-
Content Count
2,415 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
53
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by gooni
-
Horumarinta dekaddu waa shay wanaagsan waana arin sax ah, waayo wax walba oo la dayactirin way halaabaan ama duugoobaan,wayna wanaagsan tahay in maal-gashi caalami ah la helo ama yimaado, dalal badan ay ku tartamaan,kii dani ku jirtana uu ku guulaysto. Mana haboona in hal dal oo kaliya albaabka usoo xirto dad lumay dalkooda. Mushkiladda heshiiskaan iyo shakiga waxaa keenay caddayn la'aanta waxa ku qoran heshiiskaan oo aysan cidna la wadaagin shacabka dalka iska leh. Dadka hogaanka sheeganay waa ku xaqiraad hadday shacabkooda iskala weynaadaan. lama hayo cid ama qof si rasmi ah u akhrisay heshiiskaan,baarlamaanka ansixiyay qudhiisana haku ahaadee,laga yaabee in lagusoo aadiyay saxiixiisa maalintii mushaarka iyo gunadaba laysugu daray oo maskaxdoodu joogin. 30'sano maxay faa'iido ka helayaan dalka maal gashaday? ayagay jirtaa Maxay reer puntland ka helayaan? ma naqaan Ma isu dhigmaan sodonkaa sano qiimaha ay ku dayactireen iyo wakhtigaa dheer? lama yaqaan Haddii cabshuurta la kordhiyo oo sicir-barrar ku yimaado dadka abaaruhu haystasn maxaa talaa? war looma hayo Imaaraadku ma is waydiiyay dalka uu maal gashaday celcelis inta soo gasha qofkiiba dakhliga maalin lahaa? danihiisa gaarkaa yaa ka muhiimsan Dr-puntland hogaamiya oo dhaqaalaha soo bartay maxaa ku kalifay inuu shacabka ka qancin waayo oo warqadda uu saxiixay miiska u saari la'yahay dadkana u sheegi waayay inuu faa'iido keenay. Dawladda dhexe maxay tahay shaqadeedu?wax maka ogtahay heshiisyadaan maamulada oo u eg dhul boobka mar haddaan wax caddayna la hayn? Yaa ka mas'uul ah khayraadka dalkoo dhan?mise dastuurkii kala caddayn lahaa wali waa qabyo? Maxay ka qabtaa shuruucda caalimigga dal aan dastuur lahayn in khayraadkiisa heshiisyo sabado dheer lagu galo? waa su'aalo aad u badan oo qof nooga jawaaba aan lahayn. Allahu mustacaan.
-
5'milyan baan la wareegnay waxba lama'anan wareegin yaa macna dhaanta.
-
Mooge Koley waa beeshee Maxay qabataa? si kastaba waa sawirkeeda ixtiraam baa ka muuqda,towfiiq insha allaah.
-
Moge saaxiib qabiil loo kala shiro macno keeni mayso. Hakala qaadin nimankaan seedi iyo sodog unuka iyo anaka isku rati baa dhalay midba markiisa yuu handbreak'ga jiidanayaa wadankuna saasuu ku dayacmi Mucaaradku waa wax wanaagsan waxbuu dhisaa ma dumiyo sidaan in badan sheegay waa hadday garanayaan farqiga u dhaxeeya khadka cagaaran iyo kan madaw. Tusaale Haddii mucaaradnimadadu noqoto"dan"gaara,ama beeshaada,shacabku wuu akhrin karaa "qabbi" aan waxba kala ogayn ma'ahan ama doqomo, waxayna kaa siibaysaa shaatiga xilkasnimo. Mustaqbalka, berrina ma oran kartid dan somaaliyeed yaan u taagnahay ama u sharaxnahay, beelna cid wax ku noqon kartaa ma jirto waa soo marnay jidkaas. Hadday aaminsanyihiin in qabiilkoodu kaligiis taliyo waxay wadanka soo xukumayeen 27'kii sano ee lasoo dhaafay ilaa shan madaxweyne yaa nasoo martay waa inay wax ka bartaan sawiradda ku dhagan matxafka burbursan. Maskaxdu waxay ka samaysantahay "xayr"ama "xaydh" waxaa dhaqaajiya ama kululeeya khibradda. Middaan tuurista farmaajo wakhti badan yaa ku lumaya ma sahlana aragtidayda markay ugu yaraato waa in baarlamaanku milyinneero noqdo ayagoo walaalaa oo isku duuban. Tan tuhunka inay gacansiinayaan qaraxyada si dawladda loogu xumeeyo ama dawladoo dhanba loo diido waa sax aragtidayda. Dhaqaalaha ay ku dagaalamaan waxaa bixiya ganacsatada si lawada ogyahay, guryaha ay seexdaana ayagaa dugsi uga dhigay, xabaal wadareedkuna waa isla beeshii badankoodu. Haddii lala dagaalamana waa beelo masaakiina oo aan waligood beertooda dhaafin, labada maydba ilmaa nasoo dhaafaysa munaafaqad waxaa ugu xun tan nafta kaa goysa.
-
Reer galbeedka biyaha laga cabbo noocyo badanaa.! Qoraagan wax wayn baa ka khaldan. Siyaad barre waxay isku beelyihiin muslimiinta mootan,ama dhimatay,warna uma uu hayo in xildhibaano ay isku beel yihiin ku shireen hotel jasiira. Ma xasaasiyad bay keenaysaa hadduu yiraahdo xildhibaano farmaajo ay isku beel yihiin?! soo dastuurka nooguma qorna 4.5? Usoo noqo mowduuca Waxaa u wanaagsan aragtidayda inaysan beelo beelo u shirin kuna dayan walaalahood sababtoo ah wax natiijo ah keeni mayso waa fadhi ku dirir. Mucaarad iyo muxaafad shisheeye ilaaliyo,haddana quudiyo, ayagaa ka qoslin kara, hadana aamusin kara. Allahu-mustacaan.
-
Walaal HAG ma hagardaamo lasoo gaabshaa? Jiho iyo jid labadaa lama maqashiin karo beelaha muqdisho sheegtay waa xaqiiq biyo kama dhibcaana intooda hormuudkaa, inta kalana ayagoo aamusan yaa tii alle u timaadaa ama qarax ha sababsadeen ama si kale ha u tageene,,,, janada allaha geeyo. Markaad dhagaysato Aqoonyahan siyaasi ganacsade shariif iyo sheekh waa isku lahjad waxay ka siman yihiin erayga maya iyo muqdisho. Ma shaqaynayso, ma soconayso, ma meel marayso, khayr afkooda soo mari maayo, 30 sano yaa gadaal loo socdaa walina masoo dhawa Bugcadaa yaree reer C/laahi yuusuf lagu wareejiyay oo loo yeeray imaamkii, malaaqii, culimaddii siyaasigii, aqoonyahankii ururadii haweenka iyo caruurta waliba ay jecelaan lahaayeen in CNN lagasoo daayo si aduunkoo dhan looga sheekaysto. Waa tanaasulkii ugu fiicnaa aragtidooda oo jiilka 30 jirsaday farxad beerkooda ku abuuri karta. Dawladnimo halkaasay ka bilaabataa kuna dhamaataa wali guryo badan yaa maqan.
-
C/yusuf dhul iyo guri ma doonayn hadafkiisu wuxuu ahaa inuu mar un hogaamiye noqdo Farqiga u dhaxeeya intii na soo martay burburkii ka dib waxay u qaybsamaan labo aragtidayda Kuwo doonayay inay dhul iyo hanti tabcadaan hogaanimadana ku kaftamayay oo ayagoo faraxsan oo qoslaya kursigii wareejiyay iyo kuwa hogaanimada magac ahaan u doortay iyo taariikh ama ha u xumaato ama ha u wanaagsanaato. Waxaan tilmaami karaa arsgtidayda farqiga u dhaxeeya c/yusuf iyo farmaajo C/lahi yusuf allaha u naxariistee wuxuu diiday inuu reer marti u noqdo asagoo madaxweyne ah,taa badelkeeda wuxuu ka door biday inuu cadawgii soomaaliya ku ilaaliyaan kursigii soomaaliya,waana tan keentay in beelaha muqdisho mujaahidnimo munaafaqadaysan lasoo baxaan mar kaliya ayagoon kala harin. Farmaajo wuxuu ogalaaday inuu reer marti u noqdo ciidankii qarankana beelo lagasoo ururiyo ayago wali ka amar ka qaata beelihii soo qortay. Aakhirkiina waxay ku kalifeen inuu wadadii c/lahi qaado oo itoobiya garab waydiisto labadii godba way ku rideen umaddaan jiho diidkaa. Kan sedexaad oo soo raacda waa jeebka intuusan tagin taasna waxay u egtahay inuu ku khasaari doono. Tan dhulka Berigii dawladdii hore lam sheegin Qof dhul looga xoogay qof kale, haddii dawladdu la wareegtana waxaa loogu adeegi jiray danta guud Tusaale dadkii laga raray isku raran waxaa la dejiyay ceel-qalaw madiina waan dhul badda xigga oo ka qaalisan kii lagasoo raray beelo iyo reerana maanan aqoon. Caasimaddii soomaaliyoo dhan oo soo dhismaysay boqolaal sano,waxay noqotay goof reer leeyahay bur-burkii qaranka ka dib. Qaaddi waxaa ka noqday muuse suudi, garyaqaana waxaa ka noqday cismaan caato ilaa iyo haddana waa goof beelu xoraysatay. Allaha u naxariisto intooda dhimatay,kuwa nool iyo soomaliyoo dhanba.
-
Balwadaha naftu barato way adagtahay inaad dhaqso u joojisid mararka qaarna dhaxal bay noqotaa. Tagista itoobiya waxaa bilaabay adeerkiis c/lahi yusuf allaha u naxariistee,waxaana ku xigay dhamaan cidkastoo kala garan wayday farqiga u dhexeeya dal iyo nadaam. Wuxuu saxaafadda u sheegay intuusan ka dhoofin garoonka caalamiga ah ee c/yuusuf, inuu kalasoo hadli doono itoobiya,danaha ka dhexeeya labada dal puntland iyo itoobiya iyo dhamaan danaha soomaaliya. way adagtahay in la fahmo inay somaliya ka hoos marto puntland. Balse waxay qiimo wayn ugu fadhidaa itoobiya oo u aragta in madaxda federaalku yihiin ducufka soomaaliya, gacantoodana ku sitaan xariggii lagu dabri lahaa ama hoggaan looga dhigi lahaa si aysan u arag qaran dambe oo somali leedahay. Dawladda dhexe way ka daciifsantahay puntland waana laba dal oo siyaasadooda iyo danaha labada beeloodba kala jeedaan sidoo kale tan shariif xasan iyo jaamac madoobe iwm. Qalbi dhgac arintiisa cid dambe oo ka jawaabi karta ma jirto walaalayaal allaha u naxariisto samir iyo imaan. Gunooyinka xildhibaanada ha laysugu daro labadii xaas iyo caruurtii uu ka tagey. Markii madax la doorto dadka islaamka waxaa ku waajiba inay u duceeyaan madaxdaas, si ay u noqdaan kuwo ilaaliya danaha dadka iyo dalkaba, waa haddii qalbigoodu nadiif yahay waa shardi ilaahay xadaday subxanu-watacalaa. Hadduusan nadiif ahayn waxay kusoo noqonaysaa isla ayaga. Ducadiina habaar bay isu bedalaysaa ama dhib badan bay kala kulmi doonaan,madax kasta oo ay doortaan, xataa hadaysan dhib badnayn shakhsi ahaantoodu wayna muuqataa sida qoraxda oo kale. Nin oday ah yaa hadda ka hor igu yiri haddaad u safarto itoobiya "qodax"ku mudda iyo qof ku dhiba waxaa kuugu dambaysa markaad ka dhamaato dhulka soomaalidu degto musaafurkana salaadda iyo soonkaa alle u fududeeyay waan wada naqaan qiimaha uu ilaahay agtiisa ku leeyahay. Markaad ka baxdo xudduudkooda waxaad gelaysaa naacaw roob,barwaaqo iyo dad kusoo dhaweeya oo waji furan hadaysanba hoos fiirin ixtiraam dartiis. Taas waxaa noo raaca munaafaqad iyo caadifad khafiifa oo aan dhamaad lahayn telefishino badan iyo baraha bulshaduna, dhaqaale badan kasoo xereeyaan. Waxaan kula talin lahaa walaalkeen c/wali gaas puntland waa qaan-gaar sida dastuurkeeda ku qoran waa "dawlad"ma'ahan maamul gobaleed waana ceeb inay galmudug is ag fariistaan. Waxaa loo baahanyahay inuu nin adag noqdo oo sida -snm-ku dhawaaqo inuu ka madax banaanyahay somaliya inteeda kale. Arimaha dibadda,gudaha iyo heshiisyada caalamiga ah aan cidu soo fara galin, shacabkiisana gaarsiiyo "qof" iyo cod. Way dhici kartaa in aqoonsigu kasoo hor maro kan -snm- gaaladu si kale oo aanan garanayn bay wax u fiirisaa waa maasuuniyiin takhdiid fog. Koonfurtana walaalhood afrikaanka ah iyo turki yaa illaalin doona, federaal puntland soo samaysayna ma rabaan ama ma doonayaan,waayo sharuucdiisu waxay fara gelin qaawan ku tahay caasimadda soomaaliya ee muqdisho. Qof kastoo caqli wax un ka taabteen wuu jeclaan lahaa inuu arko dad iyo dal is haysta oo isku mid ah dhimashada ka hor. Waayo akhiro cid noogu soo warami karta ma jirto sida aanan anaguba ugu warami karin,kuwii dalka usoo dhintay.
-
Marka ugu horaysa meesha waxa lagu hayo ma'ahan kiiskii qalbidhagac waa riwaayad majaajilo u badan. Qalbi dhagac waa nin ka tirsan onlf, oo waliba mas'uul sheegtay waxayna dagaal kula jirtaa itoobiya. Itoobiyana waxaa loo xil saaray oo masuul looga dhigay inay ilaaliso dawladnimada iyo qaranimada soomaaliya Xildhibaanku wadankiisa ma ilaalin karaa xuduudihiisa iyo xaquuqda muwaadiniintiisa iyo naftiisaba? Waa nin aad waaqiciga uga fog oo u bareeray in gabdhaha xildhibaanadaa u sacabiyaan. Mushaarkuu sadaqadaysanayo kasab xalaala oo dhididkii shacabkiisa ma ka yimid? jawaabtu waa maya Dawladnimadu qof ma'ahan labana ma'ahan sadexna ma'ahan tobana ma'ahan. Markuu dawlad noqdo oo uu kala garto caddaan iyo madaw hadalkiisa waa la dhagaysan karaa. Wakhtiga hadda lagu jiro waa lagu qoslayaa waxaana hoos u dhacaya aragtida aduunku naga qaadan karo oo ku aaddan in golihii sharci dajintu kala garan waayo xiligga ay joogaan,maalin iyo habayn midkuu yahay. xaq uma laha runtii inuu mitaal ama tusaale usoo qaato dawladda ingiriiska iyo sucuudiga oo barbar dhigo nadaamkii reer matabaan kusoo xusheen xildhibaanadooda.
-
Holac Arinta riyaale waa mowduuc kale. Mar walba waxaa is indho diida ilma adeerada waana dhaqan soomaalidu ka siman tahay Snm waxay go'aan ku gaareen inay riyaale dhex-dhexaad ka dhigtaan si aysan isigu dhicin dhexdooda. Waa caqli fiican runtiina daawo u noqday waxayna la mid ahayd sida hadda hargaysa ka muuqata oo kale Ama si kale haddaan kuugu fududeeyo waxay ula jeedeen ushaada ninkaad ka qaadan karto yaa loo dhiibtaa,walow uu nin adag ku noday oo si dhib badan ay isaga furfureen. Suldaan Aduunkoo dhan waa ogyahay somaali ceebteedu waa qabiilaysi wayna ku qaran iyo qawmiyad beeleen. Baarlabaanka ingiriisku waa ogyahay in sadexda musharax beel kaliya kasoo jeedaan lamana inkiri karo xusbiyadanu waa magac u yaal la iib gaynayo Waxaa haboonayd inta aqoonsiga raadintiisa lagu gudo jiro, inay beelaha kalena xisbiyo samaystaan,ayagoo waliba og in laga guulaysanayo mar hadaysan mujaahidiin lahayn ama soo yeelan. Aragtidayda way ka macno fiicanaan lahayd in sanduuq reer dhigtay ay kala doortaan iyo inay karaamo wax ku doortaan.
-
Nabad waxay gasho nin aan haysan yaa ka warami kara. Waxa laysu dooranayayba soo nabad ma'ahayn? Allaha sahlo.
-
Qof iyo cod waa arin wanaagsan Balse waxaan wanaagsanayn in reer awdal iyo reer sool sadex nin oo isku beela lagu amro inay kala doortaan, ayagoo darajada labaad kasii hooseeya,waxayna hoos u dhigaysaa qayimka aadanaha. waxaa u wanaagsanayd aragtidayda, mar hadday noqdeen qoryo ma shidmaan xaabo la'aan, loona ogalayn inay hogaan ka noqdaan xisbiyada beesha dhexe, inay is bahaystaan oo xisbi samaystaan tartankana sidaas ku galaan, ayagoo matalaya beesha shanaad.
-
Moge laascaanood hadday maradii cagaarnayd ka dul taageen,maxaad ku falaysaa ,,xalaal lagu dhal iyo tuko raq? iyo tulooyinkaas yar-yar. Garowe hasoo dhaafina yaa ku xigta haddii sidan xaalku kusii socdo.
-
Dr.galbedi Laga yaabaa in aragtidaadu saxantahay balse taydu way kaa badalantahay Nin ama gabar mushaar sugaya qalbigooda waxaa ku jira meeshay ku cuni lahaayeen ,waana midda keentay ayaga iyo amisom ay wajihi waayaan dad aan nolol rabin. Aniga qudhayda bisha bartamaheeda iyo iyo aakhirkeeda isku farxad ma'ahi islaantaydana inaan ka dhinto ma jecli,walow malikmowd uusan cidna la tashan. Nayjeeriya waxay ka mid tahay dawladaha afrika ugu xoog iyo dhaqaalo badan, hadana dhowr tuulo bay ka dhamaan la'yihiin waliba caawimaad dibaddaa bay u baahdeen. Nooca dagaalkan tiro iyo qalab ma'ahan waa tayo iyo qalbi dhimasho ogol. Ciraaq iyo suuriya waxaa looga saaray fikir kale oo jihaadiya oo iraan lagasoo maleegay, ama ha khaldanaado ama ha u saxnaado balsr waa mayal adayg kale. Diyaarad iyo dabaabad iyo tiro kaliya waxba ma tarto,taas maraykankaa noogasoo waramay oo sheegtay inuu yahay dawladda ugu xoogga badan dawlaha aduunka jooga. labo arimood aragtidayda yaa lagu wajihi karaa dagaalkan somaaliya. kow in la helo qalbi ay ka buuxdo wadaniyad ay ku gartaan mushaarka iyo noloshu waa miraha nabadu keento,qof cuni karaa ma jiro, nabad la'aanteed,taasna waxaa fara galin xoog leh ku haya nadaamkaan qabiilaysiga oo ilaa caasimad baarlamaan ilaa gobol taxan. Tan labaad in la helo fikir kaloo ay isku jihaadaan kana mayal jaban, shacabkana uga arxan roon,nimankaan lidka diyaaradaha suuqa la doontay, waxba reebi maayaan taasu waa xaqiiq cid oran kartaa maxaan galabsaday ma jirto dhimashadooda ka dib. wixii labadaa kasoo hara dadka aqoonta leh baan u dayn.
-
Haka baqin walaal, dagaalami maayaan xaqiiqdu intaan ognahay kaliya ma'ahan Nimankaan reer sool qori iyo "jaad" free ah bay isku wataan,reer puntland'na dani uguma jirto walaalkood, iska qayilaya,aqoonsi aan lahayn dartiis inay ku dilaan, wayna ogyihiin inaysan snm dhul u dhaxeeya garowe laas caanod lasoo dejinayn. Arimaha dibadda ee puntland waxay ku wajahantahay federalka dhexe iyo sidii loo badbaadin lahaan maamulka xaaf, oo shalay ay ku sheegayeen inuusan dastuurka waafaqsanayn, gobol iyo rubucna federal qaadan karin. Maantana dhufays bay ka dhigteen ay ku awr kacsadaan wixii soo fara gashadana, dawladda puntland waxay balan qaaday inay si deg-dega uga jawaabi doonto, ayadoo kaashanaysa beesha caalamka iyo dawladaha carabta labadaba.
-
Moge Snm hadday sanduuq doorashadooda qardho geyso ciidan hir istaagi kara ma jiro. ciidanku wuxuu kasii dambeeyaa beesha tuulada degta mana fara gelin karo, boowe dadkii tuulada deganaa yaa doorsoomay maxaa laga qaban karaa! Aragtidayda nadaamku wuxuu ka khaldamay markii jufo kaliya farta subag loo geliyay dadkii kalana laga dhigay derajada labaad ama wixii loo garto aa qura, ay lasii jeesan karaan. Qaabka noocaasa wuxuu keenayaa daciifnimo aad u baahsan iyo in tuulo wabaa maslaxad raadsataa xataa hadduu dhurwaa dad cuna yahay way la noolaan inta calooshiisu buuxdo. puntland khaliijka qaar bay ka dhaqaalo badan tahay dadkeeduna waa musaalim aad u dhaqan fiican dadka koonfurta ka yimaada tahriib bay ku galaan indhahaygaan saaray kuwa doonaya inay "lug" ku galaan si ay uga shaqaystaan. boqortooyada carabta waxaa ilaaliya dadka tirada yar iyo kuwa tirada badan labadaba wayna isku kalsoon yihiin waayo cid baahi gaara qabta ma jirto Haddii hogaanka laga dhigo beel oo laga gudbo jufo xaduudka qaranka waa la ilaalin karaa sida dastuurka soomaalida ku qoran.
-
Amisom uma iimaan inay dalka xorayso,dagaal muuqdana kama jiro soomaaliya. Somaalidu badankeedu waxay sugayeen in amisom dalka u xorayso maadaama cidamadeedu aad u badan yihiin,taa macnaheedu waxay la mid tahay adigoo biyo socda gacmaha u hoorsaday oo haddana dalbaday in laguu dhaqo ama mayro. dagaalkan wuxuu kasoo toosaa guryaha aan seexano dad ama koox ehel salaad ah oo sujuudoodu madoobaatay oo alle magaciisa ku dhawaaqaya yaa ku tartamaya xasuuqa shacab aan waxba galabsan,suurta galna ma'ahan nin arkay ilmo hooyadood hilibkeeda kartoon ku guraya inuu sheegto diin iyo badbaadada cibaadka alle. Waliba kuweenu xag jirkaa waxba uma kala saarna lama hayo meel ay intaas oo shacab ah oo ay isku caqiido yihiin ku xasuuqeen bariga fog ilaa bariga dhexe ama kala sooc lahayn. Amisom haddii 100 kaliya lagasoo reebo iyo haddii 30kun lagusoo daro waxba bedeli mayso. Meeshan waxaa ka buuxa masas midabo badan maalintii galinka hore waa "cad" yihiin habeenkii waa madow, galinka dambe waa cagaar,saxaafaddu caano u shubto ayagoo ku sheegaya awliyo loo soo doortay danaha beeshooda ama ganacsato maal geliya meeshi dantooda dhaqaale iyo amni, ku jirto dawlad la'aantana canshuur dhaaf u arka, intii ay canshuur bixin lahaayeen shacabku ka faa iido labada dhinacba hadiyadooda xafiiska ugu gee (ma ewelaa basiin ii baaqahaayay) Mucaarad la'aan dawlad qiimo ma leh balse waa inuu wax dhisaa dhiliishiisana laga faa'iidaa marxaladda adagna wadanka la samata bixiyaa balse hadday kala garan waayaan waxay xaq u leeyihiin iyo waxa ayaga xaq loogu leeyahay waa dhibaato wayn.
-
xaqiiqdu waa sax,waa sidaa uu u sheegay askari reer hebel lagu keenay ma hor istaagi karo nin loogusoo shubay xuurulciin udgoon yaa janada kugu sugaysa waxaan aaminsabahay wakhtiga lagu jiro dartiis baarlamaan ma anfacayo soomaaliya, iska daba wareeg waa baylah shacab in laga saaro meesha xataa kuraastooda loo qaybiyo suuqa yaanyada. Hogaanka ugu sareeya ama madaxweyne laga dhigo mansuur robow ayaduna waa muhiim,una madax banaanaado ciidankiisa,mushadad ma'ahan waa muctadil ama dhexdhaxaad wuuna yaqaan maska godkiisa mabda'yaa mabda'hor istaagi kara waxaana tusaala noogu filan suufiyadii madaxa bunka marsan jiray uma tagi karaan,waayo ayagaba xuurulcayntu way sugaysaa haday jihaadka kuwada dhintaan. Haddii taas la waayo godod badan waa la qodi kuwaan lagu sheegayo madaxwaynaayaasha in lala tashado waa wakhti lumis waayo 500m ma dhaafi karaan goboladay ka yimaadeen oo waliba shisheeye ku ilaaliyo jeebkoodana caqligooda ma dhaafsana puntland yaa ugu roonayd ayadana waxaa lagu iibiyay raqiis, si, shacabku u niyad jabo sida koonfurtana maalin walbana qayb la laayo maal gashiga carabtu labada dhinacba waa ka socdaa.
-
Allaha u naxariisto intii dhimatay Mushkiladda soomaalida waxaa weeye waxaa kaliya, ay arki karaan waa waxa u muuqda markaas ay dolshaha qabow madaxa kore ka goosteen, halkaas yaa fikirkoodu ka bilowdaa kuna dhamaadaa. Dad shacab sidaas u xasuuqaya u arxami maayaan hadhow, waana dawladda kaliya oo u arkaan inay shacabka kasban karto,inkastoo odoyaal qabiileedku codkii shacabka daba dhilif ka iibsadeen, waana sababta keentay in la xasuuqo ayadoon lakala saarin carruur ciroole iyo haween. Hadduu tagana waa siday doonayeen madaxweyne aan soomaali ahayn noo imaan maayo. system'keenu dawladnimo waa khalad waa qabiilaysi xataa haddaan dooranayno imaam madjid. Baarlamaanku waa qabiil iyo 4.5, xukuumaddu waa la mid. Ciidanka lagama keenin laas qoray iyo gaarisa waxay ka yimaadeen yaaqshid ceelbur iyo matabaan,iwm waana beel soocan badankoodu, markay mushaarka beesha caalamku soo daahisana qoryohooda waa iib sidoo kale waa in loo raadiyaa jeneraal ay isku reer yihiin oo hogaamiya. Farmaajo ma geel baan raacsanay mise dad? haddii geel la raaciyay waa inuu dhaafaa waa idinku raacsanahay haddii dad la raaciyay waa inuu dad helaa caqli iyo damiir wax un uga noolyihiin. goboladdii kale ciidankoodu kama badna ilaalinta madaxweynahooda iyo maslaxadda beesha ayagaaba toodii haysataa ciidanka caadigga ah oo ku dhisnayn qabiil yaa layska ilaaliyaa shartiisa khayrkiisana laga faa'iidaystaa maxaad moodaa mid beel lagasoo ururiyay ciiddan waa muhiimaxaase ugusii muhiimsan kuwa ayaga ilaaliya waxaana la oran jirin waagii hore boolis milatary iyo dabagalka ama hogaanka ciidanka iwm. kuwa sirdoonka xaaskiisu ma ogaan jirin waagii hore iminkana islaanta shaaha iibisa bay ku shukaansadaan habeenka danbana madaxaa laga toogtaa. Shacabku waa dawladda qaybteeda kowaad, hadday doonayaan inay dalkooda badbaadshaan way awoodaan, wayna soo sheegi karaan, dadka dhibka maleegaya ayagay la noolyihiin jasiirad fog kama yimaadaan. Wixii aad qarsato way ku qarsadaan aakhirka ayagoo yaanyo gadanaya bay boqol boqol u dhiman Dawlad qabyaalad lagu daciifiyay waxba uma qaban karto waa inay naftooda iyo hantidooda ilaashadaan waa waajib aan cid kale sarnayn. malukulmowd fulay iyo geesi waa isugu mid tiisa cidina dhaafi mayso soomaalidu siday ku socoto ayagaa ka mas'uula cid kale eed kuma leh. Codsigii ugu dambeeyay oo caalamka u dirsanay wuxuu noqday dawlad dooni mayno maydadkana hanaloo aaso awood aan ku aasno ma haynee!
-
Marka ugu horaysa dadka siyaasiyiintu waa inay helaan wariye ruug caddaa ah oo abaara meesha dhibku ka jiro. Waa inay waajib dastuuriyana noqotaa in saxaafadda ay maalin siiyaan ama bishiiba mar soona hor istaagaan ayagoo soo shanlaystay? federaalka ninka ugu buuran waa c/wali gaas,waa asaaskii khilaafkan hadda jira haddii la waydiiyo muxuu yahay farqiga u dhaxeeya dhexdhexaad iyo qayb raac khilaafka khiliijka? maxaase ku imaan maslaxadiina gaarkaa oo idinkala dhexeeya imaaraadka haddaad la qaadataan dhexdhexaadnimada federalka dhexe? imaaraadku ma asagaa idinka codsaday inaad taageertaan? mise adinkaa ku sharfay maadaama uu gacanta wax ka gaysto? maxaa keenay in c/wali oo diiday in mudug mideeyo, xuduudkeeduna ka bilawdo burtinle uu fedaraal gobol iyo "bar" ah badbaadiyo? Maxaa keenay xaaf asagoo og maahmaahdii ahayd 20 jir mudug ku dhashay ilaahay uma xil qarin inuu macanggag noqdo aan gacmihiisa hoos u dhaqan karin? Ama asagoo isbaaradii taalay baraxley ilaa galinsoor waxba ka qaban uu imaaraadka maslaxad iyo arimo dibadeed kala xaajoodo? Maxaa keenay in madoobe dhinacna sheekh ka noqdo dhinacna munaafaq cid kale u hadasho? su'aalahaas wariyaashu way ka gaabiyeen wax xanaf ahna ma leh Haddii imaaraadku ka codsaday inay taageeraan ma waxay garan waayeen inuu qaranimada soomaaliyoo dhaawacayo ama si kale haddii loo dhigo, madaxa haddii la gooyo luguhu ma socdaan ee way raftaan. Hadday ku sharfeen taageerada ma waxay garan waayeen inaan qofna lagu taageerin wuxuusan xukunkeeda iyo xaqqiiqdeeda garanayn iyo siday u kala gar leeyihiin. matalan Qof ku dhaqaalayn jiray hadduu qof kale soo dhaawaco ma taageeruu mudanyahay adoo xaqa ku badalanaya maal ama lacag? Dawladaan waxaa u qabsoomay khilaaf siyaasadeed, ayagoo ku jira dagaal dhan walbaa waana arin aad muhiim u ah inaan mar kale taariikh cusub markhaati ka noqono oo u dhaw tii hogaamiye kooxoodyadii.
-
Meesha wax la taaban karo kamasoo bixin, sidii dhaqanka soomaalidu ahaa shantoodu hal mar bay wada hadlayeen, ayagoo qoslayana way kala tageen,war aysan isku ogayn iskuna waafaqin bay hadhow idaacadaha ka dhagaysan. Aad baan uga xumahay in af hayeenkooda dr.c/wali arki waayay in federaal-qabiilaysigu dun-siibmayo,"dab" iyo "kayn" darawalkoodu waa dabayl. Shayga kaliya oo isku hayn kara ama lagu badbaadin karana yahay in la helo sharci u dhexeeya dawladda dhexe iyo goboladda. Taas badelkeeda waxay ku baaqeen in dib loo dhigo dastuurka oo fowdo iyo is af garan waa lagu wakhti dhamaysto. Tan kale oo la yaabka noqotay waxa weeye, waxay ku baaqeen in masiirka dalka iyo dadka ay wax ku yeeshaan, waana shay sax ah, balse waxay xaqireen mas'uuliyiintii u matalayay golaha sare iyo kan shacabka ayagoo u hadlaya sidii dawlado jaar la ah federaalka dhexe halkaasna waxaa ka muuqda takhaluf iyo jahli aad u xoog badan. labada gole oo lagasoo doortay maamuladooda ma mushaarkii howl-gabkay u yimaadeen muqdisho? Si kastaba waa loo baahnaa in shacabku ogaado miisaanka dadka hor boodaya leeyihiin markii laysku qabto arimo aad u sahlan oo aniga iyo xadiyaba ku filanahay.
-
Jamaal waxaa u fiican inuu buuxiyo booskii halgaamu ka baxay si calani ah inta shir jiraa'id qabto waana nin adag oo kasoo bixi kara hawshaa sidaan filayo. balse caadifad raqiis ah iyo wariye madax bannaan baan ahay waa shaqo fudud gabdhaha ha u daayo wakhti adag baa lagu jiraa. Odweyne saaxiib taariikhda haddii la been abuuri karo mar hore, yaa laydin aqoonsan lahaa. Adeerkaa cigaal allaha u naxariisto khudbadihiisii ugu dambeeyay dhagayso wuxuu si cad u sheegay inuu marti ku ahaa koonfur walgiisba. Guurtidii iyo garcastii meesha fadhidayna waa u sacabiyeen, waxayna go'aansadeen in Airport loogu magac daro. Aduunkana lama sheegin dad wadankoodii ay u dhasheen marti ku noqda snm ka hor nin marti ah wuxuu ka gaysan karo soomaaliya waa yartahay. Meeshu waa afrika ciduna saxan buuxa miiska kuu saari mayso awoowayaasheen geel jir bay ahaayeen,geel caato ah bayna nooga dhinteen intii kasoo hartayna abaar baa laysay. ingiriiskaan aad ku dayanayso iska daa oo waaqiciga wadanka soomaaliyoo dhan yaal hor istaag saaxiib.
-
Mucaaradku waa shay wanaagsan marka dadku caqligoodu si fiican u shaqaynayo waxbuu dhisaa waxba ma dumiyo, waana toosin ay ka faa'iidaan dad hogaanka haya,ayaguna xaq uma leh inay dhibsadaan,saburkeeda iyo dulqaadna waa inay la yimaadaan. Balse mucaaradkii soomaalidu, wuxuu noqday maaweelada caruurta iyo beeshayda maxaa looga tagay iyo gabaygii adeerkay sida laysugu qasay ma aragteen waa bitibiti aan macno lahayn,waxaasoo kale qiimaha mucaaradka bay hoos u dhigaysaa. Farmaajo markii la dooranayay xaqiiqdii waxaan ka aaminsanaa shakhsyan anigoo fiirinaya qaabka beelaysan ee wadanka loo haligay, inuu u dabacsanaan doono beelaha qaar kuna dhici doona jeebka afmiinshaaro qabiil ku gowsa beelay ciridkooduna lafaha jabin karo oo waxba hambaynayn. Qab jabintu waa nooca ugu fiican siyaasadda dhanka federaalka iyo beelaha isla fogaaday labadaba. taasu waa taas Madaxdii asaga ka horaysay waxay iska laaluushi jireen beelaha ay is leeyihiin daaqad bay kugu furi ama dhaqaale ama mansab ama labadaba waa isugu dari jireen si ay jeebkooda xal ugu helaan,mana lahayn aragti fog iyo mid dhow toona. Nimankan cusub way bilaabeen inay dilaaciyaan nabarkii bararka la buskoon waayay, aragtidaydana waa shay aad u wanaagsan in laysku dhaco ama laysku qabsado waraaqo ay ku qoran yihiin sharciga iyo dastuurka lix madaxweyne inaysan wada talin karin cid walbaa way garan kartaa ama beel beel ka fiicanu jirin. Haddaan khalad jirin sax la heli maayo,Aakhirkana waxaa imaan doona, qaanuunkii lagu wada shaqayn lahaa, waana arin faa'iido u keeni karta jiilka ayaga ka dambeeya. Haddiise wax la qurxiyo hoostiisuna nadiif ahayn sodon sanoo kale yaan khiyaali ku jiraynaa iyo dhaantada noo casriyeeya. Waxaa kuusoo haray Snm sideedaba Snm, shayga kaliya oo soomaali kala maqan yihiin waa fanka iyo suugaanta taasina waxay shaqayn kartaa markii nabad iyo kala dambayn ka helo suuqa fanaanintuna furmi karaa. Haka shaqeeyaan mar haddaysan qowl iyo gacan waxba ka gaysan karin inay soo duceeyaan ducada muslinkuna meel banaan kuma dhacdo. waxayna ducaddaasu waajib noqotaa markii aad waxba awoodi waydo sida idinka muuqata, luuqadda carabigana waxaa lagu yiraahdaa (adcaf al-iimaan).
-
Odweyne saaxiib meeshaan iska dhaafsanahay difaac ma'ahan farmaajo qabiil ku difaaci maayo qabiilna iguma filna waayo aragnimo intii igu filan waa usoo joogay. meeshaan iska dhaafsanahay waxaa weeyaan,waa aragtidaada oo dhaafsiisnayn beel iyo abtirsi gala ilaa oodweyne. Tan wadaniga waa qalbiga ama wadnaha meesha ilaahay daalacdo oo cid kale ogaan karta ma jirto Tan fedaraalka dhexe Eedayn qaawan qof qaawan dhar uma xirto. Dhaqaale lama hayo ciidankii midab looma samayn karo waa kala qabiil siyaasiyiintii beeluhu soo xusheen barkood cadawguu la shaqeeyaa,sadaqadii shacabka loogu talo galay "yay"baa dhex fadhida aan arxan lahayn waa shaqo aan sahlanayn saaxiib laakiin ninkii meel iska fadhiya la sahlan. Tan diyaaradaha Beeshaad qaranka noogu sheegayso waa rabaayad cid diyaarad ku dilaysaana ma jirto waayo diidmo iyo mayaba ma taqaan xataa imaaradka waa ku oran waayeen war dekedaan waa qadiim ilaahay nagu irsaaqay, 30 sano, biro haka kor taaginee mid cusub oo casri ah banaankaa ka dhisa haddaad dhaqaale haysaan, hindi yaa loo soo diray xoogsatadii masaakiinta ahaydna banaankaa qorax ku dishay. Tan afweyne Hadday snm daacad u ahaan lahaayeen siyaad barre siday shisheeyaha u jecelyihiin oo kale ma u malayn lahayd inuu diyaarad kor marin lahaa abid? jawaabtu waa maya. Intaan ka aqaanay soomaalida ayaguu ugu jeclaa warayso dadka wax galkaa intooda qaadka iska daysay.