-
Content Count
2,415 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
53
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by gooni
-
Mogadishu Federal Government Rejects Current Kismayo Conference
gooni replied to Mintid Farayar's topic in Politics
Waa hadal masuul oo macquul hadaad si fiican u akhrisaan haduu af soomaaligu idinku adkaado print'garee oo dadka waaweyn u geeya haydiin fasireene,shirku waa af duuban yahay dawladiina waa loo diiday niman kenyati ilaalinayo ayaa airpor'ka uga hor yimid,shir baa iska furmay reer gedo'na jidkay kusoo jiraan maamul kuma dhismo -
abwaan weydiin maayo tolku waa xamaadaysanyahay,dedeg badan baana ku jira waxayna u egtahay in faroole doonayo inuu jaranjarada dhaafiyo bal meeshay tagtiyo gobo'da aan dhawrno khaliif baa yiri allaha u naxariistee
-
Reer gedo way hadleen marka shirku ma wuxuu u furmay reer qooqaani iyo reer garoowe?
-
Abwaan;922350 wrote: :Dgooni, I really hope inaan dad dambe dagaal ku dhiman oo wiilashan dadka magacyadooda twitter in lagu samaysto naf ka raadshey ay dadku arkaan inaysan waxba qaban karin. Waan ogahay waxay ka xanaaqsan yihiin shaqooyin been ah oo loo abuuray bay weynayaan oo ummadda u dhexeeya. Mooga halla yaabin biilkii reeraha ayaa ku badanaya oo awal xafiiska C/Weli laga masruufi jirey, balse yaan u sheega oo dhaha "Waa la doogiye, yaan la dacaroon" Shaqadana hadde ninkii aqoonteed, waayo-aragnimo iyo degganaanshaheed leh wuu sii joogi shaqadiisa laakiin midkii awal jago soo arkoo ku imaaday waa iska lugayn, weliba hadda soo ma aadan arag in kuwii Wasaaradda Arrimaha dibedda laga rukhseeyey aan la ceyrin ee Wasaaradda Shaqada lagu wareejiyey bal inay shaqo iyo tababar meel uga raadshaan. Mooge, boowe meeshu jago soo arkoo ma ahan ee waa yaan wax qaban kara. Mooge waa wiil yar oo dhashay qaxii markii dagaalada sokeeye dhaceen jifadiisa oo dawlad isku sheegaysana wuu arkay,waxna kama yaqaan dhulweynaha soomaaliya iyo dadkaas quruxda badan oo isu wada eg oo ilaahay ku beeray waa bakayle intee ka le'egyahay u ku boori inuu mar walba wax barto waa hubaal inuu na anfacayo ugu dambayn Oodweyne waxaan oran lahaa mar hadii aqoonsigii la waayay is qoqobna waxba ku socon waayeen mujaahidiintii snm'na shaqadii laga cayriyay,inay godka isagasoo baxaan oo ciyaarihii gobolada wax ka abaabulaan Reer jubaland waxaan oran lahaa dhulkaas lixdan malyan baa ku noolaan karta inta is dishaan kenyati ha dacwoonina dawladiina dhaliila kana dambeeya, hadaan madaxa wada taagno kadabshiir baan noqonaynaa dudumaha ku xarooda.
-
Abwaan Reer oodweyne baryahaan dambe siyaasadda koonfurta aad bay ugu dhuun duleeleen golihii snm waa lasoo koobay wax yar oo burcada shishe u badan baa lagasoo reebay sow idaacadah lama socotid? Madaxweynaha umadda xafidullah cidina cay wax kaga qaadi mayso adna waa ina adeerkaaa anna waa madaxweynahgii wuxuuna ku mashquulsan yahay safaaradihii reer yurub oo ooda soo goostay meeshii la dajin lahaa iyo qurxinta bilicda muqdisho Heesahan kismaayo oo reer barigu qaadayaan iska dhagayso,aakhirka markii wixii malagoodu galo dhintaan magaalo soomaaliyeed bay noqonaysaa
-
Aniga laftaydu waan maqlay puntland lug xoog leh bay ku lee dahay morgana shalay galab buu ka degay kismaayo Hadaayada alla iska leh lakiin lama sheegin puntland oo shir daacada inta qabatay miro fiican laga cunay
-
Odayaal hadii la yiraahdo reer caabudwaaq iyo reer qabri dahare iyo reer badhan iyo reer gaalkacyo talada yaan wax laga siin dad yar oon la af garanayn baa meesha kusoo haraya 100 sano ka hor cidii daganayd waxba kama noola runta ha la isu sheego dalkana aan ku wada noolaano si siman oo talo wadaaga federalkana ha laga ducaysto iyo s*****isaba
-
Wixii dhacayba nasiib daray ahyd, intii dhimatayna allaha u naxariisto,saldhigyada boliskana ma'ahayn in qabiil lagu maamulo,waayo cidina yeeli mayso wiilkaagii reer hebel buu u xiran yahay maamulkana waxaa ka horeeya in qodaxda layska qaado si daacad iyo dadnimo ku jirto, haday taasi adkaato waxaa cadaanaysa in federalku dhib la yimid somaalidu waxay ku maahmaahdaa geel iyo kaluun xero ma wada galaan Wiilasha ha lasoo aaso, intaan kuwa kale god loo laadina federalka puntland ha la weydiiyo, iyo sababta ay ku diideen inay saminaar u qabtaan walaalahood raaskaanbooni iyo caanoole oo isku duuban,una sharaxaan faa'iidada federalka iyo dhibaatada gudniinka fircooniga.
-
Waxaa la yiri maalinbaa wiil yar hooyadii ku yiri hooyo waxaan arkay nin inta kaadshay dhulka isaga tirtiray markaasay tiri iga aamus mindhaa alla ka googii ku dhalay baan dhul isaga tirtirine
-
Madowga wixii gacan ka hadal ku dhinta waa soomaali,waaba carab casiir la dhuuq
-
Carabtu waxay u qaybsantaa bad joog iyo ban joog, ama xadari iyo badawi, sida soomaaliduba ugu qaybsantahay waxaana dhaqanka ku fiican badawiga waana reer guuraageena oo kale aan is layn shar iyo khayrna way leeyihiin miyi iyo magaalana way joogaan Xadarigu waa reer xeebeed sir badan waxaana laga yaabaa inuu sonkorta milix kaaga dhigo in la iska ilaaliyana u baahan Ciraaq caasimadda koonfureed ee basra siiba cashaar down town'ka hoose waxaa ku yaala tiirar ama camuudyo naloogu sheegay in dadka madaw oo afrika laga keeno lagu iibin jiray waana meeshii ugu horaysay aduunka oo qof madow lagu iibiyo,dadka madow oo koonfurta ku noolna waxay u eg yihiin geeska africa siiba canfar ama soomaali wayna aamus badan yihiin oo taariikhdooda waxba kama yaqaanaan Soomaalida hadaan yaraanta lagusoo xadin way adag tahay inay rabaayad noqdaan ama daka ku dhex milmaan meel dheer bay kaaga muuqan ayagoo sanka farta kula jira carabtu waxay ku oran (anta somali markaad tiraahdo nacam bay ku oran caraftak) asaga yaqaan siduu kugu gartay!!! Waana dad aad wanaagsan siiba markay dhulkaagii kuu tarxiilaan kuuna sheegaan in dhulkaaga aad adigu iska leedahay cidkugusoo duushayna aysan jirin si aad catowga uga fogaato iyo qaxooti baan ahay waxyna ku maah maahaan (sabur dabiib) ama saburku waa dhakhtar,
-
Kaliya isku ma aysan dhex darsamin ciidamada, ee sidoo kale dareeska ayay isweeydaarsadaan, waxaadna arkaysaa askar xiran dareeska Raaskaanbooni, halka aad arkaysid ciidamada Raaskaanbooni ka tirsan oo xiran dareeska tuutaha ah ee ciidamada militariga Ilaahay ha isku dhex daro..raas koomboyinka maxaa u diiday inay tuutaha la qaataan walaalahood?mise kenyatigaa u diiday?
-
After 50 yrs of life, Somali Immigrants Suffering in the Arab Countries (UAE)
gooni replied to Jacaylbaro's topic in General
شرقاً أو غرباً ، الوطن هو الأفضل Dagaalkii koowaad iyo kii 2aad waxaa soomaaliya kasoo dhoofi jiray soomaali koooban oo mutacalimiina una badnaa reer gaalkacyood markoodii horana cadan soo maray carabigana si fiican ugu hadli jiray,ka dibna khaliijka usoo gudbi jiray nin isku ilooba iyo nin ka shaqaystaba,waa dambay reer waqooyigu iyoo reer koonfur soo galeen waana markay qasantay oo soomaalida la bartay Si kastaba 50,sano oo dhul gaalo ku noolaado waxaa u dhaanta asagoo saxraha masa lugaleyda ku cuna dhagihiisuna adaan dheer maqlaan -
White star in blue;906923 wrote: Madaxwaynuhu waa caqliloow waayo wuxuu keenay PM dadkii hore ah oo sariiganaya. Alla mindhaa muxuu hoosta ka gubanayaa Mr. Saacid. Xasan qoslaaye weli waa qoslayaa! Ever-smiling president. Waa siriiganahaya iyo waa qoslahaya iyo waa gubanahayaa intaas waa la gartay mudane ama marwo? See u aragtaa 100'ka maalmood ee dawladu jirtay aragtidaada? Anigu waxaa qabaa xogaa ha loo wakhti dheereeyo ka dibna ha la bilaabo dacwadihii guryaha iyo beeraha,haduu kasoo bixi waayo shaqadii loo doortay oo ahayd inuu midnimadeena ka shaqeeyo hantidii gaarka ahayd iyo tii guudba u guntado sidoo loo soo celin lahaa, wax barashada iyi imtixaanada meel kaliya laga maamulo, masaajidyada caasimada adimkooda la mideeyo imaamkana wasaarada diinta laga soo diraa oon cid kastaa caruurta duufsan Kooxdii waa bari wixii ka nool waa inay taqaacud ama hawlgab noqdaan oo dhalinyarada booska u baneeyaan Hadii wax u kala socon waayaan mudane saacid waa inuu sida ugu dhakhsaha badan qardho u tagaa xilkana wareejiyaa si ay ayaguna sawiradii ngo'yada meeshii uga sii wadaan meeshuba waa 4.5 kursi la seexan karo villa wardgiigley ma yaalo
-
Soomaalidii horee iyo kuwii dhexe waxaa laga heli jiray dad dhaqan yaqaan iyo hal abuur leh, kuwa hadda jooga dhaqan iyo maah maah iska daaye waxaa laga kari la'yahay surwaalkaaga kor u qaado. Maah maahda waxaa loo adeegsadaa meeshay ku haboon tahay ama way kugu soo dhacdaa markaad mudankeeda la kulanto Waxaa laga ilaaliyaa deel qaafka ama erayada xun xun oon hagaagsanayn,qaab ahaana layskama yiraahdo adigoon u fiirsan, raggii horee ma soo qaadan jirin maah maahyada aan miisaanka lahayn haday ku maahmaahaana way ka cudur daaran jireen intaysan oran, ama waxay ka dhigi jireen sarbeeb aan toos loo tilmaamin waxaa ka mida kuwa ugu cajiibsan KORTAG NINKII GARANAYA INUU WAAGU BARYAYO YAA FOGEEYA Waa maah maah miyi ama reer guuraa macnaheeda caadigaana waa kala fogow hadaad xaajoonayso meelaha dadku degan yahay waayo reer miyigu ma laha restroom sida reer magaalka, maahmaahduna meelna kama tagto laakiin si asturan baa loo isticmaalaa ama sarbeeban Sidaa daraadeed maahmaahdaan waxay u isticmaali jireen inay ka fogaadaan wax kastoo ceeb iyo magac xumo u keenaya intuusan waa ku baryin
-
Guriga ragii haystay waxay sheegeen inay u hayaan gurigiisii iyo waliba kiradii oo u ururtay asagaa laga la'yahay inuu xamar yimaado Waxaanse kula talin lahaa inuu nabadoon axmed diiriye telefon u diro lana tashado intuusan xamar tagin ama iska sugo doorashada dambe
-
Ilma habreed, iyo ilmo eedo, iyo ilma adeer, iyo oryo walaal, ilma abti, kuligood waa ila saxan yihiin waxaa ila khaldan (habar wadaag) oo macne kale samaynaysa tusaale Hadii oday habar soo furo oo oday kale guursado soo habar wadaag ma'ahan?
-
Hic dhuur dheer caloolacad caloosha iiga kac deefow helikalyo mukayle dhariyow buq koosaar ban eyle qoob yaxaas hoyan ayrab dhoqor dhagran
-
galbeedi;902024 wrote: Markii shirkii Carta la regeyey ayaa Allah ha u naxariistee Cigaal waxa u yimid Mohamed abshir Haamaan talana waa la isla meel dhigay. in Baarlamaanka carta lagu soo doorto cigaal loo keeno, oo la yidhaahdo idinku lixdankii baad noo keenteen anaguna hadaanu wadnaa ee wax ka yeel , madaxweyne noqotayaa wixii kaleba, caasimad nabad ah waad joogtaaye. markii dJIBOUTI LAGU DOORTAY BAARLAMAANKI C/qaasim iyo rag kale ayaa la aaday hotel xamar ku yaala oo xabadi wiifta ka dul hayso. markii 20111 kii Shariifku taangiga unisom ku dhuumanayey ayaa oday waayeela oo saaxiibkay ah oo reer hatgeisa ah ayaa yidhi " adeer maanta ninkani sow kursi dhiigle kuma fadhiyo, haa, ma saldanad uu luminaya ayaa jirta hadii uu kursiga ka dego , waa maya. hadaba adeer hadaad tidhaahdo maanta bahashn aynu qaado oo siday u dhan tahay aynu Hargeisa geyno, kaa yeeli maayo. sidaa uu diyaaradaha u raacayo eee madaxweyne la lleeyahay waxba ugama damayso. dhamaantood waa sidaa. kurbaba ma hayso. nin jawhar iyo baoidhabo ku dhashy aragtidaa dheer ee umaddan geeska joogta ma garan karo. dawladnimadii reer woqooyigu keenan ma garan karo. Hargaysa waligeed diyaar uma noqon inay somaaliya hogaan iyo caasimad'ba u noqoto suurta galna ma ahan inay qof xanuunsan daawo iyo raali galin weydiiso Kursiga hadii muqdisho laga qaadana baddu soo durki mayso galbeedow Marnaba awoodeedii way yeelan waayeen,cidina madaxa ka dhukan mayso madaxweyne afrikaana diyaarad uma raaco siduu saldanadiisa u wareejiyo walina lama maqal xataa haduu dhiig ku fadhiyo,ayagay u taalaa inay qoys aan darajo xidhan karin noqdaan,ama qaran darajo leh Cigaal alha u naxariistee tolka wuxuu kula dardarmaay inaan ingiriiska laga hadhin ilaa uu dib u aqoonsado s/land, wadani qowmiyad balaaran jecel kuma maqal,haday wax kale jiraana allaa og. profosor samatar jaamacada camuud mar un ha booqdo snm iminka aad bay usoo dhawaynaysaa
-
Galbeedi waa fikir ku noqosho u baahan inaad u aragto in somaliland ku taalo bartamaha scandinavian,soomaali waa soomaali bari iyo galbeed koofur iyo waqooyi kuwa istiqraarka helay ama nabada, alaha u siyaadiyee wakhtigoodii waxay ku lumiyeen siday ugu heesi lahaayeen calan aan aduunku aqoon u lahayn,wiil ama gabar gaajaysan oo macaluuli hayso hadii tv'ga laga daawadana la odhan maayo waa reer koofur ee waa soomaali aydana xisaabta ku darso saaxiib. Profosorku wuxuu is lahaa waxaad tagaysaa ama hogaamiye sare ka noqonaysaa meel dhisan ama miami geeska africa ku taala in badan buu idaacadaha ka hadlay wadankana ka maqnaa xaqiiqda dhabtaana lama socon,markuu dhaxamoodayna waraaqihii hiil qaran hiil qurun bay noqdeen,si kastaba nin aqoon leh waa loo baahan yahay xataa haduu wareersan yahay Tan caasimada hargaysa, caasimad ma noqon korto waayo xaduudkaa ku dhaw laas caanood baa igala macquulsan
-
Profosor'ku waa nin hadal macaan markii idaacad laga waraysto laakiin laba waayar oo muhiim ah yaa maskadiisa ka maqan Shacabka waqooyi asagaa afduuban wuxuuna u baahan yahay nin adag wadani ah calaacal iyo calool jileecna aqoon,waan qadh qadhay iyo kilaygay baan noqday sumacadiisa waxbay u dhimaysaa,marka danbana wuxuuba gaari doonaa in idaacad soo wacdaba la waayo
-
100'maalmood iyo boqol sano'ba way adag tahay in la arko dawlad loo dhan yahay oo qabiil kastaa ku jiro Madaxweynuhu waa nin macquula xog ogaala siiba arimaha gudaha,khudbadii uu ejeediyay ardada jaamacadda muqdisho dareen fiican bay lahayd iyo rajo wanaagsan Qurba joogtu mucaarad kuma fiicna xafladaha arooska iyo maamul goboleedyada hanoo badiyeen
-
Xaaji Xunjuf;892378 wrote: Gooni hadad ogitihid qof cadalaad daro sameyey oo dad masaakin ah laayey dee so dacwee oo cadayn keen oo maxkamad uga yeedh , laakin ha odhan dadki wax laga dilay ha iska amuusan. its for you to bring them to justice haday wax ka laayeen. Suldaan hadaan ogahay cid loo dacwoodo dad badan baan dacweyn lahaa oo siilaanyo ku jiro marnaba uma tageen garyaqaan reer galbeeda oo leh hadaad kufto nasoo wac ama baraf ku daqro si aan wax kuula qabano,shaqaala'aan iyo boob baa jira ninyahow, Waxaan xasuustaa anagoo dhalinyaro ah yaa waxaa naloo diray tababar dawladii dhexe markaan mudo joognay yurubta bari yaa mid nala hurday subixii snm noqday markaasuu yiri war anigu yurubtaa galbeed baan iska dhiibayaa! waxaan waydiinay oo waayo? Markaasuu yiri dalkii ku noqon maayo iyo afweyne! waa kow, maxaad samaynaysaa marka? waxaan odhanayaa feedhahaa dabka iiga yaala waa lay toojar gareeyay,waxaan ku niri saaxiib gaaladaan lama siri karo dabkaana way garanaysaa in sedex jirkii markaad yarayd ood ciida cuntay dhaqan ahaan laguu gubay ee wax kale u sheeg, taasi waxay ku tusaysaa inaan hal dhinac kaliya wax ka shiilayno saaxiib by the way heesta calanyahow waa ka helay abwaan xasan ganey xagee ku dambeeyay? ma noolyahay?
-
Ahmed the restaurant owner in Mogadisho channel four reports
gooni replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
oba hiloowlow;892524 wrote: abwaan its not about fuleynimo we have to be realistic here who will take care of my family and play my important role hadii teyda gashho? Ninka raga ah aa dhashaa aana dhindhaa eebow meesha ka shaqo tag caruurta iyo xaaska wax kuu illaaliya la waayi maayee -
Abwaan;892321 wrote: Gooni, anba waan la yaabay sheekadaan. Dulmiga Soomaaliya ka dhacay waa ka weyn yahay mid qof iyo labo dibedahal aga dacweeyo. My argument is Soomaali caddaalad weli ma barane Ilaah ha loo daayo aan waxba ka qarsoonayn. l mudug In la xisaabtamo cadaalad laysku waraysto waa arin wanaagsan laakiin sidaad u sheegtay qabyaaladeenu waa indho la'aan ayadiibaana keenaysa in cid danbi gashayba nalaga waayo qaybdiid waa madaxweynaha galmudug oo xaqa ah,cismaan caato waa ganacsade aan hotelka kasoo bixin riyaale wakaaladda biyaha ayuu u shaqayn jiray, cabdilaahi yuusuf allaha u naxariistee waxaan lagu abaal mariyay madax weynaha soomaaliya,hiiraale iyo yalaxow waa xildhibaana matala qabiilkooda halkaas waxaa ka muuqda in la is cafiyay SNM waxooda waa is tus iyo xniinyo taabad garaamka gaalku bixinayo cid kale uma ogola,catowgay iska jecel yihiin iyo ingiriis dhala iska dhiga Meel kasta oo soomaaliya ku taala dadkii dambiga galay waa joogaan,markii salaadda la adimana qof kastaa masaajidkuu galaa,xisaabta alle' ha loo daayo sidaad u sheegtay abwaanow