-
Content Count
2,415 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
53
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by gooni
-
Allaha u naxariisto aabe,waxaan u filay inuu aabe ahaa gudoomiyihii ugu horeeyay ee barlamaanka hadii jawaabta saas tahay waa waajib waxa uu qabtay shaqsi ahaan ha u qaadan waa arin qaran haduusan ahayna waa abaal gaara Madaxdan aan kala dooranayno waa shaqaale UN wax awoodana uma laha inay aayaha umadooda ka taliyaan waxaaba shaki la geliyay inay maamuli karaan xarumaha booliska iyo dekedda airpor'ka waardiye soomaali ahna laguma aamini karo Ma muuqan karto kartidiisa ilaa uu hohgaamiyo wadan xor ah oo madax banaan wax uu dhaqaajiyayna ilaa iyo hadda ma hayno aan ka ahayn wiil jiran buu isbitaal u qaaday iyo odayaashii dhaqankay dastuurkii isku af garan waayeen.
-
Abwaan;851969 wrote: Gooni, waa su'aale ma fiirsatay muuqaal waraysi ah oo Canjeex uu soo bandhigay dhawr sani ka hor oo uu eedayn iska fogeeyey uuna farta ku fiiqay Maslax iyo rag kale? Si daacad ah aan u wada hadalno, haddii la is weydiiyo hebel markuu amarka bixinayey ma joogtey wax badan baa dib loogu noqonayaa sow maahan. Ujeeddadaydu ma ahan inaan cidna eedaynayo ee dooddaada ayaan rabey inaan falanqeeyo iyo cidda aad is leedahay eeddan si gaar ah way u leeyihiin. Ramadaan kariim sxb Qof kastaa su'aal buu leeyahay uu kaligiis ka jawaabayo markuu alle oofsado Cidna difaaci maayo runtii balse wax walba waxay leeyihiin xaqiiq carafaat toos buu u magacaabay cidii ka danbaysay xasuuqaas haduuba jiro, sabata aan u weydiiyayna waa taas kutiri kteen lama rabo iyo hebelbaa iska riixay,,evidence he catch the tail of the tiger. Tan xasuuqa soomaali baan nahay meel walbana xasuuq baa ka dhacay ma nihin israel doonaysa pilot ku dhacay 30 sana ka hor lubnan lafihiisi qayb yar oo ka mida. Tuaale hadii roob yar ku da'o gurigaaga xamar lafo dad buu soo saarayaan lamana yaqaan cid ay yihiin iyo cidii xasuuqday inaad tiraahdo un reer hebel baa ka danbeeyay moyee waana arinta ugu wayn oo dustuur loo samayn la'yahay in katoo labada dagaal kala duwan yihiin hadana wuu sheegay cumar inuu la nolaa dafle sugina waayay inta baaristu socoto baqdin darteed reerkiisuna dhuumasho ku saareen asagoon wax danbi ah lahayn. Hadal badan barako ma leh nadaam kastaa oo kali talis ah xasuuqbaa ka dhaca nadaamkii horee ee soomaaliya khalad waa galay balse waxba ma samayn markaad ag dhigto suuriya liibiya yamen shacabkii carabtu waa horeey ka tageen quburihii intii xorowday waxayna ku mushquulsan yihiin inay ku noolaadaan midnimo, nabad, iyo barwaaqo. meesha snm ku mashquulsan tahay in lasoo qufo lafo iyo waxaan saas usii buurnayn iyo mujaahidka dhididka ha laga tiro.
-
C/wali waa geesi ruug cadaaya inta afrikaanku joogo
-
Carafaat;851405 wrote: Tallaabo, this massacre was committed by some military officers who got an order from (Canjeex or Maslax Siyaad Bare). Both were high officials from the old regime and therefor It has nothing to do with Koonfurions. If you want to clanize this crime against humanity, atleast be specific and say it was committed by some men from the Gedo clan. Ma adigaa la joogay markay order' ka bixinayeen? AUN intii dhimatay sheekadaan in film laga sameeyo ayay ahayd si mujaahidiinta mar walba loo xasuusto
-
Nuur bidaar madaxweyne isuma sharixin waxa is shataxay waa bashiir waa laba nin, nina waa dhintay nina waa nool yahay Aabihiis baa la dilay maahan inuu wadankiisa u caroodo ama qol iskusoo xidho,dad badan baa aabo la'aan ku dhacday aakhirkina waa la isu soo dhawaan waa ififaalo qurxoon Mooge wali rajaa jirta daawaduse waa adag tahay hadii lafaha bulunbulyo gasho si deg deg ah dhakhtar nafsi ugu tag.
-
Heesuhu waxay ka imaan jireen hargaysa xiliyadii horee haduusan fanaanku macno lahayna wax kalay nooga dhigi jireen waayo koonfurtu ma aqoon heesaha iyo qiiqa indhaha gala markii la duubayo,.arintii waa is badeshay iminka ama hadda la joogo heesaha dadkii yaqaanay london bay u guureen hees la'aana lama joogi karo,maxaad kula yaabaysaan haday wiilashu wax noo dhaqdhaqaajiyaan?
-
Waa adoo maradadaada dab ku qabtay markaad taariikhdaada inkirto Mushkiladdu wiilasha maaha waa manhajka snm'tu ku ababinayso, taariikhdii soomaaliya lahaydna waxay kasoo bilaabeen markii jaadka la joojiyay dhawr iyo 80kii,waxba kama war hayaan wiilashu yaan la bann garayn meelahooda ha iska ciyaareene!!
-
Maaddeey;846835 wrote: Gob: (sidr) waa geed har wayn oo miro yar-yar leh oo macaan & dhanaan isugu jira, laf yarna waa leeyahay. Baydaan: miro bejiyaha la eg, qob & hilibna leh, laf dhuux macaan lehna waa leeyahay. (baydaanka soo hoobi hee, halahoo i sii...) sheeg kuwaan: qaraqambac shan-farood ontor Ontora aa'?,,, jiriiricaa ugu jajabtay waxaan moodayay meesha inaan qabiilka loo ogolayn! Yicib iyo geedkuu ka baxo magiciisa?
-
Sir,posative adaa mudan dhaqan yaqaan baad tahay laakiin ilaahay geel kuma raacin, miyaan waligaa lagugu dhiiri galin adoo kuray yara si aad geella u dhaqaalayso, waryaa hashaadii ma nirig bay dhashay mise qurbac?,mase maqashay hal qurbac labo jira wadata ayaa iga baxsatay, ama meel hebla kusoo arkay? Qurbucu waa labka yar ee geella markuu sadex sano dhaafana waa qaalin ilaa uu rati ka noqdo wax abaahiyi kara Nirig,dhadig yar oo mid u taagan maarkay korto ama sadex sano kor u dhaaftana qaallin, rimay noqon karta. Dhadigga geella waa ka qiimo badan yahay labka markay noqoto bixinta magta, xaalka, yaradka iwm. Nayl waa dhadigga yar ee idaha Wan waa markuu wayn yahay iyo markuu yaryahayba Naylo waa markay isku dhan yihiin oo yaryihiin ama barraar (Intaanan reer magaalka wax ku darsan sidaas bay ila ahayd macalin.)
-
wax badan baa laga kororsanayaa qoraalkaaga jisa kallah mar walba nirgo wadar geella yar yar lab iyo dhadig Nirig(dhadig) Qurbac(labka) Nirig iyo qurbac = nirgo
-
Mahad sanid Reen waa taah oo kale waxaana inta badan gaar u leh riyaha ama ari cadka hadba saad u taqaano waxayna reemaan markay fadhiga ku nagaadaan ama biyo badan iyo baad badan calooshooda gasho Dhaqan yaqaanka soomaalidu ama suugaan leydu waxay ku hal qabsadaan calaamadaha ama dhawaqyada xoolahoodu bixiyaan sida,,,. Waan ku ololaa sida geel ka reeboo, reenka iga bixi darisku wada yaabye, waa catawga qof jacayl asiibay iwm.
-
Madaxweyne Faroole oo booqasho ku tegay magaalada Jig-jiga
gooni replied to Fiqikhayre's topic in Politics
Waa gob intaad bishan malabka dhuuqayso, islaan uur leh markay xabsiga malez ka barooratana waa guun dhogor leh, waa hadba siday jidbada dhaantadu kuu qabato. -
Kobcinta Af-soomaaliga: bar ama baro (qaybtii 1aad)
gooni replied to Positive's topic in News - Wararka
Soo noqod wanaagsan macalin ardadii intaad maqnayd farahay ka baxday(xamdillah ca'salaama) wax badan baan aniga iyo caruurtuba qoraalkaaga ka faa'iidnaa jisa- ka -lah Ma aqaan inaan saxanahay iyo in kale balse waxaan moodayay erayada laban laabma inay ku jireen oraahda (MANALA GARAADBAA) coofle'libaax erayga xujjo waa xujo, haduusan xujjo ahayna waa xujo, haduu xujjo yahayna waa xujo. -
Ninka maqaal kan qoray caadifadu aad bay ugu badan tahay wiil yaroo isbitaal loo diray looma dooran, qarankii oo dhan gacan kuma jiro, waa inuu talada dalkiisa mahiiga kala wareegaa, umaduna is dhex boodaa qaran laga hibaysto haybadna leh waa inuu u qudbeeyaa Carafaad oradoo wadankii tag miyiga roobkii laga waayay iyo xeryaha barakacayaasha si aad usii qiirooto.
-
Fanaanad dibnaha laga cantuugay la yaab ma leh mar horay u dhar dhigatay balse waxaa la yaab leh sida dhaqankeena ay caadiga uga noqanayso dhaqamada reer galbeedka waxayna yiraahdeen tijaabiya anagaa dayaxa ka nimide, 83 xidid oo qofka dumara ku jira baa isku mar si isku mida u shaqa bilaabaya,kulaylkeeduna 40 kor buu u dhaafayaa!!! waa iska dameeru dhaan raacday Awoowayaasheen warankooda kulama soo bixi jirin meel dumar isugu yimid.
-
Gabayga edna in raggu buraanbur ku taageero maahan waa laga wanaagsan yahay talo nin bay ka go'daa,haduu reerka meel naqleh u raro iyo haduu gaadiid u ku guuro waayaba, gabadhu way dadaashay aqoonteeda rag badana way kasbatay,. Gooni isu buusku macna keeni mayso midnimadanu waa muqadas Snm xoriyad ma keeni ee cuqdad bay keentay!!
-
Wax kaa qosliya waayi maysid fqash waa doofaarka yar oo maxay noogu yiraahdeen waa socodka lo'da? dagaalkanu mid soo af jarmaya uma eka Anigoo uurbays yar markaas qaniinay ayay xabadii billabatay,bab yar noo qaad aan kusoo jeedo ama niic!!!
-
Abwaan;836980 wrote: Elman Ilaah ha u naxariistee aniga markii iigu horreysey isagoo shaqaysanaya oo xarumo ganacsi ku leh Waddada Maka-Al-Mukarama ayaan arkay. Adigu ma sheeko aan taas ahayn ood hubto ayaad haysaa? Mise dadkii annagoo salaad casar amase duhur meel ku wada tukannay oranayey muslim ma ahan warkooda oo kale ayaad ii haysaa? Xuskii Baroordiiqda ee aad sheegeyseyna xaggee ka dhacay? Maya ka mid maahi, yaanan kusii fogaan haduuba naga hooseeyo xaflada baroor diiqda waxaan ka fiirsaday univ.tv waxaanse is lahaa kasii faa'iidayso intuusan maka makurama ganacsi ka furin maadaama aad ku dartay dadka taariikhda wanaagsan ku lahaa soomaaliya
-
Dagaal sokeeye wuxuu taariikh noqdaa markii laga buskoodo dhaawacyadiisii,ilaa iyo hadda lagama bixin waxaa ila fiican inaad ka hadashaan sidaan u heli lahayn dhakhtar daweeya karaamada., dhimashadii dagaalkii sokeeye waxaa ka daran sida nalooga dilay kalsoonidda (dignity) Kow,,,waxaan ku talin lahaa in wixii dhexdeena ka dhacay aanan taalo u dhisin layskana iloobo labo,,, in sadaqada gaalada la joojiyo ama (welfare) shaqona lagu badelo waana dagaalka ugu xun oo dadku aanay fahamsanayn,wuxuuna keenayaa inaan forum ama makhaayad inta soo fariisana aan isku qabsano caydiid iyo qanyare iyo ma joogtay waagii carabta xamar laga saaray!! Inaan ogaano inaysan is galayn waxaan ahay soomaali waxaan leeyahay dhul aad u weyn bad aad u dheer wabiyaal dhex mara xoolo dhex daaqa,hadana aduunka waxaan ka codsanaynaa in gacan naloo fidiyo gaajaa na laysay dastuur hanaloo sameeyo mahigana hanalaga badelo,shirka kii diidana madaxa halagasoo dhunkado si uusan uga qadin biyaha qabow ee turkiga Abwaan taariikhda elmen ma taqaanay iyo meeshuu dhaqaalaha ka keenay mise xuskii baroor diiqda un baad ku baratay?
-
Garoomaduu dhisayna cigaal iyo canbara faarax baa loogu magac daray kuwa uusan waligiis wax u qabana qabiil dartiis baa loogu magac daray Sadaqada soomaalida in saxan la saaro kuma fiicna! meel dhir laga baneeyay in loogu magac daro maahayn, hadii fahan fiicanu jiro waxay ahayd in barbara ama bali doogle midkood loogu magac daro. Elmen ma soomaali buu ahaa?