gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. waxaa laga yaabaa markii horaba inay ku xirnaayeen dambiyo fudud,taa badelkeedana ku doonayaan albaab u furan oo masaalaxooda ilaasha inay ku yeeshaan madaxtooyada somaliya, Waa siyaasad saaxiibtinimo,balse garan maayo inuu khayre, shar iyo khayr isku wadi yaqaan.
  2. intii dhimatay alaha u naxariisto Odweyne sida muuqata waxaad aaminsan tahay qabiil,makhluuqaas ilaahay abuurtay fekerkooda iyo hab dhaqankoodana waxba kama badali kartid wiil iyo adeerkiis yaa qabiil isku dila ama dakano iyagoo u kala baxa labo reer,adna waxaad taagantahay qarnigii 21aad habar siciid iyo qori jarato su'aasha in laga dooda u baahan waxaa weeye Faratoon soo faqash ma'ahan maxaa dhex geliyay nadaam aan ku qsbiil ahayn soomaalinamadii iyo wada jirkiina diiday? waxaa laga yaabaa inay been u sheegaan oo ku yiraahdaan qaran baan nahay ee reer miyiga "laa" wixii ka hor yimaada amarka,halkaasna fidno tii hore kasii balaaran ka dhacdo.
  3. suldan Adeerkaa caaqil buu ahaa,balse anigu hadal sarbeeb ah ma qorin feerahaygana markii horoba waxaan la akhriyi karin kuma jirin. waa arin macruufa in dhalin yarada mayalka adag badankoodu wax kusoo bartaan dhulka snm maamusho, taas cidna daah kama saarna saaxiib. Mararka qaar soo ma maqashid in reer galbeedku uga digaan si kadis ah, in muwaadinoontoodu u safraan hargaysa? Ayadoo waliba shacabku fiirsanayo tartanka heesaha iyo xidigaha afrika,oo wax dhibu jirin. xogta dhabta ah oo soomaaliyoo dhan ka jirta shisheeyaha naga badiya aniga iyo adiga iyo soomaaliyoo dhan waxba kama taqaan Anigu arsinal baan teegeera,.. adiguna?
  4. Ma kala jecla labada maamul waa dagaal fikri ah oo khatar badan balse dhulka snm maamusha waxay ka dhigteen god dhanka maskax dhaqida iyo dhaqaalahaba,waayo haddaadan guri lahayn daris ma yeelan kartid. sababta aan taas u iri waligood snm maysan weerarin,awood ay ka baqaana ma taalo snm, dhanka sirdoonka iyo ciidanka kaleba,ama soft target oo la heli karo mar kasta sida muqdisho,waa kayd ay ku gam'aan. waa aragtidayda.
  5. Waxba maadan habayn hadalna ma harin saaxiib Haddaad matasho ama aad ku hadlayso afka beesha dhexe oo dhan rajadu ma fiicna wax kastoo adag mustaxiil ma'ahan khayr iyo barwaaqo somaaliyoo dhan.
  6. ma la hubaa warkaas? amay ula jeedaan waraabe godkiisaa la degaa muuse suudi imaan masjid ma'ahayn iyo qaybdiid see senotoro ku noqdeen iyo kuwa kaloo beelaha muqdisho ahayn?
  7. Oodweyne Qoraalkaagu aad buu qurux badan yahay saxiib faa'iido badana way ku jirtaa balse sidii caadadu ahayd waan kala aragti fognahay. Si kastaba aragtidayda ku qanci maysid ana taada ku qanci maayo,hadaba meel dhexe aan isugu imaano, diinteena xaniifkaa waa dhexdhexaad. laga yaabee inaad da'yartahay oo dadku siday ku moodayaan aadan u da'waynayn anna sidoo kale. Waxaa raadisaa odayaashii reer w/galbeed oo la shiray siyaad barre markii dagaaladu bilowdeen iyo waxay ka wada hadleen,qaarkood waa noolyihiin sidan filayo, si cilmayaysan usoo baar, caatifad qabiilna yaysan ku qalin daarin. Waan hubaa in wax wayn iska kaa badalayaan. Ciyaalkana "nabar" aan xaq ahayn qalbigooda ha galin, bar musaamaxa walaaltinimada iyo wada noolaashaha. Farmaajo difaaciisa wakhti badan iiga lumi maayo waayo wakhti hore ama waa subax hore galabtii ha la gaaro. Aragtidayna illaa iyo haddana haykalka iyo baratikoolka dawladnimo wada shaqaynta dhexdooda way ka wanaagsan tahay madaxdii ka horaysay shaqo sahlan ma'ahan inaad musaamiir daxalaysatay soo saarto adoo gacmo maran, wakhti bay u baahan tahay. insha allah shacab qurxoon mar un waa la daawan sidaan beri ahaan jirnay,lama rajo dhigo,buur haddaad ka baqdo ma fuuli kartid ama meel dhexe yaad kasoo noqon. Tan siilaanyo khibrad iyo xikmad aragti dheer waxaa loogu tagaa markuu qofku waynaado ama uu noqdo gabal sii dhacayo ,hal eray dhaxal noo wada ah lagama hayo aan ka ahayn qaranka beeshayda tashatay Taariikhdoodu ma gadmayso raggaad mujaahidiinta u taqaan beeshana ma dhaafsiin kartid,boqolaal iyo kumanaan sano Taariikhda la iibin karo waa tii timo cadde, afqalooc iyo raggii badnaa kuligeena isku si qadariso Gunaanad Dantu mar walba waxay ku jirtaa in nabarka la daaweeyo haddaad waydo wax kaa daweeyana adigu iska dawee waa waajib ku saaran. Dhaawac iyo bahal dhiigga jecel isma dugsadaan fogee aragtidaada ka gudub wixii tagay maanta la jaan qaad berrina insha allah shaqaa noo taal.
  8. odweyne Saxiib xaqiiqda mar un kusoo dhawow ayadaa barako badan. Odayaashaan ruug cadaaga iyo qoraaga aad ku sheekteen, waa khudbad waxay eray bixinta ulasoo fariisteen muhiimna ma aha inay wakhti ku lumiyaan mar haddii la fahmay in halgamayaashii amaan mudnaayeen. culumada natujisa oo xaafidu quraanka yaaba wal casri khalda. Hadaan xanuun jirin ama ay doonayaan inay khudbadaha tafatiraan siilaanyo bay ahayd inay ka bilaabaan, ilaa dagaalkii koowaad soo shaqaynayay hadana aan labo eray isku toosin karin warqaduna dhidid badan ka keento. Tan siyaad barre iyo taageeradayda Nabad wax barasho, caafimaad lacag la'aana iyo magac karaamo leh yaan ku haysanay aniga iyo adiga, iyo dhamaanteen ilaa maangaabku qabiil noo kala saaray. Maantana waxba ma ahid runtii, hoteel mansuur fariiso adoo labisan haddaad doonto. sharaftu labiska iyo beerta ubaxa leh ma'ahan saaxiib soomali baad tahay walaweyn iyo hargaysa ciduna makala taqaan. wax eeda uu leeyahay ma jirto haba yaraatee aragtidayda, naxariistii jano allaha ka waraabiyo aan kuu sababeeyo waliba. 27ka sano oo kasoo wareegtay markii xukunka laga tuuray iyo dhimashadiisii, aqoonsi iyo inaan tashano soo asaga wali lagama sugayo? Maxaad u xaqiraysaa saciimkaas qiimaha badan? cigaal iyo siilaanyo maxaad ku taageeraysaa adigoo qaxootiya? bilaa caleeg ma qabiil? Galbeedi yaa hadalka qiimihiisa kuu sheegay saxiib koonfurta waqooyi iyo bari ilaa galbeed inaad ka taliso isku day adigoo hankaagu dhaafsiisan yahay snm iyo aqoonsi wahmiya.
  9. Waayo aragaas hadalkooda xanuun baa ka muuqda qofkii wax garada un baa fahmi karo farmaajo ansalooti buu ku dhashay gabay iyo geeraarna waa isugu mid, muhiimadu waa inuu gaarsiiyo codkiisa sidii aayaha wadanka iyo dadka looga tashan lahaa wada hadalkuna waa furaha is af garadka,wax dhiba ma keeno. balse haddii jinni marqaansan idinkusoo dego meel la gaari maayo. Khudbadiisii ma dhagaysatay, waa afweyne yar buuguu qoray ma akhrisay iyo bitibiti wax macnaa samayn mayso. Mowduuca kaaga soo baxaya, nimankaa aqoonyahanada sheeganaya hadalkooda waxay tahay, jawaab un bixi aan loo meel dayin. Waxaa jira gar aad naqayso oo adiga kugu naqsan 26'ka jun waa maalin wayn soomaaliyoo dhan gaar ahaana sharaf u ah gobolada waqooyi maxaa keenay in shacabka w/galbeed looga dhigo maalin madow? wayna ku faanayaan, hadana way ka faanayaan! waa arin caqliga saliimkaa soo celinayo, ama gali karin. su'aasha kale oo is waydiinta leh waxay tahay. maxay ku diidayaan in soomaalida kale oo walaalahooda, u dabaaldegto maalintaas qiimaha badan, oo calan soomaaliyeed dhul soomaaliyeed laga taagay,maadaama aysan lahayn berigaas calan ayaga u gaara oo xoriyaddii ka dib aanu calan qura yeelanay. tan ugu dambaysa waxaa u hambalyaynayaa umadda soomaaliyeed dhamaantood iyo madaxdooda intii sharaf iyo karaamo taqaan.
  10. 26 sano yaa wadanka la burbrinayay saaxiib,Raggii burburkaa gaystayna waa senetoro beeshoodu soo dooratay ayagoo wali xanuunsan, burburka runtaa waa kaas. ha nooga dhigin wax qabad adeerkaa ka tagay bulukeeti iyo dhoobo laysa saaray oo iska dumaya intaan qaraxuba gaarin.
  11. Khibrad fiican uma lihi arimaha waa wayn balse aragtidayda hadaan ka dhiibto qaabka amaanka ciidanka milatarigu wuxuu difaaci karaa cadow muuqda xuduud ama goob mucayina. Wakhtiga lagu jiro muhiimadu waa ciidanka ku dhex jira bulshada ama nabad sugida shaqaalaha wasaaraduhu muhiim ma'ahan cidii dawladda usoo shaqo doonataba nabad sugid ha la qoro xataa kan shabaabkaa hooyadiis. jileecu wuxuu ka yimid waa beelaha siyaasiyiintooda iyo ganacsatadu karinayso dawlad madaniyana way ku dhex milmaysaa.
  12. Che arintu waa labo qaybta miyiga ama reer guuraaga iyo qaybta maamulka iyo siyaasiyiinta Qaybta miyiga,reer miyigu daciif ma noqdaan labada dhanba way yaqaanaan sida wax loo dilo hubna way hsystaan cid kalana kama amar qaataan. Qaybta maamulka ama siyaasiyiinta waa xaqiiq in puntland u dhawdahay maamul habaysan oo kala dambayntiisu wanaagsantahay taasna waxa keenay maamul ma'ahan waa shacabka odayaasha dhaqanka culumida haweenka oo inta badan xumaanta u xaliya si ka duwan gobalada kale Tusaale qofkii iyo qoyskii ay arkaan inay xumaan wadaan waxay geliyaan diiqad nafsi ah oo ay dareensiiyaan inay ka duwan yihiin bulshada kale. Runtiina waa dhaqan wanaagsan oo bulshadu iskood u samaysteen Galmudug waxaa ku badnaa dagaalada sokeeye xeerar badan baana ka lumay. maamulkuna dhex gal fiican kuma laha bulshada ama dhaqaale ha ahaato ama wacyi gelin kale ha noqotee Reer miyiguna wuxuu dhaqaale badan ka helay dariiqa isku xira galkacyo ilaa cadaado meel u dhaw, jufo walbana intay degto bay dawlad ka tahay canshuurtana ka qaadataa gaadiidka ku safraya, maamulna ma jecla waayo waxba kama soo galaan ismana dhex galaan. Dad wabaagsna way ku jiraan balse ciqaabtu way salfanaysaa xataa inta wanaagsan. Markaad cadaado gaarto ilaa iyo matabaan oo ka bilowda hiiraan ayadana dhaqan kale iyo maamul kale yaad u galaysaa runtiina wanasgsan. Hiiraan ilaa jawhar agteedana sidoo kale waa dhaqan kale ilaa maashaa allaah koonfur ku tag, maamulka dhabtaa waa bulshada iyo hab dhaqankooda saaxiib. kuwa xalaasha cuna oo u roob raacay puntland ayagoo hubkooda wata yay la noolaan karaan reer puntland sidaan qabo waana dhaqan hore oo soo jireen ahaa.
  13. alpuntland saaxiib reer miyigoo dhan nadaam kama dambeeyaan mana aqoonsana wixii madaxoda kusoo dhaca way ku kici labada dhinacba balse waxaa jirta dhaqanka dilalkooda ama aanooyinka yaa kala badalan dhaqan ahaan waxaa laga yaabaa dhanka cadaado intay qof dilaan inay hadana subag beeca kaa iibiyaan marka waagu baryo. Reer puntland'se kuma dhacaan,mana aadaan jihadooda xataa haddii roob badan ka da'o. Aakhirka waa walaalo, allaha hadeeyo.
  14. Dhulka naqu ka da'ay? naqu ma da'ee waa soo baxaa waa roobka waxa da' wariyaashu inay afkooda bartaan si wanaagsan waa muhiim. inta badan colaadu waxay timaadaa marka xooluhu naqa daaqaan, hadana dararaan, cad iyo caano yeeshaan. markaas ka dib reer miyigu meeshay ilaahay u shukrin lahaayeen intooda badan, bay xasuustaan dakano ama aano waayo hore ka maqnayd. Tan kale puntland waa talaabo wanaagsan inay dadka soo dhawayso abaartu hayso,waxaase la yaab leh ayagoon hub wadan,hasoo naq doontaan! kuwa reer puntland hubkooda ma dawladaa haysa? si kastaba waa arin wanaagsan ceebu kuma jirto in dadka wada noolashahooda laga shaqeeyo. Markeeda hore iyo aakhirkana waa walaalo, dhulkuna xuduud ma leh waa dhul soomaaliyeed.
  15. bisha ugu horaysa bay ka xiisa dhacayaan waa inta qaadku dhiigooda ku jiro qabiil hadaad raacdo waad ku qiimo beelaysaa aqoosigiina dhalanteed buu noqday sida muuqata waxaa u sharaf badnayd asagoo iska adkaysta ilaa jirkiisu kaneecada la qabsado,waa haddiba ay dhab tahay inuu Snm ka maarmi waayay. Marti iyo inan la yaal lama noqdo adoo dal iyo dad leh.
  16. Qudhaydu waxaan is lahaa farmaajo markuu kursiga faristay shababku way isasoo dhiibi ama way kala carari adeer reer galbeed oo dhan yaa suuqyadii aadi waayay farmajo ma sixir gaaruu yaqaan? dagaalka fikriya iyo umad quluubtoodu kala jeedo abaaro iyo cudurana ugu darsameen way adagtahay inay guul degdega gaaraan dawlad madaniya ma anfacayso somaaliya wakhtiga lagu jiro dartiis aragtidayda.
  17. che xoolaheenu markay badda kusoo daalaan bay dib u celiyaan ayagoo awooda inay somaliya kusoo baraan oo soo nafaqeeyaan caraboo dhan haddii laysku daro macaa qatar'tooda ujeedkooda waa maslaxadda turkiga taasaan u malaynayaa in misaanku ka jiro. way heshiin ka dibna albaabkay kaasoo xiran.
  18. yuunis saxiib aragtidaadu waa saliim in kastoo filayo 60'kii inaadan joogin dunida ama aad yarayd, aniguna sidoo kale. Cuqubadu waxay dhacday markii dadku wax bartay oo indhahoodu furmeen mugdigii iyo qabyaaladaysigiina lagasoo baxay taasu waa taas Askariga geel jiraha dawlad dhisan ma dumin barlamaankii somaliya wuxuu isku mari waayay qabiilaysi in mudo ah iyo is qab qabsi dhimadhadii c/rashiid allaha u naxariistee taasaana keentay in milatarigu wadanka la wareego oday kastaana daacad buu ahaa meeshuu doono ha joogee, suntii qabiilkana dadkii waa ka baxday. ilaa ay dib usoo qufeen dadkii jeclaa qabiilaysiga,nimco lagu shukriyo iyo nabad yaa lagu noolaaa kacankii barakaysnaa. ama ruushka raac ama galbeedka dad nimadeenu marnaba ma liicin Adan cadde nin wanasgsan buu ahaa allaha u naxariisto maamulkana seediyaashi yaa watay dad kooban baa siyaasadda loo ogolaa shacabkuna waxna ma qori jirin mana dhib badnayn. taariikhda sidaa ula soco marka hore usoo noqo tan carabta iyo dawladaan dawladnimadu waxay ka bilaabataa madax banaani marka ugu horaysa Waa inaan waxba laguu yeerin si aadan ugu dhex habaabin ama amban dawlado is haya dhexdood kuwayt iyo cumaan yaa nooga dhaw hadaysan faqriga nagu yasayn. dadnimaduse waxay ku hartay dalalka faqrigaa haday maskaxdeenu shaqayso roobku markuu da'o cad iyo caano yaan heli karnaa wixii soo harana waa sadaqayn karaa ayadoon kaamara la duubayn. samankii axsaabta dad baahidu hayso subixii markay iridda furaan waxay heli jireen raashin ama lacag,wax xalay soo dhigayna maysan aqoon si aysan karaamadu ugu lumin muslin daciifa ma jirin carabtu lacagtay bixinayso runtii waa karaamo beel in laga maarmaana fiican,irsaaqaddu waa kafaalad ilaahay balan qaaday mana go'ayso abid intaan noolnahay. luuqadda carabiga faqri iyo miskiin waa labo eray oo aad u kala duwan waa filayaa inaad garanayso. sida Snm laysma bahdilo ayagoo calan beena isticmaalaya, qatar iyo sucuudigu waa isaga keen dhowyihiin waa laba dal oo walaalo ah, mana wanaagsana inaad mid ag istaagto adoo hoos fiirinaya. allaha naga cafiyo wixii dambi ah illaahay un baa kaamil ah.
  19. inta badan somalida ka faaloota arimaha iqliimaga ama dawladaha kale dhex mara waxay ka qoraan faalooyin aad u dheer oo anfacaysa dadkay khusayso una malayn maayo in somaliaonline tahay meeshii ku haboonayd. usoo noqo mowduuca carabta siyaasad lama waydiiyo waxaa la waydiiyaa dhaqaale waana la ilaashadaa sidaad moodaysaan uma sii qodna. tusaale yar yaan kuusoo qaadaya sacuudugu somaliya wuxuu u balan qaaday soo dhawayn fiican ka dib inuu kaabayaasha dhaqaalaha wax ka qabto si walaaltinimo leh ,looma akhriyi karo siyaasad dhaw iyo mid fog waayo waa dad daruufaysan una baahan in wax lala qabto faras jaban kooro lama saaro isku dhici qatar wuxuu sharuud ka dhigay si dhaqaalihii u bixiyo in xiriirka loo jaro qatar. qatar iyo somaliya waxba kama dhaxeeyaan waana ceeb iyo dhaqan xumo in shilimo dartood aad mara isaga tuurto,waana imtixaan lagugu qiimayn karo markii roobku da'o. puntland iyo snm waxay bilaabeen inay dawladeeyaan ayagoo ku andacoonaya in awoowayashood u dhoofi jireen imaaraadka,dekadahana loo dhisayo. su'aasha is waydiinta leh waxaa weeye maamul qabiileed hadduu yeesho soohdin gaara oo cirka iyo dhulka marta soo maahan in marka hore sharuucda caalamka la waafajiyo ama magacyo cusub loo sameeyo si ay ugu meel maraan ama danahooda gaarka ula yeeshaan dawlado kale? Ninkaan suldaanka sheegtay sawaariikhda SAM waa qadiim adeer sawirkooda oo rinji la mariyay unbaad aragtay wax cirka loo ridi karo ma'ahan dawladdi hore yaa ka tagtay ayaga iyo diyaaradda darbiga la saaray. waxaana ku talin lahaa in laga fogeeyo carruurta iyo guryaha la seexdo. waxaan aad usoo dhawaynayaa aragtidayda mowqifka dawladda soomaaliya qaadatay oo ka turjumaysa karaamada iyo dadnimadu inaysan shilimo ku xirnayn,dhexdhexaadna ka ahaato dad wada dhashay oo is haya Waa baahanahay bakhti looma cuno Arrad waa dan uskagna waa doqonimo Waa la doogoobiye yaan la dacaroon.
  20. Afkiisa wax lala yaabo kamasoo bixin Dadka wanaagsan way badan yihiin allaha xafido Nin wariye samafal iyo arimaha bulshada ka shaqeeya muqdisho maxaad u tagtay ha lagu xiro waa gardaro madow,hadana taas waxaa kasii liita madaxweynaa cafis u fidiyay.!! Maxaa lagusoo xiray? yuu dambi ka galay? laysma waydiin. Taas waxay ku tusaysaa qiimo xumada madaxwayne nimada ku dhacday.
  21. (Adille) ama cadayn uma baahna in internet'ka laga raadiyo, itoobiya waligeedba way aqoonsanayd snm farxad ku seexda walaalayaal. dhanka siyaasadda itoobiya iyo somaaliya waa laba dal oo dhul kusoo dagaalamay,dad badana naftooda ku waayeen,dalalka noocaasana aduunka meelay saaxiib ku noqdeen lama sheegin. dawladda somaliya hadda ka jirta haba iska tabar yaraatee waxaa loo baahan inay mucaaradka itoobiya soo dhawayso, xafiis la wada ogyahay kasiiso, amaankoodana ilaaliso Tv'soomaaliana saacad ku yeeshaan ayarimahooda ku falaqaystaan afka amxaarigana ku hadla. dheeli tirka siyaasaddu waa ilaalinta qaranimadaada. haddii kale hal dhinac kaliya bay ka rarnaa, faragilina waligood kaa dayn maayaan,waa afrikaan qaniinyaa kaa fujin karta. Ereteriya waa somali rubeceed agtoodana ma is taagi karaan iska daa inay arimahooda gudaha dhex galaane. cad bisil haddaad miiska u saarto wuu muudsan awoowe.
  22. Labadaa nin markaad hadalkooda si fiican u dhagaysato waxaa kuu soo baxaya Aasaaskii snm inaysan maskax soomaali ka timid ku abuurmin,waligayna waan ogaa arintaas, xataa haddii diyaaraduhu run yihiin muslinku waa samraa gaal kuma hor galgasho. itoobiya wax ma aqoonsato adeer, balse beel walba maslaxadeeda bay ka doonataa waana qaybta ay guulaha badan ka keentay.
  23. Galbeedi Saaxiib nin aragti iyo aqoon durugsan yaad u egtahay balse aqoontaadu yaysan noqon tii ilmo samatar oo kale ha la dhagaysto un ahayd Dalka iyo dadku wuu kuu baahanyahay uga faa'dee aqoontaada, una sheeg inaad aragto meelo badan oo dul duleela una baahan in la gufeeyo. meel un ka gal maamulka xataa bayle dhankiisa kasoo wareeg waa nin adag sidaan maqlay waa markaad weydo wadani wax kula garta. haddii kale aakhirka intaad xanaaqdo yaa xisbiyada snm aqoontu kaaga guuri, sabur,shaqo iyo dulqaad badan dalkaaga u hibee saxiib intaad nooshahay khaladkoodana miiska u saar adoo la jooga.
  24. Awoowe galbeedi wadankoo dhan waa la haystaa adigoon qaar dimuquraadi u arag ujeedadaydu ma'ahan inaan difaacayo jubaland nadaamka wadankoo dhan yaal ma'ahan askari baa wasiir dilay ninka la dilay waa reerkee? kan wax dilayna waa qolama? doorashadeenu waa qabiil dastuurkeenu waa qabiil, askarteenu waa qabiil,maxkamadaheenu waa qabiil, maskaxdeenu waa qabiil, magteenu waa qabiil. Ma jiro nadaam ka madax banaan qabiil maslaxadda qabiilkoodana dawladaha dariskaa bay la kaashadaan taas cid walbaa way ogtahay wax qarsoon ma'ahan. Tan farmaajo iyo afsoomaaligiisa suugaan noo dhigi maayee wax qabad hufan ha la yimaado intii karaankiisa,dhalinyarada wax baratayna haku badelo odayaashaan qabiilka ku khaatumo seegay. Maalin ama habayn wanaagsan awoowe
  25. Marka ugu horaysa allaha u naxariisto marxuumka qoyskiisa iyo qaraabadiisana samir ha ugu badelo. Ilaahay kaligiis baa joogaya oo cid lala simaa jirin. taasu waa taas Tan dilka aragtidayda dad badan oo qiimo badan yaa god loo diray si aan macno lahayn waa in arintaas wax laga badelaa oo wax laga bartaa sida ugu dhakhsaha badan. Askarigu marka ugu horaysa oo la qorayo sharuudaha laga rabo wakhtiyadan la joogo waxaa ugu horaysa sidaan maqlay waa inuu balwad leeyahay si looga durko kuwa diinta ku dhaw si aan loogusoo gaban waa inuu masuulkuu ilaalinayo isku jufo yihiin lama waydiiyo inuu horay wax usoo dilay iyo inkale lama waydiiyo maskaxdiisa iyo caafimaadkiisa hoose haduu soo dilayna waa geesi lagu kalsoonaan karo,hadduu waalanyahayna qaadka markuu cunuu roonanayaa iyaduna dhib ma leh. dadka taxqiiqa sameeya ama wax baara qudhooda lama yaqaan iyo xaalkooda hoose Askar haddaad maqasho waa nidaam kala hooseeya sharciga askarinamada ka baqa,ayaguna sidoo kale xaquuq iyo haybad ku leh shacabkooda iyo masuuliyiintoodaba, markay labisan yihiin astaanta qaranka waa haybad gaara oo sifo fiican. Maxaa la gudboon federaalka? waa inay meeshay seexanayaan iska nadiifyaan haddii kale naftoodaa khatar galaysa iska daa waxay umad u qabtaane Maxaa la gudboon jubaland? waa inay khuburo soo diraan ka qayb qaadata baaritaanka si ay hubsadaan ugana qancaan wiilkoodii xildhibaankoodii iyo wasiirkoodiiba. ulama jeedo inaan dadka kala qaybinayo balse dastuurkeenaa qabiil ku dhisan aad baana ugu xumahay.