-
Content Count
2,415 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
53
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by gooni
-
Somaliland "nothing Somalia says is of any concern to us".
gooni replied to CidanSultan's topic in Politics
Aduunku wuxuu u yaqaan 1991'kii shan iyo labaatan sano ka hor, burburkii xukumaddii dhexe ee soomaliya snm’waxay u taqaan markay xoriyadda qaateen, taasi waxay horseedaysaa khayaano caalami ah oo la doonayo in laga iibiyo umadahaan aqoonta badan u lahayn soomaaliya. Midda kale mudanahaan meesha iskasoo fariistay miyuusan ogayn inuu ka mid yahay lixda madaxweyne oo madaxa bonoonigaa leh ama soomaaliya kala qaybiyay meel jihadoodu tahayna la garan waayay. Soomaaliya markay mid noqoto baynu wada hadlaynaa ku lahaaa!! Qaadku mukhaadaraad ma’ahan ninkii yiraahda been buu sheegay. -
Xataa markuu sujuudayo wuu qoslayaa kan naftiisa wax dhaafsiisan la waydiin maayo yomul xisaab.
-
warya mooge nabad ma sheegtay? i did'nt insult reer bari dad la caayo ma'ahan xogaa yaroo faana un bay dadka dheer yihiin waana istihilaan dhaliishu cay ma'ahan doorashadii boqorka qarash badan baa ku baxay dad hargab ku xumaaday oo fara badan baana qardho jooga. airopor'ka wado ama is bitaal ba ka macno fiicnaa waa intaa siday ila tahay waana fikradayda noo sheeg siday kula tahay iyo waxaad ku difaaci lahayd qarash garayntaas faraha badan ayadoo baahi ka muhiimsanu jirto tan reer gedo.. sida muuqata reer gedo waxa lagu soofeeyay kenya mas'uuliyadda wixii shacabkaas ku yimaada waxaa loo haystaa eagle clan iyo xulufadiisa waa niman wadaniyiina reer gedo aabe siyaad baa ka dhashay allaha u naxariistee kaluun qalalan iyo caano saafiya wax laysku bedesho ma'ahan weligaana dadka kala baran maysid kenyatigii wuu baxayaa baan maqlay nimankii odayaasha ahaa ma la iska difaaci kara? mise itoobiyoo ka fiican baa xulafada la joogta?
-
Baroortu orgiga kama wayna walaale, waa asaga waxa ilmada naga dhameeyay sodon sano. jubbaland hadii kenya ina adeerkay u magacawdo meel baan ugasoo wada jeesanaynaa cadawga labada shacab oo walaalaha daris nimada iyo xadaaraduna midaysay xabad huuno maxaa ka khaldan?
-
malabka iyo dhuxushu isku dhadhan ma'ahan huuno wadan waa qaali waa guri weyn oo ka dhaxeeya dadka ilaahay ku beray ka waran haddii gurigaaga aad seexato kenyati kuu maamulo? what is the deferent home and home? AS waa dhawr kun wayna joogayaan illaa jacaylka shisheeyuhu nasii indho tirayo. xabad meelo badan wax ka fiiri walaalo nice to talk to you.
-
oromada waxaa ka daran soomaalida afka soomaaliga ku hadasha dumarka caruurta u dhalay soo ma kafiilan karaan?
-
first i don't prefer adoonsi to any one except allah scondly why you prefer kenyan adoonsi? thrdly are you male or female?
-
intii dhimatay allaha u naxariisto xaq ama diin banaysay ma jirto in dad aan waxba galabsan oo meel qabow ku cashaynaya in la xasuuqo arintu yaysan isaga kiin qasmin mid waa cadaawad gudaheena ka dhalatay si kastaba haku kobocdee qabiil haka bilaabato ilaa fitmo diimeed midna waa mid dibadda nooga timid tan dibadda waxaa la adeegsaday maangaab caqligiisu ku kooban yahay kursi tuulo yaal waxayna ku qanceen in lagu ilaaliyo ilaa yoomu diin waa siduu is leeyihiin ama ay u dhaqmayaan dawlad goboleedyada waxaa kala leh dawladihii samaystay sida itobiya iyo kenya, taas miyaan isku diidanahay? xukuumadda muqdisho waxay qaabilsan tahay soo dhawaynta iyo ilka cadaynta beesha caalamka arinaheeda gudaha iyo dibadana waa loo maamulaa boowe kenya haday xadaarad leedahay dabadooda haku dateen soomaaliya waa dal iyo dad kale, intii la xasuuqi lahaa ama ay shacab xasuuqi lahaayen waxaa u roon inay ugaalidoodii duuduub u tuuraan oo dalkoodii dib ugu noqdaan...taasi waa aragtidayda.
-
they occupied other country and become fat chicken xabad brother mix feeling? are we talking love story this a war millatery and their enemy nimankaan afka duuban anagana nagama celin karaan ayaguna iskama celin karaan.
-
che mahad sanid tartanka garoomada shirkadaha dhoofinta xoolaha iyo xabagta wax badan baa dalka iyo dadka faa'iida kasoo gala waa runtaa balse mudug iyo boosaso waa 700Km hadaanan khaldanayn hargaysana waa isku dhowyihiin qiyaastii kasbashada dadka ama customer'ka waa lagu tartamaa danyartana faa'iido weynbaa ugu jirto meeshii jeebkaaga badbaadisa waa ehelkaa si kastaba nin aqoon leh waa baraha dadkaan aqoonta badbayn sidaydoo kale thanks xabad saxiib allaha ku saamaxo puntland haddaad il uga baqayso biyaha badda oo dhalo ku jira iridda hore halagu xiro
-
waa runtaa saxiib kaabayaasha dhaqaalaha waa loo baahan yahay aragtidayda baahidu waa labo siday iigu muuqato mid waa daruuri midna waa tarfiihi ama faanfaan somaliya wadan dalxiis ma ahan waqtiga hadda la joogo baahidiisu waa ceelal biyo laga cabo wadooyin islaanta dhali wayda lagusoo gaarsiiyo isbitaalada, dugsiyo wax barasho oo bulsho caafimaad qabta barbaarisa. Baahida hore waa taas Tan dalxiiska waxaa soo jiita bulsho qurux badan oo dhul nabada ku nool masha allah reer beriguna waa dad nabadeed balse indho dalxiis lagu qaabilo kuma arag ninyahow xaafuun hadii baddu soo buuxiso waa jasiirad airport ay ka soo dhoofaana ma leh wadana ma leh su'aashaydu waxa weeyaan.... islaan ciyaal dhaqan celisa wadata iyo oday carabtu soo tarxiishay maxaa dhaqaale kasoo geli kara airport caalami ah oo ku yaal soomaaliya meeshay ku dhamaato?
-
Gooramada caalamigaa ee soomaalida mushkiladoodu waxaa weeyaan waxa ka dega diyaarado caalami ah oo lagasoo kiraystay ruushkii burburay waana inaad neefta isku celisaa ilaa ay hawada ku fogaato Ayadoon dadkii kasoo deigin baa alaabtii iyo boorsooyinkii lagasoo dejiyaa halkaa waxaa ku bilaabata ha igu joogsan iyo boorsadaydii ma aragtay malaha Dubai baa looga soo tegay iwm, wax standard oo caalamka sedexaad iyo kan shanaad oo la haystaan ma jiro Garoon caalima ah wuxuu u baahan yahay diyaarado caalami ah iyo dad taba baran oo ilko qurxoon. Shamitadaan meesha lagu khasaariyay waxa ka Baraka badnayd ayadoo wado loogu dhiso dhulka gaari waaga ah diyaaradahaan ruushku uma baahna garoon caalami ah meeshay doonaan bay ku degaan haday lacagtooda helaan taasi waa aragtidayda.
-
Aduunkoo dhan waa sidaa kaluunka weynaada kan yar nolol uma ogala Waa guri caadi ah aragtidayda place ama qasar ma’ahan iyo family ku fraxsan noloshooda oo door biday inay xeebta u dhawadaan mushkilad ma leh. Sawirka dhabtaa oo meesha ka muuqda waxaa weyaan is barbar dhigga dameer ooman oo caag maran sida oo ceelkii kasoo noqday iyo gabar abaheed hor jooge yahay oo dhar qaali ah ku dhaxamootay markii la fiiriyo kitaabka afrikaanka waa waxaan loo dul qaadan Karin.
-
waa mowduuc wanagsan galbeedi xoolaha soomaalida dhibkoodu waxaa weeyaan socodka iyo biyo la,aanta waa in lakala fujiyaa hilibkooda iyo sartooda misaankoodu hoos buu usii dhacaa markii la geeyo dalalka carabta digaaga carabta iyo asagu isku misaan buu noqdaa si loo hormariyo waxaa ila wanaagsan marka hore in la hormariyo nolosha xoola dhaqatada qudhooda waayo haddii nin canada ka yimid oo lugaha kareem soo marsaday shaah u doonto tuulo xoola laga shubayo waxaa qalbigooda gelaya siday u tahriibi lahaayeen see loo hormariyaa marka? waa in solar net iyo tv loogu xidhaa hoygiisa labo waa in la wacyi geliyaa la baraa sidii xoolaha loo daweeyo waa in xoolaha laga dhigaa kuwa aan guurin biyoana loo helaa iwm waa in la helaa dawlad u suuq gaysa xoolaha damaanad qaadda hantida ganacsatada
-
waa sax awoowe isku kursibaan fadhinaa khaadimka ama domastic workers yaan macluumaad kaa siinayaa intaan ka aqaan waa qof lasoo iibsaday qaab ahaan carabka iyo xaaskiisu wuxay tagayaa xafiis ay yaalaan sawirada dadka la keenayo xaaska carabku waxay door bidaa inaysan gabadha imaanaysa qurux badnayn waayo waa dumar waxaa ku beeran hinaase gaar ah basaboorka waxaa haynaya xafiiskii ka iibiyay guriga carabka, haddii isku dhac yimaado xal uma furna aan ka ahayn inay cararto ama ka baxsato gurigii laga iibiyay ayadoo dhar fiican wadan taasina khatar badab bay leedahay hadday xafiskii ku noqoto waxaa la waydiinaya qarashkii ku baxay markii dalkeeda lagasoo qaaday soomaalidu ma xamili karaan xadaaradaha caalamka kale balse waxay kaga fiican yihiin is gacan qabashada ayagoon taas badelkeeda waxba ku doonayn si kastaba dumarka yaan la dhoofin dawlado safaaradahooda laga hibaysto yaa carab ku difaaci waayay jaaliyadahooda xataa reer galbeedka waxaan maqlay in xoriyadooda xijaabka laga bilaabo shaqo guri waa adigoo god galay waxa kaaga soo bixi karana aadan garanayn ama mas buu noqon karaa ama bakayle. waxayna u badan tahay wakhtigga hadda la joogo boqolkiiba 97 in mas laba madax leh ugu tagto.
-
samafal dalalka khaliijka sharciyadooda ma wada aqaan balse badankooda lagama ogola in dawlad ka mid ah jaamacadda carabta ay khaadim ama adeegayaal hoose kusoo shaqa tagaan sharcigu waakala nombar kan carabta loo ogol yahay waxaa lagu magacaabaa xoog maal ama shaqaalaha shirkadaha iyo xukuumadda i.w.m markii ugu horaysay haddii dawlad caraba yeesho inay khaadim u noqoto dawlad kale oo carbeed waxaa meesha soo galaya arin ugub ama cusub xataa pakistan iyo afghanistan looma ogola si kastaba aragtidayda markaan kaftanka ka gudbo ilama haboona in dumar carab iyo dal kalaba ushaqo tagaan sababtanu waxay tahay dumarku waa makhluuq qurux badan, guri aan gurigeeda ama dalkeeda ahayn kuma nabad geli karto ama way adagtahay.
-
intay mareero ka tahriibi lahaayeen yamana lagusii kufsan lahaa waxaa dhaanta inay toos u tagaan teeda kale khaliijkoo dhan ha loo qaybiyo rag badan baa meesha ku gaboobay hubaal wasiirka shaqada xasanaad badan baa loo qori lahaa tahriibka wax ka xun ma jiraan awoowe ama intay wadamo gaalo tagaan indhakuul khaldan marsadaan.
-
Christmas Banned in Somalia - Does it get any lower?
gooni replied to Alpha Blondy's topic in General
What are the Christmas? And what kind celebrations they do? What is the meaning this two words from allah su.wa غير المغضوب ولضالين Who is المغضوب Who is ضالين ? We read fatiha seventeen times a day and night and even more, no needs to witness charcoal pork and alcohol in our own country let them hide under the tent. -
Nadaamka qabiil dawladayntu aakhirka wuxuu isugu imaanayaa dooxa hargaysa Culumadaan leh barafka Belgium waxaan u taaganahay in nala aqoonsado faataxada noo mara ilaahay haka baqeen dadkana runta ha u sheegeen. ilaahay wuu aqoonsaday waa muslim waana soomaali nabadooda iyo midnimadooda halaga shaqeeyo. Wixii runta kasoo hadha waa maaweelo magacii doono haloo bixiyo safaarada Scotland noo fidhidaa laga raja qabaa in waraaqihii aqoonsiga gudbiso kirismaska ka dib iyo bitibiti badan oo xad dhaafa.
-
Interesting indeed Gabadhaan dacwadeedu waa macquul wayna ka macquulsantahay qoladii hore oo ayagoo xuurtaysan TV’ga soo fariistay Si kastaba dawladda ay dacwada ka tahay, waa dawladdii noogu dambaysay dawladnimo. Taariikhda laguma hayo siyaad barre allaha u naxariistee guri uu leeyahay iyo dad guryo looga dhacay haybtooda. Sidoo kalena allaha u naxariisto marwada aabaheed. Dhul bixinta waxaa ku shaqo lahaa dawladda hoose waxaana saxiixa ugu dambeeya lahaa abu raas xasan abshir iyo kuwa kale. Dhulkaan wauxuu ahaa sida la sheegay meel aan nadaafad badnayn oo dayacan waxayna dawladu ku iibisay (naado مزاد, Auction),hadaba marka dawladdu dhul ku iibinayso NAADO waa dhawr arimood midkood Kow in dad walaala ama ehel ah isku qabsadaan guri ama dhul oo dhaxalkii lagu kala saari waayo Labo inuu noqdo meel iska baa ba’asan mudo aad u dheer. Sadex in dayn wakhtiyo kala duwan oo la qabtay uu ku bixin waayo iwm xoolaha kasoo xorooda waxaa qaadan jirtay dawladda ka dib ha lasii dhecee nidaamka saasu ahaa Su’aasha aan marwada weydiin lahaa waxaa weeye maxay dhulka ugu dacwoon weyday intii c/laahi yuusuf iyo maxkamadiisu joogeen soo ma'ahayn ninkii ugu horeeyay oo in la wada taliyo usoo dagaalamay?
-
Mooge, niyow ciidak Mubarak wixii rag iska Celina waa meesheeda in waraabe lala seexan karo puntland baa laga bartay sow qaxii ka dib maadan dhalan oo Kenya kuma korin?
-
Mooge, do you believe puntland will not obey King Solomon’s Order? Ma malaynayo in governerka xaafuun iyo Dr,c/weli diidi karaan dacwo uga timid his excellency tadhase gebre selese Tan kale sow lama socotid in snm basaboorkooda itobiya keliya ku tagi karaan, taa badelkeedana haddii mujaahidiinta iyo macalimiinta dugsiga loo yeero aysan diidi Karin,Isuna arkaan laba dawladood oo darisa,oo midkood curddan jilicsan tahay.
-
Meel waxay leeyihiin waxaan la mid nahay barlamaanka Thailand dimuquraadiyadda waa laysku feeraa meellna waxa leeyihiin reer bini haashim xoolahoodii buu ku cayilay waa inuu naga dhex baxaa waa marqaan aan caadi ahayn. Reer sool waxaan kula talin lahaa islaamuhu markay xoolo qashaan waxay arkaan waxay ugu neceb yihiin tuke, taleex taariikhdeeda yaan snm faraha loo gelin.
-
Odaygu waa sigtay runtii nin tolkii la fadhiya kaa xoog badan markii horuu kursi gaaban ku fariistay magac waxaa ugu liita kan marada kaa fura.