal naloogama qabsan” ayuu yiri Fartaag oo sheegay inuu isagu ka soo horjeedo kuwa jubooyinka qabsaday in loogu yeero maxkamado islaami ah “Kuwa dhaawacyada intey qaadan dhameystira ma kuwaasaa Islaamnimo wax ka yaqaana” ayuu yiri Fartaag oo xusay in Baardheere uu ku sugan yahay haatan, ayna ka wadaan halkaasi abaabul dagaal oo ka dhan ah maxkamadaha. “Dhul ninkiisii baa leh, argagaxiso iyo carab ma heysan karaan dhulkeena wada xaajoodna la gelimeyno, Waana wadeynaa dagaalka illaa aan kaa saarno kana guuleysano” ayuu yiri Fartaag oo dhinaca kale beeniyey in maleeshiyooyinkoodii ku sugnaa Beerxaano iyo taliyahoodii ay Isdhiibeen, isagoo tilmaamay waxa ay isdhiibay aaney ciidamadiisa balse ay yihiin wax uu ku sheegay Cabaas iyo 12 nin oo isaga la socotay, isla markaaba maleeshiyooyinkiisu ay weli ku sugan yihin Beerxaano ayna isaga ka amar qaataan. Nasrudiin Ceydiid Salaad (Diini) Dayniile
-
No, it won't. It would have been a problem for Caabudwaaq in Galgaduud which is in a more vulnerable position.
-
Originally posted by Jacaylbaro: Laakiin ma ku biirayaan ICU da mise waa ka madax banaan yihiin ???? They are stressing their independence.
-
Goluhu [Odayaaha Deegaanka Baardheere] waxay Q/midoobey, Jaamacada carabta iyo wadamada ururur Goboleedka IGAD u sheegayaan in aaney marnaba raali ka noqon doonin in ay maxkamaduhu wax saameyn ah ku yeeshaan deegaanka Baardheere iyo weliba G/Gedo. Gedonet
-
Maamulka Degmadda Beled-xaawo oo beeniyey inay socdaan qorshe Maxkamad Islaami ah looga hirgelin doona B/Xaawo. Mogadishu, Khamiis, Okt 26, 2006 Radio Simba Guddoomiyaha Maamulka ee Degmadda Beled-xaawo, Axmed Maxamed Yuusuf "Bar-kuus", ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin wararka lagu sheegayo in Maxkamad Islaami ah haatan laga dhaqan-gelinayo Degmadda Beled-xaawo. Guddoomiyaha, oo maanta u waramayey Idaacadda Simba, isagoo ku sugan Degmadda Beled-xaawo, ayaa ku nuuxnuuxsaday inay Bulshadda ku nool Degmadda Beled-xaawo mar hore dhisteen Maxkamad Islaami ah oo ay ku mideysan yihiin, isla markaana ay Maxkamaddaasi qaado nooc kasta oo fal-dembiyeed ah iyo Dacwadaha Maddaniga Mar wax laga weydiiyey Aragtida uu Maamulkiisa ka qabo haddii ay Maamulka Golaha Maxkamadaha Islaamka Somalia ku dhaaqaaqaan inay Maxkamad Islaami ah oo Cusub ka hirgeliyaan Degmadda Beled-xaawo, waxa uu ku baaqay in la tixgeliyo Maxkamadda Islaamiga ee ay wada dhisteen dadweynaha ku nool Degmadaasi. Guddoomiyaha Maamulka ee Degmadda Beled-xaawo, waxa uu tilmaamay inay Bulshadda ku nool Degmaddaasi yihiin kuwo Aragti ahaan taageersan Hawlaha GMIS ka wadaan Goballadda Koonfurta Somalia. Simba Media Center , Mogadishu
-
^Indeed sxb, indeed.
-
^King, adoo raali ah sxb, honestly it was just a rhetorical question. Jimcaale, wiil yar baad tahay adeer, alle haku daweeyo. I cannot be expected to know every person's personal past, but I sense alot anger and maybe even hatred in you. What can I say? I mean what am I expected to say?
-
America's most important national interest in Somalia currently is the prevention of Strong Somali Republic with a Pan-Somali agenda or ideology to get a hold in Somalia. Preposterous notion. I would expect one of our conspiracy laden 80 year old aunts to spew such rubbish nto an educated man. America has no vested personal interest in Somalia save from stoping the "territory" into turning into an Al Qaeda sympathyzing "territory" and even that is not strong enough to stop a complete American engagement in the said "territory". If that is just the second sentence of the paper, I chance to ask what the rest of it contains!
-
^I am sorry to see you believe he has been defeated. I assure you it was only a minor setback that he will triumph over. Muraad jawaabtaadu waad heshay but I would like to add that Barre was not interested in continuing to rule Kismaayo. Hawl baa u taal, howshaa ayuu rabaa inuu dhamaystiro. Barre Hiiraale: Anigu Xildhibaan Baan Ahay Mana Sii Joogaye, Dowladana Waan Ka Tirsan Nahay Ee Ciddii Aan Ku Wareejin Lahaa Maamulkii Jubbaland Hala Keeno- Halkan Ka Dhageyso Khudbadaas Xasaasiga Ah Oo Uu Ka Jeediyey Magaalada Kismaayo Aug 19,2006 Gudoomiyaha Isbaheysiga Dooxada Jubba Oo Sheegay In Maamulka Uu Wareejinayo Haddii Dadka Deegaanka Ay Dhistaan Maamul Loo Dhan Yahay. August 20- 2006 Horn Afrik, Mogadishu , Somalia Wasiirkii hore ee dib u hishiisiinta iyo dib u dajinta dowlada federaalka Soomaaliya Barre Aadan Shirre (Barre Hiraale) ayaa markii ugu horeysay sheegay in uu talada iyo maamulka gobalka ku wareejinayo dadka gobalka ku dhaqan haddii ay sameystaan maamul loo dhan yahay.. ... Waxaan ahay iminka xildibaan waxaan doonayaa in aan idinka tago maamul aad idinku sameystaan oo aan hogaanka ku wareejiyo ayaan doonayaa “ sida waxaa yiri mudane Hiiraale. Barre Hiiraale to committees, "Build a Jubbaland administration I will hand power to"
-
^You are young and you are rash but I am betting with a good heart. Warka xaqiiqso adeer.
-
Xiinow, Barre bar waxuu nooga yaal niman badan oo booskiisa geli karo aysan nooga oolin. Ninkaan waa ninkii dameero ummadiisa ku xoreeyey. Xumaan lama rabno, weligiinie guud ahaan beeshu maslaxadiisa yey fiirisaa. It is not up to us to tell him to leave sxb. Never. Cumar Xaaji Massale commanded the same respect ina Aden Shire, yet the beel had no hesitation in telling the said man to leave in daylight! Barre, however, needs to make that decision on his own. If he selfishly stays or gracefully exists, we will respectfully accept his decision. Lakin taa waa hawl inagaa noo taal. You, however, hate him, loathe him, despise him, and etc for obvious understandable reasons. I would hope you understand my position in return.
-
^I wonder how much of a passive acceptence you would display if this had happened to "Puntland people"? Their earleir objective of going to Gaalkayco was enough for you to hoot quite loudly about so what will be the response when falkaan oo kale uu idink ku dhaco I chance to ask!
-
^What makes you think those of the clan who were pro-Courts coming to Kismaayo in the first place would childishly take back their vote of confidence if it was just one or even some dark members hiding under the greater Entity and not some greater problem? Either Ahmed Madoobe must go or resistance no matter how long it takes. You're smarter then that Xiin, find out the real reason Barre is now getting the support he needed before the Bu'aale clash will ya?
-
-
BBCda Soomali Service Oo Wariyaasheedii Ku Amartay Inaysan Ka Hadlin Karin Xasuuqii Loogu Geystay Dhalinyaradii Dhaawaca Magaalada Buaale. Oct 31,2006 by B/Xaawo-Gedo-NN Qoysaskii shantii dhalinyarada ahaa oo lagu xasuuqay magaalada Buaale maalintii Sabtidii aheyd oo ay laayeen maleeshiyo beeleed la socday hogaamiye kooxeedka maxkamadaha Muqdisho gobolka Jubbada Hoose Axmed Madoobe oo la xiriiray wariyaasha BBCda qeybta Soomaliga oo ku sugan magaalooyinka Muqdishho iyo Baydhabo ayaa sheegay inay amar ka haystaan madaxa BBCda qeybta afsoomaliga Yusuf-Garaad Cumar Axmed inaan wax lid ku ah maxkamadaha laga hadlin idaacadda BBCda oo ay qarashkeeda bixiyaan shacbaka wadanka Britian. Wariyaasha oo codsaday in magacooda la sheegin ayaa u sheegay ehelada dhalinyarada inay ka xun yihiin falkii dilka ahaa oo loo geystay dhalinyaradii dhowaaca ahaa, balse amar ay heystaan darteed aysan warka dhalinayarada la xasuuqay aysan ka sii dayn karin BBCda, amarkana uu annagga naga weyn yahay. Waxaan dhamaam dadka ka xun falkaas foosha xun oo loo geystay dhalinyarada dhaawac ah inay la xiriiraan BBCda London oo u tabiyaan sida ay ugu xun yihiin inay idaacadda BBCda oo la filayey inay tabiso warar sax oo xaqiiqo ay iminka isu bedesho mid beel kaliya oo colaad ka hurinaysa dalka Soomaliya. Telephonka: 44 (0)20 7 557 1631 Telephonka: 44(0)207 497 1374
-
Originally posted by Juje: loool..! Widaayo maxay cimamada ugubeen bal? It's the Caabudwaaq temperament ( ) although certainly my discomfort was alleviated due to the raised Kitaab maashaalah!
-
Banaanbax ka dhan ah falkii lagu laayay dhaawacyada Barre Hiiraale Caabudwaaq 31, Oct.06 ( Sh.M.Network) Banaanbax looga soo horjeedo dilkii loo geeystay qaar ka mid ah maleeshiyooyinka Col. Barre Hiiraale ee ku dhaawacmay dagaalkii dhowaan ka dhacay degmada Bu'aale ee gobolka J/dhexe ayaa maanta lagu qabtay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Banaanbaxaan oo lagu gubay Cimaamadaha baro baraha leh ee ay wataan inta badan ciidamada Maxkamadaha islaamka ayaa dadkii ka soo qeybgalay waxa ay socod dheer ku mareen wadooyinka magaalada Caabudwaaq, iyagoo ku qeylinayay ereyo ka dhan ah maxkamadaha islaamka Somalia. Col. ***** Dheere oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay dibadbaxaan ayaa waxa uu eedeyn dusha kaga tuuray Maxkamadaha islaamka oo ku eedeeyay in ay ka baaqsadeen is-hortaagida falkii lagu dilay maleeshiyooyinka dhaawcayada ay ka soo gaareen dagaalkii Bu'aale ku dhex maray taageerayaasha Col. barre Hiiraale iyo maxkamadaha islaamka. Sheekh Ibraahim Shukri (Abu Zeynab ) oo afhayeen u ah golaha maxkamadaha islaamka Somalia ayaa isagu horey waxa uu u qirey eedeymaha loo soo jeedinayo Maxkamadaha islaamka ee ku aadan dilka maleeshiyooyinkii dhaawacyada qabay, waxaana uu sheegay in falkaasi ay u qabteen labo nin oo loo tirinayo in ay yihiin kuwii geeystay. Hay'addaha xuquuqda Aadanaha ayaa si kulul u cambaareeyay falkaasi. Dilka maleeshiyadaan u soo raacday Barre Hiiraale dagaalo ay la galaan Maxkamadaha islaamka oo markaasi ay suurto gal tahay in iyana la dilo ama ay wax dilaan ayaa hadda waxa ay u muuqataa mid dhaawac siyaasadeed u geysaneysa sumcadaha Maxkamadaha ka dib markii taageerayaasha Col. barre Hiiraale inta badan deegaanada ay ku dhaqan yihiin ay ka abaabuleen dibadbaxyo arimahaasi ka dhan ah. Shabelle Media Network Somalia
-
Caabudwaaq: Mudaharaad Looga Soo Horjeedo Dilkii Arxandarada Ahaa Ee Maleeyshida Maxkamaduhu U Gaysteen Dhaawac Ay Ku Qabteen Buaale. Oct 31,2006 by Caabudwaaq-Gedo-NN Magaalada Caabdudwaaq ayaa waxaa maanta ka dhacay mudarahaad looga soo horjeedo maleeshiyo beeleedka maxkamadaha Kismaayo oo gacanta ku haya inta badan gobolada koonfurta ee Soomaaliya. Mudahaaraadkaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay qaar ka mid qaybaha bulshada ku dhaqan degmooyin Caabudwaaq, Balanballe, Dhabad Iyo Bangeelle ee Gobolka Galgaduud. Mudaharaadkaan ayaa waxaa uu ka dhashay ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya inay maleeshiyo beeleed ka soo jeeda beesha ******** oo ka tirsan maxkamadaha Kismaayo ay dileen dhaawac ka mid ahaa ciidamaddii uu hogaaminayay Col: Barre Aadan Shire oo uu dagaal ku dhex maray deegaanka Bu’aalle iyaga iyo kuwa maxkamadaha. Dhacdadii dhaaawaca la laayay ee ay dileen qaar ka mid ah maleeshiyadda Maxkamadaha ayaa noqotay arin ay si weyn ay uga caroodeen ugana ka ceen dhamaan meel kasta oo ku nool yihiin dadka ku abtirsada Beesha ****. Sabtidii aynu soo dhaafnay ayay ahayd markii ay maleeshiyaadka Maxkamaduhu dileen 5 nin oo ka mid ahayd dhaawacyadii ciidamaddii uu hogaaminayay Barre Hiiraale. Nimankaan dhaawaca ahaa ayaa maleeshiyaadku maxkamaduhu ku hayeen Bu’aalle asbuuc. waxaase dil fajicisa ah loogeystay maalintii sabtida oo ay dileen istaafka ninka lagu magacaabo Axmed Madoobe. Dhacadadaan dhibaatada badan ayaa dhinaca maxkamaduhu ay qirteen inay gaysteen maleeshiyo beeleed ayaga ka tirsan ay geysteen falkaasi, waxaase wali aan jirin wax ay ka qabteen dadkii geystay dhibaatada foosha xumayd ee ka dhacday deegaanka Buaalle, waxaa kacsan xaalada deegaanaada ay degan tahay Beesha **** oo si weyn uga shakiyay arrinta maxkamaduhu ay salka ku hayso qabiil. Mudaharaadkii ka dhacay maanta magaaladda Caabudwaaq ayaa waxaa ay gubeen mudaharaadayaalku cimaamada gaduudka ah ee lagu yaqaan Maxkamadaha, waxaa sidoo kale ay kor u qaadayeen Kitaabka Alle iyo Calanka Qaranka Soomaaliya.
-
I know your stance. It was never my intention to give people ammo against Islam.
-
I am sorry but some individuals have missed the point by a mile and a half. The question itself is rhetorical.
-
^Interesting to note you edited your post. Rageediis how I would describe the first draft.