Gabbal

Nomads
  • Content Count

    6,624
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Gabbal

  1. Gabbal

    Jowhar falls.

    Originally posted by NGONGE: Heh@Silent observer. God save us when you really start to talk Why if I didn't know any better, I would say you are complimenting me by saying I am a lively individual good Ngonge.
  2. Ahmed, does that require a response? How suited are you to this forum?
  3. Nuune, Axmaaro walle iyo bille inaan kaa jeclayn, inaan kaa necebahayne waa laga yaabaa sidaas ay tahayne waxaad soo bandhigaysid wax qof fiyoow so bandhigo maaha ee ka fiirso bal. Maxay tahay Visa Itoobiyaan iyo waxaad sheegeysid?
  4. Nuune walaal adiga yaan kuu naxayba. Sow tan topic aad furtay goor yara dhawad galay ee aan la yaabay waxaad soo bandhigtay?
  5. It is the time for a working government with functioning institutions. Hopefully the era of warlordism has come to an end.
  6. Ciidamadii Beerxaano Joogay Oo Soo Galay Gudaha Magaalada Kismaayo, Ciidamada DFKG Oo Ku Soo Fool Leh Gobalka Jubbada Hoose Dec 27,2006 by Kismaayo-GEDO-NN Ciidamado taabacsan wasiirka gaashaandhigga xildhibaan Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo joogay degaanka Beerxaano oo u dhow magaalada Kismaayo ayaa la sheegay inay soo galeen magaalada Kismaayo, kadib markii maamulkii hore ee ka talin jiray degaanada jubbooyinka ay kaga baxsadeen doomo magaalada Kismaayo oo ay u baxeen dhanka jasiirada RAS KAMBOONI. Ciidamadan soo galay oo sheegay inay rasmi ah ugu tirsan yihiin ciidamada dowladda federaalka Soomaliya ayna inta ka horreysa sugayaan ammaanka magaalada, iyo iyaga oo sidoo kale sheegay inay sugayaan ciidamo ka socdo dowladda federaalka Soomaliya oo dhowaan soo gaari doono magaalada Kismaayo. Ciidamadan soo galay ayaa waxaa ay sheegeen inay ciidamadii midowga maxkamadaha ay ka tageen gaadiid dagaal oo gaaray ilaa iyo 50meeyo, ayna ku wareejin doonaan ciidamada dowladda oo seddex aag kaga soo socdo magaalada Kismaayo. Magaalada Kismaayo ayaa muddo ku dhow 24 saacadood aysan ka jirin wax maamul ah, iyada oo 40 meeyo ka haray ciidamadii midowga maxkamadaha ee gobalka jubbada hoose ay qaar ka mid ah ay u baxeen dhanka Jilib, halka kuwa kalena ay si caadi ah u joogaan magaalada Kismaayo. Ciidamadii midowga maxkamadaha ee ku sugnaa degaanada gobalka jubbooyina ayaa la sheegay inay intoodii badnaa ay baneeyeen goobahii ay joogeen, halka qaarkoodna la sheegay inay u baxeen dhanka xuduudaha. Maleeshiyada midowga maxkamadaha ee gobollada jubbooyinka ayaa dil fool xun ka geystay xeebta magaalada Kismaayo inta aysan ka bixin magaalada Kismayo. Marxuum la oran jiray Cismaan Maxamuud Cismaan (dhagaweyne) oo ahaa wakiil diyaaradda Djibouti ee Puntland oo ay ciidamada maxkamadaha Kismaayo kale dageen diyaarad uu la socday oo ku hakatay magaalada Kismaayo, ayaa meydiikiisii laga helay xeebta magaalada Kismaayo. Eheleda marxuumka ayaa Kismaayo ka sheegay in falkaan arxanadarrada ah ay geysteen maleeshiyooyinkii maxkamadaha oo falal noocaas oo kale ka fuliyey degmada Buaale.
  7. Gabbal

    Jowhar falls.

    At this time, I don't really care. I am a silent observer towards these events beyond my hand as well as control.
  8. Gabbal

    Jowhar falls.

    Well if the reports saying Balcad is captured is true, then they are 19 miles (30 km) to Mogadishu. Ciidamada Maxkamadaha oo isaga baxay Degmada Balcad. Muqdisho, Arbaco 27 December 2006 Simba Radio War Deg Deg Ah Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga oo waayadaan dagaalo xoogan kula jirar Ciidamada Ethiopian-ka ee taageeraya Ciidamo ka tirsan DF, ayaa maanta kasoo baxay Degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe. Ciidamada Maxkamadaha ayaa la sheegay iney u soo janjeereen dhinaca Magaalada Muqdisho. Xaalada Balcad ayaa degan iyadoo halkaasi wali aysan gaarin Ciidamada Ethiopian-ka ee saakay qabsaday Degamada Jowhar ee Gobalka Shabeelaha Dhexe. Waxii kusoo kordha wararkeena dambe ayaan idin kula soo soco siin doonaa. Simba Media Center , Mogadishu
  9. Gabbal

    Jowhar falls.

    Caamir, you are blowing empty circles. I agree with you and as you can see, so does Mohamed Dhere too.
  10. Gabbal

    Jowhar falls.

    Caamir- Mohammed Dhere spoke for himself I guess; Max'ed Dheere ayaa dadweynaha u sheegay iney u timid DF
  11. When asked about the air and sea embargo the TFG has declared and whether that includes Somaliland and Puntland, Gheedi gave a direct answer about the future existence of Somalia as Somalia. BBC interview starting at 11:50, specific question starting at 22:22.
  12. Gabbal

    Jowhar falls.

    Max'ed Dheere oo la hadlay dadweynaha ku dhaqan Degmada Jowhar. Jowhar, Arbaco 27 December 2006 Simba Radio Gudoomiyihii hore ee Degmada Jowhar Max'ed Cumar Xabeeb “Max'ed Dheere” oo maanta Ciidamo Ethiopian ah oo uu watay la wareegen gaca ku heynta Degmada Jowhar ee Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa khudbad xasaasi ah u jeediyay dadweyna Jowhar ku dhaqan. Gaariga uu saarnaa Max'ed Dheere markii uu soo gaaray Ajibka Magaalada Jowhar ayaa dhamaan dadweynihii ay ku wada yaaceen, iyagoo u ruxayay caleemo qoyan ilaa uu soo gaaro Xarunta Gobalka Sh/dhexe halkaasoo uu dadweyanaha ku hadlay. Max'ed Dheere ayaa dadweynaha u sheegay iney u timid DF isla markaan waxii maanta ka dambeeya aysan dadweynaha maamuli dooni Maxkamadaha Islaamiga. Si kastaba ha ahaatee, Max'ed Dheere oo horey caan ugu ahaa inuu kasoo horjeesto DF ayaa maanta u muuqday mid aad u taageersan DF, isagoo muddo 6-bilood laga joogo laga eryay Magaalada Jowhar. Simba Media Center , Mogadishu
  13. WANLA-WEYN: Dagaal xooggan oo ka socda xilligaan Degmada Wanla-weyn ee Shabeellada Hoose Posted to the Web Dec 27, 11:27 Wanla-weyn (PP) - Dagaallo aad u qaraar oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maxkamadaha Midoobay ayaa ka socda deegaanka Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellada Hoose. Wararka ka imaanaya degmadaas ayaa waxay sheegayaan in hugunka rasaasta aad looga maqlayo gudaha degmadaas ayna dadka degmadaas cabsi weyn la soo daristay, waxaana degmada Wanla-weyn lagu sheegay inay tahay mid aad u kacsan xilligaan. Sidoo kale wararka ka imaanaya degmada ******** ayaa waxay sheegayaan in degmada ay qarka u saaran tahay in lagu dagaalamo, taasoo dadka cabsida ugu weyn ku beertay dadka deegaankaas ku dhaqan. Ciidmmada Maxkamadaha ayaa waxay ka soo ambabaxeen habeen hore Degmada Buur-hakaba oo ay ka dagaalamayeen muddo 6-casho halkaas, waxaana Sheekh Shariif uu ku sheegay ka soo bixitaankaas inuu yahay mid xeelad dagaal ah, waxaana u sheegay inay dagaalka baddaleen.Waxaase soo ifbaxaysa in la isku awood sheegtay oo loo awood sheegtay Maxaakiimta. Si kastaba, Maxaakiimtu waxay horay u dhumiyeen fursad qaaliya , marka dib loogu laabto heshiisyadii u danbeeyey ee iyaga DFKS ku dhexmaray dalka Suudaan heshiiskaas oo labadii jeer ee u danbaysay ay ku guul-daraysteen inay wax wada hadala ay la galaan DFKS, taasoo soo de-dejisay dhiiga maanta ka daadanaya Soomaaliya. Wararka ku saabsan dagaalkaas waxaad kala socon doontaa Aqrite webkaaga 1-aad ee www.puntlandpost.com haddii ALLE ogolaado. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost – Mogadishu
  14. Ciidamada Maxkamadaha iyo Ethiopian-ka oo dagaal xoogan ku dhex maray Deegaanka Leego. Wanla Weyn, Arbaco 27 December 2006 Simba Radio Dagaalo qaraar oo u dhaxeeya Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga iyo Ciidamo Ethiopian ah oo taagerayaan Ciidamada DF ayaa lagu soo waramayaa iney ka socdaan Deegaanka Leego oo ka tirsan Degmada Wanla Weyn ee Gobalka Shabeelaha Hoose. Mas'uul sare oo ka tirsan Maamulka Maxkamada Wanla Weyn oo Idaacada Simba la xiriirtay ayaa sheegay dagaalkani inuu ahaa weerar ay soo qaadeen Ciidamada Ethiopian-ka isla markaana ay la kulmeen iska caabin xoogan oo aad u weyn. Mas'uulkaasi ayaa sidoo kale Idaacada Simba u sheegay iney Ciidamada Ethiopian-ka oo ay la socdana Ciidamo ka tirsan DF ay u riixeen dhinaca Degmada Buur-hakaba ee Gobalka Bay . Degmada Wanla Weyn oo ka tirsan Gobalka Sh/hoose ayaa lagu soo waramayaa inuu aad u kacsan yahay dareenka Dadweynaha maadaama degmadaasi si xoogan looga maqlayo dhawaqa rasaasta labada dhinac ay is weydaarsanayaan. Si kastaba ha ahaatee, Degmada Wanla Weyn aan ka heleyno ay sheegayaan in dadka ay halkaasi abaabul balaaran ay ka wadaan, oo loogu hortagayo in loogu hortago Ciidamada Ethiopian-ka ee kusoo duulay Dalka Somalia. Simba Media Center , Mogadishu
  15. Dagaalo qaraar oo ka dhacay deegaanka Leego. Mogadishu - 27-December -2006-Allceeldheer.com Dagaalo qaraar oo la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa ka dhacay deegaanka Leego ee gobolka Sh/hoose, iyadoo dagaalkaasi uu dhex maray ciidamada maxkamadaha islaamka iyo kuwa dowladda Ethiopia ee difaacaya dowladda Somalia. Dagaalkaan oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Leego, iyadoo ay adag tahay in la helo xog faahfaahsan oo tilmaameysa qasaaraha dhacay. Dagaaladaan ayaa ah kuwo maalintii 9aad socdo, iyadoo maxkamadaha islaamka ay isaga soo baxeen gobolada dhexe ee Somalia, ka dib markii looga adkaaday dagaalo ka dhacay Bandiiradleey, iyadoo laakiin maxkamadaha ay ku gacan seyreen in laga adkaaday , balse xeelad dagaal ay uga soo baxeen gobolada dhexe. Dagaaladaan u dhaxeeya maxkamadaha islaamka Somalia iyo ciidamada dowladda Ethiopia oo kaashanaya kuwa Somalia ayaa la aaminsan yahay in ay ku naf waayeen kumanaan. Xafiiska wararka Allceeldheer London
  16. Gabbal

    Jowhar falls.

    Ciidamada Ethiooia iyo kuwa Max’ed Dheere oo la wareegay magaalada Jowhar Mogadishu - 27-December -2006-Allceeldheer.com Dagaalo qaraar oo lagu hoobtay oo ka dhacay duleedka magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe, ka dib ayaa wararku ay tilmaamayaan in ciidamada Ethiopia oo ay la socdaan kuwa Max’ed Dheere ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada Jowhar iyo degmada Mahaddaay, deegaanka Fiidow, ka dib dagaal qaraar oo ay la galeen kuwa maxkamadaha islaamka. Dagaalka ayaa wali ah mid sii qaboobaya , iyadoo ciidamadii maxkamadaha islaamka ee ku sugnaa jowhar, Mahadaay iyo buuraane ay u soo baqooleen dhinaca magaalada Muqisho, ka dib markii lagaga awood roonaaday dagaal saakay waabarigii ka dhacay halkaasi. Xafiiska wararka Allceeldheer London
  17. iidamada Ethiopia iyo Maleeshiyo Somali ah oo la wareegay Magaalada Jowhar Jowhar 27, Dec.06 ( Sh.M.Network) – Ciidamada dowladda ethiopia iyo kuwa Max'ed Dheere ayaa la wareegay gacan ku heynta magaalada Jowhar, ka dib dagaalo qaraar oo maanta ka dhacay duleedka magaaladaasi. Dagaalkaan oo geeystay qasaaro naf iyo Maalba leh, kana kala dhacay aagagga Buur-weyn iyo kanaalka Shiinaha ee duleedka magaalada Jowhar ayaa geeystay qasaaro naf iyo maalba leh, iyadoo wali ay dag tahay in la helo xog faahfaahsan oo ku aadan qasaaraha dagaalka. Ciidamada maxkamadaha islaamka Somalia ayaa soo faarujiyay magaalada Jowhar, ka dib markii ay culeys soo saareen kuwa dowlada Ethiopia oo kaashanaya maleeshiyooyinka Max'ed Dheere. Dagaalka ayaa haatan qaboobay, iyadoo magaalada Jowhar markii ciidamada maxkaadaha ay ka baxeen, ka hor intii aanu soo galin kuwa Max'ed Dheere ay ka dhacday bililiqo loo geeystay xafiisyadii maxkamadaha ay ku lahaayeen halkaasi. Ciidamada maxkamadaha islaamka Somalia ayaa lagu soo waramayaa in ay u soo ruuqaansadeen dhinaca Muqdisho. Shabelle Media Network Somalia
  18. Dagaal Ka Qarxay Duleedka Magaalada Jowhar Ee Gobalka Shabeelaha Dhexe Dec 26,2006 by Garbahaarey-Gedo-NN Dagaal culus oo leysula adeegasanaayo hubka waaweyn ayaa saakay waxaa uu ka biloowday kanaalka Shiinaha oo u jira magaalada Jowhar u jira 50KM, kuna yaal xadka kala qeybiya Gobolada Hiiraan iyo shabeelaha dhexe. Dagalkan oo ah mid ay isaga soo horjeedaan Ciidamada midowga maxkamadaha iyo ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiyaan oo wado socdo oo ay horay dagaalo ugu dhexmareen gobollo ka tirsan dalka Soomaliya. Ciidamada midowga maxkamadaha ayaa gebi ahaan laga saaray degaano badan oo ay fariisimo ku lahaayeen halka kuwa kalena ay sida sheegeen ay ugu soo baxeen hab xeelad dagaal. Shacabka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa saakay markii ay maqleen dhowaaqa rasasta waxaa ay bilaaban inay ka baxaan degaanada ay ku sugan yihiin, iyaga oo ka cabsi qaba inay madafiicdiisa ay labada dhinac isweydaarsanayaan ay wax ka soo gaaraan. Dad goobjoogayaal ayaa sheegaya in magaalada gudaheeda lagu arkayey dad badan oo ku socda wabiga Jiinkiisa iyagoo ka cararaya rasaasta iyo madaafiicda ay labada dhinac isku adeegsanayaan. Gedo-NN- Garbahaarey-News Desk
  19. Dagaalo qaraar oo ka soconaya duleedka mag. Jowhar Jowhar 27, Dec.06 ( Sh.M.Network) – Dagaalo qaraar oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Ethiopia iyo kuwa maxkamadaha islaamka Somalia ayaa waxa ay ka soconayaan duleedka magaalada Jowhar, iyadoo maxaabiistii ku jirtey xabsiga magaaladaasina la sii daayay. Dagaalkaan oo la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa dhawaqa rasaasta Artilarga iyo madaafiicda la is weydaarsanayo waxaa si weyn looga maqlayaa gudaha magaalada Jowhar, iyadoo dadka ku dhaqan magaaladaasi ay bilaabeen in ay isaga qaxaan. Dagaalkaan oo bilowday saakay waabarigii ayaa waxa uu ka soconayaa Kanaalka Shiinaha oo 26 Km u jira magaalada Jowhar, iyadoo ay dag tahay in la ogaado qasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi oo ay ka qeyb qaadanayaan Taankiyo. Gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe C/salaan Xasan Max'uud ayaa waxa uu ugu baaqay dadka magaalada Jowhar in loo istaago difaaca gobolka, isla markaana la xiro goobaha ganacsiga. Suuqa weyn ee magaalada Jowhar ayaa saakay albaabada u laaban, iyadoo dagaalka marba marka ka dambeyso uu ku siqayo magaalada Jowhar. Nuur Bukhaari Shabelle Media Network Sh/dhexe
  20. Originally posted by xiinfaniin: ^^Adigu dadnimo xumidaa ninyahow markii adeer Barre lasoo qaado maxaad muska ugasoo baxdaa horta ? Sow waxaad ugu talagashay maaha dee? I don't want to disappoint! Lakin intaad kari karaysid geedka caleemaha ka diir, walle dhabarkaadu wuu qaawanyahaye!