-
Content Count
2,415 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
53
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by gooni
-
cadnaan lool maxaad noo wada cayday come down son, easy take some hot tea. yuunis awoowe fikradda qaar waa dacar ama waa kharaar, balse qofkaad khilaafto waxaa loo sheegaa inaydaan isku si wax u arag adigoon waxba ka sheegin. tan mowduucaan aragtidayda ilama hagaagsana in la burburiyo dhul dhaqaale lagu dhisay,xataa haddii maamulku dib u bixiyo ilaahayna ma jecla dadka maalka ku ciyaara. magaalooyinka ugu horumarka fiican mustaqbalka waa kuwa lawada dego beel keliya isma indho buuxiso hadday isku dhacaan dhexdooduna waa ka dhib badan tahay tan kale. dhaqaalaha iyo tartanku wuxuu isu bedelaa xadaarad hoosta un layska caayo balse dhib dhimasho gaaro way ka gudbi aakhirka. Burburinta dhisidda way ka dhib yar tahay balse xal waara makeento. Gaalkacyo aqoontayda waa magaalo dhacda bartamaha mustaqbalkeeda dhaqaalana xoog badan yahay, u malayn maayo inay jirto cid ka faa'iidaysa dhib ku yimaada magagaaladaas quruxda badan. Wiilal badan markay dhintaan, yaa meesheedii laga miisi,dagaalkooduna nus saac ma dhaafo isla markiiba way haraadayaan dadku waa ku daalay dhib aan dhamaad lahayn.
-
moogow hubkii galmudug loosoo diray masoo gaaray any update? Reer baana fuuse guryahooda keliya lama dhicin xasan sheekh haybad madaxweyne malaha wadankiisu marti ku yahay,indhaha caalamka hortooda. Haybada ulama jeedo dhar qurxoon iyo qaabka muuqiisa,waxaan ula jeedaa fikir caqliyaysan oo umadan daruufaysan lalasoo hor istaago. Shaqada keliya uu ka bixi karo aragtidayda waa maamule dugsi hoose hadduu weliba helo dad khibrad leh oo daacadnimo ula shaqeeya. tusaale baan kuugu soo koobayaa lix jirku fahmi karo anigoon mudanaha ku fogaanayn. wuxuu ka qayb qaatay barnaamij ka baxa UNV TV oo loogu magac daray dood wadaag waxaa soo horfariistay 50 muwaadin oo isku jufo yihiin iyo gabar waqooyi galbeed ka timid oo guri laga dhacay madaxweyne federal oo jufadiisa dood wadaag la yeeshay haddana isu arka madaxweyne qaran ama federal soo layaab ma'ahan? madaxweyne goboleedyadaan nalagu kala qaybiyay, yaaba qabiil ku dhisan tiisu waa jufo isku lahjad ku hadla. Wadaniyadna malaha dakii wax dhacayayna ka mid buu noqday sida gabadhaan iyo dad kalaba sheegayaan. Dawladdii milatarigga oo keli taliska ahayd, golihii sare wuxuu ku dhisnaa qabiil,hadana qabiilka maysan ogolayn,waa akhrinta maskaxda dadka. soomaalida qabiil lagama furfuri karo lakiin waxay u baahantahay qof caddaalad wax un ka garanaya umadiisana dhaqan yaqaan. madaxweynaha hadda jooga muwaadin kastoo maskax fiyow leh, waa dhaamaa ama aqoon ha lahaado ama yuusan lahaan.
-
US accused of killing 22 troops in air strike misinformed" by Cowards
gooni replied to malistar2012's topic in Politics
intii dhimatay allaha u naxariisto waa sax galbeedi arintu waad sidaad u sheegtay balse waxaad ka booday khaladka dhabtaa meeshuu ka jiro maraykanku wuu iska laayaa muslinka asagoo sheega inta badan inuu ku khaldamay aroosyo iyo dad reer guuraa ahba iwm cidda u shaqaysa iyo ciidankuu mushaarka siiyana amarkiisa kama hor imaan karaan. iskusoo duub puntland khaladkay gashay waxaa weeye. Qirashada iclaamka ay soo hor istaagtay oo dusha saaratay dagaal aysan shaqo ku lahayn shacabka soomaalida maanta qabiil laguma dagaal gelin karo Maamuladaan gawracan yaa ku rafanaya umadda, reer puntland ma ogola in shacab soomaaliyeed la xasuuqo. -
waa sidaad u xigmadaysay arintu 100.000 kun oo qof waxaa ka qaalisan taako dhul ah. dadku waa dhashaa dhulkuse ma dhasho khalad la iska ilaaliyo waa midka ugu adag haddaad bariiqatana geel jabay baad la mid tahay. waa dhaxal aan guurin wadan qaali jimco wanaagsan saxiib.
-
Galbedi aqoonyahan waxaa loo baxsadaa markii meel adag la galo layskuma hayo in khalad dhacay, dadkuu ka dhacayna waxay noo sheegteen aqoonyahan lagu aamini karo danta qaranka iyo qowmiyadda guud. haddii aad leedahay saxiixaan wuxuu ahaa daruuri, aragtidayda laguma waajibin karo dawlad ku meel gaara. haddii aad leedahay sadexda nin oo eedaysan koomay ku jireen markay kasoo yara baxeena dhakhtar yaa kaniini yar gacanta ugu riday oo duuduub yaa lagu laqsiiyayna, waa muklif qarash,aqoon iyo wakhti dheer u baahan. soomaalidu waxay tiraahdaa durbaanka maxaa habeenkii loo tumaa haddaan wax ki jirin lacagtii wadankeena lagu iibiyay waa noo muuqataa, in doorasho lagu galo si intii hartay loo sii iibiyo wax la qaadan karo ma'ahan ccc weriyuhu hadduusan su'aasha ku toosin ma hadleen waa nin hurda inta badan, balse waxa dhacay wuu ogyahay,markuu soo jeedo. c/shakuur iyo sheekh shariifna waxay si cad u caddeeyeen inaysan waxa la saxiixayba aqoon u lahayn. Amarka iyo masuuliyaddeedana uu iska lahaa wasiirka koowaad. Aragtidayda si dawo loo helo waa in sedexdoda maxkamad aan qabiilaysnayn jasiirad yar laga sameeyaa,halkaasna xukunku ka dhacaa, waa riyo iga raali ahaada. Haddii kale wiilasha noo daaya dhiiri gelin dheeraadana ha la siiyo si inta hartay beec fiican ugu helaan, tanaan riyo ahayn.
-
mushkiladdu waxa noo muuqda waa ka weyntahay aragtidayda khiyaano wadan arin sahlan ma'ahan markii lagu cabiro halbeeg fiican. dadka damiirka leh isma sharaxaan mas'uul dambana ma noqdaan, way is dilaan si, si wanaagsan loogu aaso kii laaluushka siiyayna u ogaado in lacagtiisii khasaartay. khaladku meeshuu ka yimid waa madaxweynayaasha layska dooranayo ayadoon dhakhtar lasoo marin wax u kala saarana aysan jirin. madaxweynaha hadda jooga wuxuu idaacadda ka sheegay asagoo isla quman si loogu arko nin wadaniya (khalad aa dhacay aa ka daba tagowhaynaa beesa badanaana ku baxday). su'aasha dadka canjeeladooda iska dubta sidaydoo kale is weydiinayaa waxay tahay, see masuulka labaad ama sedexaad u noqdeen ayagoo ku eedaysan khiyaano qaran? soo kama dhigna yaa wax ila gadi yaqaan? warqadda la saxiixay waxaa keliya oo ku qornaa is af garad, macno ma lahayn! waa siday ku andocoodeen, haddii lays af gartay maxaa muranka keenay iyo la qarash garoobo? madax aan oran karin dalka anaa iska leh hogaankoodu waa khasaaro. umaddaa iska tabaalaysan intaa ka badan caalamka hortiisa yaan lagu dulayne isaga hor dhaqaaqa Arrad waa dan, uskagna waa doqonimo.
-
ciid wanaagsan waa runtaa oodweyne waad iga gar leedahay mowduucaan mar hadduu gabaygu kaa xirmo lama geeraaro. mooge yaan xabadda u waday ilaahaybaa ka duway alxamdulilah ilaahow dhiig sokeeye ha na gelin. tan reer galmudug khudaarta iyo biyaha marka roobku da'o ma dhaafsiisna, wax saa u weyn ma'ahan lama barbar dhigi karo amni qowmi iyo in dalkeena iyo dadkeena lakala gooyo oo weliba kuwii ugu qiimaha badnaa, uguna midnimada jeclaa, lacag lagu kala iibiyo ama dhexdooda laysku diro. waa intaa waxa i gubaya balse soomaalidu iima kala sokayso haddii qabiilka dawo loo helo.
-
mooge ma faydaa? i hope you doing good Ugu horayntii waa arin farxad leh dhankaaga markaad aragto reer laascaanood oo dhisanaya garoowe,waayo nin dhalinyaraa tahay cayaaraha badankoodana fahamsanayn. snm waa ururka keliya aan qarin waxa hadafkiisu yahay ilaa burburkii dawladii dhexe laba arimood xooggay saareen si ay ku gaaraan hadafkooda guracan tan koowaad waa iclaamka ama warfaafinta anagoo dhan somaliland baa nala cabsiiyay idaacadaad furtaba. tan labaadna waa dhaqaalaha iyo meeshay ku adeegsan lahaayeen. waxaa laga yaabaa ayadoo baahi iyo biyo la'aan ka jirto gobolada galbeedka iyo togdheer inay dhisaan guryihii ay ku shiri lahaayeen guurtida reer laascaanood tiyaatarkiina dhagax dhigaan. wax sharuud ah laguma xiro oo ka ahayn inay marada cagaaran ka taagaan dhismaha hortiisa. shaqaaluhu waa reer lascanod askartu sidoo kale haddii laysku dhaco waxa dhinta waa isla ayagii magtana canshuurtii laga qaaday yaa dib loogu bixiyaa,dhaqaale shisheeye looma baahna. siyaasadda noocaasa hal dawlad oo bariga dhexe ku taal yaa laga isticmaalaa wax afrikaan shaqo ku leeyahay ma'ahan iska daa soomaaliye. snm rag fiican baa ku jira sida faysal waraabe iyo shekh siiro oo waxba u qarin dadka ay cadawga u arkaan. siday sheegteen ingiriiskii waxay dhaxal uga heleen ilaa laamiga garoowe dhex mara wixii xagooda xigga waa in marada cagaaran la saaraa sida qorshuhu ahaa, inkastoo soomaalidu ku maah maahdo,nin dhintayba wax buu damacsanaa. Aragtidayda puntland ayagoo daad u jeeda bay meeshay hurdeen dhufays ka qoteen daadku waa carro tuur guriga xoogaa ka yara baxsan. Ragga reer puntland, walaalayaal gabdhihii way barteen sida cillaanka loo marsado intaa ka badan lama ag fadhiyi karo. inta u qastaan siiya ayagaa marsanayee oo reer laascaanod xaqa ha lagu taageero. Haddii kale midaan xaq aqoon oo maradii cagaarnayd wata yaa garoowe kugu qabsan,taas hoos ku qor haddaydan barkinta dhanka kale u rogin intay goori goor tahay. waa talo walaalkiin soomaaliyeed.
-
abdiwaligaas sets to isolate Bari and Nugaal trade embargo moderat isbaro
gooni replied to malistar2012's topic in Politics
Amarku wuxuu kasoo baxay madaxweyne ku xigeenka, wasiirada iyo golaha baarlamaanku fasax bay ku jireen, warkaana way ku naxeen qudhoodu sidaan xog hoose ku maqlay. Allaha u naxariisto intii dhimatay kuwa meeshaa ku dhawaacmayna allaha u fududeeyo Aragtidayda waa go'aan caadifadaysan xaqna ma'ahan in ariga iyo mooska qoraxda lagu dilo, waayo ayagu waxba ma galabsan waa nimco ilaahay nagu manaystay. 720 km wado dheretkoodu jiro dagaal qabiil waa laga ilaalin karaa ilaa xad,balse mid fikir lagama ilaalin karo. Tan kale reer puntland suuro gal ma'ahan inay noqdaan dad isbitaal ku jira oo khudaarta sariirta loo ag dhigo ama ganacsigoodu gaalkacyo ku ekaado waa inay ku xisaabtamaan ilaa lughaya libooya balad xawo in ganacsigu isku furan yahay si kale ha isu ilaaliyeen dad talo iyo duco lagama waayee Waa go'aan khaldan aragtidayda. -
allaha u naxariisto abwaan waakii dadkiisa yaqaan. sidaan maqlay iyo maakhir hadalkiisu waa is waafaqsanyihiin qolo walbaa qaxootigeeda si gaara bay u tababaratay. weliba waxaan maqlay oo abwaanku uusan xusin markaad kaluun siiso bisadda indhahay isku qabsataa si ay kuu inkirto lagayaabe in bakhayl sameeyay oraahdaas oo cilmi ku fadhiyin erayga alxamdulilah waa ducada sayidkeeda haddaadan aqoon sida loo ducaysto akhriso faataxada ducoo dhan halkaasay ku jirtaa erayga masha allah wuxuu kuu diidaa xasadka waxaad naftaada la jeceshahay walaalkaa la jeclow waa lawada liibaani markaas erayga subxanallah waa qiridda cajaa'ibada ilaahay asagaana wax walba sababteeda leh soomaalidu badankooda aan ka mid ahay waayaro badan baa naga guban. erayga shaxaad haddii carabi lagu macneeyo waa tuugsi haddii aad carab ku tiraahdo masoo tuugsanaysaa wareer badan baad kala kulmaysaa sababtoo ah waa cayda kuwa ugu qaawan. haddii aad soomali ku tiraahdo war kaalay qolo reer yurubaa timide aan soo shaxaadnee,si dhakhsaa bay usoo labistaan waayo eraygaa macno fiican loogu turjumay. ka waran haddaad ku tiraahdo soo labiso aan soo tuugsanee qolada dibaddaha ka timid? halkaas waxaad ka baranaysaa caadooyinka xun in macno fiican loo yeeli karo haddii la doono haddii aad weydiiso war ninyahow qof kale jeebkiisa waxa ku jira waa ceeb inaad weydiiso,waxaa laga yabaa inuu ku jawaabo war xoolahaan asba tuugsi buu ku kenee, waana dhaqan xumo inuu sadaqo gaal keligiis cunee naga kici meesha lubnaan yaan beri u martinay nin 10 m. oo beera khudrad ku beertay gurina ka ag dhistay waxaan weydiinay ilaa intee deganayd? wuxuu noo sheegay ilaa afar awoow waana intuu yaqaan balse waa dhaxal fog. dhaqan ahaan daruuf kastoo timaada inta badan ma gadaan ama ma iibiyaan hadba sidaad u taqan dhulka ay dhaxal ahaan heleen waa abtirsigooda iyo meeshay kasoo jeedeen. reer guraaga soomaalidu dhul bay iska degenaadaa ilaa uu iskood u guuraan ijaarna ma bixiyaan hal awoowna kama dhaxlin,hadaysan awoowayaal badan ka dhaxlin nimcada waa lagu shukriyaa wax walban waxaa laga hormariyaa alxamdulilah bariis xunbaan soo cunay rooti qalalayna waa isaga dejiyay naagtii xumayd baan isa soo laynay ciyaalkii xumaana waa kala carareen dhulkii balaayadu ka qiiqaysay baan u socdaa ee iisoo duceeya waxaasoo xumaana markay afkaaga kasoo buuxdo tuugsi iyo daciifnimo see looga baxayaa? ma qadaysay@alxamdulilah soomaaliya ka waran@alxamdulilah shaqo ma heshay?@alxamdulilah imtixaankii ku guulaysatay?@alxamdulilah saaxiibkeen wiil iyo gabar mataanaa u dhashay @maasha allah shirkadna wuu furtay geela dhoofisa @masha allah dayax gacmeedku weynaa @subxanallah dhul gariir baa talyaaniga ka dhacy@subxanallah afkeena haddii khayrku ku bato waa la khayri
-
Ciid wanaagsan dhamaantiin. Dumarka 75% way ku yartahay aragtidayda wakhtiga lagu jiro dartiis taladu waxay ka go’daa nin aan kugu diin iyo dal iyo dhaqan ahayn bishu markay dhamaatana asagaa masaariifta noo keena Talada waxaa nalaga wareejiyay markii nala weydiiyay xaaska iyo caruurta magacyadooda sheeg. Wakhti dheer ka dib xiniinyaa nagu yaale aan kitaabka u noqono ma shaqaynayso. Faqriga laguu sheegayo waa baqdinta qalbigaaga gasha labo maalmood waxaad cuni lahayd adiga iyo reerkaagu haddaY guriga kuu taal qaxooti ha isu dhiibin,maalinka siyaadadaana bixi bal fiiri waxa dhaca adigoo tawakalay Muslin baan ahay hadana dastuurka gaal hanoo ansixiyo Biyaan kor taagnahay hadana waa oomanahay Raashin iyo dab baan haysanaa hadana hay’adihii digsi nooma keenin Xooluhu waa is guursan karaan haday is jeclaadaan golaha wasiiraduna sabab ay ku diidaan ma jirto waayo dalal xor ah bay wax kusoo barteen.
-
Allaha u naxariisto intii ku dhimatay deegaankaas. Itoobiya ninkaan waa ku nasatay waana furihii ugu fiicnaa abid gacantooda soo gala, taariikh hore iyo mid dhawba, una malyn maayo nin asagoo kalaa soomaali ka helayso Waxaan macquul noqon Karin aragtidayda, waraabo dhal ah ka dacwood oo kii dhalay u dacwood.
-
Ramadan kariim awoowe dhaqanka soomaalida iyo caam ahaan muslinka waa labo sidaan horay u sheegay inay samraan oo ilaahay talo saartaan iyo inay qisaastaan qofkii dadkooda dilay ka aar gutaan, wax ka dhaxeeya labadaa ma jirto. Snm culumo tabliiqa ma,ahayn dad shacab oo waxba galabsan bay laayeen sidoo kale maraykankana way ku noolyihiin,ayagoo wata magaca mujaahid dhaga yare iyo dhaga weyne. xaq iyo daacadnimo inaysajirin cid walbaa waa u jeedaa adeer, taasaana keenaysa in mujrimkii reerkuna mujaahid noqdo kuwii kalana dhiigya cab aan waxba reebin noqdo. dhaqamada jarmalka iyo israa'iil yaan waxba reebin lafo lasoo saaro iyo oday isbitaal ku jira waraaqo loo dhiibo lwm. soomaalidu waa dad qalbi fiican runtii balse qaadkaa waalaya iyo waxyaabo kaloo reer galbeedka laga helo.
-
Dadka muslinkaa waxaa ku filan (xasbunallah wa nacmal wakiil) inay ilaahay talo saartaan xisaabtoodana u dhibtaan. Snm gaaladaan ay dhunkashada ku boobayso waxaa u dhaanta, inay ilaahay dartiis ku samraan ama aar gutaan sidii rag ahaan jiray, suurto gal ma’ahan in shaqada iyo masaariifta caruurta layska toogto.
-
Somaliland marks 25 years of Independence a great day for the great Nation.
gooni replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Warkaagu waa cad yahay oodweyne Walaal ha noqon afrikaan asagoo dahab badan luqunta soo gashaday iyo faraha, hadana dadka ka xanaaq dhow. Arintu ma gaarsiisna heshiiskii maska iyo ninka dhex maray haddaadan is yeelyeelayn, soomaaliya waxaa kasoo dhacay dagaal sokeeya oo loo bixiyay kugu dhimay kaa dhimay, waa lagasoo gudbay alxamdulilah Siyaad barre waa ka tegay allaha u naxariisto dhowr iyo labaatan sano ka hor, wuuna dhintay haddaadan la socon,xaqiiqda haddaan loo dhawaan dhalateed bay riyo kuu gayn. Dantu mar walba waxay ku jirtay ilaa iyo haddana ku jirtaa wax wada qabsi isu tanaasul iyo israac ,taa macnaheedu ma’ahan inaan booli qaran keligay gaar u doonayo iyo beri samaadkii. Ibraahim cigaal allaha u naxariisto, waxba kama aqaan taariikhdiisa xaqiirna ma’ahi runtii, marbaan dhagaystay khudbad dheer uu meel ka jeediyay waxaana iigasoo baxday inuu isu arki jiray marti xataa markuu raysul wasaaraha ahaa,codkar nimadiisuna waxay soo noqotay 18kii may sidaan filayo. Fadhi ku dirir waa iga dhamaaday saaxiib Khayr iyo barwaaqo insha allah -
Somaliland marks 25 years of Independence a great day for the great Nation.
gooni replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Oodweyne Intaa aad qortay ma qori karo waa maqaal dheer waadna ku mahadsan tahay sidaad aragtidaada u faahfaahisay Arintu waa labo iskuma jirto walaal 1-Inaad qabiili tahay oo qabiilkaagu kula mudan yahay 2-Inaad nidaam difaacayso oo nadaam aragti dheer u doodayso Haddii aad doorato tan hore ama qabiiliga, taariikhda dib ugu noqo,noo sheeg ilaa wajaale ilaa burco nin shar iyo khayr leh oo siyaad barre la ag dhigo. Haddii aad doorato tan danbe ama nidaamka,waana tan ugu mudan oo aqoonyahan wax ka qori karo, is barbar dhig nidaam hawaystay inuu shanta soomaaliya xor noqoto ama xoreeyo iyo mid 200km ku meeraysanaya. Maxaa kula gudboon haddaad jawaab weydo, sida reer laas caanood gabaygu ugu xirmay inuu adigana kaaga xirmo oo doodo hees noogu bedesho iyo entertainment. Tan ugu dambaysa dumar weligay wax kama sheegin, waxaan uu diiday oo qudha, in shaqadoodii guri la dhaafiyo oo aqoonsi aan jirin lagu mashquuliyo Adigay xaal marin kaaga baahan yihiin kuwii kacaankii barakaysnaa lasoo shaqeeyay,allaha xafidee. -
Somaliland marks 25 years of Independence a great day for the great Nation.
gooni replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Hanka snm xuduudkii ingiriiska dhaafi maayo abidkiis. Aqoonsi ay arkaana waxa ugu jecel yihiin dumar shaqo la’aan la dhigo Burcaa xuduud leh markaasuu ku leeyahay territorial land. -
She is not complaining at all, but happy I think Dadku waxay ka sheegaan nolosheeda gaarkaa ma khusayso (shuu haay soomaaliya afrii’iya shuu qisaa…???!!!) Caqidaada, yaa xalaasha samaysa, hadduu muslin yahay waa gayaankeed. Xisaab ma’leh inta gabar wanaagsan badda lagu tuuray.
-
Atoor wuu yaqaane bakaylahaa ka hoos galay. Wadinigu dadkiisa waa u turaa isagoo han qaran leh, qabiiliguna ina adeerkiis waa u tanaasulaa asagoo madluusan, labadaa wixii kasoo hara waa taariik habro toob aragtidayda.
-
Absolutely indeed Intuu dadkiisa xabadda hoos ugu dhigayo muu iska qayilo, qofkii maro gubay harqaanlana lacag buu ka helay asna lacag buu khasaaray. Xiniyahaaga ey ku margay waa maxay damiir galay.
-
Allaha u naxariisto intii dhimatay inta dhaawacana allaha u fududeeyo. Reer laas caanood Suuro gal ma’ahan sanad guurada snm in dhiig saafi ah loo daadiyo, Snm haday daacad idiin tahay waxay oran lahaayeen dadka reer Catalonia oo laascaanood lagu xasuuqay, maxkamad ha lasoo taago ciddii ka dambaysay. Sanad walba hargaysana waa laga heesaa, sool'na tacsi baa u taal maro gubatay darteed. Qabaalkii jabay meel wax laga bilaabuu lahaa.
-
Runtii waa qoraal si wanaagsan u kala saaran. Galbeediyow Itoobiya geedahay soo abuurtay taariikhda soomaalida waxaa ku qoran geed adayg iyo libaaxyo, miriha ay cunaysana waxay u yaqaanaaan damjadiid iyo bakayle xanuunsan. Ma waxaad leedahay nin mudug ilaa kismaayo orod ku tegay asagoo qabiil keliya wata itoobiya lafaheeday uga baqaysay kumana dhiiran karin? Mise waxaad leedahay c/laahi yuusuf ma ogolayn in itoobiya dhul soomaaliyeed qabsato? Reer mudugu ninkay libaax ugu yeeraan waa laga fogaadaa waa dilaa sokeeye, reer bariguna waxay yiraahdaan boowe waxba lama joogo. Mahadsanid Awoowe.
-
Aqoontu waxay qiimo leedahay markay gasho meeshii loogu tala galay,macno samayn mayso haddii waraaqo gacanta laguu geliyo oo lagu yiraahdo hadal proffessore. Dadka uu leeyahay casaabadda dhulka hala iib geeyeen weligood mujaahid beena ma samaysan kamana soo qayb qaadan dagaaladii sokeeye, wayna ogyihiin xoriyaddii 18kii may beeshu samaysatay cid iibin kartaa inaysan jirin.
-
Shaqo waxaa ugu liidata gabar garbasaarkeed geed saar,haddana 8,sano ka shaqee waa waalida aan dhaqmin.
-
Qof kasta wuu garanayaa inuu meeshii saxda ahyd fariistay, waxaa ka fool xumayd asagoo kuraasta hore la fariisiyo aragtidayda. Siilaanyo waa nin waayo badan soo joogay, laga yaabee inuu asagu codsaday in kurisga loo ag dhigo walaalihiis punland iyo galmudug,,,,,,si kastaba Adigioo riyo wanaagsan riyoonaya haddii qof hurdada kaa kiciyo ama ku toosiyo, dhib ma leh haddaad u sheegto inuu riyo fiican kaa toosiyay waa iska riyo wax kasoo qaad ma leh haday riyadu xumayd ama aysan wanaagsanayna waa loo duceeyaa khayr allaha ku siiyaa la yiraa dhib ma leh haddaaad u sheegto laga yaabee in wadnahaagu aad u shaqaynayay oo buur kasii dhacaysay. Balse waxaan marnaba suurto gal noqon Karin, markii hurdada lagaa kiciyo ka dib, inaad riyaddii siiwadato adoo soo jeeda.