-
Content Count
2,415 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
53
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by gooni
-
Intaa meesha isugu timid mid diyaar u ah in dhulkiisii aamino oo dib ugu noqdo kuma jiro barwaaqay sheegayaan baraf bayna hoos fadhiyaan Tissue aan ilmada isaga tiro iisoo gudbi waxba soo kordhin mayso aragtidayda.
-
Wadada aad qaadeen loool Waxaan filayaa xaaladda hadda joogta yaa sidaas noqotay walaal mar haddii dawlad la waayay in danahaaga reer kale kaaga soo shir qaado waa laga fiican yahay ama way dhaantaa intii mid hurdaysan magac dawladeed kugu iibin lahaa Tan kismaayo waxaan u fahmay soomaaali baa leh waad ku saxantahay sida hargeysa iyo boorama loo wada leeyahay yaa kismaayana u wada leenahay, waa dhulkeenii hooyo wallaal.
-
Side qabiil ula shiri karaa dawlad shisheeye waa su’aal fiican Wax cusub ma’ahan in qabiil la shiro dawlada shisheeye,shariif sakiin waa la shiray, dr gaas waa la shiray,xasan sheikh waa la shiray, siilaanyo waa la shiray islaam madoobe waa la shiray, ayagoo matalaya qabiilkooda aduun weynuhuna aad buu usoo dhaweeyay, dawlad ku sheegtiina 90’kii baa noogu war dambaysay. Maxaa cusub marka.? Waxaa cusub aragtidayda…. Kenya waxay doonaysaa inay derbi dhisato oo sharta soomaalida ka nabad gasho. Itoobiyana waxay doonaysaa inay qoriga dhaanto noogu bedesho oo dadka ugu faarxadda badan afrika noqono.
-
Kismaayo case closed, I can't believe still you sleeping one eye open.
-
Gabeedi,,,,.warka meel madaxa u saar borama news whatever Arintu orgiga ka weyn, saxaafaddu way ogtahay in soomaaliyoo dhan qayb qayb loo iibiyay gedo yaan la suuq geyn cidina akhrisan mayso, iskaashi wax wada qabsi iyo darisnimo waarta ha la yeesheen walaalahood Kenya. Su’aasha fiican waxay ahyd reer gedo marxuumkii wuxuu mootan yahay ku dhawaad sodon sano wayna ogyihiin inuusan dib danbe u soo noqonayn, wadankuu xuduudkiisa difaaci jirayna waa la baneeyay, sida muuqata. Dadkii uu soomaalinamada u jeclaana waxay u qaybsameen dad marqaan la doorsoomay iyo kuwa neef kulul ugu abaal guday iyo aryaa idey. Dhulkiina idinkaa iska leh ama naado ku iibsada ama difaacda ilaa taako ka mida,soomaalinimo waa catow idiin gaara.
-
M’mad Wax cusub ma’ahan in (SNM) irrid kasta usoo garaacaday ictiraaf dartiis,balse xaalku sidii hore ma’ahan wax weyn baa is bedalay tartiib tartiib bay isaga so af jarmaysaa kubadda deji, xoogga tahriibka iyo wacyi gelinta ha la saaro. Koonfur iyo waqooyi is kaashada sidaad beriggii horaba isu kaashan jirteen dad wallaala tihiin mana kala maarmaysaan yaan dad kale idin dhex gelin oo jaaniska ka faa’iidaysan taasu waa intaas Midda itoobiya iyo kala furfurka soomaaliaya cid kastoo hub haysata oo soomaaliya joogta iyo itoobiya cilaaqaad baa ka dhexeeya, weliba gaar ah, taasi waa hubaal. Kelinka 5aad berigii hore asagaa ilaashan jiray hadda soomaali baa u ilaalisa, kuwa kalana waa la mid ama kooxo diimeed ha ahaado ama maamul ha sheegteen. Ninkii xaasaskiisa ku yiri sii jeesta midaan jeclahay dhabarkaan ka taaban iyo ayagu waa isku sariir.
-
Allaha u naxariisto ugana meel bixiyo ma banana inaad naftaada haligto, meel walba ilaahay waa joogaa, yurub keliya ma joogo. Tahriibka shaqo abuur laguma joojin karo aragtidayda, dadka tahriiba inta badan waa dadka ugu ladan bulshada iyo meelaha ugu nabdoon. Waa sawir qabow oo dhalinyarada maskaxdooda si sahlan u gala waxaana dhiiri geliya qurba joogta faanfaanka noogu timaada iyo meeshaan lama joogi karo biyaheeda lama cabbi karo, calaacashaa kaneeco iga qaniintay, khatar waaye iwm. Odayaashii vitamin D’gu kusoo yaraadayna barlamaankaa lagusoo dhaweeyay mar hadduu basoboor ajnabiya wato shahaado loogama baahna wasiirka iyo shaqaalahana asagu ha keeno. Dal joog waxba looma habyn runtii aan ka ahyn dameer jiran, waa in lagu mudaahaaradaa qurba joogta oo loo sheegaa inaysan waxba nagusoo kordhin jahwareer dhaqan mid siyaasadeed, laab la’kac yaa laga dhaxlay. Dad badan baa ku andocooda masaariif badan bay soo diraan, ilmihii masaariiftooda ku koray soo oran maayo markuu weynaado maxaa adiga curyaan kaa dhigay oo bad iyo beriba jiiri maayo? Allaha na asturo.
-
Miyir Adeer arinta madaxweynahaagu waa ilaahow gaalna ha iga dhigin gaal la’aana ha idhigin. Mas’uuliydda saaran waxaa ugu weyn allaha garansiiyee midda caqiidada qosol ma gasho iyo garoowe dad badan baa ku nool sida Washington. Garoowe soo magaaladii buurta hoosteeda ku taalay ma’ahan oo togga weyn lahayd? Goormaa dadka lakala garan waayay?
-
Hay’ad gaalnimo u go’day isla markaana ogalyn in muslin la shaqeeyo, ama dhex galo, wadan muslina oo hadana daruufaysan dhexdiis. Su’aashaaas oo kale qof mas’uula yaa la waydiyaa nin si fiican usoo quraacday way ka qoslinaysaa.
-
Suldaan Waan garan karaa caaqil inaadan ku faraxsanayn balse waa boos banaan iyo fursad aan sahal ku imaan Midda kale lixda jamhuuriyad qabiileed midda ugu qaransan oo berigii hore laysku oran jiray soomaaliya soo aaminsanid? haday jawaabtu haa tahay, gebre macaamilka un buu noo kala bedalay sidaan horay u sheegay koonfurta wax gaara ma saarna. Haddii aad wax tegey iyo mujaahidiintii soo gocoto , please ignore me and keep update. allaha na xafido dhamaanteen.
-
Xaaji xurguf well come back Waraabuhu waa hunguri badan yahay waxaa laga yaabaa neefka jiiska ah ama laangadhaha inuu orod ku dhaafo si uu usoo qabsado kan ordaya mana dhergo isku meel buu ku cunaa aakhirka. Gidaarkaan aad sawiraysaan qurux ma’ahan dhanka aan rinjiga la marin kala wareeg markii sawir xun laga bixiyo koonfurta ajaanibka hortooda waxaad ku tiraahdaa anigu soomaali ma'ahi ee somaliland baan ahay then listen the reply carefully.
-
Sir,gabre shaqadiisu koonfurta kaliya ma’ahan waa soomaaliyoo dhan Qaar maba qaabilo waayo abaal hore yaa jiray, wakiil baa ku filan xafiis udgoon seexda don’t you know that?
-
Qof wadankiisii la yiri marti baad ku tahay, ama uga guur 15 cisho gudahood, caasimadiisu xagee noqonaysaa? فك ارتباط iyo kala guur soo ma’ahan awoowe gacaliye Masaajidkii qaylaa kasoo yeertay ,odayaashii xigmad iyo caqli waa ka dhamaadeen, dhalin yaradii waa tahriibtay, haweenkii barlamaankay galeen ayagoo weliba dulman, kaluunkii badda ku jiray waa fogaaday beerihii iyo duur joogtiina waa abaarsadeen Bitibitida waxaan ku darsan lahaa anigoo ixtiraamaya doodiina wanaagsan caasimad looma baahana wakhtigan la joogo waxaa loo baahanyahay isbitaal weyn oo jasiirad ku yaal.
-
gabadhaan meel qabow oo dhir leh maskaxda ha loogu dejiyo haddii tol joogo minisoodha tan mowduucan ninkii xoriyad haysta yaa qawl raganimo loogu yimaadaa aragtideenu sidaan u dhanahay soo dhaweynta iyo sayn ruxa ma dhaafsiisna.
-
“Shame” macnaheedu soo ceeb ma’ahayn mise anaa wareersan In lays caawiyo waa waajib ceebna meel kamasoo gasho haba yaraatee. Abaaraha cudurada khilaafka waa miisaan lagu ogaanayo imaanka muslinka intuu le’egyahay alxamdulilah calaa kuli xaal,waan in lagu qancaa qadarta ilaahay iyo wixii alle keeno. Federaalka soomaaliya sharci ahaan waa masuulka noo matala caalamka isu tagey, markii laga tago bitibitida faraha badan ilaa saylac ilaa labada raas, ama qorax kasoo bax iyo qorax u dhac. waxaan ka hadlayaa waa sharuucda caalamka u dagsan boob ka hadli maayo Madaxweyne farxaan haduu ku dhawaaqo xaalad deg deg ah abaaraha biyo la’aanta waa hadal isku day leh oo masuul looga baahanaa tabartu meeshay doonto haku geyso, balse haduu ka baqo in faysal waraabe telefeshinka ugasoo jawaabo waa daciifnimo meeshii ugu hoosaysay. Reer waqooyi galbeed waa masuuliyiinta ugu muhiimsan fedaraalka soomaaliya lamana ogola in magacooda lasoo qaado doog iyo abaar, sababtu maxay tahay? Maxaa dhacaya haddii lasoo hadal qaado? Ma cuno qabtayn iyo safaaradohoo la kala qaataa xigta? I have no idea whatsoever someone please!
-
Ma'ahan markii ugu horaysay oo sidaa noqdo webiga shabeele, anaa geel ka gudbiyay dhawr iyo sodon sano ka hor. Soomali galbeedna yaanyo lagama beeri jirin badankeeda waxy u badnaayeen xoolo dhaqato Ninkaan odogaa wuxuu la yimid inuu dadkii geelii dhaafiyo oo lugaha dhoobo u geliyo, biyihiina waa leexsaday waxuu soo saarana amxaaruu ku quudiyaa waayo ayagaa maal gashaday.
-
Waxaan filayaa inay ula jeedaan isku duubni rag iyo dumar, balse haddii dumarku dagaal barto waa culays soo kordhay, xafladaha inay isaga daydaan yaa macno dhaanta intay dagaal iyo tuute isaga dayan lahaayeen.
-
ninkaanu dadkii waxba uma hambayn sida muuqata geel iyo beer wax la is ag dhigo ma'ahan.
-
meesha ma dagaal xoog leh baa ka dhacay moge? bal noo waran saxiib mar hadii gabdhihii dagaal tageeageen maxaad nairobi ka qabanaysaa?
-
Aduunka dawlad walbaa waxay basaboorkeeda baalka ugu dambeeya ku qorataa hankeeda. Qaar waxaa ugu qoran muwaadinkeena dagaalka sedexaadna waa u gelaynaa kuwa kelana haduu kaa lumo waxaad bixinaysaa ganaax lacageed qaarba nooc. Soomaalida waxaa ugu qoran hanala caawiyo.
-
Dhulka berriguna waa la mid, markii dhibicda roobku ku dhacdo dhulka oo ciidda la fal gasho udgoonka dabayshu keento, soomaalidu waxay u taqaan saxan saxo, waa dhul bikraa bad iyo beriba. Balse cigaal shiidaad markuu reerka u sahamiyay wuxuu yiri, tigaad iyo barwaaqo soo arkay, maxaadse ku fali xiid dhalay baan loogu adkaysanayn. Xiidku waa shinbir tabar yar oo qaylo dheer dadkana ka nixiya.
-
@Tallaabo said: Ma waxaad leedahay amisom Puntland ha gayso ciidamadeeda maya Ciidan waa joogaa maadiyan iyo macnawiyan lool Maamuladu isma doonayaan war doon iyo iskaashi kama dhaxeeyo markii mid walba gaarkeeda u argagaxdo yaa beesha iigad iyo caalamku shaqadooda qabsadaan. Hadaan dab jirin dab damis lama sameeyeen saaxiib.
-
puntland waa isku filan tahay haday taageero ka hesho beesha caalamka iyo amisom
-
haha waxaan aad qortay wax nin wayn qoro ma'ahan ma ciyaalkaad u dhiibtay telefonka saxiib siyaad barre aniga iyo adigaba adeer buu noo ahaa hadii caqligaagu joogo 20sano nin aan amiir ahayn somaali ma xukumi karo mana xukumi doono taa jiilka kaa dambeeya u sheeg tan cararka meel aadan guri ka dhisan daacadna u ahayd haddii waraabe caruurta kaa laayo waa laysaga guuraa dadka la laynayo nin wayn cay uma arko cadowna somaali daciif ah makala jecla tan calanka snm haduu soomaali kala geynteed iyo kala tageed ka shaqaynayo 30 sano anigu habaari mayee ciiddaa habaaraysa.
-
Maro cagaaran oo dadkii lahaa ka quusteen walaalkaa ku dil habaar ma dhaafo. Xaabsade geesi buu ahaan jiray xuduudka ilaaliya intuusan haashka soo raacin. Geesi iyo fulay buuhoodle dhexdeeda laguma ogaan karo Dr.xaabo toosiye.