-
Content Count
2,415 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
53
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by gooni
-
Wuu ku saxanyahay in xuduudka soomaaliya cid kasta u furan yahay Balse wuxuu ka booday in xuduudka labada gole cid kasta u furan yahay sidoo kale, oo cid walba ka mid noqon karto Haddii la yiraahdo markii golayaasha la galayo ma burcaad ka timid? kursi soo jiido mushkiladaas yaa imaanaysa iyo ka darran Waxay ahayd ugu yaraan in dhawr su'aalood la waydiiyo intuusan kursi ku yeelan golaha sare Sida maxaad ka aaminsantahay midnimada soomaaliya? Midabada kee ugu jeceshahay? iwm. Haddii uu aaminsanyahay midnimo kursigeediina ku fadhiyo Dpworld ma aaminsan tahay midnimada soomaaliya? Waxa laysku hayaa ma'ahan reerkeenaa loo socdaa iyo faaiido maku jirataa iyo maya. Waxay ahayd inuu ku doodo dpworld hasoo marto sharciga golaha hoose ka dibna kan sare ka dibna madaxweynaha Faa'iida ku jirtana sharaxo una doodo gobolkuu kasoo jeeday si uusan ugu ekaan basaas mushaar loogu daray? Haddii dpworld ay snm heshiis la gasho puntland iyo jubbaland sidoo kale lagana talo gelin golayaashii sharciga ee dhexe, maxay tahay sababtay kursiga golaha sare iyo kan hoose ugu fsdhiyaan? Reer caqli badan baan kasoo jeedaa iyo faan unbuu golaha la hor istaagay xigmad iyo aqoon meesha la imaan.
-
Reer awdal waa dad aqoonta jecel waxayna ka dhigtay aqoontu, gobolka ugu amaanka iyo maskaxda fiyoow, marka laysku daro geyigii soomaaliya la oran jiray. Allaha u xafido,kuwii ku shukriyana ka dhigo. labo jeer yaan daawaday dadka fikradooda waa dad isku kalsoon markay fikradooda dhiibanayaan iskuma dhex yaacsana sida wiilasha snm madax dhaqday. Dadka musumaasuqa jecel waxay ku maah maahmaan farihii subkan yaa wax duuga. Xisaabta kuma ay darsan waxa ka imanaya iyo caawaaqibka u leeyahay heshiiskaa indho la'aantaa. Taa badelkeeda si ay godka ugusii dhacaan waxay barlamaankoodii ku guubaabiyeen waar "ragg" baynu is haynaaye, beeshu ha yara istaagto oo gacmaha kor u taaga, aqlibiyadna ku ansixiya heshiiska. Boqolkiiba sodon qaadkeena maku filanyahay 30 sano, xataa kama doodin,iska daa shaqo abuur laga helee Waa runtiis ninkaa dhalinyaradaa oo garashada dheer, maxamed amiin allaha u naxariisto, aamin buu ahaa hantida dalkiisana cid kale bilaash kuma cuni karin. Balse horaa loo yiri Meeshii libaax ku geeriyoodo, aakhirka dawacaa ku ciyaarta.
-
Waxaan qiyaasi waayay da'daada saxiib mar waxaan is iraahdaa waa innan yar sida ducaale, allaha noo daayo. Marna waxaan is iraaahdaa waa oday isku dhex yaacay waxba hakasoo qaadin hadalkiisa. Ictidaarka iyo raali gelinta wixii soomaaliya ka dhacay waxaa laga rabaa snm farmaajo iyo khayre lagama rabo, wada hadalka ka horna waa inay shir jaraa'id qabtaan ayagoo qushuucsan waa caqli saliim ah. Sababtuna waxay tahay labadaas nin ma matalaan dawladdii siyaad barre sodon sano ka hor alle oofsaday Snm weli way joogtaa ayadoo meel walba la taaggan siyaad barre hanagala qabto dhib faro badan buu nugu hayaa runtiina waa wax aan la fahmi karin. Guusha aad ku faanayso waan kawada qayb galnay anagoo u haysanay inaad doonayso bedelidda nadaamkii aad saluugtay sidda kuwii kaa horeeyay oo kale ee gobolada bari. Waligaa ma maqashay snm oo saxaafadda la hadashay berigii dagaaladu socdeen oo ku andacoonaysa inay u dagaalamayaan madax-banaani? ...maya, meelna laguma hayo,waana tan keentay inay usc reer ss oo dhan kula tacaatufaan ayagoon fahamsanayn ajandaha snm oo shisheeyuhu sameeyay. Ugu dambayntii ku daalin maayo haddaad taariikhda sagaashankii la kowsatay ama aad akhrisay buugga beenta ku buuxdo oo caruurteena lagu marin habaabinayo Dawlad kasta markii la baabi'nayo lama dumiyo dalkoo dhan dhamaantiis ama goboladoo dhan,waxaa la sameeyaa meel nabad ah oo ay ku nastaan dadka shaqada loo xil saaray inta hawl-galku socdo hargaysaana nasiib u heshay. Qabuuraha isaga kor taga oo qaata qaybta idinkaga aadan masuuliyadda dalka iyo dadkaba yeelina maysaan inta lacagu idiin muuqato balse damiirka ha wada dilina wax un hambeeya waatii horay loo yiri madax muuqda iyo minddi aan wax goyn midna lagama samro.
-
Ducaale Beel nacayb uma hayo,saaxiib waa nadaamka ku geliyay inaan is necebnahay waxaan ka hadlayo Somaalidu waxay ku maahmaahdaa been fakatay run ma gaarto dadka waxaa la geliyay inuu siyaad barre bahal ahaa waana tan keenaysa in xididka beentu isla markiiba damqanayo markii lasoo hadal qaado magiciisa...ka gudub isku day inaad ka jawaabto su'aalaha kor ku xusan,adigoo ka fogaanaya jawaabo horay ii qancin waayay oo oranayay shacabkaa isku duuban qofkii guri kiraysta horaa laga sheegayaa oo la xidhayaa iyo bitibiti badan. Sababtaan ugu qanci waayayna waxay tahay kuwo ku dhashay hargaysa oo guri kiraa degenayn yaa koonfur isku qarxiyay maxay tahay sababtu? sadaqada iyo jihaadku xaggee laga bilaabaa?
-
Haddaad wax eryan karto dan wayn baa noogu jiri lahayd, berberana looma baqneen saaxiib Meelo badan ood gar iiga leedahay baa jirta sida arinta khaatumo. Waa arrimaha ay ka gaabisay dawladda dhexe ayagoon fiirin khatarta ka imaan karta maamuladaan suuq-gaynta calamada u samaystay. Waxay ahayd inay dhufays siyaasadeed ka ag qotaan mar hore si aysan hogaan days u noqon sida snm. Siyaad barre allaha u naxariistee wuu noo sheegay mar hore ajandaha snm balse soomaalidu boqol sano wax kuma fahamto Tusaale Cid garan kartaa ma jirtaa farqiga u dhaxeeya maamulka snm iyo somaalida inteeda kale? Snm meelaha ay ka taliso nabad galyo fiican baa ka jirta marka la barbar dhigo gobalada kale. Sababtu waa maxay? Miyay ka caqli iyo xigmad badan yihiin wallaalahood koonfurta iyo gobolada kaleba? Miyay ka ciiddan iyo nabad sugid fiican yihiin? Maxaa buurahooda shinbiro iyo duur joog kaliya looga helaa una diiday in lagu dhuunto? ma dayax gacmeed gaara baa ilaaliya? Xag-jirku wuuna kasoo aflaxaa wuxuuna u arkaa inay shareecadda islaamka wax ku xukumaan,oo jihaad ku waajibin, halka ay gobolada kale xasuuqaan, una arkaan gaalo kalkaal shareecada daba marsan, maxay tahay sababtu? Su'aalahan oodweyne kama jawaabi karo aragtidayda inuu faqash ku meeraysto mooyee Aan ku hor maro aragtidayda Marka laysku soo xooriyo waa meel la ilaashado si ay u noqoto suuqa horimarinta maal gashiga caalamiga ah iyo kala iibsiga soomaliyoo dhan. Waana arintii uu aabe siyaad ka digay tobonaan sano ka hor, buugana waxaan ku qornay yaan magiciisa lasoo qaadin si aynaan u xusuusan dhismihii warshadihii iyo wada jirkii uu umadda la jeclaa shantooda geesba. Fiiro gaar ah Waa horumarkeena inay gobolada waqooyi ku noolaadaan nabad galyo horumar barwaaqo iyo isdihaar balse ay iska ilaaliyaan ajandaha ay ka been sheegeen snm.
-
Khaatumo waa masdarkii xoriyadda waana la dayacay runtii,haddii la tageeri lahaa maamukoodana, Snm ma hawaysateen inay dhul soomaaliyeed xaqul qallin ku iibiso Kurdiduba ayagoo qalabkii reer galbeedka wata bay barqo ka carrareen kerkuk Runtii waxay noqon karaan carro tuur fiican oo aminigga qowmiyadoo dhan ku filan, si ay uga hortagaan damacaas carabtu hoosaasinayso oo la doonayo in itoobiya looga dhigo shaydaankii reerka hadhuudhka karsanaya xabadda ama midhka ku dhex darsaday, hadhow markay bislaatayna ku dooday in midhkiisii dhalay barakaddaa badan.
-
"Rag" la doodku cay iyo cunsiriyad ma'ahan walaalayaal Waxa laga hadlayo waa berbara somalia. Qof kasta xaq buu u leeyahay inuu ra'yigiisa ka dhiibto dalkiisa iyo heshiiskaas foosha xun. Marka ugu horaysa muslinku ma ogola cunsiriyadda iyo kala saraynta. Cirbad afkeed oo kibir ah hadduu qalbigaaga galo jano arki maysid, waa inaad ahaataa tawaaduc qof kasta la simman mid qadaad wayn iyo mid qadaad dheer, mid gudhuu ah iyo mid khaldaana. intaasu waa talo aan siinayo labada oday iyo walaashood. usoo noqo mowduuca Inta badan waxaad kusoo celcelisaan in itoobiya koonfurta haysato. Itoobiya koonfurta dadbaa uga dhinta ayadoo eeganaysa maslaxadeeda. Hargaysana dad baa ugu dhasha ayadoo isticmaalaysa maskaxdeeda, maangaab badana riyo beena uga qoslisa. itoobiya haddii ay shillin geliso dekadda berbara iyo jidka u dhaxeeya wajaale ilaa berbara Snm kama lug bixi doonto waxaana dib loosoo uririn karfantii lagu aasi lahaa. Ciiddan qarran baa noo jooga iyo diyaaradaan kasoo daadanaa waa sheeko xariir. Soomaalidu waa jufooyin is dhalay oo istaqaan oo hadana jamhuuriyado sheegta, waana waajib kuligeen na saaran in laga hortago intaan maradu dabka qabsan Khayre waa nin culus oo caqligiisu joogo waxaana u malaynayaa inuusan qayilin. Ninkaan hadlaya oo matalaya dhalinyarada waqooyiga ku nool wuxuu ka tarjumayaa dhamaan wax garadkoo dhan meel kasta ha joogee, allaha xafido.
- 54 replies
-
- UAE
- Somaliland
-
(and 1 more)
Tagged with:
-
Wax la inkiri karo ma'ahan in somaliya calan qudha ku matasho umadaha isu tagay. Waana xaq sharciya inay ilaashato jiritaanka dalkeeda, iyo dadkeedaba Aduunku wuu ogyahay in somaliya noqotay dawlad fashilantay oo soo kabanaysa Sodon sano "tummin" timira laguma badalan karo, wixii khalad ah oo ka yimaadana waxaa ka masuula imaaraadka oo qaanuunkii gees maray Itoobiya way doonaysaa umad ay qaadiro ku dishay oo iska baylahan. Shacabka soomaaliyeed ee waqooyiga dega, saari maayaan khaladkii yimaada Snm, tan koowaad iyo ilaa tobnaad waxa eedda iska leh federaalka dhexe. Waa xad gudub iyo xaqirraad lagula kacay umadda soomaaliyeed dhamaantood, golohooda shacabka iyo dawladoodaba, xataa haddii faa'iido ku jirto daaqad khaldan bay kasoo galeen.
- 54 replies
-
- UAE
- Somaliland
-
(and 1 more)
Tagged with:
-
Odweyne Waxaad fahmi wayday labo arimood mid ma'dan akhrin,midda kalena weligaa fahmi maysid. Tan aadan akhrin waa tan dadka wax idinka dhexeeyaan Reer garoowe waxba idinkaba dhexeeyaan qaabka degaanka, dagaal iyo nabadba waxay ka go'daa reer SSC intaas faham Tan labaad oo weligaa fahmayn waa farmaajo,waxba idinkaba dhexeeyaan asaga iyo reerkiisaba taasna faham. Waxa wax idinka dhexeeyaan waa dastuurkii lixdankii aad koonfurta la tagteen oo weli sidiisii ah waxaana ku qoran inay soomaaliya mid tahay. Intaa markaad fahamto wax weyn baa kuu kala baxaya saaxiib.
- 24 replies
-
- Somaliland
- Puntland
-
(and 1 more)
Tagged with:
-
Heshiiska waxaa saxiixay gudoomiyaha shirkadda Dpworld iyo wasiirka arimaha dibadda snm waana shaqo aan is lahayn ama murugsan. Qaab ahaan aragtidayda imaaraadku wuxuu ku duulayo waa shirkado ma'ahan hogaankooda sare sabab keentayba. Dhanka siyaasadda dawladda UAE dagaalka yaman waxay ku sheegeen inay ku difaacayaan dawladda sharciga ee abdo robo mansuur haadi. Soomaiyana waxay daciifinayaan ama duminayaan awoodda dawladdii dhaxe ayagoo ku xumaynaya turkiga shaxda dadna hoosbuu ka dagaa sida turkiga qaarna kor sida carabta, kor joogtduna kan hor dega bay inta badan raacaan. Tan khayre Waa loo baahnaa inuu shir jaraa'id qabto sababtoo ah aamusnaanta iyo booqashadiisa kulmay shaki bay abuuri lahayd si uusan u noqon khaa'inu wadan. Maal-gashiga waxaa lagasoo galaa irridda hore, burcad-badeedkana waxaa lagasoo galaa daaqadda ama dariidhadda. Mowduucaan meesha kaliya oo qosol kasoo galo waa maangaabnimadda snm waxayna u egyihiin gabadhii boqolka laga bixiyay oo lugta sagaarada dheemanka ku bixisay.
- 54 replies
-
- 2
-
- UAE
- Somaliland
-
(and 1 more)
Tagged with:
-
Saxiib dooduhu inta badan ayadoon laysu soo dhawaan bay dhamadaan waxayna ka mid tahay xal la'aanta iyo arigtada gaaban oo aqoonyahan iyo caamaba laysla hor fadhiyo Adiga shakhsiyan waxaa kuugu wacan khibrad la'aanta kaa haysa habka maamulada somaaliya ku dhisan yihiin dhamaantood, uma dhawa dimuquraadiyad,qof iyo cod, dhaxanta iyo taagnida yaa ilaahay shacabkaas la maagay mooyee sanduuqa waxaa ku qoran jufadii madaxweynaha aad dooran lahayd, waana tan reer oodweyne ka dhigtay dad la dulmay. Tan farmaajo koonfurta shaqo badan baa taal saaxiib fuusto buuxda nin kaliya bacaad kuma riixi karo. Wada hadal snm iyo see u kala go'naa shaqo nin wayn ma'ahan hadal wanaagsanna wuu u sheegay oo aan xanaf keenayn ilaa marada geedka ilaahay uga fujinayo. Shacabka waqooyi dhamaantiis wax yar mooyee wuxuu rimanyahay midnimo cid kale ka waraysan maayo saaxiib, balse mataano meel qodax leh laguma dhali karo sidaad adiguba sheegtay. Snm way ogyihiin inay miino ku fadhiyaan waxayni la kici markay koonfurtu hagaagto, taa macnaheedu ma'ahan dagaal, shacabku waa is rabaa mana kala maarmo waa siday iigu qalbi warameen xukun milatarina sagaashankii yaa ugu dambaysay way la socdaan inuusan soo noqonayn. Tan reer garoowe iyo dagaalka aad ka dalbatay, xinyahooda ma tusi karaan reer sool waxa hor taagan waa dadkii dhulka lahaa ayagaana taladu ka go'daa hadday snm lasii joogayaan inta gugu curanayo iyo haddii kaleba Reer burco iyo hargaysa waxba kama dhexeeyaan, waligoodna dagaalka ma jeclayn, xanta hoose siyaasaddiina wuu ku fashilmay hogaankoodu. Suldaan Buuhoodle kamasoo wareegin iyo dhanka itoobiya socdaalkaygu wuxuu ka bilawday ceelkii "waadaamo goo" oo adeerkaa deganaa, waxaan u malaynayaa inay buuhoodle ii jirtay 20 illaa sodan dhanka qorax u dhaca haddaanan qurbaha ku dayoobin, mana tagin. Laascaanood waan tagay waa dal wanaag badan ka muuqday allaha u siyaadiyo labada dhinacba ganacsi fiican ku leh Ragga culus oo saxaafaddu taqaano anigu kuma jiro saaxiib, meelna kama gabado, dabaqadda hoose iyo tan dhexe labadaba gacantaan saxanka la gashadaa, kuwa sarana waligay lama cashayn mana jecli dhaqamadooda.
- 24 replies
-
- 1
-
- Somaliland
- Puntland
-
(and 1 more)
Tagged with:
-
Oodwaynow Hadalkaagu wuxuu u badan yahay fadhi ku dirir, waaqacana waad ka fogtahay Qabiil dagaal si toos ah u wadi kara 2saac ma joogo soomaaliya oo dhan,niyad ahaan iyo dhaqaale ahaanba. waxaan aad qaranka ku sheegayso waa qabiil, iska daa gaalkacyee, reer miyiga ku dagaalama ceel-afweyn makala celin karaan,sababtoo ah ayagoo tuutaha snm labisan bay dakano u keeni beeshooda. Waa wax laysku dhoodhoobay qaran soomaaliya kama jiro saxiib xaqiiqdu waa taas biyo kuma dhibcaankaa. Puntland fursadeedu waxay ahayd abo, sadex ma'ahayn aragtidayda Kow inay markeeda horaba la yimaadaa nidaam beelohoo dhan ku midaysanhihiin Ssc iyo laasqoray caluula iyo beel kastaba, lagana dhigin beelo boqortooyada un ilaaliya, Sharci tiir adag iyo dastuur adagna samayso, maysan yeelin, ilaa iyo hadana hogaanku waa meerto ilmo sulaymaan ku kooban. Runtii waa niman ladan oo qabow intooda maamulka iyo leefkaba haysata, dagaalkana ma jecla siday ii sheegeen qaarkood. fursadda labaad waxay ahayd inay aqoonsadaan khaatumo, oo ka dhul iyo gobolo badan gal-mudug. Taasna maysan yeelin, taa badelkeeda waxay xoogga saareen inuusan maamul kale u dhaxayn ayaga iyo snm. Arintaasu waxay keentay, colaad siyaasadeed xiddido fog oo dhex marta sool iyo garoowe, rag badan oo ku mayal adkaa soomaali weyna daciifisay. Intaasu waa xogta dhabtaa saaxiib saxan badhan oo lagugu sooray saxaafadda ha ugu yeerin. Tan cuqdada shacabka waqooyi galbeed cuqdad ma qabaan waan kugu raacsanahay mushkiladdu waa nadaamka oo markay baryo joogaanba sheeko cusub keena hadday waayaan waxay sheegaana, qabuuraha lafo u doona. Nalka wayn yuusan koranto badan kaa dhamayn saaxiib, aakhirka way hagaagi, waxaadna ogaataa soomaaliyoo dhan dad kale yaa u fekera, ayaga fekerkoodu ma dhaafo beesheena qarran ma la moodaa?!! Hadday kala goyn lahaayeen iyo hadday isku meel ku masruufi lahaayeenba kubaddu beesha caalamka bay hortaalaa goolhaye la'aan. Suldaan Odaygu waa oodweynoo kale dagaalka afku waa ka jiraa meel walba, cumaamaddu hadday dhulka ku dhacdo waa laga jaftaa, waagay qiimaha lahayd waa lagasoo gudbay.
- 24 replies
-
- 1
-
- Somaliland
- Puntland
-
(and 1 more)
Tagged with:
-
Odweyne Mowduuca tuka-raq mmed siyaad ha isku qasin, waa laba wakhti oo aad ukala fog, xaqiiqdana lagama fogaado ilaa xad,ragg iska celintu yaysan kula durkin. Miyaad igu diidantahay in cid xoog lagu xukumi karaa aysan ku noolayn somaaliya? Xuduudka snm doonayso waa xuduud qabiileed awoodna uma laha inay xoog ku maamusho, waliba beel ka dhul iyo dad badan, miyaad igu diidantahay taasna? Ssc waxa iyo w/galbeed waxa ka dhaxeeya waa dhaqan iyo dhaqaale, puntland'na waxa ka dhaxeeya waa "isir" iyo dhalasho hab qabiileedka soomaalidu u dhaqanto,taasu ma wax qarsoonbaa? Wax adag ma'ahan inaad fahmi waydo faasku afkuu wax ku gooyo, geed saas u adag meesha kuma yaalo. Puntland way ogtahiin cidda dagaalku dhexmarayo, hadday ku duusho tuka-raq, macno badan kuma jirto inaad heesta qarranka ku luuqayso aqoonsi aan la ogayn cidda laga sugayana dad badan oo soomaaliyeed ku madhaan. Tan ugu dambaysa waxaan ku diidayo snm ma'ahan dad ay iga dileen, ama dawladdii aniga ii gaarka ahayd sidaad hadalka u dhigtay oo ay hanaqa goysay, ee waa cuqdada aan dhamaadka lahayn oo ay ku beerayso jiilka quruxda badan ee waqooyi galbeed ku nool,una dhigayso taariikh beena oo wax baddan lagu daray aadna loo foolxumeeyay. Waligaa ma aragtay oday 70 jir ah oo leh waxaan ka mid ahaa dhalinyaradii iskuulka dhexe, ee dhagaxtuurkii hargaysa? Taariikhda snm, marqaan badan baa ka buuxa saaxiib, dadkuna aad uma foga runtii marka laga reebo qolyaha bidixda fog ee ingiriiska ku nool.
- 24 replies
-
- Somaliland
- Puntland
-
(and 1 more)
Tagged with:
-
Puntland na haboona inay xuduudka snm aqoonsato, kuna dagaalanto, sababtoo ah waa beel kaliya khasaaruhu, ciiddan gabilay ka yimid ma joogo tuka-raq. snm waxay adeegsanayso awood military ma'ahan waa dhaqan iyo dhaqaale taa badelkeedana waxay ku heleen in marada cagaaran tuulooyin geeyaan. Aragtidayda puntland ku aaddan, mar haddii fursadihii hore dayacmeen looma baahna inay dhaawac aysan kala garanayn dawayso wakhtiga la joogo.
- 24 replies
-
- 1
-
- Somaliland
- Puntland
-
(and 1 more)
Tagged with:
-
Waa gartay Waa waydiiyay su'aashaas saaxiib waliba dad macquula, oo xil kas ah sidan u waydiiyay baan kuu sheegi, ama qaabkaan u maskax baartay Ma oran halgankiinu baadil buu ahaa xaqna ma ahayn. Waxaan ku iri, ilaahay aqoonsigiina hasoo dedejiyo si aan u kala jihaysano oo labo dawladood oo darisnimo iyo walaalaaltinimo ka dhaxayso aan u noqono Aamiin imay oran saaxiib. Waxay ku badeleen ducadaydii in ilaahay na siiyo xukuumad caadila oo ilaahay ka baqda oo cid danbe dulmin waa xaqiiq warkaan kuu sheegayo. Tan farmaajo way ogyihiin inay shaqadu ku badantahay wada hadal iyo aan kala go'no Snm usku waafaqayn. Tan ugu dambaysa hogaamiyaha snm madax waynaha u dooratay iminka soo ma ogid qudhiisu inuu canshuurtii danyarta laga qaaday wax kusoo bartay sida adeerkaa ilaa gaashaanle sare? Waligaa ma maqashay Nin geel jiraa oo waxba soo baran oo mujaahida ama snm magac ku leh? ...waa maya ma jiro, Dadka taalada loo sameeyay iyo kuwa iminka hogaanka hayaba waa khaa'inul wadan wayna is ogyihiin kaagama baahna difaac Afkooda ha fiirin indhahooda eeg. Shacabku waa caaqiliin gob ah runtii markaad la sheekaysato balse waxaa maqan raggii wax dhaqaajin lahaa inaysan wali dhallana waan u badiyay.!
-
Oodweyne Saaxiib adeeradaa alaha u naxariisto waxay ku dhinteen dagaal sokeeye. Sokeeye ma'ahan reer odweyne iyo galbeedka burco kaliya waa intaad dal, diin iyo jinsiyad wadaagtaan. Haddaad mujaahid aduunka ugu yeerto kama warqabtid waxay aakhiro ku sugan yihiin allaha fududeeyo xisaabta una naxariisto. Caqligii shalay kaa xumaaday maantaa la saxaa, balse wali waxaad ku doodaysaa inaad xuduud beena dhiig ku daadiso dadkii ku dhintana mujaahidiin ugu yeerto, sidii kuwii ka horeeyay. Xaggee lagu arkay nin dagaal sokeeye ku dhintay oo taalo loo dhiso? Dawladdii dhexe ee soomaaliya ingiriis ma ahayn adeer waxay ka koobnayd soomaali oo dhan, idigaana qiray taas, adeeradaa ruushkaa lagusoo taba-baray aakhirkiina qarankooday khiyaameen kala tag bay mustaqbal uga dhigeen caruurtooda. London iyo hargaysa ma'adan dhaafin sidan filayo, xaqiiqda somaaliya ka jirta iyo qurba joogta quraafaadkooda farqi wayn baa u dhaxeeya runtii, waxaadna ogaan lahayd markaad dhex gasho dad aan ciduna kaaga turjumayn. Reer miyi burco agteeda deggan waan la seexday meel aan nal lahayn, miisna oolin, waxayna ahayd taariikh aan waa hore iloobay, adigana waxaan kugula talin lahaa inaad baydhabo tagto habeeno ku dhaxdo, dhulkana ku safarto, si'cudurka aqoonsigu maskaxda ku reebo aad uga nabad gasho. Tuka-raqdan laguu sheegayo waa geedo la waabay dadkii lahaa yaa deggan caqli xidid qudha ka nool yahay ma ogola in dhalin yaro soomaaliyeed lagu laayo wahmi lagu khaatumo seego. Moge Ninyahow dan adag yaa hargaysa iga gashay dalka soomaaliyoo dhan waa isu furan yahay shacabkaana xukuma cid baasaboor fiise kuugu dhufanaysa ma jirto. Waa qurba joogta waxa xudduudka maskaxdooda ka samaystay, burtinle caano iyo nabad baa taalay allaha u siyaadiyo, ilaa hiiraan iga warayso socdaal qurux badan buu ii ahaa.
-
Odweyne saaxiib marka ugu horaysa waxaan kaa salaamayaa hargaysa dhulkaad u taqaan somaliland. Qofka fikirkiisa ka jawaab, badel dhaqanka aad qabiilka ugu jawaabto, waayo qof aqoon iska daaye caqli leh kuma hadlo waxaad malmaluuqday Halkan hargaysa waxaan joogaa hudheel ama albeergo hadba taad u taqaanid, hablaha iyo wiilasha ka shaqeeya waa soomaali u badan degaanka aad kasoo jeedo, waana wax lagu farxo ma'ahan in laysku caayo guryahana waa sidoo kale Hab dhaqanka aqoonyahanku hadduu noqdo inuu qabiil ku faano ama shaqooyinka hoose ceeb ka dhigo waxaa lumaya qowmiyadda asaaskeeda waana tan keenaysa in loo baahdo qowmiyade kale inay noo shaqeeyaan lagana maarmi waayo,sababtoo ah adigaa ceeb laysku caayo ka dhigay iyo wixii kala mida Usoo noqo mowduucaan waa masuul fikirkiisu hooseeyo sidaadoo kale markuu qoonsaday qof kale aragtidiis kuna xiray(xidhay).
-
Arintan waa serious markii loo fiiriyo dalalka xorta ah dad iyo dalba gudoomiye libaax. Somaaliya waxay u joogtaa magac ahaan dal ahaan iyo dad ahaan uma joogto. Dalka xuduudkiisu wuu u furanyahay cid kasta marka laga reebo duur-joogta oo dalalkoodu ilaashadaan. Dadkuna waa qaar musaafura oo sugaya bad-furanka liibiya iyo yaman dhiiri galiyahoduna waa kuwii horay u tagay, oo markay nagusoo noqdaan,noo sheega inaysan fasax dheer wadan soona gaabinayaan waliba duqsiga dartiis. Dalku wuu hadlaa waxaa kaliya oo afgarta dadka caqligoodu joogo ama caqligiidu dhan yahay. wuu nala hadlay in badan wuxuu nagu yiri iska daaya qabiilaysiga iyo gooba-goobaysiga maslaxadiina guud way lumaysaa. wuxuu kaloo nagu yiri dhirta hayga jarina si aan nabaad guur iigu dhicin, wuxuu kaloo nagu yiri dal kale hayga jeclaanina ee ila jooga u samra daruufaha wakhtigu keeno. Hadda ama iminka ka joogo wuxuu na leeyahay jeenanka haylagu qabto. Sida muuqata looma-soo jeedo ayadoon la xallin khilaafka xuduud goboleedyada u dhaxeeya marka hore taasoo loo sababeeyay dastuurka qabyadaa. Aragtidayda dhulkaasu, wuxuu ka tirsan-yahay jamhuuriyadda jubba-land oo xiriir dhaw la leh dalka keenya oo abaal wayna u gashay markii la qaxay, dhagax gabaru tuurtay waxba laguma difaaci karo, maxkamaddaha reer galbeedka ha loo dacwoodo mar kale bal in dib loo dhigo dhisidda darbiga.
-
Snm, Gobolada SSC gebi ahaan dhulkooda iyo dadkoodaba hadday taliskooda ka mid noqdaan ayagaa "aqaliya"noqonaya aakhirka. Oromadaana uga sokaysa,markaan hoos isugu noqono soomaali ahaan taasu waa xaqiiq. Waxa kaliya oo riwaayadda lagu wadi karaa in la qayilsiiyo intii kusoo fishalanta hogaanka beeshooda ama meel ka wayda federaalka dhexe. Waxaan kula talin lahaa snm arinta yaysan kaftan la dhaafsiin.
-
Qaabka dawlad dhiska soomaaliya waxaa lagu saleeyay qabiil ama 4.5 waa in la fahmaa meesha kursigu ka jaban yahay. Ha lagu saleeyee waxaa marti looga dhigay dawladnimadii beel ka mida afarta beelood oo muqdisho ku abtirsaday Waxay doonayaana waa madaxweyne remote control ah oo gacantooda ku jira waana usoo joognay codkarnimadii nuur cadde c/lahi yuusuf ku cayrshay. Ha kala saarin waraabe kan qosla,kan aamusan waa ka fiican yahay. Taasu waa dimuquraadiyadda soomaaliya oo aad wahmiga ama dhalanteedka uga hadlaysaan dhamaantiin. waxaa soo raaca walaalaheen reer afmadow dhiibistii qalbi dhagax wax wayn bay qalbigooda u dhintay runtii siday hoos noogu sheegeen. Waxayna ku kaliftay inay walaalahood reer gurceel gadaashoda ka yiraahdaan waa runtood Wali lama hayo nin codkar ah sida xidig iyo shekh axmed iyo kuwo kaloo badan, oo si toos ah uga dalbada dawladda farmaajo dulumkii lagu dhiibay walaalkeen qalbi dhagac. Sababta ku kaliftay inay afuufaan dab rag kale shitay maxay tahay marka? Jawaabtu waa sahal, kuma dhacaan inay itoobiya si toos ah iyo si dadbanba wax uga sheegaan waayo qoysas kale yaa u degan jigjiga horumarkeeduna waa horumarkooda. Puntland Beelkastaa way jeceshahay inay aragto wiilkoodoo masuula oo saxaafadda hortaagan xataa hadduusan wax macno leh sheegayn wax ayaga keligood u gaara ma'ahan waa ka wada simanahay. Tan carabta Carabtu dhul maysan maalgashan. Waxay maal gashadeen dadka siyaasiyiinta noo ah intaysan lacagta bixin ka hor,waa in dhiig daataa si ay u ogaadaan inaan daacad u nahay iyo in kale. Allahu mustacaan.
-
Holac twiter'ka biigga lagasoo xigto, waxba kama badalayo waaqaca jira. Mucaaradku xad buu leeyahay. Cabdi shakuur xassan nasrallah ma'ahan dawladna dawlad kale laguma dhex samayn karo meeshu waa soomaaliya. Tan dadka u shaqeeya dawladda una adeega shisheeye waad ku saxan tahay Dalka waxa xukuma waa wada shisheeye sharci dejin ilaa sharci fuliye waana arrin aad u khaldan in qof dhalasho shisheeye wata uu madax iyo xataa muwaadinba ka noqdo dalka ilaa uu ka tanaasule dhalashada ajnabiga. Tan fahad yasiin somalidu waxay tiraahdaa galayr ama (galaydh) markuu gorray dhirbaaxay wax baal leh ma dayn, axmed islaam baa ku xiga haddaan mooshin degdega la helin.
-
Snm siday gawaaridii xaglo toosiye ugu shakiyeen bay dhamaantood uga shakisan yihiin. Hudheelkaa ka qadee inuu soomaali diid dadkiisa uga iibiyo runtii waa sharaf dhac waliba ku duulo asagoo gaariga gadaal ka saaran.
-
Galbeedi Raali galin iyo madaxa ha laga dhunkado dhibkay sii kordhinaysaa, Dagaal sokeeye wali wuu socdaa ma dhamaan, haddaadan xabad u dhiman shuban biyood iyo qarax baa ku dili. Nimaankan mucaaradka sheeganaya waa hogaamiye kooxoodyadii oo isu haysta inay xasaaniyad ay dalka iyo dadka ku afduubtaan haystaan waana mushkiladda keentay in horay loo dhaqaaqi waayo iyo isbaaro aan dhamaan. Boogtu hadday buskoon waydo qolof beena yaa saaran, waana in laga qaadaa si hawo fiican ay u hesho,haddii kale goyn bay tagi iyo meel fog. Farmaajo iyo khayre waa laba shakhsi, duminta waxa dhisan iyo diidmadooda shakhsi ahaaneed waa kala laba,nimankan waxay iibinayaan waa dulmi iyo nifaaq.
-
yuunis Sidoo kale waa ku salamay Turkiga muqdisho waxaan ka aamisanahay shakhsiyan inay aad uga duwan tahay tan carabta. Turkigu wuxuu yimid muqdisho ayadoo nalku ka dansanyahay oo mugdi ah ma'uusan isticmaalin qallinka jeebka kore ugu jira hogaamiye daciif ah. Nalkii wuu shiday wixii xaabo ahaa oo horyaalay wuu nadiifiyay asagoo isticmaalaya jeebkiisa wixii ugasoo noqda dhaqaalihii ka baxay waa wuxuu xaq u leeyahay adba turkiga makhaayad waad ka furan kartaa adoon cidina kafiil kaa ahayn sida carabta. Markaad isku filaato waa sahal inaad kala wareegtaan Tan carabta dekadda waxaa dhisay talyani, wakhti iyo dhaqaale nalama waydiisan waana lagu liibaanay soomaaliyoo dhan Carabtu waxay maal-gashanayaan waa isla ayadii Intaan qalabkay ku dayactiri lahaayeen soo gaarin waxay kor u qaadeen canshuurtii ayagoo sheegaya inay heshiis sodon sanaa haystaan maalinkii loo qabtay inuu bilowdana la gaaray Arinta boobka u ekaatay halkaasay ka timid waana isha kaliya oo wax lagu arko Deked cusub way dhisi karaan waa wadanka afaraad oo ugu dhaqaale badan dalalka muslinka ah balse ujeedkoodu waa lugta meel ii gali inta yar ee ka baxdayna waa inaad bixisaa markay koofiyadda shirkadooda kuu xiraan sida reer berbera oo kale. Marka lasoo xooriyo warka Dr'kaan indhaha qurxoon asagaa looga fadhiyaa waxa heshiisku yahay. Waxaan anagaa leh, waxaana ayagaa leh, aakhirka fas'iidadu waa noo haraysaa,intaanu waa lafihii intaana waa wixii baxay. Reer barigu waa wada ganacsato adeer shaqo kale ma yaqaaniin waa qeexid iyo qancin kaliya si horumarku usii socdo. Cheelle waa ku salamay saxiib.