gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. Intaa aad sheegayso faysal waraabaa horay u sheegay wax cusub maahan, Arinta la yaabka leh maahan hargeysa iyo wanlaweyn. jabhad indho la’na xudduud bay leedahay oo dad ku xasuuqaysaa dawladdi basaboorka na siisayna canbaarayn bay u dirtay gazza iyo saaxdheer!!
  2. SNM kaftami mayso ajandeheedu afka cibruhuu ku qoran yahay meelahan soke oo qabiilada soomaalidu ku shirsanyihiin xaaladoodu way ka fogtahay, amni qowmigga soomaaliyoo dhan bayna khatar ku tahay Sida lawada ogyahay Jiilkii quruxda badnaa ee waqooyi galbeed waxaa manhajka iskoolka loogu qoray inay Ethiopia wada dhasheen ama xuduntu isugu xirnayd mudo 25sano ah, cadowgooduna soomaalida kale yahay,taasna waxay kuu cadaynaysaa in maskax soomliyeed iyo mid marqaan keenay aysan ahayn. Reer khaatumo waxaa la gudboon inay dhulkooda difaacdaan waa shahiid qofkii gardaro ku dhinta Puntland waxaa la gudboon inay dumarka iyo caruurta, dumar kale u diraan oo kasoo raraan meesha Dawladda federalka waxaa la gudboon inay kala taqaan xuduudka soomaaliya meesha uu ku dhamaado iyo meeshuu ka bilowdo,ugu yaraana aysan hadalka la gaban mar haday haysato aqoonsigii dawladnimo, dalka iyo dadkana ayadu masuul ka tahay.
  3. Owooduu lix gobol ku dhisayo muu baydhbo iyo buur hakaba maamul fiican ugu sameeyo UN’ka askarteedu hana ilaaliso madaxdoodana dooni mayno waa hadal malagiisu galay iyo dad malagoodu galay Allaha u naxariisto dadkaas masaakiintaa oo qabqable dartiis u naf waayay.
  4. Samafale awoowe xisabta kala shakigu dhamaan mayso haddaan la helin qaab wanaagsan oo looga baxo Awood qaybsigaan qabiilka iyo federal qabiilaysan wuxuu abuurayaa daciifnimo iyo inaan weligeed shaki dhamaan. Halgankii siyaad barre allaha u naxariistee lagu qaaday qolo kastaa hadaf bay lahayd Siday taariikhdooda ku sheegeen kow,,, Reer punland hadafkeedu wuxuuahaa inay soomaaliya xukumaan SNM’waxay doonaysay inay iska qayisho USC waxay doonayeen inay muqdisho xukumaan Inteena kale hadafkeenu wuxuu ahaa inaan nabad ku noolaano. Hankii puntland wuxuu kusoo ururay inta reerku dego Usc ‘na wuxuu kusoo ururay muqdisho Snm’na in axad kasta laysugu tago bermingham palace Federaalka yaa noo dhisaya marka awoowe?
  5. Samafal waan kugu raacsanahay in khalad ka jiray shirkii wax lagu qaybsanayay oo puntland madasha ka maqnayd Reerka riixi maayo balse waxaanan aqoon u lahayn bay aqoon u leeyihiin mana ogola inay saminaarka federalka bixiyaan. puntland diyaar ma u tahay aragtidaada inay isku maamul noqdaan galmudug ama isku noqdaan afar gobol caasimadana galkacyo noqoto si federal fiican loo helo?
  6. Federal ka soomaalida looma baahna in dad aqoon saa’ida leh ka hadlaan wax saa usii weyn maahan wuxuu la mid yahay kaluun indho la’aan soo toosay oo xeebta amxaar ugu yimid. Federal koonfur iyo goboladda dhexe ma yaqaanaan kumana soo dhaqamin qabiil walba meeshuu degan yahay ayuu federal ku yahay. Puntland waa federalka kaliya oo jufadiisa calanka u samaystay hees qurux badana u qaaday. Haday leeyihiin jufo kasta calan ha samaysto oo halaygu daydo waa wax la garan karo. Haday leeyihiin qabiilada iyo gobolada ayagoo isku dhan ha la mideeyana intii qaab ahaan is raaci kartana waa wax la garan karo. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, jinni ninkii keenaa bixiya puntland war cad lagama hayo iyo sababta ay dastuurka federalka oo ayadu hurmuudka ka ahayd uga hortimid, ugana dhigtay in gobol iyo bar is raaci karaan ama labo gobol iyo bar is raaci karaan, meeshii la rabay in la qaato labo gobol iyo wixii ka badan wax bar ama nusana sharciga ma waafaqsana.
  7. He is not running for Somalia or Somali clan why proud of it? What is the different mo’ and Joe’?
  8. Tolmooge Waa isu baahanahay wallaale wiil yar oo shaah kulul loo dhiibay ha noqon, wax farqi ah oo noo dhaxeeya ma jiraan ,galgaduud hiiraan mudug iyo sh/dhexe ilaa xataa bari waa gobolo isku dhinac isuna furan dhaqaalaha iyo is dhex galkuna ka dhaxeeyo Waxaa kaliya oo loo baahan yahay dhinaca siyaasadda in wax laga badelo oo la helo aqoonyahan xukun qabiill iskala weyn ama si qarsoodi ah hoosta uga aaminsan haduu caroodana aan dumarka iyo caruurta ogaysiin. Waxaa ila wanaagsan aragtidayda in xayndaabka si tartiib tartiiba ah loo durjiyo, kan isku tashan karana wax la qabto kan kale geed dhinac ka qoyan harkiisu ma dhama saaxiib haddaadan waraabin inta qoyan baa qalali,,,akiid.
  9. Fedearaalka puntland doonayso haddii la qaato weligeed la is aamini maayo,laysuna imaan maayo anna waykan baa soconaysa iyo kalsoonidii waa la noqonay Gaalkacyo makala xirna waa magaalo dadku isku dhex jiro,waxa kuu sawiran iyo waaqaca ama runta dhulka taala way kala duwan tahay hogaankaa kala qaybsan dadku Makala qaybsana. Dr gaas haduusan kursiga soomaaliya meel doog leh geyn Karin ama isku dayi Karin, oday fadhi ku dirirka yaqaan maslaxadda reerkana difaaca haku wareejiyo kursiga garoowe, ama dhaqan aqoonyahan oo hufan ha la yimaado. Mudug iyo gal gaduud haddii laysku daro waxay fure u noqanaysaa is dhex galaka iyo maamul wadaaga iyo isu soo dhawashada hogaanka kala qaybsan Laga yaabee inaad is weydiiso haddaad waqooyiga gaalkcyo kasoo jeedo see maamul dhisan loogu daraa meel iyo gobolo aan habaysnayn, waxaadse ogaataa markaad wadan dhisayso inay ka duwan tahay markaad qoys dhisayso,Sacrifice badana loo baahan yahay.
  10. Darawaliintu mooska qolofta haku cuneen si aan cudurku usii faafin waa diin gaalo,muslinka wanaagsan ma ogola inuu qaado uu bakhti ku cunay saxan nadiifa oo gurigiisa dhex yaala kor saaro Waxaa la yiri nin baa gabar gaari ku qaatay markaasuu meel laaba geeyay waxay ku tiri waa naloo jeedaa, Hadana wuu sii fogeeyay meel kasii qarsoon meeshii hore, waxay tiri waa naloo jeedaa! Wuxuu geeyay meel cidla’ah oon wax dhaqaaqo joogin waxay ku tiri waa naloo jeedaa! Yaa noo jeeda see wax kaa yihiin ayuu weydiiyay? Waxay ku tiri ilaahay s/w baa noo jeeda oon waxba ka qarsoonayn.(MAASHAA ALLAH) Shahwadda iimaankaa ka adag,muslinku bala bala ma leh awoowe gacaliye.
  11. Wax badan baan soomaalida ka maqalnaa qaran iyo qabiil meel mawada galo Madax weyne afrika jooga inuu dimuquraadiyadda % toban qaato waa loo ogol yahay UN’ka miiska kore ma saarna waraaqahaasu, laakiin haddaad khaanadda soo jiido waad ka heli kartaa, dadkiisu weli ma ilbixin waxna ka garan maayaan sharcigga, kala dambaynta iyo dawlad nimada aan caburiska lahayn. Idaacado iyo tv’aan shuruucda saxaafadda caalamka la socona waa la helay, boqol un u dhiib adiga iyo cameraman ‘ka waa laydiin kala dhex baxi, waxaad doonto sheeg ,ama sanka farta gasho. tan kale,, baqdin xoog leh yaa ka muuqatay markaad waraysiga dawladda dhagaysto ,ahmed daaci uma aanan socone meel agtiisaa yaan doonaynay inaan qoryo ka jajabsano war ileen tanoo kale!! Ninkaanu xasan nasrallah waa ka hub badnaa wuxuu u ekaa, dawlad, dawlad ku dhex jirta waxaa igu maqal ahaa c/yusuf si wax ugu dhismaan ina adeerkiis ayuu gawraca ka bilaabay qof walbana wadadiisuu qabsaday,qosol wax kuma dhismaan dibiga gawrac wayshu haku quus qaadatee haddaad ina adeerkaa hubka u dayso berri walaalkaabu dili, taas waa hubaal Qabiil qaran ma noqdo.
  12. Weli lama maqal taarikhda soo jireenka ah nin ku taliya inuu umadiisa u qoor qabto in qabiil xukumo taariikhda daraawiishtana meelna kamasoo gasho. dhadhamo god kor taagan macno ma leh, somaalidu waxay ku maah maahdaa (arad waa dan uskagna waa doqonimo) ciddii midnimo iyo wadajir ogol la joog mar unbaa madaxa madow timo usoo bixi.
  13. Kii soo baxsadana halasoo dhaweeyo subagna madaxa haloo mariyo kii baxsadana yaan waxba laga sheegin beri buu soo noqone Dadka kaftankaas ku dhintana yaan waxba lagasoo qaadin xalay dhalay halaga noqdo waa caqli xisaabtii ka luntay Waa in lasoo dhaweeyaa, waa nin misaan leh, kursiga meel qabow haloo dhigo, hala aamuso intuu hadlayo, ma dhiiri gelin baa? mise waa siyaasad dadka soomaliya ku dhashay ka fog?
  14. Walaaleheen reer caanoole waxaa u fiican inay iska ganacsadaan, iskuna xirnaadaan sida hindida bohriga oo kale, canshuurtana iska bixiyaan, meeshaanu maahan puntland waa multiethnic dabka dabaysha xageeda lagama maro, Madoobe iyo hiiraale midna kaa yeeli maayo inaad hor boodo waa laba dagaal ooge take my word.
  15. Barre hiiraale madax adaygiisa waxaan ka baqayaa inay dhibaato hor leh abuuranto Oo mar kale kenyaatiga jacayl kii hore ka qoto dheer loo sii qaado, halkaasna dhib hor leh iyo dhalan rog ka bilaabato.
  16. In qaar ku muduharaado qaybuna soo dhaweeyo macno fiican bay u samaynaysaa madaxweyne ahaan Lakiin boorarka luuqadda ku qoran baan fiicnayn iga dulkac iyo reer hebel waa tashadeen biti biti aan macno lahayn. Maxaa loo lahaa maraynkanka dadka jooga shaqaa dishay?
  17. No idea if he kills many or few, but I do know he said bakhtigoodaa meelaha yaal yaal which is the worst crime of mankind Warabaha asagoo caafimaad qabana lalama darso haduu jiradana udgoon ma leh.
  18. SNM’taa wax bixinta ku fiican, haddii mabda’oodu lacag yahay, Kuwa haray si loo tijaabiyo waxay ahayd in loo magacaabo wasiirka mujaahidiinta, ururinta naafada iyo kala saaridda lafaha mootan.
  19. Dambigaad alle ka gasho wuu kuu saamixi haddaad ka towbad keento balse waxaan marnaba lagaa saamaxayn dambigaad umad ka gasho illaa ay ayagu mid mid kuu cafiyaan wayna adag tahay Maxay macno samaynaysaa qado puntland loogu sameeyay markuu soo qaadiro toosay wardheerna kasoo wareegay?
  20. Waa su’aal qiimo leh mudane miyir Waana sheegay siday iila muuqatay awoowe hadaan sii khafiifiyo. Markii lays raaciyo MUD/GAL degmooyin ahaan ama nooca fedaralka 4.5 waa kala bar ama qaybtaadaa badan. Nugaal iyo bari’na waa kuu gaar,sool iyo sanaag waa qayb fiican ama istaagi kara, ama kula istaagi karta Wax okiyaale loo gashaadaa meesha ma yaalaan ama qaylo dhaan loo diro. ilmo saleebaan haday labo federal kala raacaan khibrad ahaana waa loo baahan yahay waxbana ka halaabi mayaan tolkood bay la joogaan.
  21. I thought puntland president dr.abdi wali can lead the nation with fresh mind and good knowledge but when I listen his speech, oh man, he can’t take care four broken goat. Waqooyiga gaalkacyo waa qayb ka mid ah soomaaliya hadii lagu daro galgaduud waa dalkii oo nidaam loo sameeyay Ma qabo in in puntland khasaaro ugu jiro, taa bedelkeeda wayba sii balaaratay,haddi midna qaybteeda qaadato midna gaar ugu ahaato qabiil state. Teeda kale haddiiba dood ama khilaaf yimaado ma tv’yadaa xalka loo doontaa? Cilaaqaadkii faroole horay ugu jaray d.f, goormuu soo noqday? Muxuu yahay farqiga u dhexeeya professor iyo Dr?
  22. khayr bay noqon waa kan shir degdeg ah oo caawo loo fadhiyo http://www.allpuntland.com/2010/anmviewer.asp?a=5026&z=1
  23. Federal macnihiisu waa in wax laysku darsado hoos illaa kor. Federaalkanu wuxuu noqonayaa kii runta ahaa oo puntland ku taamaysay weligeed,qabiilkaygu makala go’I karo sharciga fedaraalka ma waafaqsana waa xudduud gobaleed. Mudug markaad qiyaasto laamigga waa markaad soo dhaafto burtinle ilaa gellinsoor iyo degmooyinkiisa iyo tuulooyinkiisa labada geesood Galgaduud qiyaasta laamiga waa markaad dhaafto gellinsoor ilaa gurceel,iyo degmooyinkiisa iyo tuulooyinkiisa labada geesood Hiraan wuxuu ka bilowdaa matabaan ilaa maashaa allah Mudug iyo galduud wuxuu kulmiyaa qabiilo kala duwan haddu dhismana waa xaruntii loogu wanqali lahaa federalka soomaaliya, haduu dhintana waa meeshii lagu aasi lahaa.
  24. Albaab cusub sidada caadadu ahayd Xasaasiyadda Heshiiska maamul u sameynta Mudug & Galguduug, doorka Dowladda Federaalka iyo Maqnaanshaha Puntland 30. July 2014 APL Iyada oo muddooyinkii danbe ay magaalada Muqdisho ku sugnaayeen masuuliyiin ka socotey maamulada Galmudug, Ximan iyo Xeeb iyo Ahlu-sunnah ayaa maanta lagu shaaciyey heshiis ay wada gaareen dhinacyadaas, dowladduna ayidey kaas oo maamul loogu dhisaayo Gobolada Mudug iyo Galguduud. Gobolka Mudug degmooyinkiisa dastuurka federaalku ictiraafsan yahay ee ka horeeyey 1991 waxay kala yihiin: Gaalkacyo Galdogob Jariiban iyo Xarardheere Waxaa lagu daraa degmada Hobyo laakiin ka hor 1990 ma aysan ahayn degmo, saddex ka mid ah degmooyinkan waxa ay hoostagaan maamulka Puntland, Degmada Xarar dheere waxaa ka taliya Burcad-badeed iyo al-Shabaab, inkasta oo Galmudug ay ka taliso qayb ka mid ah Mudug iyo xaafad ka mid ah Gaalacyo ayaa mamulkan waxaa la huwiyey magaca ah gobolka Mudug iyada oo aan gobolkii labo loo qaybin, arrimahan ayaa ka mid ah kuwa xasaasiga ah ee Federaalku iska lee yahay. Dhismihii maamulka Puntland 1998 axdigii lagu dhisey waxaa lagu qeexay xuduuda gobolka Mudug waxaana la siyey astaanta ah Waqooyiga Mudug kaas oo ay degaan dadka reer Puntland ee Bud-dhigga u ahaa dhismihiisi, lama wada huwin magaca ah Gobolka Mudug maadaama qaybo ka mid ah dadka dega aysan dooneyn in ay ka mid noqdaan Puntland. Dad badan ayaa aaminsan in heshiiskan magaca la hwuiyey ee ah maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galguduud ay tahay marin habaabin iyo mid khilaaf cusub gelineysa Puntland iyo Dowladda Federaalka, ama laga lee yahay dano kale oo ka fog taas. Waxaa la is weydiinayaa halka dowladda federaalku u taqaano Mudug?, maxayse tahay sababta loogu qeexi waayey Koonfurta Mudug, haddii dadka dega halkaasi aysan dooneyn Puntland macne kale oo siyaasadeed loogu yeeli waayey? maadaama inta badan gobolkaas degmooyinkiisa iyo weliba caasimadiisu ay hoostagaan Puntland. Dowladda federaalku waxay si weyn uga hortimid magacii ahaa Jubaland, waxaana ay xujeysey in magacaas meesha laga saaro laguna beddelo maamulka Jubba, haddaba waa maxay waxay arrintan kaga qancinayaan maamulka Puntland ee inta badan gobolka Mudug hoostago. Maamulka Puntland sidee u arkayaa khiyaanadan iyo isticmaalka magaca Mudug kadib dhismihii maamulka Puntland oo la xusaayo berri 16 sano jirkiisi! Isha Xogta:- Horseed Media http://www.allpuntland.com/2010/anmviewer.asp?a=5017&z=1
  25. There is no hate or threat in his speech, pure Somali they call warning Hal wiil inuu bilaash ku dhinto waa khasaare xuduudkii qarankaa sool kusoo dhamaaday kaa saari mayso hadhow. Arinta la yaabka leh waxay tahay haddi dhulkii lakala googoostay qaybtii aad ka dagtay ama aqoonsi u raadso ama Ethiopia ka iibso waa casaabad xeeladeed waa la garan karaa, balse darwiishkiibaa nala socda waa arin guracan.