gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. Xiin,,, ma xigmad baa iaga maqan mar hadaan reer bari ka shakiyay xaaji,, Reer barigu waa dad wanaagsan ilbaxnimo qadiimana way leeyihiin waagii horee ninkii surweel qaata, gaal baa la oran jiray. gaalnimada mid saa u fog maahan waa saleebaan gaaloo kale iyo faarax faranji Geella reer bariga lama kaxeeyo waa lala hadlaa waxaa lagu yiraahdaa Is banbaani, markuu buurta fuulayana xejiso,sayidkuna arintaas ayuu aad uga carooday nin geel jecel buu ahaa allaha u naxariistee ciidana wuu ka waayay,, gabayadiisuna way badnaayeen cidna ma cafin jirin reer adeerkaana duriyad uguma yeeri jirin sidoo kale Daanyeeru malaysan korin dani ma jiirsiisay ma duleeyay reer bari wuxuu doonayuu helaye
  2. Reer barigu sayidkii ma amaani jirin meelna uguma magac darin weligood, iskool qardho ku yaalana ha ahaatee! Waxaase is weydiin leh jacaylkaan kusoo boodada ah iyo sawiradaan aan horay loo arag?,,,maxay tahay waxaan ay karinayaan oon qiiqa lahayn?
  3. Mar hadaan helnay madaxweyne fiican (xafidullah) waa inuu asna helaa raysul wazaare wanaagsan caadifadaan isbahaysigu waxba macno samayn mayso,waa soo kabanaynaa insha allah
  4. Waa siduu gabal u sheegay waa shinbirayahow heesa waliba hees wanaagsan laguma hayo Xalaal dharaar baa la qashaa, deg degaan indha la'aanta iyo reer caabudwaaq ha laga cararo reer godayna wafdi ha looga yeero doorashaduna intaan korontadu tagin ha la qabto dastuurkana kan kenya ha la waafajiyo inaysan caafimaad keenayn cid kastaa waa u jeedaa.
  5. Che -Guevara;933591 wrote: ^I am not sure why you quote me. I have no particular interest in any of this. Waa kalmadaadu tixraacu ghe- ninka faraska dheereeya fuushan weeye gogol xulku oo aniga iyo adigaba naga tagay intii ay is xigeena u yeertay. xiin awoowe gacaliye tan hal tuurashada waa dan, xafiis ma lihi garab rarataan ahay intaan ka gaari karo yaan ragayga iyo gabdhahayga ku dhex tuurtaa tan horumarka jubooyinka ma qabo qof biyo soomaaliya ka cabay xiskiisu dhan yahay inuu kasoo hor jeedo ana ka mid baan ahay tan cuqdada nin weyn baan ahay sodonkii wax baa ii dheer waa inaan wax odorosnaa hadaan warlord tolnimo dawlad ugu dhisno sida hawtul hamagga yaan dabka ku daadanaynaa tafaraaruqna naga bixi maayo Bal odoros adiguba intaad in yar farska ka dagtid Hadii tolkoo dhan laysugus yeero inta kenyatigu nala joogo madaxda sare loo magacaabo ragii soo hal gamay madaxweyne barre hiiraale ku xigeen ahmed madoobe hogaanka baarlamaanka ina af gaduud shacabka laga tirada badan yahayna waa inaan gambar laga dhigan oo loo ogolaadaa inay xafiisyada dawlada ka shaqeeyaan intaasu markay isugu kaayo duba dhacdo hadii alla idmo ma u malaynaysaa in faroole booqosho ku imaanayo dawladda jubada sare? Bal odoros xiriirka ka dhexeeya si fedaralku u hir galo gal mudug iyo puntland khaatumo iyo snm,ximan iyo mareeg state. ANAAS ACDAA'U MAA YAJHALUUN. cali bin abi dalib r/c.
  6. Che -Guevara;933552 wrote: Xiin is on fire. Habar wacashadii baa ka dhamaatay iyo aaway reer tolkey Natiijadu sawiro maahan iyo xaflad islaamo ka baraanburaan hadafka soomaaliya waa inuu noqdaa hanweyni iyo midnimo toban madaxweyne qabiileed ma u malaysaan inay reerka meel doogle gaynayaan? faroole iyo snm galmudug baa la'layahay meel lagula shiro,ka warama hadii sideed kale lagu daro? sow hala isla waasho maahan? mise dad aqoon aad u badan leh baad tihiin oo reer galbeedka wax ku bartay oo meel kalaa wax idinkaga muuqdaan? xagee buraashadu ka dalooshaa?
  7. For some travelers, getting off the beaten path is a point of pride, a way to see the parts of the world that don’t make it into glossy guidebooks. But how many of those same adventurous travelers would be willing to visit, say, Somalia? About 500, it turns out. At least, that’s how many tourists found their way to the war-torn east African nation last year http://en-maktoob.news.yahoo.com/least-visited-countries-in-the-world-201146242.html
  8. Waa nafaqo dibad joog, tii ugu fiicnayd thank you mooge Wada hadaladii ma burburin wali rajo fiican baa jirta sadex maalmood bay qabsadeen jabhadda kenyaatiga la socota. Raysul wazaaruhuna wuxuu ugu jawaabay take you time xataa 20 cisho shir aysan dawladu hormuud ka hayna waa shimbirayahow heesa Tanaasul fiicana waa muujiyay asagoo madoobe u sheegay inuu gudoomiyaha kismaayo noqdo mudo lix bilooda inkastoon aan shakhsiyan aamin sanahay kismaayo iska daaye inaan xataa doon jabtay lagu aamini karin si kalsooni fiican loo helo Gobalada kalana gudoomiye mid walba loo magacaabo si la mida wada shaqayn u dhex marto la xoreeyo inta maqan ka dibna shirweyne balaaran oo sharci ah laysugu yimaado shacabkuna masiirkooda u helaan ayagoo dawladooda aan hor jooge usii marayn.
  9. Genaral saxardiid ma mid si gaara loogu kalsoonyahaa? sow asagu ciidanka dawladda maahan see u garab socday? Waxba dhici maayaan idan alla xataa haday via afmadow dagaan,adinku shakiga iska saara
  10. Mushkiladu aragtidayda haday aqoon kastaa jirto qabill baa loo lug xirnaanayaa Hadii raysalwasaaruhu reer af madow ahaan lahaa reer gedo waxay oran lahaayeen asagoo garbasaartii caasho wata yuu noo yimid waxna ka akhrisan mayno,ama calasow baa warqad usoo dhiibay waa ha iska daba wareegto,hogaamyaha jabhadu waa nin soo halgamay lama tuuri karo iwm. Taageerayaasha snm waa dad maaweelada jecel meeshii riwaayad ka jirto'ba ,xataa hadaysan af garanayn,ama ayagaa noo matala hadaysan qaadiraysnayn, lafiheenii jasiira,lafa kalaa lagu dhex daray hanalooga sooco,,it is entertainment for them
  11. Xaaji Xunjuf;930313 wrote: ^^ Gooni marka ma waxad leedahay kuwa reer SL eeh jooga xamar wa iska maqar saar waxba lama weydiyo:D Maya xaaji waa rag sharaf leh oo qiimo badan balse nadaamka soomaali diidka yaa laangaab ka dhigay good night saxiib sac'baa qoobka igu hayee
  12. lahjada waqooyiga haduu nin kugu yiraahdo tani waa gabadhayda haku khaldamin waa xaaskiisa haduu ku yiraahdo islaantii baynu isa soo laynay islaan kale maahan waa hooyadiis.
  13. Carafaat;930277 wrote: Saxiib, wee jiraan rag kasoo jeeda waqooyi oo isku so sharaxay madaxtinimada Somalia. Prof Samater is one of them, laakinse si cad ayaa loogu yidhi qabiilo gaar ah ayaa isku so sharixi kara madaxtinimada. Way dhici kartaa saxiib wayna dhacday waayo meesha hadda la joogo waa laandheere iyo qabiil system aqoon looma gudbin,dadkii uu matali lahaana waxay xayndaab ugu jiraan snm oo oranaya way soo baxsadeen, waxayna mutaysteen xarig, xeerka snm qodobkiisa 4aad, firqada lixaad, ciqaabta carqqaladaynta aqoonsiga somaliland yaa lagu qaadayaa iyo waxaan macno badanayn Nin iyo labo iyo sadex waxba qaran balaadhan uma noqon karaan adeer ayadoon qabiil laga xoroobin ama lagu xoroobin.
  14. Xaaji Xunjuf;930064 wrote: Gooni ina Ismaciil Samatar waayoo sawki u tartamayey jagada madaxweyne nimo sanadki hore sideed marka u odhan karta hogaamiye woqoyi ka yimi uma tartamim madaxtinimada Somalia? Samatar isku day fiican buu sameeyay arimahuu ka eed sheeganayana waa gogol xaadh mustaqbalka ma uusan fashalin laakiin wali ma najixin Waa sax waa nin waqooyi balse reer boorama soomaali diid ma'ahan waxa laga hadlayaa waa snm.
  15. Carafaat;929820 wrote: Gooni, you may disagree with the style or approach of Northern politicians but at the end of the day, its the people who have put them in power through 5 democratic elections ( one man one vote) and its the result of their action that counts. And it seems to me that since 1991 they (Somaliland politicians) have done a pretty good job in getting their message crossed to their people and align them behind security, peace, stability, governance and development. They havent called in the outisde support of Ethiopian and Kenyan troops, Amisom troops, South African merceneries, Alien jihadist, Turks, foreign navies to fight piracy to guard their coast or other foreign entities to do their job or carry their responsibility. This doesnt make them free of mistakes nor free of needing assistence or Aid. Laakinse marka ledihid Qaran ma hogamin karaan iyo kalsooni ayaa ku yar, bal no sheeg Siyasiga Koonfur jooga ee Qaran hoogamin kara iyo maanta si kalsooni buuxa wadankiisa iyo dadkiisa dhex degen? Saxiib, Xaasidnimadu ma fiicna oo Xaasadka uun ayee jar ka tuurta. Marka iska ilaali oo jar ha ka dhicin. Taasi waa iga talo. Carafaad ma jiro qof kalsooni ku joogi kara koonfurta wuxuu doonaba ha ahaado mowduucu saas maahan saaxiib waxaan ka hadlaynay waa qof usoo is taagay hogaamiye qaran oo waqooyi galbeed ka yimid ma la maqlay mase la arkay 22'kii sano ee lasoo dhaafay? Mar kale laga hadli maayo qabiil calan samaystay iyo xerta suufiyada,,,waa hogaamiye qaran again? koonfurtu talo mahayso laakiin khayaalkoodu waa waasac marnaba laga maqli maayo ilinta ha layga tiro Waa talo fiican saaxiib xaasid iyo xaqiir lama noqdo mana ahi, Adigana aan talo ku siiyo dagaaladii sokeeye cid xoriyad ka heshay ma jirto sheekada marwada mujaahidku ka dhintay soo af jara,wadanka hogaan kiisa ka qayb qaado adigoo xor ah.
  16. Waxaan aad u dhagaystaa TEV'yada waqooyi galbeed waxaana ugu wacan waa dad dhaqan iyo af tahanimo leh,isla markaas waxaad dareemaysaa inaysan owood u lahayn inay qaran aad u balaaran hogaamin karin, kalsoonidooda oo aad u yar darteed Waxaa iigu yaab badan markaad dhagaysato ragga ay ku sheegaan ruug cadaa siyaasad gaamurtay leh tusaale Wariye su'aal mudane waran case see u aragtaa arimaha wada hadalada soomaaliya? Jawaab anagu soomaali ma nihin ee soomaaliland baan nahay Su'aal wariye ka waran cilaaqaadka ingiriiska oon baryahan hagaagsanayn? Jawaab ingiriisku nama nicin wuu naga yara cadhaysanyahay,waxyaabo badan oo loo baahnaa inaan u samayno yaan kala yara daahnay Su'aal wariye muxaad ku diideen shirka london? Jawaab waxaan ku diidnay anagoo soomaliland oo oo ingriiska sadex ka tirsana ayaa nalagu yidhi ahlu suna kursi la fadhiista Su'aal wariye maxaad ula jeedaa sedex ka tirsano mudane waran case? Jawaab dee david camaron baa inan yara oo na garanayne boqorada bari aanu taagnay way noo mahad celisay halgankii dheeraa ee reer somaliland u soo gashay difaaca ingriiska waayo lafaheenu waxay yaalaan inta u dhaxaysa fiji ilaa kampala wayba na weydiisay ragii soo dagaalamay qaarkood where is omar! Su'aal wariye maxaad kula dardaami lahay shacabka soomaaliland oo ku daawanaya? Jawaab waa inaynu is difaacnaa ciidan iyo hub nagu filan waynu haysanaa walaalaheen ethopia'na wayna garab taagan yihiin Wariye mahadsanid mudane waran case Jawaab adaa mudan adeero
  17. Waa sax ilaa 7000 oo ciidan kumaandoos ah waa ku jiraan kismaayo markii gabdhaha lagu daro,waa sheekoonyinkii aan ku shaah cabi jirnay 90'kii walina kismaayo lama xorayn natiijo ma leh owoowe dagaal sokeeye,ciidan aan sharci xukumin nabad aad ku seexato kuu keeni maayaan maskaxda dajiya bal koob caanaa iyo wax ku dhufta.
  18. Xaaji Xunjuf;926959 wrote: Well Somaliland will do everything to secure their national interests in the region and beyond the region, i think we should not let emotions interrupt the policies of Somaliland. If Somaliland can have dialogue after 21 years with the rivals next door, than i am sure they can have have talks with any one including the Jewish state. I thought somali language can fit indirect words i'm not talking police and snm,it is deep love that snm writers to the tel aviv and they want to make somali national jewish lovers which is ridiculous Ha, fogaan saaxiib urdun ku ekow notional interest wali maadan gaarin.
  19. XX..police'ku wuxuu yiraahdaa hadaad war suuqeed maqasho waxbaa ka jira ama wax siyaado ah baa lagu daray ama wax siyaado ah baa laga dhimay Malaga yaabaa hadafku inuu ka fog yahay reer binhaashim, oo urdun dhacdaa dariiqa loo maro tel aviv.?
  20. Fedaralism waa siraac ama khilaaf cusub,sodon sano jiil aan iskool aadin fedaraalna maqal dagaal iyo barakac ku jiray hadii la yiraahdo intaan reerkiinaa gaar u leh waa dameer kula galgalay Soomaaliya waa inay dastuurkaas u codaysaa mar kale waliba sida ugu dhakhsaha badan,diin dhaqan af, iyo midab, dhan kasta, yaa waraaqo u sameeyay qof walbaa iyo meeshuu ku dhashay? kan baydhabo ku dhashay xataa haduu qarwo asagoo hurda waad af garanaysaa iska daa mid waqooyi iyo bari ku dhashaye.
  21. Well done sidii ajnabigii baa loosoo dhaweeyay puntland maxay dhalinyarada garaado ugu toli weyday?may odayaasha suunka ka dabciyaan mise muqdisho kaliyaa taqaan sida loo tolo?
  22. Soomaaliya qabiil iskuma raaci karto qabiilna isma raaci karo tusaale waxaa kuugu filan kuwana xabishaday dhaanto kaga qosliyaan kuwa,kalana waa mujaahidiin dhab ah cid fahmi kartaa ma jiro ayagaana is dilaya Waa isku wada raad runtii,tan kismaayo wax dhiba ka dhici maayaan insha allah,dawladoodaa u talin jabhadahana ciidan qaran u badeli doonta,si mid walbaa uusan u oran kismaayo kaaadiyadaan usoo cabey.
  23. Waa madaxweynihii ugu horeeyay oo xogta dhabtaa la socda wadankana ku noolaa mudo dheer hadaad dhagaysan lahaydeen khudbadii u ka jeediyay jaamacadda muqdisho shakiga waxaa keenaya nidaamka qabiilka ku dhisan oo la doonayo in dalka lagu kala jarjaro Waxay ila tahay wakhti la mucaarado lama joogo wali waa dawlad cusub, marada kor haloo qaato calaacalka iyo catawga ha layska daayo iyo haduu cabdiwali joogi lahaa waxaasu naguma dhaceen,waa siyaasad maalinba geed bay harsataa lama qaban karo midnimadu waa muqadas
  24. Soomaalidu waxay jeceshahay xafladaha wadaniyadoodana qabiil baa qariyay mana yaqaanaan sida loo kala dambeeyo,batatan Sinaan waxba laguma xukumi karo lakiin cadaalada waa loo sinaan karaa,waa in lakala dambeeyaa maalinba qabiil horeeyaa hadaan sidaad jeceshiin u dhigo kismaayo dad soomaaliyeed baa ku nool dawladoodu ha u taliso si kastana qabiil soo duulaya ha u fadhiyin salkaa lasoo taabtay
  25. Dadkii ka dhintay nimankaan dacwada oogay allaha u naxariisto dawlad isku dhafan baa amar la siiyay laga yabee dadkii laayay inay hargaysa joogaan ayagoo dawladii kacaanka u shaqaynayay,cali samatar xaq buu u leeyahay in dawlad kastoo dhalato difaacdo waayo waa halyeey qaran waxaana u fiican inay soo af jaraan oo xataa dhaqan soomaali mag dhow weydiistaan tolkiisa