gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. Awoowe waa soomaalida dhexdeeda waxa laysu adeegsado tigreegu waa boqortooyo maskax laga dambeeyo wata safiir ilaa ciidan waa dad dalkooda usoo shaqo tagay waxayna isu arkaan ajnabi u shaqeeya dadkii wadanka lahaa soomaalidu waa dad casuumadaha jecel caalamkuna wuxuu go'aan ku gaaray inay casuumaan,marka abaartu dhacdana la tuugsi tago Horumar waxaa lagu tiigsadaa isku tashi iyo shaqo wixii alle ku siiyo lagu qanco -Qadaa allah wa Qadarihi si kasta hadaad u labisato ama shahaado aqooneed lasoo baxdo waxaa ku hor taal where you came from?
  2. itoobiya waxaa la xisaabtami kara umad isku duuban oo aragti wadaniyeed leh,shacabkaa taageersan macno samayn mayso federaal qabiilaysugu waa safaaraddaha itoobiya 6 madaxweyne oo kala hadaf iyo maamula, bay xiriir toos ah iyo mid dadbanba la leeyihiin, kay doonaan bay casuumaad u fidiyaan oo roog casn kusoo dhawaynayaan. federaalka itoobiya qof ka socda markuu booqdo gobalada itoobiya madaxweynayaasha joogaa dhowr beri ka hor bay sii labistaan si ay u qaabilaan qofkaas federaalka dhexe ka yimid maamulada soomaaliya madaxdoodana waxay usoo dhaweeyaan sida madaxda afrikaanka kale ilmo yaroo ubax haysta yaa garoonka kusii suga markuu kusoo noqda tuuladiisiina wuxuu u sheegaa shacabkiisii inuu heshiis caalami ah lasoo galay itoobiya xiriirkuna sii kordhayo mana aqbali karno in cid kale soo fara galiso. hadal badan barako ma leh markii lasoo koobo warka itoobiya xuduudku waa u furan yahay ciidamadeeda iyo shacabkoodaba madaxda soomaaliyana sida loo bahdilo khibrad ku filan waa haysataa.
  3. Qiimaha iyo qarashka ugu badan haddii lagu bixiyo in dadka iyo masuuliyiintaba la fahamsiiyo qaabka federaalku u shaqeeyo iyo sida gobolada iyo dawladda dhexe shaqadoodu u qaybsanto, ugu yaraan waxbaa dhaqaaqi lahaa aragtidayda balse ergey yurub ka yimid oo lix madaxweyne midba gaarkiisa ula shiraya kuna dhiiri gelinaya maslaxda reerkooda inaysan cid kale u hoos fariisan,waa qaybiyoo xukun puntland somaliya waa ka go'nay weligood ma oran, taa badelkeeda waxay ku doodaan inay yihiin hooyadii nuujisay federaalka,dhaqanka maamulkooduna mid federaal xoojin kara ma'ahan. Waa ciyaarta lug baan kula jiraa haday xumaato iyo haday hagaagtaba lugta kale iiguma jirto. Galbeedi kacaankii barakaysnaa mar kale heli mayno reer waqooyi dawlad buu ahaa abaaraha la daad gureeyo jaadka laga kontoroolo,qofkii gaari jiiro dawladaa bixin jirtay magtiisa iminkana jifadaa loo geed fariistaa kelyihii carruurta waa beec qofkii qsraabo salaan aada waa labo sanoo xariga xaduudkii dhanka gobolada kale xiga yaa loo soo warejiyay ciddii kacaaniiste kuugu abtirisa way ku amaantay waana xaqiiq xoor caano noqon weyday awoowe gacaliye.
  4. Galbeedi sida dhagaxtuur sheegay farmaajo wax weyn haka filan waayo waxaa doortay 400 oo dastuur iyo sharci ay ilaaliyaan weli samaysan Tan federaalkuna waa jufooyinkaas calamada samaystay waana is garab yaac iyo yaan godka lagaaga dheerayn Tan saldhigga ciidanku waa shar,sharna waxba lagama faa'iido lamana soo dhawaysto. Tan dekadaha, soomaalidu waxay ku maah maahdaa durbaanka maxaa habeenkii loo tumaa haddaan wax ku jirin Imaaraadku soomaaliya wuxuu kasoo galay daaqadda ama dariishadda waana arin aan hagaagsanayn. Dawladaha si fiican ula xisaabtamay waxaa ka mida jabuuti wayna kala boodeen,taasaana keentay inuu tuulooyinkan iska baa'ba'san soo hunguriyeeyo. 30 sano intuu khalad kaa dhici lahaa aqoon iyo karti badan bay u baahantahay,waa baahanahay bakhti loomo cuno,deg deguna ma fiicna. Aragtidayda,waa in geel jire waayo araga iyo aqoonyahanba miiska lawada fariistaa, waayo arintanu waa masiir umadeed lacagta haddii eberka lagu badiyo wax badan bay u ekaataa waana lagu sirmaa, Haddii faa'iido kasoo baxdo waa khayr,haddii aan faa'iido noogu jirina waa in carabka loo sheegaa huudhay aan gadmayn, qorax lalama fariisan karo.
  5. suldaan soomaali caqli leh ma noola awowgaa tima cadde yaa ugu dambeeyay. khilaaf saa u weyn nooma dhaxeeyo ra'yiga un baa noo kale duwan. Abaaraha kow dheh aqoonsiga la waayay dadka xubnihiiso lala baxo,waxaasoo dhan waa imtixaan aduun ilaahay waa na jecelyahay. waana na jeclaa markuu muslin naga dhigay. Nimcaduu na siiyay haddaan ku shukrin lahayna wuu noo siyaadin lahaa siduu quraankiisa ku sheegay subxanuhu wa tacaala balse taa badelkeeda yaan samaynay,waxaan ka bilownay somali ma nihin, ee somaliland baa nala layidhaa!! waxaan ku xijinay gaalada aqoonsi ha la weydiisto waxaan ugu dambaysiinay dhulkeenu waa xaraash waana qiimo jaban. Ma ninkaasaad leedahay caqli ma leh waxaasoo dhan u muuqdaan?
  6. wax la qariibsan karo ma'ahan,nadaamkan hargaysa waxay kaga dhegtay aqoonsi,gaalkii caddaana oo yimaadana wax kalay ka aamisan yihiin mana awoodaan inay weydiiyaan ajandihiisa iyo waxa socdaalkiisu ku salaysanyahay. tusaale hadduu anshax xumo sameeyo,waa iska dhoofaa ayagoo dadka u sheega inay musaafuriyeen. gabar reer yuruba ninkii fara xumeeya ama sharciga ku xad gudba waa xukun dheer. Hadduu caqiidada hadafkiisu yahayna lalama hadlo,malaha kalyaha iyo beerka ciyaalkana dakhli badan baa kasoo xarooda. Nolol iyo geeri arsaaqad iyo aqoosi ilaahaybaa bixiya gaal laysuma duleeyo.
  7. AWood qaybsi wuxuu yimaadaa markii talada dalkaaga aad gacantaada kusoo celiso wax walbana waxaa ko horeeya madax banaanida dalkaaga iyo dadkaaga, farmaajo inuu wakhti badan ku bixiyo ma'ahan safaro iyo bitibiti,waa inuu dalka iyo dadka u shaqeeyaa intii owoodiisa,walow masaamiir badan lagu dhextuuray,oo u baahan yahay inuu isagu is maareeyo marka hore. wadanku xaalad adag buu ku jiraa dhan kastaba rabi iyo rag daacada oo tawakalay baana ka saari kara,waxaa muuqata in raggii lumay,markii caalamku arkay inaan meesha ciduna joogina,waxaa lagu amray in dumarku taliyo boqolkiiba sodon dhawr sano ka dibna boqolkiiba todaabatan. odaygaan todobaatan jirkaa aragtidiisu koobka hor yaala ma dhaafsiisna hadduu ku fekeray nin jeclaysi waana khaatuma xun allaha soo hadeeyo.
  8. haddii wasiirka maaliyadda la siiyo koonfur galbeed maku filnaan karaa kaligiis dadka kasoo barakacay baay/bakool? aragtidayda waa hal nin gurani dheelmay dhana uma fiyooba waxaan la qabaa galbeedi wixii ka yimaada masuuliyadeeda waxaa qaadaya gudoonka barlamaanka 5 jeerna dib ha u celiyaane inay ku dhex tuuraan abaarna waa na haysaa wasiiradii dalka u shaqayn lahaa isbaara hor taala iga raali ahaada haday idinla fool xumaato carabtu waxay ku maahmaahda saynta eygu ma toosto xataa haddii bulukeeti lagu xiro.
  9. malistar xasan sheekh waa tagay maalinkii la doortay amaantaad ku bilowday yaad ku dhoofisay,waana dhaqanka soomaalida fiqo iyo tolkiis jano iskuma arkaan duqa magaaladuna si aan gabasho lahayn yuu doorashadii xasan sheekh ugu ololeeyay umana ekayn duq magaalo mudane farmaajo waxaa laga rabaa inuu nin soomaaliyeed oo shaqadiisa kasoo bixi kara u dhiibo magaalo madaxda soomaaliya iyo meeshii uu is leeyahay dhaxan baa ka iman karta. gaari gacan ciid laga daadiyo dadka lagu qiimeeyo.
  10. Ducaale waad ku mahadsantahay macluumaadkaas si un nooga dadbanaa Galbeedi soomaaliyoo dhan rag baa masruufta ama ciidan ha ahaado ama madax sare ha ahaado,ama ururka hooyooyinka ha ahaado isku filaasho waxaa gaara dad is raba garanaya qiimaha dal leeyahay,kii gartana waxaa lahu gowracaa qabiilkuu kasoo jeedo 50 maalmood iyo 500 malmood waxba soo kordhin mayso hadaan lawada shaqayn,wadanku waa wada isbaaro.
  11. somaalida arimo badan yaa isaga qasan, rajo alle lagama quusto laakiin cilmigooda iyo caqligoodu ma wada shaqayn karaan waana cudur xun. Nadaamka dawladnimada soomaaliya burburkii ka dib waa fowdo iyo qabbali ama qabiilaysi, aan kala dambayn iyo ismaqal lahayn,bisha arooska wixii ka dambeeyana waa reerka ha la'ii biilo. wasiirada intaan aqoontooda iyo wadaniyadooda la helin waa in qabiilkooda la helaa marka hore,qabiilo badanoo la iloobayna Tv waa laga baran. askariga illaalinaya madaxda waa inay isku reer noqdaan taasi wax khalada kuma jiro waayo nadaamkoo dhan yaa sidaa ku dhisan dastuurka firqadiisa koowaad, qodobka koowaad yay ku qoran tahay. Aragtidayda dawladnimo soomaaliya waxaa ugu dhaw milatari aan cidina ka hor imaan karin ama islaamiyiin kitaabka ilaahay si saxa u haysta. hees iyo reerkeena wasiirka xanaanada xoolaha kuma filna iyo xamar dadkii usoo halgamay xaquuqdoodii aaway,qaranimo weligeed keeni mayso,taas hoosta ha laga wada xariiqo tan ugu dambaysa dambaysa dawladaan haday puntland taageerto ma shaqaynayso,waa inay mucaarad noqdaan si qiyaasta dawladnimadu isugu dheeli tiranto.
  12. cano ari soo dhowow marka hore dad wanaagsan oo garanaya in la buskoodo way ku badan yihiin w/galbeed,in yaroo saxaafadda jecel mooyee ayagu qudhooduna ma foga. qabiil dawlad noqon maayo mudo kooban yuu maamulkiisu socon, ka dibna wuu sii kala bixi ilaa cashiirada hoose, dadka miisaanka leh haddaad la sheekaysato,waad ku qancaysaa hadalkooda,waxayna kusoo koobaan (war bal koonfurta dhinac loo raaco ha la helo anagu meel fog ma jirnee) haddiise aad dhagaysato waraabe iyo oodweyne waa aqiliyaad ama dad fikirkoodu duqoobay,ittoobiyaa walaasheena waa iska beer laxawsi ay walaalahood ku caro gelinayaan. xildhibaankaan nin xanuunsan buu u egyahay ninyahow allaha shaafiyo.
  13. macno samayn mayso haddaan xaqiiqda loo dhawaanayn waa un rag iska celin iyo reerkayga aduunkaa laga yaqaan soomaalida dagaaladii sokeeye ay soo mareen haddii la barbar dhigo kuwii ruwanda suuriya ciraaq iwm waxba nama gaarin balse snm waxay abuurtaa cadaawad dhiigga raacsiisan,runtii anigu nin weyn baan ahay waana iisoo bixi weyday sababta nabarka daa'uuska daawada loogu waayay! mar waxaan is iraahdaa aqoonsi bay ku doonayaan cadaawad saa fog ma jirto hadana markaaan dhagaysto odoyaal siyaasiyiin iyo culumada qaarkeed malahaygii hore waa ka shakiyaa awoowe soomaalinimadu faa'iido gaara reer ku qaba ma jiro haddaan luuqadaada ku hadlo soomaalidu waa beelo, wax walbaa ka dhaxayso diin illaa luuqad midab iyo dhaqan qabiilka weyn oo laysugu yimaado waa soomaali haddii aad jeclaato inaad gooni joog ahaato adigoo beela waad lumaysaa waana xil weyn ama waajib in maskax fayow wax lagu xaliyo. tan ugu dambaysa dagaal dambe dhici maayo insha allah awoodda beesha noo kaydi,inta mayalka adag oo aad ka mid tahayna allaha soo hadeeyo Amin
  14. ciyaalku markay af barad yihiin bay ugu qurux badanbyihiin adeer qoraalku kuma saabsana jamhuuriyadda burindi xaflad aroos oo reer burco gaar u dhigteena ma'ahan akhri cinwaanka oo fahan marka hore, mujaahid umad soomaaliyeed horay u laayay yaa hadana reerihiisii kusii jihaaday asaguna waa soomaali.
  15. umaddii badankoodii waa buskootay ilahay mahadiis snm si tartiib tartiiba bay godkii ugasoo baxaysaa adeer qabiil iyo qabyaalad haddaad aaminto adiga wiilkaaga ama inankaaga sidaad u taqaanaan yaa laydiin gar naqi somaalidu waa casabo iyo rixim,casabo waa reer adeerkaa riximna waa reer abtigaa, dhinac walba waa isku qoys. suurta gal ma'ahan Dr,oodweyne inuu wakhti iyo qoraal dheer kaaga lumo,habeenkii 18ka may baan riyooday dadka badankiisu caqligii waa usoo noqday sidii hore xaalku ma'ahan reer waqooyi galbeed alaha xafidee way ogaadeen in badweynta kaluun fiican laga helo,adna wuxuu dhididkii kaaga dhamaaday baraag sii guraysa ha la ag taagnaado raggii dagaalada sokeeye kasoo qayb qaatay mujaahid ha'gu yeerin si xisaabta alle kaaga yaraato waa talo saaxiibtinimo.
  16. qof kasta hadii la dhagaysto suuqa xoolahaa laysugu tegi aragtidayda farmajo waa laga yabaa inuu wadani daacada yahay,balse hal dhakhtara ma dawayn karo 10milyan oo xanuunsan taladu asaga haka go'do cidna yuusan u hoos fariisan wadankana inay somali leedahay kana talin karto ha muujiyo bitibiti laga waayo maayo umad gaalo rooti iyo ismaris ka dharjisay.
  17. odweyne weligiis qabyaalad ma qarsan asaga iyo sekreteeriyadiisuba khibradiisa odaytinimana maah maahyadiisa yaad ka garanaysaa reer maakhir iyo reer waqooyi oo dhan waa walaal haday nabad kuwada noolaadana waa arin lagu farxo nin weyn hadalkiisa ma'ahan anaa kuu taliya taas anaa ka markhaatiya inuusan cimaamad wadan.
  18. odweyne saaxiib w/galbeed umadda ku nool shakhsi baad ka tahay hal ra'yi oo qudha yaad ku leedahay aragtidaada keliya yaa laga hadlaa umaddii sideedtamaadkii maskaxdoodii waa lagu daalay sanduuqa kasoo bax ninyahow oo aqoontaada uga faa'iidee jiilka soo koraya intaad afweyne ku qufuli lahayd waa talo saaxibtinimo farmaajo wadankuu madaxda ka noqday waa somaliya waadna ogtahay xaaladuu ku jiro somaliland iyo galmudug aduunka waa isugu mid wax lala indho cadeeyaa mayaaliin meesha meel kale wax ka fiiri ninyahow oo mujaahidkaan warkooda soo afjar. waaku salaamay saxiib
  19. bismilaah reer waqooyi galbeed intooda badan xaqiiqdii way soo taabteen marka laga reebo qolyaha xagga bidix u janjeera farmaajo allaha u fududeeyo xilkuu qaaday waxaana hubaa in soomaalidu isigu mid tahay adeerkiisna allaha u naxariistee sidaasuu ahaa 30 sano ka dib yaa la fahmay inuu jeclaa midnimada iyo wadajirka.
  20. oodweyne waa ku salaamay markii nal la shido laguma arko markii dab la shido unbaa lagu arkaa! xaqiiqda markaan kuu sheego dawladdii hore waxba kuma haysan ii gaara,dadkaan ula mid ahaa dabaqada dhexe yaan kusoo koray soomaalidoo dhan waxay u taqanaa beri samaadkii,dhul iyo dadba xor baan ahayn markii lagu daro tuuladaad ku dhalatay ee oodweyne tan raaciyadda soomaalidu way isku khasbantahay waayo dhul iyo dad isku diin, af, dhaqan,iyo midab ah haddaad raacdo ceeb ma'ahan waxaa ka liita aragtidayda qofkii ku qanca jamhuuriyad isku reera haddana sii kala jifaysan,aqoonsina doonaysa! tan ina cabdille xasan waa taariikh baal dahaba ku qoran rabar ama goome laguma tirtiri karo,hana xaqirin taariikh aan cidina kaa xigin. 18kii may dhadhan ma leh aduunkuna waa kugu qosli haddaad tiraahdo walaakay iyo dawladaydii wax isoo bartay baan xoriyad ka qaatay,taariikh wax lagu aqoonsan karo ma'ahan walaalo ama la ag dhigi karo sayidkii dalka iyo diinta soo difaacay. tan ugu dambaysa waa tan ugu qiimo badan qoraalkaaga culimadaad sheegtay allaha xafido soomaaliyoo dhan bay qiimo ugu fadhiyaan ma'ahan culumo u gaara snm. tan kaniisadda waxaad sheegtay in loogu tala galay gaalada caddaanka ah oo hargaysa ku nool, maxaa kuwa madow loogu dhisi waayay oo weliba kula dariskaa? mise kan cad keliyaa wax aqoonsada?
  21. wax taariikha oo qurqurino manoo haysaa oo ka ahayn jeelkii mandheeraan jabinay mujaahidiintiina weli waa nool yihiin. suldaan arintaan dambe ka waran iyo kaniisaddan cusub,ictiraafkii ma wuxuu kusoo ururay bal marka hore in kaniisad la dhiso?
  22. Aayadaas shaqo kuma leh kaniisad la dhisayo iyo mid la duminayo. lakum diinukum waliyadiin inaad muslinka ku dabakhdo ma haboona awoowe gacaliye,waxay kusoo degtay gaal aan weerar ku ahayn diintaada,dalkaaga iyo dadkaaga inaad wax u gaysato,gaalkaasna aduunka hadda ma joogo ama waa ku yaryahay. waxa kaloo la yaab leh aqoonyahan reer galbeed la nool oon ogayn in maskaxdiisii la dhaqay, hadana u haysta, dadkii intii hartay inuu sucuudigu maskax dhaqay! war dadku waa faqiir aan ku dhoofiyo bay qaarkood ku gaaleeyeen,bisad raabayda bay naga dhigeen haddaan duur joogteena iska ahaan lahayn waa noolaan lahayn diinteenana waa ilaashan lahayn. faqrigu waa cadow waana laga baxaa haddii dadka iimaankooda loo ilaaliyo ama ayagu ilaashadaan una samraan qadarta. gaalo fasax iyo dalxiis ku joogta loo dhisi maayo kaniisadda ee waxa loo dhisayo waa ciyaalka iyo inta daciifkaa,waana arintii sayidku allaha u naxariistee ka dagaalamay, markuu berbera kasoo degay qarnigii hore horraantiisii, balse markaan aqoonyahan badan oo wax soo bareen bay wataan,mana qabo snm inay diin difaacayso.ilaahow dadka noo badbaadi.
  23. yuunis c/laahi yuusuf allaha u naxariisto wuu gar qaatay asagoo kor taagan dad caato ah, wuuna sheegay in laf jabtay sideedii noqon asaguna ahaa ninkii jebiyay. siyaad barre allaha u naxariistee waa lawada garanayaa wixii khalad iyo saxba uu soo mariyay soomaaliya dib u noqoshada taariikhdu macno ma leh haddaan wax laga baranayn,mana muuqato in wax laga bartay. puntland waxay diyaar u tahay inay dalkeeda iyo dadkeeda difaacdo ayagoo isku duuban shacab iyo caruur,macno weynbaa ku jira reer hebel iska ururi cawaaqib xun bay ku keeni kartaa guud ahaan soomaaliyoo dhan tan ay leeyihiin isbahaysi baa nagu soo duulay waa siyaasad. ushu markay gacantaada ku jabto waa layska fogeeyaa, agtaada laguma tuuro,waxaa laga yaabaa inay ku dhaawacdo. federaalku waa is bahaysi qabiil oo loogu tala galay inaan lagu kala dambayn,wax sharuuc ah oo ka dhexeeya ma jiro kuligood waa madaxweynayaal siman oo mid walbaa xudduud iyo shacab gaara iyo masaalax khaasa wato. markii isku dhac yimaado meel loo noqdo ma jirto,sababtoo ah dawladii dhexe waa ka qayb fadhi ku dirarka. waxaan u sheegaynaa dawladaha dariskaa siiba walaalaheen itoobiya in nala kala dhex galo si aan dhiig badan usii daadan barakacayaashana biyo ha loo keeno. tan ugu dambaysa puntland meeshii la rabay maadaama ay tahay maamulkii ugu horeeyay oo qabiil ku dhisma inay wax bedesho bay weli lasoo taagan yihiin aan u midowno cadawga oo iska dhicino reer baraxley iyo waxay lugaha ku wataan.
  24. Tolmoge saxiib puntland waa inay noqotaa hormuudka xaalmariyaha soomaaliyoo dhan looma baahna dabkay shiday inay wax ka kulaali weydo. see ku xaal marin kartaa? kow waa in maamulku iska daayaan erayga galnus magacana u qaataan siduu yahay ee galmudug,aaway nuskii kale? labo waa in dadka la baraa is dhexgalka iyo wada noolaashaha ee aan la barin kala qoqobnaata iyo kalsooni darada Sadex waa in maamulku yeeshaa hal afhayeen oo cid walba iidaacadda soo istigin kuna hadlaa luuqad maamulku ogyahay si looga fogaado isku dhac iyo in maxjarku noqdo marmarsiyo dad badan ku naf waayaan. khaladaadka waxbaa laga bartaa faa'iido danbe yaana lagu xisaabtamaa. gaalkacyo markaad suuqa tagto makala garanaysid dadku meeshay kasoo kala jeedaan koonfur iyo waqooyi lahjadooduna waa isku mid wax yar mooyee! tusaale kuwa waqoyigu waxay yiraahdaan(biyo aan cabbo isii) koonfurtuna (biyo aan cabo isii) (b) shiddan keliyaa u dhaxaysa farqi qurbo joogtu soo saari karto ma'ahan. dhanka dhaqaalaha puntland waxaa ku yaal airport caalami ah iyo dekad khaliijka u dhow,umaddii ka faa'iidaysan lahaana waxaa la yiri yaysan gaalkacyo soo dhaafin,ama xuduudka ha lagu kala wareego Dr,c/wali waxaad noogu sheegteen inuu soo bartay dhaqaalaha kana soo baxay jaamacadda macdonald,hadduusan magacu iga khaldanayn. ma yamen baa loo dhisay ilaha dhaqaalaha mise in somasli kawada faa'iido? mise shinbirahaa loo dhisay inay buul ka dhistaan? Hadda iyo dan iyo aragtidayda nuska ka maqan galmudug ha lagusoo daro si kalsooni fiican loo helo yaan dadka lakala fogayn oo markii islaan qoryo ku shidato koonfurta la oran saaka qiiqu waa maxay iyo saxaafadda ha loo yeero. Hal qof oo dulmi ku dhintaa ilaahay waa uga qiima badan yahay kacbada aan u jeesano markaan tukanayno.
  25. AWOOWE MOOGE weligaa ma maqashay maandeeq? Maandeeq hal geela ma'ahayn sida soomaalidu sheegto. Maandeeq waxay ahayd gabar qurux badan oo ku dhalatay waqooyi. waxayna qaaday quruxdii afrika ayadoo muqdisho ku kortay. Sidoo kale waxaa loo balansanaa inay ka qayb qaadato tartanka quruxda aasiya iyo yurub,balse adeerkaa cabdulaahi allaha u naxariistee yaa kufsaday. Waxaa la weydiiyay sababta ku kaliftay in gabadhaas soomaaliyoo dhan fiirsanayso udamcay keligiis, wuxuu ku jawaabay keligay baa geya soomaalida kale shaqo kuma laha. Intii muranku socday bay gabadhii ayadoo uur leh waqooyigii ay ka timid u baxsatay mar kale. waa lasoo dhaweeyay waxaanay reer waqooyigii go'aan ku gaareen inay la joogto ayagoo og in sidkeedii dhamaaday mar hore. waa la sugay markay dhali weyday yaa illaahay amarkii qaadkii la joojiyay. Jabhaddii waqooyigu way kacday,meeshay gabadha quraan iyo culumo ama dhakhtar wanaagsan u dooni lahaayeen bay go'aansadeen inay usc ka dhaliso. yuusan hadalku ila dheeraane gabadhii markay usc indhaha ku dhufatay bay iskeed u dhashay. maxay dhashay? waxay dhashay todaba waraabe oo ilma puntland ah. su'aasha reer puntland u taal waxay tahay see awlaadoodii oo koonfur joogta xuduud gaalkacyo difaac uga geli karaan? damjadiid iyo itixad suufiya usc snm federaal wuxuba soo awlaadiinii ma'ahan, maa xal aan hubaysnayn u raadisaan dadkiina?