gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. Xabad good to know you’re male and your good man too. We are off road in this good topic, my apology, but I have to tell you some of my experience if you don’t mind. hadda ka hor waxaan imid meel magaalo yar ah anigoo geel aroora kasoo hor maray waxaan ku arkay dhalinyaro soomaali ah oo ka labis duwan dhalinyarada kale, akhlaaq wanaagsan ka muuqato sida salaada wejigooda iwm. Tuulo joog waa taqaane afkaan iskala galay waxay iigu jawaabaan lahjad af soomaali u eg balse aad u adag,markay ayagu wada hadlaana waxay ku hadlayeen luuqad tan shinbiraha ka dhaqso badan subxaanallah. Waxaan is weydiiyay maxay meeshaan kasoo dooneen ayagoon ku dhalan af iyo dhaqan aqoon? Waxaa jawaabtii ila soo doontay oday meesha fadhiyay anigoon weydiin ilaahay amarkiis Wuxuu ii sheegay awoowgood magaciisa iyo arin iga yaabisay runtii wuxuu yiri dhalin yaradaan waxay keeneen waalidkood, oo soo dhaqan celiyeen. macnaha kuwii wax dhalay yaa lasoo dhaqan celiyay (alxamdulillah waa nimcada illaahay siiyo dadka diintooda barta) Arinta meeshaas kasoo baxaysa waxaa weeyaan gaaladu markay qaxootiga qaadayaan waxay jecel yihiin dadka aan waxna qorin waxna akhrin, ama form’ka loo buuxiyo ama meesha la fariisiyo la yaaba markii interview loogu yeero. Maxay tahay ujeedada ka dambaysa? Aragtidayda markii dadkaas la qaado oo nalal badan lagu shido suuli dhoobo cad laga sameeyay ku xaajoodaan masaajid adamkiisa dhagahooda laga ilaaliyo way wareerayaan sidaadoo kale haddaan ilaahay bad baadin. Maxaa kula gudboon marka? Waxaan kugula talin lahaa inaad diinta islaamka si fiican u barato, ka dib tan ingiilkii hore, kii dhexe, iyo kan cusub Waxaa hubaal ah inay kuusoo baxayso xaqiiqda, looma baahna inaad gaal tabliiqa iska dabo gasho adigoon waxba kuu kala saarnayn Gaariga bareegiisa iska samee adeer, wadada waxaa lagu maraa cagaar iyo casaan.
  2. why they throw me? kaalay geella caano kaaga lisee diin la'aan wax ka liita ma jirtee
  3. xabad Gaaladu inta badan dadka diimahooda ma fara geliyaan mid aan waxba aqoon baa wax kusoo baray leave the other people's beliefs. Ilaahay u noqo abaayo (ان الله الغفور الرحيم)
  4. Waa hadal gar ah galbeedi,,,, Qof walba in lagu abaal mariyo wax qabadkiisa iyo dadaalkiisa Aragtidayda laga yaabee inaad iga saxan tahay warehouse turkey dhisay oo afrikaan ilaaliyo wax qabad uma arko. Dudunta dheer soo ma taqaanid? aboor baa dhacaan yar ku dhisay wuuna iska tawakalaa ilaa ay dheeraato. dawladaanu isku day ma leh, iska daa waxay qabatee geeridii labay nooga dhigtay tii xabadda waxay noogu dareen tii dadnimada iyo damiirka. Dagaalkii itoobiya muqdisho beel gaar u lahayd ma jirto awoowe,dagaal guud buu ahaa ama ha la mayal fogaado ama ha la mayal gaabnaado, balse siyaasiyiintii lagu abaal mariyay hogaanka inkastoonan garanayn cidda abaal mirintu kasoo go’day, umusha way ka dhakhso badnaadeen shariif baana ka mid ahaa,dagaal munaafaqaysan buu ahaa The best resource of our country is youngster and donkey and both we miss use
  5. Galbeedi Waa kugu raacsanahay inaysan macno badnayn wiilal caato ah oo markaad waraysigooda dhagaysto aad garan karto in ay marin habaabeen, kornaylkii boobsiis ku dila lasii dalcsiiyo laguna sheego guul usoo hoyatay ciidanka qaranka Aduunka wax ilaahay abuuray waxaa ugu qaalisan basharka ama bini aadamka soomaaliyana asagaa ugu raqiisan,ama bad ha lagu dilo ama tiir ha lagu duubo Tan xil wareejinta haddaad ula jeedo kursigga xamar beeshu waa ku ceeb 26sano ka dib inay is dhiibto Dadka ugu aqoonta badan muqdisho waxay leeyihiin xoolaheenii iyo maalkeenii waxaan ku masruufnay soomaali kale iyo baarlamaan weli dawladiina waa shaqayn la’dahay cadaawad naloo qabo darteed!!
  6. Malistar nice picture will not change reality, those Soldiers need good care and they don’t have, we hope one day we will see functioning government insha allah This happy president must go with his fat boy.
  7. < <cite> @xabad said:</cite> Are you accusing Jews of masterminding Al shabaab terror ? Xabad nimankaas meeshay u socdaan iyo takhdiidkooda ilaahaybaa noo sheegay cid kale uma baahna, adigu is daahiri ninyahow yaan baadari ku dhunkan just advice sorry if I turn the compass again.
  8. Waa su’aal meesha ku jirta dad ka yiraahda ciidamo dawladaha dariskaa iskasoo gala wadankeena waa dad shacab ah gacantooda waxaan hadal ahyn kuma jirto. kuwa maamulada haya oo qabiilka nagu kala ooday ma awoodaan inay intaasoo kale yiraahdaan waayo ayagaa meesha keensaday mana awoodaan inay ciidan qaran dhisaan bilaa caleek Dawladda awoodi weyday inay tiraahdo weli waa nool nahay naftii waa nagu jirtaa, transit baan nahay daris ama jiiraan wax ka dhaxeeyaan baan nahay,airport’kii muqdisho amaankiisii waan sugi weynay, si toos ugama dhoofi karno, ciidankiina naga qaata excuse me, kuraasta ha naloo daayo intaan naf baxayno. Dawladda noocaas ah hubka la siinayo maa qabuuraha ood looga dhigo.
  9. Intuusan soo bandhigin baa ka badan ilaa fircoon ilaa wakhtiga la joogo takhdiidkoodu isma badelin haday doonaan masaajidkay kugu tujin ayagoo hadaf kale wata Idaha iyo soomaalida isku meel buu roobku ku helay ninkii diyaaradda ka dhex baxay qabiil kee noqday?
  10. Hubka dawaladdu dal batay ma mid automatic keligiis difaac iyo weerar galayaa mise waa mid ciidan u baahan? Hadduu yahay mid ciidan u baahan meeshay seexdaan ha xoreeyeen intaysan dalabka gudbin ninka iska faraxsan inta badan la taliye fiican ma helo.
  11. Absolutely waa maah maah qadiima Professor’da somaliya wax barashaday dadka ku dirayaan, cadaan iyo cagaar midna ma leh markii la waraysto waxaa kugu soo dhacaysa ciyaalka baadiye u dir. War Tillamook airpor’kaas waa khayrayaa inshaa allah il xun arki mayso What you mean other peoples? Aren’t we same people?
  12. Honesty we don’t have leaders to be proud either he is educated or uneducated Waxay kasoo dhex bexeen shacab qabiil dulaystay. Sir, Tillamook Siday u dhan yihiin madaxda soomaalida mid ninkii u yeera diidi kara ma ku jiraa marka laga reebo professor c/weli?
  13. Malistar Hutus? I thought Hutu was Rwanda Burundi somewhere This news came from puntland owned media Sir. Midnamadu tahdiid ma gasho awoowe puntland waa reer cawaale, waa asaasayaashii midnimada, suuro gal ma’ahan markii siyaasaddu kaa xumaato ama ku wareerto shir jaraa’id ku qabato guriga hooyooyinka Doorashada puntland cod shacab kuma iman waa 4.4 ama qori tuur beel keliya muxuu ku diidayaa 4.5’ka beelahoo dhan? Qabiil ama diid ama qaado,haddaad qaadato don’t complain. Markaad wax kaa aqoon badan weydo geel jiraa lala tashadaa go back to Harvard and enjoy the milkshake.
  14. Siyaasadda koonfurta jaho ma leh,gorgortana waxba looga keeni maayo Qodobka labaadna kuwii luuqadda ingriiska ku heesay baa wax ku waayay Tan sedaxaadna beesha caalamku dayac tir baan ka sugaynaa iyo dib u habayn Proffossorku markuu madaxa tuujiyay ma sedexdaa qodob baa usoo baxay? Hogaanka labada jamhuuriyadood axmad madoobe haku wareejiyo si dalka loo samata bixiyo.
  15. Galbeedi Galow waa shinmbir sadex magac leh fiin,dhabad iyo galow Galaw waa lafta ku wareegsan rubadda ama dhuuntu meeshay ku dhamaato allahu aclam
  16. Walaalo inta badan jacaylka hooyada waxba lagaama qoro waayo cid qiimayn karta ma jirto waa ‘cadd’ayada kasoo dhex baxay subxanallah kan nawaalay gabayada iyo hurdo la’aanta na dhigay, waa midka wadaagga nolosha cusub, inkastoon la yaabay qofaan jacayl soo marin siduu uga sheekayn karo. Wakhtigga iyo waayuhu way is bedaleen jacaylkiina godob buu tirsanayaa. Smart phone qof ku fooraraa wax ma jeclaan karaa? hadduu jeclaadase waa noocee jacaylkaasu? Khibradayda kan ugu daran oo in laga sheekayaa mudan waa kan ku dhaca teen age ‘ka ama wakhtiga baaluqa, afka qalaad waxaa lagu yiraahdaa very danger Waxaa dhici karta inaad qabow ka dareento wadnaha taa macnaheedu maahan in wadnaha jacayl ku dhacay waa baqdin indhuhu geliyeen haddii aad doonayso inaad la hadasho qofkaad jeclaatay waxaa dhici karta inaad lumiso dareenka dibnaha ama bushumaha, ama sidii wax salalay cusbo iyo sonkor waydiiso. Kan dadka waa weyn ku dhaca waxaa afka qalaad lagu yiraahdaa top secret Waxaa keliya oo garan kara dadka uu hayo,waxaay isu tusi karaan si sarbeeban hadal wanaagsan qiimayn gaara ilaa uu isku milmo. Midka inantu buugga ka qortay waxaa afka qalaad lagu yiraahdaa very rare Waxaa dhici karta in si wanaagsan buugaas u gadmo waayo horay soomaalidu ugama sheekayn Blue good to see you.
  17. Wax mushkilada ma leh jacaylka waa laga hadli karaa waxaan aaminsanahay inuusan wadnaha ku dhicin wuxuu ku dhacaa indhaha waxayna u gudbiyaan xubinta ku shaqada leh jacaylka Labaduba way jeclaan karaan ayagoo xaas leh balse waxaa na xukuma diinta iyo akhlaaqda suuban Mooge Makula talin lahayd ninka xaas nin kale jeclaaday inuu u tago una sheego ninkeeda inuu jacayl la liito? Hadaysan weli aqal gelin dagaalku ma furan yahay aragtidaada? Reer burtinle waan aqaane reer barigu see u xaliyaan arimaha jacaylkaanoo kale?
  18. I thought we all grown men what the waste of space Galbeedi waxbaa ka jira waxa laguu sheegay, somalidu waa rubber stamp Uma eka dad wadankoodii maamulaya markaad fiiriso qaabka shaqadooda Ajaanibka waxaan ku tix gelinaa siday noo maamuli lahaayeen waa dhaqan aan garn waayay meeshuu nooga yimid.
  19. Mooge got good point an education is solutions but who will do this job? Reer boorame dadka soomaalida bay ka mid yihiin kuwa burcana sidoo kale hadii shakhsiyaad ka mida dhib geystaan waa qayb naga mida laba dawladood oo is neceb ma’ahin dagaalku waa (ideology) Waxaan filayaa in xamar loo arko maska madaxiisa waana tan keenaysa in dhibka ugu badan dhaco. Taasu waa aragtidayda.
  20. weli dad qalbi qoyan baa soomaaliya ku nool jurille ilmadu sahal ugama soo boodin meel nabadu taal baa nololu taal hal doorka la dilo waa soomaali dhaqankeed ninkaan odagaa hadduu afrkada dhexe kasoo jeedo iyo haduu soomaali yahayba ma'ahayn dadkii shalay ku kalsoonaa oo uu madaxda u ahaa inuu iska hor keeno ayagoo hubaysan
  21. Puntland waxaa la taraartay dawlad gobeleedkii ugu faca weynaa soomaaliya nin aqoontiisu saa’id tahayna waa hogaamiyaa ama si kale haddii loo dhigo aan si sahlan looga hoos bixi karin. Runtii wax weyn bay ka bedeli karaan hab dhaqanka wareersan ee soomaaliya haday helaan hogaan daacada oo geesinimo leh balse rag iska celin baa rag kala reebtay. Boowe qoslaaye wuxuu samaynayo sow ma’aragtid waxba soo kordhin mayso 1- Is dhexgalku ciidanku waa ka kow, meeshii ciidan somaaliyeed oo isku dhafan joogaan ,muwaadin kastaa -xaqiisu waa ku dhan yahay. ( ama haka taliyo ama haku noolaado.) 2- Midaynta xuduud gobeleedka ayadoo hayb qabiil lag fogaanayo 3- Wada shaqaynta arimaha gudaha iyo dibadda kala dambayntuna aysan ceeb noqon Shacabka intiisa kale waxba kama dhexeeyaan telefishanka un bay ka fiirsadaan madaxweyne yaashoodii oo kala carooday sababta markii la weydiiyay goob joogayaashii fadhi ku dirir baa soo dhex galay, weli wax jawaaba lama hayo Talo wadaag waa tayo ku nool haddii la helo.
  22. Si ka fiican buu u hadli karay balse saxaafadda yaa goor subaxa waraysiyada ka qaada inta badan Weriyihii wuxuu leeyahay qolada xamar waa unprofessional odaygiina wuxuu leeyahay nalama aqoonsan basaboorna uma baahnin. Soo kama wanaagsanay inuu yiraahdo inta nala aqoonsanayo walaaleheen baan lasii joogaynaa?
  23. At least he should ask where your husband is. That is not our culture smile with other man’s wife like harmless dolphin
  24. Qiso qurux badan oo iila ekaatay tan soomaaliya oo nin caraba qoray wuxuu ula jeedayba Nin baa wuxuu lahaa faras iyo beer, wuxaa ugu dhex yaaalay ceel biyood, mudo ka dib baa faraskii duqoobay, ceelkiina angagay ama biyihii ka dhamadeen guray. Ayadoo xaalku halkaa marayo baa waxaa maalin maalmaha ka mida faraskii duqa ahaa ceelkii ku dhacay. Ninkii beerta lahaa ceelka iyo faraskuba wax anfaca kama soo geli jirin wuxuu ku fekeray haddaad faraska ceelka kasoo bixiso qarash badan baa ku baxaya horayna wuxuu qalbiga ugu hayay siduu ceelka u duugi lahaa ama u aasi lahaa Feker dheer ka dib wuxuu go aansaday inuu ceelka iyo faraska duqaa isla aaso madaama faraskuna duqoobay ceelkuna guray wuxuu u yeeray dariskii wuxuu ka codsaday in in ceelka lala aaso oo badeelo ama majarafado lasoo qaato waa laga yeelay waxaana lagu bilaabay ciiddii ama aasiddii Waxaa cajiib noqotay faraska korkiisu waa sulub ama smooth waxa afka qalaad lagu yiraahdo marka ciiddu ku dhacdo waxuu ruxaa maqaarka kore oo keliya waana gilgilasho dhaqso badan oo u gaara xayawaanada qaarkood siiba fardaha iyo riyaha Ciiddu ama camuuddu waxay ka hoos martaa lugihiisa ilaa u banaanka soo istaago ama ceelkii kasoo baxo Wuxuu kusoo gaba gabeeyay ama dulucdiisa ku tilmaamay in bini aadamku dhib kasta oo ay kuu geystaan shakhsi ahaan aad ka gilgilato ama lugahaaga ka hoos mariso ugu dambayna adaa korayn doona Gaar ahaan aniga qisadaanu waxay ii anfacday qowmiyad ahaan.