-
Content Count
2,415 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
53
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by gooni
-
Soomaalida inta kaloo dhan intay is disho bay hadana shaaha wada cabaan waa SNM kaliya waxa gaalada tolka ka dhigta oo uurku taalada badan sidii gabar muraayadii ka jabtay.
-
Shaqo la'aanta baahsan iyo sadaqada gaalada lagu qayiliyo yaa keenaysa in laba daba galo dadkii qarankooda usoo shaqeeyay,dadkay cadaalada ka doonayaana malaayiin muslimiin ah ayay daafaha aduunka ku laayeen ayagoon wax sababa u hayn عقول كل قوم على قَدْرِ زمانهم
-
Waa umad riwaayada dhinac waxay leeyihiin reer bini hashim baan nahay dhanka kalana odoaasha xogaaga iska bowsaday bay carabi waydiinayaan, reer hashim waxay ku nool yihiin urdun ama jordan mana badna waa is yaqanaan dhalsho ahaan,bisad ama mukulaal madow haday kasoo hor baxdo aroortii subaxa hore gurigay ku noqdaan ma shaqo tagaan quraan badana way akhristaan waa yoomul aswad, Ma garan karo hadii carafaat iyo jacayl baro is raacaan ayna qaabilaan odoyaasha reer haashim siiba aroor hore wixii dhici lahaa!!
-
Kenya soomaaliya markay xanuunsatay oo hilibka waraabuhu xalaal noqday bay soo ag istaagtay wayna heli kartaa inay caliyaalo batrool ka baarto ayadoo kaashanaysa walalaheed igad. Aragtidayda waxay ila tahay habka dooda forum'ka qofkaad ka dareento inuu qabiilkaaga jecelyahay waa lala saaxiibaa kii aad ka dareento inuu reerkaaga necebyahay kurtunka mouse'ka dhexda uga yaal baa la wareejiyaa,looma jawaabo,waa dhaqanka soomaalida markaysan isu jeedin saxna maahan oo run ha u qaadan hadaad 15 ka yar tahay Diinta ha lagu heshiiyo ra'yiga ha lagu heshiiyo ka dibna dalka ha lagu heshiiyo من يمشي في النور لا يتعثر who walks in the light will not fall
-
Cabdi qasim gabadha waa khaldamay xataa siilaanyo haduu wadada qaloocan kasoo laabto maahan in qariib laga dhigo waa muwaadin xaq u leh inuu hogaamiye qaran weyn noqdo towbaduna waa furan tahay mar walba
-
Haday ku oran ma'uusan yeeleen hadaysan puntland bayaanka cad soo saarin, ama raas kaambooyin baa meel dhexe uga hor yimid wafdigii madaxweynahu soo diray, intay tuulooyinkii ay meel xor ah uga noolaayeen somaaliya kenyati ku salimeen!! Madax waxaa loo doortaa in laga dambeeyo loo samro ayagoon kursigii bacda lahaa wali ku fiiriisan baan mucaaradnimo kala hortagnay
-
Wali fara kama qodna kenya waxay ka mid ahyd awladihii lagu heshiiyay inaysan arimaha soomaaliya faraha la galin waayo dal iyo dad baa nooga maqan caqli galna maahan inay dawla qiimo leh nala dhisayso iyo fedaral Hadii nimankan u adeegaya kenya juba land gacanta loo galiyo waxaa imaanaysa in sida kuwa jig jiga heeso kibaki lagu amaanayo kismaayo laga qaado,waana arin cawaaqib xun oo shalay ku keeni doonta abtigiis iyo tolkiisaba Madax weynaha iyo dawladda cusub yaan laga dididn soomaiya soomaali baa leh
-
Abwaankaasu uma fariisan masiibada cidda masuulka ka ah masiibada waxaa ka masuula aadanaha,waa nimco alle noo fidiyay Puntland,waligeedba way dadaali jireen allaha daayee siiba markii doorashadu dhacday ka dib Reer garoowe waa inay ku kalsoonaadaan walaalahood raas kaanbooni ayagaa tooshka haya sanadkan(لـؤلـؤة تحتــاج الي غـواص ماهــر)
-
Waa markay ugu fiicnayd jasiiradaas kiristofar kolonbos helay taariikh ahaan maraykanka iyo puntland'na way soo dhaweeyeen,inay fedaral muhiim ah noqoto madax weynuhuna wafdi balaaran oon visa wadan buu xamar kasoo diray,asagoo waliba wasiiradii nagu yareeyay Axmed madoobe waa sheekh tolkiisa tujiya, hiiraale xajkuu aaday, indho cadena wafdi uu hogaaminayo yaa kismaayo maamul u samaynaya,arimahaas oo dhan markaad u fiirsato sow uma eka waraabihii cimaamada loo saaray oo hal dhalayso lagu amaanaystay?
-
Layskuma hayo in qaraabo iyo dhalsho soomaali oo dhan wadaagto,jabhadihii ugu dambeeyay oo bilowday xukun doon ma'aysan ahayn waxaa naloogusoo sheekeeyay ilaa yaraantii nin carab ah oo geed saaran yaa diiday inuu lugihiisa cadcad dhulka dhigo,ilaa la helo jaran jartii uu ku soo degi lahaa, marka heeryada hala iska tuuro, shafka xabadda taangiga haloo dhigto ajande kale oo ka dambeeyay ma jirin sheekadaa islaamuhu nagu seexin jireen baa jihaad dhaba nagu noqday asagii un baa hadba weji cusub lasoo baxaya Qabiil sheekadiisa waxaad nici lahayd markii adoo aroosa ina adeerkaa 2aad ina adeerkaa 3aad dilo meeshana ka baxsado, oo gabadhu ku tiraahdo qabow badinidaa caawa maxaa kugu dhacay horey soomaalidu u tiri ayagoon nabad doonayn rag gogoshiisu waa nabad.
-
Somalia: Inclusivity, Acrimony and the Pressing National Priority
gooni replied to xiinfaniin's topic in Politics
Dr.xiin Shakhsiyan waxaan iska qoraa arigtidayda iyo sida wax iigu muuqdaan siyaasad waxba kama aqaan,hadalkaagu waa sax fedaralka iyo dastuurku waa inay is waafaqaan madaxweynuhuna noqdaa nin u hogaansama dastuurka wadanku leeyahay Labo arimood baa adiga si kuugu muuqda ana si iigu muuqda 1- ilaa iyo hadda fedaral gooni u dhisan waxaa la hayaa puntland ayaguna ma aaminsana inay fedaralka hoos tagaan dhaqan ahaana waaba dawlad go'aamadeeda iska qaadata wax wada shaqayna lama laha dawladda dhexe lamana yaqaan sida wax loo wada leeyahay, hadana loo kala leeyahay,xataa hadii wasiirka kowaad ka yimaado puntland waxba soo kordhin maayo sidii DR'kii ayuu safiirka turkiga sawiro badan la gali waxbana kama qaban dhaqan galka dastuurka fedarlaka ood shagayso haba yaraatee 2- Saacid qaab ahaan waxaa lagu magacaabaa inuu awood qaybsi qabiil ku yimid xaqiiqduna waa ka duwantahay waayo inta odoyaal marjac qabiileed ah fariisteen ma'aysan oran ninkaas ayaa na matala,arjibaa meesha loo wada qortay cv midkuu doono yuu la baxay madaxweynuhu (qabiilna laguma wado socdo qaran is rabana maahin awoowe} Markaan idaacadda ka maqalno yaa la is weydiin yuu yahay,ama faroolaa isla markiiba oran shaqo aan loo dirsan buu faraha la galay sidii inuu asagu dhalay,si kastaba hala sugo wuxuu soo kordhiyo abuurkiibaaba laysku haystaa masago iyo digir kii laga dhigi lahaa Waa runtaa wadaadadu waa fudud yihiiN waxaa laga yaabaa adoo wan uqalay inay dab meel kale ka shidan masalaha iska ag dhigtaan,dun badanbaa isku furfuran saaxiib waxaana hagaajin kara dad diin iyo daacadnimo leh dadkana isku mid u arka, magaalada laysugu yimaado wey ka dhaqaale iyo qurux badan tahay mida jifo kaliya degan tahay,hadii nabad loo helo, waana meeshaan jeclahay inaan ku dhasho hadii alle idmo Kismaayo dad badan baa nooga dhintay lahaanshaheeda anagoo isku qabiila waxaana go'aan ku gaarnay 20'sano ka dib inaan kiinyaati ku wareejino ayagaana madaxweynaha soomaaliya nooga sokeeya haday maamul noo samyanayaan waa arin guracan aragtidayda. -
Somalia: Inclusivity, Acrimony and the Pressing National Priority
gooni replied to xiinfaniin's topic in Politics
Dhaqanku siyaasadda waa ka fac wayn yahay reer miyugu wuu wada degaan hadana waxay aaminsan yihiin inay dhulka kala leeyihiin Qaar kama guuraan meesha ay is leeyihiin waa degaankooda waa fedaral ,qaarna xuduud ma leh oo meeshay doonaan bay u guuraan Oday igasii weyn oo meel baadiye ah degan baan waxaan waydiiyay adeer reerahaan cusub oo kulasoo degay xagee kasoo guureen? wuxuu yiri,waxay kasoo guureen meel roob badan ka da'ay oo aad u fog waxaan weydiiyay maxaa kasoo raray barwaaqadaas? wuxuu yiri malaku mowd adeer,,,, waaa kow. Ma weydiisay sababta uu uga soo guuray barwaaqada oo abaarta u yimid? wuxuu yiri haa,,,muxuu kugu yiri? wuxuu yiri mar alle markaan kulasoo dego baa xooluhuna ii orgoodaan naagtuna ii rintaa ina odow,,,,, Dhaqankaas aan odayga reer miyiga kusoo arkay baan hadana magaaladii ugu nimid iyo arimo kasii cajaa'ibsan xataa waxaad arkaysaa kuwa tv'ga ka leh beeshii u dhalatay degmada waabari ee muqdisho waa inay wax nasoo taraan goormay waabari beel yeelatay? federalku miyiguu ka bilowday magaaluduuna ku dhamaaday dad fedaral ma nihin ficlan waayo odaygii cidina uganma turjumin ninkii darisnimada ugu yimid Madaxweynuhu waa nin cusub waxaana looga fadhiyaa asaga iyo dawladiisaba inay dalka nabadeeyaan usha meeshii kurtun leh ka gooyaan toosiyaan afrikaanku na dhex istaagin markaan wada hadlayno iskana ilaaliyaan inay fuulaan faras caataa oon meel gaarayn -
Gabadha warkaan soo tabisay wax un bay iftiimaysay wakhtigaan xasaasiga ah dawladda soomaalidu waa inay iska fiirisaa qulucda waxa ku jira intaysan ku wayso qaadan. Dalalka carabta waxaa jooga xoogsato badan oo kasoo jeeda waqooyi galbeed maskaxdiina snm ka dhaqday aaminsana inay wali edna aqoonsi ugu maqantahay, Markaad waydiiso sababta kaliftay hadaysan na doonayn waxa ay safka noogu ciriirinayaana ku oranaya gooww war bariiska un baynu ku doonaynaaye sanadkaanaa badhtamihiisaa ingriisku u fadhiisanayaa aqoonsiga somaliland اللهم ارنا الامور على حقيقتها آمين
-
Allaha u sahlo dhibkeeda askartaan dhaqanbay ku dhasheen lama dhaqan celin karo si sahlan
-
Kenya waa dawlad ka fakaraysa amnigeeda qowmigaa waxayna doonaysaa cid ay kala xisaabtanto xuduudka ay la wadaagto soomaaliya Soomaaliya waa qaran sariir jiifa kuna dhisan 4.5 igad baana faleebaha nafaqo soo celinta loogu dhiibay,ma qabo in cid hor istaagi kartaa jirto Xataa haday yiraahdaan kismaayo waxaan sawaaxili ahayn yaan looga hadlin Waa nalaga dhaadhicin waayay farawlaha ama strawberry'gu waa ka macaan yahay mooska (ilaahow daanyeer ha naga dhigin)
-
21 Ocbober 1969 - The Beginning of the End of Somalia
gooni replied to Jacaylbaro's topic in Politics
21'ok waxay ku timid masuq maasuq baarlamaankii dalka hareeyay taasoo ciidamadii dalku u adkaysan waayeen ayadoon dhiig ku daadana wey la wareegeen,sidaad kuligiin la wada socotaan Waxay aaseen qabiikii maracad baa loo xiray qof maydaa loo ekeysiiyay qabuuraha janaral d'uud baa la geeyay isla markiiba rag baa ka daba tagey oo godkii kasoo saaray subixiina waxaa lagu arkay ayadoo ciidii laga jafay mara guduudan ama cas'na loo xiray waana marada ilaa iyo hadda aan kuntanahay mudane iyo marwooyin Carabtu waxay tirahdaa (ayaama siyaad barre ayaama ciss wa sharaf) ilaa iyo hadana 21'ka oktoobar bay noo hambalyeeyaan haddaad tiraahdo dawladaa ka dambeeyyayna,waxaad ka dareemaysaa inuu caqligaaga quursanayo ducayna bilaabaan iyo in ilaahay na asturo Hadda yaanan oran waa fashilnay ee niraahno weli maanan najixin haray aan u socono siyaad bare naxariis aan alle u weydiino 21'ok' maalin xasuus badan waxaan xasuustaa anagoo yaryar oo boocdii tarabuunka sii hoos galna habaynimadii subixiina dhaxantu naga kacdo markii la gaaro ciidanka lugta iyo kumaandooska wonderful day indeed -
Mar walba carabtu waxay isku daydaa inay na barto qiimaha dalku leeyahay waxa loo taag la'ayahay waa anaga soomaalida Wey nasoo tarxiileen oo na diideen na kufsadeen hadana nalagama karo, maxay tahay sababta ku kaliftay islaan uur leh inay burco ilaa boosaaso ilaa yaman dooni ku marto?,,Marxuunkii ka dhintay ma boorso ay sidatuu ahaa? xataa meel joog ma oran waayay intaad labo qof noqanayso? Oba,,aduunka calool jileecii waa ka dhamaaday wuxuuna ku mashquulsan yahay sidii loo bad badbaadin lahaa gorilaha dalkiisa jecel ee sii dabar go'aya
-
Way wada hadleen siyaad barre iyo snm wuxuuna weydiiyay su'aal kaliya oo ahyd maxaad doonaysaan ama tabanaysaan oo qoriga u qaadateen xoogaabay aamuseen hadana madaxa isla galeen si loo helo caaqilka ugu aragtida fiican jawaabna siiya madaxweynaha Nin dheer oo shaati cad wata ayaa istaagay wuxuuna yiri madaxweyne xukunkaaga ma diidanin ee waxaanu doonaynaa jamhuuriyad yar oo iska qayisha sida jabuuti, wada hadal saxaafadu joogtay ma'ahayn laakiin goob joogayaashii ka dhex baara mujaahidiinta nool
-
Jreerka waa soomaali dhab ah minority maahan sidaan qabo tanzania kama iman, waa dadkii noo bixiyay soomaali ama soo mare, sidaan hadba geel u jiirsiinaynay. Waa dad shaqo badan dalkuna isugu mid yahay hadba meshay tagaana ku noolaada tuulana gaar u samaysayn,xoogooda iyo dhaqaalahoodana laga faa'iido kuna iibsada kaliya inay nabad galyo helaan Meelo badan oon laga aqoon jirin ama wabi lahayn oo mudug ugu horayso wey tageen si tartiib ah ayayna u dhex galeen ayagoo ka bilaabay dumarka qaylada badan iyo kuwa loo taag waayay,waana loo duceeyay markii la arkay marwooyin tartiib u socda. Timo jilicsan soomaali laguma noqdo dadkana lama naco, dad kama daro waa sababta gaaladu idiin qaaday adinkoo kaba kala gedisan wata
-
Khaliijku waxba kuma karsadaan marka laga reebo xoogaa mashwiyaad ah inta badan waxay u isticmaalaan shiisha lagu qaxweeyo,waana arin fool xun geedkaan harsan jirnay in tubaako lagu cabo Somaaliya waxaa ku haray geedo yaroo qodax leh iyo dad qodax leh,markaan yar yarayn waan roob dooni jirnay inta looxa madaxa saarano,hadda ardadii dugsi quraanka madax qoribaa u saaran bal dadka ha la badbaadiyo si geeduhu u badbaadaan Reer miyigii caanaha udgoon dhiisha ka shuban jiray ama cabi jiray caag aan gudihiisa la dhaqi karin baa nafi u gaysay xoolihii bac khafiif baa mindhicirka isaga duubtay,maanta markii roob da'o beri biyo ma leh dhulkaaba naga gaajo badan Dhalinyaradeenii dagaalada ka nabad gashay oo dibadaha aaday waa kuwaas dumarka lugaha ka leefaya,soomaaliya allaha hadeeyo wax badab baa si ah,duco iyo dadaal baa nala faray
-
Xaaji Xunjuf;874896 wrote: This victim mentality needs to stop ASAP. How long baad ku haynaysaan wala na laayey this is embarrassing. SuldaanXX baa caqli badan ee warkiisa ha la qaato
-
Lafahan dadkoodii lama yaqaano in ingriiska loo qaado mooyee,meeshii nin caddaana faarfaaraba waa iska ag fariisanayaan. Soomaaliya meeshaad martaba lafo dad baad ku kufaysaa ayagu miyayna soomaali ahayn?
-
faderalku waa faashad nabar buskooday ku duuban wax faa'iida ahna nooma leh mana buuxin karno sharuudaha looga baahan yahay
-
فرد عليه الاسد الشاب وهو كسير العظام : واولاده يا ملك الغابة ,, واولاده Xikmadda kaa qoslinaysa halkaasay ku jiitaa laba jeer buu kuceliyay,اولاده يا ملك الغابة ,, واولاده mahadsanid whyre
-
Sida shabaab u baxay waa inuu fedaraalkuna u baxaa si aan loogu gorgortamin shacabkaan masaakiinta ah, guusha runtaa waa taas sxb thread'kan in shalay la qoro yuu ku fiicnaa hadii kale wuxuu u ekaanayaa faras sii dhimanaya haraatidiis, C/wali casho sharaf sagootin ah ha loo sameeyo shaqo badan buu qabtay intii dawladu dhacday ka dib