-
Content Count
2,415 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
53
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by gooni
-
Markay sii marqamaana waxay oran stenger baan diyaarado kusoo daadinay hadaad tiraahdo war meeshaasu afghanistan bay ahayde amaad wax kale aragtay? laga yaabee inuu yiraahdo waan arkay ayadoo geed saaran waa iska taariikh marqaan
-
Breaking news: Puntland Rejects the new constitution
gooni replied to kingofkings's topic in Politics
Codka diidmada qayaxan oo puntland hadda haysato waa ka wareegayaa hadii dastuurkaan la ansaxiyo Bal halaga war sugo wada tashi baa adis ababa ka socdee!! -
Allaha u naxariisto eheadiisii iyo intii taqaanayna allaha samir ugu badelo Dhibka jiraa waxaa weeye markaan ducayno godkaan horey ka gaynaa intaan gabalku dhicin baaritaan ma leh ama (dibi sharci) koronto iyo talaajad lagu hayo ma leh waa lagusoo booday dhinacna uma dhaafno Allaha noo naxariisto kuligeen mayti socotaan nahaye,,,.
-
Dad waa dhintay wayna naga wada dhinteen waana soomaali balse snm baa laga la'ayahay qabuuraha ka kortaga hadaad dhimashada badisaana aqoonsi soo dadajin mayse shaqo kale dadka ku mashquuliya
-
Maantoo dhan hadaad akhrinayso wax khalad ah kasoo saari maysid marka laga reebo meelo yaryar oo cadilaad u baahan Mushkiladu hadaba sidaa maahan aragtidayda dastuur layskuma haysto waxa is haysta waa siyaaysiin aan garanayn sida maslaxad loogu wada socdo dalkuna uusan usii tirtirmin Puntland aad bay ula dhacday dastuurkaan, koonfurna shaki baa galay, macnaheedu waa sheekadii faaska iyo maska. waa in laga gudbaa sida ugu dhaqsaha badan si caruurta hoy iyo wax barasho loogu helo Shakiguna waa imaan karaa ninbaa igu yiri hadda ka hor anigoo aan dabaal aqoon baa yaman u tahriibay reer barigii doonta igu qaaday markay badda bartankeeda tageen goor habayna, bay i yiraahdeen buu yiri, wataa aadan yabaal nalkeedii muuqdee doonta ka bood haday yaman i oran lahaayeen shaki ima galeen buu yiri,halkaas waxaad ka garanaysaa in wali xoogaa madmadow ah nagu dhex jiro
-
Mulac badda lagasoo qabtay iyo geel wax la is ag dhigo maahan geellu waa xoolo adkaysi badan cad iyo caano fiican, xarago iyo qurux badan waa nin magtiis waa gabar gurigeed waa passpor'keena baladweyne iyo bosaaso qiimaha u dhexeeyaa waa ilaa 150 ilaa 200 dollar koonfurta waa geel badan tahay qiimihiisuna aad uma dhaco inta badan Tan kale qaalintii tartanka khaliijka qaaday labadii kun iyo dhawrkii rati soomaaliya iyo hal cumaaniya baa iska dhalay miyuusan ratigaasu ka fiicnayn qurbo joog fara badan?
-
Faadumo mar haday cabdi wali isku ood yihiin waa laguu yaqaan saxiib Hadaba aan ku tilmaamee kabahaagii dheeraa soo xiro intuusan jacaylkaagu halis gaarin iyo ganacsade bad iyo burcad u dhaxeeya Kow kitaab soo qaado axkaamtana wax kasoo baro jacayl aan quraan lahayn mudug lalama yimaado,baryaha horee faadumo waxaa laga yaabaa inay indhaha isku qabqabato dan ha u galin waxaa loo yaqaan cigalayn Faani reer koo dhan waxaad tiraahdaa ido indhahoodu waa riyo sanadahan adinkaa laydiin baxsaday,faroole dadka uu tarxiilayana waa ku saxan yahay ayagaa qaribaad noola yimid Waligaa waan ku jeclahay afkaaga yaysan kasoo bixin indha jacaylkaaga haka akhrisato Good lucky,,saaxiib
-
hargaysa iyo gaal kacyo wax isu dhaw maahan waa magaalo iyo magaalo la'aan
-
Mahiga lahjada waqooyiga si fiican buu ugu hadlaa iminka silaanyana wuxuu ka codsaday in cuna qabataynta hubka lag qaado
-
The latest work of Clan federalism Hiiraan to be divided into two
gooni replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Mukulaalow;821785 wrote: Abwaanow wax kale maha ee mar haddi la yiri intii isfahmi kartaba ee laba gobol ka badan ha is raadsato baan ku keenay in Koonfurta mudug, Galguduud, Hiiraan, Sh.Dhexe ay is raacaan maadaama dadka degaa ay isku isir yihiin ayna sahlantahay inay is afgartaan, taa waxay xal u heleysaa maamuladan toothless-ka ah ee Galmudug, Ximan&Xeeb, ASWJ, Hiraan land, iyo waxaan kalee is barbar yaacaya. Bal noo sheeg adeer maxaad ula jeedaa intaas oo gobol dadka dega waa isku isir khayr allaha ku siiyee? -
Allaha u naxariito Adinkuna oohinta iska daaya mowdku cidna ma cafiyo wiilashanu ayagaa iska koraya mar hadayba kanadadii lacagta lagasoo diri jiray joogaan insha allah,, Oba,,,, allaha u naxariisto mama sidoo kale waa dareemi karaa xanuunkaas oo kale adigoo waliba nin yara, Ana waxaa isoo maray hal geella oo ii irmaanayd baa waraabe iga dilay nirigtii yarayd baa habeenkii oo dhan jawjaw af isku qaban weyday habeenkaas aad buu u dheeraa laba indhood isuma keenin boholyow daraadi waatii horey loo yiri geeriyu xasuus bay kugu dishaa
-
Caraqqu wuxuu qofka u sameeyaa dabeecadiisa haduu doqonyahay waxba lama haro haduu fulay yahay wuu isku kdshaa haduu jilicsan yahay wuu ooyaa ama iska seexdaa haduu dhib badnaa wuu dagaalamaa haduu farxaan yahay waa iska qoslaa siduu yahay ayuu ka dhigaa Kan waxaa u roonayd inuu iskala noolaado fi'ada bini aadamka u eg oo buuraha ruwanda ku nool inta wakhtigiisa uga hartay
-
Waa kow war wiilasha ha la waraysto niman kaftamaya maahane!! Markii horee see rer gedood loogu haleeyay maxaa loogu diiday inay ilaaliyaan ciidanka loo yaqaan special force oo garoowe dhooban?
-
-
Shacabka puntland meelna kama aadi karaan somaalida inteeda kale weyna ku gawracan yihiin,siyaasyiintooduna lug baa u laaban si aan caad lahaynbayna dastuurka ugu takri faleen oo xataa waxaad ka garanaysaa, dawlada puntland oo qaabishay dawlada fedaralka ee soomaaliya macnaha ayagaaba kasii dawladsan fedaralkan la sheegayo Arinta kale oo baryahan bilaabatayna waa batroolka oo asagoon wali soo bixin baa ciyaalkii biqle bilaabeen. Aakhirka khayr allaha keeno
-
Shinbir Majabe;817284 wrote: ^^ LOL@ geelana wax ka yaqaanaa. Markaas dad yar oo geel jir ah ayaa shuruudahaas ka bixi kara. Geellu waa ramsigeena aan ku caan baxnay passpor aan geel ku suwirnayn iyo madax weyne aan geel aqoon suurta gal maahan dastuurku waa masiir umadeed arin sahlan maahan midkaan wax weyn baa kasi ah looma dhama
-
Qodobka 95aad - Shuruudaha Madaxweynaha Waxaa loo dooran karaa xilka madaxweynaha muwaaddinkasta oo soomaaliyeed oo ay da’diisu gaareyso 40 sano, lehna sumacad sare, waayo aragnimo iyo heer aqoon oo ku haboon hogaaminta xushmada qaranka. Qodobkaas si sahlan baa loo qoray sharuudo madaxweyne umadeed intaas kaliya kuma koobna waxaan u qori lahaa aragtidayda 1- Waa inuu nin, somali muslin ah yahay aqoon iyo karti leh 2- Waa inuusan wax dambi culus ah waligiis soo gelin 3- Waainuusan jinsiyad aan soomaali ahayn waligiis qaadan asaga iyo waladkiis iyo xaaskiisaba 4- Waa in da'diisu afartan ka koraysaa dhaqashada geelana wax ka yaqaanaa 5- Waa inuu caafimaad qabaa dhimirkana horay loogasoo daweyn
-
Will you ever go back to Somalia and what do you see yourself doing?
gooni replied to General Duke's topic in General
Mukulow top 10 lacagta wadankay kasoo saareen canshuur la'aan iyo baylah jirta awgeed VAL waa laga yaabaa inaad iga aragti duwan tahay shidaalka soomaaliya lagu shido qurbahaa u sababa dhibna waa leeyahay dheefna waa leeyahay,dhibkiisa waxaa ka mida aan dagaalee caruurta ii masruuf Calaa kuli,,,wadanku sidii hore maahan xabada badan baa ka dhaca dadku waa qufacayaa biyuhu wey culus yihiin waxaa laga yaabaa inay biyahaasu idinku keenaan tummy troubles,lacagta un soo dira mashaariicda dadka gudaha jooga ha idiin fuliyeen shaqo abuurna ha noqotee -
Will you ever go back to Somalia and what do you see yourself doing?
gooni replied to General Duke's topic in General
Mar hadaad wadanka dagaal uga cararteen waxaa ila roon inaad meeshiina iska joogtaan inta cilaanku idiin qalalayo mashruuc macna leh oo qurbo joog keentayna lama sheegin Waxa kaliya oo laydinka faa'iidi karaa waa markaad airporada busta badan kasoo dagtaan xoogaaga canshuurta ah oo laydinka qaado qaar badan oo ka murmayana waaba arkay inta caag biyo ah kabada leh maxay tahay 40 dollar sow ima taqaaniin -
Taariikhda snm waxay bilaabatay 91kii intii ka horaysay waxay ahaayeen jabhad la noolayd mingistu Kuraydaana taariikh ay arkaan waxaa ugu horaysay markii diyaarada gidaarka la saaray waxba ka faa'iidi maysid adeer Waligaa talada ugu roonow wax barta dheh mar unbay na anfici doonaane
-
Sxb waa cabdi xaaji goobdoon waa saxiibkiis qaraxa ka horna asagaa qodbada furay hadaadan doonayn inaad sheekada ka dhigto iidi aamiin oo mundul u dhex istaagay wafdi ka socda great britain si loo sawiro ayagoo sujuudayo
-
oba hiloowlow;813117 wrote: ^^ its part of the history now waligeena iloobi meyno Shacabku waa is cafiyay ogaantay wixii horay u dhacay iyo wixii goor danbe dhacay, waa laga gudbay,laakiin siyaasigu waa beenlow lamana aamini karo,waxaadna ka garan kartaa wadaadkii aan shareecada ka sugaynay inuu nugu xukumo mahiiguu janaasad la tukuday rajo maleh. waxay ila tahay intii dhimatay ka daba tag ma leh kuwa nool halala xisaabtamo inta qabiilka iska dayno kow,suudi qanyare hiiraale siilaanyo qaybdiid aweys iyo kuwa kaloo badan sida ugu dhaqsaha badan maxkamad halasoo taago hadii kale markay dhintaan baan taarikh fiican ku abaal marin doonaa Waa hadaad amaan rabto dhimo hadaad cay rabtana aroos.