-
Content Count
2,415 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
53
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by gooni
-
Mooge Ninyahow nin adag baad tahay markaan dagaalamo adigu arinta deji safiiradii puntland u fadhiyay sool ma idigaa kasoo haray?
-
MUSLIN JAAHIL MA NOQDO SIDA LA SHEEGAY Dagaalku marna waa xaq marna waa xaq daro,garaadka reerkiisu haduu burco ku duulo waa xaq daro hadii reer kale sool kusoo duulana waa xaq daro. Sida la sheegay mujaahidka dhabtaa waa kan diintiisa naftiisa xilihiisa dantiisa iyo taladiisa u madax banaan. Jufo yar xuduud dawladeed ma yeelan karto isbitaal dawladeed oo dhaawac qaabili karaana kuma yaalo waana tan keentay in luuqadda snm la garan waayo 25 sano. garaad dhaqameed waxaa lagu yaqaan inuu umaddiisa u kala digo,intaan dhib imaan. Waxaan talo ugusoo jeedin lahaa anigoo ah miskiin gooni guure. Dhowr iyo tobanka garaad, taladu mar way qaloocataa marna way xumaataa Haday qaloocato waa la toosiyaa,haday xumaatana waa la saxaa, mar walba fursaddu waa jirtaa. kala taggu wuxuu keenaa in cidkastaa kuu dawladayso, oo warqadaad ku shiri lahaydeen hargaysa laga keeno SSC waa buundada ama albaabka laga galo midnimadda soomaaliyeed waa in loo gaajoodaa,madaxana ciidda loo diidaa. HADII KAYNTA LAYDINKA WAAYO DAWACO AMA DACAWO WAA BOQOR.
-
Unuka iyo anaka ha noo kala qaybin saaxiib wixii tiisu gasho waa dhiman, inuka iyo anakaba waa la dhiman Waxaan u malaynayaa inay toosin la’ayihiin qaabka ciidan u dhismo Dhismaha ciidanka waxaa laga bilaabaa boliskiisii asaga ilaalin lahaa iyo sharcigiisii, shaqo kalana ma qabtaan,aan ka ahyn toosinta ciidanka Askari haduusan ka baqin inuu koofiyadiisa gacanta ku qaato askari maahan Booliska sidoo kale daba galka sidoo kale wuxuba waa silsilado kala baqa ciidan dhisan haddaad maqasho aragtidayda , Hadiise qabiil lagu keeno harqaanka ugu sokeeyana xidigo ka tasho mushaar la siiyo meeluu xidigihii la aaday aan la ogayn, dawladnimadaasu waxay noqonaysaa midaan isku filayn oo fowdo ku dhex jirta waligeed, wayna socaynaysaa kalmadda dad aan haybtooda la aqoon. Haybtooda waa la yaqaan waa ciidan la’aan. mar kale saado iyo intii ka horaysaba allaha u naxariisto
-
Allaha u naxariisto qoyskeedina samir haka siiyo,qofna wakhtigiisa dhaafi maayo.
-
Gabar hadaad la sheekaysato oo kugu tiraahdo ku dooni maayo haka cadhoon si dhakhsa ah waxaa laga yaabaa wax qurux badan in qalbigeedu ku jiro waa waano dhalin yarada ku socota, be cool always. wuxuu ku leeyahay dawladaha dariskaa maxay fariin u noqonaysaa iyo caalamka arintaan? Waa su’aal qariiba waxaana ku fiican inay ka jawaabaan ardada dugsiga hoose bilowday. Hadii aad u dacwooto wariye waxaa laga yaabaa inuu dhib hor leh kuu keeno iyo emotion Haddii aad u dacwooto xaakim reer galbeeda marka ugu horaysa wuxuu ku weydiinayaa jinsiyaddaada ama wadanka aad kasoo jeedo. hadaad tiraahdo soomali wuxuu ku wedinayaa cidda aad dacwada u qabto hadii jawaabtaadu noqoto dawladdii siyaad barre allaha u naxariistee wuu kusoo dhawaynayaa si degan oo qabow oo weliba rajo ku gelisa balse suurad kale baa hoos taal, lagana yaabee inay dacwadaasu dheeraato, waxaana jeclaan lahaa dacwadaha adag oo noocaas ah inaan hablaha loo dirin in laga fursan waayo mooyee.
-
Xabad Saxiib xisaabta laba ka jar mar kale waad soo dhawaysay. Adam Dambi ma lihid waa lagu marin habaabiyay sida kaa muuqata wanla weyn iyo wajaale waa soomaali wax farqiya uma dhaxeeyo ha fatwoon, hana habaartamin haddaadan aqoon iyo xaq ku taagnayn. Meel walba criminal’ku wuu joogaa, waana madax, lakiin midkaan kugu qolo ahayn yaa criminal’ah I think that is not fare Barwaaqo Waa runtaa caqliga ilaahay dadka uma simin mid badan buu adiga ku siiyay,qaranku waa naga wada dhintay allaha u naxariisto Maanta hargaysa hadaad qof ku jiidho laa samaxallah magtiisa qabiilkaagaa laga rabaa, gaalkacyana waa la mid, qaranimada kaftanka ha laga daayo. Kab la gubay iyo gaal la’isu oohiyo macno samayn mayso wixii nasoo maray waa tageen ,khibradda koonfutaa iminka u baahan iska dul qaata inta koonfurtu hagaagayso in sha allah
-
Somaliland waxaad ula jeedo ma garanayo hadaad leedahay snm waxay ahayd shacab ama wiil yar baad tahay ama gabar yar Kee gardarnaa makan calooshu kasoo dhacday ood mujaahidka i bixisay mise kii dhintay oo qarankii lala aasay dadka khibradda leh waa loo baahanyahay,lagama naarmo awoowe.
-
Waa talaabo horay loo qaaday in dadka khibradda leh dib usoo noqdaan inta badan qof culumo ah looma dhiibo dambi baarista'eedna waayi maayo Dadkan waxaa u wanaagsan inay yowmul xisaab iska sugaan, waxay leeyihiina qaataan, waxa lagu leeyahayna bixiyaan. Waa laga fiicanyahay in gaal ilmada kaa tiro midle of the day.
-
Ramadaan kariim inta ka hartay That is good information thank you sir Magacaabista shakhsiga waxaa ka muhiimsan CV’ga qabiilkiisa isku day inaad mansab u qaybiso qabiiladaan hoos ku qoran. Reer boorame aqoonta iyo tabaashiirta Reer burco fanka iyo suugaanta Reer gedo askarta iyo daba galka Reer garoowe wax isku xirka iyo kala tuurka Reer afgooye beeraha iyo wax soo saarka Reer xamar turjumaada filimada hindigaa Reer jigjiga aqoonta luuqadaha iyo shaati bedelashada Reer mudug aqoonta qbiilada midoobay Reer hiiraan aqoonta isbaaradda iyo dhuumaalaysiga Reer baydhabo dhaqaale ururinta iyo kaydka
-
Camuud waa jamacad taarikh iyo aqoonsi leh,qofkii kasoo baxana la qadariyo. umad badana way u faa'iidaysay jaamacadda iyo gobolkuna waa ka faa'iideen. gobolka awdal waa dhulsan aqoon iyo nabad jecel, galbeedi marmar waa inuu iska bareejeeyaa dr'ka iyo walaalkiis mooge. tan qabiilka koonfurta koonfur qabiil waa loo keenay asagoo danbiil ama salad ku jira. kululeeya wax fiican baa kasoo baxaya baa loo sheekeeyay fikradana waxaa iska lahaa reer mudug iyo waqooyi Kululayn ka dib waxaa kasoo baxay jiiljiil yar oo midaba badan weyna kala koreen markii wax koriya la waayay Ha la yaabin hadaad aragto oday dhaqameed dhex taagan dad uusan oday u ahayn.
-
Ahmed Samatar On the New Somali Ambassador to the US
gooni replied to Che -Guevara's topic in Politics
Talaabo that word 'we' Commanly we use to saparate same people,dont you think we all civilized? -
Ahmed Samatar On the New Somali Ambassador to the US
gooni replied to Che -Guevara's topic in Politics
Galbeedi jumco wanaagsan awoowe riyaale 8 sano buu xukun hayay haku gadmin. ukuntu qolofka kore waa isaga egtahay ilaa aad jabiso afka reer magaalkana waxaa lagu yidhaahdaa suuq geyn. snm xaqiiqdii makala jecla reer awdal iyo reer muqdisho somaali waa u somaali, ratigaa caatada ah un baa lagu istaajinayaa. Prof'ku haduu koonfurta ka tegey waxay ahayd inuu isaga uumuso oo xoogga saaro 18'ka may,ama wax ka qoro halgankii mujaahidiinta haduu garanayo meeluu ka bilaabo. -
Ahmed Samatar On the New Somali Ambassador to the US
gooni replied to Che -Guevara's topic in Politics
Aqoonsigana wax haka raadiyo sanad guurada tacsidana haka qayb galo mushkilad maahan Dhibka haysta professors’ku waxaa weeyaan koonfurtu waa dal balaaran iyo qabiilo kala duwan markuu dhex galo siduu doono ayuu ula hadli karaa talo fiicana ugu yeelan karaa, isu sharixi karaa asagoo isku kalsoon. Hadii uu soo hor fadhiisto labo mujaahid oo snm ah, weligaa oran maysid ninkaanu waa professor axmed samatar korantadaa adoo u jeeda ka tagaysa, labo kalmadood oo uu is raaciyana markaasaa ugu dambaysa,sababtuna waa iska cadahay. taasi waxay ku tusinaysaa inuusan han iyo sabur lahayn,reer galbeedka haday fashilaan way gar qaataan isla markiina jaranjar dheer bay iskasoo tuuraan intaas ma ka baran waayay maraykanka. -
Ahmed Samatar On the New Somali Ambassador to the US
gooni replied to Che -Guevara's topic in Politics
Badweyn nin kaluun kasoo waayay bali yar oo reer ilaashado waxba ka keeni maayo Waxaan moodi jiray cilmigu inuu maskaxda galo ama kobciyo ileen marmar buu surweelka kaa siibaa?!! -
Xataa bisha ramadaan dhiig Malaga soomi waayay?,,markii dagaalku dhamaadana roob doon baa ku xigta iyo hanalaga soo gaaro xisaabta aduun iyo tan aakhiro labadaba waa moogyihiin Intii dhimatay dhulku waa deeqaa wax is qabsi ahna kama dhex jiro, inta nool see dhulka loo deeqsiiyaa?
-
This president is not bad to be honest his smile and open face is the best tool, We all knows this community is really ill and there is no honesty and unity Imagine if our dead body lays everywhere and our president not smiling any more If you have no hands and no legs you shouldn’t stop smiling there is no other option?
-
Layskuma hayo taariikhda reer puntland inay meel fiican kasoo gashay soomaaliya halgankii gobanomada burburkiina ilaahay dad badan ku badbaadiyay nabadgelyana laga helay. laydinkama maarmo,taas macnaheedu maahan inaad suuro lasoo fariisato marka marxalad colaad lagu jiro iyo faan, shaqo xoog leh oo puntland ka balaaran baa taal awoowe Dhanka kale Allaha u naxariistee maxaa taariikhda adeer c/laahi loo qurxiyay? Soo maahan ninkii ugu horeeyay oo xabadda dami weyday riday, ayadoo la nabad qabo? Soo maahayn madaxweynihii ugu horeeyay oo aqbalay inuu tadhase ama gebre villa soomaliya la seexdo? Soo maahan ninkii nuur cadde u tanaasulay? Hadana yemen ku dhintay?
-
Don’t say leave me alone oo sariirta ha isku tuurin sidii nin adag ula xisaabtan Hadii aad doonayso inaad wax barasho dhamayso ama dhaqaale samayso iwm u sheeg xigtadaada Ehelkaagu meelo badan bay wax ka arkaan ama is leeyihiin armay fursadaas dhalinyaro nimadu dhaafisaa ha uqaadan fara gelin shakhsiyadeed waa dhaqan wax kula jecel Waa laga yaabaa inay kugu fogaadaan ama kula kaftamaan haday waynaan kaa dareemaan Ha xanaaqin haday ku yiraahdaan war ma kaadida keliyaad u sidataa?!!!
-
Waa sax galbeedi waad asiibtay( maa ikhtalafnaa) Difaac ma leh xoolo masaakiin laga xaday, balse guryuhu ma ahayn palaces macnaha wax weyn oo qaran loo burburiyo sugg ilaa xisaabta danbe yaa ka fiican in go’a la tuurto ama laysla bas beelo waa intaa kaliya ujeedadaydu Aduunka meel aan wax lagu xadin ma jirto dadka aadka u gaajaysan baa guryahoodu kala duwan yihiin allaha u maciino. Ramadaan kariim saxiib
-
Quruxdu waa nabadda iyo dhaqaalaha foolxumaduna waa dagaaladda iyo fakhriga Dumarka hadii la dhaqaaleeyo oo qaraxa iyo qoraxda laga ilaaliyo ma foolxumadaan xataa hadii ay duurka babu new guinea ku noolyihiin ama saxaraha kalahari Booli qaran guryo caadiya ayay ahaayeen cid iska lahayd ma granayo ,laakiin soomaalidoo waali soo wadata yaa guryo rinjaysan aragtay, sabatoo ah qofku markuu waalanayo hal mar dharka ma tuurto waxbuu ku marmarsiyoodaa, Daar nal ka shidan yahay daris lama noqon karo anigoo rooti iyo biyo isku dhuuqaya ,waa danbaabtay intaad haysato ku shukri xisaabta kalana alle u daa adna sabur.
-
Waftigii puntland ma intaas buu soo kordhiyay awoowe? Sanadkaan siyaasadda puntland horumar la taaban karo yaa kasoo baxday. Taliyihii daraawiishta iyo difaaca puntland wuxuu tagey meel taleex u dhow wuxuuna ku baaqay nabad in lagula noolaado walaalaha snm Wasiirkii diintuna wuxuu tegay kismaayo wuxuuna ku dhawaaqay in dagaal goobweyn lagu qaado Allaha na bixiyo adeer waayarkan dab siyaado ah yaa ku xiran sanadkan.
-
رمضان كريم مبارك عليكم الشهر Carabta waxba nama dhaamaan ilaa iyo hadda hargabkii shinbirtu ka buskootay oo geella ku dhacay bay la yaaban yihiin sideenoo kale!! Soomaaliya waa dal xoolo illahay ku manaystay hadana waa dad u baahan in wax la siiyo oo gacanta hoose jecel. Waa dad gumaysiga neceb hadana bad usii jiira dhul shisheeye. Waa dad kabo qurxoon jecel hadana qofka u tola neceb. Waa dad duco badan hadana sida alle loogu shukriyo aqoon. Maadaama wadamo badan oo caraba dagaalo ka socdaan siiba wadamada shaam iyo turkiga, xoolaha khaliijka soo gala way yaraadeen khaasatan ariga ama adhiga hadba sidaad u taqaan Xoolaha waxay u iibsadaan sadex siiba ariga Arabi ,Australia, ,Horn-africa. Waxaa ugu qaalisan caribiga oo miisaan iyo tayo leh siday rumaysan yihiin Waxaa ku xiga Australia misaan leh lakiin tayo fiicnayn, waxaa ugu qiimo jaban kan geeska afrika Hadaba maxay tahay sababtu? Sida dadka xoolo dhaqatadaa u caataysan yahiin, ayaa xoolohooduna u gaajaysan yihiin Way socdaalaan in badan biyo la’aanku noolaadaan sidaa darteed misaan ma yeelanayo waana duur joog dabeecad ku nool ah, aan ugu yeerno waa daawo iyo waa macaan laakiin kuma iibin kartid qiimo badan mar haduusan miisaan lahayn. Xoolaha kale waa xoolo beer, la xanaaneeyo biyaha iyo baadku ag yaalaan waxay quutaan waa loo soo kiimikeeyaa digadoodu ama saaladoodu waa tan bini aadamka oo kale,haddaad iibsato kaxayntiisu ma dhib badna kursiga danbe yuu kuu fariisanayaa waa reer magaal.
-
shabelle State reconciles the two clan fighing L Shabelle Congrats
gooni replied to malistar2012's topic in Politics
Hadii dawladdi lagu eedeeyo inay ka gaabisay dhaqan gelinta federalka iyo is raacinta gobalda Odyaashii dhawaanahaanba xamar ku abtirsan jirayna waxay ku doodayaan inaysan shabeelada hoose galgaduud ka go’I Karin,waa arin layaabkeeda leh Shabeelada dhexe iyo shabeelada hoose isku jiho ma jiraan,dadka degaana waa dad xeeb iyo beer ku dhaqma maskaxdooduna degan tahay Hadii la yiraahdo gobaladda koonfirta lix gobol halaysu raaciyo laguna heshiiyo waa macquul hadii la yiraahdo sedex iyo sedex halaysu raaciyo iyaduna waa macquul, laakiin waxaan macquul noqon Karin 16kii degmo ee xamar wiilal isku lahjada gudoomiyayaal halooga dhigo ama yicib iyo canbe ha laysku kariyo. -
Puntland oo ku dhowaaqday Inaysan Dagaal la gelayn S/land
gooni replied to malistar2012's topic in Politics
Waa sax puntland dagaal dooni mayso waa dad nabadda iyo ubaxa beeridiisa jecel, ilaahow aan garoowe lagu qabsan.,, aamiin Mushkiladdu waxay ila tahay aragtidayda qaabka reer sool loo wajahayo baysan kalsooni dawladeed ama maamul u lahayn baqdin xoog leh iyo kala qaybsanaan baa jirta,dagaal kaliyana wax ma xaliyo Waxay iila muuqataa reer puntland markay arkaan in bad xiran kusoo socdo dhulka ay sheegtaan inay maamulaan, isla markiiba dastuurka wax ka badalaan oo madaxweyne u doortaan reer sool ama reer sanaag siiba reer sool, si umaddu u aragto in meesha lawada leeyahay. hadiise madaxweynaha laga dhigo 16,sano ina cismaan cumar ciise , taasi waxay keenaysaa in la waayo awood ka baxsan sedexdaa magaalo ,wax macnaa samayn mayso inaad idaacadaha digniin ka dirto ama caalamkana ku tiraahdo see yeelaa dawacaa dhulkaygii dalxiis ku timide! -
A Candid Conversation with President Hassan Sheikh
gooni replied to Che -Guevara's topic in Politics
Aniga waxay ila tahay in xataa burbur xoogan ku dhacay sida wax la isu weydiiyo ama loo wada hadlo way ku adag tahay inay si fiican wax u weydiiyaan madaxweyne iska faraxsan Umadaha aduunku qaarba waxbay caan ku yihiin soomaalidu waxay caan ku tahay inaysan kala dambaynta jeclayn . Anigu waxaan weydiin lahaa mudane madaxweyne wadanka aad madaxweynaha u tahay waa soomaaliya dadka aad u dhoolo cadaynayso dhawr iyo labaatan sano maysan qoslin Geeduhu waa ku mudayaan, qoraxdu way ku gubi,wadankii xudduud ma leh, dadku waa ku dili, bisadaha waxaraha lagama celin karo, dumarkii xaquuqbaa ka maqan guryihii waa lagu kari la’ayahay, baddii kaluun waa lagasoo waayay, roobkii waa yaraaday beerihii gacanta lagu falay ayaxbaa cunay Arimahaas cakiran maxaad ka qaban kartaa,adigoo mudan mahadsanid