-
Content Count
2,415 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
53
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by gooni
-
Marka ugu horaysa dadkaas dhintay allaha u naxariisto Oodweyne iyo walaalkiis waxaan idiin sheegayaa gedo kama duwana sh/hoose iyo kuwii lagu laayay itoobiya ama gobolada kalaba cadowga dibadda dadkuu naga laayo si dhaqsaa uga samirnaa,kan dhexdeenana kama samirno nus qarni iyo ka badan. kuwa na laaya yaan ka codsanaa inay na heshiisiyaan ama walaalo wado dhashay ku sheegnaa sida snm. Haddaad ula jeedaan siyaasad aad ku duraysaan yaraankii afweyne masku guri walba waa jiifaa adeer. Hargaysa hadduu hoos hurdo gedo qorax kulul baa ka jirta waana ka sun badan yahay kan hooska jiifa. Tan qalbi dhagac Waa Run in wadanigii aamusay, khalad ha u fahmin hana marin habaabin waaa siyaasada qayb ka mida waligeedna way jirtay cadowga dibadda iyo kan gudaha. makasta iyo maangaabka yaan si sahlan ku samrin,ogowna samirku waa nimcooyinka ilaahay bixiyo kuwooda ugu qaalisan. Talo walaatinimo waqooyi galbeed soomaaliya waa meel qurux badan, daxiiskana ku fiican, shimbiro qurux badan oo noocyo badan baa ku nool, ha la ilaaliyo bii'ada dalkeena,dhirtana jaridda iyo dabar goynta ha laga daayo.
-
federaalku waa iskasoo af jarmi ama ha dhawaato ama ha dheeraato puntland waxay sheegtaa inay hooyo u tahay afarta maamul, dastuurkeeduna ka fac wayn yahay kan dawladda dhaxe. Sida muuqata ama bilaabatay is barbar yaacu wuxuu keenayaa inay maamuladda curdankaa wada saqiiraan ayadoo hooyadood oo qrux badan ag fadhido. Aragtidayda waxaa la gudboon walaalaheen puntland inay badasho siyaasaddan labo boglayntaa oo meel ku uruurto inta gooru goor tahay. Mushkiladda soomaaliyoo dhan la kici wayday aragtidayda waa "qab" galay nimankaan isku magacaabay beelaha muqdisho,lagamana yaabo inay qalbi daacada la yimaadaan aqlabiyadoodu. sanitooradoodu iyo xildhibaankoodu waa dagaal ooge somali barkeed soo cunay,xaakimkooduna waa ganacsade labo af leh oo dhankuu doono wax u gooya, ayagaana nabadoon iyo samo wadeba ah. Dhalinyaradaan qurbaha wax kusoo baratay oo hogaanka wadanka loo dhiibay waa ragg wada shaqayn kara balse waxay la mid yihiin bakayle god dawaco lagu xareeyay, hadday soo nabad baxaan waa mucjiso rabbi. Puntland waxaan kula talin lahaa daacad noqda oo u sheega walaalaha koonfureed inaad tihiin dawlad ka fac wayn kana madax banaan kuna dhawaaqdaan is maamul gooni ah arimihiisa dibadda, dhaqaalaha, gudaha aan wax shaqo ah ku lahayn koonfurta. odayaashaan xamar joogana lagasoo kaxeeyo si ay kaluunka imaaraadka wax uga dhoofiyaan waliba siminaaro iyo dhaqan celin badan ha loo sameeyo. taas waxay keenaysaa ixtiraam caalami ah iyo mid gudaha ah sida kosovo iyo misedonia. Haddiise federaal aan sharciyaddiisa la rabin lagu marmarsiyoodo waa khiyaano qaran aakhiro iyo aduuna barako ma leh.
-
yuunis Adiguna dhexdhexaad baad noqotay sida qoraalkaaga ka muuqata dhexdhexaadka waa shay diinteenu amartay xaqiiqdiina aan cidna dhib u keenayn. Dad nadaam la'aan ku koray kuwo kali talis lasoo koray toosh kuma shidi karaan aragtidayda. federaal kala dambayn leh iyo dastuur iyo is maqal ma haysaa? Dawlad dhexe oo dimuquraadiya oo kali talisnimo ka caaggan ma haysaa? Intee dawladood oo afrikaana yaa ku dhaqanta nadaamka fedaraalka? waa kuwee? habkee ugu dhaqmaan? Al-cayn iyo shaariqa maka hor imaan karaan go'aanka ubudabay? maxaa keenay inay isku mowqif noqdaan? maxaa qaarkood qatar u taageeri waayeen? Waa maxay sababta aysoomaaliya ugu muhiimsanaatay kuwait iyo cumaan khilaafkan khaliijka? Taageerada galmudug maxay kusoo kordhin kartaa khilaafka carabta? Maxaa keenay in madax goboleedyadu midba mar wakhti u dhaxeeyo jacaylka imaaraadka lasoo tooso? Maxay noo caawin waayeen markay daarta aduunka ugu dheer dhisayeen somaalida caruurtooduna gorgorku cunayay-soo axaadiista iyo quraankuba af carabi kuma qorna? Afeef Uguma talo galin inaad ka jawaabto su'aalahaas tirada badan balse waxaan is leeyahay akhrintoodu waa jawaab.
-
Macnaha rasmiga ah oo ka dambeeya federaalka waxa isha ka tuuray maakhir,inuu umadda sii kala fogooyo mooyee rajo sooma wado,aqoonteedana yeellan mayno ilaa qarniyo dambe. P/A saaxiib polatics ma'ahan aragtidayda markii dalal kale ku cayaaraan jiritaankaaga dadnimo,kuguna khasbaan waxaadan gayin adoo dhuuni raacaya,qatar waxna kuuma dhimin waxna kuma tarin waxaad kula colowdaa meesha ma yaalaan. Waliba waxaa hoos u dhacaysa aragtidooda ay kaa qaadan karaan mustaqbalka , oo ku aadan inaad u gadmi karto cid kastoo leef kuu tuurta. usoo noqo nadaamyada gobolada Wuxuu keeni karaa khilaaf gudahooda marka laga reebo boqortooyada puntland,oo caa'ilad kaliya xukunto siday doonaana u tasarufta,runtiina noqotay,nadaam aan kula tashan kaana tashan. Galmadug waa qabiilo usu tagay hadaysan wada cunin laaluushka carabta ama qaarkood damiir celinin way adag tahay inay mowqif qura yeeshaan. Sidoo kale jubaland hiiraan iyo k/G. Dawladda waxaa la gudboon inay si toos ah ula xiriiraan UAE iyo KSA una sheegaan inaysan wax tarkooda u adeegsan kala qaybinta umadaan dagaaladu soo daashadeen,ixtiraamaana jiritaankooda. Madax ku andacoonaysa imaaraadku waxbuu ii qaybtaye qatar maxaan ka helay,kana xishoonayn inay gacantoodu hoosayso waa sharaf dhaca caadada noo noqotay aqoon kastoo madaxeena lagu shubo. Aduunka dawlad bilaash wax ku bixisa ma jirto marka laga reebo soomaaliya. Maxaa maslaxada oo ugu jira wax tarkooda? laysma waydiin! ma dhaafsiisna aragtidooda hotel aysan horay u seexan iyo is bitaal qabsin ku xumaaday looga qalay ama xoogaa jeebka kore loo galiyay, waa intaa waxay damiirkoodii iyo kii dadkay matalaanba u iibsheen. Haddii la waydiiyo su'aal ah maxaad wax u maamulaysaa haddiiba dawlad kale jeebkeeda aad cod ku leedahay,maad ayaga calankooda ka taagtid dusha sare oo iska tuurtid kan dhiisha ama xidigtu ku sawiran tahay oo wax dheefaba lahayn Fedaraalka dhexe soo cid kistaa cod kuma laha? muxuu ka samaysanyahay? soo ma matalo dhamaantood? dastuurkiisa ma ogolyihiin mise maya? su'aalahaas markay ka jawaabaan waxbaa noo bixi lahaa Carabta waxay is hayaan qatar ma'ahan waaa dad wada dhashay oo waliba jufo hoose isku ah berina way heshiin waxa isku haya soomaaliya waa turkiga iyo carabta,waana in la fahmaa carab hurdo ku daahday daba galkoodu inuusan waxba soo kordhinayn Turkigu wax muuqda yuu dalka u qabtay siiba caasimadda kumana mashqulin inuu maamul goboleed gaar gaar ula danaysto,taasna waxay ku tusaysaa inuu leeyahay caadifad muslin oo sax ah, indhaha caalamkana kusoo jeeday asagoo waliba wax sharuuda ku xirin. dekeddii berbara wax soo saarkeedii iyo xoogsadiiba hoos bay u dhacday sida muuqata qaylo iyo qayil la'aan baa ka dhacday. boosaasana rajo bay ka filayaan balse waa inay sharuudaha buuxiyaan kana hor yimaadaan dawladda dhexe sidoo kale J/land G/mudug Hiiraanland K/G Markaan isku dhex yaacno sideenii oo alle noo carroodo oo hadana abaaru timaado bay noo soo ducayn ama xoogaa saliida iyo bur isu kaayo kor saari ayagoo waliba telefishinkoodii wata waa carab lagama lug baxo haddaadan aqoon u lahayn. Dad aan maradooda guntan aqoon cid walba way bahdili aragtidayda.
-
Galbeedi itoobiya waxay dawladda dhexe kula heshiisay hadaydaan na maqlin kuwo idinka dhago fudud oo na maqlaya yaan haysanaa ayagaana la macaamilaynaa!! waa maamul dawladeedka faraha badan oo soomaaliya loo qaybiyay,waana meesha ay ka bilaabato daciifnimadu. Aqoonyahan walaale arin dhow ma'ahan meesha daawada u baahan itoobiya waxay ku dhax baxday geedkaan harsanayno ciidanka soomaaliya qaybihiisa kala duwan dad bay ku leedahay, golaha sharci dejinta dad bay ku leedahay, madaxtooyada dad bay ku leedahay, islaamaha jaadka dhoofiya dad bay ku leedahay, odayaasha qabiiladda dad bay ku leedahay, waa dawlad guun ah oo heshay bini aadam ugaarta ka dhago dheer. Arintu waraaqo iyo la taliye cusub iyo nin la badelo ka wayn saaxiib. Dalkeenu waa malab mana dhadhamin kartid macaankiisa ilaa aad shinida ka qiiqiso, Tan qalbi dhagac waa dhacday, waxaase kasoo bixi kara khibrad iyo aqoon cusub, waxay u egtahay in la doonayo fashilinta wax kastoo dawlad u ekaada waana iska caddahay daah ma saarna sida loo dedejiyay dhiibistiisa. baaritaanku waa muhiim. Gaar ahaan wasiirada aminga iyo gudaha ama ugu yaraan la waydiiyo qaabkay u wada shaqeeyaan sirdoonka iyo nabad sugida iyo waxa ay ka ogaayeen kiiskaan. sirdoonku siyaabo badan buu u shaqeeyaa qaar baa dadka xiran ama maxaabiista lagu dhex daraa,oo waliba loo ekaysiiyaa wax lasoo jir dilay habeenkii saqda dhexe si kuwa kale sirtooda ula wadaagaan. way nala adag tahay in walaalkeen la dhiibo balse waxaan ognahay waa la dhiibay ma dhaafsiisna. Dad aan walgood ilmo ka iman dal iyo dadna u nixin yaa kiiskaan hormuud u noqday shaki badan baana ka yimid runtii. Do they reading your messages anyway? waa talo wax ku oola balse aragtidayda waxay anfacaysaa dawladaha dhisan sida canada iyo bulgaariya Ha ii arag inaan ku jikaarayo walaal aqoonyahan, sidaad arimaheena luuqada ingiriiska ugusoo ban dhigtaan caalamka yaa hay'aduhuna idiin shaqaalaysiin doonaan. tan shacabka Shacabku haday farmaajo filayeen waxay ahayd inay rooti la yimaadaan, oo naftooda iyo maalkoodaba u huraan. Dawladu labo nin ma'ahan hees wadani ah lama qaado adoo xanuunsan,oo caga jiidaya. waxay u baahantahay daacadnimo,wadanyad, karti, dulqaad iyo dadnimo dheeraad ah.
-
suldaan Dumarku waxay ka samaysanyihiin caadifad waxa laga yaabaa waxa ay ka hadlayso waxaan ahayn inay ka xanaaqsantahay Raggaa laga rabaa inay akhriyaan,waa runteed xninyo beel baa laga qaadaa. cid iska laalaada ma jirto waxaa kaliya oo la sheegaa in midnimo ka wanaagsan tahay kala tagga waana sax,haddiise la waayo,wiilka buuhoodle ku dhinta mujaahid ina mujaahida ha ugu yeerin buulkaaga ku ekow fidnada waa laga dhuuntaa.
-
Ma dhaafayo hankoodu reer hebel iyo sedexdaa magaalo awoowe mowduuceenu halkaa ma'ahan 5000 oo kumaandoosa haday joogaan hargaysa, may xoogooda ceel biyood ugu qodaan dadkaan reer miyigaa oo ayaga iyo xoolahoodu isku kor bakhtiyeen anigu waxaan u arkaa marqaan hadal han meeshaas kama muuqdo saaxiib burma waxay ku dhex taal dawladaha muslinka ugu owooda badan xag dhaqaale iyo xag ciidanba.
-
facebook iyo live xanuuno badan oo dhimarkaa, buu keenay qofkii isku buuqaba telefonkuu isku foorarin.
-
ilaahow umadda jaadka ka qabo,qaadku waa daroogo,wax walba kuu sahlaya diyaarado ma lihini turkigu burma ha na geeyo ku lahaa!!
-
Saxiib qaranimo soomaaliyeed iskama dhisanto shaqay u baahantahay iyo ugu yaraan dad daacada, oo ka badan kuwaan daacadda ahayn. farmaajo ul sixira ma wadan adeer waxa meesha ka jirana cid walbaa way ka dharagsantahay. Nimankaan reer muqdisho ku abtirsaday dawlad la'aantoodu waa lama taabtaan dhaqaalo badan yaa kasoo xorooda,fawdadu waa dastuurkooda firqadiisa koowaad. Dadka lama wada xumeeyo balse inta dibindaabyada ka macaashta yaa ka badan kuwa dan yartaa. Ninkaan amxaarku la tagey ma'ahan kii ugu horeeyay, mana noqonayo kii ugu dambeeyay inta iska daba wareegu socdo. iibku meel walba waa ka socdaa inta la ogyahay iyo intaan la ogaynba. Sharcigu iridda madaxtooyada ma dhaafo 26'kii sano ee tagtayna ma dhaafin,taas cid dafiri kartaa ma jirto. Raggii gaalkacyo kasoo qabtay oo haddana dhoofiyay yaa dadka ugu oohin badan wax la qaadan karana ma'ahan. waa inaad ogaataa saaxiib hubka gacanteena ku jira maantay, haddaan soomaali nahay, ama aan isku difaacno waa oohin. oohintii baa laysku haystaa marka!,yaa daacada yaase daacad ahayn. Snm haday qalbi dhagax u ooydo ma cid baa ka akhrisanaysa?,,,, waa maya. lafahoodii bayba aqoonsi ku doonayaan oo maalin walba soo qufaan. Soomaalidu waa dad muxaafida oo qabiilaysan,oo hadana is dun yaqaan. boorka ama (boodhka) saxaafdda haku hafan saaxiib mar un baa runta la maali insha allah,khayrna allaha ka dhigo.
-
inta badan qoraaladaadu waa isku mid dr.oodweyne nuxurkiisuna waa qaranimo beesha dhexe daawo uma aha waa ku dhex lumaysaa balse burbur waa ka dhex muuqan karnaa, waana xunbo aan iftiinkeedu sii jirayn haddaadan darbi adag dhisan. 84/boqolkiiba arinta villa soomaaliya waa sax,wixii nasoo maray madax laguma sheegi karin xaqiiqdii Dadka qaarkiis waxay rajo ka qabeen in wax un is badalaan markii farmaajo la doortay,usbuucii ugu horaysay bay mucaarad bilaabeen iyo digirtii way kari wayday,snm waxay bilowday afweynaa soo noqday ee hurdada ha laga kaco ayadoon waxba la suginba, Waa iska caddahay in utinta qabiilku aysan daawo lahayn ilaa qof ilaahay u naxariistay mooyee. Saxaafaddu waxay qortaa dawladda iyo shacabkaa laysku dhufanayaa si khalkhal siyaasadeed loo abuuro...kow su'aasha is weydiinta leh waxaa weeye shacabku waa kee?? xagee ku noolyahay? kuwa jigjiga kismaayo iyo boosaaso maxay u mudaahaaradi waayeen. Malaha waxay ula jeedaan shacabka muqdisho ku nool asagaa asli ah qalbi dhagaxna wiilashooduu sabab saday dawladda haku mudaaharadeen oohin beena ha iska qalajiyeen ilaa halgamaagii lasoo celiyo. ha ila yaabin saaxiib waa nadaamka qabiilaysiga iyo qaran dumiska ku dhisan ee ka jira somaaliya. koonfurta markay dabka shido snm way afuuftaa fqashna ilaahay bay leedahay.
-
Oodweyne saxiib erayga fqash inuu cay yahay iyo inuu amaan yahay ma'aqaan. Qaar baa iigu fasiray lo'da socodkeeda waana garan waayay sababta ay cay u noqotay, aniga waa ila socod qurxoontahay,,, ka gudub muhiim ma'ahan Siyaad barre alaha u naxariisto anigu ma aamaanin waa taariikhda waxa amaantay. shakhsi ahaan waxba iima siin haba yaraatee,balse waxaan ku haystay wixii soomaaliyoo dhan ku haysatay oo ahayd Midnimo,amni,cise iyo sharaf, waxaan xasuustaa maalin lasoo qabtay ciidan amxaaraa anigoo yar waxaan goostay inaan soo arko amxaarku siduu u egyahay waxaana u haystay inay timo wajiga ku leeyihiin nassiib wanaag iima suuroobin taas waxaa iigasoo bixi karta in somaaliya ahayd dal aan lagusoo degdegin iyo dad adag,waa xukuumaddii siyaad barre waxan ka hadlayo ma'ahan tii ina cigaal iyo siilaanyo. Mowduuca qalbi dhagax ma jiro nin siyaasi ah ama madax kasoo noqday somaaliya ama xataa rajo siyaasadeed ku jirto, burburkii ka dib oo si toosa iyo si dadban u oran kara ninkaas khalad baa loo dhiibay shacabku waa nal waxaana shida kaabo qabiilada iyo siyaasiyiin ku sheegta una sheega in qaran uusan dhismayn haddii reerkoodu ka maqan yahay qabiil walbaa gaarkiisa yuu u baxay 30 jir dawlad la'aan ku dhashay xanaanada caruurta lama gayn karo. farmaajo adeer waxaan maqlay boqortooyada ingiriiska meesha ay qashinka geeyaan wariyayaal ama saxaafadda yaa habeenkii sii seexata hadhowna fagta si ay wax un sir ah uga helaan warqda dhinac ka jeexan wax un iwm. dawladda farmaajo saxaafaddii iyo dadkii yaa sidaa looga dhigay ayadoo hadafku yahay qaran reerkeenu dhisi waayay yaan cid kale dhisin Snm maxaa usoo baxaya haddii soomaaliya dawlad awood leh noqoto aragtidiina? fikradiina si saliim ah u dhiibta adinkoon dhir badan xasuuqin. Suldaan waa siyaasiyiinta waxaan ula jeedo oo rati ay faylaha gooyeen kortaagan,oohin beena iska keenaya jabhadda way ka nadaam fiican tahay dawlad la dhoodhoobay oo kala jihaysan. Askari baa iibin kara qofkuu doono, asagoon cidna ka amar qaadan ama qabiil ku daaban, Adinkaa laydinka rabaa inaad gartaan xaaladda guud ee wadankii somaliya la oran jiray ku sugan yahay,biti biti da' badana iska daaya,ragg waa dhashaa waana dhintaa.
-
Qaranimoo dhan dadkay eersatay yaa oohin beena iska keenaya waa calaamadaha munaafiqiinta
-
Oodweyne mowduuca qardajeexa ka daa ducufka somaaliya daawadeeda ka hadal adoon dib noogu celin lafaa i ag yaal iyo ma hadli karo. inteena badan waan isla qirsanahay in khalad dhacay weliba aragtidayda mid weyn farmaajo qof kasta oo soomaaliya xaaladeeda wax un kala socda wuu garanayaa garanayaa in maalinkii la doortay uu dhoobo lugaha la galay. waxaana looga baahan yahay oo kaliya inuu ku socdo meesha uusan tiinbanayn ama quusayn. koonfurta waxaa ku wayn qabiil waana ku indho beeleen. snm waxay u qaabilsan tahay dhanka warfaafinta iyo kala gaynta si ay dano gaara u cadawga ugu fuliyaan ayagoon ka fakarayn waxa baaqi usoo noqon doona aakhirka. farmaajo hadduu yiraahdo anagaa ka dambaynay iibinta ninkaas waa dambi hadduu yiraahdo waxba kama ogayna waa dambi kale,dhanna uma fiyooba aamusnaanta waa halaygu dambaabo ayadaana u ajar badan. barri dhawayto waxaa la laayay dad shacab ah oo ku noolaa beer ay walaalaha galguduud ku lahaayeen sh/hoose waxay dawladda u sheegeen ayagoo qabiil soocan ah, madaxdoodii iyo mijahoodiiba inaan jinaasada lagu tukunayn ilaa magtooda lasoo shubayo. waxaa la yaab igu noqotay dadkii lagu laayay gedo bakool baydhabo j/dhaxe ma shimbiro dabayl kulul laysay bay ahaayeen?! qabiilna uma doodin dadkaas, dawladna xaqoodii uma raadin waa nasiib daro. xalka aragtidayda gumaysiga cid sharixi karta ma jirto ilaa aad dhadhamiso,dadka qaarbaa hees lagu qayilo u haysta dhadhankiisu waa kharaar dacar ka daran wuxuu keenaa,ama sameeyaa geesiyo nafti hure aakhirkana wuxuu keenaa dawlad sax ah oo kala dambaysa haddiise la yiraahda dawlad iyo baarlamaan mushaarkiina dibadaa lagasoo shubayaa waa shirkad,shirkadna ninkii shaqaalhiisa qorta yaa xukuma. ciid wanaagsan dhamaantiin.
-
waan kugu raacsahay saaxiib barlamaanku shacabkuu matalaa qaranimaooda iyo madax banaanidooda waana shacab la magan geli karo taariikhdooda yay ku qornayd intaanan dhiman. xaq waxay u leeyihiin inay ninkaas dabagal dhanka shrciga ku sameeyaan sababaha keentay in lakala garan waayo gacanta dawladda somaaliya iyo tan itoobiya. tan farmaajo adeer waxaa jira la taliyaha dhanka amniga asagaana laga rabaa inuu usoo gudbiyo waxa saacad walba kusoo kordha aminiga qaranka waxba kama ogayn, kaa saari mayso waa masuulkii ugu sareeyay wadanka inkastoo casaabad aan daacad ahayn la hurdo. si cad uma cadaysan karaan sidaan filayo arimo badan oo jira awgood balse waxay ahayd inay ayagu maxkamadeeyaan hadduu cid dambi ka galay, waa layska qaatay waa macno foolxun.
-
coldoon waa ninka kaliya oo soomaali ka nool, asagana allaha xafido lama qariibsan karo wadanka waxa ka shaqeeya shisheeyaa mushaar siiya ayagayna u shaqeeyaan dawladna 91'kii yaa noogu dambaysay markaan u fiirsaday aragtidayda dhagatstay in badan odoyaal aqoon yahan ganacsato waxaa iisoo baxday in soomaalidu aaminsan tahay dawlad la'aantu inay ka fiican tahay dawladnimada haddii dawlad jirto qaxooti la qaabili maayo waana dhibaato haddii dawladu jirto canshuur baa la qaadi ganacsadena dhulkuu dhistayna waa boob ama hanti guud. haddii dawladu jirto qofkii wax dila waa la dili haddii dawladu jirto qofkii u magan noqda waa la asturi maamulada iyo tuulooyinka haka dhacdo balse nin safaarad soomasliyeed galay oo la qaatay waa ceeb aan dhaqmayn farmaajo dhaliishiisii waa bilaabatay ninkii qof dila oo maxkamadi xukuntay waa inuu dilaa marka ugu horaysa, dawlad lama xiniinyo taabto jileecna shaqo kuma leh odayaashaan afka gaduudan iyo ganacsatooda hadaysan sharciga iyo kala dambaynta u hogaansamayn dhex fadhigoodu macno ma leh, waa markhaati ka noqo wadan gumaysi lagu wareejinayo.
-
midnimadu baryo ma'ahan walaal,cid wax gaara sidata ama laga doonayo ma jirto waa garasho fog oo u baahan caqli aan nabar lahayn,jamhuuriyad yar oo beelo laysugu keenay macno samayn mayso tan aad leedahay saraakiil baa gardaduub loo xiray beel gaara anigu ma maqal,haddaysan ahayn borobagaandada shacabka wadnahooda lagu daloolinayo. shakhsi ahaan waxaan aaminsanahay snm inay tahay furaha qaybinta soomaaliya una adeega shisheeye jecel somali daciifa. waa waxaan hubo iskama hadlayo,dhaqan soomaaliyeed iyo mid muslin oo ku dhisan in lays cafiyo oo mowtida qabuurahooda la xurmeeyo way dhinac marsan yihiin.
-
Nimankaan taariikh waxba kama hayaan saaxiib qurabahaa waayaradii maskaxdooda ugu muhiimsanaa ku gubteen,nasiib daro qabiilkaas ay qaarna caynayaan qaarna amaanayaan bay shacbiyad ku helaan 77'kii soomaaliyoo dhan yaa jidbaysnayd beesha dhexe ka mid bay ahayd soomaalida, walina waa ka mid waa nadaamkaan cuqdada laga saari la'yahay mushkiladda shacabku jiheeye fiican haday helaan waa gob.
-
Waxaa laga yaaba in shaqadii hay'adii hore puntland shaqadii uu ka hayay kasoo dhamaatay siduu sheegay ama dhalin yaro kale horay usoo raacay. Dhanka siyaasadda iyo baaqyadaan uu jeedinayo,snm ayadaan waji isu hayn odayaashii ugu fara dhuubnaa la dhaqankooda, waatay shir ku dharbaaxeen. waxa lawada leeyahay waa dhulka soomaaliyeed meeshuu doono haku yaalo,waxa lakala leeyahayna waa mabda'a. Waa la arkay dad u dabaal dega markay gumaysiga ka xoroobeen,balse meelnaba laguma sheegin aduunka, dad u dabaal dega markii lakala qaybiyay. Arsaaqadda si ka fiican yaa loo raadsadaa laysma bahdilo.
-
Dawladaha dadkoodu beelo ahaan u dhaqmaan oo muslinka ah, labada sharci way isku wadaan baaritaankooduna waa baaritaan dawladeed oo xoog badan. soomaalidu runtii dawlad ahaan iyo dhaqan ahaan labada way u burburtay. Odoyaasha qaabka ay wax u xaliyaan wuxuu u baahan yahay in update lagu sameeyo waa dhaqan daxalaystay ama gaboobay lamana jaan qaadi karo wakhtiga la joogo. sideedaba diyo lagama qaato qof kas qof kale u dilay mana banaana diin ahaan iyo sharaf ahaanba. Diyada waxaa laga qaataa dilka kama ah siduu doono haku yimaado ama aan ula kac ahayn xataa dhakhtar si khaldan wax u qalay haku ahaadee waxaa ka horeeya baaritaan la hubo oo lagu kalsoon karo, markay cadaato inuu kama ama ula kac ahaa yaa go'aanka la qaataa kiiskaan xaqiiqda waxba kalama socono siday wax u dhaceen, sidaa darteed wixii reerkiisu ku qancay saxna way noqon karaan,khaladna wuu noqon karaa iska mala awaalka kiiskaan jagada uu hayay oo xasaasiya darteed way keeni kartaa shaki balse xaqiiqda allaa og qaadigii xukumay iyo dambi baarihii labaduba waa luquntooda ilaa maalinta xisaabta runtaa la gaaro, waxay ka run sheegeen ama ka been sheegeen labadaba. Diyada waxaa ku qayila qabiilkoo dhan qofkii reerkiisa wax usoo bartayna agoon iyo faqri yaa laysugu daraa ciyaalkiisa Runtii waa dhaqan aad looga yaqyaqsado,waana arinta keenta inaysan dakanadu dhamaan,waayo reerkii aabana ma leh diyana ma leh.
-
Wada hadalka daacad kama aha snm islaantaana waxay ku iib gaynayaan inay yihiin maamul cilmaaniya oo reer galbeedka wax la wadaaga ama qalbigooda ku yara dhawaada. Suuq gayntaan dawaladda soomaaliya waxaa looga doonayaa un waa nala fariisteen dhowr jeer,cid kastaa way u jeedaa habartaan furahay wadato inuusan albaabka geli karin.
-
Anigoo ixtiraam wayn u haya islaamaha somaaliyeed oo dhan,hadana wax meesha qabta ma'ahan in gabar layska soo hormariyo dhaqan iyo caado soomaaliyeed iyo mid muslina ma'aha waxaa laga wada hadlayo madax shub iyo abaay siti ma'ahan waa masiir umadeed iyo dal,aqoon kastoo ay gaalo kasoo baratay caqiidada iyo dhaqankaa ka xoog badan. Dhanka caadooyinka reer galbeedka si ay wax u yeeleeyaan dhaqamada islaanka waxay ahmiyadda siiyaan dumarka iyo caruurta,waana qiso dheer oo lasoo koobi karin usoo noqo miss adna, Hadda ka hor waxaa loo diray ingiriiska iyo jarmalka si ay aqoonsi ugu doonto snm daal dheer ka dibna way shaqayn wayday,waana labo dal oo dumar hogaamiyo. su'aasha is waydiinta mudan waxaa weeyaan meel raggeedii qaadiro la jiifo, dumar muxuu ka keeni?! aragtidayda Snm si aan loo sii daalin waa laba boqol oo km waxa beesha aqoonsiga doonaysaa degto suurta galna ma'ahan inay miiska la yimaadaan jamhuuriyad iyo wax noocaas ah. Ma jiro mana dhalan doono madaxweyne ogolaan kara in dalkiisa lakala qaybiyo xataa haddi awoodiisu kooban tahay amni qowmigu waa lama taabtaan taas waa muhiim inay ogaato snm. Tan wada hadalka Wada hadal looma fariisto haduu iska hadal un yahay, shaah iyo coffe badan yaa ku khasaaraya. Hadduuse yahay mid caqli iyo xikmad wata sidii dalka iyo dadka loo midayn lahaa waa muhiim sharuud kastoo adagna waa laga gudbi karaa, waxaana aamin sanahay in tanaasul badan koonfurtu diyaar la yihiin. wixii dhacay cid la waydiin karo siilanyo, muuse suudi iyo morgan yaa ka nool ayagana looma baahna in la waydiiyo,waa in laga gudbaa oo buug cusub lasoo gataa,si umaddaa walaalaha ah qibladda ugu wada jeesato.
-
Saaxiib khalad haka fahmin w/galbeed iyo snm waa magaca saxda ah wixii ka horeeyay burburkii dawladdii dhexe haddaan ugu yeero jumhuuriyadda iskeed isu magacawday waa xaruuf dheer muhiimna ma'ahan. magaca somaliland wali booskiisii ma haysto,haddaan ku iraahdo soomaali baan ahay adna tiraahdo somaliland baan ahay wax farqi ah uma dhaxeeyaan waa isla meeshii. tan reer buuhoodle maamul way leeyihiin shacabku ogol yahay cid ay ka dahsoontahay ma jirto calanka buluugga ahna way haystaan,waana shacab soo jireena oo fac wayn dhanka wadaniyadda iyo halgamaddii lasoo maray amaba ugu taariikhda fiican soomaalida. snm waxay ka faa'iidaysanayso waa siyaasi ku sheeg muqayil ah ama jeeb maran wuxuu dhiba uu la yimaado ninkii sakhraamiyay baa loo haystaa asaga cidina wax ku fali mayso taas kaftan ha u qaadan raggna waligaa ha sahlan. doorashadiina iska gala kaniisado badana dhisa dhibka iyo iska hor keenka joojiya bal in aqoonsi yimaado ka war suga sodon sanoo kale.
-
Sida muuqata mar walboo doorashada Snm soo dhawaato,waa caadooda inay jabhad cusub indhaha dadka kusii jeediyaan,ayagoo isticmaalaya dad aan garasho badnayn,iyo maskax shisheeye. Shir sidiisaba waxba ma dhimo waxaa soomaaliyoo dhan lagu hayana waa heeso gaalo soo aliftay,snm haday go'aansato inay isku layso dad abaaro kasoo doogay oo iska tabar yar,waa dakano ay meel dhigteen. Odagaan wiilasha tuutaha u galiyay waxaan kula talin lahaa, snm haday buuhoodle xorayn karto waa horay xorayn lahaayeen,mana ogola in dad uga dhinto xuduud beena, runtana way ogyihiin,waxay isticmaalayaan waa dhaqaale loogu talo galay dadka abaaraha iyo faqrigu hayo, dhuuni raac waa ceeb aan lagasoo kaban wiilkaagayna dhaxal u noqon doontaa. Talo waxay kula joogtaa intaadan dhiig reer buuhoodle daadin,inkastoo dadka laysku laynayo caam ahaan soomaali yihiin, hadana way kala sokaysaa ina hebel soo aasa iyo maydkaan yaa yaqaan.
-
waxaa maanta qaramada midoobay si cad u cadaysay in dadkii muhaajiriinta ahaa oo doonta la socday dilkoodii inuu sucuudigu ka dambeeyay, ilaa afartan qof ayaa meeshaas naftooda ku waayay, goboladoo dhana way kasoo jeedeen haba u badnaadeen gobalada waqooyi dawladda dhexe ayadaa looga fadhiyaa inay kala xaajooto sucuudiga war cadna ka keento carabtu waxay ku maahmaahdaa (laa shukr calaa waajib) waa shacabkeedii dad wax ka qaalisan aduunka lama keenin. dawladnimadu macnaheedu ma'ahan qoys meel isku ooda waa macno balaaran,oo baalal badan qalbi wasakhaysana laguma dhisi karo.