-
Content Count
2,415 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
53
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by gooni
-
Mar haduu qirtay inuusan lahayn guriga waa arin wanaagsan Somaalidu waxay tiraahdaa hadaad aragto qof calooshu kasoo dhacday gar ha siin waxaa laga yaabaa in kii kale dhintay Asagana ha la dhagaysto wuxuu ku andacoodo bal inuu yiraahdo gabar baa iigu dhalatay sidii oday axmed iyo in kale.
-
Dr faroole hogaamiye afrikaan ma'ahayn adeer hadaadan kaftamayn Madaxweyne qoys buu ahaa ina adeerkiisaana badelay waana loo hanweyn yahay dr cabdi weli ilaa bari galbeed iyo hiiraan inuu noqdo hgaamiye afrikaan
-
Shirkii u socday DF Somalia iyo Somaliland oo Maalintii labaad galay
gooni replied to malistar2012's topic in Politics
somalland waxay ka faa iidaysaa shirkan musaqbalka markay ingiriiska u dacwooto inay ku dodo dhawr jeer baan is hor fadhiisanay waana heshiin wayna dawladda soomaaliya yaa sheegi waxa qoladaan fedaraalku ka faa'idayaan? -
Reer guraagii caruurta watay aad buu u qrux badnaayeen ficlan, dadka qaar sanadka cusub tufaax bay heleen qaarna geed qalalan,,, khayr allaha ka dhigo
-
great news for all waxaa muuqan karta inay soomaalidu hadda diyaar u tahay in in dawladda laga wada qayb galo si aan cid gaara hadhow loo eedayn waliba waxaa fiicnaan lahayd in 150 la gaarsiiyo dawladda risiqa ilaah baa bixiyee liido halagu wada dabaasho
-
In Mogadishu, Loud Prayers Against Faroole Win in Puntland
gooni replied to xiinfaniin's topic in Politics
Dr xiin,, soomaalidu waa geel jir iyo ari jir dhaqankoodu halkaas ayuu ku arooraa gubaabintooduna way sahlan tahay hadii la tuso cadaalad daro Qiil kuu noqon mayso umad nabad jecel oo karam iyo karaamo leh inaad uga faa'iidaysato sidaad doonto ama talada ugu saraysa jifo kaliyaa iska leh. Aqoon yahanku caadooyinka xun xun wuu badeli karaa haduu geesinimo iyo wadani nimo la yimaado xeeradaan sedexda nin kaliya ha laga dhex qaado intay goori goor tahay Ku dayo puntland haday sidaa noqoto calasow'na jilicow badelo,kaluunki weynaa kii yaraa cuno qaran lugo fiican la heli maayo aragtidayda Gabaygaan waranle waa gabayadii qarnigii 20aad wakhtigiisiina maahayn, maaraha siyaad baa ka dhigay maato caano leh yaa lasoo dhagaystay kii hadraawi uu lahaa gubaabadii usc'da,,, hadii xoogga doorkaa caqli loogu dari'laa ileen dumar ma dhaansheen hoheey geelu muu dido Gabayadaas horaa loo soo dhagaystay geedkaas ha la waraabiyo yaan la gubin oo yaan la goyn. -
In Mogadishu, Loud Prayers Against Faroole Win in Puntland
gooni replied to xiinfaniin's topic in Politics
Dr.xiinow ugu horayntii Maashaa allah intaad sheegtay iyo in ka badanba allaha waafajiyo awoowe, dhaliishu cuqdad maahan waxbaa laga faaiidaa hadii lagu dhaliilo waa meeshii maamul ka jiro. Puntland shacabkeedu dawladbuu ahaa intaan maamulba imaan ka hor, waa dad sharaf leh xasha lilah waayaradu yay isaga kaa qasmin Hala balaariyo maamulka jidka labada dhinac ha uga dego, dadka ha la simo, curad yaan la doonin aqoon ha la doono halayska wada arko laangaabku ha hogaamiyo laandheeraha sharcigana haloo hogaansamo ma doorkii cumar'baa yaan lagu murmin carabtu waxay tiraahdaa (albakhayl yakhsar maratayn) Hadaadan intaas la imaan sow jufo is dooratay noqon maysid ileen meel walboo jufo degto layskuma laayee? Waxaan qabaa anigoo ku hadlayo magacayga iyo magaca beelaha dulman oo dhan in cadiweli la doorto si uu wax uga badelo arimahaas kor ku xusan bisaylna loo gaaro. Shabeelooyinka wax weyn kama jiraan dadkaanu waa is leeyihiin hadaan luuqad kale wax kuugu sheego meel makala jiraan gaal kacyo markii dagaal ka dhaco dhanka soke oo xamar xiga baa laysugu yimaadaa intaad fedaraalka ku mashquulsanayd dadka koonfurtu is dhex galkuu baranayay -
In Mogadishu, Loud Prayers Against Faroole Win in Puntland
gooni replied to xiinfaniin's topic in Politics
Waa runtaa awoowe puntland waa dhul aad u balaaran laakiin ha ag dhigin koonfurta dad ahaan waa adigoo wiilashaad dhashay u qaybiyay waraaqihii ay kugu dooran lahaayeen macnaha jufadu waa taas si kale ha u qaadan musharaxiintoo dhan lix oday bay kala tirsadaan waxba usuma jiraan ilaa iyo hadana waa la balaarin la'yahay dakadoo yar darteed tan dagaalada shabeelada hoose wax macnaa kama bilaaban dadka waxaa lagu ridaa buufis sida reer south africa waxayna bilaabeen guux iyo hindi baa noo timid waxayna ka faa'iidaysteen -
In Mogadishu, Loud Prayers Against Faroole Win in Puntland
gooni replied to xiinfaniin's topic in Politics
Xiin,, muqdisho wax yar baan soo moogaa runtii horumar la taaban karo yaa ka muuqday dhanka dhaqaalaha waxbarashada caafimaadka guryihiina dayac tir baa lagu waday shacabkuna waxay rajaynayeen in taalooyinkii sayidka ,axmed guray ,maxamed soomaali ,xaawo taako lasoo celiyo dhanka siyaasadda waxaad moodaa in laga gudbay xiligii faroole nairobi ku hor mari jiray iyo mahiigga xiisana looma hayn jifo madaxweyne dooranaysa, dawladaan waa rasmi waxayse gacanta u gashay la teliyaal mayal adag, aad bayna ugu adkaatay inay marshada labaad bedasho Dhanka dagaaladda waxaad jirtay in roobab badan ka da'een soomaaliya sida caadadu ahaydna laysugu yimaado daaqa geellay fara badanbaa usoo guurtay shabeelada hoose beeralaydiina way dhibsadeen geelaydu xaqbay u leedahay inay meeshay doonto u guurto waa dalkoodii waxaase xaq loogu leeyahay ayagana inay beerta ka ilaaliyaan ama ka duwaan. Odayaashii dhaqanku baarlamaankay galeen cidi ma harin ama kursigiibuu fariistay ama waa la taliyaha dibutaatiga, dawladiina weli iskuma filna arimahaas oo dhan baa is dhex yaalay, soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ruqo ninkii lahaa saynta uga istaagay ma kacdo war waakeer,,, adigu nabad ma sheegtay? -
Weak waxaan u qaatay inay afka qalaad ku tahay daciif cabdi weli gaas kuma jiro qolada daciifkaa waayo qardho xidid fiican baa ugu aasan gaalkacyana waxbuu ka riixan karaa waxaase laga yaabaa wararka hoose in faroole qadaafi ku noqdo
-
War ninyahow wax weynbaa isku qasan,kuray ha noqon, nidaamkaan nin hurda iyo nin soo jeeda waxba kama qaban karo waayo waxba gacanta nooguma jiraan bal shirka baydhabo ka socda halaga war sugo oo lixda gobola Tan kale aaway tharead'kii doorashada ku dayo puntland?
-
Has Wikipedia accepted Somaliland as a reality from now on
gooni replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Xaaji nabad ma sheegtay? wiki aqoonsi ma keenee ha la dadaalo caruur iyo ciroolaba hala isu soo baxo barafka ha la kor istaago boqoradda ingiriiska albaabka halagu garaaco waxaad moodaa beryahaan in dadkii sii niyad jabayo wacyi gelin ha la sameeyo waaxay wiki iyo waxaad la wareegayso -
Heavy clan clashes continue in the Lower shabelle death toll rises
gooni replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
labda qoloo dhulka ku dagaalmay iskama leh dhulka xaqdaray ku dhinteen allaha uga meel bixiyo -
Waan idin salaamay akhayaarta wasiiridii dawladii saacid shaqo fiican bay qaybteen dhamaantood marka laga reebo wasiirka maaliyadda waxaana rajaynayaa inay shaqadoodii meshii kasii wadaan,hana layska dul qaato inta laga gudbayo 4.5 iyo qabiilaysi
-
Somalia Al-Shabab claims Nairobi Westgate Kenya attack
gooni replied to Che -Guevara's topic in Politics
Suurta gal maahan intaad biyo dab saarto inaad qabow ka raadiso Kenya faraha kala bax soomaaliya oo ugaartiina ilaashada yaa laga waayay,dad aan danbi lahayn in la laayo ayadaa u sabab ah waayo ayaduba shacab bay laysay Soomaalida haday maqlaan qarax baa ka dhacay muqdisho dad badana waa ku dhintay si daciifnama ah bay u yiraahdaan AUN,kalmad kalna ma qoraan, nayroobi markay maqlaana oohin iyo duuf bay isku dari war umadii waa qalashay. -
Tallaabo;978673 wrote: Are you speaking about the normal human?:confused: No aim just talking for the cars bmw Aston martin Ferrari and corolla. Hadii adoo dhufays ku jira gabar qurxoon kuu timaado ood meher dhab kusiiso soo sii jihaadi maysid ? Reer galbeedka waxba haka weydiin dhaqnka muslinka culimada u taga si aad jawaab fiican u heshaan dumarku waa nimco ilaahay noogu deeqay, xalaal un ugu tag ama boodh la seexo ama sariir muraayad leh
-
Why puntland state deserves better presidential candidates
gooni replied to xiinfaniin's topic in Politics
PUNTLAND shacabkeeedu waa dawlad wonderfull people hogaamiyaha iska dhiga inuu wax soo kordhiyayna asagay u taal Waxaase is weydiin leh ma sedexdaan jifo oo wallaalaha ah kaligood bay DR'du ka dhashaan ? aaway dadkii soomaliyeed oo kale meesha degi jiray? mise dastuurka puntland baan ogolayn?,,dr,xiin ii faa'iide jisa kalah khayr -
Arin xun maahan hadii xalaasha laga fiiriyo gaariga hadaan olyada laga badelin mudo cilad baa ku imaanaysa
-
Haatu;973899 wrote: Man JB is useless. He still hasn't said what it means. He can 'say nothing sadex ilaa afar eray marka laga reebo inta kale qaamuuska oromada ka baadh
-
Somaliland is not part of the Somali Federal Republic
gooni replied to Classified's topic in Politics
Markaad la sheekaysato dadka macquulka ah ee reer waqooyi galbeed way kuu sheegayaan inaysan melena u socon wayna ku daaleen aqoonsigaan alif layl wa layl'ka ah, Waxay kaloo kuu shegayaan inay cid ay af gartaan la'yihiin soo maslaxa u sheega in gacmo wadajir wax ku gooyaan Hadii la aqoonsado aragtidayda... sadex magaalo kuma xanibnaan karaan shacabku xabsina ma rabaan, waxaana suurta gal ah inay saq badhkii ama saqda dhaxe calankii buluugga ahaa tahriib ama qarsoodi ku keenaan koonfutra -
xiinfaniin;978284 wrote: ^^gooni, taadu waa hadal meel waayey See hadal meel waayay ku tahay ina adeer gacaliye sowtaa dr faroole biyaha lagu rushaynaayo markii loo diiday inuu live u qudbeeyo?
-
Somalida waxaa ka fiican quraanjada ugu naf yar noolaha cayna igama aha waan soo tijaabiyay Waxaan qabtay tii ugu horaysay oo ay kuligood daba socdeen,wax yar ka dib way isku waasheen fowda xun baa dhacday,markaan arkay inaysan xaaladu fiicnayn yaan kusoo celiyay meesheedii,waa kusoo shireen mid walba laba jeer bay dhunkatay wax yar ka dibna socodkoodi sii wateen ayagoo daba scocda hogaamiyahoodii Dr faroole wuxuu diiday inuu kurisga shekh xasan ka dambeeya fariisto Dr jurilana waaba suuxi gaaray Hadii oday walba oo reer miyi ah sidaydoo kale la yiraahdo macawistaada soo feerayso madaxweynaad tahaye ,,sow hogaan xumo iyo in naloo taliyo weligeen ma'ahan?
-
malistar2012;978248 wrote: How many reconciliation do we need , We sat down from 2000 to 2013 and established Parliament consist of all tribes , The Law maker where select by the Traditional elders .A Constitution was agreed upon and etc . are we gonna dissolve all that because rer Puntland did not get President and PM seat. Puntland admin was supporting SFG 100 % when they had President and Pm seat . Somalia is bigger then A subclan administration Waa sax dhibka jiraa waa intaas see loo qancin? Hadii madaxweyne loo doorto walaalaheen reer puntland, odayaasha reer muqdisho isku magacaabay soo buur kale fuuli maayaan? waana xaqiiq inay jihaad beena ku dhawaaqayaan si sufur loogasoo bilaabo
-
Raskamboni Militia oo gumaad ku haya shacabka Kismaayo
gooni replied to Macallinka's topic in Politics
Naxariistii jano allaha ka waraabiyo Inta kenyaatigu joogo rag badan waa lasoo aasi awoowe yaan calaacal lagaa maqal weligaa iyo waa nala laayay jigjiga iyo kismaayo labadaba turjubaanaa xukuma waana dhulkeenii hooyo -
What is the Muslims belief for the back people? noo faa'iidee shekh haatu Diinta muslinku ma ogola cunsuriyad ama midab kala sooc tan injiilkuna sidoo kale towreedku sidoo kale ahlu kitaab iyo diimahoo dhan way kasoo hor jeedaan kala sooca,taas layskuma hayo Sir Answer the question metta asks if you can what is wrong with the African people Anigu jawaab waan waayay aan ka ahayn sheekadaas aan mar maqlay. mana ogayn inay bible'ka ku qorantahay